Shan arrimood oo ku saabsan Xuseen Caydiid

0
Wednesday December 29, 2021 - 16:11:34 in Wararka by
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan arrimood oo ku saabsan Xuseen Caydiid

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maalmahan waxaa saaxadda siyaasadda kusoo laabtay Xuseen Maxamed Caydiid oo mar ahaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu caasan, wuxuuna hadda hadal hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada iyo ardaayada Siyaasadda.

Haddaba, dad badan ayaa laga yaabaa in aysan ka warqabin safarkii siyaasadda , inaga oo qoraalkan kaga hadlayna shan arrimood oo ku saabsan siyaasigan.

Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo uu dhalay hoggaamiyihi hore ee ururka USC/SNA General Maxamed Faarax Caydiid wuxuu dhashay 16-kii August 1962-kii.

Isaga oo 17 jir ah ayuu Mareykanka u hayaamay isaga 1981-kii ka qalin jabiyey dugsiga sare ee Pico Rivera ee ku yaalla gobolka California ee dalka Mareykanka.

Xuseen Caydiid muddadii uu siyaasadda Soomaaliya ka dhex muuqday waxyaabaha sida aadka ah looga xusuusto waxaa ka mid ah fikirkiisi ku aaddanaa midnimada dhuleed ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Iyada oo loo badinayo waxyaabaha ugu weyn oo xilalki uu dowladda ka hayay inuu ku waayey ay ka mid tahay.

.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Sida uu xilka aabbihii ugala wareegay

Xuseen Caydiid markii uu aabbihii geeriyooday 1996-kii wuxuu la wareegay xilka guddomiyenimada ururkii SNA- USC ee uu madaxda ka ahaa aabihiis.

Markii dhimashadii Caydiid laga joogo 2 maalmood oo keli ah ayuu ururkii SNA iclaamiyey in guddoomiyaha uu noqoday Xuseen Caydiid.

Waxaana Xuseen Caydiid loo doortay booskii aabbihii 6 August 1996-kii, isaga oo garoonka weyn ee magaalada Muqdisho kula hadlay taageerayaashiisa oo 30 kun oo qof kor u dhaafayay sida ay tabisay wakaaladda wararka ee AP.

"Walaalayaal waxaan halkan isugu nimid waxa ay guumeystayasha ama addoonsigu sameynayaan. Waxaan sida oo kale halkan isugu nimid inaan muujinno sida aan uga murugoonno hoggaamiyaha aad jecleydeen. Inta isu imaatinka soo qabanqaabisayna waan u mahadcelinayaa. Soomaaliya Ha noolaato, cadowga Soomaaliyana ha dhaco" ayuu yiri Xuseen Caydiid oo waraaq ka kicinaya qoraal Af Soomaali lagu diyaariyay.

Bishii February 1997-kii wuxuu isu magacaabay inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya. Wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu dib u dhiso dalka uu madaxweynaha ka yahay oo ay dagaalladu burburiyeen. Taageerayaasha SNA ayaa aabihiis Jeneraal Caydiid horey ugu doortay in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

"Dowladda ku meel gaarka ah ee anigu madaxweynaha ka ah waxay albaabbada u fureysa cid kasta oo qayb ka noqoneyso dibu heshiisiinta qaran ee aan billaawnay 1994-kii ee horseeday 15 kooxood iney isku yimaaddaan aabbahayna ay madaxweyne ka dhigtaan. Heshiiskaasi oo ay ka maqnaayeen USC garabka waqooyiga Muqdisho haysta iyo SNF. Marka guud ahaan qabaa'illada iyo gobolladaba wey u dhannaayeen" ayuu yiri Xusen caydiid.

.

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Xilalkii uu Soomaaliya ka soo qabtay

Xuseen Caydiid oo ah siyaasi rug caddaa ah oo in ka badan ka soo muuqday siyaasadda Soomaaliya wuxuu soo qabtay xilal dhowr ah. Xilalkaasi oo uu ka soo qabtay Dowladdii Federaalka ee ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya xilalkaasi oo kala ahaa:

Ra'isal wasaare ku xigeenka dowladdii ku meel gaarka ee Soomaaliya inti u dhaxeysay May 2005 ilaa iyo 13-May 2007. Balse 6-dii Agoosto 2007-dii baarlamaanka dowladda ku meel gaarka ahayd ayaa xilkii ka qaaday Ra'isal wasaare ku xigeenka Xuseen Maxamed Faarax Caydiid isaga oo lagu lagu eedeeyey xil gudahso la'aan.

Xuseen waxa uu sidoo kale ahaa wasiirka arrimaha gudaha inti u dhaxeysay 2005- 7-da Febraayo 2007.

Wuxuu kale oo uu noqday Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynatana 7-da bishii Fabrayo ilaa iyo December 2008.

Ciidamada keydka ee Badda dalka Mareykanka

Bishii April 1987-kii wuxuu Xuseen Caydiid uu ka mid noqday ciidamada keydka ee Badda dalka Mareykanka. wuxuuna soo qaatay tababarro la xiriira howlaha gurmadka dabdamiska.

Wuxuuna ka qayb qaatay dagaalkii Ciraaq lagu qaaday oo 35 dowladood isu xulafeysteen Mareykankana uu horkacaya kaddib markii ay dowladdii Saadaam Xuseen ay qabsatay dalka Kuwait.

Sanaddi 1992-kiina wuxuu ka qayb qaatay howlgalkii rajo soo celinta uu Mareykanka ka fuliyey Soomaaliya iyada oo ay howshiisu ahayd tarjubaannimo maadaamaa uu ahaa shaqsiga keli ah ee ciidamada badda ka tirsan xilligaa oo afsoomaali garanayey. Waxaa xusid mudan in xiligaas uu aabihiis ahaa qofka ugu weyn ee ay Maraykanka doondoonayeen.

Kaddibna ciidamada ayuu ka rusqeystay oo wuxuu noqday qof shacab ah oo ku nool dalkaasi Mareykanka. Mudo yar kaddibna wuxuu soo aaday dalka Soomaaliya si uuu u buuxiyo booskii aabbihii uu ku lahaa siyaasadda Soomaaliya gaar ahaanna ururka USC/SNA.

Xuseen Caydiid xilliyadii uu siyaasadda Soomaaliya uu ku cusbaa oo Mareykanka ka soo laabtay wuxuu sheegay inuu joogitaanka Soomaaliya wax badan uu ku waayey uuna u xiisay noolashii Mareykanka.

"Waxaan waayey noolashii aan ku haystay Mareykanka oo reer ayaan lahaa inkasta oo ay xaaskeyga Mareykanka ku laabatay balse xaaladaha wakhti xaadirkan Soomaaliya maanta ka jira waxay u baahan yihiin wax ka qabasho aad u badan. waaya aragnimada ay u leeyahay xalinta dhibaatooyinka".

Hadalki uu Xuseen Caydiid xilka ku waayey

Xuseen Maxamed Farax Caydiid Caydiid oo dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaalia Ra'isal wasaare ku xigeen ka ahaa ayaa xilka laga qaaday 2007-dii.

Xilli uu isku ahaa Ra'isal wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya wuxuu sheegay iney Itoobiya iyo Soomaaliya ay walaalo yihiin xadna ay lahayn xadkana la baabi'inayo hal baasboorna la yeesho.

Xuseen waxaa uu yiri: "laba malyan oo qaxootigeena boqolkii 60 Ethiopia ayeey joogaan, baasaboorka Ethiopia ayeey qaateen, dhulka Ethiopia ayeey ku nool yihiin, dibaday ku aadaan, way ka soo laabtaan, xoolo dhaqatada waa galaan, waa ka soo laabtaan, haye xudduud laba kun oo kilomitir ayaa isla leenahay, xudduudaas in aan baabi'naan rabnaa xitaa, maxaa yeelay walaalaan nahay wax noo dhaxeeya ma jirto, hal baasaboor, hal ciidan, amaanka iyo hal dhaqaale in aan suubsanaan rabnaa."

Hadalkaas ayaa waxaa ka dhashay falcelin tabban oo dhanka dadweynaha.

Xuseen Caydiid, oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii ugu horeeyay ee si toos ah dagaal ula galay ciidamada Ethiopia, kadib markii ciidamo RRA ee deegaanka Baydhaba oo kaashanaya kuwa Ethiopia ay ciidamadiisa xoog uga soo saareen magaalada Baydhaba, ayaan soo hadal qaadin arrintaasi iyo guud ahaan dagaaladii ama cadaawadii horay u dhexmartay labada dal ee Ethiopia iyo Soomaaliya.

Hadalka Caydiidna gudaha Soomaliya waxay ka abuurtay walaac ah in dowladdii Soomaaliya ee xilligaa jirtay ay qorsheyneyso inay ku darto Gobolka Soomaalida Itoobiya.

Dagaalki uu maxaakiimta la galay

Xuseen Maxamed Faarax Caydiid wuxuu dagaal la galay Maxakiimti Islaamka uu hoggaaminayey Sheekh Shariif Shekh Axmed oo Soomaaliya uga aasaasmay waxay ku sheegeen soo celinta sharciga iyo kala dambeynta.

Xilligi uu dhacay dagaalkii weynaa ee dhexmaray Maxaakiimta Islaamka iyo Dowladda ku meel gaarka Xuseen Caydiid wuxuu ahaa Ra'isal wasaare ku xigeen.

Ciidamada dowladda ku meel gaarka ahna waxay xilligaasi kaashanayeen kuwa Mareykanka oo duqeymo dhinaca cirka ah ka caawinayey.

"Mareykanka weerarro dhinaca cirka ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo alqaacida ay leeyihiin ayey Koonfurta Soomaaliya ka fulinayaan. Waxaanna jeclaan lahaa duqeymahooda iney si degdeg ah u soo gabagabeeyaan si ay arrintu ula mid noqon duqeymaha ay Ciraaq iyo Afghanistaan ka fuliyaan" ayuu yiri Xuseen caydiid oo xilligaa u warramay barnaamijk BBC ee Network Africa.

December 28, 2006, markii laga adkaaday Maxkamadihii Islaamka, Ceydiid wuxuu joogay markii ay Muqdisho soo galeen ciidamada dowladda.

Ciidamadi dowladdii ku meel gaarka ahayd oo ay horkacayeen kuwa Itoobiya oo Koonfurta Soomaaliya inteeda badan ka saaray maxaakiimta islaamka ayuuna la socday uuna ka mid ahaa siyaasiyiinti horkacayey.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip