Guddiga bixiya Abaalmarinta nabadda oo digniin u soo diray Abiy Ahmed

0
Friday January 14, 2022 - 10:22:31 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga bixiya Abaalmarinta nabadda oo digniin u soo diray Abiy Ahmed

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddiga billada Nobel-ka ee Norway ayaa ku biiray codadka caalamiga ah ee ugu baaqaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo afjaro dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood ka socday dalkaas.

Bayaan ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Abiy Axmed – oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 – ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii loo soo afjari lahaa dhiigga daadanaya.

Hal sano uun ka dib markii uu ku helay abaal-marintan soo afjaridda dagaalkaa dheeraa ee dalkiisa kala dhexeeyey Eritrea, Mr Abiy waxa uu diray ciidamo la dagaalama falaagada waqooyiga gobolka Tigray.

Dagaalkaas ayaa malaayiin qof ku qasbay inay guryahooda ka baxaan. Dowladda ayaa lagu eedeeyaa in ay hor istaagto gargaarka bini aadantinnimada, waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ay geysteen dhammaan dhinacyada qaybtaka ah dagaalkaas.

Afhayeenka Mr Abiy, Billene Seyoum ayaa horay u sheegay in abaalmarinta nabadda ee Nobel aysan ahayn "ma aha xakame ku qabanaya marka dalka la soo weeraro”

Baaqyada Guddiga ayaa la filayaa inay kordhiyaan cadaadiska lagu doonayo in xal nabadeed laga gaaro dagaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip