Xildhibaan Xulid Qabiil> doorasho Qof iyo Cod> Magacaabid>Xulid Qabiil.

0
Monday January 10, 2022 - 13:48:53 in Wararka by
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Xulid Qabiil> doorasho Qof iyo Cod> Magacaabid>Xulid Qabiil.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

            Doorashadii loogu diyaar garoobayay Barlamaakii ugu horeeyay ee Somalida Koofurta, wakhtigii Daakhiliyada 1956 oo ka koobnaa 70 Xildhibaan oo 60 ka somalidaa la soo dooranayay. 10na ey soo xulanayeen Dadka laga tirada badan yahay oo ahaa 4 Xildhibaan Talyaani, 4 Carab, 1 Hindi iyo 1 Bakistaan ah.

      Qabiilada Somalida oo dhami Muddo Gaaban ayeey Deegaankooda ku soo dooraneyn Nabadoono iyo Wakiilo Siyaasadeed oo ahaa ergo.


Nabadoonadu waxa ey ahaayeen kuwo Dadku Toos u doorto oo Mushaari ah kana Diiwaan gashan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, lehna Warqad Aqoonsi. waxa ey a awoodeen in Qofka Qabiilkaa ey ka soo Damiintaan Xabsiga. iyo in ey Saldhiga geeyaan Qofkii Qabiilka ah ee Qaaraan diid ah, ama isaga oo awoodo Xaaskiisa Biili waayo, ama dhaco Dhaxal agooneed ama laga baqo in uu Dad dilo.

       Wakiiladda Siyaasadu ma leheyn Mushaar iyo Awood fulin, wakhtigoodu waxa uu ku ekaa inta la soo xulayo Cidda loo dirayay Baarlamkii ka horeeyay Xuriyadda. Badanaa waxa ey ahaayeen Dadka Magaalada ka yimid ee Qabiilka ama Culimada Beelaha.

Heerarkii Doorasho ee la soo maray.

       Tii ugu horeysay waxa ey aheyd Doorasho Dadban oo Xulasho ah. waxaa xigay Doorasho Axsaab badan oo tartamayo Codkuna ahaa Qof iyo Cod. kadibna Doorashadii Kacaanka, hal Musharax oo kaliya oo diyaarsaday laba Sanduuq oo kala yaal Laba Qol oo loo jeedo Qolka uu galayo Cod bixiyuhu , (Haa Buluuga ,maya Huruudka). ( F.S: 1aad) waxaa HAA ku Codeeyay 4,887,582 Qof. Maya 1,486 Qof. taa oo ah in 99.9% in ey u codeeyn Maxamed Siyad oo ahaa tartamaha kaliya ee la dooranayay 7 Saano oo Cusub. Haddii Somali 99.9% wax isku raaci lahaayeen Somlidu sida maanta ey tahay ma noqoteen. waa doorashadii ” Nin Dooran Doorta xoow dhahdeen, Dadkase Xoow Dambaajiseen”. waxaa xigay Doorasho ey wax dooranayeen Jabhado, kadibna Rood Map iyo Doorsho Dadban waxaa loo noqday Habkii Xuriyadda ka hor iyo kii Kacaanka oo la isku dhafay oo ah Nabadoon iyo Ergo,iyo Madaxweyne Maamul Gobaleed Intaan rabo liikooda ii soo Xul si ey ii doortaan Adna aad halkaaga u joogto.

Suura gal iima ahan in aan soo qaato Somaliya oo dhan sida wax loo doortay waxa ey noqonee Buug dhan oo Boqolaal Bog ah, sidaa daraadeed ayaan soo qaatay qeybo ka mid ah Shabeelada dhexe iyo Galguduud.

Sidee wax loo doortay 1955 iyo Qabiila

F.S: 2aad~551. Qabiilka Habar Nugaale, 31.10.1955. Dadka wax doortay waa 3021 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Maxamed Gacal Maxamud, Lalama Tartamin. Siyaasadda waxaa Codeeyay 3021 Qof , wakiilka Siyaasadda waxaa loo doortay isla Maxamed Gacal Maxamud. ku xigeena Caraaye Maxamud.

      F.S:2aad ~552. Ciise Harti, 7.11.1955. Dadka wax doortay 3211 Qof. waxa la doortay Nabadoon Sh. Maxamud Cosoble, lalama tartamin. Siyaasadda waxaa Codeyay 3211, waxaa la doortay isla Sh. Maxamed Cosoble, ku xigeena Sh. Xassan Maxamed.

       F.S: 2aad~ 553. Diimaale Xassan. 14.11.55. Dadka wax doortay 2216. Waxaa la doortay Nabadoon Aw Axmed Cali iimaan waxa uu helay 1216 Cod. Wakiilka Siyaasadda waxaa la doortay Aw Maxamed Nuur oo helay 1216 Cod. Ku xigeena Axmed Sh. Cali iyo Maxamed Maxamud Cubeyd.

      F.S:2aad~ 554. Kabaale Koofuro, 16.11.55. Dadka wax doortay waa 4301Qof. waxa la doortay Nabadoon Sh. Axmed Xassan lalama tartamin. wakiilka Siyaasadda waxaa loo doortay Xassan Xaaji Maxamed oo helay 4301 Cod. ku xigeena Sh. Muxudiin Maxamed.

      F.S: 3aad~ 549 .Abgaal, Yusuf Daa’uud 19.11.55. Dadka wax Doortay waa 6089 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Cali Cabdulle Maxamed oo helay 3015 Cod. Siyaasadda waxaa Codeeyay 6089 Qof , waxaa Wakiil Siyaasad loo doortay Sh. Cali Maxamud Roble oo helay 1053 Cod. ku xigeena Cabdulle Maxamed iyo Sh. Xassan Maxamed oo helay 5036 Cod. ku xigeenkiisa Cadow Maxamed.

     F.S: 3aad ~ 550. Cabdulle Galmaax 21.11.55. Dadka wax doortay 6101 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Sh. Cali Sh. Muuse oo helay 5101 .Wakiilka Siyaasadda. qoraalka qeyb hoose ayuu iga galay iimana suuragalin in aan Akhri karo.

      F.S: 4aad~ 480. Waceysle, Aybakar Gaab Tolweyne- Maxamed Aybakar, Gabal Aybakar, Hilowle Aybakar, iyo Cusman. 3.11.55. Dadka Codeeyay 1503 Qof. Nabadoonka la doortay Xaaji Iimaan Dhiblaawe oo helay 1003 Cod. Siyaasadda waxaa Codeeyay1503 Qof. wakiilka Siyaasadda waxaa la doortay Caraale Maxamed Suguro oo helay 1503 Cod. Ku xigeena Yusuf Afrax Wardheere.

       F.S: 4aad~ 481.Daa’uud Calooley- Araale Muuse.16.11.55. Dadka wax doortay waa 899Qof. Nabadoonka la doortay Sh. Cumar Cadow oo helay 550 Cod. Siyaasadda waxaa codeeyay 899 Qof. Wakiilka Siyaasadda waxa loo doortay isla Sh. Cumar Cadow oo helay 899 Cod. Ku Xigeena Xassan Cali Geedi.

       F.S: 4aad ~ 482. Daa’uud Calooley – Cali Muuse.15.10.55. Dadka Codeeyay waa 4149 Qof. Nabadoonka la doortay waa Warsame Maxamed Cumar oo helay 2805 Cod. Siyaasadda waxaa Codeeyay 4149 Qof. Wakiilka Siyaasadda waxaa la doortay Sh. Maxamed Axmed oo helay 3824 Cod. ku xigeena Cusman Calasow Cosoble iyo Macallin Xassan Weheliye oo helay 325 Cod. Ku xigeena Warsame Afrax Taakoow.

       F.S: 5aad ~478. Waceysle, Cabdi Macallin. 21.10.55. Dadka codeeyay 863 Qof.waxaa la doortay Nabadoon Macalin Cabdulle Xaayoow oo helay 601 Cod. Siyaasadda waxaa codeeyay 863 Qof. wakiilka Siyaasada waxaa loo doortay Cabdi Raage Xussein oo helay 863 Cod. ku xigeena Xussein Wardheere Aybakar.

       F.S:6aad~ 473. Waceysle Cabdiraxmaan iyo Dhagaweyne. 9.10.55. Dadka ka qeyb galay Doorashadu waa 1514 Qof. Nabadoonka la doortay Xassan Afrax Fareey oo helay 700 Cod. Siyaasada waxaa codeeyay 1510 Qof. wakiilka Siyaasada Xassan Maxamed Weheliye oo helay 1510 Cod. ku xigeen Maxamed Sh. May.

       F.S: 6aad~474. Waceysle Cali Gaaf- Aruuris, Jilib, Fasaxaale iyo Weceys.15.10.55. Dadka Codeeyay 2515 Qof. waxaa la doortay Sh. Xassan Maxamed oo helay 1203 Cod. Siyaasadda waxaa Codeeyay 2515 Qof. wakiilka Siyaasadda waxaa loo doortay Xaaji Ibrahim Sh. Maxamud oo helay 2515 Cod. ku xigeena Sh. Maxamed Cadaan.

       F.S:6aad~475. Waceysle Cali Gaaf- Axmoow, Ali Cabdi, Cadaan iyo Jibara’iil. 17.10.55. Dadka Codeeyay waa 2713 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Sh. Ibrahim Qaboobe oo helay 1303 Cod. Siyaasada waxaa Codeeyay 2713 Qof. wakiilka Siyaasadda Sh. Saciid Sh. Ibrahim oo helay 1713 Cod ku xigeen Maxamed Sh. Abukar.

     F.S: 7aad~ 343. Maxamed Muse Soomane, 30.10.55. Dadka Codeeyay 1540 Qof, Nabadoonak la doortay Cusman Cadow Uddo oo helay 992 Cod. Siyaasada waxaa codeeyay 1530 Qof. wakiilka siyaasada Maxamed Xassan Matoto oo helay 992 Cod. ku xigeen Sh. Maxamed Cusman iyo Nuur Cilmi macallim oo helay 538 Cod. Ku xigeen Cumar Mahad Axmed.

      F.S: 7aad~ 344. Maxamed Muuse Tuuryare. 31.10.55. Dadka codeeyay 2054. Nabadoonka la doortay Maxamed Nur Xasaan oo helay 2054 Cod. Siyaasadda waxaa codeeyay 2040 Qof . waxaa la doortay Xaaji Nuur Macallim oo helay 2040 Cod. ku xigeena Maxamed Nuur Xassan.

F.S: 7aad ~ 345. Maxamed Muse Barkaanle. 1.11.55. Dadka codeeyay 661 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Maxamed Macow Guad oo helay 560 Cod. Siyaasada waxaa Codeeyay 637 Qof. waxaa la doortay Cali Xassan Hilowle oo helay 637 Cod. ku xigeena Maxamed Macow wardheere.

      F.S: 7aad~345. Agoonyar, Celi Agoonyar. 27.10.55. Dadka Codeeyay 1506 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Cali Xassan Gurey lalama tartamin. Siyaasadda waxaa Codeeya 1402 Qof. wakiilka Siyaasada Sh. Maxamed Axmed Cali oo helay 1402 Cod. ku xigeen Axmed Maxamed.

F.S: 8aad~413. Warsangele, Cumar warsangele. Jawhar 23.11.55. Dadka Codeeyay 985 Qof. Nabadonka la doortay Xassan Macallin Nur lalama tartamin. Wakiilka Siyaasada Sh. Cuamr Maxamud oo helay 967 Cod.ku xigeena Maxamed Cali Maxamud.

      F.S: 9aad~ 373 Agoonyar- Buraale Muse . 29.10.55. Dadka Codeeyay 3025 Qof. Nabadoonka la doortay Maxamed Maxamud Jimcale lalama tartamin. Siyaasada waxaa codeeyay 3012 Qof.wakiilka Siyaasada Weheliye Caadle Taakoow oo helay 3012 Cod. ku xigeen Sh. Abuukar Sh.Yusuf.

       F.S: 10aad~ 340. Agoonyar- Gabale Muuse.28.10.55. Dadka Codeeyay 1411Qof. Nabadoonka la doortay Xaaji Maxamud Maxmed Rage lalama tartamin. Siyaasadda waxaa Codeeyay 1410 Qof. wakiilka Siyaasadda Maxamud Janaqow oo helay 1410 Cod. ku xigeen Xaaji Maxamud Maxamed Rage.

     F.S: 10aad~ 341. Agoonyar- Cabdalle Agoonyar. 26.10.55. Dadka Codeeyay 2102 Qof. Nabadoonka la doortay Cali Jidhaan Cadow oo helay 1518 Cod. ku xigeen Sh. Maxamed Sh. Abiikar iyo Cumar Barow oo helay 584 Cod iyo Nur Xassn Roble.

没有照片描述。

      F.S: 10aad~ 342. Agoonyar Reer Adan. 24.10.55. Dadka Codeeyay 2392 Qof. waxaa la doortay Nabadoon Colow Gaabane lalama tartamin . Siyaasada waxaa Codeeya 2392 Qof. wakiilka Siyaasada Maxamed Nuur Cadow oo helay 2392 Cod. ku xigeen Maxamed Xassan Guudlaawe.

      F.S: 11aad~ 375. Shirka Magaalada Margherita. Abgal ” Gruppo Etnico” 21.10.55. Dadka Codeeyay 1328 Qof. Nabadoonka la doortay Xussein Maxamed Cali Colow. lalama tartamin. wakiilka Siyaasada Muxudiin Maxamed Cilmi oo helay 1201 Cod.ku xigeena Macallin Axmed Yusuf.

     F.S: 12aad~ 338. Waceysle Aybakar gaab. 5.10.55. Dadka wax doortay 1050 Qof. Nabadoonka la doortay Sh. Cabdullahi Sh. Daa’uud oo helay 534 Cod. Siyaasadda waxaa codeeyay 1048 Qof. wakiilka Siyaasadda Xassan Cabdi Calasow oo helay 732 Cod. Axmed Sh. Cumar Sh. Daa’uud iyo Xaaji Cali Gedi Shadoor oo helay 316 Cod. ku xigeen Xassan Maxamed Dhiblaawe.

      F.S: 13aad~ 133. Waceysle Absuge. 5.9.55. Dadka Codeeyay 575 Qof. Nabadoonka la doortay Cumar Casir Maxamed lalama tartamin. Siyaasda waxaa codeeyay 574 Qof . wakiilka Siyaasadda Cilmi Sh. Axmed Jimcaale oo helay 574 Cod. ku xigeen Xassan Sh. Axmed Jimcaale.

      F.S: 14aad~ 135. Waceysle Maxamed Cadde. 15.9.55. Dadka Codeeyay 2050 Qof. Nabadoonka la doortay Cusman Xaaji Maxamed lalama tartamin. Siyaasadda waxaa codeeyay 2044 Qof . wakiilka Siyaasada waxaa loo doortay Cusman Xaaji Maxamed oo helay 2044 Cod. ku xigeena Sayid Cumar Xaaji Maxamed.

       F.S: 15aad~ 68. Cabdalle Caroone. 2.9.55 waxaa Codeeyay 1828 Qof. Nabadoonka la doortay Sh. Axmed Macallin oo helay 1210 Cod. Siyaasada waxaa Cideeyay 1828 Qof . wakiilka Siyaasada waxaa loo dooraty Sh. Maxamed Cali oo helay 1828 Cod. ku xigeena Maxamed Cali Axmed.

      F.S: 15aad ~ 69. Kabaale Waqooyi. 10.9.55 Dadka Codeeyay 1316 Qof. Nabadoonka la doortay Maxamud Jilacow Cadow lalama tartamin. Siyaasada waxaa codeeyay 1316 Qof. Wakiilka Siyaasada waxaa loo doortay isla Maxamud Jilacow Cadow oo helay 1316 Cod. ku xigeena Sh. Cumar Sh. Xassan.

       F.S: 16aad~ Mataan. Duuliye Malinle. 25.8.55. Dadka ka soo qeyb galay 1151 Qof. Nabadoonka la doortay Cali Jimcaale Guduud lalama tartamin. Shirka Siyaasada waxaa ka codeeyay 1151 Qof. wakiiladda Siyaasadda.
a) Farax Mahad Cilmi oo helay 408 Cod. ku Xigeen Xusein Cali Cadow.
b) Qaasim Sh. Axmed oo helay 314 Cod. Ku xigeen Xusein Axmed Mahad .
c) Nur Axmed Muxudiin oo helay 167 Cod.ku xigeen Aw Cali Yusuf.
d) Nuur Macallin Maxamed oo helay 103 Cod. ku xigeen Maxamed Xassan Cadow.
e) Aw Cumar Maxamed oo helay 159 Cod. ku Xigeen Aw Xusein Maxamed.

       waxa ey aheyd Documentigaan oo dhan in lagu keeydiyo Xarunta Baarlamaanka qaranka si ey wax uga fahmaan Xildhibaanadu ama Ardayda Cilmi baarayaashu ey wax uga ogaadaan.

       ( Qaab Doorashadii Somalidu waxa ey dib ugu noqotay oo ku dambeysay halkii ey joogtay Xuriyadda ka hor ee Qabiilka iyo Ergada, wakhtigii Xuriyada 1960kiina waxa ey ku bilaabatay Qof iyo Cod…. xageen u soconaa?)

FG: iga sax wixii aan ka khalday, ku dar wixii ka dhiman.


Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip