Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saaka Xiran

0
Saturday December 25, 2021 - 06:15:35 in Wararka by
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saaka Xiran

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Aroonimadii Saaka waxaa ay xireen qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee Magalada muqdisho, iyaga oo u diidaya Gaadiidka daweynaha iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay iyo Mooto Bajaajta inay wadooyinka qaar isticmaalaan.

     Wadooyinka muhiimka ah ee Maanta xiran ayaa waxaa kamid ah qeybo kamid ah waddada Maka-Almukarama,Waddooyinka soo gala degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi iyo Waddada Isgoyska Jubba, iyada oo lagu arkayo Ciidamada Dowladda oo u diidaya isticmaalka gaadiidka kala duwan.

      Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ay inta badan fasaxayaan Basaska wada Ardayda Iskuulada u socda iyo gawaarida lagu wado dadka xanuunsan, hayeeshee Gaadiidka caadiga ah ee dadweynaha loo diidayo inay waddooyinka qaar maraan.

      Maanta oo ay taariikhdu tahay 25-ka December waxaa lagu wadaa in loo dabbaal dego maalinta Aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo dib loo dhigay muddo Shan maalmood ah, waxaana lagu wadaa in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip