halkaan ka ah=khriso wararka wargeyska m. times ee maanta oo ah Talaado 11-ka jan. 2022-ka

0
Tuesday January 11, 2022 - 09:34:16 in Wararka by
  • Visits: 571
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka ah=khriso wararka wargeyska m. times ee maanta oo ah Talaado 11-ka jan. 2022-ka

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Farmaajo "Natiijo Wanaagsan Ayaa Kasoo Baxday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran”

Madaxweynaha Muddoxileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/hi farmaajo, ayaa Xalay jeediyay Khudbad dhinacyo badan taba naysa, oo uu kaga hadlay mar xaladda siyaasadeed ee dalki m arayo iyo arrimaha taagan.

Billowga Khudbadda Farmaa jo ayaa ahayd mid uu inteeda ba dan kaga hadlay arrimaha Ciidanka xoogga iyo arr imo kale oo dhammaaantood ku gadaamnaa waxq abadka dowladdiisa, taasi oo uu sheegay in qabka qaranimada Soomaaliya, ay Dowladdiisa kor u qaad ay, taasi oo sida uu sheegay ay Soomaaliya guulo waa weyn ka gaartay.

Md. Farmaajo, ayaa ka hadlay Shirkii dhawaan Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay ee ay yeesheen madaxda Wadatashiga Qaran, kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed.

Farmaajo ayaa soodhaweyay go’aamadii kasoo baxay Shirka, waxaana uu carrabka ku dhiftay in q odobada ay soo saareen RW Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin kuwo muhiim ah ah, oo dooarshada lagu jihaynayo.

Isagoo Madaxda Muqdisho ku shirtay ugu baaq ay ay ka dhabeeyaan go’aamada ay muqdisho ku gaareen, oo ay fuliyaan qodobada kasoo baxay shir ka Golaha wadtashiga qaran.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa sheegay in loo baa ahan yahay in doorashada la dardar galiyo, oo aan dib loo dhigin doorashooyinka, sidoo kalena aan dal ka qalalaase la galin.

Shirkii Muqdisho: Rooble oo ku guuleystay qod ob muhiim ah balse mid ku fashilmay

Kadib 7-cisho oo Golaha Wadatashiga Qaran ka ay ku shirayeen Muqdisho ayaa waxay Dorraad Shalay soo saareen war-murtiyeed aan macno badan xambarsaneyn oo u badan qodobo ku jiray heshiisyadii hore ee golaha oo cid ku shaqeysay aysan jirin

Sida ku cad war-murtiyeedkii, gol aha waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble loo daayay qo dob muhiim oo la xiriira guddiyada doorashada, ma adaama aan lagu soo hadal qaadin isbadalkii uu ku sameeyay guddiya xalinta khilaafaadka oo todoaba xubnood uu ka eryey iyo gudoomiyihii guddiga doo rashada heer federaal.

In bayaankii golaha aan lagu soo hadal qaadin qodobka quseeya isbdelka lagu sameeyey guddiy ada doorashada ee heer federaal waxay meesha ka saareysaa damacii garabka Farmaajo oo rajo ka qa bay inay sii hoggaamiyaan guddiyada, ayada oo Rooble uu horey usoo magacaabay xubno taabac san.

Haatan waxay ka dhigan tahay in Ra’iisul Wasaar uhu ku adkaaday arrinta guddiyada oo hoggaanko oda uu shaqada ka eryey, tallaabooyinkii uu Rooble ka qaaday guddiyada waxay ka dhasheen habkii loo maareeyey cabashada kuraastii la boobay ee golaha shacabka.

Si kastaba, Rooble ayaa waayey oo ku guul-dar eystay qodobkii la xiriira amniga dalka.

Seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay golaha ayaa aad uga dooday masuuliyadda amniga guud ee dalka, sida muuqatana wax guula kama soo ho yn ra’iisul wasaare Rooble oo doonayey inuu gola ha ka dhaadhiciyo in isaga si buuxda loogu wareej iyo amniga dalka.Inkastoo golahaan uusan awood u laheyn in Rooble uu ku wareejiyo masuuliyadda am maanka guud ee qaranka, hadana in xubnaha qaar ay toos uga soo hor-jeestaan waxay muujineysaa saameynta Farmaajo oo maqan uu ku lahaa shir kaas.

Qodobka ugu weyn bayaankii ka soo baxay shi rka waxa uu ahaa in AMISOM ay sugto ammaanka Madaxtooyada, AMISOM waxay kala ilaalineysaa oo la dhex-dhigayaa ciidamada ilaalada u ah Far maajo iyo Rooble oo dhufeys isugu jira, wixii ka dambeeyay 27-kii December, xiligaas oo Rooble uu sheegay inuu ka badbaaday ‘afhgembi uu soo abaa bulay Farmaajo.’ Bayaanka ka soo baxay shirkii Ro oble iyo madax goboleedyada laguma soo hadal qa adin sida laga yeelayo kuraastii la boobay ee doora shadoodu ay ka dhacday Baydhaba iyo Dhuusama reeb, waxayna u muuqataa in cabashada beelaha iyo siyaasiyiinta kuraastaas aan dheg-jalaq loo sii doonin oo horay looga gudbay.

Kuraasta ugu daran ee habkii loo maareeyey do orashadooda ay buuqa dhalisay, isla markaana Roo ble ku kaliftay inuu bedelo hoggaankii guddiyada waxaa soo kala qaatay Yaasiin Farey, Mahdi Guule ed iyo Xildhibaan Sareedo, waxaana haatan god dheer ku sii dhacday rajadii laga qabay in lagu noq do doorashada kurstaas.

Beelaha iska leh kuraastaas iyo musharaxiin uu ku jiro guddoomiyihii hore ee golaha shacab Maxa med Cusmaan Jawaari oo loo diiday inay u tartama an ama talo ku yeeshaan aayaha kuraastooda aya an la ogeyn sida ay ugu qancayaan bayaankaan iyo in laga socdo cabashadooda oo aan wax laga qab an. Heshiisyadii u dambeeyey ee Golaha wadata shiga Qaran ayey siyaabo kala duwan uga soo mu uqdeen inta badan habraacyadii ay Shalay soo sa areen, hase yeeshee laguma dhaqmin, hadana rajo badan lagama qabo in lagu dhaqmi Xigasho:Caasimadd.Net

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Qaabil ay Wakiil ka Gaarka Ah Ee Norway U Qaabilsan Somaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Sha lay Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dow ladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen.

Kulankan ayaa labada dhinaca uga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Norway.

Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaa liya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka, isaga oo Wasiir Cabdisaciid uga ma had celiyey dowladda Norway taageerada ay u fid iso dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbi lsan Soomaaliya, Heidi Elburgi Johansen ayaa uga mahad celisay Wasiirka qabilaada uu qabiilay iyado na sheegtay in ay Dowladda Norway ka go’an tahay taageerada ay sisoo Soomaliya. Dowladda Norway ayaa kamid ah Dowladdaha tageero Soomaliya iya doo ku bixiso dhaqaalo sidii ay Soomaaliya u heli laheeyd xasilooni waarta.

Wasiir Jaamac oo kormeeray Xerada Tababarka Midowga Yurub ee Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulq aadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Shalay korme eray Xerada Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa halkaasi ku soo dhawee yay General Fabiano Zinzone, oo ah Taliyaha Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somaliya.

Wasiirka ayaa ka dhageystay warb ixin la xiriirta waxyaabihii u qabso omay taliskaasi, ee ku aaddan tababarada ay siiya an Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa waxaa hormeerkiisan iyo kulanka ba ku wehlinayay Agaasimaha Guud ee Wasaarad da Gaashaandhigga, Xasan Maxamed Saciid Sama tar (Gacaliye).

Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Somal iya ayaa ah hawlgal lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoona ay tababaradan bixiyaan Saraakiil ciidan, oo ka kala socda dalalka Midowga Yurub.

Qaramada Midoobay Oo Dalab Cusub Hordhig tay Hoggaamiyeyaasha Soomaalida

Qaramada Midoobay ayaa War kasoo saartay heshiiskii Dorraad Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho, kadib Shir Caa simadda uga socday 6 maalmood oo ay uga hadl ayeen Arrimaha doorashada.

Xafiiska UN-ka ee Somalia oo Qoraal soo saaray ayuu lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin in Golaha Wadatashiga gaaraan is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardarge linta doorashada Golaha Shacabka.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay inay aami nsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay ta hay fulinta go’aamada, si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirri-geli naysay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sa mi, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiis ado cusub ama khilaaf.

"QM waxa ay dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaa sha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Xafiiska QM ee Somalia.

Joe Biden oo wiil Soomaali ah u magacaabay xil sare

Xamse Warfaa, oo ah wiil dhallinyaro Soomaali ayaa ku biiraya maamulka madaxweye Joe Biden, isaga oo la-taliye sare u noqonaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

Xamse, oo hadda ah guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Hor umarinta Dhaqaalaha (DEED) ee dowladda gobolka Minneso ta, ayaa noqonaya Soomaaligii ugu darajada sarreeyey ee uu madaxweyne Mareykan ah xil u magacaabo.

Xamse ayaa shaqada DEED ka tagaya 17-ka Janaayo, markaasi oo uu kadib ku biiri doono Wa saaradda Arrimaha Dibedda, isaga oo kaalin weyn ka cayaari doona sare u qaadidda Dimoqraadiyad da ee dunida iyo imaatinka qaxotiga ee Mareykanka

Qoraal ay Isniintii baahisay Waaxda DEED ee Minnesota ayuu Xamse uga mahad-celiyey madax weyne Joe Biden xilka uu u magacaabay. "Aniga oo isku diyaarinaya inaan matalo dhammaan shacabka Mareykanka, waxaan ku faraxsanahay saaxiibada, shaqo-wadaagta iyo qoyska taageerada iigu muuji yey shaqadeyda dadweyne.”

Xamse ayaa ku biiraya Xafiiska Dadweynaha, Qaxootiga iyo Socdaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo shaqadiisa ay tahay ilaalinta barakacay aasha. Xafiiskan ayaa sidoo kale ka caawiya mad axweynaha go’aan ka gaarista tirada qaxootiga ima naya Mareykanka sanad kasta.

Xafiiskan waxa kale oo uu maal-gelin siiyaa hay’ adaha dib u dejinta qaxootiga.

Xamse ayaa yimid Mareykanka isaga oo qaxooti ah 1994-kii. Waxa uu bartay culuumta siyaasadda iyo maamulka. Sanadii 2014 wuxuu daabacay buug uu u magac darayAmerica Here I Come: A Somali Refugee’s Quest for Hopeoo macnaheedu yahay America Waa I Kan: Rajo Raadinta Qaxooti Sooma aliyeed.

Barasaabka gobolka Minesota Tim Walz ayaa sanadii 2019 Xamse u magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED).

"Waxaan ku kalsoonahay in Xamse uu shacabka Mareykanka ugu adeegi doono si la mid ah sharaftii, khibrad siyaasadeedkii iyo hoggaankii wada-shaqeyn ee uu ugu adeegay shacabka Minnesota,” ayuu yiri barasaab Walz.


Maxaa looga hadlay kulankii taliyeyaasha Ciidamada?

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jansraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa shir guddoo miyey kulan ay isugu yimaadeen dhammaan Tali yayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, kana dhacay Xarunta Taliska difaaca ee Wasaaradda Ga ashaandhigga.

Kulanka ayaa waxaa xogaha la helay ay sheega yaan in looga hadlay Saddex qodob oo ku saabsan dhinaca Amniga, kuwaas oo kala ah.

1:I n Ciidamada aysan Siyaasadda qeybka noqon, laguna koobnaado xaqiijinta Amniga dalka oo kaliya.

2: Adkeynta Amniga dalka iyo la dagaalanka Cadowga, xiligan kala guurka ah.

3: Wadaagida xogaha Amniga si dhaqso leh, si looga hortago kuwa kasoo horjeeda Amniga, & Arg agixisada.

Kulanka looga hadlayay Amniga oo ay yeesheen dhamaan taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ay aa waxaa ka maqnaa Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga.

Maxay Ka Wada Hadleen Shariif Sheikh Axmed Iyo Safiirka Norway U Jooga Somalia?

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Mad axweynihi hore ee dalka Shariif Sheekh Ax med ayaa kulan gaar ah uu la yeeshay Safiirka dow ladda Norway u jooga Somalia Elin Bergithe Ro gnlie.

Kulanka dhexmaray Shariif Sheikh Axmed iyo Safiirka dowla dda Norway u jooga Somalia Elin Bergithe Rognlie ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorasho oyinka, iyo xaaladaha ka soo cusboonaaday arruimaha siyaasadda dalka.

Waxaaan inta kulanku socday si gaar ah diiradda loo saaray dar dar gelinta doorashada dalka, dha qangelinta heshiiska Gola ha wada-tashiga Qaran, isagoo ka mahad celiyey taageerada beesha caal amka gaar ahaan Norway ee ku aaddan Nabadda iyo Dim uqraadiyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Ma daxweynihi hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ay aa sidoo kale Habeen hore kulan laqaatay ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan cali kheyre, waxaana ay ka wa da hadleen Qodobbo ay ugu muhiimsanaayeen ku wii kasoo baxay shirkii Muqdisho lagu soo gaba-gab eeyay.

BEELAHA HAWIYE oo soo saaray go’aano Xasa asi ah

Siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo war-murtiyeed ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Ra’iisul wasaaraha iyo madaxwey naha waqtigiisu dhamaaday ayaa si buuxda u tag eeray ra’iisul wasaare Rooble iyo xukuumadiisa. War-saxaafadeedkan ka soo baxay waxgaradka be elaha Hawiye ayaa bulshada reer Muqdisho looga codsaday in Khamiista soo socota ay ka soo qeyb galaan banaan-baxyo balaaran oo looga soo hor jeedo ficillada Madaxweynihii hore.

Banaanbaxaas oo la shaaciyey inuu ka dhici do ono fagaaraha Taallada Daljirka Daahsoon ayaa cin waan looga dhigay, "Afgembi diidnay, doorashaan rabnaa.”"Beesha Hawiye waxay saldhig u tahay do wladnimada Soomaaliya, waxayna dooneysaa in ho ggaanka dalka la isku wareejiyo, iyadoo la raacayo shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxay shaaciyeen in uusan jirin damac kursi oo be esha uga jira garabka Farmaajo oo ay ku tilmaam een ‘kaligi-taliye’ "Ma jirto xuquuq siyaasadeed oo nooga maqan ama uu nasii karo kaligii taliye Far maajo,” ayaa lagu yiri bayaanka Hawiye.

Beesha ayaa aad u cambaareysay kooxo ay sheegeen inuu soo abaabulay Farmaajo oo been abuur ka faafisay beel-weynta Hawiye, iyagoo cad eeyey in beeshu aysan wax cilaa-qaad ah la laheyn Farmaajo.

"Kooxahaasi waxay wareejinayaan inay shireen ‘Farmaajo iyo beesha Hawiye’ waxaan shacabka Soomaaliyeed u cadeyneynaa in uusan jirin habaya raadee wax kulan ah oo aan la yeelanay Farmaajo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay beesha Hawiye.

Sidoo kale beeshu waxay cadeysay in aysan jirin sabab ay hadda kadib xataa ula kulanto Farma ajo, maadaama aysan waxaba uga xireyn, "Waxaan cadeyneynaa in aysan jirin cid wakiil ka ah beesha Hawiye oo la kulmeysa madaxweynihii hore kiligi-tal iye Farmaajo,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale Beesha ayaa si buuxda isu-garab ta agtay shirka golaha wadatashiga qaranka iyo howl-gudashada ra’iisul wasaaraha iyo xukuumadiisa.

"Waxaan u cadeyneynaa umada Soomaaliye ed, in aanaa u dulqaada doonin cid kasta oo xagal-daaci neysa dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo ku saabsan qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo si nabad ah dalka uga dhacda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan ka soo baxay oday aasha dhaqanka & siyaasiyiinta bee laha Hawiye. Xigasho:caasimadda.net

Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo la filayo in ay doortaan Guddoomiye cusub.

Waxaa saacadaha soo aadan la filayaa in Gu dd iga Doorashooyinka heer federaal ee Soomaaliya

aydoortaan guddoomiyaha Gudiga Doorashooy inka (FEIT) heer federaal, kadib xil ka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cirro.

Xilkan ayaa waxaa u tartamaya Cabdicasiis cabdira xmaan Yuusuf, kaasi oo ka mid ah guddiga door ashooyinka, islamarkaana horey ula tartamay gudd oomiyihii hore ee xilka ka qaadista lagu sameeyay.

Guddigan ayaa marka ay doortaan guddoomiyaha Cusub waxaa looga fadhiyaa in ay dedejiyaan doo rashada Golaha Shacabka.

Dorraad ayay aheyd markii Golaha wadatashiga Qaranka ay soo saareen jadwal rasmi ah, kaasi oo ku aadan waqtiga ay bilaabanayso doorashada gol aha shacabka iyo xiliga la soo gaba gabeynayo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawad da XFS oo qalab casri ka Guddo omay Hey’adda Valar

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS Md. Duran Ahmed Farax ayaa Shalay masuuliyiinta Hey’adda Valar la qaatay kulan la xariira Qalab Casri ah oo ay ku wareejinayaan Garoonka Adan Cabdulle kaas oo ka qayb qaadanaya Sugitaanka Amniga garoonka. Kulankan ayaa waxaa wasiirka kala qayb galay Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Mareeyee ku-xigeenka Garoonka Aden Cabdulle iyo Saraakiil ka socotay laamaha amniga.

Wasiir Duran ayaa sheegay in qalabkan casriga ahi uu amniga Garoonka wax badan ka tari doono, isa goona uga mahad celiyay Hey’adda valar taageer adooda, Wasiirka ayaa dhinaca kale ku dhawaaqay in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS ay ka go’an tahay kor u qaadista amaanka gar oomada dalka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda oo Xukun Dil ah ku fulisay askari horay u dilay qof shacab ah.

Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa Shalay xukun dil toogasho ku fulisay askari ka tirsa naa ciidamada daraawiisha degmada Baladxaawo oo horay qof shacab ah ugu dilay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Cabdi Xuseen Maxa muud Xasan "Dhafoor” ayaa lagu fuliyay Dilka toogashada oo ah Qisa asta Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle uu ku dhex dil ay Saldhiga Degmada Luuq, falkaas dilka ah ayaa dhacay 3-da bishii Maarso, 2021.

Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamada ciidamada qa labka sida ayaa sheegay in Shalay xukun dil ah la gu fuliyay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan "Dhaf oor” oo 32-sano jir ah, taas oo ah qisaasta Marxu um Sugow Gaarane Ciyow, waxa ayna Qisaasta ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane.

Danjiraha Soomaaliya ee Masar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galay shirka madasha dhallinyarada adduunka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, md. Ilyaas Shiikh Cumar iyo wafdi uu hoggaamin ayo ayaa ka qeyb galay shirka madasha dhalliny arada adduunka oo ka dhaca ya magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar.

Danjiraha ayaa bogaa diy ay madaxweynaha Masar Ca bdiataax Al-siisi iyo dowladda Masar oo si wanaagsan u soo qabanqaabiyay shir kan oo socon doona 10 ilaa 13-ka bishaan January.

Danjiraha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yah ay ka soo qeyb galka madashaan , si looga faa’iid eysto afkaaraha kala duwan ee dhallinyarada kasoo qeyb gelaysa shirka si loogu hormariyo dalalkooda.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Eede yn Culus U Jeediyay Muuse Biixi

Murashaxa madaxtinimada Somaliland ee Xisb iga Waddani, ayaa cambaareeyay isku day uu she egay in xukuumaddu ay doonaysey iney kaga hor istaago kulammo xisbigu uu ku qaban lahaa mag aalada Burco.Cabdiraxmaan Maxa med Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in kulam ada ay taageerayaasho oda la yeelanayaan aa ney uga fasax qaadana yn taliyaha booliiska iyo barasaabka gobolka Tog dheerba.

PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay dad loo heesto DILKII Cabdikaafi

Ciidamada ammaanka ee Puntland oo howl-gal ka sameeyey magaalada Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay rag iyo dumar loo heesto inay ka dam beeyeen dil Habeen hore wiil dhali nyaro ah loogu geystay bartamaha magaalada Garoowe ee xarunta gob olka Nugaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magac aabi jiray Cabdikaafi Cabdixamiid Warsame, waxa ana uu ka tirsanaa shaqaalaha dowladda hoose ee Garoowe.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska, qaybta gob olka Nugaal ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa siroodnka ay gacan ta kusoo dhigeen illaa afar qof oo lagu eedeynayo dilka marxuumka, kuwaas oo ay ku socdaan baari taano dheeraad ah.

"Ciidamada Booliska oo kaashanaya kuwa Sird oonka ayaa Habeen hore marka uu falkaasi dhacay waxay gudaha Magalada ka sameyeen howlgal la gu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka Marxu umka oo xiligaas goobta Ka baxsaday ayna suurto gashay soo qabashada dilkaas,” ayaa lagu yiri qor aalka kasoo baxay taliska qaybta Booliska ee gob olka Nugaal.

Sidoo kale Booliska ayaa intaasi kusii daray in falkan loo soo qabtay Cabdikaafi Ibraahim Aadan iyo saddex dumar ah, kuwaas oo loo gudbiyey laan ta dambi baarista ee CID-da.

Booliska ayaa u mahadceliyey dadka shacabka ah ee la shaqeeyey ciidamada sameeyey howl-gal ka lagu soo qabtay afartaasi qof ee eedeysanaha ah, loona heesto dilka.

Dhinaca kale duqa magaalada Garoowe, Axm ed Saciid Muuse oo qoraal soo saaray ayaa ka hadl ay dilka Cabdikaafi, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada marxuumka.

"Waxaa la diley Cabdikaafi Cabdixafiid oo ka tir sanaa shaqaalaha Dawladda Hoose ee Garoowe. Ill aahay janadii haka waraabiyo, ehelkiina samir alla ha ka siiyo. Waxaan dadweynaha ka codsana ynaa inay ciidanka amniga kala qaybqaataan sidii xogta dembiilayaasha lagu heli lahaa,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray duqa Garoowe.

Maalmihii dambe Puntland ayaa xoojisay howl-gallada lagu sugayo amniga, sidoo kalena lagula da gaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ee deega anada maamulkaasi.

Taliska Ciidanka xoogga oo sheegay inay howlg al ku dileen Saraakiil katirs an Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soo maaliyeed ee Gor-gor ayaa degaan u dhow degaan ka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay dagaal adag kula galeen dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in howlgal ay Ciidanka Gorgor ku qaadeen degaanka ay ku sugnaayeen Al-Shab aab ay ku dileen ku dhawaad 25 isugu jira Saraakiil & Xubno katirsan Al-Shabaab.

"Waxaa Ciidanka kumaand ooska xoogga howlgal qo rsheeysan ku gaareen inta u dhexeeysa degaannada Tawakal iyo Bariire iyadoo halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan kaasi oo Jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada.

Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 17-aad kumaa ndooska xoogga dalka ee Gor-gor (Dhamme Nag eeye) ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka ay kawarheleen in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan inta dhexeeysa degaanka Bariire iyo tuulada Tawakal ee gobolka Shabeellaha hoose kuwaasi oo Shacabka Soomaaliyeed u mal eegayay dhagar. Taliyaha ayaa tilmaamay inay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare xoogan, isla mar kaana ay ka dileen 25 Xubnood iyo dhaawac intaasi kabadan isagoona xusay inay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab sii wadi doonaan. Degaann ada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo katirs an kuwa xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa AMIS OM, iyaga oo halkaasi dagaalo adag kula gala Al-Shabaab.

Taliye-yaashii lagu dilay Cadakibir oo lagu kala aasay Dhuusamareeb & Cad aado

Taliyihii Guutada 13aad ee Qaybta 21aad ee Cii danka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Maxamed Ax med (Soocadde) iyo Taliyihii Hawlgelinta Qaybta 21aad, G/sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan (Ga saawe) ayaa Shalay lagu kala aasay Magaalooyi nka Cadaado iyo Dhuu samareeb.

Taliyihii Guutada 13aad ayaa lagu aasay Magaalada Cadaado, halka Taliyihii Hawlgelinta Qaybta 21aad lagu aasay Magaalada Dhuusamareeb.

Labada Taliye oo geeridooda ee saacado uun u dhaxeysay ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray dagaalkii xooganaa ee gelinkii dambe ee Axaddii Dorraad ka dhacay deegaanka Cadakibir ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiishan ayaa horkaceysay weerar ay Ciid anka Xoogga Dalka ku qaadeen deegaankaasi, wax yar uun ka dib markii ay la wareegeen maleeshiya da Al Shabaab. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Saraakiishaasi, isagoona sheegay inay u dhinteen difaaca deegaankooda iyo sharafkooduba.

"Allaha u naxariisto Saraakiishaasi, gacan ka xaqda ran baa dishay, waa mujaahidiin u dhintay deegaan kooda iyo sharaftooda, waana la aasay.” Ayuu yiri Wasiir Falagle.

Wasiir Falagle ayaa tilmaamay in Saraakiishaasi ay muhiim u ahaayeen Galmudug, isagoona yiri "Waa laba Sarkaal oo aad u muhiim ah bay ahaay een.”

G/dhexe Soocadde ayaa dhawaan xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Guutada 13aad ee Qa ybta 21aad, Gaashaanle Cabdiraxmaan Macalin Ma xamuud (Timo-dheere).

Korneyl Gasaawe oo nin dhallinyaro ahaa ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, ee ay Dowladda Federaalka qarameysay bi shii July ee sanadkii 2019.

Puntland oo kala qaaday maleyshiyo be eleedkii ku dagaalamay Saax mayga ag

Guddi nabadayn ah oo Puntland u xilsaartay col aadda Saax maygaag iyo Sange jebiye ayaa ku guu laystay in ay ka la qaadaan labadii maleyshiyo be eleedkii ee isku horfadhiyay deegaannadii dhowaan lagu dagaalamay.

Guddiga nabadaynta ay aa sheegay in ay mas aafo 30km dib u durkiye en malayshiyada, si loo ga hortago isku dhac ka le oo dhex mari kara lab ada dhinac.

Deegaannada laga saaray maleyshiyo beeleed ka ayaa la geynayaa ciiddamo katirsan maamulka Puntland si ay u xoojiyaan nabada, iyadoo laga am baqaadayo go'aannadii nabadeed ee dhawaan la dhex dhigay labada beel ee walaalaha ah.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Saax maygaag, da gaalkaas oo salka ku hayay muran ka dhashay dee gaamaynta Saax maygaag.

Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Shalay Lagu Dilay Muqdisho

Warar kaala duwan ayaa kasoo baxay Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Shalay lagu dilay qaybo ka mid ah Suuqa Ba kaakara ee M/Muqdisho Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in dilku uu ka dhacay agagaarka Hoteelka Shaam, waxaa na loo gaystay dilka Laba askari oo ka Tirsanaa Cii damadda Dow ladda Federaalka Soomaaliya, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, oo ka agdhawaa halka falku ka dhacay. Dilka ayaa waxaa fuliyay da bley hubeysan, kuw aasi oo la sheegay in ay goo bta isaga baxsadeen dilka kadib, waxaana la sheeg ay in Labada Askari ee dilka loo gaystay si weyn loo ga garanayay suu qa. Falka ka dib waxaa goobta gaaray Ciidanka Do wladda, kuwaaasi oo billaabay howgallo iyo baarita anno ay ku baadi goobayaan raggii dilka u gaystay Askarta ka tirsanayd Ciidanka Dowladda.

Wali lama shaacin cid loo soo qabtay dilkaasi, si doo kale laamaha amniga Gobolkani Banaadir wax war ah kama soo saarin, waxaana wali socda baari taanno ay

Dowladda Somalia oo qalab Casri ah u dirtay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS ayaa ka qayb galay Munaasabad ko oban oo ka dhacday Gudaha Garoonka Aadan Cab dulle ee Muqdisho taas oo qalab casri ah loogu dira yay Garoonka Diyaaraha Baydhabo.

Qalabkaan ayaa ah midka lagu hago diyaaraha si doo kalena ah mid casri ah, waxaana Wasiirka Ga adiidka iyo Duulista Raidka ah oo ka hadlay munaa sabada uu sheegay in horumarinta Maamulka hawadda ay ka go’an ta hay iyadoona la rajaynayo in daraja da hada ay joogto oo ah G la geeyo A oo ah halka ugu casri san.

"Horumarinta Maamulka Haw adda waa mid noo ah yoolka koowaad waxaana raj aynayaa in Sooma aliya ay qayb ka noqoto dalalka habka ugu casrisan u maamusha hawadooda”Ayuu Yiri Wasiir Duran Farah.

Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in Dham aan Garoomada dalka la hormarinayo , iyadoona dhanka kalena gaadiidka cirka ee dalka ka shaqee ya la tayaynayo.

Wareysi: Wiil kasoo goostay Eritrea oo soo ban dhigay xogta dhalinyaradii loo qaaday

Cabdulqaadir oo ka mid ah dhalinyaradii Soom aaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa soo bandhigay xogta dhalinyaradii uu ku jiray oo qaar la dilay, qaar soo baxsadeen, qaarna weli adoonsi ugu jiraan dowladda Eritrea.

Wiilkaan oo u waramay Weriye Xuseen Cabdu lle Maxamed ayaa sheegay in dhalinyaradaas inta ka nool ay ku jiraan xaalad aad u adag, isagoo waal idiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka dhiidhiy aan adoonsiga wiilashooda lagu heysto Eritrea.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in dh alinyarada qaar la dilay, kadib mar kii ay isku dhaceen iyaga iyo ciida mada Eritrea, qiyaastii 400 oo wiil ayuu sheegay in siyaabo kala du wan ay ugu geeriyoodeen Eritrea, inta uu ogyahay.

Dhammaan tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo qaaday Eritrea ayuu sheegay inuu ku qiyaasayo 5,400 (Shan kun iyo afar boqol) waxuuna sheegay in hadda loo heysto lacagta cunadii lasii jiray intii ay tababarka ku jireen.

4-tii bishii October ee sanadkii 2020-kii ayuu Cab dulqaadir sheegay in tababarkii uu u dhamaaday, wixii intaas ka dambeeyana ay ku jireen xaalad aad u adag oo adoonsi ay ugu jiraan dowladda Eritrea.

Wiilkaan ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaro ka soo goosatay xeryihii tababarka ee dalka Eritrea, kuwaas oo qaarkood ay dhex ku geeriyoodeen.

Dhammaan dadka Soomaaliyeed ayuu Cabdulq aadir ugu baaqay inay dhigaan banaanbaxyo iyo wax kasta oo ay uga dhiidhi karaan dhibaatada hey sata wiilasha Soomaaliyeed ee ku jira adoonsiga Eri trea.Waxuu sheegay in dhibkii loo geystay uu aa qiro iyo aduun Alle kula xisaabtamayo Farmaajo oo dabinkaas u maleegay, sidoo kale Ra’iisul wasa are Rooble ayuu ka codsaday in dhalinyaradaas inta

hartay uu noloshooda badbaadiyo.


Galmudug oo shaacisay shaqada ay hay een saraakiishii lagu dilay Cadakibir

Waxaa Shalay la aasay meydadka saraakiil iyo askar ka tirsanayd military-ga Soomaaliya, oo shaley gelinkii dambe ku dhintay dagaal ka dhacey deegaanka Cado Kibir, oo ku dhaw degmada Cadaado ee gobolka Galg aduud.

Saraakiisha la aasay waxaa kamid ahaa Gaashaanle Sare Cabdiqaadir Maxamad Cart an, oo ahaa taliyihii hawlgelinta Qeybta 21-aad, iyo Ga ashaanle Dhexe Cali Maxamad Soocade, oo ah aa taliyihii Guutada 13-aad ee Qeybta 21-aad.

Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shi re Falagle ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaallada Al-Shabaab ay ka geysteen Gobolka Galgaduud oo ay ku dhinteen Saraakiil katirsan Ciidanka Dowl adda.

Falagle waxa uu sheegay in weerarada Al-Sha baab ay yihiin kuwo jidgal ah, ujeedka ay ka leeyih iin ayuu ku sifeeyay in ay muujiyaan joogitaankooda deegaannada Galmudug sida uu hadalka u dhigay Wasiir Axmed Shire.

"Waxa aan ka tacsiyeenayaa saraakiil si qaldan waddada ugu galeen Al-Shabaab oo geeriyootay, waxa ay wadeen sahan deegaannada ah, Shabaab waxa uu ujeedkoodu ahaa waan joognaa balse ma jiro dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud” ayuu yiri Falagle.

Axmed Shire Falagle waxa uu sheegay in Ciida mada Federaalka & Daraawiishta Galmudug wada jir ay u wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shaba ab isla markaana ay kawada shaqeynayaan xoojin ta nabadgalyada.

Isku dhac Ciidan oo ka dhacay Dhuusamareeb ayuu Wasiir Axmed Shire Falagle ku sheegay in xal ka gaarista shaqaaqadaas loo daayay saraakiisha Ciidamadaas ay ka kala tirsan yihiin si ay u mariy aan anshaxa u yaalla.

Dowladda Somalia oo soo bandhigtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Aadan Guurow Isaaq oo muddo toddobo sanno ah ka tirsanaa da gaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Ma gaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale oo ah taliyaha ururka 25-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Aadan uu kala soo cararay naftiisa Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Saraakiisha Ciifamada ay soo dha weyn doonaan cid kasta oo ka tirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibta, wuxuna ugu baaqay kuwa hadda kuj ira inay isaga soo tagaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kordhay tirada xubnaha isu soo dhiibaya Dowladda Sooma liya ee ka tirsan Al-Shabaab, waxaana muddo tod obaad gudahood ah ay dowladda Soomaaliya soo bandhigtay Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Al-Sha baab balseahaayeen kuwo isa soo dhiibay.

Joe Biden Oo Kala Hadlay Abiy Ahmed Dilka Iyo Xariga Loo Geysanayo Dadka Rayidka Ah

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed sii socoshada colaadda ka jirta dalkaas, wuxuuna walaac ka muujiyay

dadka lagu hayo xaaladda degdegga ah, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Ba yaan ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu she egay in Madaxweyne Biden uu sidoo kale u muujiy ey Abiy Ahmed walaaca ku saabsan dhimashada dadka rayidka ah ee duqeymaha cirka ee u dambe eyay, waxaana uu xaqiijiyay sida ay Mareykanka u ga go’an tahay in ay ka barbar shaq eeyaan Mido wga Afrika iyo saaxiibada kale ee gobo lka si ay gacan uga geystaan xalinta khilaafka. Madaxwe ynaha Mareykanka ayaa Abiy ku ammaanay sii deynta dhowr maxaabiis siyaasadeed oo dhawaan laga sii daayay xabsiyada dalka Ethiopia, waxayna labada hoggaamiye ka wadahadleen sidii loo dard argelin lahaa wada-hadallada ku aaddan xa bbad-jo ojin degdegga ah si loo horumariyo gar gaarka ban i’aadamnimo ee Itoobiya oo dhan.

Abiy ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu la yeeshay wadahadal si hufan Biden oo ku saabsa naa arrimaha hadda ka taagan Itoobiya, xiriirka lab ada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka.

Jimcihii, dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay cafis u fidisay dhowr xubnood oo ka tirsan uru rka TPLF (Tigray People’s Liberation Front), kuwa as oo ciidamadoodu ay tan iyo bishii November ee 2020-kii dagaal ba’an kula jireen ciidamada dawla dda ee ku sugan waqooyiga Itoobiya, iyo sidoo kale hoggaamiyeyaal caan ah oo mucaarad ah oo ka tirsan jabhadda. Qowmiyadaha Oromada iyo Amx aarada. Balse,Illaa hadda ma cadda tirada dadka cafiska loo fidiyay ee la sii daayay.

Waxay ahayd talaabadii ugu yaabka badnayd ee ay dawladu qaado kadib markii dagaalki Tigray ga ee lagu hoobtay uu galay waji cusub dabayaaqa dii bishii December, markaas oo ciidamada Tigray gu ay dib ugu gurteen gobolkooda iyada oo ay du ulaan militari ku qaadeen ciidamada Itoobiyana ay sheegeen in aysan horay u sii socon.

200 Oo Qof Oo Lagu Dilay Gobolka Zamfara Ee Ku Yaalla Waqooyi Galbeed Dalka

Gobolka Zamfara ee ku yaalla waqooyi galb eed ee dalka Nigeria, ayaa kooxo hubeysan waxey ku dil een 200 qof, iyagoo halkaasi ku qaadey weer aro is xig xigey.

Waxaa la sameeyey aas, iyad oo la duugey dad gaara ya ugu yaraan illaa iyo laba boqol inta la og yahay.

Qaar kamid ah dad ka badbaadey weerarkii la gu laayey dadka faraha badan, ayaa u sheegay BBC-da in rag hubeysan, kuwaasoo watey mootoo yin ay xabado ku fureen dadka, markii ay dhex marayeen tuulada ay dhibaatadu ka dhacdey.

Weerarkani ayaa yimid kadib markii ay dowladda Nigeria ay hawada ka duqeysay qaar kamid ah dag aal yahano katirsan kooxdani toddobaadkii tagey.

Kooxdani ayaa weeraro ku qaadeysay gobolka Zamfara iyo gobolada kale ee ku xeeran sanado ba dan. Kooxdani ayaa dalka Nigeria waxaa loogga yaqaanaa Bandits.

Waxey leeyihiin nidaam u gooni ah, oo ay kujir aan kooxo dambiilayaal ah, kuwaasoo inta badan dhaca xoolaha, waxey dalbadaan madax furasho, iy agoo dila dhibanayaasha ay heystaan.

QM oo joojisay gargaarkii bini’adam nimo ay ge eyn lahayd waqooyiga dalka Ethiopia.

Hay’adaha gargaarka qm ayaa hakiyay shaqadii ay ka hayeen waqooyi-galbeed ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaddib markii weerar cirka ah la gu duqeeyay

xero ay ku jireen dad barakacayaal ah, sida ay sheegtay hay’adda Qarama da Midoobay u qaabilsan ka hortagga musiibooyinka.

Xafiiska Qaramada Midoob ay u qaabilsan isku xirka ar rimaha bini’aadantinimada ayaa warbixin uu siiyay wakaaladda wararka ee Fr ance-Presse ku sheegay in weerarka oo saqdii dhe xe ee jimcaha ka dhacay magaalada Dedebet ee waqooyi galbeed ee gobo lka Tigray uu sababay dhimashada iyo dhaaw aca dad badan oo rayid ah. "sida ku cad xogteeda hore.

Maxkamada Myanmar Ayaa Afar Sano Oo Xarig Ah Ku Xukuntay Hogaamiy aha Xilka Laga Tuuray Aung Suu Kyi

Maxkamad militari oo ku taal Myanmar ayaa Isni intii ku xukuntay afar sano oo xarig ah hogaamiyihii xilka laga tuuray Aung San Suu Kyi, kadib markii la gu soo oogay eedeymo dhowr ah, oo ay ku jiraan inay heysatay Radiha isgarsiina ooy shati loo ha ysan, sida ay sheegtay ilo xog ogaal ah. Suu Kyi, oo 76 jir ah, oo ku guu lay satay abaa lmarinta Nobel-ka, ayaa waxaa loo haystaa ku dhaw aad 12 kiis oo wadarta xukun ah in ka badan 100 sano oo xarig ah. Way diiday dham maan eed aha.

Wadankaan ku yaalo bariga foog aya waxaa xu kun kii xoog kula wareegay Militryga oo dad badan laayey si aay u sii haystaan xukunka dalka oo Shal ayna ku xukumaay afar saano ooo xarig ah hoga amiyihii xilka laga tuuray Aung San Suu Kyi oo 76 jir ah.

Mareykanka: 19 ruux oo ku dhintay dab ka kacay New York

Ugu yaraan 19 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla magaalada New York ee dalka Mareyk anka.

Duqa magaalada New York Eric Ad ams ayaa sheegay in 32 ruux oo la dhi gay isbitaal,dhowr ka mid ah ay aad u liidato xaaladdooda caafimaad.

, Madaxa waaxda dab-damiska Daniel Nigro ayaa sheegay inay heleen dhibanayaal ku su gnaa qolal ka mid ah19-ka dabaq, wuxuuna intaa raaciyay in dhimashadu ay tahay tii ugu darneyd ee lagu arko New York muddo 30 sano ah.

Dabka ayaa ka kacay qolal ku yaalla dabaqa la baad iyo kan saddexaad ee dhismaha Bronx abb aarihii 16:00 GMT.

Weerar kadhacay lamu & Al-Shabaab oo sheegtay

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuiyad da weerar Habeen hore ka dhacay gobolka xeebta ah ee Lamu, waxayna sheegeen inay weerarkaasi ku dileen laba qof.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale tebiyey telefishin ka Citizen ee dalka Kenya. Telefiishinka Citizen wa xa uu soo tebiyey oo kale in weerarku ka dhacay degaanka Kibaoni.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Al-Shabaab ta ageerta, weerarku waxa uu ka dhacay degaannada Wito iyo Salaama.

Booliiska Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan u dambeeyey ee ka dhacay G/ Lamu Habeen hore.

Hase yeeshee booliiska Kenya waxay ka hadle en weerar ka dhacay Lamu Jimcihii oo ay ku dhinte en afar ka tirsan ciidamada booliiska sida ay qoreen wargaysyada The Star iyo The Standard.

Booliisku waxay qireen in baabur uu leeyahay ciidanka booliiska oo ilaalo ku jiray lagu qaaday we erar gaadmo ah. Warbaahinta Kenya waxay tebiye en in baabuurkaas lala helay baasuuke.

Weerarrada ka dhacay gudaha dalka Kenya ee loo tirinayo ururka Al-Shabab ayaa sannadkan gud ihi isa gaaraya afar weerar.

Xubin Sare Oo Ka Tirsan Ururka Taalibaan Oo Afghanistan Lagu Dilay

Saraakiil ka tirsan dowladda Pakistan ayaa she egay in xubin sare oo ka tirsan ururka Talibaan ee Pakistan lagu dilay bariga Afg aanistaan.

Waxay saraakiishaasi sheege en inay wali isku dayayaan inay ogaadaan sida uu u dhintay Muxamed Khurasani.

Waxa uu muddo badan soo ahaa af-hayeenka ururka Taalibaan, ee ka baxay ururki hore ee Taalib aan ee Afghanistaan.

Khurasaani wuxuu marar badan difaacay inuu wax door ah ku laheen dilki 2014-ki loo geystay ku dhawaad 150 arday oo iskuul lagu dhex dilay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Islamabad wax ay sheegeen Khuraasaani inuu maamuli jiray xero dagaallamayaasha Taalibaan lagu tababaro oo ku

taalla gudaha dalka Pakistan.



XILDHIBAAN XULID QABIIL> DOORA SHO QOF IYO COD> MAG ACAAB ID>XULID QABIIL.


Doorashadii loogu diyaar garoobayay Barlamaakii ugu horeeyay ee So malida Koofurta, wakhtigii Daakhiliyada 1956 oo ka koobnaa 70 Xildhibaan oo 60 ka somalidaa la soo dooranayay. 10na ey soo xulanayeen Dadka laga tirada badan yahay oo ahaa 4 Xildhibaan Talyaani, 4 Carab, 1 Hindi iyo 1 Bakistaan ah.

Qabiilada Somalida oo dhami Muddo Gaaban ayeey Deegaankooda ku soo dooraneyn Nabadoono iyo Wakiilo Siyaasadeed oo ahaa ergo.

Nabadoonadu waxa ey ahaayeen kuwo Dadku Toos u doorto oo Mushaari ah kana Diiwaan gashan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, lehna Warqad Aqo onsi.

waxa ey a awoodeen in Qofka Qabiilkaa ey ka soo Damiintaan Xabsiga. iyo in ey Saldhiga geeyaan Qofkii Qabiilka ah ee Qaaraan diid ah, ama isaga oo aw oodo Xaaskiisa Biili waayo, ama dhaco Dhaxal agooneed ama laga baqo in uu Dad dilo.

Wakiiladda Siyaasadu ma leheyn Mushaar iyo Awood fulin, wakhtigoodu waxa uu ku ekaa inta la soo xulayo Ci dda loo dirayay Baarlamkii ka horeey ay Xuriyadda. Badanaa waxa ey ahaay een Dadka Magaalada ka yimid ee Qabiilka ama Culimada Beelaha.

HEERARKII DOORASHO EE LA SOO MARAY.

Tii ugu horeysay waxa ey aheyd Doorasho Dadban oo Xulasho ah. waxaa xigay Doorasho Axsaab badan oo tartamayo Codkuna ahaa Qof iyo Cod. Ka dibna Doorashadii Kacaanka, hal Musharax oo kaliya oo diyaarsaday laba San duuq oo kala yaal Laba Qol oo loo jeedo Qolka uu galayo Cod bixiyuhu , (Haa Buluuga ,maya Huruudka).

( F.S: 1aad) waxaa HAA ku Codeeyay 4,887,582 Qof. Maya 1,486 Qof. taa oo ah in 99.9% in ey u codeeyn Maxamed Siyad oo ahaa tartamaha kaliya ee la dooranayay 7 Saano oo Cusub. Haddii Somali 99.9% wax isku raaci lahaayeen Somlidu sida Shalay ey tahay ma noqoteen.

waa doorashadii ” Nin Dooran Doorta xoow dhahdeen, Dadkase Xoow Dambaajiseen”. waxaa xigay Doorasho ey wax dooranayeen Jabhado, kadibna Rood Map iyo Doorsho Dadban waxaa loo noqday Habkii Xuriyadda ka hor iyo kii Kacaanka oo la isku dhafay oo ah Nabadoon iyo Ergo,iyo Madaxweyne Maa mul Gobaleed Intaan rabo liikooda ii soo Xul si ey ii doortaan Adna aad halkaa ga u joogto.

Suura gal iima ahan in aan soo qaato Somaliya oo dhan sida wax loo door tay waxa ey noqonee Buug dhan oo Boqolaal Bog ah, sidaa daraadeed ayaan soo qaatay qeybo ka mid ah Shabeelada dhexe iyo Galguduud.

Sidee wax loo doortay 1955 iyo Qabiila

F.S: 2aad~551. Qabiilka Habar Nugaale, 31.10.1955. Dadka wax doortay waa 3021 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Maxamed Gacal Maxamud, Lalama Tartamin. Siyaasadda waxaa Codeeyay 3021 Qof , wakiilka Siyaasadda waxaa loo doortay isla Maxamed Gacal Maxamud. ku xigeena Caraaye Maxamud.

F.S:2aad ~552. Ciise Harti, 7.11.1955. Dadka wax doortay 3211 Qof. Wa xa la doortay Nabadoon Sh. Maxamud Cosoble, lalama tartamin. Siyaasadda waxaa Codeyay 3211, waxaa la doortay isla Sh. Maxamed Cosoble, ku xigeena Sh. Xassan Maxamed.

F.S: 2aad~ 553. Diimaale Xassan. 14.11.55. Dadka wax doortay 2216. Wa xaa la doortay Nabadoon Aw Axmed Cali iimaan waxa uu helay 1216 Cod. Wa kiilka Siyaasadda waxaa la doortay Aw Maxamed Nuur oo helay 1216 Cod. Ku xigeena Axmed Sh. Cali iyo Maxamed Maxamud Cubeyd.

F.S:2aad~ 554. Kabaale Koofuro, 16.11.55. Dadka wax doortay waa 4301 Qof. waxa la doortay Nabadoon Sh. Axmed Xassan lalama tartamin. Wak iilka Siyaasadda waxaa loo doortay Xassan Xaaji Maxamed oo helay 4301 Cod. ku xigeena Sh. Muxudiin Maxamed.

F.S: 3aad~ 549 .Abgaal, Yusuf Daa’uud 19.11.55. Dadka wax Doortay waa 6089 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Cali Cabdulle Maxamed oo helay 3015 Cod. Siyaasadda waxaa Codeeyay 6089 Qof , waxaa Wakiil Siyaasad loo door tay Sh. Cali Maxamud Roble oo helay 1053 Cod. ku xigeena Cabdulle Maxam ed iyo Sh. Xassan Maxamed oo helay 5036 Cod. ku xigeenkiisa Cadow Max amed.

F.S: 3aad ~ 550. Cabdulle Galmaax 21.11.55. Dadka wax doortay 6101 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Sh. Cali Sh. Muuse oo helay 5101 .Wakiilka Siyaasadda. qoraalka qeyb hoose ayuu iga galay iimana suuragalin in aan Akhr i karo.

F.S: 4aad~ 480. Waceysle, Aybakar Gaab Tolweyne- Maxamed Aybakar, Gabal Aybakar, Hilowle Aybakar, iyo Cusman. 3.11.55. Dadka Codeeyay 1503 Qof. Nabadoonka la doortay Xaaji Iimaan Dhiblaawe oo helay 1003 Cod. Siya asadda waxaa Codeeyay1503 Qof. wakiilka Siyaasadda waxaa la doortay Car aale Maxamed Suguro oo helay 1503 Cod. Ku xigeena Yusuf Afrax Wardheere.

F.S: 4aad~ 481.Daa’uud Calooley- Araale Muuse.16.11.55. Dadka wax do ortay waa 899Qof. Nabadoonka la doortay Sh. Cumar Cadow oo helay 550 Cod. Siyaasadda waxaa codeeyay 899 Qof. Wakiilka Siyaasadda waxa loo do ortay isla Sh. Cumar Cadow oo helay 899 Cod. Ku Xigeena Xassan Cali Geedi.

F.S: 4aad ~ 482. Daa’uud Calooley – Cali Muuse.15.10.55. Dadka Codee yay waa 4149 Qof. Nabadoonka la doortay waa Warsame Maxamed Cumar oo helay 2805 Cod. Siyaasadda waxaa Codeeyay 4149 Qof. Wakiilka Siyaasadda waxaa la doortay Sh. Maxamed Axmed oo helay 3824 Cod. ku xigeena Cusm an Calasow Cosoble iyo Macallin Xassan Weheliye oo helay 325 Cod. Ku xige ena Warsame Afrax Taakoow.

F.S: 5aad ~478. Waceysle, Cabdi Macallin. 21.10.55. Dadka codeeyay 863 Qof.waxaa la doortay Nabadoon Macalin Cabdulle Xaayoow oo helay 601 Cod. Siyaasadda waxaa codeeyay 863 Qof. wakiilka Siyaasada waxaa loo doortay Cabdi Raage Xussein oo helay 863 Cod. ku xigeena Xussein Wardheere Aybakar.

F.S:6aad~ 473. Waceysle Cabdiraxmaan iyo Dhagaweyne. 9.10.55. Dad ka ka qeyb galay Doorashadu waa 1514 Qof. Nabadoonka la doortay Xassan Afrax Fareey oo helay 700 Cod. Siyaasada waxaa codeeyay 1510 Qof. wakiilka Siyaasada Xassan Maxamed Weheliye oo helay 1510 Cod. ku xigeen Maxa med Sh. May.

F.S: 6aad~474. Waceysle Cali Gaaf- Aruuris, Jilib, Fasaxaa le iyo Wece ys.15.10.55. Dadka Codeeyay 2515 Qof. waxaa la doortay Sh. Xassan Maxam ed oo helay 1203 Cod. Siyaasadda waxaa Codeeyay 2515 Qof. wakiilka Siyaa sadda waxaa loo doortay Xaaji Ibrahim Sh. Maxamud oo helay 2515 Cod. ku xigeena Sh. Maxamed Cadaan.

F.S:6aad~475. Waceysle Cali Gaaf- Axmoow, Ali Cabdi, Cadaan iyo Jibara’ iil. 17.10.55. Dadka Codeeyay waa 2713 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Sh. Ibrahim Qaboobe oo helay 1303 Cod. Siyaasada waxaa Codeeyay 2713 Qof. Wakiilka Siyaasadda Sh. Saciid Sh. Ibrahim oo helay 1713 Cod ku xigeen Max amed Sh. Abukar.

F.S: 7aad~ 343. Maxamed Muse Soomane, 30.10.55. Dadka Codeeyay 1540 Qof, Nabadoonak la doortay Cusman Cadow Uddo oo helay 992 Cod. Siy aasada waxaa codeeyay 1530 Qof. wakiilka siyaasada Maxamed Xassan Ma toto oo helay 992 Cod. ku xigeen Sh. Maxamed Cusman iyo Nuur Cilmi mac all im oo helay 538 Cod. Ku xigeen Cumar Mahad Axmed.

F.S: 7aad~ 344. Maxamed Muuse Tuuryare. 31.10.55. Dadka codeeyay 2054. Nabadoonka la doortay Maxamed Nur Xasaan oo helay 2054 Cod. Siyaa sadda waxaa codeeyay 2040 Qof . waxaa la doortay Xaaji Nuur Macallim oo helay 2040 Cod. ku xigeena Maxamed Nuur Xassan.

F.S: 7aad ~ 345. Maxamed Muse Barkaanle. 1.11.55. Dadka codeeyay 661 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Maxamed Macow Guad oo helay 560 Cod. Si yaasada waxaa Codeeyay 637 Qof. waxaa la doortay Cali Xassan Hilowle oo helay 637 Cod. ku xigeena Maxamed Macow wardheere.

F.S: 7aad~345. Agoonyar, Celi Agoonyar. 27.10.55. Dadka Codeeyay 1506 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Cali Xassan Gurey lalama tartamin. Siyaasad da waxaa Codeeya 1402 Qof. wakiilka Siyaasada Sh. Maxamed Axmed Cali oo helay 1402 Cod. ku xigeen Axmed Maxamed.

F.S: 8aad~413. Warsangele, Cumar warsangele. Jawhar 23.11.55. Dadka Codeeyay 985 Qof. Nabadonka la doortay Xassan Macallin Nur lalama tarta min. Wakiilka Siyaasada Sh. Cuamr Maxamud oo helay 967 Cod.ku xigeena Maxamed Cali Maxamud.

F.S: 9aad~ 373 Agoonyar- Buraale Muse . 29.10.55. Dadka Codeeyay 3025 Qof. Nabadoonka la doortay Maxamed Maxamud Jimcale lalama tartamin. Siya asada waxaa codeeyay 3012 Qof.wakiilka Siyaasada Weheliye Caadle Taako ow oo helay 3012 Cod. ku xigeen Sh. Abuukar Sh.Yusuf.

F.S: 10aad~ 340. Agoonyar- Gabale Muuse.28.10.55. Dadka Codeeyay 1411Qof. Nabadoonka la doortay Xaaji Maxamud Maxmed Rage lalama tarta min. Siyaasadda waxaa Codeeyay 1410 Qof. wakiilka Siyaasadda Maxamud Ja naqow oo helay 1410 Cod. ku xigeen Xaaji Maxamud Maxamed Rage.

F.S: 10aad~ 341. Agoonyar- Cabdalle Agoonyar. 26.10.55. Dadka Codeeyay 2102 Qof. Nabadoonka la doortay Cali Jidhaan Cadow oo helay 1518 Cod. ku xigeen Sh. Maxamed Sh. Abiikar iyo Cumar Barow oo helay 584 Cod iyo Nur Xassn Roble.

F.S: 10aad~ 342. Agoonyar Reer Adan. 24.10.55. Dadka Codeeyay 2392 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Colow Gaabane lalama tartamin . Siyaasada waxaa Codeeya 2392 Qof. wakiilka Siyaasada Maxamed Nuur Cadow oo helay 2392 Cod. ku xigeen Maxamed Xassan Guudlaawe.

F.S: 11aad~ 375. Shirka Magaalada Margherita. Abgal ” Gruppo Etnico” 21.10.55. Dadka Codeeyay 1328 Qof. Nabadoonka la doortay Xussein Max amed Cali Colow. lalama tartamin. wakiilka Siyaasada Muxudiin Maxamed Cilmi oo helay 1201 Cod.ku xigeena Macallin Axmed Yusuf.

F.S: 12aad~ 338. Waceysle Aybakar gaab. 5.10.55. Dadka wax doortay 1050 Qof. Nabadoonka la doortay Sh. Cabdullahi Sh. Daa’uud oo helay 534 Cod. Siyaasadda waxaa codeeyay 1048 Qof. wakiilka Siyaasadda Xassan Ca bdi Calasow oo helay 732 Cod. Axmed Sh. Cumar Sh. Daa’uud iyo Xaaji Cali Gedi Shadoor oo helay 316 Cod. ku xigeen Xassan Maxamed Dhiblaawe.

F.S: 13aad~ 133. Waceysle Absuge. 5.9.55. Dadka Codeeyay 575 Qof. Nab adoonka la doortay Cumar Casir Maxamed lalama tartamin. Siyaasda waxaa co deeyay 574 Qof . wakiilka Siyaasadda Cilmi Sh. Axmed Jimcaale oo helay 574 Cod. ku xigeen Xassan Sh. Axmed Jimcaale.

F.S: 14aad~ 135. Waceysle Maxamed Cadde. 15.9.55. Dadka Codeeyay 2050 Qof. Nabadoonka la doortay Cusman Xaaji Maxamed lalama tartamin. Siy aasadda waxaa codeeyay 2044 Qof . wakiilka Siyaasada waxaa loo doortay Cu sman Xaaji Maxamed oo helay 2044 Cod. ku xigeena Sayid Cumar Xaji M/med

F.S: 15aad~ 68. Cabdalle Caroone. 2.9.55 waxaa Codeeyay 1828 Qof. Na badoonka la doortay Sh. Axmed Macallin oo helay 1210 Cod. Siyaasada waxaa Cideeyay 1828 Qof . wakiilka Siyaasada waxaa loo dooraty Sh. Maxamed Cali oo helay 1828 Cod. ku xigeena Maxamed Cali Axmed.

F.S: 15aad ~ 69. Kabaale Waqooyi. 10.9.55 Dadka Codeeyay 1316 Qof. Nabadoonka la doortay Maxamud Jilacow Cadow lalama tartamin. Siyaasada waxaa codeeyay 1316 Qof. Wakiilka Siyaasada waxaa loo doortay isla Maxa mud Jilacow Cadow oo helay 1316 Cod. ku xigeena Sh. Cumar Sh. Xassan.

F.S: 16aad~ Mataan. Duuliye Malinle. 25.8.55. Dadka ka soo qeyb galay 1151 Qof. Nabadoonka la doortay Cali Jimcaale Guduud lalama tartamin. Shir ka Siyaasada waxaa ka codeeyay 1151 Qof. wakiiladda Siyaasadda.

a) Farax Mahad Cilmi oo helay 408 Cod. ku Xigeen Xusein Cali Cadow.

b) Qaasim Sh. Axmed oo helay 314 Cod. Ku xigeen Xusein Axmed Mahad .

c) Nur Axmed Muxudiin oo helay 167 Cod.ku xigeen Aw Cali Yusuf.

d) Nuur Macallin Maxamed oo helay 103 Cod. ku xigeen Maxamed Xassan Cadow.

e) Aw Cumar Maxamed oo helay 159 Cod. ku Xigeen Aw Xusein Maxamed.

waxa ey aheyd Documentigaan oo dhan in lagu keeydiyo Xarunta Baarlamaan ka qaranka si ey wax uga fahmaan Xildhibaanadu ama Ardayda Cilmi baaraya ashu ey wax uga ogaadaan.

(Qaab Doorashadii Somalidu waxa ey dib ugu noqotay oo ku dambeysay ha lkii ey joogtay Xuriyadda ka hor ee Qabiilka iyo Ergada, wakhtigii Xuriyada 1960 kiina waxa ey ku bilaabatay Qof iyo Cod…. xageen u soconaa?)

FG: iga sax wixii aan ka khalday, ku dar wixii ka dhiman.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip