Wasiirada xukuumadda Rooble oo la dul dhigay amar xasaasi ah

0
Thursday January 13, 2022 - 18:35:11 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada xukuumadda Rooble oo la dul dhigay amar xasaasi ah

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxmed Xuseen Rooble oo maanta guddoominayay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa markale faray in aysan sameyn karin xil ka qaadis iyo magacaabis.

Rooble ayaa sidoo kale waxa uu ka digay inay galaan Wasiirada xukuumadiisa inay galaan heshiisyo iyo in si qalad ah uga faa’iideystaan marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

"Waa qasab in mas’uuliyiinta ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala dambeynta, si loo dhowro habsami u socodka shaqo gudashada hay’addaha dowladaha. Majirto cid qaadi karta xil ka qaadis iyo magacaabis aan fasax looga haysan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, yaan lagu deg-degin xil ka qaadis iyo magacaabis,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in marnaba uusan aqbali doonin in aargoosi ama beegsi gaar ah loo isticmaalo awooda xukuumadda, ayna tahay haddii la sameynayo xil ka qaadis lagala tashto xafiiskiisa. 

Sidoo kale waxa uu mamnuucay in hantida qaranka loo isticmaalo si qalad ah, ayada oo lagu xalaaleysanayo heshiisyo baal-marsan sharciga.

"Waa in aan iska jirnaa hantida qaranka, oo aad u taxadirnaa oo ka feejignaana. Mana aqbalayo ka ra’iisul wasaare ahaan in wax la is-daba-mariyo.”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu dagaal xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ayaa dhowr jeer uga digay xukuumadiisa iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada inay qaadan tallaabooyin qaldan, islamarkaana uu asaga noqdo marjaca u dambeeya ee go’aamada ka gaaraya xukuumaddiisa, si toos ahna looga amar qaadanayo.

Wasiirada xukuumadda Rooble oo la dul dhigay amar xasaasi ah





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip