
Dagaalkii Imaam Cumar, Geelii Cali Gaaf, Talyaaniga iyo UN
Waxaa ku lifaaqan Qormadaan Cadeeymihii oo aad ka heli karto keydka UN ee New york – USAMarka hore dhacda kale. ( Bali Cadaadya Burduqoow ma beera Boolisaa ku yaal. Minaadan Booyin Boolisoow, Baajeeygu taal Bir leeyma geeyn) Shiribkaan waxaad ka heli kartaa Keydka Qoraalada Isticmaarkii Talyaaniga Markii Caligaaf iyo Boolisku ku dagaalameen Deegaanka Balicadaad iyo Burduqoow.
Qoraalkaan Isaga oo dhaneystiran ayaan Dib u soo qori Doonaa.1. Colaadii Imaam Cumar iyo Talyaaniga.Imaam Cumar oo ahaa Imaam Dhaqmeed aad looga yaqiin Somalia, waxa uu ahaa Nin Samir badan aadna u dhowrsan, Dadkiisana Daacad iyo Cadaalad ku maamuli jiray, uma tagi jirin Xafiisyada Dowladda dan shakhsi ah. waxa ka dhaxlay imaamnimadii Wiilkiisii Imaam Maxamud isagana waxaa ka sii dhaxlay imaam Dahir. ( F.S: 1,2 & 3aad)
HordhacBeelaha Murusade iyo Caligaaf ayaa Colaad Beeleed dhax martay, kadibna Wakiilkii Talyaaniga AFIS u joogay Ceelbuur ayaa amray in la weeraro Caligaaf Geelna laga soo Kiiso. Booliskii Talyaanuga ee la soo diray ayaa qaar laga dilay, dib ayeeyna ugu carareen Ceelbuur. kadibna waa Talyaaniga lagula taliyay in Caligaaf la weeraro Bisha Moowliid ,wakhtigaa oo ey ku maqanyihiin Xuska Nabiga SCW, wakhtigaa oo Xoolaha looga tago Caruurta iyo Haweenka oo kaliya.
Bishii Mowliid ayaa la weeraray, markii khabarkii soo gaaray ayaa dhaliyaradii Mowliidka joogtay ayey qalabka qaateen. waxaa hor istaagay Sh. Ibrahim yare oo ahaa Caalimkii Deegaanka, waxa uuna ku yiri: Dagaal ha galina Aniga ayaa si Nabad ah idiinkugu soo celinaa Geeliinii, weyna ka ogolaadeen.Sh. Ibrahim, waxa uu Cadale u diray Ergo uu Hor socday Sh. Xassan Maxamed Afrax ” Sh. Xassan Tima dheere” ,waxa eyna arrintii u gudbiyeen Imaam Cumar, kadibna waxa uu u sii raacay Xamar. intii uuna u tagin Wakiilkii Talyaaniga waxa uu qoraal Cabasha ah u sii hor mariyay Wakiiladii UN ee ka kala socday Wadamada Masar, Philippine iyo Colombia.Fiiri: warqada Cadeeynta ah ee T/PET.11/225 ee ku taariikheysan 15 Dec.1951 Bogga 3aad taa oo taal keydka Arkifiyada UN- Newyork.
Qoraalkaa waxa uu imaamku ku leeyahay: Aniga oo ah Imaam Cumar Imaam Cali, Imaamka Guud ee Abgaal, intii aan joogay Cadale waxaa isoo gaaray Arrin culus oo ka dhacday Ceeldheer oo ey dhinac ka tahay Beesha Abgaal- Weceysle- Caligaaf oo Boolisku ey si xoog ah uga dhaceen 500 Neef oo Geel ah, wakhtigaa oo Caligaaf ey ku maqnaayeen Mowlidka Rasuulka CSW. waxaan Telegram u diray UN & AFIS intii aanan Xamar imaan. Arintaa Talyaanigu aad ayuu uga carooday in UN loo gudbiyo Dacwada oo uu rabay in ey isaga ku koobnaato.Imaam Cumar waxa uu qoraalkiisa ku leeyahay: Isla markii aan Xamar imid waxaan u tagay Dr. Chiti waxa uuna ii sheegay in Fariinta loo gudbiyay H.E. Giovanni Fornari iyo Dr. Bernardelli ( F.S: 4aad).
Markaa kadib ayaa Aniga iyo Wafdigeeygii waxaan u taganay Dr. Bernardelli .waxa uu nagu yiri: Arrintaa waxaan awood u siinaya oo aan ku wareejiyay Gudoomiyihii AFIS ee Degmada Ceelbuur oo Talyaani ahaa. Imaamka ayaa yiri: waxaan Xamar u imid in aan joojino in xoog la isticmaalo, waxaan ahay imaamka Guud ee Abgaal, wax kasta oo Dadkeeyga laga rabo Anigaa ka masuul ah oo bixinayo, haddi la isku dayo in xoog la isticmaalo waxa dhacaya Dagaal culus dhaliyarada Abgaal ee Xoolaha laga dhacayna waxa ey leeyihiin awood ey Xoolahooda ku soo ceshadaan.Warqadaa Booga 4aad, Imaamku waxa uu leeyahay Dr. Bernardelli waa sii carooday markii uu ogaaday in aan Dacwada mar hore u gudbiyay UN Wakiiladeeda 3da Dal. waxa uu u ekaa Nin 7da Sammo ka soo dhacay.
wax yar kadib ayuu is dejiyay, waxa uu yiri: in New york ey ka soo jawaabto waxa ey qaadanee 9 billood. waxa uu igu yiri: iga tag. markii aan qaaday 2 ilaa 3Talaabo ayuu igu yiri: Maxaad ii salaami weyday?. waxa uu iga sugayay in aan Madaxa hoos ugu dhigo. waxaan ku iri: waad u jeedaa waxa Dadkeyga ku dhacayo, Marna ha iga sugin in aan xataa Salaan Caadiya ku salaamo.
Markii aan sii Baxayay ayuu isaga oo careysan igu yiri: kalmado aan habooneeyn Akhlaaq ahaan in aan UN u sheego oo Damiirkeeyga ayaa sidaa diidayo.Dacwadii Cabashadu waxa ey sii socotay ilaa Sanadkii Cusbaa Firi, Keydka United Nations Trusteeship Council. T/PET.11/ Add 1 ee 4 March 1952 Bogga 1aad ee ku socota Xoghayaha Guud ee UN, Imaam Cumarna uu Tixraac ahaan u Cuskanayo Sharciga UN Trusteeship, Sharci No. 85 iyo dhameystir Sharci Faqradaha F & L .Mar kale Fiiri Bogga 2aad, warqada Imaam Cumar uu Tooska ugu qoray UN Advisory Council for Somalia ee uu uga hadlayo Ergadii la socotay Sh. Xassan Maxamed Afrax ” Tima dheere” iyo warqadda kale ee Cabashada 16 Dec. 1952.
ugu Dambeeyn Imaam Cumar waa ku guuleystay in uu Dadkiisa Dagaal ka badbaadiyo Xoolahoodiina u soo celiyo, in kasta oo dhowr jeer dagaal lagu sigtay taa oo cabsi galisay Talyaanigii.FG: si aan Qoraalku kuugu dheeraan ayaan aad u soo gaabiyay, wixii faahfaahin ah ka fiiri: Documentiyada keydka UN – Newyork- USA. wixii Faafaahin ah, ka akhriso Cadeeymaha ( F.S: 5-10).FG: wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir
Dagaalkii Imaam Cumar, Geelii Cali Gaaf, Talyaaniga iyo UN
...