Ar Xildhibaanadda Galmudug, CV-gooda mala hubiyay=Nasashada Jimcaha.Q-286-aad=

0
Friday January 07, 2022 - 09:42:38 in Wararka by
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar Xildhibaanadda Galmudug, CV-gooda mala hubiyay=Nasashada Jimcaha.Q-286-aad=

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Odaygii Yaxya ahaa Jaceeyl ayaa taabtay, Maalmahaan odayaashaa wax jeclaanayay, Runtii Tanu, da’ahaan Aniga igama yaro, Naf wax jecel hala yaabin, La’ aanteed wax ma arki karo, La’aanteed toos uma socon karo, la’aanteed ma ooyi karo, Suniyaheeda ayaan ka helaa, Haddii ey xanuunsato Jirka oo dhan ayaa i Xanuuno, La’aanteed mugdi ayaan ku noolaanayaa. la’aanteed Nasashada Jimcaha ma qori karo. la’aanteed wax ma akhri karo. Jaceylku Wadnaha iyo Maskaxda ayuu iga wada galay. ( F.S: 1aad).




"Runtii iyada aad ayaan u jecelahay, waa isheeyda – My Eye ".
( Akhristoow, Aniga iyo Adigaba Nuurka araga Alla ha noo siyaadiyo)

Markii ey dhamaadeen Dagaaladii Sokeeye. Ayaa Axmed oo Boosaaso ka yimid oo la socday Labo Saaxiibadii ah Suuq Bacaad ayaa waxaa bilaabatay Rasaas, Luuqyada ayaa lagu kala cararay. Markii Rasaastii istaagtay ayaa Labadii Wiil waxa ey waayeen Axmed, Mobile kiisii ayeey ka weceen 20 Daqiiqo kadib, waxa uuna ku yiri: Boowe Balcad ayaa sii marayaa.
waxa ey ku yiraahdeen sideey ku dhacday, waxa uu yiri: Dameer fadhiyo ayaan ku gambaday, Dameerkii ayaa Xabaddu dhinac ka sartay, markii uu istaagay ayuu ila cararay. ( F.S: 2aad)
( Madaxda aan raadine Amaa Big Brother Abiya Axmed la cararay oo mar horeba ey Adis sii marayaan)

Nin ayaa Xaaskiisu Qurbaha ku maqneyd si ey isaga iyo Hooyadeed oo Nairobi jooga ey Isponsar ugu xareeyso, Isaga iyo Sodogtii waxaa la joogay Gabar Jaariyad ah oo Cuntada u Kariso inta ey ka dhoofayaan. Ninkii ayaa Jaariyaddii dhamac ka galay, Laakin Sodogtii ayaa Habeen kasta Qolka Jaariyadda hor fadhido oo halkaa isaga wardiso ilaa saacad dambe. si uu uga kiciyo Sodogta Guriga Hortiisa waxa uu u soo iibiyay Kaniinga Dhuusada oo uu Shaah ugu daray. Duqdii halkii ayeey soo fadhiisatay wax yar kadib waxa ey bilaawday Buuuu, bururug. waxa ey tiri: war Caawa maxaa igu dhacay. waxa uu ku yiri: Eedo waa Fadhiga badan ee iska seexo.
( waxa uu khiyaanay Xaaskiisii, Waxa uu Ceebeeyay Sodogtii, Waxa uu Xumeeyay Jaariyadii, Allaah ayuu amarkiisa diiday, Ragoow Xaaskaaga oo Dartaa u maqan ha khiyaamin )

Gabdhu marka ey jirto 15- 20 Sanno waa sida Kubadda Cagta oo ey ciyaaraan 22 Nin, Gabadhana waxaa daba ordayo 22 Rag ah. Marka ey jirto 20-25 Sanno waa sida kubadda kolayga waxaa Daba orday 12 Nin. Marka ey jirto 25-30 waa sida Kubadda Miiska ee "Teniska” waxaa isku tuurtuurayo Labo Rag ah. Marka ey jirto 30 Sano iyo ka badan waa sida Kubadda "Golf” waxaa Ciyaarayo hal Nin oo oday ah, oo ookiyalo iyo Koofi wato, Hantiilana ah ayaa Ul Baakoor ah kula Rido Kubadda Godka Goolka.
( Gabareey, inta aad Raadinee Nin Adigu aad Tilmaamo gaar ah u yeelatay, Yaan Xuub caaro ku daboolin, ( F.S: 3aad).
Ninka Hooyadiiba Calaamado Gaar ah uma yeelan ee Allaah ayaa sidaa ka dhigay, Ogow Ninku male "Expire Date” sida Adiga, ee yaan Owlaad la’aanu kugu dhicin haddii Alla ku siinaayo)
5.Nin Reer Cadaado ah oo Qurbaha joogay ayaa yiri: Somaliya ayaan u noqonaa si aan Xildhibaan u noqdo. waxaa lagu yiri: Markaagii Hore sideed Qurbaha ku timid? waxa uu yiri: Masjid Xamar weyne ku yiil ayaan Xureeystay, Aniga ayaa Mu’adim ka ahaa, Maalin ayaan soo daahay. Nin kale ayaa ka aadaamay, Markaan imid ayaa Bistoolad la soo baxay oo aan ku iri: Car waa kee Salaada Aqimo. Maalintaa Salaadii waan joojiyay, Sanad kadib ayaan Masjidkii iska xaraashay, Lacagtii aan ka helay ayaan ku soo tahriibay.
Hadda Dalkii ayaan ku noqonaa si aan u noqdo Xildhibaan, mana waayi karo Xilka, Ergadii iyo Malxiiskiiba waa diyaar.
( Ar Xildhibaanadda Galmudug, CV-gooda mala hubiyay)

Mama Xaliimo oo Xamar Joogto ayaa Foolu qabatay, waxaa loola cararay Isbitaalkii Xaafadda ugu dhawaa. Dhakhtarkii ayaa yiri: Caadi uma dhali kartid waa in qaliin laguugu sameeyo. waxa ey ku tiri: Datoore 5 Caruur ah ayaan Hore u soo dhalay, weligeeyna la iguma qalin, waan Cabsanayaa waa markii iigu horeysay ee ilmo la i qalo. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: ha cabsan Anigaba waa markii iigu horeeysay ee aan Qaliin sameeyo. ( F.S: 4aad)
( Yaa,yaa See wax u jiraan? Maalmhaan Islaamaha Sararta laga umulihaa waa bateene )



Qore:- Yahya Amir.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip