Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Villa Somalia ee maanta- Maxaa soo kordhay?

0
Monday December 27, 2021 - 10:48:19 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Villa Somalia ee maanta- Maxaa soo kordhay?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 Magaalada Muqdsho ee caasimada Soomaaliya waxaa si xoogan looga dareemayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya, taas oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Xiisadda ayaa kasii dartay, markii uu xalay saq-dhexe Farmaajo uu shaaciyey inuu shaqo ku joojin ku sameeyey Rooble, oo uu ku eedeeyey musuq-maasuq iyo ku tarfal awoodeed.

Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee ay muddada xil heynta ka dhammaatay oo ka hadlay talaabada uu qaaday Farmaajo ayaa wuxuu ku eedeyey in xalay iyo saaka uu xiray dhamaan jidadka soo gala dhismaha xaruta madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in irida SYL ee laga galo Villa Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha lagu gooyey Beebayaal, sida uu hadalka u dhigay.

"Xalay ilaa saakay jidadka soo gala madaxtooyada caro ayuu ku gooyay. Irida SYL ee madaxtooyada laga galo iyo xaafiiska PM-kana Beebeyaal ayuu ku gooyay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey "Rooble iyo xigtadiisa hoose ee qaylodhaanta keeni lahaana wali waa ganbanyihiin,”.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana xaaladdu ay u muuqataa mid haatan kasii dareysa, iyada oo lagu jiro xilli adag iyo marxlad doorasho.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ah ee ka dhalatay khilaafka doorashooyinka, waxaana haatan laga digayaa inuu dalka galo dagaal sokeeye.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Villa Somalia ee maanta- Maxaa soo kordhay?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip