
Maxaad kala socotaa isbaheysi siyaasadeedka ugu waaweyn Soomaaliya?!! (Saameynta doorashooyinka)
Tan iyo markii dalka ay ka dhalatay dowladda federaalka oo ka dhalatay doorashada sanadkii 2017-da isla markaana madaxweyne loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haatan laga joogo muddo shan sano waxaa marba marka ka dambeysa isa soo tarayay khilaafyo hareeyay hoggaanka talada dalka haya iyo maamul goboleedyada dalka gaar ahaan maamulada Puntland iyo Jubaland.
Maamulada Jubaland iyo Jubaland oo aad u yaraa xiriirka ay la leeyihiin Villa Somalia mudadii afarta sano ahayd ee ay jirtay dowladda federaalka, iyagoona muddo dhowr ah lagu guul darreystay shirar lagu dhexdhexaadinayo maamulka Villa Somalia ka arrimiya, iyagoo had iyo goor isku aragti ka noqda go’aanada ay ka qaadanayaan arrimaha siyaasadda dalka.
Saddexda maamul goboleed ee kale oo dhismahooda door weyn ku lahayd aqalka madaxtooyada ma jirto wax khilaaf ah oo dhex maray dowladda federaalka mudadii afarta sano ahayd ee muddo xileedkeeda ku ekaa, waxaana lagu tiriyaa inay yihiin maamulada taageersan amaba ka soo jeeda safka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaaso.

Beesha caalamka oo soo faragelisay khilaafyada ragaadiyay hannaanka doorashooyinka iyo fulinta heshiiskii 17-kii Nomber sanadkii 2021-ka kaddib markii ay cabashooyin fara badan ka yimaadeen habraacyada doorashooyinka ka bilowday Muqdisho iyo gobolada dalka isla markaana ay dhacday in isbaheysiyada siyaasadda hoggaanka Villa Somalia iyo madaxda maamulada dalka tartan xoogan u galeen sidii ay u soo saaran lahaayeen xildhibaano taageersan si ay qolaba tan kale uga cod badiso Baarlamaanka cusub.

Shirkii dhowaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ee ay yeesheen madaxda golaha wada tashiga Qaranka oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa ka qeyb galay shanta maamul goboleed iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, isku waafaqay in doorashada dib loo bilaabayo 15ka bishan isla markaana la soo gabagabeynayo 25-ka Febraayo, waxaana arrintaasi soo dhoweeyay wakiilada beesha caalamka, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dhammaanba dhinacyadii ka hadlay aragtiyahooda shirka madasha wadatashiga Qaranka ayaa si isku mid ah hoosta uga xariiqay inaan la aqbali karin dib u dhacyo kale oo ku yimaada geedi socodka howlaha doorashooyinka, hase yeeshee madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taageero ka heysta inta badan maamulada dalka ka jira aan qeyb ka ahayn kulanka golaha bacdamaa uu hoggaaminta howlaha doorashooyinka ku wareejiyay Ra’iisal Wasaare waxa habeen hore jeediyay khudbad wuxuuna codkiisa ku biiryay taageerada uu u hayo go’aanada golaha wada tashiga.
Ugu dambeyntii mudada 40-ka maamulood ah ee jadwalka doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka oo ay iska cadahay inuu dib u dhac kale ku imaanayo ayaa xeel dheerayaasha u dhuun daloola arrimaha siyaasadda waxay tilmaamayaan inuusan meesha ka marnaan doonin xifaaltanka soo jireenka noqday ee u dhaxeeya isbaheysiga madaxweyne Farmaajo oo taageero ka heysta maamulada Galmudug, Hirshabelle, K/galbeed oo lagu daray maamulka gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo iyana taageero ka heysta qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka.
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
Muqdisho – Soomaaliya
Email: saxafi37@gmail.com
Maxaad kala socotaa isbaheysi siyaasadeedka ugu waaweyn Soomaaliya?!! (Saameynta doorashooyinka)
....