Saddex arrin oo Mareykanka ku qasbeysa faro-gelinta siyaasadda Soomaaliya

0
Friday January 14, 2022 - 10:33:56 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex arrin oo Mareykanka ku qasbeysa faro-gelinta siyaasadda Soomaaliya

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

Muddo afar iyo labaatan saac gudahood ah ayaa Maraykanku ay soo saareen farriimo gooddin ah oo la xidhiidha dib u dhaca doorashada Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqata isbeddel ku yimi habkii Maraykanku muddooyinkii u danbeeyey u dirayey farriimihiisa ku aaddan Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in cunaqabatayn iyo xayiraado dhanka dal-kugallada ah uu soo rogi doono, waa haddii doorashada goleyaasha baarlamaanka lagu soo dhamaystiri waayo xilliga loo asteeyay ee 25 Feberaayo, 2022.

Haddaba dad badan ayaa laga yaabaa in ay is weydiinayaan waa maxay danta Maraykanku ka leeyahay Soomaaliya? Falanqeeyayaal iyo dad u dhuun daloola siyaasadda labada dal ayaa isku raacay saddexdan qodob dartood in Maraykanku uu u ilaalinayo dawlanimada Soomaaliya.

1- Amniga

Haddii aynu ku bilawno arrinta amniga, tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe waxaa isasoo tarayey qalaalasha ka dhalanayey dawlad u samaynta Soomaaliya. Wixii xilliyadaa ka danbeeyey dhinacyo isdiiddan oo kala aragti duwan ayaa dhankastaa u hanqal taagayey hoggaaminta dawladnimada dhalan doonta.

Waxaa se xaalku is beddelay tobanleydii dhexe ee burburkaas, xilligaas oo ay samaysmeen ururka Alshabaab oo xidhiidh la leh Alqaacida, kuwaas oo fadhiisimmo ka yeeshay Soomaaliya, halkaas oo ay ka geysteen weerarro gaadhsiisan dalalka deriska ah.

 

Weerraradaas oo ay ku nafwaayeen kumannaan dad ah, dhanka kalena ururkaasi waxa ay noqdeen caqabad amni oo ka taagan guud ahaanba Geeska Afrika. Maraykanku isna wixii ka danbeeyey 2001-dii markii la qarxiyey sarihii dhaadheeraa ee mataanaha ahaa ee dalkaas, waxa uu bilaabay hawlgal xooggan oo ay ugu magacdareen ‘La dagaallanka Argagaxisada.’

Qorshahaas oo asalkiisu ahaa ka dabagelidda meel kasta oo ay ku sugan yihiin kooxaha jihaadiyiinta ah, taas oo Soomaaliyana ay ka samaysmeen markii danbe.

Maraykanku isaga oo la dagallamaya kooxahaas waxa uu duqaymo ka geysanayey Soomaaliya tan iyo xilligaas, iyagoona dhawr jeer sheegay in ay dileen madax iyo saraakiil muhiim ah oo ka tirsanayd ururka Alshabaab.

Cabdiraxmaan Caynte oo wasiir ka soo noqday Soomaaliya kana faallooda hadda arrimaha siyaasadda ayaa qaba in danta ugu mudan Maraykanku tahay in aan kooxahaasi geeska, gaar ahaan Soomaaliya ka dhigan saldhig ay ku negaadaan.

"Mareykanku wuxuu daneynayaa in kooxaha argagixisada ah, sida Al-Shabaab, ineysan saldhig ka sameysan guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya. Wuxuuna dhaqaalaha ugu badan ku bixiyaa la dagaallanka kooxahaas, iyo xoojinta hey’adaha amniga Soomaaliya.”

2- Goobta ay dhacdo Soomaaliya

Xilli dad badan ay qabaan in dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey quwadaha waaweyn ee dunida uu mar kale soo laba kacleeyey, Maraykanku waxa uu isku deyeyaa in uu caabbiya saamaynta Shiinaha iyo Ruushka ee Geeska.

Soomaaliya ayaa istaraatiijiyad ahaan ku taalla meel muhiim ah. Xeebta waqooyi ee Soomaaliya waxay xuduud la leedahay Gacanka Cadmeed, taas oo ku geynaysa marinka muhiimka ah Baab al-Mandeb, oo ah marin cidhiidhi ah oo ay qasab tahay in dhammaan gaadiidka badda ee ka imanaya Mediterranean-ka ilaa badweynta Hindiya ay maraan.

Ka fogaanshaha cidhiidhigan waxay qaadanaysaa in dhammaan badeecooyinka ka yimaada Gacanka Faaris – oo shidaalku ka mid yahay – ee ka ka kala socda Afrika iyo meelo kale oo caalamka ahba ay maraan halkaas si ay u gaadhaan suuqyada Yurub iyo Ameerika.

Sababtaas awgeed, danta Washington ee Soomaaliya waxay ahayd mid taagan xataa xilli uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa. Ka dib dagaalkii sokeeye ee qarxay 1991-kii, Maraykanka, isagoo ka marag kacaya muhiimadda juquraafi ahaaneed ee Soomaaliya, wuxuu si weyn uga qayb qaatay hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee halkaas.

Cabdiraxmaan ayaa sheegaya in Maraykanku rabo in aan laga yeelan gacanta sare ee marinka muhiimka ah.

"Soomaaliya waxay ku taalla isgoys istiraatiiji ah oo isku xira Afrika, Bariga Dhexe ee India. In ka badan 80% shidaalka dunida wuxuu ka dusaa marinka Bab Al-Mandab ee kaabbiga ku haya Soomaaliya. Sidaas darteed, Mareykanku wuxuu hubiyaa inaan looga sayid-caleyn aaggan.” ayaa uu qabaa Caynte.

3- Aragtida guud Maraykanka

Maraykanku waxa uu u ololeeyaa dimuqraaddiyadda, waxaana uu horkacayaa dalalka dadkiisu is doortaan waxna doortaan. Soomaaliyana waxa ay ku jirtaa dalalka rejaynaya in ay waayahaas gaadhaan iyada oo xukuumadihii kala danbeeyey ee ka dhismay Soomaaliya ay dhammaantood u heellanayeen in dalku gaadho doorasho qof iyo cod ah.

Maraykanku waxa maalgelin badan ku bixiyey sidii Soomaaliya ay uga hanaqaadi lahayd dawlad ku timi doonista shacabka, taas oo ah aragtida guud ee dalkaasi badanaa u ololeeyo.

"Mareykanku wuxuu Soomaaliya u arkaa dal dimoqraadi ah oo leh dowlad jaal la ah Reer Galbeedka, sidaas darteed, wuxuu maskax, maal iyo muruq ku bixiyaa inuu xoojiyo saaxiibtinnimadaas, si aysan Soomaaliya ugu dhicin faraqa Shiinaha ama Ruushka, sida dhacday toddobaatameeyadii.” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Caynte

Xidhiidhka ganacsi ee Mareekanku la leeyahay Soomaaliya ma badna waxaana uu u badan yahay maalgelin. Waxyaalaha uu Maraykanku u dhoofiyo Soomaaliya waxaa ka mid ah digirta, hadhuudhka, badeecooyinka la xidhiidha waxyaalaha la dubto, deeqaha, iyo mashiinada. Alaabada Mareykanka uu ka keensado Soomaaliya ayaa isugu jira dhagxaan qaali ah iyo shixnado qiimo jaban ugu yimaadda, sida uu sheegay Maraykanku.

Sida lagu baahiyey bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxa uu ku qeexay xidhiidhkiisa Soomaaliya mid ku aroora dawlad dhis iyo ilaalinta amniga guud ee dalka.

"Ujeedooyinka ugu waaweyn siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ah in la hormariyo xasiloonida siyaasadeed iyo mid dhaqaale ee dalka, lagana hortago in Soomaaliya loo isticmaalo gabbaad nabdoon oo ay yeeshaan argagixisada caalamiga ah, iyo in la yareeyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ay sababeen colaadaha, abaaraha, fatahaadaha iyo dowlad xumida. Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay dowladda Soomaaliya ka caawiso xoojinta hay’adaha dimuqraadiga ah, horumarinta xasilloonida iyo amniga, iyo sidii loo gaadhsiin lahaa adeegyada ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.”

December 2, 2018, waa markii ugu horreysay tan iyo markii la xidhay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho 5-tii Janaayo 1991-kii, ee Maraykanku uu dib u soo celiyo joogitaankiisa diblomaasiyadeed oo joogto ah Soomaaliya.

Marka laga soo tago safaaradda Muqdisho, howlgalka Maraykanka ee Soomaaliya waxa uu qeyb ahaan ka howlgalaa safaaradda uu dalkaas ku leeyahay magaalada Nairobi.

Saddex arrin oo Mareykanka ku qasbeysa faro-gelinta siyaasadda Soomaaliya



Isha: BBC Somali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip