Doolli dunida caan ka ahaa oo dhintay isaga oo 8 jir ah

0
Tuesday January 11, 2022 - 18:58:11 in Wararka by
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doolli dunida caan ka ahaa oo dhintay isaga oo 8 jir ah

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

XIGASHADA SAWIRKA,APOPO Qoraalka sawirka,   Apopo Siciid Magawa

Wuxuu ahaa mid ka mid ah dooliyada dunida ugu caansan, wuxuuna xitaa shaqadiisa ku muteystay abaalmarin, balse maanta ayuu dhintay isaga oo 8 sano jir ah.

Jiirkan oo magaciisu yahay Apopo Siciid Magawa ayaa maalinkii cuni jiray hal xabo oo karooto ah, waxaana la sheegay in uu caafimaad qabay todobaadkan, balse maalmihii dambe uu xoogaa wajahsanaa.

Dooligan miino baarka ah ayaa waxa uu heley wax ka badan 100 miino, waxaana aad loogu tixgalin jirey shaqadiisa miino baarka. Waxaana jiirkani laga lahaa dalka Tanzania.

Ha'yad samafal oo qaabilsan xaananada xoolaha ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa bilad dahab ah ku abaal marisay jirkan, waxay sheegtay in loo adeegsaday baarista miinooyin halis ah oo laga soo saaray Cambodia.

"Shaqadiisa oo aheyd badbaadinta nolosha gaar ahaan deegaanada uu kasoo saaray miinooyinka halista ah ee dalka Cambodia" sida ay sheegtay ha'yadda PDSA.

Jiirkan wuxuu uriyaa miinooyinka iyo qaraxyada.

Apopo Siciid Magawa

Biladda ha'yadda samafalka ee PDSA ay siisay jiirkan waxaa ku qornaa "Xayawaanka geesiga ah ee shaqada sida daacadda ah u qabtay", ilaa 30 xayawaan ayaa abaal marin la siinayay balse waxaa ugu horreeyay jiirka oo ku muteystay shaqada miino baarista.

Jiirka oo da'diisu lagu sheegay 7 jir waxaa lagu soo tababaray dalka Belgium- waxaana gacanta ku heysaa ha'ayad samafal oo la yiraahdo Apopo oo uu fadhigeedu yahay Tanzania- waxaana loo yaqaana 'Jiirka halyeeyga ah' , waxaa loo adeegsan jiray baarista miinada iyo dadka qabo cudurka qaaada tan iyo sagaashamaadkii.

Magawa waxaa ka tabobarayay muddo sanad ah

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Magawa waxaa ka tabobarayay muddo sanad ah

Muddo sanad ah ayaa la tababarayay jiirkan

"Sharaf ayay inoo tahay in aan helno biladda noocan ah" waxaa sidaas yiri madaxa fullinta ee ha'yadda Apopo, Christophe Cox xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee PA .

Jiirka Magawa waxaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanayaa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khuburada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada.

Agaasimaha ha'yadda abaalmarinta guddoonsiisay jiirka Jan McLoughlin, waxay ku tilmaantay shaqadiisa "Mid kheyrul caadi ah oo waxtar weyn leh"

"Magawa wuxuu badbaadinaya waxna ka baddalaya nolosha ragga, haweenka iyo carruurta ay saameeyeen miinooyinka, miino kasta uu soo saaro waxay ka hortageysaa halista dhimashada iyo dhaawaca".

Miinooyinka ayaa halis ku ah nolosha carruurta ku nool dalalka ay dagaallada ka dhacaan sida Soomaaliya iyo Ciraaq.

Sida laga soo xigtay ha'yada miinooyinka baarta oo la yiraahdo HALO Trust, dalka Cambodia miinooyinka waxay ku dhintay ama ku dhaawacmay in badan 64,000 qof, miinooyinkaas oo dhulka lagu aasay sanadihii toddobaatamaadkii iyo siddeetamaadkii.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip