HALKAAN KA KHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 5-TA JAN. 2022-KA

0
Wednesday January 05, 2022 - 08:49:22 in Wararka by
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 5-TA JAN. 2022-KA

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Xukuumadda oo faah faahisay Shirka Golaha wadatashiga Qaran

Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada

Muqdisho uuna guddoominayo Ra’iisul Wasaara ha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Shi rka oo shalay furmay ayna ka qeyb galayaan dha mmaan madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, ayaa diiradda lagu saarayaa dardargelinta doora shooyinka, hufnaanta, sixitaanka waxyaabihii ka khaldamay doorashada, amniga iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Gol aha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashoyinka dalka

Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa she egay in ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha ba dan loo soo gebogebeeyo doorashada, iya doo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laab tay lagala tashanayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiinta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeeyeyaasha ka le, isagoo Beesha Caalamka uga mahadceliyay taageeradooda dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u garab taagan yihiin hoggaaminta Ra’I isul Wasaaraha ee howlaha doorashooyinka, iy agoo tilmaamay in aan cidna laga aqbali doonin inay caqabad ku noqoto geeddi socodka doora shada dalka.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Mu sharraxiinta, iyo haweenka oo ay ka wada hadle en dardargelinta howlaha doorashooyinka, iya goo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada,

Golaha wadatashiga & Midowga Mush arrixiin ta oo ka wada hadlay doorasho oyinka

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hogg aaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharr axiinta oo uu hor kacayay Madaxweynah ihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh.Ax med.

labada dbinac ayaa ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorasho oyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

Xubnaha Midowga Musharrixiinta ayaa Gola ha wadatashiga waxaa ay u gudbiyeen tabash ada ay qabaan, iyaga oo u soo jeediyay talooyin la xiriira doorashooyinka si looga gudbo caqabad aha doorashooyinka.Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xuku umadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isla Maanta la kulmaya Xubno matalaya Bul shada rayidka iyo Dumarka, iyaga oo ka dhagey san doona tallooyin ku aadan doorashooyinka.

Beesha caalamka oo ku biirtay shirka golaha wadatashiga ee ka socda Muqdisho

Xubnaha golaha wadatashiga qaran oo ka ko oban ra’iisul wasaaraha, madax goboleedyada dalka iyo duqa Muqdisho ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilada beesha caalamka oo ku biiray wada-hadallada uga socdo Teendhada Afisyo one.Shirka oo shalay soo billowday ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo sidoo kale muranada xoogan ee hareeyey doorasho oyinka ka socda dalka.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada-hadle en taageerada iyo doorka wakiilada beesha caal amka ee ku aadan dardargelinta doorashooyin ka, gaar ahaan mida golaha shacabka Soomaa liya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiskra ra’iisul wasaaraha.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xus een Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yee shay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wa da hadleen dardargalinta doorashooyin ka dal ka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaar aha ayaa intaasi kusii daray "Ra’ iisul Wasaare Maxamed Rooble waxaa ka go’an in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gebogebeeyo door ashada, iyadoo turxaan bixinta iyo toosinta wixii ka soo laabtay lagala tashanayo dhammaan dhin acyada ay khuseyso sida Midowga Musharixiin ta, Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo daneeey eyaasha kale,”.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale sii soconaya, waxaana sidoo kale ku biiri doono xubnaha muca aradka iyo bulshada rayidka ah, si ay talooyink ooda ugu biirayaan madasha.

Xukuumadda Soomaaliya oo iyadu garwade en ka ah shirkani ayaa rajeyneysa inay guul ku soo dhammaadaan wada-hadallada socda oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Si kastaba, xaaladda dalka uu maraayo ayaa ah mid aad u cakiran, waxaana dadka Soomaaliy eed ay isha ku wada-hayaan qodobada ka soo baxa shirka golaha wadatashiga.

Midowga Musharaxiinta oo qoraal rasmi ah ka soo saaray talo jeedinta doorashada

G/M/Musharaxiinta ayaa goordhow soo saa ray qoddobo soo jeedin ah oo ay maanta la wada ageen Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib markii ay ka qeyb-galeen shirkii Madasha.

Golaha ayaa sii adkeeyay in la saxo habraa ca dooashada, si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo, dalkan deggenaan iyo xasilooni u horse eda, ayada oo guddiyada doorashada loo mad ax-baneynayo howlaha doorashada.

Waxay dalbadeen in dib loogu laabto dhamm aan doorashada kuraasta lagu muransan yahay, lana burriyo go’aannadii ay gaareen guddigii xal linta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu same eyay.

Waxa uu soo jeediyay Golaha Midowga Mush arraxiinta in Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii Oday dhaqan, islamarkaana la faafiyo liiska mag icyadooda inta aysan doorashadu bilaaban.

"Waa in odayga mas’uulka ka ah jufada kur siga leh ee ka tirsanaa 135-tii oday ama kuwii soo xulay baarlamaanka dowlad goboleedyada, hadba kii la isla qaato, oo la tashanaya odayaa sha iyo waxgarada jufada hoose ee kursiga leh uu soo gudbiyo xubnaha kale ee afarta ah ee ka mid noqonaya guddiga soo xulista,” ayaa lagu yiri qoddobka labaad ee soo jeedinta Midowga Musharaxiinta. Sidoo kale waxay soo jeediyeen in odayaasha dhaqanka oo kaashanaya nabado onada iyo caaqilada jufada kursiga ku astaysan loo madaxbaneeyo xulista ergooyinka, ayna noq oto kaalinta dowlad goboleedyada fududeynta iyo amniga doorashooyinka.

Waxay intaas kusii dareen in Guddiga hirgel inta doorashooyinka heer dowlad goboleed iyo federaal ay xaqiijiyeen ergada wax dooranaysa inay yihi in kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaq anka.

"Waa in ergada la diiwaan-geliyo, lana faafiyo liiska magacyadooda, ugu yaraan muddo sadeex cisho ahna fursad loo siiyo inay kula kulmaan mu sharaxiinta ku tartamaysa. Sidoo kale waa in er gada aan laga hor istaagin la kulanka mushara xiita kursiga ku tartamaysa.”

Ugu dambeyntiina waxay si adag u sheegen in shakhsina laga hor istaagin inuu kursiga be eshiisa u tartamo, islamarkaana meesha laga sa aro malxiiska siyaasadeed, ayna fursad siman u helaan musharraxiinta kulanka iyo ka dhex olol eynta ergada kursiga.

Hoos ka aqriso qoraalka Midowga Mushara xiinta oo dhameystiran


Xukun lagu riday Askar Muqdisho ku dish ay Wiil & Gabar Walaalo ah

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qal abka sida ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukun ku riday laba Askari oo ka tirsan Ciidama da dowladda, kuwaas oo labadii Bishii December ee sanadkii dhamaaday ee 2021 agagaarka Isg oyska Dabka ee Magaalada Muqdisho ku dilau Wiil & Gabar Walaalo ahaa.

Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) iyo Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ku soo oogtay in loo heysto dilka Alle ha u Naxariis tee Sakariye Maxamuud Xuseen (Kalafoge) iyo Sowdo Maxamuud (Kalafoge) oo rasaas isku martay u geeriyooday xilli ay saarnaayeen Mooto Bajaaj agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Goobta Maxkamadda oo ay ku sugnaayeen Ehelada Sakariya & Sowdo iyo labada Askari ayaa lagu soo bandhigay baaritaan la xiriira sida falka uu u dhacay, waxaana la sheegay in rasaas ta ay ku geeriyoodeen Sakariya & Sowdo uu rid ay Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) halka Dable Dayax uu riday laba xa badood balae aysan cid waxba ku noqon.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xa san Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Xo ogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) lagu xukumay dil toogasho ah halka Dable Day ax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Sooma aliya ayaa degaannada ay ku sugan yihiin, wax aa ay sibareer ah ugu dilaan dadka Shacabka, waxaana aad u yar Askarta loo ciqaabayo dhiba atada ay u geystaan dadka Shacab ka ah.

James Swan "Golaha wadatashiga qaran waa awoodda ugu weyn ee dhaqaajineysa hanna anka doorashadda”

Wakiilka gaarka ah ee Qaranada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, sheegay in ay taageerayaan shirka golaha wadatashiga qa ran oo maalinkii labaad ka socda muqdisho. Isa goo tilmaamay in shirku yahay fursad lagu hagaa jinayo cabashooyinka laga qabo doorashadda Golaha Shacabka.

"Waxaan garwaaqsanahay in khaladaad ba dan oo dhanka habraac ah lagu arkay doorasha dda Golaha Shacabka ee illaa hadda la qabtay. waaxaan ku boorineyna golaha wadatashiga qar anka in shirkaan ay kaga faa’ideystaan sixitaan ka cilladahaas si doorashaddu ay u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonan karo” ayuu yiri erayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Mido obay ee Soomaaliya Ja mes Swan.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu yiri "Golaha Wa data shigga Qaran waa inay dejiyaan jadwalka lagu dhameystirayo doorashad da oo ah mid suuragal oo dhammaan madaxda dow lad goboleedyadda xubna ha ka ah dowladda federaalka ay si dhab ah ugu go’an tahay”.

Waxaan sii wadeyna taageeradda golaha wad atashiga qaran si loo dhaqan galiyo heshiisy addii17-kii Sebtember ee 2020-ka iyo 27-kii 27 May 2021. Waxaan u aragna in goluhu yahay mi shiinka iyo awoodda ugu weyn ee dhaqaajineysa hannaanka doorashadda, mana taageerno gole kale.

Halkee ku dambeysay xiisaddii Boosaaso ee Deni iyo reer Diyaano?

Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Puntland ay aa xog-uruurin ay soo saartay isniintii ku she egtay in xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aad anaha ay ka dhaceen magaalada Boosaaso, isla markaana ay waxyeelo soo gaartay nolosha iyo hantida dadka rayidka, iyada oo ku baaqday in la bixiyo mag-dhow iyo weliba in laga hawlgalo qa adista haraadiga walxaha qarxa.

Inkasta oo ay hey’addan ay ka gaabsatay in ey carabka ku dhufato khasaaraha, hadana war arka qaar ayaa sheegaya in dagaalka socday 21-23-kii December 2021 ay ku naf waayeen in ka badan 30 qof.

Saddexda maalin ee qalalaasaha socday wa xaa dhibka ugu badan, uu gaaray xaafadda Riw daan ee xeebta Boosaaso ah, halkaas oo ay u badan yihiin dad kalumeysato&xoogsato kale ah.

Saameynta dagaalka waxaa uu gaaray heer ay xeraynto dekadda ugu muhiimsan bariga iyo bartamaha Somaliya ee Boosaaso, waxaa sidoo kale albaabada loo laabay suuqyada magalada.

Waxaa sidoo kale, dagaalka ku burburay mas aajiyo, iskuulkii Xaaji Mire iyo goobo kale oo qa arkood ay gabbaad ka dhigteen ciidamada daga alamayey.

Boosaaso, oo ah magaalo ganacsi, nabadna aheyd wixii ka dambeeyey xilligii Cabdullahi Yuu suf ayaa kumannaan dadkeeda ah waxaa ay u qaxeen Garoowe, Carmo, Karin, Ufureyn, Ba dhan, Waaciye iyo meelo kale oo ka fog, taasi oo nolosha adkeysay.

Dhanka siyaasadda, dadaallo kala duwan oo ay galeen isimada iyo siyaasiyiin u dhashay Pun tland ayaa muuqato in madaxweynaha maam ulka Saciid Deni lagu qanciyey inuu faraha kala baxo reer Diyaano iyo PSF-tooda, waxaana la fil ayaa in arrintan loo xaliyo qaab dhaqan, gorgor tankuna uu raalligeliyo labada dhinac.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhexdhexaad inta ay qeyb ka noqon karto in Maxamuud Cabdu laahi Diyaano uu xilka ku wareejiyo walaalkii ka yar, taasi oo ka dhigeysa haddii ay dhacdo Diya anihii 4-aad ee madax ka noqda PSF.

Xiisadda ayaa bilaabatay kadib markii qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland Saciid November 24, 2021 xilka looga qaaday Maxamuud Diyaano, loona dhiibay Maxamed Am iin Cabdullahi Xaaji taas oo ninka hore ka biyo-diiday halka dagaalka uu bilowday kadib markii Isimada qaar ay Deni kula taliyeen in Diyaano xil ka wareejiyo laakin loo daayo deegaanka iyo waxyaabo kale, middan uu madaxweynaha iska diiday.

Ciidamada PSF-ta oo aan dastuuri ama sharc iyad ku fadhin waxaa ay qeyb ka yihiin hey’a daha ay dhiseen hey’ado ama dowladaha shish eeyey, mana jirto cid ay daacad u yihiin ama la xisaabtanto oo aan hey’adahaasi aheyn.

Haddaba, inkasta oo uu dagaalka istaagay, lagana war sugayo guddiyada wada-xaajoodka, hadana waxa aan jawaab loo heyn maxay aheyd sababta dagaalka loo galay, dadkii dhintay ma xay ku dhinteen, hantidii baaba’day sabab, bara kicii dhacay yaa loo raacan iyo arrimo kale.

FIQI oo xog ka bixiyey dagaalkii Dhuu samar eeb ee maanta iyo sida uu ku yimid

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka deyriyey xaalada Galmud ug, isagoo soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay dagaal maanta gudaha magaalada Dhu usamareeb ku dhex-maray ciidamo ka kala tirsan booliska iyo militeriga Soomaa liya.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii askar ka tirsan ciidanka Gor Gor ay weerareen saldhigga booliska ee magaalada, halkaas oo lagu xiray askari ka tirsanaa oo la soo qabtay isagoo cabsan, sida ay noo xaqiijiyeen ilo war eedyo dhowr ah.

Fiqi ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu ku dhintay qof rayid ah, sidoo kalena ay ku dhaawa cmeen shan askari oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan, waxuuna soo jeediyey in la iskula xisaabtamo dhacdadaas.

"Askari cabsan oo la xiray ayaa sababay iska -hor-imaad sababay dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca 5 askari sida aan ku helayno Xogta ka imaanaysa magaalada DhuusaMareeb, waa dhacdo xanuun badan oo u baahan isla xisa abtan. Waxaan ciidamada kala duwan iyo taliya ashii da ugu baaqaynaa in ay Ilaaliyaan sumcad da ciidamada, kana fogaadan isku dhacyada dhexdooda ah,” ayuu Axmed Fiqi ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale wasiirkii hore ee amniga Galmudug waxa uu sheegay in maamulkaas uu wajahayo duruufo kala duwan oo ka dhashay hoggaan xu mo, isagoo yiri, "Waxaa la joogaa waqtigii isbedel dhanka hogaaminta ah uu ka dhici lahaa Galmu dug.” "Galmudug, barlamaankii dhexdiisa Khil aaf ayaa ka taagan, ciidamada maalin cad ayay is ku dagaalayaan magaalada caasimadda ah dhexdeeda, kooxda Argagixisada ah cabsi gelin badan ayay deegaamo badan ka wadaan, shalay waxaa la soo Bandhigayey dad kaluumaysato masaakiin Yemen ah oo Kooxo Bircad ah u afduuban meel Galmudug ka tirsan,” ayuu yiri Fiqi.

Qoraalka Axmed Macalin Fiqi ayaa intaas ku sii daray, in mar dhow la qaban doono shirweyn oo ay qaban-qaabinayaan xubno la magac baxay golaha badbaadada Galmudug.

"Waxaa soo xoogaysanaya in la joogo waqtigii isbedel dhanka hogaaminta ah uu ka dhici lahaa Galmudug, Lana wada Baadi Goobo lahaa hoga an danaha Galmudug ka shaqeeya, ayadoo shir koodii 1aad ee qabanqaabada shalay ay yeeshe en golaha Badbaadada Galmudug oo mar dhow qaban doona shirweynihiisii koowaad,” ayuu yiri Axmed Fiqi.

M/Dhuusamareeb ayaa maanta gashay qalqal amni oo xoog leh, waxaa hakad galay ganacsigii iyo isku socodka bulshada, waxayna ciidamadu ku dhawaad laba saacadood ku dagaalamayeen bartamaha magaalada.

Ciidanka Gor Gor ee maanta weeraray saldh igga Dhuusamareeb waxaa laga qaaday Muqdi sho markii ay Ahlu-Sunna qabsatay degmada Guriceel, balse waxaa looga awood roonaaday dagaalkii ay la galeen booliska Dhuusamareeb, iyagoo is-rasaaseyn kadib dib ugu cararay xery ihii ay ka soo duulaan tageen.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb G/le Maxamed Xasan Warsame oo la hadlay Ida acadda Goobjoog ayaa sheegay in ciidanka Gor Gor ay saldhigga ku soo waarareen, kadib markii ay ka xireen askari cabsan, balse waxa uu ka ga absaday khasaaraha ka dhashay iska hor ima adkaas…Xigasho:-casimadda.net

Puntland oo xukun ku riday Nin dil geystay

Maxkamada Darajada koowaad ee degm adda Burtinle ee Gobalka Nugaal ee Maamul ka Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sahal Xasan Maxamed oo dhawaan burtinle ku diley marxuum bishaar jaamac Faarax.

Xukunka Maxkamadda ayaa goobta ay ka dhacaysay waxa goob joog ka ahaa Gudoomiy aha Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada

Burtinle,Garsoorayaal, kaa liye yaasha maxkamadda , Xeer ilaalaiyaha guud ee ma amulka Pintland , ehelada 2da dhinac & qayba ha kaladuwan ee bulshada .

Fadhiyo badan oo kiiskaan maxkamadda kayeelatay kadib ayaa ugu dambeen garsoore Cali ibraahim maanta waxa uu ku dhawaaqay in Sahal Xasan Maxamed lagu xukumay dil to ogasho oo ah qisaasta marxuumka uu dilay.

Dagaal ka qarxay Dhuusamareeb iyo warar kii ugu dambeeyay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmu dug ayaa sheegay in uu goordhoweyd ka qarx ay dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda.

Ciidamo ka tirsan ku wa Gorgor iyo Ciidanka Booliska ee ilaaliya xar unta degmada iyo baraha koontarool ee ku dhaw ayaa dagaal culus uu dhexmaray, kadib markii ay ciidamada Gorgor ay ka horyimaad een howl-galo ay wadeen ciidamada booliska, oo ka dhan ahaa maandooriyaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciida mada dagaalka u dhaxeeyay in uu jiro khasaa re dhaawac oo labada dhinac ah, ayada oo Askarta dhaawacooda la gaarsiiyay isbitaalka Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa saameeyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Dhuusam areeb, iyada oo Bulshada qeybaheeda kala du wan ay walaac ka muujiyeen dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda.

Waxa uu ku soo aadaya iska hor-imaadka dagaal ee u dhaxeeyay ciidamada Gorgor iyo kuwa booliska, xilli ay maalmihii dambe ciida mada Gorgor ay wajahayeen eedeymo la xiri ira khal-khal gelin amni.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo ba xay laamaha maanka iyo maamulka Dhuusam areeb oo ku aadan dagaalka maanta dhex-ma ray ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Axmed Karaash "Kuma Laaban Doono Gar oowe Illaa Xal Laga Gaaro Colaadda Saax-Maygaag”

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboled ka Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan (Karaash) oo shalay gaaray deegaanka Boocame ee go bolka Sool ayaa kulammo hordhac ah la yee shay qaar ka mid ah Cuqaasha ku dhaqan goobihii lagu dagaal lamay maalmihii aynu kasoo gudubnay.

Axmed Karaash oo la hadla yay wax garadka iyo bulshada deegaanka Sa ax-maygaag ayaa sheegay inuusan ku laaban doonin Garoowe illaa xal waara laga gaaro col aadda ka taagan deegaannada Sange jebiye iyo Saax-maygaag. Sidoo kale Isimada dhaq anka labada dhinac ayaa billaabay waan-waan nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo cola adda, iyagoo kulamo la qaadan doona dadkii ay wax kala gaareen.

Halkee ku danbeeyay shirkii uu FAR MAA JO ku baaqay?

Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay shirkii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran, markii uu isku da yey inuu shaqada ka joojiyo Ra’iisal wasaara ha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. Qoraalkii kasoo baxay Farma ajo ee shirkaasi ayaa u qor naa: "Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaa do shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyin ka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaa sha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Gob oleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu wa afaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doora sho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dha cdo”

Shirkan ayaa hadda fashilmay, waxaana si rasmi ah Muqdisho uga furmay shirkii u uku ba aqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roo ble. Fashilka shirka, wuxuu ka mid yahay go’ aanno uu soo saaray Farmaajo oo shaqeyn waayey, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Abaabul ka kiis musuq ah oo lagu soo oogay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Shaqo ka joojintii uu ku sameeyay 27-kii December 2021 ee lagu tilmaamay Afgembiga.

Fashilka shirkii Farmaajo ayaa waxaa ka dambeeyay dowladda Mareykanka oo Farmaa jo si toos ah uga hor timid, ugana digtay inuu ku kaco falalka halista gelin kara xasiloonida, waxayna si cad ugu shegtay inuu la shaqeeyo R/ wasaare Rooble iyo shirka uu ku baa qay.

Waxaa sidoo kale shirka Ra’iisal wasaare Rooble ku baaqay ka qeyb galay madaxweyn ayaasha maamul Goboledyada ee hore u taa geersanaa Farmaajo, markii ay cadaadis kala kulmeen beesha caalamka.

Xigasho:-Caasimadda.Net

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay gaari sid ay hub badan iyo saanad ciidan

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa la ga helayaa howl-gal ay ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gan acsiga maamulkaasi, kaas oo lagu soo qabtay hub iyo saanad ciidan oo sharci darro ah.

Saraakiisha ammaanka ee horkaceysay howl-gal ka ayaa shaaca ka qaad ay in ciidamadu ay gacan ta ku soo dhigeen gaari nooca qaada xamuul ka oo lagu soo dhex qariyey hub fara badan iyo saanad ciidan, kaas oo lagu qabtay garaa sh ku yaalla bartamaha magaalada.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ga ariga kor laga soo saaray ciid badan, hoosna lasoo geliyey hubka, balse ciidamada ay haye en xogta baabuurka, sidaasina lagu qabtay.

"Gaariga ciid ayaa kor looga soo raray, si loo gu qariyo hubka iyo saanada saaran, si aan loo dareemin hubka uu sido, balse ciidan ka xogtiisa hayay ayaa ku guuleystay inay qa btaan,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha laa maha ammaanka ee ka howl-gala gudaha Boosaaso.

Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa intaasi kusii daray inay xog ku hayaan cidda loo waday hubka iyo meesha uu kusii jeeday gaariga la qabtay, walow uusan waxba sii shaacin.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada ammaanka ay weli baaris ku haya an hubka iyo gaariga la qabtay, ayna dib ka shaacin doonaan natiijada rasmiga ah.

Qabashada hubka ay Puntland gacanta ku dhigtay ayaa ku soo aadayo, iyada oo dhowa an dagaal qaraar uu ka dhacay Boosaaso, ka as oo u dhexeeya maamulka Deni iyo PSF.

Xaaladda Boosaaso ayaa maalmihii u dam beeyey aheyd mid deggan, waxaana haatan ka socda dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Puntland iyo PSF.

Xadgudubyadii ka dhacay magaalada BOOSAASO oo 5 qodob laga soo saaray

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha ee D/G/Puntland ayaa war cusub ka soo saaray dagaalladii ka dhacay M/ Boosaaso ee xarunta G/Bari, wuxuu na xafiisku baahiyey bayaan ka kooban illaa shan qodob.

Ugu horreyn Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa shaaciyey inay dhac een xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadan aha, kuwaas oo uu diiwaan-geli yey xafiisku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tahay in magdhow u dhigma la siiyo dadka ay dhiba atada kasoo gaartay dagaalladii dhacay ee u dhexeeyey Puntland iyo PSF.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Puntland iyo cid kasta oo ay quseyso laga rabo inay isku ho wsho sidii magaalada looga uruurin lahaa har aadiga hubka, si aysan u geysan waxyeelo kale. Ugu dambeyn Xafiiska Difaacaha Xuqu uqda Aadanaha Puntland ayaa ugu baaqay dhinacyada haata ku howl-an dhexe-dhexaad inta inay sameeyaan xaqiijin, sidoo kalena ay dadaaladooda ku daraan sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadka dhibanayaasha ah.

"Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu si dhow ula soconayaa cadaa lad helidda iyo magdhow siinta dadka wax ku noqday dirirta ka dhacday Boosaaso,” ayaa la gu soo gabagabeeyey warsaxaafadeedka.

Dagaalladii ka dhacay dhowaan magaalada ganacsiga ee Boosaaso ayaa sababay dhima sho, dhaawac, burbur iyo barakac ay same yeen dadka deegaanka.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan deggan,

waxaana weli socda wada-hadallo lagu soo afjaro xiisadda taagan oo ka dhalatay xil ka qa adistii lagu sameeyey agaasimihii PSF.



AFAR ARRIN OO XASAASI AH OO HORYAALLA SHIRKA MUQDISHO


Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirka Golaha Wadatashiga ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Sooma aliya, Maxamed Xuseen Rooble, kaasoo ay horyaalaan arrimo xasaasi ah.

Dabayaaqadii bishii December ee lasoo dhaafay ayuu ku waqtiyeysnaa shirka, gaar ahaan 27-kii bishaas, hase yeeshee waa uu baaqday sababo aanan si rasmi ah loo sheegin balse la fahmi karay in ay ahaayeen waxya abo la xiriiray khilaafka u dhaxeeyay madaxda ugu sareysa dowladda fede raalka, kaas oo dabcan saamayn ku yeeshay qaar ka mid ah dowlad gob oleedyada.

Inkasta oo ay jiraan qodobbo aanan war saxaafadeedyada lagu qorin, warbaahintana laga sheegin, kuwaas oo mararka qaar u daadagsan hoos illaa iyo kursi qof gaar ah lala doonayo ama loo diidanyahay, ayaan hadd ane si guud halkan kusoo koobaynaa dhowr qodob oo u badan arrimaha do orashada ayaa hor yaalla shirka, waxaana qaarkood ay u muuqdaan caq abado waaweyn oo la isweydiinayo sida looga gudbi doono.

Kulanka oo ka furmaya Muqdisho waxaa isugu imaanaya Ra’iisul Was aare Roobole, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, madaxwe ynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, madaxweynaha Koonfur Gal beed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynaha Galmudug Axmed Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo guddoomiyaha gobolka Bana adir Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

Habraaca Doorashada

Doorashada ayaa u socoto si aanan jadwalaysneyn, waxaana soo bad anayay cabashooyinka la xiriira habraaca doorashada .Doorashada xub naha Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa lasoo gabogabeeyay goor sii hor reysay halka Golaha Shacabkana ay wali socoto, inkastoo ay jireen dhaliilo iyo cabashooyin hareeyay hannaanka uu kormeerka ka ahaa Ra’iisul Was aare Rooble.

Dood badan ayaa ka timid habraaca doorashada kaddib markii kuraasta qaarkood uu ka yimid muran iyo isqabqabsi. Shirkan Golaha wadatashiga Qaran oo sababihii loogu baahday ay ka mid tahay arrintaas lafteeda ayaa la filayaa in xal looga gaaro habraac sax ah oo loo maro doorashada.

Habraaca hadda jira ayaa u muuqda mid maamul kasta uu u fasirtay sidii uu doonayay, islamarkaasna waafajiyay natiijadii uu doonayay in ay doo rashada kasoo baxdo, waxaana tusaale weyn ah habka xulista ergada iyo xaqiijinta tartan daah furan oo qof kasta oo danaynaya uu musharax noqon karo, taas oo aanan meelo badan ka dhaqangalin.

Caqabadaha ay tahay in xalka loo helo ee dhinaca habraaca waxaa ka mid ah soo xulista ergooyinka iyo musharraxiinta kuraasta Golaha Shacab ka.

Guddiga doorashada ayaa marar badan lagu cambaareeyay in ay har eer mareen habraaca loo dejiyay.

Kaalinta Guddiyada

Guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed ay aa tan iyo markii ay doorashada billaabatay u muuqday kuwo aysan how shooda kala caddeyn, islamarkaasna aanan la ogeyn kaalmaha ay kala leeyihiin.

Waxaa aad u muuqatay in guddiyada heer dowlad goboleed ay lahaay een awoodda inteed badan, iyaguna ahaayeen kuwa go’aanka ka gaaraya natiijada kama dambeysta ah ee kuraasta la doortay.

Guddiyada maamul goboleedyada u qaabilsan doorashada ayaa lagu eedeynayay in ay la wareegeen awoodihii guddiga heer federaal loo igma day.

Madaxda shirka u fadhiya ayay hadda hor taallaa inay go’aamiyaan kaa lmaha guddiyadan iyo inay shaqooyinkooda kala saaraan.

Waxaa kale oo xal u baahan khilaaf waayadii dambe ka jira guddiga doo rashada oo sheegay inay xilkii ka qaadeen guddoomiyahooda, inkastoo isa guna uu sheegay inuu wali shaqeynayo.

Guddiga muranka ugu badan ka taaganyahay waa kan xalinta khilaafa adka oo uu Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ka saaray illaa 11 xubnood.

Sidoo kale shirka ayaa looga fadhiyaa in xal looga gaaro kuraas ka tirs an golaha shacabka oo doorashadooda la isku qabsaday.

Jadwalka Guddiyada doorashada ayaa tan iyo 27-kii bishii May ee san adkii hore soo saarayay jadwallo loogu talogalay doorashada oo qabsoomi waayay. Doorashada oo waqti dheer soo jiitameysay ayaa marba caqabad hor leh la kulmeysay. Tan ayaa ka mid ah howlaha hor yaalla shirka shalay ka furmay magaalada Muqdhisho ee ay beesha caalamka taageertay.

Marka laga soo tago doorashada Golaha shacabka oo ay caqabado badan ragaadiyeen, ilaa hadda lama oga xilliga ay dhaceyso doorashada mada xweynaha.

Shirka ayay shalay ka qaybgaleyaashu fikrado isku weydaarsan doona an balse ugu dambeyn waxaa laga rajo qabaa in jadwalka lagu cayimo.

Golahan laftooda ayaa shirkoodii ugu dambeeyay ku sheegay in muddo 60 maalmood ah gudahood lagu soo gabogabeeyo doorashada, taas oo aan an fulin, iyada oo illaa iyo hadda aanan xitaa la dooranin kala bar xildhibaa nada baarlamaanka.

Labada Deegaan Doorasho

Heshiiskii September 2020-kii waxaa lagu heshiiyay in doorashada lagu qabto labo deegaan doorasho dowlad goboleed kasta, balse illaa iyo hadda ma jirto hal meel oo ay doorasho ka dhacday oo aanan ahayn caasimadaha dowlad goboleedyada.

Waxaa intaasi kasii daran in inta badan magaalooyinka kaalmaha laba ad ku jira ay ka taaganyihiin qalalaaso amni daro ama caqabado kale oo siyaasadeed.

Tusaale magaalada Boosaaso oo loo asteeyay in ay doorashada ka dhacdo ayaa waxaa ka dhacay dagaal ay dad badan ku dhinteen, kuwa kale oo badana ka baro kaceen kadib markii uu dagaal dhex maray ciidama da PSF-ta iyo kuwa Daraawiishka Puntland.

Sidoo kale magaalada Baladweyne ayuu ka socdaa dagaal salka ku ha ya diidmo la xiriirta maamulka HirShabeelle.

Magaalada Garbahaarey ayaanan weli xal rasmi ah laga gaarin, iyada oo uu ka taliyo maamul aanan hoos tagin kan Jubbaland, islamarkaasna gu ddigii doorashada qaban lahaa ay ku suganyihiin Kismaayo, qof ka mid ah na uusan tagin Gedo.

Waxaa xusid muddan in shirkii May ee Madasha laisku raacay qodobo lagu xalinayo khilaafka gobolka Gedo, balse wax ka fuley aysan jirin qodob adaas illaa iyo hadda. XIGASHO:CAASIMADDA.NET

XILDHIBAANADA GALMUDUG OO KA JAWAA BAY GO'AANKII YAABKA



 LAHAA EE GUDDOO MIYAHA

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ciq aabay ilaa 6 Xildhibaan, iyaga oo laga joojiyey kulamada qaar halka la she egay in labo bil aaney qaadan doonin wax gunno ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha golaha Maxamed Nuur Gacal December 30, 2021-kii ayaa sidaa loogu sameeyey xildhibaannada kala ah (1). Xil. Cabdullahi Xersi, oo ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha, (2). Xil. Axmed Cabdirisaq, (3). Xil. Cabdinaasir Aadan, (4). Xil. Cab diqaadir Bariise, (5). Xil. Mursal Maxamed, iyo (6). Xil. Daahir Shiiqow.

Cabdullahi Xeri Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug oo ka mid ah liiska xildhibaannada uu Gacal ciqaabay ayaa isna dhankiisa ku tilmaamay tilaabadan mid sharci darro ah.

Xildhibaan Axmed Yuusuf oo qeyb ka ah xildhibaanna da laga joojiyey fadhiyada iyo gunnada oo la hadlay idea cadda Goobjoogayaa sheegay in tallaabada uu qaaday guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay meel uga dhaceyso kooramka, hannaanka wax ansixinta iyo xataa doorashadii gud doonka.

Axmed Yuusuf oo arrinkan faahfaahinayey ayaa waxaa uu yiri "Baarlam aankan labo sano ayuu dhisan yahay, waxaa kusoo kordhay caqabad oo ah dhacadadii December 28-keeda kaas oo ah in golaha la keenay sharci ga adeegga garsoorka, oo aan soo marin hannaan sax ah sida guddiga joogtada ah ama akhrin hore, waxaa jirtay in ilaa 10 xildhibaan ay saxiixeen warqad ah in ajendaha laga saaro xeerkan, markii laga saaray ayuu Gacal dalbaday in cod la geliyo in sharaciga uu dib soo celin karo iyo in kale, laa kin codeyn la qaaday waxaa ka aamusay ilaa 38 oo ka tirsan 55 xildhibaan oo goobta joogtay halka 17 keliya ay ogolaadeen”.

"Laakin guddoomiye Gacal waxaa uu si iskiis ah u wacay muuqaal baahi yaha isaga oo ku dhawaaqay in codeyn loo qaaday sharciga adeegga gar soorka ay meelmariyeen guud ahaan inta golaha joogtay oo dhan 55 xildhi baan, taasi oo buuqan dhalisay, waxaana isku qabsaday isaga iyo ku xige enka 1aad xildhibaan Cabdullahi Xersi,, laakin waxaa uu u ciqaabay sida in aanu guddoonka kula jirin”.ayuu intaa raaciyey Xildhibaan Yuusuf isaga oo kusoo gabagabeeyey in arrintan ay keeni karto in xildhibaannada ay go’aan ka qaataan sharciyadda guddoomiyaha.

Xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamaanka Galmudug Garaad Yuusuf ayaadhankiisa sheegay in arrinta uu guddoomiye Gacal sameeyey ay tahay mid khatar ku ah dowladnimada isaga oo intaa raaciyey " Baarlamaan wax aa uu ku dhaqmaa xeerar iyo hannaan u deggan, laakin sida uu guddoomi ye Gacal u dhaqmay waa sida fulinta oo kale, oo qofka korjooga uu go’aan iska gaaro”. Garaad Yuusuf oo sii hadlaya waxaa uu yiri "Arrintan waa mid muujiney sa sida ay dowladnimada ay aheyd 5-tii sano ee lasoo dhaafay, waa mid kasoo horjeeda dhaqanka baarlamaanka, xeer hoosaadka iyo nidaamyada anshax marinta, waa sharci darro, waana mid keeni karta halaag iyo burbur ku yimaada hey’ado dhisan”. W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye.


 


Hay’adda gargaarka Naafadda Soomaal iyeed ee DAF oo hirgalisay madbacad lagu diyaariyo qoraallada dadka aragga la'

Hay’adda gargaarka Naafadda Soomaali yeed ee DAF ayaa markii ugu horraysay Soo maaliya ka higrgalisay madbacad lagu diya ariyo dhammaan qoraallada u sahlaya dadka aragga la’ in ay isticmaalaan.

Madbacadan ayaa lagu daabici doonaa buu gaagta dadka aragga qaba ay isticmaalaan ayada oo lagu daabacaayo farta dadka aragga la’ ee loo yaqaano Braille.

Hay’addu waxay sheegtay in ay madbaca dan ugu talo gashay, si loo gaaro yoolka ah in aan cidna laga tagin iyo in carruurta aragga la’ si buuxda u helaan buugaag u diyaarsan hab ka farta Braille ka oo ay u adeegsadaan xaqa ay u leeyihiin in ay helaan waxbarasho loo sim an yahay.

Hay’adda oo ka duuleysa baahiyaha dhan ka waxbarasho ee carruurta aragga la’ iyo dh ibta ay ku qabaan in ay helaan agab waxbara sho oo dhammeystiran ayaa waxa ay u suura galisay ardeyda dhigta jaamacaddaha in ay u daabacdo dhammaan casharada oo loogaga dhigay hab u sahlan islamarkaana ay u awoo daan in ay iyagu aqristaan.

"Waxa aan mar walba ka shaqeyn doonaa inay carruurta aragga la’ helaan buugaag u qo ran hab u sahlaya in ay waxbarashooda ku sii wataan isla markaana aysan dareemin caqab ad ka hor istaagaysa waxbarashooda,” ayaa la gu yiri warbixin kasoo baxday hay’adda garga arka Naafadda.

Hirgalinta madbacadan ayaa kusoo aaday, iyadoo maanta dunidu u dabaal dagayso Maalinta caalamiga ah ee farta dadka aragga la’a ay isticmaalaan ee loo yaqaano BRAILLE.

Braille waa hab qoraal ah oo taabasho ah oo ay isticmaalaan dadka aragga naafada ka ah, oo ay ku jiraan dadka aragga, ama kuwa araggoodu hooseeyo.

Braille waa calaamad taabasho ah oo alifb eetada iyo tirooyinka ayada oo la isticmaalayo lix dhibcood si ay u matalaan xaraf iyo nambar kasta, iyo xataa muusik, xisaab iyo calaamado saynis.

Braille (oo loogu magac daray hal-abuurke edii qarnigii 19-aad ee Faransiiska, Louis Bra ille) waxaa isticmaala dadka aragga la’ iyo ku wa qayb ahaan wax arka si ay u akhriyaan bu ugaag iyo qoraallo xilliyeedyo la mid ah kuwa lagu daabacay far muuqaal ah.

Mareykanka oo joojiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

Warbixin ay soo saartay hay'adda lagu mag acaabo Airwars ayaa lagu sheegay in boqol kiiba 54 ay hoos u dhaceen weerarrada Maray kanka sannadkii ugu horreeyay ee madaxw eyne Biden. Tirada weerarada duqeymaha ee uu Maraykanku ka geysan jiray Afgaanistaan, Suuriya, Ciraaq, Soomaaliya iyo Yemen ayaa hoos u dhacay 439 sannadkii hore, marka loo eego 951 ee 2020, Airwars ayaa sidaas ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay dhawaan. Ilaa iyo hadda waa tiradii ugu hoo seysay ee duqeymaha Mareykanka tan iyo sannadkii 2004. Madaxweyne Joe Biden ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay weerarada cirka ee uu Maraykanka kula dagaalamayo ko oxaha xagjiriinta, kadib markii hay'addaha u do odda xuquuqda Aadanaha ay walaac ka muuj iyeen khasaaraha dadka rayidka ah. Bishii August ee sannadkii hore ayaa ugu dambeys ay duqayn uu Maraykanku ka geysto Soomali ya, waxayna ahayd markii uu duqeeyay sa ldhig Alshabaab ku lahaayeen tuulada Camaa ra ee Mudug ee koonfurta Mudug, halkaas oo ciiddamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka wadeen guluf ka dha n ah Ururka Al-Shab aab.

Ra’iisul Wasaaraha Haiti Oo Isku Day Dil Ka Bad Baaday

Ra’isulwasaaraha dalka Haiti Ariel Henry ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool la gu khaariji rabay, xilli uu ka qeybgalayay muna asabadda xuska xorriyadda dalkaas oo dha cday Sabtidi aanu kasoo gudubnay.

Bayaan xalay kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Henry ayaa lagu sheegay, in isku dayga dil ay ka danbeeyeen "burcad iyo argagi xiso” kuwaas oo isku dayay in ay toogtaan ra’ isulwasaaraha xiili uu ku sugnaa kaniisadda magaalada Gonaives ee Waqooyiga Haiti, hal kaas oo ay ka dhaceysay munaasabadda san nadguuradi 218-aad ee madax-bannaaniada Haiti.

Muuqaal lagu faafiyay bar aha bulshada ayaa muujiyay Henry iyo kaaliyaashiisa oo u ordaya gaadiidkooda, xilli ay rag hubeysani rasaas ka rid ayeen bannaanka kaniis adda.

Warbaahinta Haiti ayaa sheegtay in weera rkaasi ay ku lug leeyihiin koox burcad ah. Hal qof ayaa ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Nin loo heysto in uu gubay xarun baarlama an oo Maxkamad lasoo taagay

Dacwad oogayaasha dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in nin loo soo qabtay inuu gub ayay baarlamaanka dalka Koonfur Afrika, waxaana la gu soo qabtay walxaha qar xa, sidoo kale waxa uu ka dhacay Laptop-yo iyo Maac uun.

Zandile Christmas Mafe, oo 49 jir ah, ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taal Cape To wn, markii ugu horeysay tan iyo markii la xiray, isa goo lagu eedeeyay eedey mo fara badan. Qareenka Mr Mafe ayaa sheegay in uu yah ay "Nin fa qiir ah”, wuxuuna diiday dha mmaan eedeymaha loo soo jeediyay. Dabkii Axaddii ayaa gebi ahaanba baabi’I yay Golaha Qaran ka, ama aqalka hoose, wux uuna si xun u wax yeeleeyay qaybaha kale ee dhismaha taariikh iga ah. Ma jirto cid wax ku noqotay dabkaasi balse waxa uu noqday mid argagax ku abuur ay shacabka. Mr Mafe ayaa ah qofka kaliya ee loo xiray da bkan.

Sicir Bararkii Ugu Ba’naa Oo Laga Soo Sheegayo Dalka Turkiga

Xaddiga sicir-bararka sanadlaha ah ee Tur kiga ayaa kor u kacay in ka badan boqolkiiba 36, waana sare u kacii ugu sarreeyay muddo 20 sano ah.

Qiimaha gawaarida lagu raaco ayaa kor u kacay in ka badan kala bar, iyadoo qiimaha cuntada iyo waxyaabaha daruuriga ahna uu sare u kacay in ka badan boqolkiiba 40.

Sanadkii la soo dhaafay qiimaha lacagta Turkiga ee Lira ayaa ku dhowaad kala bar ho os u dhacay.

Waxay sanakdii hore boqolkiiba 44% ka hoos martay doollarka Mareykanka, haddana maanta ayay 5% hoos u sii dhacday.

Hoos u dhaca lira hayaa qiimaha waxyaabaha la soo dhoofiyo qaali ka dhigay.

Madaxweyne Erdogan ayaa heerka dulsa arka ku tilmaamay inay tahay "hooyada iyo aabba ha xumaanta”.

Khudbad jeediyay ayaa wuxuu ku sheeg ay in Turkiga uu wajahayo isbeddel dhaqaale.

Iran Oo Wacad Ku Martay Inay U Aarg udi Doonto Qaasem Soleimani

Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, oo ka hadlayey sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay dilkii Maraykanku u geystay Jene ra al Qasem Soleimani, ayaa sheegay in madax weynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ay waajib ku tahay inuu wajaho maxka mad ku saabsan dilkaas

Iran iyo kooxaha xulafada la ah ee Ciraaq iyo waddamo kale ayaa sameeyay munaasa bado lagu maamuusayo Soleimani oo ahaa tal iyaha ciidamada Quds, garabka dibadda ee ilaalada Kacaanka ee ciidanka Iran

Waxaa lagu dilay weerar ay fulisay diyaar ad aan duuliye lahayn January 3, 2020 oo ka dhacay waddanka Ciraaq, kaas oo uu amray madaxweyne Trump.

"Haddii Trump iyo (Xoghayihii hore ee arr imaha dibadda Mike) Pompeo aan maxkamad caddaalad ah lagu soo taagin fal dambiyeedka lagu dilay General Soleimani, Muslimiintu wax ay qaadi doonaan aargudasho shahiidnimo ah,” ayuu Raisi ku yiri hadal uu jeediyay Isni intii.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip