
Dab ka kacay suuq ku yaala xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan
Dab xoogan ayaa barqanimadii maanta ka kacay goobo ganacsi oo ku yaala xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Muuqaalo laga soo qaaday halkaasi ayaa muujinaya dabka oo baabi’iyay goobo ganacsi oo lagu iibin jiray raashiinka quutul daruuriga.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in dabku uu cagta mariyay illaa shan goobood, Shaqaalaha Dab Demiskana ay u muuqdaan kuwo haatan xakameeyay fiditaanka dabkaasi.
Qaybta uu dabku ka kacay ayaa lagu sheegay Suuqa Caanaha lagu iibiyo ee xaafadda Sey Biyaano.
Guddiga Suuqa Sey Biyaano ayaa sheegay in dabku uu ka dhashay maaso (koronto) ka kacday timo-jare ku yaala suuqaasi.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inuusan jirin khasaare nafeed oo dabkaasi uu sababay, marka laga reebo burbur hantiyadeed, ayna ku guuleysteen inay baqtiiyaan dabkaasi.
Dabka ka dhasha xargaha korontada ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay suuqyada dalka.




Dab ka kacay suuq ku yaala xaafadda Sey Biyaano ee Degmada Hodan
...