
Cabdi Xaashi Oo Ku Baaqay In La Isugu Yeero Aqalka Sare, Si Ay U Doortan Guddoon
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in lagu dhawaaqo natiijada guud ee doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, si loo qabto fadhiga ugu horreeya.
Cabdi Xaashi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku dalbaday maadaama la dhammeystiray doorashada xubnaha Aqalka Sare inay doortaan Guddoon iyo Guddi hoosaadyadooda, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna gacan ka geystaan samata bixinta marxalada adag ee uu dalku marayo.
Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ee dowladda ayaa waxaa uu sheegay in muddo xileedka Madaxweynaha ay tahay afar sano, sidaas darteed uu muddo xileedkiisa ku ekaa Madaxweyne Farmaajo 7 Febraayo 2021.
Khilaaf ayaa xoogan ayaa haatan u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkisia dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana labada dhinac la kala saftay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada.
Hoos ka Akhriso Qoraal uu soo saaray Senator Cabdi
Xaashi…
Cabdi Xaashi Oo Ku Baaqay In La Isugu Yeero Aqalka Sare, Si Ay U Doortan Guddoon
...