Fiirso Sawirada: Ilaahey Amarkii Ilmo kor labo qof ka ah, Hoosna Hal Qof

0
Friday April 29, 2016 - 09:12:40 in Wararka by
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fiirso Sawirada: Ilaahey Amarkii Ilmo kor labo qof ka ah, Hoosna Hal Qof

    Dhacdooyinka la yaabka leh ee dunida soo mara aad ayay u badan yihiin, waxaana ka mid ah arrintani aan iminka idin soo bandhigeyno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdooyinka la yaabka leh ee dunida soo mara aad ayay u badan yihiin, waxaana ka mid ah arrintani aan iminka idin soo bandhigeyno.

Pin iyo Pan waa labo gabdhood oo u dhashay dalka Thailand, kuwaasi oo ku dhashay iyagoo leh labo madax, gacmo, saabley, balse wadaaga isku lugo.

Gabdhahaasi oo haatan 7 jir ah waxay Waalidkooda ku nool yihiin Degmadda Nakhon Sawan oo ku-dhawaad 250-KM dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalka Thailand ee Bankok.

Waalidkooda waxay Ubadkooda ku tilmaameen carruur caadi oo faraxsan.

yaabka1

Gabdhahan waxay barteen qaabka loo socdo, lo olabisto, wax loo cuno, loo raaco Baaskiil 3 shaag leh (tricyle).

Waxay jecel yihiin inay heesaan, cunaan Jalaatada, inay iska caawiyaan labiska iyo inay is-foorjeeyaan ama si qosol leh u wada kaftamaan.

Pin iyo Pan waxay barteen qaabka gacmaha loogu socdo, waxay kori karaan Jaranjaradda iyadoo aan la taageerin.

Hooyadda dhashay carruurtaasi oo lagu magacaabo Noknoi Pongchumnan waxay sheegtay inay argagaxday markay dhashay carruurtaas, oo aysan filaynin inay ilmaheeda isku dhegan yihiin.

Aabaha dhalay Mataanahan o olagu magacaabo Sanay Rompoyen ayaa sheegay inay Xaaskiisa iyadoo ooynaysa ka soo laabatay Isbitaalka.

Mataanayaasha isku dhegan ee Pin iyo Pan waxaa la sheegay inay kala dooq yihiin, isla markaana ay kala dalbadaan cuntada ay cunayaan, dharka loo xirayo iyo qaabka Timaha loogu feedhayo.

Inkastoo ay suurtogal tahay in la waaxiyo, haddana labada mataanaha waxay sheegeen inaysan marnaba doonaynin in lagu waaxeeyo.

Dhakhaatiirta ayaa rumeysan in carruurta isku dhegan laga helo hal mar marka ay 2.5 million oo carruur dhashaan.

Dhakhaatiirta waxay sheegeen inay suurtogal tahay in laga waaxeeyo Mataanahaasi, balse labada gadbhooda waxay sheegeen inay doonayaan inay weligooda sidaas isugu dheganaadaan.

Aabahooda waxa uu sheegay inay fiicnaan lahayd in lagu sameeyo qaliin lagu kala waaxeynayo, balse waxa uu xusay inuusan filaynin inay suurtogal tahay.

Hooyadooda ayaa iyadana ku dartay:- "Marnaba ma doonayo inaan arko iyagoo la kala qeybiyey, xitaa haddii ay awoodaan, Marnaba kuma soo dhicin niyadeyda arrintaasi”.

yaabkayaabka2yaabka3yaabka4

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

XIGASHO:-DULQAADKA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip