Somalida Kirishtaanka Ah

0
Friday December 24, 2021 - 22:19:17 in Wararka by
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalida Kirishtaanka Ah

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

waxaa jiro Dad Somaliya oo heysto Diinta Kirishtaanka iyo Diima kale kuna nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa iskuna guursado Diinta kirishtaanka, ( F.S: 1, 2 & 3aad) waxa eyna leeyihiin Ururo,TV iyo Habab kale oo ey u isticmaalaan Baraha Bulshada iyo Bible-kii oo lagu Tarjumay Af Somali ( F.S: 4, 5& 6aad). Dad fidiyo iyo kuwo lagu Fidiyo ( F.S: 7- 11aad)Saddax Su’aal ayaa kugu soo dhecee: Sideey ku bilaawdeen?. Heerarkee ey soo mareen?. Hadda Xaalkoodu waa sidee? Aan u gudubno Sadaxda Jawaabood.

         Waxaan nahay Dad Muslimiin ah, Diinta ugu Xuriyadda Badan. Dad aan Muslimiin aheyn wey ku dhax noolaan karaan Mujtamac Islaam ah, Naftooda iyo Xoolahoodana waa loo dhowraa. Shuruudo badan ayaan jirto waxaana ka mid ah: in eynan aheyn Dad Hore islaam u ahaa oo ka baxay, kuwo Dadka Islaamka ku dhax faafinaa Diin kale iyo Shuruudo kale Masiixiyiintu waxa ey ku doodaan, Islaamku Somaliya waxa uu soo gaaray Qarnigii 14aad. taasi waa been.waxaa kale oo ey leeyihiin: Islaamka ka hor waxaa jiray Somali aheyd Kiristiaan Mad-habta ” Orthodxy”. Somalida hadda ah Kiristiankuna waxa ey u badan tahay Mad-habta "Catholic” ,waana Bantu kuwaa oo ah Bulshada laga tirada badan yahay ( Taasina waa been, Culimada Somalida ugu waaweeyn waxa ka mid ahaa Bantu, tira ahaanna Bantu ma ahan Dad laga tira badan yahay). 

      Bantu iyo Jareertu waa labo, kuwo Asal ahaan Dalkaan u joogay iyo kuwo wakhtigii ka ganacsiga Adoonta laga keenay wadamo kale.waxa ey leeyihiin Mad-habta "Catholic” waxa ey si rasmi ah Somalia u soo gashay Dabayaaqadii Qarnigii 19aad, waxaana hor kacayay Masiixiyiin Talyaani ah oo Muqdisho iyo Wabiga Shabeele degay kuwaa oo ka tirsanaa ( Trinitarian Fathers).Sanadkii 1895 waxaa la xureeyay 45 Bantu ah, waxaana xureeyay Maamul hoos tagay ( Chartered Catholic Company – Filonardi) kuwaa oo la kirishtaameeyay, waa markii la bilaabay ololaha la dagaalanka Adoonta ee uu Horsacday Mr. Luigi Robecchi Bricchetti. Markii Talyaanigu uu Ingriiska kala wareegay Juba land, Adoontii ingriisku xureeyay ayuu Talyaanigu Beeraha u isticmaali jiray, kadibna isla iyagii ayuu ka dhigtay Shaqaale Adoon ah.Kanisadda "Catholic Cathedral” ayaa Xamar laga dhisay Sanadkii 1928dii markii uu sidaa Amar ku bixiyay ” Cesare Maria De Vecchi” oo ahaa Gofernarkii Talyaniga u joogay Somalia kaa oo hormarinayay Mashruucii ” Missionari della Consolata” ee Kirishtaameynata Dadka Somalida. Kanisadaa oo aheyd sanadihii 1930 meeyadii tan ugu weyned Africa, waxaana la burbiriyay 1991dii. ( F.S: 12aad) tii Hargesana waa la burburiyay in kasta oo Dib loo dayac tiray ( F.S:13- 15aad)Madixii kiristianka Xamar "Bishop Franco Filippini” waxa uu yiri: sanadkii 1940 kii Xamar waxaa joogay 40,000 Qof oo ahaa Somali Kirishtiyaan aheyd waana mid ka mid ah Shaqadii aan ka qabtay Juba iyo Shabeele, shaqadaasi waxa ey hoos u dhacday Dagaalkii 2aad ee Aduunka , Dadkaana Badankoodu waxa ey ahaayeen Bantu iyo kumanyaal ah Caruur si Sharci daro ah ey isaga dhaleen Wiilal Talyaani ah iyo Gabdho Somali ah, kuwaa oo la siiyay dhalashada Talyaaniga sidaa ayuu yiri Bishop Franco.Sanadkii 1950 ayaa "Mr. Indro Montanelli” waxa uu ku qoray wargeyska ” il Borghese” in Sanadkii 1942dii ey Mogadishu ku noolayeen 90,000 Qof kuwaa oo 40,000 ka mid ihi ey ahaayeen Talyaani. tirada 50,000 Qof ah ee soo hartayna ey Somali ahaayeen, kuwaa oo 7000 Qof oo ka mid ahi ey ahaayeen Kirishtaan marka lagu daro kuwa iska dhalka ah. 

       waxa uu leeyahay Wakhtigaa 5tii Qof ee Xamar joogto 3 ka mid ah ayaa kirishtaan aheyd. ( waxaan u maleeynaa Anigu in tirada uu sheegay, Baadarigu in ey tahay tiro laga badbaadiyay si uu u qanciyo Madaxda Kaniisadaha oo dhaqaale badan loo siiyo)Tobankii sano ee Xuriyad gaarsiinta 1950-1960 Talyaanigu waxa uu aad isagu bedbdedalay Wakiiladiisii markii uu dareemay in Somali Xur ahi eyna ogolaa doonin kirishtaameyn waxa uuna magacaabay Madax wax bedeli karto sida: Giovanni Fornari 1950-1953. Enrico Martino 1954 -1957. Ernico Anzilloti 1957-1958 iyo Mario Stefano 1958-1959.Wargeyska ugu weyn kaniisaha ee "Vatican News” ayaa qoray: Catholic-gu hadda waxa ey ku joogaan Somalia Magaca Hayado Samafal ( Caritic-Naxariis- ” Mercy”). si ey Arimaha Beni aadannimada uga caawiyaan Dadka dhibaateysan gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta, waxaan caawinay Dadkii Dalbeylaha waaweyn ey ku dhufteen Sanadkii 2020, kuwaa oo dhamaa 3,500 Qof ee Gobalada Punt land iyo Waqooyi Galbeed mana aheyn Howl fudud bacdamaa deegaanka ey joogaan Jihadiistayaal.Mar kale "Vatican News” ayaa qoray, in Bishop Bertin uu yiri: Somalia waxa ey aheyd Dad ogol in Diinta lagala doodo, weligoodna ma aheyn kuwo Cadaawad noo muujiyo, si wanaagsan ayeeyna noola dhaqmi jireen wakhtigii Kacaanka (1969-1991) iyo mudadaa wax yar ka horba, Xaaladuna wey noo wanaagsaneed intii eynan imaan Wadaado rabo in la dhiso Bulsho Islami ah rabana in Bulshada lagu dhaqo Shareecada Islaamka, Laakin Siyaasiyiintu naguma kacsaneeyn.Hadda Masiixiyiinta Somalia ku nool aad ayey u yaryihiin waana ilaa 1000 Qof taa oo ka dhigan 0.01% Tirada Dadka Somalida. Sanadkii 2004 Kirishtaanka inta Mad-habta Catholic heysato waxa ey ahaayeen 100 Qof. Somali land waxaa joogo 100-200 Qof iyo Dad ka yimid wadamada deriska oo si qarsoodi ah u cibaadeysto, in kasta oo loo ogolyahay in ey guryahooda ku dhax Cibaaseystaan.Bishop-ka Somali land waa ka warqabaa Dhibaatada Siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee heeysato Masiixiyiinta Somali land (the Somali Catholic Community ) kuwaa oo aad u yar.Dhinaca kale Mar kale "Vatican News” ayaa qoray in "Bishop Giorgio Bertin” oo noloshiisa markiisii horeba u hibeeyay kana mid ahaa kooxda ” Franciscan Missionary” kadibna noqday Bishop kii Jabuuti iyo "Apostolic Adminstrator of Mogadishu” eyna hoostagaan Masiixiyiinta Somali land ayaa yiri: Somali land Masiixiyiintu dhib ayey ku qabaan in ey Cibaadeystaan Dhinaca kale "World Watch Monitor” ayaa tiri: Somaliya oo ah Dal aan Dowlad leheyn waxaa ku soo Xoogeystay Al Shabaab waxa eyna leeyihiin Dalka waxaan ka xureyneynaa Masiixiyiinta.in ka badan 30 Qof oo waayeel Kiristiaana ah ayaa Mogadishu khatar ugu jiro kooxa hubeysan oo Islaamiyiin ah iyo Xatta Dad qaraabadooda ah sida lagu qoray "Catholic News Agency Fides” Waayeelkaa Waalidiinta ihi waxa ey leeyihiin Ubadkeenii dhashay 1990 Kadib, ma fahmayaan Masiixiyadda Waalidkood aaminsanyahay, waalidiintuna khatar ayeey ugu jiraan kuwii ey dhaleen iyo kuwii ey sii dhaleen oo Awoowayaalka ey u yihiin, kuwaa ayaana ugu daran, weliba qaarkood waxaa dilay Caruur ey Awoowayaal u yihiin. Dhinacyo badan ayaa laga soo galayaay si loo gaaleeyo Dadka Muslimiinta ah, dhaqanka, dhaqaalaha iyo Siyaasadaba, waxyaabihii Islaamku na faray ayaa marka hore laga hortaagaa, guud ahaana Gaaladu ma ogolo in shareecada Islaamka lagu dhaqmo. Muqdisho ilaa 4 xaafadood ayaa ugu badan. in kasta oo Magaalada ey ka jirto anshax xumo Diinaha kale ey ka xishoodaan, Howlaha Diin fidinta iyo Miisaaniyadda loogu tala galayba waa sii kordhayaan.waxaa la yiraa: Haddii Anbiyadii Alle oo dhan la soo celin lahaa, Kitaabka kaliya ee Rasuulkii loo soo dhiibay uu u imaan lahaa isaga oo sideedii ah waa Kitaabka Qur’aanka, inta kale waxbaa laga bedelay si ula kac ah ama tarjumida iyo Luqadii ey ku soo degatay ayaa is bedelay oo aan Maanta lagu hadal ama si kale loogu hadlo.Weliba sii ogow, oo Adiguba Cilmi baaris dhab ah ku sameey, Somalida Yuhuud ah oo ka badan kuwa Kirishtaanku, muddo 30 sanno ahba waxa ey dhaqaale iyo taakuleeyn joogta ah ka helayeen Jaaliyada Yuhuuda ee Milano – Italy iyo kuwa kale.Kaba darane, waxaa markii ugu horeeysay Dalka soo Gaartay Diin ka daran tan Yuhudda iyo Kirishtaanka oo markii ugu horeeysay Aduunka lagu arkay dhowr Boqol Sano ka hor eyna Alifeen Siyaasiyiin Reer Galbeed ahaa.FG: waan ogahay in qoraalkaan uu khatar igu yahay eyna ka caroonayaan Somalida kirishtaanka ah iyo kuwa rabo in ey wax kirishtaameeyaan, Laakin Aniguba Xaq ayaan u leeyahay in aan Bulshadeyda la wadaago ogaalkeyga, wixii Bulshada ka dhax jiro, Runtana la isaga sheego. waxaa muuqdo qaar ka mid ah Calaamadihii Aakhiro samaanka, ku adkeeyso Diintaada Islmaaka. Allaah ayaa Suuratul Baqara Aayadda 28aad Nagu yiri: Sideed ugu Kufrineeysiin Allaah oo Adinkoo aheydeen Meyd idin nooleeyay, kadibna idin Oofsaday, kadibna idin soo nooleynayo, kadibna xagiisa aad u noqoneysiin. ( F.M: 16aad).FG: wixii iga khaldan iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.Qore: Yahya Amir+12





Xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip