Dowladda Soomaaliya oo xiriirka Itoobiya awgii u diiday kaalmo uga imaan lahayd Masar

0
Friday January 14, 2022 - 13:56:25 in Wararka by
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo xiriirka Itoobiya awgii u diiday kaalmo uga imaan lahayd Masar

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
 Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamed ayaa sheegay in Soomaaliya ay diiday deeq daawo ah oo uga imaan lahayd Masar, sababo la xiriira xiriirka Itoobiya awgii.
Wasiirkii hore oo wareysi siiyay TV-ga BS TV ayaa sheegay in Villa Somalia ay ka codsatay Masar in ay joojiso diyaarad nuuceedu yahay C-130 oo ay u soo diri lahayd Soomaaliya si ay u soo daabusho gar gaar caafimaad oo ay ugu deeqday Jaamacada Carabta.


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo saaxiib dhow la ah madaxweyne Farmaajo ayaa dowladdiisa wuxuu khilaaf xooggan kala dhexeeyaa Masar, khilaafkaas oo ku saabsan dhismaha biyo xireenka weyn ee Korontada ay ka dhiseyso Wabiga Niilka Buluuga ah.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wuxuu sheegay in Soomaaliya iyadoo u xaglinaysa Itoobiya in ay diiday in ciidamo Soomaaliyeed lagu tababaro Masar iyo in Qaahira laga siin waayo dhul ay Muqdisho ka dhisato safaarad cusub, waa sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay xil ka qaadistii lagu sameeyay, wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu ay xilka kaga qaadeen sababo la xiriira mowqifkiisa dhex dhexaadnimada ah ee uu ka qaatay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo TPLF.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip