
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO ISNIIN 10-KA JAN. 2022-KA AH
18 QODOB OO LAGA SOO SAARAY SHIR KII GOLAHA WADATASHIGA
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho uga socday madaxda maamul goboleedyada Dalka, duqa Muqdisho iyo Ra’iisul Was aare Rooble ayaa lasoo geba-gabeeyey.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray 18 qodob oo ku saabsan hab-raaca doo rashooyinka dalka iyo amniga kadib dood soc otay 6 maalin.
Qodobada ugu muhii msan ee shirka kasoo bax ay ayaa waxaa ka mid ah in Amniga Mada xto oyada ay sugaan ciidamada AMISOM, iy adoo aan marnaba lasoo hadal qaadin amniga dalka, oo sida aan xog ku helnay laga heshiin waayey.
Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee dowladda federaalka ayaa loogu baa qay inaysan faraha la gelin arrimaha siyaasadda oo ay ku ekaadaan ka liya sha qadooda amniga.
Doorashada xubnaha Golaha Shacabk ayaa loo qabtay in lagu soo ga baga beeyo muddo 40 Cisho laga bilaabo 15 January illaa 25 February ee sanadkan.
Soo jeedintii ay Golaha midowga musharixiinta dalbadeen ee aheyd in wax laga badalo sida ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ayaa la qatay, waxayna qodobada intooda badan la xiriireen sidii loo sixi lahaa cabashooyinka ka yimid doorashada.
HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA SHIRKA OO DHAMEYSTIRAN
WARMURTIYEEDKA SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA
Golaha Wadatashiga Qaranka waxa ay shir ku yeesheen 3 – 9 Janaayo 2022 magaalada Muqdisho, shirkaas oo ujeedadiisu aheyd, in lagu dhamm eystiro qo dobadii iyo habraacyadii lagu gaarey shirkii 24 Ogost 2021, wax aana shir gud doominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyad da Federaalka So omaaliya Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo ay ka soo qaybgale en Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Mad axweynaha Dowladda Koofur Galbeed Mudane Cab dicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Ax med Maxamed Islaan, Mad axweynaha Dowladda Galmudug Mudane Ax med Cabdi Kaariye, Madaxweyna ha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.
Golaha Wadatashiga Qaranka waxay kaloo kulamo wadatashi ku marti–qa adeen xubno matalaya Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka, Hawe enka iyo Bulshada Caalamka.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa looga hadlay hagaajinta hufnaan ta doorashada, dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, waqtiyeyn ta dha meystirka doorashada Goloha Shacabka, xaqiijinta amniga doora shada iyo war bixin xaaladda guud ee siyaasadda, amniga iyo abaaraha. Si waafaqsan Heshi iskii Doorashooyinka ee 17 kii sebteembar 2020, He shiiskii 27-May 2021 iyo Habraacyadii Doorashooyinka ee 01 Oktoobar 2020 iyo 24 Agoosto 2021, Gola ha Wadatashiga Qaranku iyagoo tixgalinaya talooyinka iyo cabashooyinka soo gaaray, waxay guddoomiyeen qodobada oo socda:
1- Ka hor inta aan la qaban Doorashada kursi kasta ee Golaha Shacab ka waa in la caddeeyo, la diiwaan–galiyo, lana shaaciyo magacyada xubn aha Gu ddiga Soo Xulista Ergada ee ka kooban Duubabka iyo Caaqillada Rasmiga Ah iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha ama Jufooyinka Kursiga wadaaga;
2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS (SIEIT) waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ku sugan goobta Doorashada, mag acyada xubnaha Guddiga soo xulista Ergada;
3- Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlada ha Xubnaha Ka Ah DFS, waxay u madaxbannaan-yihiin hirgelinta door ashooy inka, si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebtember 2020, 1da Oktoober 2020, 27 May 2021, 22 Ogosto 2021 iyo heshiika war–murtuyeedka 9 Jana ayo, 2022;
4- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowladaha Xubn aha Ka Ah DFS iyo Heer Federaal ay xaqiijiyaan Ergada wax dooranaysa in ay yihi in kuwii ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka;
5- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha Ka Ah DFS, Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo Ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay;
6- Soo xulista Ergada waxaa si buuxda ugu madaxbannaan Duubabka, Ca aqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha iyo Jufada leh Kursiga lagu mana fara–galin karo;
7- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Gudd iyada Xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada, si ay how ah oda ugu fuliyan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashoyinka;
8- Waa in Ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka Musharraxiinta kur siga ku tartamaya;
9- Waa in doorashada kursi kasta ay goob–joogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay Ergada doorashada galaysa, Warbaahinta iyo Goobjoogayaal Ma daxba nnaan, si mar–qaati looga noqdo hufnaanta iyo daah–furnaanta Door ashada kursi kasta; 10- Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu ku adkaynayaa dhammaan Gudd iyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo Habraacyada hagaya Doo rashooyinka, cid kasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaab–tamayaa;
11- Si loo ilaaliyo wada–shaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Golaha Wa datashiga Qaranka wuxuu ku wargalinayaa dhammaan Guddiyada Doorashoo yinka heerar kooda kala duwan, in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta, kuna dhaqmaan, si waafaqsan heshiishyada iyo habraacyada Doorashada ee dagsan;
12- Golaha Wadatashiga Qaranka waxay ku adkeynayaanGuddiyada Maa mulka Doorashooyinka, in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee door ashada Golaha Shacabka ee deegaan doorashooyinka;
13- Musharax kasta oo buuxiya shuruudaha habraacyada Doorashoo yinka, lagama hor istaagi karo in uu u tartamo kuriga beeshiisa, waxaana reebban in musharax gaar ah loo xiro kursi Doorasho;
14- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kul anka, iyo ka dhex ololaynta Ergada kursiga;
15- Ergada dooranaysa Xubnaha Golaha Shacabka waxaa laga dhaa fay bixinta qarashka khidmadda waraaqda dambi la’aanta iyo wixii kale ee Khidmad ah;
16- Ciidamada waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha Siyaasad da, kuna ekaadaan waajibaadkooda ilaalinta Amniga Dalka iyo Dadka una hogga ans amaan dhammaan Shuruucda iyo xeerarka Dalka;
17- AMISOM waa in ay xoojisaa Amniga Madaxtooyada
18- Doorashada Golaha Shacabka ee hadda socota waxaa lagu soo gabaga beynayaa muddada u dhaxeysa 15 Janaayo ill 25ka Febaraayo
{;DHAMMAAD}
MIDOWGA MUSHARAXIINTA OO CADEEYEY MOWQIFKOODA KU AADAN GO’AANADII SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA
Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyey war-murtiyeedkii Shalay ka soo baxay shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo Muqdisho ka socday mudo todobaad ah.
Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ku amaanay tixgelinta la siiyey talooyinkii ay la wadaageen ee ku aadanaa sixitaanka habraaca doorashooyinka.
Sidoo kale Musharaxiinta ayaa bayaankaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uga dalbaday inay is waafajiyaan habraaca iyo habdhaqanka doorashada.
"Goluhu wuxuu adkaynayaa in Ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirrada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. Goluhu wuxuu soo dhowaynayaa ballanqaadka Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aaddanaa mas’uuliyadda xukuumadda ee amniga dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.
Ugu dambeyntii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ka dalbaday inuu kor-joogteeyo doorashada oo si booxda uu isaga xil-saaro daahfurnaanta doorashada.
"Goluhu wuxuu ku boorrinayaa Raysalwasaaraha in uu xil iska saaro dhaqangalka habraacyada, korjoogtaynta daahfurnaanta doorashada, furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda muddaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka, iyo warbaahinta qaranka oo loo oggolaado musharrixiinta,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.
Maxaa looga hadlay kulankii Xalay ee r/w rooble, kheyre iyo sheekh shariif?
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xa san Cali Khayre, kulanka ayaa ka dhacay xafi iska Rooble.
Qoraal kooban oo xaf iiska Ra’iisul wasaara ha uu ka soo saaray kulankaas waxaa la gu sheegay in looga hadlay hirgelinta heshiiskii uu Shalay gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka.
"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay la kulmay Madax weynihii hore Shariif Sheikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo ay ka wa da hadleen hirgelinta heshiiskii uu Shalay gaar ay Golaha Wadatashiga Qaran ee dardar gelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Rooble.
Kulankaan oo Rooble la yeeshay xubnahaan ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ayaa ku soo aaday wax yar kadib markii uu soo baxay wa r-saxaafadeedkii ay madaxda golaha wadata shiga qaranka ku shaaciyeen heshiiska cusub ee hanaanka loo saxayo doorashada.
Dhammaan xubnaha midowga musharaxiinta ayaa Shalay la kulmay madaxda golaha wadata shiga qaranka, iyagoo ku biiriyey talooyinkooda ku aadan sixitaanka cabashooyinka doorashada golaha shacabka.
Midowga Musharaxiinta weli bayaan kama soo saarin waxa ay ka qabaan is-fahankii Shalay ka soo baxay shirkii 7-da cisho Muqdisho uga so cday R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, lamana oga sida ay uga falceli doonaan.
Guddiga Doorashooyinka Oo War Kasoo Saaray Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wada tashiga Qaran
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Fed eraal ayaa war kasoo saaray War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Golaha Wa datashiga Qaran ee maal m ahaan ka socday Muqdi sho, kaasi oo looga hadlayay arr imaha doorashooyinka.
Guddiga dorashada ayaa soo dhaweeyay war murtiyeedka ka soo baxay shirka Muqdisho uga soc day madasha Wadatashiga Qaran.
Waxaana Golaha Wadatashiga Qaran ay soo gabagabeeyeen shirkii uga socday Muqdisho oo uu shir guddoominyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadd a federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo lag soo saaaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhammaaneyso doorashada.
Maamulka G/Banaadir oo ku dhawaa qay in dibadbax aan la soo ogeysiin la qaban karin
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo
siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa Shalay
shir gudoomiyay kulan uje edkiisu ahaa xoojinta sugida amniga Caasimadda kaas
oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaa sha degm ooyinka gobolka Banaadir iyo
agaasi mayaal.
Shirkan oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ayaa inta uu socday waxaa aad loo falan qeeyay sidii loo xalin lahaa caqabadaha kajira dhinaca amniga iyo la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta bulshada.
Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa shirka kadib Warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay sidii amniga Caadimadda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn karo.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Gudoom iye Cali yare Cali in Maamulka gobolka banaadir uu u madax banaan yahay ammaanka Caasimadda ayna ku fara adeegno, wuxuuna si cad u sheegay in aan amuqdisho lagu qwban karin banaanbax aan fa sax looga heysan Maamulka Gobolka Banaadir. Wa rkaan kasoo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir ay aa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay ku dhawaaqeen qaar kamid Xubnaha mucaaradka in Maalinta khamiista ah ay Muqdisho ku qabanayaan banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo.
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidam ada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuu madda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa markale waxaa uu uga digay Ciid amada xoogga dalka inay ku milmaam Siyaasadda.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa waxaa uu kuyiri” bIyadoo la dhow rayo Shuruucda Dalka, waxa an mar labaad Ciidama da Xooga Dalka (CXD) farayaa iney ku ekaadaan waajibaadkooda qar an ayna ka fogaadaan iney ku mil maan siyaasadda, ama loo adeeg sado siyaasadda.
Ugu dambeyn Wasiir Jaamac ayaa sheegay in ciddii ku cadaato inay ku milantay Siyaasadda laga qaadi doono talaabo waafaqsan shuruucda dalka.
Qoraalkaan kasoo baxay Wasiirka Gaashaan dhi gga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli weli uu jiro ohilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxw ey naha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farm aajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
PUNTLAND iyo PSF oo markale ku dagaala may Boosaaso + khasaaraha
Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga hel ayaa dagaal Dorraad gelinkii dambe ka dhacay mag aalada Boosaaso, kaas oo u dhe xeeyey ciidanka amn iga Puntl and iyo kuwa PFS ee taabacsan aga asimihii hore General Maxamuud Cismaan Diy aano.
Is-rasaaseynta oo socotay muddo kooban ayaa ka dhacday agagaarka xerada Cowska ee ku taallo Boosaaso, sida uu shaaciyey taliska Booliska.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu dhe x-maray ciidamo uu watay agaasimaha magacaab an ee PSF Sarreeye Guuto Maxamed Amiin iyo ku wa taabacsan agaasimihii hore.
Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari ee dowlad goboleedka Puntland Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo u warramay VOA ayaa ka warb ixiyey dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyey in iska hor imaadka uu ku dhintay hal askari, mid kalena uu soo gaaray dhaawac. Dirir ay aa sidoo kale shaaciyey in la baarayo sida ay wax u dhaceen, isaga oo tilmaamay in cidda billowday dagaalka ay qaadi doonto mas’uuliyadda.
"Waa la baarayaa, sida ay wax ku dhaceen, lama wada qaadanayo cidda yeelaneysa masuuliyadda, cidda dhinaceeda ay ka timid ayaa qaadaneysa oo loo sinnaan maayo, wax u dhimis-na waxaan oran karaa dadku caqli bay leeyihiin, ma malaynayo wax badan inay u dhimeyso,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Bari.
Xaaladda ayaa haatan deggan, wuxuuna dagaalkan ku soo aaday, xilli uu horay madaxweyne Deni ugu baaqay xabad joojin, si nabad loogu soo dabaalo Boosaaso. Si kastaba, waxaa weli socda dadaallo ay wadaan mas’uuliyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo lagu soo afjarayo xiisadda Puntland & PSF
Isfaham hordhac ah oo laga gaaray Khilaaf kii Xukuumadda Puntland & PSF
Waxaa lagu wadaa in dhawaan la shaaciyo xal la ga gaaray khilaafkii gacan ka hadalka sababay ee u dhaxeeyay Xukuumadda Puntland ee uu hogg aamiyo Saciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii Hay’adda PSF ee xilka qaadista lagu sameeyay bal se diiday ee Maxamuud Cismaan Diyaano.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xal inta khilaafkaas oo ay wadaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharm aake, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdi ra xmaan Faroole & Gaas & Is imada Puntland into oda ba dan la soo geba-gabeeyay, isla markaana waxyaabo dhanka farsamada kaliya ah ay ka har san yihiin.
Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo mas’uuliyi intii hore ee Puntland ee Boosaaso jooga ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee xalka gaarista khilaafka si Bulshada kunool Magaalada Boosaaso ay Nabad ugu noolaadaan.
Isimada Puntland ayaa horay ugu guuldareystay inay xal ka gaaraan khilaafka Xukuumadda Punt land iyo Saraakiisha Ciidamada PSF taas oo keen tay in dagaal socday dhowr maalmood uu ka dhaco Magaalada Boosaaso ee Xarunta G/Bari, kaas oo geystay khasaaro dhimasho & dhaawac a h.
Musharax Cirro: "Waxan diyaar u ahay in aanan aqbalin arrin sharci darro ah qiima kasta oo ay tagayso"
Musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in aanu marnaba aqbalaynin qorshe uu sheegay in xukuumadu wadato, si madaxweyne Biixi mudada loogu kordhiyo
Cirro wuxuu sheegay in madaxweyne Biixi uu furista ururada ugu gogol xaadhayo in uu mudada madaxweyne-nimada ku korodhisto.
"Muuse warkiisu wuu cadyahay, wuxuu doonay aa waa muddo kor dhin, ururradan wuu ku gabana ya a, lakin u jeedad iisu sidaa maaha, ujeedadiisu wa xa weeyaan in uu doorashada mudadeedii dhaa fiyo, dabadeedna muddo korodhsi uu helo" ayuu yidhi Cirro.
Cirro ayaa sheegay in aanu marnaba aqbalaynin qorshaha uu sheegay in xukuumadu wadato si ay mudada u korodhsato "Waxan anigu diyaar u ahay in aanan arrin sharci darro ah aqbalin qiimo kasta haday tagayso". Cirro waxa uu sheegay in aanu kasoo horjeedin furista ururada lakin ay tahay in sharci sax ah loo maro "Waanu caddaynay ururada furistooda in aa naan kasoo horjeedin, ururaduna waxay ku furmay aan sharci".
Waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi uu markii hore diyaar u ahaa in uu doorashada madaxtooy ada qabto, lakin uu fursad u arkay muranka soo ka la dhexgalay xubnaha golaha wakiilada, oo isku kh
i laafsan dhaqangalnimada xeerka ururada siyaada.
Cabdixakiin Dhoobo daareed: Wixii Boosaso ka dhacay waa inay jirtaa cid masuuliyadd eeda lagula xisaabtamo
Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo-daareed) ayaa sheegay in loo baahan yahay colaaddii ka dha cday magaalada Bosaso in ay jirto cid masuuliyadeeda yeelata oo lagula xisaabtamo.
"Bosaso wixii ka dhacay oo dhibaato ah oo barakac ah oo dil ah oo qaxin ah, in masuuliyadeeda ciddi qaadato, ayaa loo baa han yahay. Arrintaasi ilaaheey wuu idin weydiinay aa guddigiina,” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee bar lamaanka Puntland .
Cabdixakiin Dhoobbo-daareed ayaa ku eedee yay maamulka madaxweyne Deni inuu ku kacay dhibaatooyin badan oo u baahan in dib looga farri isto, waxna la iska weydiiyo sidii loo saxi lahaa.
Hadalka guddoomiyihii hore ee barlamaanka Pun tland ayaa kusoo aadaya iyadoo Shalay lagu wado in uu soo baxo heshiis laga gaaray khilaafkii u dha xeeyay madaxweyne Deni iyo hay’adda PSF, khil aafkaas oo sababay colaadda Bosaso.
Guddiga dhex dhexaadinta ayaa gaaray go'aan no labada dhinac ay ku wada qanacsan yihi in sida aan xogta ku helayno, kuwaas oo aan warbaahinta loosoo bandhigin, hase yeeshee la filayo in la shaa ciyo.
Ciidanka amniga oo weeraray Guri Muqdi sho ku yaal oo lagu beero daroogada
Ciidamada booliska saldhigga degmada Howlw adaag ee gobolka Banaadir ayaa Habeen hore howlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee degmadaas, waxay ku soo qabteen waxyaabaha maanka-door iya iyo dad la sheegay inay ka ganacsan jireen.
Taliyaha saldhigga booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa warbaainta dowladda u sheegay in ciidamadu ay howlgal qorsheysan ku fashiliyeen guri lagu dhex-beeri jiray maan-dooriyaha Xashi ishka.
Sidoo kale muuqaallo laga soo duubay gurigaas ayaa muujinaya Fuustooyin lagu qasi jiray maan-dooriyaha Calaqa oo cidanku ay gacanta ku dhigeen.
Taliye Najiib ayaa sheegay inay gacanta ku haya an dadkii beertay ee ka ganacsan jiray maan-dooriy ahaas, sidoo kale xogta lagu fashiliyey shabakad aan ayuu sheegay inay ka heleen dadka deegaan ka.
"Ciidamada oo gacan ka helay bulshada deegaanka waxaa u suurtagashay in gacanta aan ku soo dhi gno waxyaabaha Maanka-dooriya iyo dhirta Xashi ishka oo lagu beeray, mid kamid ah dhismayaasha xaafadda Tookiyo oo dhirtaas lagu dhex-beeray aya an sidoo kale ku qabanay haaman lagu karkarina yay Maan-dooriyaha Calaqa,” ayuu yiri Taliye Najiib Carab.
Taliyaha ayaa aad ugu mahadceliyay dadweyna ha ku nool dagmada Howlwadaag, gaar ahaan xaa fadaas Xalay lagu qabtay mukhaadaraadka ee Too kiyo, waxuu sheegay in deriska gurigaas ay fashili yeen Maan-dooriyihii lagu diyaari jiray halkaas.
Guddoomie Cali Jeyte "Dowladda way ka gaabisay wax ka qabashada abaa raha ka jira gobolka Hiiraan"
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlaayay abaaraha ka jira go bolka Hiiraan ayaa si adag ugu dhalilay dowladda Soomaaliya iney indhaha ka qabsatay wax ka qab ashada abaarta ka jirta Hiiraan
Guddoomiye Jeyte ayaa tilmaamay in maamulk iisa uu xiriir la sameeyay guddiga dowladda Soom aaliya u xilsaartay wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka, islamarkaana ay waayeen cid usoo jawa abta waa sida u hadalka u dhigay guddoomiye Jeyte.
"Dadka reer Hiiraan way isku tash teen oo hadda waxay u wada istaag een maamulka, Culumada, Oday aasha, ganacsatada iyo Ururada bulshada Rayidka intaba waxay hayeen way isku darsadeen, guddiga Gurmadaka Abaaraha ee laga magacaabay Xafiis ka Raysal wasaaraha si weyn baan u dhaliilaya ilaa hadda nama soo gaarin hadaan la xariirnayna wax jawaab ah kama helin, marka kaalmo ayaan u baa hanahay dowladda ha ina kaalmeyso, maamulka Hirshabeelle ha ina kaalmeeyo" ayuu yiri guddoo miye Jeyte.
Hadalkaan ayuu ka sheegay guddoomiyaha go bolka Hiiraan Cali Jeyte kulan uu kula yeeshay xafii skiisa magaalada Baledweyne guddi u istaagay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada gobolka Hiiraa
Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoogga oo la dilay
Wararka aan ka heleyno deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in dagaal culus oo Shalay ka dhacay ciid anka xoogga dalka looga dilay sara akiil iyo askar, dagaalka ayaana Xalay la iska soo gaaray
Taliyihii guutada 13-aad ee ciidanka xoo gga dalka G/Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa oo iskaashanaya iyo kooxda Al-Sha baab. Sidoo kale saraakiil uu ku jiro Taliyi hii howl-gelinta qeybta 21-aad ee ciida nka xoogga dalka Cabdulqaadir Gas aawe iyo askar kale ayaa Xalay dhaawacyadooda la gaa rsiiyey degmada Cadaado ee gobolka Galg aduud.
Dagaalka ayaa bilaawday garabta, kadib markii ay ciidamada iskaashanaya weerareen deegaanka Cadakibir, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ku suganaayeen.
Deegaanka Xalay ma jirto cid si rasmi ah u she egan karta gacan ku heyntiisa, sida ay noo xaqiij iyeen dadka deegaanka oo aan la hadalnay, Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa labada dhinac Xalay ka jooga deegaanka Cadakibir.
Xogta aan ka heleyno dagaalkaas waxay sheeg eynaa in Xalay uu gurmad helay ciidankii Shalay deegaan kaas kula dagaalamay Al-Shabaab, sidoo kale khasaare xoog leh ayaa la sheegay inuu gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Deegaanka Cadakibir ayaa u dhaw deeganka Baxdo oo Jimcihii ay weerareen Al-Shabaab, halka as dadka deegaanka ay kooxda uga laayeen malee shiyaad badan, waxayan dadka reer Baxdo ku guul eysteen inay deegaanka ka xoreeyaan Al-Shabaab kii soo weeraray.
Mid kamid ah Ergadii soo xushay Baar lamaan ka oo Muqdisho lagu dilay
Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaafad ka tirsan degmada Wartanabadda ee Gobolkan Banaa dir kudileen mid kamid ah Erga dii soo xushay Xildhi baannadii Baarlamaankii 10aad ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ninka la dilaya ayaa Al-Shabaab maciisa waxaa ay ku sheegeen Ismaaciil Maxamed Aadan, oyada oo kooxihii ka dambeeyay dilkaas ay Goobta ka bax sadeen.
Dilka kadib Ciidamo katirsan kuwa dowladdaSoomaaliya ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku baadi goobaye en dadkii ka dambeeyay dilkaas walow aysan ku guuleysan.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilk aas, waxaana warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ku sheegeen in Ninka ay dileen uu kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka balse aysan sii bixin faah faahin dheeraad ah.
Horay ayaa Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka waxaa ay ugu dileen qaar kamid ah Ergada soo xushay Baarlamaanka halka qaar ay degaannadooda ugu yeereen, iyaga oo sheegay in la cafiyay markii ay amarkooda qaateen.
MUXUU WASIIRKII HORE EE GAASHAAN DHIGGA C/RASHIID KA YIRI ARRINTA AMNIGA IYO CIIDAMADA?
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay xaaladda cakira ee dalka, gaar ahaan dooda ka dhalatay arrinta amniga iyo sidoo kale ku milanka ciidanka ee arimaha siyaasada.
Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaca ka qaaday in la siyaasadeedeyey amniga guud, isla-markaana ay saameysay doorashada iyo awooda ra’iisul wasaaraha.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ayaa intaasi ku sii daray in kaliya ra’iisul wasaaraha lagu wareejiyey qeyb ka mid ah amniga, siiba kan doorashada, isla-markaana laga heesto amniga qaranka, ayada oo laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay. "Haddii amnigii guudba la siyaasadeynayo ciidamadii iyo wixii dhan ra’iisul wasaaruhu awood u laheyn qayb ka mid ah amniga qaranka oo amniga doorashooyinka kaliya haddii loo igmaday amnigii kale ayaa gacanta looga heestaa dano kalaana laga leeyahay waxa looga reebtay taas ayaa keeneysa in ra’iisul wasaaraha uu codsado ama uu soo jeediyo in amniga guud lagu soo wareejiyo ,” ayuu yiri Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ciidamada wuxuuna sheegay in laga gaabiyey in la sameeyo isku dhafka sax ah, balse taasi beddalkeed la dhisay ciidan gaar ah, si loogu adeegsado siyaasadaha is diidan iyo fulinta dano shaqsiyeed intaba.
Wasiir hore Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa xusay in arrintaasi laga dhexlay in ciidamada iyo saraakiishoodaba ay ku milmeen arrimaha siyaasadda ee dalka.
"Ciidamo gaar ah oo Gorgor, Duufaan iyo Haramcad loo bixiyey oo dano siyaasadeed laga leeyahay ayaa laga barbar sameeyey ciidanka Xoogga dalka ama afartii waaxood ee ciidanka qalabka sida ee dalka, taas waxa ay keentay in siyaasadda ay ku kuilmaan ciidamada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirkii hore ee wasaaradda Gaadhaandhigga.Maalmihii u dambeeyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u xusul duubayey inuu la wareego mas’uuliyadda ammaanka guud ee dalka, balse waxaa ka hor taagan madaxda dowlad goboleedyada taabacsan Farmaajo, waxayna hadda doodaasi saaran tahay miiska shirka golaha wadatashiga qaranka, inkastoo la dhaqaaji waayey.
Dooda Rooble ee ah inuu Farmaajo laga wareejiyo masuuliyadda ammaanka guud ee dalka ayaa hadda u muuqata mid sii dhimaneysa, waxaana aad looga dooday Dorraad, ayada oo Shalay la isku deyey in xal laga gaaro cabashadii ka soo laabatay kuraasta dooran ee golaha shacabka, balse ilaa hadda wax la isku fahmay lama shaacin. XIGASHO:-VOA
Maxkamad ku taalla Puntland oo xulun dil ah ku fulisay Oday Da’ah
Maxkamadda darajada 1aad ee Magaalada Burtinle ee G/Nugaal Puntland ayaa Shalay oowaxaa ay Xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin Oday ah oo lagu Magacaabo Sahal Xasan Maxa med Gurey kaddib markii ay ku heshey in uu diley wiil dhallinyaro ah.
4-tii Bishaan ayaa Sahal waxaa ay Maxkama dda Magalaada Burtinle ku riday xukul dil toga sho ah kadib markii uu ku ca daaday dilka marxuum bish aar jaamac Faarax oo kamid ahaa Bulshada degmada Bu rtinle ee Gobolka Nugaal.
Goobta fagaaraha ah ee Shalay lagu toogtay Sahal Xasan Maxamed Gu rey ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Maxka madda Darajada koowaad ee degmada Burtinle , Garsoorayaal, kaaliye yaasha maxkamadda , Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland , ehelada labada dhinac iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada .
Shalayayaa aad Baraha Bulshada looga ha dal haayay Kiiska Sahal, waxaana dad badan ay dalbanayeen in la iska cafiyo maadaama uu ya hay Oday da’ah hadana muruq maal ah.
Guddoomiye Xirsi "Haddii xisbiga Wadd ani tartan galo ugama war warsani"
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in uu kalsooni buu xda ku qabo in xisbigiisu uu ka dabaalan doono, hadii la qabto doorashada ururrada oo aanu mar naba ku hadhi doonin.
"Ama Muuse ururro ha furo, xis bigu insha-Allah wuu jirayaa ugan ala gaban maayo, xisbiga meelka sta oo loo mari karo iyo talaabo ka sta oo sharcigu inoo ogolyahay waan qaadaynaa" ayuu yidhi Xirsi. "Ugama war warsani xisbigan, hadii uu tar tan ga lo ururo dhalan doona, xasha ugama war wars ani".
Waxa uu sheegay in uu doonayo in xisbiga sif iican loo dhiso si uu u noqdo mid dowlad wan aagsan dhala, "Xisbigan loo warwari maayee, wa xaynu doonaynaa in uu noqdo mid dowladnimo wanaagsan hanta oo wakhti dheerjira, waxaanu ku jiri karaa sidaynu u dhisno".
Xisbiga Waddani ayaa ah ka ugu cudada ba dan axsaabta mucaaradka Somaliland, waana xisbigii kusoo xigay xisbiga Kulmiye doorashadii madaxtinimada ee 2017, lakin dad badan ayaa war war ka qaba in cududa xisbigu kala daadato haddii la furo ururrada siyaasada.
Faah faahin kasoo baxeysa dagaal ka dhacay Jubbada Hoose
Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo ba xayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan G/ Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Ke nya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tir san Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tir san kuwa Kenya ku leeyihiin deeg aanka Taabta oo kuyaalla inta u dhaxeeysa deg mooyinka Afmadow iyo Dhoobleey eeGobolka Jubbada Hoose.
Dadka ayaa waxaa ay sheegeen inay maqla yeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro da gaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah. Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaartao dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaa raya degaanka lagu dagaalamay ee Gobolka Jub bada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciid amada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dha qaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyada ay ku su gan yihiin la weeraray.
KENYA oo ku dhowaadqay inay dib u fureyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya
Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday In ay si rasmi ah u furi doonto xuduuda dheer ee ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo xirneyd bilihii lasoo dhaafay, isla-markaana saameyn xoogan ku yeelatay dadka shacabka ah ee deggan xad ka labada waddan.
Guddiga Amniga Qaranka Kenya ayaa go’a amiyey dib u furista xadka, waxaana uu guddigu diyaariyey qorshayaal lagu wajahayo arrintaasi.
Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari oo ka hadlay dib furista xuduuda Soomaliya iyo Kenya ayaa sheegay in lagu bilaabi doono magaalada Madera oo la’isku furi doono isku socodka.
"Bilaha soo socda ayey noqoneysaa in Mand era aan furno, Lipoya ayaan ku xijin doonaa mee lahaas ayey noqon doonaan meelaha laga soo galayo Kenya,” ayuu yiri gudoomiyuhu.
Arrintan ayaa ku timid, kadib codsiyo ay dowladda u direen hoggaamiyeya asha Waqooyi Bari oo shaaciyey, haddii la furo xadka inuu kor u ki ci doono ganacsiga gobolkaasi.
Dhinaca kale sarkiisha ammaan ka ee kenya ayaa cabsi waxa ay ka muujinayaan in kooxda Al-Shabaab ay badeecado shar cid arro ah dalkaasi galiyaan, ayaga oo ka helay dhaqaale.
Muddooyinkii u dambeeyey ayaa sidoo kale kooxdu waxa ay kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka labada dal.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhanka kale khilaaf uu ka dhexeeyey sanadihii dambe, kaas oo saa meeyey xiriirka diblumaasiyadeed ee labada wad dan oo ah kuwa daris ah.
Nin dhallinyaro ahaa oo lagu dilay Magaalada Baydhabo
Askari ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed ayaa Sabtidii nin dhallinyaro ahaa ku dilay Maga alada Baydhabo ee G/Baay. Dilka ayaa ka dha cay Waddada Beeraha ee soo gasha maga alada, ka dib markii ninkaasi dhallinyarada ah si da la sheegay uu isku dhejiyay teleefankiisa gac anta, oo askarigu uu doonayay inuu ka dhaco.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Anfac Nuur Samaan ayaa u geeriyooday rasaas uu ask arigaasi kaga dhuftay qaarka kore ee jirkiisa.
Maxamed Keerow Cabdiraxmaan oo ka mid ah dadkii goobtaasi ka ag-dhawaa ayaa yiri "Askariga wu xuu rabay inuu ka dhaco mobile iPhone ah oo uu watay, moobeelk iisii ayuu ku mintiday, laba xaba dood ayuu markii dambe uga dhuftay qoorta.”
Maxamed Keerow ayaa intaasi ku daray "As karigaasi moobeel dartiis ayuu u dilay Anfac Nuur Samaan oo dhallinyarada Magaalada Bay dhabo ka mid ahaa.”
Maamulka Degmada Baydhabo iyo Saraaki isha laamaha amniga ayaan ka hadlin dilka ninka dhallinyarada ah, oo ka careysiiyay dadka deegaanka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii askar ka tirsan Ilaalada Agaasime Kuxigeenka Mada xtooyada Baydhabo, Cabdifitaax Mahad Cabdira xmaan ay nin dhallinyaro ahaa ku dileen waddada horumarta Xarunta Dahabshiil ee Maga alada Baydhabo.
Minnesota oo laga daahfuray urur ay ku mido obeen ganacsatada laga tirada badan yahay ee gobolkaas MMBA.
Waxaa gobolka Minnesota laga daahfuray urur loogu magac daray MMBA oo ay ku mid aysnaan
doonaan ganacsatada gobolkaas ee laga tirada badan yahay (MINNESOTA MINORITY BUSI NESS ASSOCIATION) waxaana hormuud ka dhalinyaro Soomaali ah ee dalkaas ku nool iyo qoomiyado kale oo la dagan.
Xafladii lagu daahfuraayey ururkaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mida siy aas iinta gobolka iyo ganac sato kala duwan oo dha maan tood soo dhaweeyey ururk aan sheegayna in looga fadhiyo waxqabad muuqda.
Sh Cabdiraxmaan Kaariye madaxa ururkaan MMBA ayaa HOL u sheegay baahida keentay aasaaska MMBA oo uu ku sheegay in marka hore loo baahday in la abaabulo ganacsatada laga tirada badan yahay ee gobolkaan lana dar so baahiyaha caamka ah ee wada haysta , wax uuna sheegay shiikhu in ganacsatada ay haysto dhibaatooyin cunsuriyadeed oo ay kala kulmaan nidaamka dowliga ah loona baahan yahay in loo helo nidaam iskaashi leh oo qayb ka noqon karto difaacooda ganacsiyadooda maalkooda & sharafkooda
Wasiir Xigeenka Shaqada & Horemarinta Dha qaalaha gobolka Minnesota Mudane Hamsa War faa oo kulankaan ka hadlay ayaa bogaadiyey so ona dhaweeyey daahfurka MMBA " Hamsa wax uu yiri waaxaa muhiima in bulshadu is abaabu laan waana sida kaliya ee codkeenu ku gaari ka ro meesha ay taladu ka go’do , waa in aan ahaa naa dad isku tiirsan lehna hal madba oo ah hor emarinta nolosheena ganacsiyadeena si aan ula jaanqaadno bulshooyinka dalkaan loogu yimi, Waxuu kalo wasiirku sheegay in shaqooyinka go bolkaan ka jira kala bar ay hal abuureen ganacsa tada yaryar oo qayb muhiima ka ah horemarka gobolkeena.
Mahad Xasan oo ka hadlaayey dhibatada ha ysata xarumaha xanaanada caruurta ee gobolk aan Minnesota ayaa sheegay in uruurkaan uu wax badan ka qaban doono caqabadaha haysta xarumahaas codna uu u noqon karo.
Waxaa kaloo kulankaan ka soo qaybgalay Ja mal Cusmaan oo ah xubin gole dagaan ka ah Magaaladda Minneapolis , Aisha Chughtai oo sanadkaan loo doortay MPLS xubin gole dee gaan,Jeremiah Ellison oo isaguna xubin gole deegaan ka ah Minneapolis iyo Simon Trautman oo Magaaladda Richfeild ee gobolkan Minnesota xubin gole deegaan ka ah isla markaana sanad kaan u taagan in xeer ilaaliye uu ka noqdo dagm adda Hennepin ee gobolka, waxayna dhamaan tood bogaadiyeen soona dhaweeyeen daahfurka MMBA.
Siyad S .Salah Hiiraan online Minneapolis,MN Siyad@hiiraan.com
MA SUURTOGAL BAA IN ETHIOPIA AY QABSATO SAYLAC?
"Arligaa la kala boobayaa kii u itaalro one” Faarax Nuur, 1930kii.
Maqaal uu Michael Rubin, oo ka tirsan American Enterprise Institute ku qoray National Interest ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan waxa Itoob iya ka damacsan tahay Soomaaliya guud ah aan. Rubin wuxuu ku do oday in Ra’iisal Wa saaraha Itoobiya Abiy Ahmed u arko Seylac magaalo xeebeed u sahlaysa dib u dhiska ciidammada badda Itoobiya. Wuxuu Rubin u arkaa ujeeddadaas mid keeni karta in Itoobiya qabsato Seylac.
Doodda Rubin lama biciidsan karo. Maamulka Somaliland wuxuu cadaadis kala kulmay Itoobiya kaddib booqashadii Wafdi Masar ka socda uu dhowr sano ka hor ku yimid Hargeysa xilligii Itoobiya isu diyaarinaysay furista Biyoxireenka Dib-u-curashada (GERD). Dowladda Federaalka Soomaaliyeed way taageertay mowqifka Itoobiya oo ah inay xaq u leedahay dhisi dda iyo maamulista biyo xir eenka saameyn doona webiyada Suudaan iyo Masar. Sabab kale ayaa jirta: adduunku wuxuu marayaa marxalad habkii kala dambaynta (order) kaddib dag aalkii labaad uu aad u wiiqmay. Bishii hore majaladda The Economist waxay ugu baaqday Maraykanka inuu sii ahaado ilaaliyaha habka kala dambaynta ay ku heshiiyeen dowladihii ka guuleystay Hitler.
Majaladdu waxay ka digtay in dunidu dib ugu noqoto waagii kuwa awoodda lihi ay cagta marin jireen kuwa la ga awood-badan yahay. Waa waagii uu Faa rax Nuur, gabayaagii maskaxda ba dnaa, ka maansoonayay markuu tiriyay gab aygisii Arligaa la kala boobayaa oo dugsiyada lagu baran jiray ka hor 1991kii.
Miro gunti ku jira…: Madaxweyne Muuse Biixi wuu og yahay halista qarann imo bannaanka la iska taago.
Itoobiya kuma degdegi doonto inay qabsato Seylac. Waxa kaliya oo u fudu deyn kara inay Seylac qabsato waa haddii ay marto waddadii ay Kenya martay 2011 iyo 2012kii markii ay qeybo ka mid ah Soomaaliya qabsatay iyadoo ku do odaysa inay Soomaaliya aysan ka jirin dowlad ka hortagi karta Al-shabaab oo weerarro Kenya kaga soo qaadaysay Gedo iyo Jubbada Hoose.
Go’aanka Ke nya kama duwanayn go’aankii Itoobiya ciidankeeda ugu soo dirtay Soomaaliya 2006dii si ay iskaga difaacdo wax ay ku tilShalayy ‘halis’ ka ddib markii Maxamu ud Siyaad Indhacadde, ku hanjabay in ururkii Maxkama daha Islaamigu qabsan doonaan Addis Ababa.
Howlgallada militari ee Itoobiya iyo Kenya waxay ifiniyaan waxa dowladaha Soomaaliya deriska la ah sameyn karaan haddii ay dareemaan halis istaraatiji yadeed kaga imanaysa dal ku tiirsan ciidammo nabad-ilaalin. Haddii gobollo ka mid ah Soomaaliya aysan aqoonsaneyn qarannimada Soomaaliya, waxay dad ka gobolladaas ku nooli u nugul yihiin weerarro kaga iman kara dalalka deriska la ah Soomaaliya. Waa halista maamulka Somaliland uu hadda ku baraarugay.
Cinwaanka maqaalka uu Rubin qoray
Itoobiya marnaba ma soo weerarayso qeyb ka mid Soomaaliya inta Soomaaliya ay dowlad la aqoonsan yahay ka jirto. In Itoobiya noqoto dal aan bad laheyn wa xaa ugu wacan go’aammo uu Mengistu Haile Mariam, madaxweynihii hore ee Itoobiya, qaatay billowgii siddeetamaadkii. 1982kii markii Itoobiya qabsatay degmooyin Soomaaliyeed sida Goldogob, Mengistu wuxuu qashinka ku daray xeerkii Midowga Afrika ku saabsan dhowrista qarannimada dalalka xubnaha ka ah ururka. Isla sanadkaas Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Qadaafi ay aa taageeray Itoobiya. Qadaafi iyo Mengistu waxay, iyagoo ku tiirsan Midowgii Soofiyeeti, ku tunteen habkii kala dambeynta dunida.
Waa sababta Eritreeya uga go’day Itoobiya oo ku tiirsanayd dekedda Ca sab. Abiy Ahmed, oo hadda maareyn la’ dagaalka sokeeye ka socda Itoobiya, wuu garan karaa waxa ka dhalan kara isballaarin xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.
Sida Xayle Salaase ugu hungoobay himiladiisii
Waxay ahayd riyadii Mililiq (Menelik) inuu dhul Soomaaliyeed ka taliyo waa yo wuxuu Biritishka u sheegay in "Soomaalidu tahay lo’jir isaga u shaqaysa.”
Dhammaadkii dagaalkii labaad kaddib markii Qaramada Midoobay diyaari nay say in Soomaaliya madaxbannaani gaarto, Imbradoor Xayle Salaase, wux uu isku dayay inuu saameyn ku yeesho wadahadallada. Waa xilli Itoobiya ay weli si dadban ugu hoos jirtay gacanta Biritayn oo ka xoreysay Fashiistadii Mus olini.
Dhowr sano ka hor dhammaadkii dagaalka labaad uun buu Biritishku Itoob iya dib u siiyay qarannimadeeda waayo ka hor xilligaas wuxuu Itoobiya u arka yay dhul cadaw laga qabsaday, sida uu Bahru Zewde ku qoray A History of Modern Ethiopia, 1855–1991.
Sidaas oo ay tahay Xayle Salaase wuxuu ku guuleystay inuu, isagoo Marayk anka kaashanya, shirkaddii Sinclair keeno dhulka Soomaali Galbeed, si dhulkaas loogu aqoonsado dhul ka mid ah Itoobiya.
Fursad Soomaalida seegtay
Sanadkii 1946kii ayay dadka ku noolaa Hargeysa fureen xafiiska SYL (eeg buuggiisa A Modern History of the Somali , bogga 135 daabacaadda afraad ). Waxay arkayeen, maadaama aan maxmiyadda Biritishka ee Soomaalida loo og goleyn inay u halgamaan madaxbann aani, inay bannaan tahay in SYL noqoto ururka u taagan raadinta madaxbannaanida Soomaalida ku kula hoos nooleyd maamulladii Talyaaniga iyo Biritishka.
Go’aanka lagu furayay xafiiska xisbigii SYL waxaa ka hor yimid dad kale oo Hargeysa ku sugnaa. Fursaddaas la seegay ayaa qeyb ahaan keentay in Birtishku jebiyo heshiiskii uu beelaha Soomaalida la galay, kuna wareejiyo dhul Soomaaliyeed Itoobiya 1954kii.
Mabda’a Soomaali weyn ma ahayn mid Soomaalidu ku gardarraysanay dalal deris la ah. Waa mid ay Soomaalidu ku doonaysay inay wax ka qabato caddaal ad-darradii keentay in dhul Soomaaliyeed oo dadkiisu madaxbannaani diyaar u ahaayeen la hoosgeeyo Itoobiya. Dhul Talyaani xukumayay laguma darin Itoobi ya; dhul Biritishku xukumayay ayay dowladdii Biritishku ku dartay Itoobiya.
Waa reer koonfureedka dadka maalka iyo dhiigga inta ugu badan ku bixiyay coladihii ka dhashay ballanfurkii Biritishku ku sameeyay Soomaalida Waqooyi ga.
In Shalay madaxda maamulka Somaliland ku soo toosaan halista dul hee haabeysa Seylac waxay caddaynaysaa in qarannimadu tahay waxa keliya oo ilaa hadda dunida lagu kala badbaado haddii Soomaalidu isku meel ka taagan tahay ilaalinta qarannimo ku salaysan dhowrista xaqa qofka Soomaaliyeed.
Haddii aynan ka dhiidhiyin gaboodfallada sida barakicinta iyo boobka qof Soomaaliyeed loogu geysto dalkiisa, way adkaan doontaa inaannu isu damqan no marka halisi soo foodsaarto qarannimada Soomaaliya.
W.Q. Liibaan Axmad libahm@gmail.com
Qoraalkan wuxuu markii hore kusoo baxay Puntland Post
AMIIRAD U DHALATAY SUCUUDIGA OO MUD DO KADIB XORIYADDEEDII DIB U HESHAY
Amiirad u dhalatay sucuudiga oo muddo ka dib xoriyaddeedii dib u heshayiyada iyo Gabadheeda ayaa xoriyaddooda dib u helay ka dib ku dha waad saddex sano ay ku xirnaayeen xabsi si weyn loo ilaaliyo isla markaana wax dacwad ah lagu soo oogin, sida ay sheegeen dad u ololeynayay in lasii daayo.
Amiirad Basma Bint Saud ayaa la xiray bishii March sanadkii 2019 xilli ay qorsheyneysay inay u duusho dhinaca dalka Switzerland halkaas oo xaalad caafimaad ay u tageysay.Lama ogo sababta loo xiray iyada iyo gabadheeda, wax dacwad ah laguma soo oogin.Dadka waxay sheegeen in xiritaankooda uu la xiriiro u doodista arrimaha xuquuqul insaanka
BOQOLAAL RUUX OO LAGU DILEY GOBOLKA ZAMFARA DALKA NIGERIA
Ugu yaraan 200 oo qof oo ku nool gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed ee Nigeria ayaa lagu dilay mowjado weeraro ah oo ay gaysteen maleeshiyaad hubeysan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
weeraradan ayaa la rumeysan yahay inay jawaab u yihiin weeraro dhanka cirka ah oo ciidamada cirka ay ku dileen in ka badan 100 dag aalyahan maalintii Isniinta, kuwa kalena ay ku khasbeen inay ka baxaan meelaha keymaha ah.
Dableyda weerarka geysatay ayaa gubtay guryo, sidoo kalena waxay googooyeen meydadka dadka ay dileen.
Mid ka mid ah dadka deggan tuulooyinkaas ayaa wakaaladda wararka ee Reu ters u sheegay in dableydu ay tooganayeen qof kasta oo la arko.
Weeraradan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee mowjado rabshado wata oo ka dhacay waqooyi-galbeed Nigeria, halkaasoo dowladda dhexe ay muddo dheer dagaal kula jirtay kooxo dambiilayaal ah oo maxalli ah oo ay ku tilShalayy bur cad.
Kooxahan burcadda ah ayaa ah shabakado isku xiran oo aad u adag,kuwaa si oo ka howlgala dhul baaxad leh,waxayna inta badan dhacaan xoolaha, afdu ubta dadka isla markaan madaxfurasho ka qaata waxayna dilaan dadka ka hory imaada amaradooda. Jimcihii ayaa markii hore la sheegay in in ka badan 100 qof ay ku dileen dabl ey looga shakisan yahay burcada gobolka, ka dib markii ilaa 300 oo dabley ah oo wata mooto bajaaj ay soo gaareen ilaa sagaal beelood intii u dhaxeysay Tal aadadii iyo habeenkii Khamiista.
Idi Musa, oo degan tuulo kale, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in kooxda weerarka geysatay ay sidoo kale dhacen ku dhawaad 2,000 oo lo’ ah.
Dhanka kale, warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in kooxaha hubeysan ay u muuqdaan inay isaga tagayaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan dhulka keymaha ah, si ay uga jawaabaan weerarada joogtada ah ee dowladda, taa ba dalkeedana ay u dhaqaaqaan dhanka galbeed ee gobolka Zamfara.
Bayaan uu soo saaray Sabtidii Dorraad, madaxweynaha Nigeria Muhamma du Buhari ayaa ballan qaaday in dowladdu aysan ka hari doonin dag aalka ay kula jirto kooxaha hubeysan. Arbacadii, dowladda Nigeria ayaa si rasmi ah ugu tilShalayy burcadda argagixiso, taasoo u ogolaatay ciidamada ammaanka inay cunaqabatayn adag ku soo rogaan kooxaha iyo taageerayaashooda.Ciidamada Nigeria ayaa 7aadkan sheegay inay gobolka ku dileen 537 burcad hubaysan iyo kuwo kale oo dambiilayaal ah waxayna xireen 374 kale tan & bishii May ee
sanadkii hore
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO ISNIIN 10-KA JAN. 2022-KA AH
...