HALKAAN KA ALHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 9-KA JAN. 2022-KA

0
Sunday January 09, 2022 - 09:37:56 in Wararka by
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ALHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 9-KA JAN. 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

farmaajo iyo Saadaq joon oo kulan ku yeeshay villa soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska madaxto oyadd Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in kul anku uu yimid kadib codsi ka yimid Janaraal Saadaq Joon oo beryahan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, sidoo Qof kale ayaa BBC u xaqiijiyay kulanka Saadaq Joon iyo farmaajo.

Sarkaalka madaxtooyada Soomaaliya wa xa uu sidoo kale sheegay in kulanka madaxw eyne Farmaajo iyo Janaraal Saadaq Joon uu dabo-socdo kulan Dorraad dhex maray taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoon ka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ku lankaas oo ka dhacay gudaha garoonka Aad an Cabdulle Cusmaan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee dhexmara Fahad iyo Janaal Sa adaq wixii ka dambeeyay markii Saadaq xilka laga qaaday bishii Abriil Sanadkii hore.

Kulanka dhex maray Saadaq Joon, Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay iscafis. Waxaa kulanka dhinacyadan dhexmaray fududeeyay xildhibaan Cabdiraxm aan Dheere oo laga soo doorto Jubb aland, ka na mid ah ragga ugu dhow xafiiska madax weynaha Soomaaliya.

Saadaq Cumar oo saaxiib dhow la’a madax weynaha dowlad goboleedka Galmu dug Axm ed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa ah mura shax u taagan kursiga xildhiba annimo ee bee shiisa. Xigasho BBC.

Shirkii golaha wada-tashiga Qaran ee Shalay oo soo dhammaaday iyo qorshaha xiga

Daqiiqado ka hor ayuu soo dhammaaday shirkii Shalay ay mar kale isugu yimaadeen madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, gud doomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’isulw asaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka Shalay oo intiisa badan looga wa da hadlay tabashada kasoo laabatay kuraastii la doortay ee xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa lasoo sheegayaa in madaxda ay isfah am badan ka gaareen.

Xubnaha Shirka ka qeybgalayey ayaa isku afgartay in Berri mar kale la isku soo noqdo iyadoo kulanka Berri lagu heshiiyey inay kasoo qeybgalaan xubno matalayo Golaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka.

Kulanka Berri ayaa la filayaa in lagu soo afjaro cabashooyinka laga soo gudbiyey qaab kii ay u dhacday qaar kamid ah kuraasta Gol aha Shacabka.

Qodobada ugu weyn ee Shirka Golaha Wa da tashiga qaranka laga sugayo waa Amniga & Doorashooyinka, RW Rooble, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa aragti isku dhaafsaday madasha, waxaa dhiman in gunta loo galo qodobada muhiimka ah. Maa linti Isniinta ah ayaa la filayaa sida uu qorsh aha yahay in lasoo gabagabeeyo shirkaas lag ana soo saaro war murtiyeed ku saabsan doo rashada iyo Amnigeeda.

DF oo dib u fasaxday terminal-kii laga xiray QM iyo AMISOM ee Aadan Cadde

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka noqotay go’aankii ay horay ugu xirtay terminal-ka gaarka ah MOVCON ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla-markaana ay adeegsadaan hay’adaha Qaramada Mido obay, ciidamada

AMSIOM iyo safaaradaha reer Galbeedka, sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxa ya ee laga helayo garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Wasiirk Amniga Gudaha, Cabdullaahi Max amed Nuur ayaa soo saaray amarka dib loogu fasaxay isticmaalka terminal-ka MOVCON, kaas oo ay fuliyen hay’adaha ku shaqada leh.

Sida ay ogaatay Caasimada Online arrintan ayaa waxa ay ku timid, kadib wada-hadallo dhexmaray Wasiirka Amniga iyo Diblumaasiyi inta ku sugan gudaha Xerada Xalane oo ka wa da-hadlay xayiraadda la soo rogay oo ay horay uga horyimaadeen QM iyo AMISOM.

Sidoo kale ilo wareedyo ku dhow hay’adda duulista rayidka oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyey in la fasaxay terminalka, isla-marka ana uu haatan sidii hore u shaqeynayo.

Amarka lagu xiray terminal-kan waxaa hor ey u soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibad da Soomaaliya oo shaacisay in dhowr sabab ood loo xiray MOVCON oo ay ka mid tahay in ay adeegsadaan rakaab aan aheyn QM iyo AMISOM, taasi oo jebineysa hanaanka socd aalka sharciga ah.

Warqadda kasoo baxday Wasaaradda Arri maha Dibedda ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan ay dhacday in duulim aadyada QM ay soo cago dhigteen garoonka ayaga oo aan kahor waaxda socdaalka usoo gudbin dokumentiyada rasmiga ah

Go’aanka ay dib ugu fasaxday xukuumad da Rooble isticmaalka terminal-ka gaarka ah MOVCON ayaa ku soo aadayo xilli xasaasi ah, isla-markaana uu khilaaf horleh ka dhashay tal aabadii uu qaaday Rooble ee ku aadan dib u celinta lacagtii lagala wareegay Imaaraadka.

Si kastaba wasiirada soo saaray amarka xiris ta iyo midka furista ayaa ah laba wasiir oo sax iibo dhaw la kala ah Farmaaj iyo Rooble oo haatan isku hayo doorashooyinka dalka.

Kulan Laga Yeeshay Amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duul ista hawada Xukuumadda Federaalka ee xilg aarsi inta Duraan Axmed Faarax ayaa Shalay Shir guddoomiyey Shirka billaha ah ee Amniga Gar oonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Ma gaalada Muqdisho.Shirka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta iyo kor u qaadi sta ammaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo kamid ah marinada dalka looga soo galo, waxaana Wasiir Duraan uu Warbixino ka dhageystay Hay’addaha Amniga.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda ayaa ugu dambeyn Maamulka Garoonka ka dhagaystay warbixin la xariirta dhismaha Parking-ka Garoonka Magaalada Muqdisho oo dhawaan dhismihiisa la bilaab ayo.

Wasiir Duraan Axmed Faarax ayaa Maam ulka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Saraakiisha ammaanka ku boggaadiyay shaq ada ay u hayaan shacabka iyo dowladda, isa goona ka dalbaday inay dardar-geliyaan ade egyada bulshada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Maar eeyaha Garoonka Aadan Cadde, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Saraakiisha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Muxuu Faroole ka yiri is-mari waaga shirka Muqdisho?

Senator Cabdiraxmaan Faroole oo ka had lay is-mariwaaga shirka golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay in wax aad u yar la isku mari la’yahay, isagoo fariin u diray madaxda.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in amni la ga doodaayo aan intaan ka dib dalka loo sii xayiri karin, isagoo yiri, "Qoladii aan ammaanke eda suga karin, anaga hanoo yim aadeen, inag aa u sugeynee, yaa awal noo su gi jiray ammaanka?.”

Faroole oo sii hadlayey ayaa yiri, "Amni wax lagu daaho maahane, qoladiina Xamar ku shireysa naga soo dhameeya howsha, Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha waxaan leeyah ay wax aan waxba tareyn umadda yaan loo xa yirin.”

Sidoo kale Faroole oo fariin u diray madax da dowlad goboleedyada ayaa ugu baaqay in aysan isku mashquulin soo saarashada mad axweyne u fariista Villa Somalia.

"Maamul goboleedyada waxaan leeyahay nina yuusan ninka kale ka eexan, cidna madax weyne kama dhigi kartaan, Alle ayaa madax weyne noo dooraya ee taas xisaabta ku dars ada, Ilaahey quluubtiina ha isku soo jeedi yo,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Shirkii Shalay ee golaha wadatashiga qar anka intiisa badan waxaa looga wada hadlay tabashada kasoo laabatay kuraastii la doortay ee xubnaha Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in madaxda ay isfaham badan ka ga areen ajendihii Shalay.

Kulan kale oo madaxdu ay yeelaneyso Ax dda berri ayaa la filayaa in lagu soo afjaro cab ashooyinka laga soo gudbiyey qaabkii ay u dhacday doorashadii qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Jawaari oo weerar ku qaaday Farmaajo iyo Rooble

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay khilaa fka Rooble iyo Farmaajo ayaa aad u dhaliilay labada dhinacba, isagoo sheegay in waxa ay ku doodayaan aysan muhiim aheyn.

"Xaalada maanta dalka ka jirta lagama aamusi ka ro, waligeedna Soomaaliya sooma marin tan oo kale, waligeed nama soo marin madaxweyne xafiiska iska joogo ku dhawaad sanad,” ayuu yiri Prof. Jaw aari oo shir jaraa’id qabtay.

Guddoomiye Jawaari ayaa aad ugu dhalii lay madaxa Soomaalida in aysan ku dhaqmin dastuurka iyo shuruucda dale dalka, "Qof ka sta sida uu rabo ayuu u sheegtaa dastuurka, xi shoodkii iyo dhaqankii waa laga tegay, waxaas dowladnimo maaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale Jawaari ayaa sheegay in mada xda ku shireysa Muqdisho ay isku dan yihiin oo mid kasta uu doonayo sidii xildhibaanka uu doono soo saarta oo isaga taabacsan, "Dhinac kasta waxa u raadinayo waa baadil, waxaa loo baahan yahay tanaasul,” ayuu yiri.

Md.Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sii hadlaayey ayaa yiri, "Hada waxay u mu uqataa madaxtooyada, xukuumadda federal ka, iyo maamul goboleedyada, waxay rabaan waa isku mid, dhinac kasta waxa uu rabaa in uu soo saarto xildhibaanka uu isago doonayo, war waxaan idin leeyahay danta guud ee dal kaan waa ka weyntahay danaha gaarka ah,”

Jawaari waxa uu sheegay in hoggaaminta baarlamaanka dalka loo doortay laba jeer, "In tii aan hayey xilkii ugu dambeeyey anigoo he ysta taageero igu filay ayaa waxaa si xun oo kheyru caadi ah iila dhaqmay, laanta fulinta, markii aan fiiriyay danta guud, waxaa ii soo baxday inaan shacabka u tanaasulo.

Sidoo kale Prof. Jawaari ayaa sheegay in mas’uuliyadda amniga iyo waxyaabahaan la Is ku heysto ay ku kala cadyihiin dastuurka dal ka, kaas oo sida muuqata aan hadda lagu dhaqmin.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Mag acaabay Guddi ka kooban 8 Xubnood

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Md. Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi ka kooban masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dow ladda u magacaabay korjoogtaynta, fulinta iyo dabagalka heshiisyadii Shi rka nabadaynta, isla marka ana si dhaw ula shaqeeya Gu ddiga Culimada iyo oda yaasha dhaqanka.

Guddigan oo ka Kooban 8 xubnood ayaa kala ah.

1.Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan GudoomI ye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada do wladda Puntland. Gudoomiye

2.Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad W asiirka wasaarada Arrimaha gudaha, Federaal ka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Gudoomi ye ku xigeen

3.Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Wasiir ku xig eenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare .Xoghayn 4. Jaamac Faarax Xasan Wasiirka wasaara da Caafimaadka Puntland.

5. Senator Cabdiqani Geelle Maxamed. Was iiru dowlaha wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada

6. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad

7. Gen. Yaasiin Cumar Dheere.Taliayaha Ciid anka Daraawiishta Puntland

8. Gen. Maxamed Cali Xaashi.Taliyaha Ciidan ka Booliiska Puntland.

Darawalada gaadiidka dadweynaha oo bannaanbax ka dhigay Muqdisho

Darawalada gaadiidka nooca dadweynaha ay raacaan ee ka howlgala degmooyinka Dhar keenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir ay aa Shalay banaanbxa cabasho ah ka dhigay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa si weyn uga soo horjeeday lacago aan sharci aheyn oo ay sheegeen inay ka qaatan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugan degmooyin ka Dharkeenley iyo Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah gaadiidleyda BL-ka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo hubeysan ay Jid-gooyooyin u dhigteen gaadiid ka ka howlgala degmooyinkaas, isla markaana looga qaado lacago aan sharci aheyn oo ay ku sheegeen inay tahay Baad.

Sidoo kale dadka dhigaayay banaanbaxa ayaa tilmaamay in xiliyada qaarkood Ciidanka lacagta ka qaada ay dhibaato u geystaan dad weynaha saaraan gaadiidka ay wadaan, lag ana dhaco Moobeelada iyo waxyaabaha kale oo ay wataan, waa sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiil Itoobiyaan ah

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Ca bdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Sha lay Magaalada Muqdisho kula kulmay U-qay bsanaha Ciidamada Safaaradda Itoobiya ee dalka, General Tadesse Amelo Sieso.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka wada hadleen xaaladda guud ee labada dal, hawlgalka AMIS OM, qorshaha xilliga kala guurka ee dalka iyo mustaqbalka amniga ee Geeska Afrika. "Wa xaan Shalay kulan miro dhal ah la yeeshay wafdi uu hoggaaminaayo U-qaybsanaha Ciida mada Safaaradda Itoobiya ee Somaliya, Gen eral Tadesse Amelo Sieso. Waxaana ka wada hadalnay xaaladda guud ee labada dal, hawlg allada AMISOM oo ay Itoobiya qayb ka tahay, qorshaha Kala guurka qaranka (STP) iyo must aqbalka amniga Gobolka Geeska Afrika.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay "Waxaan uga mahad celiyay dadaalada ay ku bixinayaan la dirirka aragigixisada iyo nabadeynta guud.”

 

Kulan Laba madaxweyne goboleed oo ka fal-celiyey go'aanka R/W Rooble ee Imaaraadka

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubb aland oo war ka soo saaray go’aanka uu Dor raad qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble ee dib loogu soo celinayo xiriirkii Soomaaliya iyo Ima araadka Carabta ayaa aad u bogaadiyey tall aabadii raali-gelinta aheyd ee Shalay uu qaa day Rooble.Ugu horeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Max amed Islaam (Axmed Madoobe) oo daqiiqado ka dib raali gelintii Rooble la kulmay safiirka do wladda Imaaraadka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay tallaabadii uu qaaday Ra’iisul Wa saare Rooble, isagoo ku amaanay dib u hag aajinta xiriirkii xumaaday ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Axmed Madoobe ayaa hoygiisa magaa lada Muqdisho Shalay ku qaabilay Danjire Ma xamed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Im aaradka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, wux uuna uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gays teen abaaraha ka jira Jubbaland iyo guud aha an Soomaaliya.

Dhanka kale dowlad goboleedka Puntland oo war ka soo saaray go’aanka xukuumadda federaalka ayaa soo dhoweeyey tallaabada XFS ee "dib loogu saxayo siyaasadda arrima ha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo is kaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.”

"Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey kha ladkii April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka. Dowladda Puntland waxay Dowladda Imaaraadka uga mahad celinaysa gurmadkii ay Shalay u fidiy een dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu same eyeen, waxaana rajeynaynaa gurmadkaasi in uu wada gaaro dhammaan dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Pun tland.

Rooble ayaa qaatay go’aan dib loogu soo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka oo si weyn u xumaaday seddax sano ka hor, ta asi oo la fahamsan yahay inuu ka dambee yay madaxweynihii hore Maxamed Cabdull aahi Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shal ay dalka soo gaarsiisay deeq gar-gaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka Soomaaliy eed ee abaaruhu ku saameeyeen gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo deeqdaas ku guddoomay garoonka Aadan Cadde ayaa me el fagaare ah dowladda Imaaraadka uga raali-galiyay tallaabadii bishii April ee sanadkii 2018-kii ay dowladda Soomaaliya ugala ware egtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isaga oo ballan-qaaday in uu dib ugu wareejin doono lacagtaas.

 

QODOBADA DASTUURKA EE AWOODAHA SIINAYO MADAXWEYNAHA EE SIDA KHALDAN LOO FASIREY

Dastuurka waa heshiiska nidaaminayo xariirka dowladda iyo muwaad inka iyo Hay’adaha dowladda dhex-dooda, waxuuna nidaaminayaa Hay’ado la soo doorto sida Hay’adda Madaxwayanaha "Hay’ad hal qof ah” Baarlam aanka iyo Hay’adaha la magacaabo oo leh habraac gaar ah sida Xukuum adda iyo Garsoorka iyo Guddiyada kale.

Awoodaha Dastuuriga ah ee Hay’dahaas waxay ku xiranyihiin isticmaal kooda waqtiga uu Dastuurka u xaddidey oo ah Afar sano Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka "DKG 60, 91″ iyo habraaca ay ku dhamaadaan xilka ku wa kale sida xukuumadda ay ku dhamaato "DKMG 97/ faqrada 4-aad”.

Waxii intaas kasoo haray ma aha gudasho shaqo ee waa cadayn maq aam qaanuuneed " legal status” sida Xukuumadda xil-gaarsiinta, joogista Xafiiska ee Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha " DKMG 103, wax-kbadal Dastuurka L. 20, 2016, l.30/2020”.

Intaas markaan ifin guud uga soo baxo waxaan rabaa in aan idinla wadaago dhawr qodob oo ka mid ah kuwa Dastuurka ku cad balse fahankooda si khaldan ugu baahay Bulashada iyo Madaxda in aan idinla wadaago ujeedkooda, si aan loogu war eerin wax aan jirin, waxaana ka mid ah:

1.madaxwaynaha waa astaanta qaranka:-

Madaxwaynaha ma aha astaanta Qaranka, ast aanta Qaranka waxay ku cadahay Lifaaqa Dastuur ka, Jadwalka koowaad, Xarafka "B” balse sida saxda ah waa in Madaxwa yanaha yahay astaanta midnimad Qaranka sida ku cad DKM Q. 87-aad, faq rada koowaad, xarafka "B”, waana labo arin oo aad u kala duwan astaanta qaranka iyo matalaada midnimada Qaranka.

Madaxwaynaha ma aha Taliyaha guud ee Ciidamada, mana jiro xilkaas. Qodobka 90-aad, faqradiisa "B” ayaa sheegayso in Madaxwaynaha yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida, waxaana loola jeeda Ciidamada Milatar iga ah. Ciidamada kala duwan Milatari, Boolis, Nabad-sugid, Asluub waxaa la isku dhahaa Ciidamada Amniga, waxayna kala qabtaan shaqooyinka la gu kala qeexay Q. 126-aad ee Dastuurka.

Ciidamada Qalabka sida shaqadooda waa ilaalinta gobnimada, mada xbaanida dalka iyo midnimada dhuleed, waxayna hoostagaan Madaxwayna ha Jamhuuriyadda. Faqrada 3-aad ee Q.126-aad ee Dastuurka ayaa fasire yso Q. 90-aad/ B ee Dastuurka.

Sidaas darteed Madaxwaynaha waa Taliyaha Ciidamada qalabka sida "Commander in chief of the armed forces” sida ay fasireyso 126/3-aad ee Dastuurka ee ma aha Taliyaha Ciidamada Amniga "Commander in chief of National security agencies”.

Arintaas waa mid ka duwan marxaladdii Milatariga oo uu Madaxwayna ha Ciidamada dhan uu xukumayey maadaama nidaamka xilligaas jirey uu ahaa Nidaam Madaxwayne "Presidentional sytem " uu ka duwanyahay nida amka Siyaasadeed ee hadda Barlamaani ama Mixed hadba doodii la qaato balse waxay waafaqsantahay Nidaamkii rayidka ee Q. 75-aad ee Dastuurkii 1960-kii.

3. awoodda fulinta waxaa iska leh ra’iisul-wasaaraha.

Awoodda fulinta maleh ra’iisul-wasaaraha ee waxaa iska leh Xukuuma dda "Golaha Wasiirada” isgana waa xubin kamid ah Golaha oo shir-gudoo miya, waxayna si toos ah ugu cadahay Q.97-aad ee Dastuurka.

Shaqada golaha waxay ku cadahay Q. 99-aad ee Dastuurka, xil-qaa dista iyo magacaabista saraakiisha sar-sare iyada ayey ku jirtaa "DGM, Q. 99-aad, Xaraf.G”, waxayna u gutaan shaqadooda si masuuliyad wadareed ah "” Cabinet collective responsibility”.

Ra’iisul-wasaaraha waxuu gaar u leyahay Magacaabidda, xil-qaadida Wasiirada, horgaynta golaha Shacabka ee kalsooni helida "Q.DKMG Q.100-aad” heerka ay la egtahay isticmaalka awoodaas iyo Maamulka Xafi iskiisa waxaa lagu xaddidaa Xeerka Xukuumadda

"Government organisation act” , mana shaqeeyo hadda.

4. Xukuumadda Xil-gaarinta/ ra’iisul-wasaaraha ayaa leh waxii shaqo kasta xilliga kala-guurka.

Xukuumadda Xil-gaarsiinta "Care taker gove rnment” waxay salka ku haysaa mabd’da Maamul ee istaagid la’aanta sbaqada guud "the principle of continuity of public services” oo u jedkiisa yah ay in aysan istaagin shaqada guud daruuf iyo xaa lad kasta.

Xukuumadda xil-gaarsiinta waa Hay’ad uu dha maaday muddo xileedkeeda, walina aan la badal in waxaa shaqadeeda hagayo Q.103 ee Das tuurka ku meel-gaarka ah, waxuuna sheegayaa Shaqada caadiga ah ee ma alinla ah bas ah "routine duites/ actes de gestion” waana shaqada maamul ka ama mid ku xusan Road map lagu heshiiyey in doorasho lagu galo sida Heshiiska 17 september fulintiisa.

Ma jirto meel Dastuurka ama fiqhiga qaanuunka uu ku sheegayo in Xuk uumad Xil-gaarsiin ay badali karto, baa’in karto, soo kordhin karto maqaam qaanuuneed ee qof ama Hayad "Actes de disposition”, waana fahan qaldan in sidaas loo fasiro qodobka 103-aad ee Dastuurka.

Xikmadda loo diidayo in Xukuumadda ay badasho maqaam qaanuune ed waxaa weyo in Hay’addii ku lahayd korjoogtaynta howlaha xukuumadda ee sharci-dajinta sida uu jideenayo " DKMG "Q.69-aad faqradiisa 2-aad, xar aha /B,C” ay gashay doorasho uuna dhamaaday muddo xileedkeedii ku xu snaa " DKMG 60-aad”.

Ugu dambayn, Qodobad Dastuurka ku cad ee sida khaldan fahankooda uu u baahay iskadaa kuwa uu Dastuurka uu ka gaabsadaye aad ayey u badanyihiin, waxayna u badanyihiin arimaha sharci-dajinta, intaan waxaan tusaale ugu soo qaatay waxaa badnaa hadal hayntooda waayadan.

Hay’adaha dowladda ee la doorto ama leh magacaabis habraac waxay awoodooda leeyihiin, kuna doodi karaan inta lagu jiro Muddada sharciga ah, haddii laga gudbo waxay leeyihiin maqaam sii joogid Xafiis un ee ma is ticmaali karaan awooda asalka ah.

F.G. Waa aragtidayda shaqsiga ah ee fahankayga Datuurka.

W/Q: Cali Sh. Aadan Yusuf " Cali Somali”


MAXAY GOBOLKA IYO CAALAMKABA UGA DHIGAN TAHAY SII-DEYNTA ABIY EE MUCAARADKA ITOOBIYA?


Ra’isul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed ayaa jimcihii sii-daayey siyaasiyiin mucaarad ah sida Sebhat Nega, oo ahaa maskaxda iyo aasaa saha TPLF iyo

walaashiis Kedusan Nega, xubnaha kale ee ururkaasi ah ee la sii daayey waxaa ugu muhiim sanaa Abay Woldu oo ahaa guddoomiyihii hore ee TPLF iyo madaxii gobolka Tigreyga iyo weliba Abadi Zemu oo xubin ka ahaa guddiga dhexe ee TPLF.

Waxaa kale oo dadka la siiyey ka mid ah hog gaamiyeyaasha Oromada sida Jawar Mohamm ed iyo Bekele Gerba, labada nin waxaa lagu ee deeyey in ay sameeyeen qalalaaso ka dhan ah Amxaarada kadib dilkii Hachalu Hundessa ee June 2020.

Go’aankan ayaa yimid maalin kadib markii uu Adis Ababa yimid ergeyga Mareykanka ee gees ka Afrika Jeffry Feltman, wada hadalna uu la gal ay madaxda Itoobiya.

Waxaa kale oo ay sii-deysmadan kusoo aad eysaa iyada oo todobaadkan wareysi uu CNN-ka siiyey hoggaamiyaha TPLF-ta Debretsion Gebr emichael, uu ku sheegay in dagaalkan lagu soo afjarayo wada-hadal ayna dhankooda diyaar u yihiin, iyada oo si arrintaas loogu gogol-xaaro ay Tigeyga ka baxeen qeybo ka mid ah dhulka Caf arta iyo Amxaarada.

Haddaba, Tilaabadan maxay gobolka iyo Dunida uga dhigantahay ayaan hordhigay Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur isaga oo sheegay iney bilow u ahay bixitaanka Abiy Axmed iyo in galb eedka ay ka adkaadeen siyaasadda Shiinaha iyo Ruushka.

Prof. Xasan oo PhD ka heysta xiriirka caalami ga oo ka hadlayey waxa ay Itoobiya uga dhigan tahay arrinkan ayaa waxaa uu yiri " Sii-deynta xubnaha mucaaradka, waa xoogaggii lala geli lahaa wada hadalka iyo heshiis waara oo la sii-daayey, waa bilowga bixitaanka Abiy Axmed, wa ana isaga oo ku qancay in xoog ciidan aan xal ku jirin, ayna muhiim tahay heshiis siyaasi ah, hadda guddi Bad-baado ayaa la dhisi-doonaa, iyada oo la dooranayo ra’isul wasaare la isla ogolyahay ".

Dhinaca kale, mar aan weydiiyey, maxay uga dhigantahay "Geopolitics”-ka waxaa Prof. Xasan sheegayaa in la jabiyey Ruushka iyo Shiinaha isaga arrintaas ka dhahay " Waxaa laga adka aday madaxda gobolka ee aaminsaneyd xoog wax ku raadinta, waxaa guuleystay kuwa nadda iyo dib u heshiisiinta doonayey, marka arrimah aas laga hadlayana waxaa caddahay in Marey kanka oo nabaddoon ahaa uu ka guuleytay Ruushka iyo Shiinaha.

Inkasta oo la sii-daayey madaxdii Tigreyga iyo Amxaarada hadana lama oga sida ay wax noqon doonaan maalmaha soo socda iyo waxa ay tahay ujeedka dadkaasi loo daayey, laakin waxaa hubaal in arrinkaas oo qaboojin doono da gaallada iyo xasaraddii ka socotay Itoobiya lab adii sano ee ugu dambeysay, taas oo sabab u no qotay qax ilaa labo Milyan iyo dhimashada kum annaan kale, iyada oo abaar iyo dhibaatooyin kale ay sii jiraan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye


 

Hadlay Abaaraha Jira Oo Shalay Ka Qab soomay Magaalada Baladweyne

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Gobol eedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Da ba-geed) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaal ada Baladweyne Shalay kulan kula qaatay guddiga Abaaraha G/Hiiraan oo ka ko oban qe ybaha bulsha da.

Madaxweyne ku-xig een Yuusuf Daba-geed ayaa warbixin ka dhag estay Guddiga Abaara ha Gobolka Hiiraan, kuwaas oo ku howlan weli caawin qoysaska sameynta ku yeelatay abaar ta ka jirta qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan

Xildhibaan Nuur Iidoow Beeyle ayaa ballan qaaday in haddii ay yihiin Xildhibaanada Baar lamaanka Fedaraalka Soomaaliya ay kaalintoo da ka ciyaari doonaan garab istaaga qoysaska Abaarta aay sameynta ku yeelatay.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Daba-geed ayaa u ballan qaaday Guddiga Abaaraha Gobolka Hiiraan in Maamulka horay uga qeyb qaadatay gurmad ka dadka Abaarta saameyn ku yeelatay welina aay diyaar u yihiin in kaalintooda aay ka soo dhalaalaan.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhi baan Nuur Iidoow Beeyle oo kamid ah Xildhi baanada Baarlamaanka Fedaraalka Soo maal iya, Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Ow-bakar Dhagaweyne oo kamid ah Baarla maan ka Hirshabelle iyo Saraakiil Ciidan.

Puntland oo faahfaahisay howlgal dad lagu soo qabtay oo Boosaaso ka dhacay

Ciidanka booliska maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal lagu soo qabtay kooxo tahriibin jiray dhal inyarada.

Taliska Qeybta Booliiska Go bolka Bari ayaa ku guuleystay qa bashada shabakad isku xiran oo ka shaqeysa tahriibka dadka u kala soco naya dalalka Soomaaliya iyo Yemen Sudan Libya.

Kooxdan la qabtay ayaa waxaa sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen gadiidkii ay ku howlgelin jireen iyo dadkii ka shaqeynayay tahriibinta dadka.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Bari G/ sare C/qaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in cii damada amaanka ay xooga saarayaan falkas ta oo lidi ku ah nidaamka sida kan tahriibinta dadka, mukhaadaraadka iwm.

Waxaana taliyaha uu u mahadceliyay ciid amadda amaanka iyo shacabka iska kasha day ogaanshaha kooxdan tahriibka ka shaqe ysa & qabashadooda.

Madaxweynaha Kazakhstan oo diiday inuu wada hadal la galo kooxo dibad bax kawada dalkaasi.

Madaxweynaha Kazakhstan Kassym Toka yev ayaa ku dhawaaqay Jimcihii inuu diiday wax kasta oo suurtagal ah inuu wada xaajood lagalo kooxda dibad baxyada ka wada wuxuuna u oggolaa day ciidamada ammaanka inay "toogtaan digniin la’ aan kuwa qalqalka ku abu uraya amaanka wadanka asi,"Wada xaajood noocee ah ayaan la yeelan karnaa dambiilayaasha iyo gacan ku dhiigla yaasha? Waxay ahayd in aan wax ka qabanno dambiilayaasha hubaysan iyo kuwa tababba ran, waa in la burburiyaa, taasna dhawaan ay aa la samayn doonaa,” ayuu yidhi Madaxwey naha dalkaasi Kazakhstan.

Tokayev ayaa u mahadceliyey saaxiibkiis, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, caa wintiisa ka dib markii ay halkaas gaareen guu to ka tirsan ciidamada Ruushka iyo xulafada kale ee Moscow si ay u taageeraan awoodda dalka

Kuuriyada Koonfureed oo kordhisay xayir aadda socdaal ee Lix dal oo Soomaaliya ku jirto

Kuuriyada Koonfureed ayaa kordhin do onta xayiraadda socdaalka ee lix waddan oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika iyo sidoo kale qaybo ka mid ah Filibiin lix bilo od sababtoo ah khataro amni oo daba dheeraaday.

W/arrimaha dibadda ayaa she egtay Jimcihi Mamnuucidda loo qorsheeyay in uu dhacdo Jan. 31. Dalalka xayiraada lagu soo rogay waxaa ku jirta Soomaaliya waxaana sidoo kale ka mid ah Ciraaq, Suuriya, Yemen, Liibiya, Afgaanista an iyo gobolka koonfureed ee jasiiradaha Filibi in Jasiiradda Zamboanga, Sulu, Basilan iyo Tawi-Tawi.

Sida ay sheegtay Wasaaradda dalalka la magacaabay ayaa waxaa soo food saaray kha taro joogto ah oo ah weeraro argagixiso iyo xa silooni darro siyaasadeed oo ay u badan tahay inay sii jiri doonaan muddo dheer.

U safrida Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya iyo Afgaanistaan ayaa la mamnuucay tan iyo 2007. Seoul ayaa mamnuucday Yemen 2011, Liibiya 2014 iyo jasiiradaha Filibiin 2015

Itoo biya oo cafis ku siidaysay madax sare oo kamid ahaa Ururka TPLF

Dowladda Itoobiya ayaa habeenkii Hab een hore ahaa waxay cafis u fidisay qaar ka mid ah madaxda u sarraysa Ururka TPLF, sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka do wladda Itoobiya.

Madaxda TPLF ee lasiidaayay ayaa waxaa ka mid ahaa Sebhat Nega, oo kamid ahaa Aas aasayaashii Ururka TPLF, Madaxwaynihii hore ee degaanka Tigray Abbay Waldu, iyo xubno kale oo dhammaantood kamid ahaa Ururka TPLF, lana qabtay intii uu socday dagaalkii u dhaxeeyay dowladda iyo TPLF.

Siidaynta xubnahan TPLF iyo kuwo kale ee ka soo jeeda qowmiyadaha Oromada iyo Axmaarada ee uu kamid yahay Jawhar Maxa med, ayaa kusoo hagaagay xilli uu Abiyi Axm ed ku dhawaaqay in loo baahan yahay dib u heshiisiin guud oo dalka ka dhacda.

Dhinaca kale Jawhar Maxamed ayaa Habe en hore saacadihii dambe ka baxay xabsiga, ka dib markii sida la sheegay ladammaanad qaaday amnigiisa, ilaalo gaar ahna loo soo diray kuwaas oo gaarsiitay hoyga uu kulahaa magaalada Addis Ababa.

Qaar kamid ah dadka kasoo jeeda qowmiy adda Axmaarada ayaa iyagu durba ka biyo dii day, go'aanka ay dowladdu kusoo daysay xubnahan TPLF, oo ay sheegeen in haba yara atee aysan mutaysan in la cafiyo, maadaama dhibaato badan ay dalka usoo gaysteen, intii ay xukunka hayeen iyo billowgii dagaalkan.

TPLF ayaan wali wax hadal ah ka odhan siid ay nta xubnahan kamidka ahaa ururkooda.

Dowlada Ethiopia Oo Xabsiga Ka Sii Days ay Saxafiga Eskinder Nega

Dowlada Ethiopia ayaa xabsiga ka sii dey say wariyaha caanka ah ee Eskinder Nega ka dib in ka badan 18 bilood oo uu xirnaa. Eskind er Nega ay aa la xiray bishii Juun 2020 ka dib dilkii muus ikiiste Hach alu Hundessa, waxana uu ka mid ahaa dadkii lagu eede eyay hurinta rabshadihii ka dhacay caasima dda Addis Ababa iyo gobolka ugu weyn dal kaas ee Oromia.

Sidoo kale rag mucaaradka ka mid ah sida Jawar Mohammed iyo Bekele Gerba, oo iyag ana loo xiray rabshado, ayaa la filayaa in iya gana la sii daayo dhawaan. Rabshado ka dha shay dilka heesaagii reer Ethiopia ayaa waxaa ku dhintey illaa labo boqol oo ruux.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheeg ay in dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto sidii loo soo afjari lahaa rabshadaha dalka ka soc da iyadoo loo marayo qaab nabadeed iyo mid siyaasadeed.

Waxaa soo noqnoqday baaqyo caalami ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo dagaalka sok eeye ee arxan darada ah ee waqooyiga iyo xii sadaha qowmiyadeed ee dalka oo dhan iya doo loo marayo wadahadal.

Hadalka Abiy ayaa muujinaya isbedel dhan ka maamulka ah,isagoo hore wacad ugu mar ay inuu burburin doono fallaagada, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Tigrayga.

QM oo soo dhoweysay Maxaabiistii laga sii daayay xabsiyada dalka Ethiopi.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay sii de ynta maxaabiista ay Itoobiya sii daysay, oo ay ku jiraan dad caan ah oo mucaarad ah, isagoo ku baaqay "in laga faa’iidaysto tallaabadan mu hiimka ah ee kalsoonida lagu dhisayo” iyo in la joojiyo dagaalka.

War saxaafadeed uu soo saaray Jimcihii.

Guterres wuxuu carrabka ku adkeeyay baah ida loo qabo in la bilaabo "xabad joojin joogto ah” oo u gogol xaaraya in colaada wadankaasi la soo afmeero.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in uu filayo "horumar la taaban karo oo ku saa bsan gargaarka bini’aadantinimo ee dhamm aan goobaha ay dhibaatadu saameysey taas oo ka dhalatay colaadda sanadka jirtey,” isaga oo tixraacaya wadahadal uu dhawaan la yee shay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ku saabsan arrintan

Diyaaradaha Dagaalka Ethiopia Oo Duqeyn Ku Diley Arday Barakacayaal Ah Gobolka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Ethiopia ayaa

Sheegaya in dad gaaraya 56 qof ay ku dhint een tiro kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn diyaaradeed oo lagu qaaday xero ay degan yi hiin dad Baraka cayaal ah waqooyiga dalka Ito obiya.

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa la sheegay in ay muujinayaan dad la dawey nayo kaddib markii macalimiintii iyo ardaydiiba la fasaxay iskuul ku yaalla magaalada Dedebit ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya. Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya weerarka.

Ciidamada dowladda ayaa muddo sanad ah waxa ay jabhado kula dagaallamayeen gob olka Tigray, dagaalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

Iyadoo ay si ku meel gaar ah u joogsadeen iska hor imaadyada dhulka ee u dhexeeya ciid amada Itoobiya iyo isbahaysiga fallaagada ah ee ay hormuudka ka yihiin Tigreega, ayaa wa xaa sii socday duqeymaha ka dhanka ah farii simaha mucaaradka

Sabtidii, shaqaalaha gargaarka ayaa wakaal adda wararka ee Reuters u sheegay in tirada dhimashada ay xaqiijiyeen maamulka deeg aanka.Samafalayaasha oo aan magacyadoo da la shaacin ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirada dad ku dhaawacmay isbitaalka oo ay ku jiraan tiro caruur ah.

Ma cadda sida iyo sababta dugsiga loo gar aacay. Dowladda Itoobiya ayaa horay u beeni say in ay beegsatay dad rayid ah.Jimcihii, daw laddu waxay ku dhawaaqday in la sii daayay dhawr qof oo caan ah oo mucaarad ah, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha jabhadda Tigray an People’s Liberation Front (TPLF).

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu ga aro dib u heshiisiin qaran iyo horumarinta Midn imada. Colaadda Tigray ayaa billowday Noof ambar 2020 ka dib markii Abiy uu amar ku bixi yay duullaan militari oo ka dhan ah ciidamada gobolka ee aagga. Waxa uu sheegay in arrinta asi uu jawaab u ahaa weerar lagu qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlad da.

Xiisadan ayaa timid kadib markii bilihii la soo dhaafay khilaaf u dhaxeeyay xukuumada Abiy iyo madaxda kooxda TPLF. Dad badan ayaa ku barakacay colaadaha, waxaana QM ay ka digtay in gobolka uu u baahan yahay gar gaar bini’aadinimo oo degdeg ah oo ay ku ji raan dawooyin.

Laba Caruura oo mataano ah oo ku dhintay dabqabsaday hoygii ay ku noolaayeen

Laba Caruura oo mataano ah ayaa Shalay ku dhintay dab qabsaday hoygii ay ku noolaa yeen oo ku yaala degmada Dila ee gobolka Awdal gaar ahaan xaafada Laanta Hawada. Ciidanka Dab-demiska Awdal oo gurmad u fi diyay ayaa damiyay dabka oo guriga wadaha ystay, sidoo kalena caruurta guriga dusha lag aga xidhay.

Ciidamada ayaa si degdega goobtaa u gaa dhay, waxaana ay damiyeen dabkii, Isla mark aana ka soo saareen maydka caruurtii.

Caruurta ayaa ahaa mataano da’adoodu ahayd 9 bilood , waxaana magacyadoodu kala ahaayeen Muuna Cabdiraxmaan Jaamac iyo Mahdiya Cabdiraxmaan Jaamac. Intaa kadib ciidamada ayaa baadhista iyo maydkii ku wareejiyay maamulka degmada

Mareykanka Oo Su’aal Ka Keenay Ciidama da Ruushka Ee Ku Sugan Kazakhstan

Xukuumadda Washington ayaa su’aal ka keentay go’aanka dalka Kazakhstan ee uu taa geero militari uga codsaday Ruushka sababo la xiirira dibadbaxyada rabshadaha wata ee dalkaasi ka socda.

Ruushka ayaa sheegay in si ku meel gaar ah uu u joogo Kazakhstan. Shiinaha ayaa sidoo kale taageero u muuj iyay tallaabooyinka lagu soo celinayo xasiloonida Kazakhstan, oo uu ku maal gashaday mashaariic waa weyn.

Ciidamadii ugu horreeyay oo gaaraya 2,500 isla markaana uu Ruushku hoggaaminayo ay aa haatan ku sugan Kazakhstan. Saraakiisha ku sugan Moscow ayaa sheegay in ciidamada isbahaysiga ah ee ka socda shan dal ka tirsn aan jiray Midowga Soofiyeetka iyo Ruushka ay si kumeel gaar ah u joogaan dalkaas.

Madaxweyne Kassym-Jomart Tokayev ay aa codsaday in ciidamo loo soo diro kaddib markii dibadbaxayaal ay galeen xafiiska duqa magaalada ugu weyn Kazakhstan ee Almaty.

Balse mar uu la hadlayay weriyeyaasha, ayaa Antony Blinken, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, wuxuu ka digay in hal cashar oo dhowaan la bartay ay tahay in haddii mar Ruushku uu gurigaaga yimaado ay adag tahay in laga soo saaro.

Wuxuu sheegay in xukuumadda Kazakhys tan iyo ciidamadeeda ay awood u leeyihiin in ay la tacaalaan dibadbaxayaasha. Dhanka ka le, ciidamada Kazakhstan ayaa haatan gacan bir ah ku qabtay magaalada.

Kazakhstan oo xabsiga dhigtay madaxii hore ee sirdoonka oo lagu eedeeyay khiyaano qaran

Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka guda ha ee Kazakhstan ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii looga shakiyay qiyaano qaran, sida ay wakaaladdu sheegtay Sabtidii, kadib markii shaqada laga eryay iyada oo ay soc deen dibadbaxyo rabshado wata.

Guddiga Amniga Qaranka, ama KNB, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in madaxii hore ee xisbiga Karim Masimov la xir ay Khamiistii ka dib markii ay bilaabeen baar itaan ku saabsan eedeymaha qiyaano qaran. "6-dii Janaayo ee sanadkan Guddiga Amniga Qaranka ayaa bilaabay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan khiyaano qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka. Isla maalintaas, iyadoo looga shaki san yahay inuu galay dambigan, guddoomiyihii hore ee KNB KK Masimov waa la xiray wax aana la dhigay xarun lagu hayo oo ku meel gaar ah, isaga iyo kuwa kale.”

Ciidamada ammaanka ayaa u muuqday inay dib u qabsadeen wadd ooyinka magaalada ugu weyn Kazakhstan ee Alm aty Jimcihii ka dib maal mo rabshado ah.

Madaxweynaha uu Ru ushka taageero Kassym-Jomart Tokayev ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in ciidamadiisa ay ” toogtaan dadka banaambaxaya si ay u dej iyaan kacdoonka dalka oo dhan.

Wararka ugu danbyey Golaha Wadatashiga Oo Maanta Kulan Gaar Ah La Yeelanaya Midowga Musharaxiinta

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha xilgaar siinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Axad ah galaya maalintii 6-aad.

Golaha Wadatashiga ayaa Shirkooda wax aa ay Maanta kulan kula yeelan doonaan Mid owga Musharaxiinta oo ay uga dhageysan do onaan mar kale cabashooyinka ay ka qabaan doorashada dalka oo ay horey u soo gud biyeen Midowga.

Musharaxiinta ayaa Golaha Wadatashiga u gudbinaya cabashooyinka ay ka qabaan hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada, waxaana kulankaas Maanta ka qeyb galaya inta badan xubnaha Midowga oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee Soomaaliya.

Shirka Golaha Wadatashiga ee maalmihii la soo dhaafay ka socday Muqdisho ee looga hadlaayay saxida waxyaabihii ka khalmaday doorashada iyo jaangoynta xiliga lasoo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Golaha ay is af garad ka gaareen Qodobada Shirka intooda badan oo ay ugu weyn tahay arrinta amniga dalka oo la sheegay in la isku raacay in lagu wareejiyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulamo Wadatashi ah la yeeshan Midowga Mu sharaxiinta Madaxweynaha, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, iy agoona ka dhageystay tallooyin ku aadan door ashooyinka dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip