HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 8-DA JAN. 2022-KA..

0
Saturday January 08, 2022 - 08:22:26 in Wararka by
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWS PAPAER EE MAANTA OO AH SABTI 8-DA JAN. 2022-KA..

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Shirkii Golaha Wadatashiga Oo Xalay Dib Uga Bilowday Hotel Ku Yaalla M/ Muqdisho

Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoomiyo R/Wasaare Maxamed Xu seen Rooble ayaa Xalay ka dhacay hotelka Dec ale ee ku dhex yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shirka Golaha oo Shalay hakad nasiino galay ay aa Xalay waxaa ay Madaxda dib u bilaabeen sii amba qaadida doodaha adeg ee horyaalla Shirka, sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Md.Ma xamed Ibraahim Macalimuu.

Madaxda ayaa Shirka diirada ku saaraya darda rgelinta doorashooyinka, hufnaanta, sixitaanka wa xyaabihii khaldamay, amniga iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo dorashada G/ Shacabka.

Qodobka ugu adeg ay Golaha Wadatashiga do od ka yeelanayaan ayaa ah Arrinta amniga oo uu doonayo R/Wasaare Rooble in lagu wareejiyo mas’ uuliyada amniga guud ee dalka, isla markaana ay ku taageersan yihiin Axmed Madobe &Saciid Deni.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheeg aya in Madaxda Golaha aysan weli is afgarad ka ga arin dooddihii u dhaxeeyay, isla markaama shirarkii afartii maalmood ee lasoo dhaafay u socday ay ku soo dhammaadeen Natiijo la’aan hase yeeshee qeybtiisa shanaad looga hadli doono arrimaha la isku mariweysan yahay.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo shaaci yay in dowladda Imaaraadka Carabta dib loogu celinayo lacagtii looga qabtay garo onka diyaaradaha Muqdisho

Raysal wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta So omaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay ra ali galin ka bixiyay dhacdadii dowladda Imaaraadka Carabta loogala wareegay lac ag gaareysay 9.6Milyan bishii April ee sanadkii 2018, taasoo lagu qabtay gudaha garo onka Aadan Cadde ee MMuqdisho.

R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ba llan qaadaydowladda Imaaraadka Carabta in lacag taas oo ku jirta gacanta dowladda dib loogu waree jin doono sida ugu dhaqsiyaha badan dowladda Ima araadka.

Rooble ayaa hadalkaan sheegay xili Shalay ay la wareegayeen deeq gargaar ah oo dowladda Imaar aadka Carabta keentay Soomaaliya, taasoo loogu talagalay gurmadka abaaraha baahansan ee xilig aan ka jira inta badan gobolada dalka Soomaaliya, waxaana deeqdan guddoomay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Sooma aliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Deeqda Shalay Imaaraadka Carabta soo gaars iisay Soomaaliya ayaa aheyd Macaawino gaareysa 26-tan, oo isugu jirta Cuntooyinka nuucyadeeda ka la duwan.

Dowladda Imaaraadka ayaa horay u ballan qaad ay iney ka qeyb qaadaneyso u gurmashada dadka Somaliyeed ee saameynta ba'an ku yeelatay abaa raha ku dhuftay inta badan gobolada dalka Sooma aliya.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaaliya ay aa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka deeqd an gargaarka ah ay Shalay soo gaarsiiyeen, isagoo na sheegay iney ka go'an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaa liya iyo Imaaraadka Carabta.

Farmaajo oo amray Guddoomiyaha Bank iga Dhexe inaan la bixin karin lacagtii laga qabtay Imaaraadka

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka ee Shalay uu Ra’iisul Wasaare Rooble balan qaaday in xukuuma diisu ay dib ugu celinayso.

Farmaajo oo fariintaan ku socodsi iyey guddoomiyahaBangiga Dhexe ee dalka ayaa sheegay in lacagta as sifo aan sharci aheyn dalka lagu soo geliyey 8-dii bishii Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go ’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lac agtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku til maamay mid hal nin qaatay.

Sidoo kale wareegtada Farmaajo waxaa lagu xusay in lacaagtaas ay waxyeeleyn karto amiga qar anka iyo dhaqaalaha dalka, hadii ay ka baxdo qasnada dowladda.

"Waxaa mamnuuc ah in go’aan hal masuul gaar ay lagu bixiyo lacagtaas, iyadoo aan la marsiin han naan waafaqsan shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri

QORAALKA UU FARMAAJO SOO SAARAY XALAY.



 

Xildhibaano ka fal-celiyey go’aankii uu Shalay qaatay Rooble

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi iyo Mahad Salaad ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii uu Shalay qaaday Ra’ iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee dib ugu soo celiyay xiriirkii sanadihii dambe xumaa ee Imaar aadka Carabta.

R/Wasaare Rooble ayaa Shalay dowladda Imaa raadka ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag la ga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, isaga oo ba llan-qaaday in uu dib ugu wareejin doono lacagtaas.

Waxay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadnaqeen in uu dib u sixid ku sameeyey qaladaadkii uu madaxwe ynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ko oxdiisu sameeyeen sanadihii tagay iyo inuu ka sa aro Soomaaliya go’doonka diblumaasiyadeed ee la galiyey.

Fiqi ayaa ugu horeyntii dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadnaqay in xiligaan adag ay u soo gurmato dadka Somaliyeed, isaga oo madaxweyni hii hore Farmaajo ku eedeyay in uu xiriirka dow lad aas u xumeeyay danihiisa gaarka ah.

"Farmaajo dalka wuxuu ka dhigtay 5tii sano ee la soo dhaafay NGO rabitaabkiisa ku shaqeeya oo ka le, asagoo awooddii dawladnimada u adeegsaday danihiisa gaarka ah. Dawladaha saaxiibada la ahaa Soomaaliya way badnaayeen markii Farm aajo tal ada dalku uu qabtay, Shalayy qof walba waa og-ya hay dhowr ka dawladood ee ku soo haray Sooma aliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in dalalka Eritrea, Qatar iyo Ethiopia oo madaxweyn ihii hore uu sa axiib dhow ka dhigtay aysan wax gargaar ka hayn shacabka Soomaal iyeed ee abaaraha la ildaran, oo aan ka ahayn kaalmaynta kaligitaliska.

"Raysulwasaare Rooble waa ku mahadsan yahay in uu dib u sixid ku sameeyey qaladaadkii ay Farma ajo iyo kooxdiisu sameeyeen sanadihii tagay iyo inuu ka saaro Soomaaliya go’doonka diplimaasiya deed ee la galiyey!.”

Mahad Salaad ayaa asaguna dhankiisa mada xweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisi ay kala tageen ee Kheyre ku eedeyay inay xumeeyeen xiriirkii Soomaaliya la laheyd dalalka Masar, Sacuud iga, Imaaraadka, Jabuuti iyo Kenya.

"Xiriirkii ay kharribeen afartii sano ee la soo dha afay waa ku mahadsanyahay Ra’iisul Wasaare Roo ble in uu dib u saxo,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Mahad Salaad.

Xukuumadda Rooble ayaa xiligan waxaa ka go’ an xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, oo xiriirkooda uu xuma sanadihii u da mbeeyay, oo sida la fahamsan yahay uu horseed u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Puntland oo soo dhaweysay tilaabooyinka Rooble ee Siyaasadda Arrimaha dibada

Maamulka ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dib-u gu-saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.

Maamulka Puntland ayaa bogaadi yay garowsiyaha iyo raallingelinta R/wasaaruhu ka bixiyey khal adkii April 2018 lagula kacay Dowlad da aynu walaalaha nahay ee Imaara adka.

Maamulka Puntland sheegeen in ay Dowladda Imaaraadka uga mah adcelinayaan gurmadkii ay Shalay u fidiyeen dadka Soomaali yeed ee Abaaru hu saameeyeen, waxaa na rajeynayeen gurmadka asi inuu wada gaaro dhammaan dalka.

R/wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Md Roo ble oo Shalay guddoomay deeq gargaar ah dowl adda Imaaraadka Carabta ugu talo gashay caawin ta dadka abaartu saameysay, ayaa dowladda Ima araadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareeg ay lacag bishii April ee 2018.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in lacag taas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin do ono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Faysal Cali Waraabe: "Waan Hambalyayn ayaa raysal wasaare Rooble"

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Wara abe, ayaa Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxam ed Xuseen Rooble, iyo dadka reer Muqdisho ku hambalyeeyay mucaara dada ay kala horyimaa deen xukunka madaxw eyne Farmaajo.

"Waxaan u hambaly aynayaa nimankii reer Muqdisho oo kusoo baxay ninkii Farmaajo, waan Hambalyaynayaa raysal was aarahaas guddi ayuu sameeyay, baadha inqilaabkii uu isku dayay 27 Dec ember" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa raysal wasaare Rooble ku booriyay inaanu is dhiibin, oo uu ku adkaysto guddida uu u saaray in qilaabka la sheegay in Farmaajo la dama csanaa.

"Waxan ku leeyahay ha is dhiibin nimankan re er Muqdisho mar mar ayay koran noqdaan oo ay ca raraane, Shalay baarqab noqo oo guddidaa ku ad kaysta oo ninka iska qabta ayaan idin leeyahay" ay uu yidhi Faysal.

Faysal ayaa raysal wasaaraha faray in uu Mu qdisho kasoo saaro siyaasiyiinta reer Somaliland ha ddii ay isaga taageeri waayaan "Kuwa anaga naga soo jeeda ee idiin martida ahna haday codka meel kale mariyaan iska soo erya, anagana xagan xabsi ayaa u diyaar ahe"

Saraakiil lagu tuhmayo isku daygii la gula wareegi rabay Xafiiska RW Rooble oo loo yeeray

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuum adda xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur Ja amac ayaa qoraal uu u diray Taliyaha Ciidanka Xo ogga dalka Janeraal Odawaa Yuuisf Raage

waxaa uu kaga dalbaday in loo yeero Illaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 Dec ember ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula ware ego Xafiiska R/Wasa araha. Saraakiishan ayaa waxa ku jira Taliy aha Guutada 77a ad iyo Aba an duu laha Guuta a ee Koofiyo casta Ilaal ada Madaxtooya da, waxaana Saraaki isha loo yee ray ay Magacyadooda kala yihiin.

1. Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliya ha Guutada 77aad.

2. Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad.

3. Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad.

4. Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduul aha Ururka 60aad

5. 2 Xidigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka 60aad

Guddiga baaritaanka ayaa waday su’aalo weyd iin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhac een iyo cida soo agaasintay, waxaana Taliyaha xo ogga laga codsaday in Saraakiishan maalinta sabtida ah oo taariikhda tahay 8 Janaayo, saacadd a 10:00 bar qanimo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xa fiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddi ga baaritaanka uu magacaabay R/Wasaara ha.

 

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray tallaabadii uu Shalay qaaday Rooble

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii uu Shalay qaaday Ra’ii sul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee qeybta ka aheyd dib usoo celinta xiriirkii xumaa ee Imaa raadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Shalay dowladda Imaaraadka ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lac ag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Golaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalka uu dib ugu hagaajinayo xiriirkii sanadihii dambe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhaxeeyey dowladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horeyso dowladda Imaaraadka Carabta.

"Golaha Midowga Musharaxiintu, wuxuu uga ma had celinayaa dawlada Isu-taga Imaaraadka Ca rabta deeqda ay Shalay soo gaarsiisay dadka Soo maaliyeed ee ay abaaruhu wax-yeelleeyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa adkeeyay muhiimada xiriirka Soo maaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaga oo xusay in sanadkii tagay dalkeena uu dhexmaray ganacsi ka badan 1.7 bilyan oo dollar.

"Imaaraadka waxa kale oo ay xarun u tahay Shi rkadaha, Xawaaladaha iyo ganacsiga Soomaaliye ed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Golaha Mido wga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntiina waxa uu Golaha ku booriyay dowlada Imaaraadka Carabta inay dib u soo celiso kabkii miisaaniyadeed ee dalka, adeegii caafimaad iyo fududeyntii dal ku galka.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu Shalay ballan qaaday in dowl adda Imaaraadka uu dib ugu wareejin doono lacag bishii April 2018 looga qabtay garoonka Muqdisho.

Xukuumadda Rooble ayaa xiligan waxaa ka go’an xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee wa laalaha ah, oo xiriirkooda uu xuma sanadihii u da mbeeyay, oo sida la fahamsan yahay uu horseed u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wareysi: Maxaa muhiim ka dhigaya in FARMAA JO laga wareejiyo amniga qaran ka?

La-taliyihii hore ee amniga Qaranka ee madax weyne Farmaajo, haatana ah Madaxa Machadka cil mi baarista ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud ayaa shara xay qaabka ay ku suurta geli karto in amn iga qaranka laga wareejiyo Farmaajo oo lagu wareejiyo Ra’I isul Wasaare Rooble

Qodobka ugu weyn ee la dha qaaji waayey shirka Golaha Wad atashiga Qar anka waa sidee amniga guud ee qaranka loogu wareejiyaa Ra’iisul Wasaare Roo ble? Xilli dhawaan ay xubnaha Mido wga Musharixiintu soo jeediyeen in amniga dal ka toos loogu wareejiyo R/Wasaaraha.

Xuseen Macalin ayaa ugu horeyn sheegay in Soomaalidu ay fasiraad qaldan ka heysto awooda madaxweynaha ee ah Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, isagoo sheegay in ciidanka sharcigu xusay uu yahay militeriga oo kaliya.

"Awooda Madaxweynaha iyo meesha uu kasoo galo amniga hadii aan sharaxo, maxadweynuhu waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, laak iin sida dastuurka ku qoran ciidamada qalabka sida waa militeriga oo kaliya, marka uu awooda taliyaha adeegsa karana, waa markii uu dalku galo dagaal iyo xaalad deg deg ah, oo baarlamaanku uu madax weynaha siinayo awoodo gaar ah,” ayuu yiri Xus een Macalin.

Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in hadda ay muhiim u tahay dowladnim ada Soomaaliya in am niga toos looga war eejiyo Farmaajo, maadaama ay doorasho socoto, lana aaminsan yahay in ciidanka lagu boobi karo doorashada.

"Si howsha doorashada uu u daadihiyo R/wasaa re Rooble waa in talisyada ciidamada qaranka uu to os ula wareego, taasi waxay muhiim u tahay in hab-dhaqanka ciidanka ilaaliya doorashooyin ka ay is xa kameeyaan oo dano gaar ah aysan fulin, Rooble maadaama uusan musharax aheyn markaas doora shadu waxay noqa doontaa mid ka madax-banaan in la isku awood sheegto,”ayuu yiri Xusen Macalin.

Ugu dambeyntii Xuseen waxa uu sheegay in dha qankaan ah ‘madaxweyn uhu waa taliyaha guud ee ciidanka qaranka’ laga soo min guuriyey taliskii Ma xamed Siyaad Barre, balse uusan ku qor eyn shur uucda dalka, sida uu sheegay.XIGASHO:VOA

Kuraasta la doonayo in lagu laabto ma ku jiraa kursiga loo xalaaleeyay Mahdi Guuleed?

Waxaa weli M/Muqdisho ka socda shirka golaha Wadatashiga Qaran ee la rabo in lagu saxo cabash ooyinkii kasoo laabtay doorashada Golaha Shacab ka. Goluhu wuxuu horay ula kulmay wakiilada Bee sha Caalamka iyo xubno ka socday midowga mu sharixiinta mucaaradka. Waxaa si weyn loo dul ist aagay qaladaadka xooggan ee ka dhashay maar eynta qaar kamid ah kuraasta illaa hadda la door tay.

Mucaaradku waxay shirka la wadaageen cabash adooda iyagoo si gooni ah u dul istaagay ku laaba shada kuraasta uu buuqa ka dhashay iyo in la saxo hab-raaca xulista ergada, gaar ahaan odayaasha xulaya ergada.

Qodobka ugu xasaasisan hadalkooda wuxuu ah aa kuraasta la boobay, la diiday ama la isku heys tay.

Mucaaradka waxay dalbadeen in la buriyo go’aa madii uu horey u gaaray guddigii musuqa lagu eede eyey ee todobada xubnood laga eryey ee xalinta khilaafaadka.

Tan iyo markii ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka wuxuu guddiga xalinta khilaafaadka u fadhiistay dooda laba kursi.

Mid wuxuu ahaa kursiga HOPP#239. Kursigaan waxaa ka dhashay fadeexad doorasho iyo buuq dhi naca qabiilka ah. Ra’isul wasaare ku xigeenka xuku umadda xil-gaarsiinta ah Mahdi Guuleed ayaa kurs igaan qaatay, wuxuu soo watay Gabar diiday in waj igeeda ay arkaan guddiga doorashada, dhab ahaan shaha magaceedana lagu mursan yahay oo si xoog leh isku qarisay.

Sidoo kale xagga xisaabta jufooyinka lama waa fajin kursigaan ayuu Mahdi jufadiisa hoose u xoog ay sida la xaqiijiyey. Waxaa la sheegay inay caawis ay in xafiiska R/Wasaaraha uusan sharraxaad bad an ka heysan hab xisaabeedka siyaasadeed ee reer waqooyiga.

Kursigaan wuxuu ahaa midkii koowaad ee dacw ad laga gudbiyo. Maalmo kadib guddiga xalinta khil aafaadka waxay sheegeen in doorashada kursiga an ay sax tahay, balse dhinicii cabashada qabay ku ma qancin natiijadaas, waxayna sheegeen in guddi ga la handaday, qaarna ay dhaqaale ka qaateen musharaxa kale.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa horay ugu fadhi jiray kursigaan, wuxuuna hadda ku doodayaa in isaga iyo jufa diisaba la boobay.

Maadaama ay hadda jirto dood sheege ysa in dib loogu laabto Kuraasta la isku heysto lana buriyo dhammaan go’aanadii kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka kursiga koowaad ee uu sharcigaasi qa banayo waxaa loo arkaa kursiga Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed.

Guddiga xalinta waxay kaloo soo fasaxeen kurs iga HOPP#067 oo isna la sheegay in loo soo boob ay taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey.

Galmudug waxay ku doodeysaa in kursigaan uu gudbay, maadaama uu guddiga xalinta fasaxay intii aan todobada xubnood laga eryin, balse xaaladda kursigaan waxay hadda isku xiran yihiin kursiga Ra’isulwasaare ku xigeenka.

Haddii la aqbalo in la buriyo dhammaan go’aa madii uu horey u gaaray guddiga xalinta khilaafaad ka oo la aqbalo dalabka mucaaradka kursiyada HOPP#239 iyo HOPP#67 labadaba waxay wajaha yaan ku laabasho.

Lama hubo in maamulladu ay wada aqbali doon aan in kuraastii la qabtay, gaar ahaan kuwii uu mur anka ka dhashay dib loogu laabto, laakiin haddii la aqbalo waxaa lagu laaban doonaa kursiga uu Ma hdi Guuleed qaatay ee HOPP#239.

Sidoo kale kursiga uu Yaasiin Farey qaatay ee HOPP#67 iyo kursiga laga xoogay guddoomiyihii ho re ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusma an Jawaari, kaas oo isagu ay soo diideen guddiga doorashada ee heer Federaal ayaa lagu laaba doo naa kolkaas.By:-Abdullahi Osman Faarah


Amisom in lagu wareejiyo ammaanka madaxto oyada iyo arrimaha la rabo in lagu xalliyo dood da R/W Rooble

Shirka wada-tashiga Qaran ayaa sii socon doo no maalmo kale kadib markii madaxda maamul Gob oleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble isku raaci wa ayeen qodobkii uu Ra’isulwasaaraha ku dalbaday in lagu wareejiyo ammaanka guud ee Dalka

Laba maalmood oo ay soc otay dooda qodobkaan ka dib hadda waxaa lagu bal amay in wada-tashi hoose loo laabto oo Xalay isku soo laabtaan dhinacyada.

Sida ay sheegeen xubno kamid ah madaxda Ma amulada markii ay adkaatay dooda qodobkaan la xiriira waxaa loo gudbay in mowduuca la jajabiyo oo qeyb laga qaato qeybna la tuuro.

Tusaale, dhanka Ra’isulwsaaraha waxay keene en dood ku saabsan sida la isku aamini karo oo ma daxtooyada loogu wada shaqeyn karo iyadoo la og yahay wixii dhacay 27 Bishii hore.

Iyadoo goluhu uu ka jawaabayo walaacaas amni waxaa miiska la keenay aragti ah in ciidanka AMI SOM lagu wareejiyo ammaanka guud ee madaxto oyada oo banaanka loo soo saaro dhammaan ciid amada Soomaalida ah ee labada Nin kala taabac san si meesha looga saaro cabsida ku saabsan in uu Farmaajo mar kale isku dayo wax la mid ah tal aabadii foolxumada aheyd ee uu qaaday.

In ciidamkoada Soomaalida ah la geeyo Koonta roolada bannaanka ah ayaa ku jirtay dooda. Sida ay wararku sheegayaan dhanka Ra’isulwasaaraha ma diidin aragtidaas, laakiin lama oga inuu Farmaajo aqbali doono in dhammaan ciidamada Soomaalida ah laga saaro gudaha madaxtooyada.

Waajibaadka AMISOM waxaa kamid ah inay sug aan Amniga madaxda Dalka iyo xarumaha muhiim ka ah. Qodobka kale ee dooda Amniga laga qaatay ayaa ahaa in Goluhu soo jeediyo in la badalo taliya ha ciidamada Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raa ge iyadoo laga heshiinayo cidda lagu badali doono.

Qodobkaan waa aragti miiska taalay, laakiin loogu ma dul shaqeyn shaqeyn sida qodobka la xiriiray in AMISOM lagu wareejiyo Ammaanka madaxtoyada.

Qodobadaan waa dood weli taagan ee ma ahan go’aan. maadaama la isku mari waayey qodobkii ah aa Ra’isulwasaare Rooble amniga guud halagu war eejiyo waxaa xal loo arkay in xoogaa dooda la fud udeeyo oo qodobo kale la abuuro ayey leeyihiin ma daxdii aan la hadalnay.

Xalay la filayaa in qodobka amniga go’aan laga gaaro si loogu gudbo qodobada kale ee doorasha da la xiriira

Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Kulan La Yee shay Safiirka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa Shalay hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay Danjire Max amed Axmed Cuthmaan, Safiirka Dowlada Imaarad ka Carabta u qaabilsan Sooma aliya. Madaxweyne Axmed Mad oobe ayaa dowladda Im aaradka Carabta uga mahad celiyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubbaland iyo guud ahaan So omaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo dhawee yay tallaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ee uu dib ugu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal kaas oo waxtar u leh labada shacab.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Shalay Mu qdisho soo gaarsiisay Gargaar raashin ah oo ay u gu tala-gashay dadka ay saameeynta ku yeesheen Abaaraha ka jira Gobolada dalka, waxaana gurm adka la wareegay Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale qaaday tallaabo uu dib ugu soo celinayo

xiriirkii xumaaday ee u dhexeeyay dowladda Fede ralka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta…

DF iyo Midowga Afrika oo ku heshiiyey qorsha ha wax ka bedelka shaqada AMISOM

Howl-galada AMISOM ayaa la kordhiyey ilaa bi sha March ee sanadkaan, kadib markii ay si wada-jir ah isugu afgarteen Soomaaliya iyo Midowga Afirka, sida ay mustaqbalka dhow noqoneyso shaq ada iyo howl-galada AMISOM.

Waxaa la isku afgartay oo kale in shaqada ugu weyn ee howl-galka ay noqoto markaan dagaalka ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, ayada oo loo helayo maal-gelin cad, si howshaas loo dardar-gel iyo. Guddiyo farsamo oo labada dhinac ah ayaa ka fariisan doona Januray 10-keeda, ayaga oo muddo 30 maalin ah kusoo afjari doona qorshaha iyo qaab ka uu noqonayo howl-galka ee ay ku heshiiyeen, ka asi oo la hordhigi doono February 11-keeda golaha nabadda iyo amniga ee midowga Afirka.

Soomaaliya ayaa sanadkii ugu dambeeyey waxaa ay wadday qorshaha kala-guurka ee loo yaqaan Somali Transition Plan (STP), wuxuuna qorshahan dhigayaa in AMISOM ay Soomaaliya sii joogto ilaa 2023, iyada oo Soomaalidana si aayar ah loogu wareejiyo meelaha xorta ah.

Sida ku xusan documtiyo kulan dhex-maray Afri can Union Commission iyo dowladda Soomaaliya oo dhacay 18 illaa 19-kii August ee sanadkii dha mmaaday, waxaa meel fiican laga gaaray, la iskuna afgartay hirgelinta qorshaha STP, waxaa lasoo jeediyey la hormariyo hannaanka hoggaanka iyo go’ aan qaadashada AMISOM ee heerarka FHQ, iyada oo lala kaashanayo UN-ka iyo beesha caalamkana la dejinayo hannaan isbadal oo la taaban karo.

Waxa kale oo soo jeedintaas qeyb ka ahaa in Soomaalida ay magacawdo kooxo kala shaqeysa Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, midowga Yu rub iyo Ingiriiska sidii loo heli lahaa qaabka howl-gal ada iyo maalgelinta ee wixii ka dambeeya 2021.

AMISOM ayaa dalka soo gashay 2007-dii, wax aana halkii askari ku baxdo bishii ilaa $1,000 oo aa ney ku jirin qalab iyo caafimaad, sida la ogyahayna magelin wax dagaalo ah 7-dii sano ee ugu dambe ysay.

Howl-galka AMISOM ayaa noqday mid fadhiid ah oo ay ku ilaashadan biil uun, ayada oo marba marka ka dambeysana loo soo kordhiyey sii joogita ankooda.

Intii uu socday howl-galka lacag macaashka ah waxay kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegtay go obo xor ahaa, ayada oo argagixisada u xiran yih iin jidad muhiim ah oo ka baxa caasimada ee aada gobolada, halka magaalooyinka iyo degmooyinka qaar aanay adeeg iyo gargaar midna geyn karin xu bnaha dowladda federaalka.

Xukuumadda Muqdisho ayaa go’doon ku jirta, waxayna midaasi caddeyn u tahay shaqo fadhiidka howl-galka midowga Afrika iyo marin-habaabinta ururkaasi ee uu howl-galkooda uu 15 sano jirsaday.

Go’aano laga soo saaray Shirka heshiis iinta Beelaha ku dagaalamay Gobolka Sool

Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sa re Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka Qayb galay Shirka Nabadeynta Beelaha Walaha ay dirirtu ku dhex Martay degaannada Saax-Megaag Iyo Sanga Jabiye oo lagu qabtay degaanka Harwanaag ee Gobolka Sool.

Shirkan oo u soo qaban qabiyay Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Kara ash Waxana Ka Qayb Galay Gudomiye Ku Xigeen ka Barlamanka Puntland, Xubo ka mida labada Go le Ee Puntland ,Odayaasha Dhaqanka, Guddoomi yaasha Gobolada Nugaal Iyo Sool, Waxgarad, Aqo onyahano, Sarakiisha Ciidmada,Ururada Haweenka labada dhinac iyo marti sharaf kale oo lagu casuu may.

Ajandaha shirka ayaa looga hadlay.

1. In lagu dhawaaqo Xabbad joojin

2. In Ciidamada Beelaha ee Dagaalamay laga qa ado Deegaamada Saax-maygaag iyo Sangajabiye.

3. In Ciidamo Dowladeed la geeyo Deegaamada Shaqaaqadu ka dhacday.

4. In la Magacaabo Guddi Xal waara ka keena ari maha keenay Shaqaaqooyinka Deegaamadaas.

5. In lagu Xukumo 200 oo Halaad ciddii Jabisa Xa bad joojinta Shirka looga dhawaaqi doono.

Qaar kamida Odayaasha dhaqanka oo madasha ka hadlay ayaa isla qaatay in xabad joojin warta la qaato.

Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Federaal ka Oo Qarax Khasaaro Dhaliyey Lala Beegsaday

Qaraxaan oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago remote Control-ka ayaa wax aa gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Mi lateriga dowladda Federaalka barqadii Shalay la gula beegsaday degaan ku dhow Magaalada Dhu usamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Qaraxa miinada ayaa waxaa gaariga ay saarn aayeen Ciidanka Milate riga oo noociisu ahaa Ti kn iko uu ku qabsaday inta u dhexeeysa deeg aanka Ceel-dheere iyo Dhuusamareeb, wax aana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas.Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaa wac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Ciidanka Milateriga dowlad da, waxaana la xaqiiji yay in ay ku dhinteen laba Askari, halka 9 Askari kal ena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidan ka qaraxa lagula beegsaday wadada laamiga ee xiriir isa deegaanka Ceel-dheere iyo Dhuusamar eeb ay kusii jeedeen deegaanka Baxdo oo Shalay Al-shab aab ay weerar xoogan ku qaadeen, iyadoo halkaa s uu ka dhacay dagaal culus.

Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka ayaa doonayey inay tegaan deegaanka Baxdo oo ku ay dagaalameen Ciidanka Galmudug, dadka deegaan ka oo hubeysan iyo Al-shabaab, waxaana dagaalka as ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-shabaab maalmo kahor sidaan oo kale Qarax miino nooca dhulka lagu aasay deegaan ka Ceel-dheere ee Gobolka Galgaduud kula bee gsaday ga ari ay wateen Ciidanka Kummaandoos ka DANAB, iyadoo qaraxaas ay ku dhinteen 8 Askari,

halka saddex kalena ay dhaawacmeen…


Dibad-bixii Shalay ee Muqdisho oo ku soo koobmay haween iyo hoteel

Isu-soo-bax ay soo abaabuleen maamulka gob olka Banaadir iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farm aajo ayaa Shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isu-soo-baxa ayaa ahaa mid ay dhigayeen kaliya haween, kana dhacay hotel magaalada ku yaalla, ayada oo haweenka ka qeyb-galay ay muujiyeean dareen kooda ku aadan xaaladda dalka iyo is-mari waaga siyaasadeed.

Hal ku dhigga haweenka ayaa ahaa "Dagaal maya, doorasho haa,” ayada oo sida muuqata ay ku weerarayeen ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay mar kale soo galaan ciidamada Badbaado Qaran.

Qaar ka mid ah haweenkii ka hadlay madasha ayaa cod dheer ku sheegay in ay u baahan yihiin nabad iyo in laga fakiro mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

"Annaga nabad ayaan rabnaa ilmaha dhammaanaa yo annaga ayaa dhalnay,” ayey tiri mid ka mid ah haweenka ka hadlay kulanka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadashay guddo omiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo farriin culus u di rtay madaxda Soomaaliyeed ee ku shirsan magaa lada Muqdisho, ayada oo ugu baaqday inay xal gaaraan.

Batuulo ayaa sidoo kale sheegtay in aysan do onin haweenka Soomaaliyeed in la baabi’iyo dowla dnimada, sidoo kalena la burburiyo qaranimada Soomaaliya.

"Dowladnimada in la baabi’iyo ma ogolin, qarani mada in la burburiyo ma ogolin,” ayey tiri guddoom iye Batuulo Axmed Gaballe oo gabagabadii khud bad ka jeedisay goobta.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada shirka haatan u so cdo Golaha Wadatashiga Qaran.

Xigasho:Caasimadda.Net

Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhii bay ciidanka Dowladda

Wiil Dhalinyaro ah kana tirsanaa Al-Shabaab oo lagu Magacaabo Cusmaan Cabdi Kuusow ayaa is ku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaa liyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee ka howlgasha degaannada Koonfur Galbeed.

Cusmaan ayaa Al-Shabaab ku jirey 6 sano isa goona uqaabilsanaa dagaalada, wuxuna ka qeyb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

Cusmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa Saax ibadiisa kale ee ku jira Al-Shabaab ugu baaqey in ay isku soo dhiiban Dowladda isagoona intaas ku darey in Shalay Al-Shabaab aysan aheyn kuwa laga sii mid ahaado.

Dorraad ayay aheyd markii Abshir Cabdiraxman Cabdi oo ka tirsanaa Al-Shabab u isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee kusugan Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed

Madaxwayne Mustafe cagjar " Abaarta Ilaah ay ayaa keena, laakiin ka jawaabi deedu waa masuuliyad ina wada saaran"

Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe cagjar oo Shalay ka qayb galay xus ay isugu yimaadeen taageerayaasha Ururka Dulmidiid, ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda abaaraha ee dowlad de gaanka Soomaalida ka jirta.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegayay in xukuumad diisu ay 100% diyaar u ta hay inay ka jawaabto xaal adda abaaraha ee dega anka ka jirta, isagoo xu say in wakhti xaadirkan ay inta badan dowladdu wa do hawlaha gurmadka abaaraha ee ka socda meelo badan oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.

Waxa kale oo uu sheegay Madaxwaynuhu in sawa xankan badan ee socdaayi ee abaaraha ku saab san uu isugu jiro marka laga yimaaddo in abaar dar ani degaankii ka jirto, in sidoo kale ay jiraan dal dal oolooyin ka jira dhanka maamulka oo ah qaabka loo ga jawaabay abaaraha, oo uu Madaxwaynuhu shee gay inay jiri karaan in meelaha qaar aan sidii la rab ay wax loo gaarsiinin, iyo waliba inay jirto dad isugu jira maamul iyo ganacsato rabta inay ka taajiraan hawlaha gurmadka abaaraha.

Madaxwaynuhu waxa uu sidoo kale sheegay In ay jirto lacago kale oo ilaa 5 boqol oo milyan oo Birr ah, taas oo uu sheegay inay tahay dayn lagaga jaw aabi doono abaaraha.

Ugu dambayn, Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in Abaarta iyo biyo la'aanta uu Ilaahay keeno, balse masuuliyadeedu waa mid ina wada saaran, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwaynuhu.

Hadallada Madaxwaynaha ayaa u muuqday kuwo jawaab u ahaa dhaliilo bad an oo Madaxwaynaha loo soo jeedinayay maalmahan, kuwaas oo ku saab sanaa qaabkii uu uga jawaabay hawlaha gurmad ka abaaraha.

Puntland oo Xabsiga dhigtay 13 Askari

Ciidanka Ciidamada Booliiska Magaalada Qar dho ee Xarunta Gobolka karkaar Puntland ayaa Habeen hore xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Cii danka Daraawiishta Puntland, kuwaas oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan.

Askarta la xiray ayaa waxaa lagu eedeeyay inay isku dayeen in ay xoog kula baxaan hub ku xeraysan xera daTababar ka Ciidamada Xorgoble ee Magaalada Qardho, balse Booliiska ay sheegeen in ay fashiliyeen.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in is-rasaas ayn kooban ay dhexmar tay labada dhinac, taas oo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, wa xaana Amniga Xarunta la wareegay Booliiska oo kaashanaya ciidanka Madaxtooyada Magaalada Qardho.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaala da Qardho ayaa waxaa ay sheegeen Askarta lagu eedeeyay inay hubka la bixi rabeen ay gaarayaan 20 askari 13 kamid ah gacanta ku dhigeen halka 7 harsan ay ku raad joogaan.

Sheekh Xasan Nasrallah oo erey ka car eysiiyey Sacuudiga ku qeexay Boqor Salmaan

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xizbullah ay halis ku tahay amniga Carabta kadib markii hoggaamiyaheeda Sheekh Xasan Nasrallah uu Boqor Salmaan ku calaamadeeyey "argagixiso”.

Hadalladii ugu dambeeyey ee ay is-weydaarsadeen labada dhinac ayaa yimid ayada oo xiisad ay u dhaxeyso Lubnaan iyo dalalka Khaliijka, taasi oo ku aadan dagaalka Yemen, iyo eedeymaha Sacuudiga ee ah in Xizbullah ay qeyb ka tahay dagaalka.

"Riyadh waxay rajeyneysaa in xisbiyada siyaas adda ay ahmiyad siin doonaan danaha Lubnaan, iyo soo afjaridda maamulka argagixisanimo ee Xizb ullah ee dalka,” waxaa sidaas AFP u sheegay safi irka Sacuudiga ee Beyruut Waleed Bukhari.

"Dhaq-dhaaqyada argagixiso ee Xizbullad iyo dhaqankeeda militari ee gobolka waxay halis ku yih iin amniga Carabta,” ayuu yiri.

Hadalka Waleed ayaa yimid kadib markii She ekh Xasan Nasrallah, oo ah hoggaamiyaha kooxda Xizbullah ee Iran ay taageerto, uu Boqor Salmaan ku qeexay "argagixiso” kuna eedeeyey Sacuudi Car abiya inay ka faa’iideysato argagixisada Islaamigaa.

Dabayaaqadii October, Riyadh ayaa hakisay xiriir kii diblomaasi ee kala dhaxeeyey Lubnaan kadib markii wasiirka warfaafinta dalkaas uu cambaareey ey farogelinta militari ee ay ka waddo Yemen.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa goor dambe sheegay in awoodda sare ee Xizbullah ay ku leedahay Lubnaan, ee hadalka wasiirka kaliya aanay aheyn, sababta ay Sacudiga u jaren xiriirka.

Tan iyo markii uu dagaalka Yemen billowday, Sacuudi Carabiya ayaa si joogto ah ugu eedeyneys ay Iran inay hub u qeybiso kooxda Xuutiyiinta, halka Xizbullah ay tababar siiso dagaalyaha nada.

Tehran waa ay beenisaa eedeymahaas, Xizbull ah-na horey ayey u beenisay inay dagaalyahano iyo hub u dirto Yemen.

Shiinaha Oo Ergey Gaar Ah U Magaca abaya Geeska Africa Iyo Sababta Ka Dambeysa

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay Khamiista Shalay ah inay soo magacaabi doonto Ergey Gaar ah oo u qaabilsan horumarinta nabadda Geeska Afrika ee uu ay xasraduhu ka taagan yihiin, waxaana ay doonaysaa in ay diiradda saarto si ay uga ganacsato kaabayaasha dhaqaalaha ee Geeska Africa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay dalka Kenya, oo ku hawlan dadaallada diblamaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka ka socday Itoobiya ilaa dabayaaqadii 2020-kii ee u dhexeeyay Jabhadda Xoreynta Sha cabka Tigray (TPLF) iyo xukuumadda federaalka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Waxa uu sidoo kale booqday dalka Eritrea oo xuduud la leh gobolka Tigreega ee woqooyiga dalk aasi, isla markaana ay xulafo la ahaayeen Abiy, col aada ay ku dhinteen kumannaanka qof, boqollaal kun oo kalena ay xididada u siibtay gaajoda sii fidey sa.Dagaalka kale ee ugu weyn ee ka socda gobolka waa Soomaaliya oo ay xoogagga Al-Shabaab kula dagaallamayaan dowladda ay reer galbeedku taageeraan.

Maraykanka Oo Laga Xusay Sanadgu urada 1aad Ee Weerarkii Aqalka Congresska

Dadka ku nool Mareykanka ayaa xusaya sanadg uuradii koowaad ee weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee lagu qaaday Aqalka Capitol ee Mar eykanka, oo ay ku tilmaameen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Washington, DC, inuu ahaa "weerar aan horay loo arag” oo lagu qaaday dimuqraadi ya dda dalka.

Koox taageerayaasha Madaxwey nihii hore ee Donald Trump ayaa xoog ku galay Capitol Janaayo 6, 2021, xilli Koongareska uu ka shir ayay si loo caddeeyo guushii Joe Biden.

5 qof ayaa ku dhimatay rabshadihii xigay, Trump ay aa markii dambe xilka looga xayuubiyay "hurin kac doon”, in ka badan 725 qof ayaa tan iyo markaas la gu soo oogay dacwad la xiriirta isku dayga lagu wii qayo awoodda wareejinta dimoqraadiga ah.

Xubnaha Aqalka Koongareeska Mareykanka ay aa xusay sanadguuradii 1aad ee ka soo wareegat ay weerarkii 6-dii Janaayo ee ka dhacay xarunta Ma reykanka ee Capitol, iyadoo daqiiqad aamusan uu furmay kalfadhiga.

Congress, si kastaba ha ahaatee, ayaa weli si weyn ugu kala qaybsan rabshadaha. Qaar badan oo ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Jamhuuriga ma aysan calaamadin xilliga aamusnaanta. Senator Jo hn Cornyn oo ka tirsan Texas, tusaale ahaan, wux uu sheegay inuusan wax qorshe ah u haynin inuu xuso maalinta, oo uusan u maleyneynin in kuwa ka le ay sidaas tahay.

"Arrintani waxa ay noqotay mid aad loo siyaasa deeyey, taasina waxay ka sii dari doontaa,” ayuu yiri. Si ka duwan dhaawacyadii hore ee qaranka – oo ay ku jiraan weeraradii 2001 – Maraykanku waxa uu soo baxay January 6 iyada oo aan la isku raacs anayn khariidad-jideedka waxa soo socda.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Tru mp ayaa ku weeraray madaxweyne Joe Biden khu dbadii uu ka jeediyay xuska 6-da Janaayo.

Biden, oo dimuqraadi ah, "wuxuu isticmaalay ma gacayga Shalay si uu isugu dayo inuu sii kala qa ybiyo Ameerika”, ayuu Trump ku yiri bayaan qoraal ah oo uu soo saaray Khamiistii. "Tiyaatarkan siyaas iga ah waa wax la iska jeediyo.”

Trump, oo Jamhuuri ah, ayaa ku eedeeyay Bid en "inuu qarankeena ku dumiyo” siyaasado xuduud eed "waalan”, "doorashooyinka musuqmaasuqa” iyo "xirnaanshaha iskuullada ee ba’an”.

Afhayeenka aqalka Koongareeska ee Dimuqr aadiga Nancy Pelosi ayaa soo afjartay ka hadalka sagxada Congress-ka. Waxa ay hadalkeeda ku bil aawday amaan balaaran oo ay u jeedisay ciidama da booliska ee sida geesinimada leh u difaacay xil dhibaanada iyo dadka kale ee lagu gaysanayo gud aha hoolalka dimoq raadiyada dalka Mareykanka oo ay rabshado ka dhaceen.

"Kacdoonka” waxay bartilmaansadeen wax ka badan dhismaha oo kaliya. Waxay bartilmaameed sadeen "dimuqraadiyadda lafteeda,” ayay tiri.

Waxay sii waddaa inay akhrido magacyada sara akiisha bilayska ee Capitol Hill ee dhintay maalmo ka dib rabshadda.

Golaha ayaa hadda dib loo dhigay ilaa 18:30 wa khtiga maxaliga ah ee Isniinta, 10ka Janaayo.

CNN ayaa sheegtay in Jamhuuriga kaliya ee joogay intii lagu jiray hadaladii Pelosi ay ahaayeen Liz Che ney iyo aabaheed, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Dick Cheney.

Maraykanka Oo U Magacaabay David Satte rfielf Ergeyga Gaarka Ah Ee Geeska Afrika

Xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken u magacaabay David Satterfield ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilan dowlada Maraykan ka,kadib markii uu xilkaasi ka tegey Jeffrey Fel tman. Satte rfield, oo ahaa safiirka Maraykanka u fa dhiya dalka Turkiga ayaa leh 40 sano oo waayo-ara gnimo ah. "Safiir Satterfield tobanaan sano ee wa ayo-aragnimada diblomaasiyadeed iyo ka shaqayn ta ka dhex jirta qaar ka mid ah iskahorimaadyada u gu adag ee adduunka ayaa noqon doona xubin wa xtar u leh dadaalkayaga joogtada ah ee lagu hour marinayo nabad iyo barwaaqo Geeska Afrika iyo horumarinta danaha Maraykanka ee gobolkan ista raatiijiga ah,” ayuu yiri Blinken.

Feltman, oo ah dublamaasi Maraykan ah oo ru ug-caddaa ah, waxa uu xilka la wareegay bishii Ap ril, waxana uu mudada xilka hayay ku soo beegmay laba xasarood oo waaweyn – dagaal sokeeye oo qotodheer oo ka socda Itoobiya oo u dhexeeya cii dammada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shac abka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed. sidoo kale afgambi militari oo ka dhac ay Suudaan bishii Oktoobar.

Kenya oo ka digtay weeraro kaga yim aada Al-shabaab

Sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya, dowlad da Kenya ayaa adkaysa ammaanka dalkeeda, ka dib markii ay kordheen weerarada ay Al-shabaab ka ga ysanayaan wadankaasi. Laamaha ammaanka Kenya sheegay in ay ka cabsi qabaan in kooxda Al-Shab aab ay qorsheynayaan in ay weer ar ka geyst aan gudaha dalka Kenya.

Kenya ayaa sheegtay in ay ciidan dheeraad ah geysay magaalada Laamu ee gobolka Waqooyi Bari Kenya oo uu dhowaan ka dhacay weerar ay ku dhinteen ilaa lix ruux, iyada oo dabna la qabad siiy ay.

Dowladda Iniriiska ayaa 30-kii Diseembar cusbo oneysiisay digniinteeda ku aadan halista weerarro dhici kara Kenya bishaan January.

Bishan January waxay Kenya u tahay bil ay ga sho feejignaan dheeraad ah, iyadoo ka tusaale qaa danaya weeraro horey u dhacay oo ay Alshabaab ka dambeeyaan, kuwaas oo dhaliyay khasareweyn.

Booliska Kenya ayaa horey sheegay in ay xireen siddeed qof kadib weerar ka dhacay gobolka xeebta ee soohdinta la leh Soomaaliya kaas oo sababay dhimashada lix qof iyo guryo dab la qabad siiyay.

Mareykanka Iyo Q/Midoobay Oo War Ka soo Saaray Xaaladda Cakiran Ee Kazakhstan

Qaramada Midoobay iyo Aqalka cad ee looga ari miyo dalka Maraykanka ayaa ugu baaqay mas’u uliyiinta dalka Kazakhstan inay xakameeyaan wax ka qabashada mudaharaado rabshado wata oo ka socda dalkaas, kadib markii dowladda Kazakhstan ku dhawaaqday xaallad deg deg ah.

Afhayeenka Qaramada Mido obay Stephane Duj arric, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacy adu in ay is xakameeyaan, kana fogaadaan rabsha daha oo ay horumariyaan wadahadalka.

Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad Jen Ps aki, ayaa sidoo kale sheegtay in Maraykanku uu taageerayo "baaqyada degana ansho” waxayna sheegtay in mu daaharaadayaashu ay awood u yeeshaan inay si nabad ah isu muujiyaan, iyadoo ku boorisay mas’uuliyiinta "in ay dhankooda is xakameeyaan.

Maamulka dalka Kazakhstan ayaa jaray internet-ka iyo taleefoonnada gacanta ee dalka oo dhan, wax aana ay horay ugu dhawaaqeen xaallad degdeg ah oo ka jirta xudunta isu soo baxya da oo ah caasim adda dhaqaala ha Almaty iyo gobolka Mangy stu, mudaharaadkan ayaa ka dhashay ka dib markii sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka

Nafaqo Darro Soo Wajahday Carruurta Ku Nool Gobolka Tigray Ee Dalka Ethiopia

Wararka ka imanaya dalka Ethiopia g aar ahaan gobolka Tigray ayaa she egaya in carruurta ku nool gobolkaas ay soo wajahday nafaqo darro kadib go’odoo min ay ciidamada dowlada daacada u ah ku hayaan gobol

ka Tigray. Todobaa dkan hawl-wadeen nada caafim aadka ee Cisbitaalka Cay dar ayaa soo bandhigay warbixin hay’adaha caala miga ah ee gargaarka ka codsanaya in la caawiyo.

"Hadda lix bilood ayaa laga joogaa markii wax sahay ahi halkan uga yimi Addis Ababa [caasima dd a federaalka],” dhakhtar ka tirsan cusbitaalka ayaa sheegay.

"Waxaan ku dhawaaday inaan dhameyno wixii aan haysanay tan iyo markii sahaydeenii ugu dam beysay ay timid bishii Juun. Wax walba way naga dhammaanayaan,” ayuu raaciyay. Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in inka badan 40% carruurta ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ee yimaadda cusbitaalka ay hayso naf aqo-da rro – laba jibaar heerka 2019-ka.

Warbixintooda waxay dhakhaatiirtu ku eedeeye en xannibaado lix bilood ah oo ay sameeyeen ciid amada federaalka iyo xulafadooda inay sabab u tah ay dawo yarida ba’an iyo qalab la’aanta taasoo ay sheegeen inay horseedayso dhimasho laga baaq san karo.

Hase yeeshee, afhayeenka dawladda Legesse Tulu ayaa sheegay in warbixintu ay u muuqatay in ay rabtay in ay sheeko u dhisto TPLF oo ay iska da ydo” sheegashada go’doominta Tigrayga.

"Dhinaca dawladda, ma jirto cunaqabatayn ula kac ah oo Tigray ah oo dadkeena wax u dhimaysa,” ayuu yiri afhayeenka.

Laakin tan iyo markii uu dagaalku bilaawday ha y’adaha gargaarka waxay ka cabanayeen in aysan awoodin in gargaar badan la geeyo Tigrayga.

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arri maha bini’aadantinimada (Ocha) 30kii Diseembar, kolonyada gargaarka ma aysan gaarin Tigrayga tan iyo bartamihii Disembar sababtoo ah dib u dhacyo xafiiseed iyo amni darro.

Hay’adda Cunnada Adduunka ayaa ku qiyaastay in 100 baabuur oo sida gargaar ay u baahan yihiin in ay gaaraan Tigray toddobaad kasta si ay u dabo olaan baahida in ka badan shan milyan oo qof balse sida laga soo xigtay Ocha kaliya 12% sahaydii loo baahnaa ayaa gobolka soo gaaray.

Digniin Hor Leh Oo Laga Soo Saaray Cudurka Nooca OMICRON Oo Sii Faafaya

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digay in nooca Omicron ee ka farcamay Covid-19 aan la dhayalsan, isagoo sheegay inuu dilayo dad ka adduunka ku nool.

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muuji neysa in Omicron uusan aad u soo ridan dadka marka loo ee go noocyadii hore ee Covid.

Balse tirada dadka uu ku dhacay ayaa culeys ku keentay waaxaha caa fimaadka, sida uu sheegay madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreye sus.

Isniintii, Mareykanka ayaa diwaa ngeliyay in ka badan hal milyan oo kiisaska Covid ah 24 saaca dood gudahood.

WHO – oo ah hay’adda caafimaadka ee QM – ay aa sheegtay in tirada kiisaska adduunka ay toddob aadkii la soo dhaafay kordheen 71%, iyadoo guda ha Americas ay kordheen 100%. Waxay sheegtay in 90% dadka ugu daran ee xanuunku ku dhacay ay san tallaalneyn.

Cudurka Omicron Oo Saameyn Ku Yee shay Soomaalida Kunool Dal Ku Yaalla Yurub

Dalka Holland ayaa waxaa wali ka jira bandowgii ay dowladdu soo rogtay si loo xakameeyo faafistafaraca Omicron ee Coronavirus oo si weyn ugu fa afaya dalkaasi.

Bandowgan ayey si weyn uga caroodeen dadw eynahga dalkaasi, waxaa sidoo kale uu saameeyay Soomaalida ku nool magaalooyinka Amsterdam iyo Rotterdam.

Dowladda ayaa amartay in la xiro dhammaan go obaha Ganacsi ee Suuqyada, maqaayadaha iyo go obaha kale ee dadka isugu yimaadan, si loo xaka meeyo faafida faraca Omicron ee Coronavirus oo kusii faafaya dalka Holland.

Bandowga lagu soo rogay Holland ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay Soomaalida kunool dal kaas, gaar ahaan darawalada Soomaalida ee ku shaqeysata gaadiida Takaasida oo waayay dadkii ay qaadi jireen oo guryaha jooga.

Dowladda Holland ayaa saacadihii lasoo dhaafay diiwaan-gelisay 25 kun oo kiisas faraca Omicron ee Coronavirus oo kusii faafaya Magaalada Caasima dda ah Amsterdam, iyadoona lagu dhawaaqay Ban dowga, si loo xakameeyo faafida Cudurka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip