HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 22-KA DEC. 2021-KA

0
Wednesday December 22, 2021 - 08:36:06 in Wararka by
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 22-KA DEC. 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
Madaxweyne Farmaajo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Ista nbuul kaga qayb galay Shirweynihii Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Dalalka Afrika.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbuul wa xaa uu kulan la qaatay Madaxwey naha Turkiga Md. Reccep Dayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqa alaha, ganacsiga iyo siyaasadda, sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Shirweynaha oo ay ka mid ahaay een Madaxweyneyaasha Dalalka, Ruwaanda Md. Paul Kagame iyo Liibiya Mudane Maxamed Al-menfi.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee u dhaq an dalka Turkiga iyo Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo takhasusyo sare ku samaynaya Isbitaallada Dalkaas, isaga oo ka dhegeystay war-bixinno ku saabsan xaaladdooda nololeed.
RW Rooble oo shir isugu yeeray Golaha wadatashiga Qaran
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka inay isu gu yimaadaan shir looga hadlayo arrimaha doora shooyinka dalka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska R/Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay in Shirkaan 27-ka bishan December, 2021 ka dhici doonalo magaalada Mu qdisho, loogana arrinsanayo dar dar gelinta geeddi socodka, toos inta iyo dhammeystirka doora shooyinka dalka.
Golaha wadatashiga Qaran oo ka kooban R/ Wasaaraha, Madaxda Shanta D/Goboleed & G/ G/Banaadir ayaa dhowr jeer yeeshay kulamo lo oga hadlayay Arrimaha doorashooyinka, kuwa as oo qaarkood lagu gaaray heshiisyo ku saabs an arrimaha doorashooyinka.
Shirka uu R/Wasaaraha isugu yeeray Golaha wadatashiga Qaran ayaa kusoo beegmaya xilli cabasho badan ay ka timid doorashooyinka Golaha Shacabka
Farmaajo Oo Farriin U Diray Ardayda Soom aaliyeed Ee Takhasuska Sare Ku Qaadana ya Turkiga
Madaxweynaha JF/Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa qaabilay Dhakhaatiir Sooma aliyeed oo ka tirsan Isbitaalka Tababarka iyo Cil mibaarista ee Erdogan Muqdisho, kuwaas oo takhasus sare ku qaa danaya isbitaallada dal ka Turkiga. Madaxweynaha oo ardayda la wadaagay dardaaran guud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay fursaddan waxbarasho ee ay heleen, baahida caafimaad ee ka jirta dalka, dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan la tacaallidda xanuun ka COVID-19 iyo dib-u-habaynta adeegyadii caaf imaad ee Dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhakhaatiir ta ku boorriyey inay ka faa'iidaystaan fursadaha aqoon kororsiga ah ee ay heleen, si ay mustaq balka ugu anfacaan dalka iyo shacabka Soomaal iyeed, una daboolaan baahiyaha caafimaad ee ka jira Dalka. "Baahi caafimaad oo weyn ayaa ka jirta dalkeenna, shacabka iyo dowladda Soomaa liyeed waxa ay idinka sugayaan in aad dalka uga faa'iideysaan aqoontan aad barateen, iskana ilaa lisaan waxyaabaha duufsada qaar ka mid ah ard ayda Soomaaliyeed ee waxbarashada u soo aada dibadda oo uu tahriibku ka mid yahay."
Dhankooda, dhakhaatiirka ayaa Madaxwey naha Jamhuuriyadda uga mahad naqay soo dho waynta diirran iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu u fudiyey, iyaga oo soo bandhigay sida ay u ga go'an tahay in ay dalkooda uga faa'iideeyaan aqoonta iyo waayo aragnimada ay ka heleen dalkan.
Duqa Boosaaso Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Magaaladaasi
Duqa M/Boosaaso ee xarunta G/Bari Cabdi qani Deera-dile ayaa DFS ku eedeeyay dagaalka ka socda magaaladaasi. Waxaa uu sheegay in dagaalka Shalay ka bilowday Magaalada boosaa sa ay ku lug leedahay Dowladda Soomaaliyam, isagoo sheegay sheegay in Ciidanka Gorgor ay hoobiyeyaal ku garaaceen xaafado ka mid ah Magaalada,kuwaasi oo khasaaro gaarsiiyay dad shacab ah oo guryahooda ku sugnaa.
Duqa Boosaaso ayaa sidoo kale dagaalka, qa xa iyo xaaladda cakiran ee Boosaaso dusha ka saaray Taliyihii Xilka laga qaaday ee Ciidanka PSF ta.
Waxaa uu tilmaamay in uu mas'uul ka yahay dadka waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkaasi iyo dadka danyarta ah ee guryahoodii isaga barakacay manta.
Waxaa sidoo kale uu carrabka ku dhuftay in ay jiraan kooxo shisheeye ah oo dagaalak hurinaya, oo gacan sii naya Ciidanka PSF ta. Tan iyo markii xilkii laga qaaday Talihii Ciidanka PSF ta Puntland waxaa isi-soo tarayay iska hor imaadyada iyo khilaafka Cirka isku sii shareraya ee u dhexeeya Taliska PSF ta iyo Madaxtooyada Maamulka Puntland.
Akhriso:-Ma RW Rooble Ayaa Boob Ku Haya Dhul Ay Leeyihiin Ciidanka Badda Soomaaliya?
Iyadoo Taliyaha Ciidamada badda Sarreeye Guuto Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir uu warbaahinta ku sheegay in mas'uuliyiin sare oo uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare Maxamed Xu seen Rooble ay doonayaan inay dhistaan dhulka ciidanka badda, ayaa waxaa soo baxaya jawaa bo kala duwan oo arrintaasi ay kaga fal celiyeen mas'uuliyiin xilal ka haysa dowladda iyo mas'uul iyiin hore.
Taliyaha Ciidamada Badda ayaa sheegay in Mas'uuliyiinta boobka wadda ay doonayaan in dan shaqsiyadeed loo qaato si looga dhiso dhul lagu nasto, laguna raaxaysto, sida uu hadalka u dhigay, waxaana arrintaasi ay dhalisay hadal hayn we yn. Dadka sida kulul kaga jaabay arrintaasi waxaa ka mid ah Sarreeyo Guud Ba shiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ah Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta, waxaana uu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid meel ka dhac iyo gaf ah,oo lagula kacay Ra'iisul Wasaa raha XFS Maxamed Xuseen Rooble.
Bashiir Goobbe ayaa intaa ku daray in hadalka Taliyaha Ciidamada badda uu arga-gax ku noq day iyo filan waay, taasi oo uu sheegay in ay tah ay arrin aan laga fiirsan sidoo kalena R/wasaar aha uusan wax lug ah ku lahayn, waxaana intaa uu ku daray in aysan jirin wax dhul ah oo boob la gu hayo.
Waxa uu sheegay in ogaanshihiisa dhulkaasi aanu ahayn dhul ciidan. Waxa uu sheegay in dhu lkaasi yahay dhul "yar" oo u dhexeeya xeebta iyo safaaradda Turkiga.
Sarreeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo ah Wasiiru Dowlaha Cusub ee Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Guryeynta, ayaa carrabka ku dhuftay in anshaxa ciidamada aysan ku jirin in sarkaal darajo Ciidan leh uu war baahinta ja eedeeyo madaxda qaranka.
Sidoo kale shaqsiyaadka ka jawabay hadal ka taliyaha Ciidanka badda waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Maxkamada G/Ban aadir Muuse Macalim Maxamed, waxaana uu sheegay in hadalka Taliyaha uu sharciga baalmarsan yah ay, taasi oo uu u soo xigtay Qodobo dastuuri ah.
"Soo tii Sarkaalka dowladda laga doonayay in uu si waafaqsan Qod:19 XHC u maro oo hadii la gu qancana loo marayay waddadi dheereyd goo rmaa la soo gaabiyay yaab iyo dhabana heys.
Tan waaba ka duwantahaye , Saraakiisha Cii dankow u tura Xirfadda Ciidan ee dusha idiin su ran" ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Maxkamada G/Banaadir Muuse Macalim Maxamed.
Eedeynta Rooble ayaa saacadihii lasoo dhaa fay waxaa ay ahayd mid si weyn la iskula dhex-marayay,taasi oo hadal hayn dhalisay, waxaana sidoo kale isi-soo tarayay shaqsiyaadka arrinta asi ka bari yeelayay in Rooble uu ku kacay boob.
Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal kii Ka Dhacay Boosaaso Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay
Wararka aan ka helayno M/Boosaaso ee G/ Bari ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacm een dagaal ilaa iyo hadda ka socda magaaladas.
Dagaalka oo Subaxnimadii hore ka bilowday Boosaaso ayaa u dhexeeya ciidamada amman ka Puntland iyo ciidamo daacad u ah taliyihii ho re ee ciidamada PSF ee madaxweyne Deni uu xil ka ka qaaday.
Sida ay sheegayaan dadka magaaladu daga alka ayaa Shalay abbaaro 4-tii Shalaynimo dib u bilow ayadoo la maqlayo dhawaqa hubka culus oo ka dhacaya duleedka magaalada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka shacab ka ahi ay ka qexeen xaafadaha magaalada qaar kood oo rasaasta ay dhinacyadu isku ridayaan ay soo gaartay.
Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaara ha ka dhashay dagaalka Boosaaso oo la isku ha beensaday, balse wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaaro badan oo isugu jira naf iyo maal ba. Maamulka Puntland ayaa ciidamada PSF ee daacadda u ah taliyaha xilka laga qaaday ku eedeeyey in ay ayagu dagaalka bilaabeen.
Sidoo kale Madaxweynaha Mamaulkaasi Siciid C/Deni ayaa dib ugu laabtay M/ garoowe ee Xar unta u ah D/G/Puntland, walina kama uusan had lin dagaalka Shalay ka dhacay Boosaaso, ee khasaaraha badan dhaliyay.
 
Puntland oo sheegtay in ciidamada Gorgor ay qeyb ka yihiin dagaalka Boosaaso
Iyada oo ay wali xaalad kacsanaan ah ka taa gan tahay M/Boosaaso ayaa maam ulka Puntla nd waxa uu Dowladda Dhexe ku eedeeyey inay qeyb ka yihiin Dagaalka ka socdo Magaalada Boosaaso una dhaxeeyo ciidan ka amar qaato Saciid Deni iyo ciidanka PSF.
Duqa Boosaaso, Cabdiqani Ax med Ismaaciil Deera-dile oo dowl adda u hadlay ayaa sheegey in ci idamada Gorgor ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada Boosaaso.
Duqa Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada PSF oo uu ku sheegay inay yihiin kuwa diiday amarka madaxweynaha Puntland ay dagaalka bilaabeen. Cabdiqani ayaa sheegay in ciidamada uu hoggaaminayo Maxamed Cabdullaahi Diya ano ay diideen waanwaantii socotay sida uu had alka u dhigay, wuxuuna ku eedeeyey inay Magaa lada ku garaaceen hoobiyeyaal si ay u barakic iyaan dadka shacabka ah.
Wuxuu shegay in maamulka Puntland uu ka dhammaaday dulqaadka isla markaasna ay had da diyaar u yihiin inay awood ciidan u adeegsad aan. "Meelaha ay joogaan ayaa loogu tagayaa, hal guri ayay ku jiraan oo ka dagaalamayaan, ho obiyayaal ayay meel walba ku rideen, dhibaatada ay shacabka u geystaan waxaa masuul ka ah ko oxda amardiidka ah" ayuu yiri Duqa magaalada boosaaso.
Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan, iyadoo weli halkaas uu ka socda dagaalka u dha xeeya ciidanka amniga iyo kuwa PSF, waxaana jira dad badan oo shacab ah oo ku dhaawacmay rasaasta la isweydaarsanayo.
Boqolaal qoys ayaa sidoo kale guryahooda u ga barakacay dagaalka socda. Qaar kaloo badan ayaa awooddi la' in ay guuraan, iyadoo jidadkii ka xirmeen.
Dhinaca kale wararkale oo soo baxaya ayaa sheegayaan in dagaalku uu yahay mid faraha looga gubtay ayan haatan xaaladdu tahay in dhanka ciidmada Puntlnad ee dani laga saaray goobo kale iyadoo xaaladdu kacsan tahay ka dib warka dyqa magaalda bixiyey ka gadaal xaalad du haatan ay tahay mid laga saaray xarumaha maamulka dani qaar ka mid ahan ay haatan gac anta ku hayaan PRF-TA Diyaano.
Madaxweyne Deni oo degdeg ugu laabtay Garoowe
Madaxweynaha Puntland, Siciid C/hi Deni ayaa Shalay dib ugu laabtay M/Garoowe ee Xar unta D/G/Puntland. Madaxweynaha ayaa maalm ihii ugu dambeysay ku sugnaa M/Baydhabo, hal kaasoo uu kaga qaybgalay sanad guurada 3aad ee ka soo wareegatay, markii xilka loo doortay Madaxweynaha K/Galb eed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Dib ugu soo laabashada Ma daxweynaha ee Garoowe aya a waxay ku soo aadaysaa, xilli Shalay uu dagaal ka qarxay M/Boosaaso.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay ciidamo u daac ad ah Madaxtooyada Puntland iyo ciidanka la da gaalanka argagixisada ee PSF, waxaana uu yi mid, ka dib markii Agaasimihii Hay'adda PSF, Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano uu ka hor yim id xil ka qaadista uu Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ku sameeyay 24-kii bishii November.
Inkastoo xaaladda Boosaaso ay haatan degan yahay ayaa waxaa dhanka kale laga cabsi qabaa in dagaal hor leh uu dib uga qarxo magaalada, haddii ciidamadu ay weli is horfadhiyaan.
Mareykanka oo war kasoo saaray dagaalka Boosaaso
Dowladda Mareykanka ayaa si adag uga hor timid dagaalka Shalay ka qarxay magaalada Bo osaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo u dhax eeyay ciidamada PSF iyo kuwa Puntland.
Qoraal ay soo saartay Safaaradda Mareykan ka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka Boosaaso, isl amarkaana lagu soo laabto miiska wada-hada llada. "Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg loo jo ojiyo colaadda Boosaaso, laguna soo laabto wa da-hadallada si loo helo xal nabadeed oo laga wada-xaajooday. Sii socoshada dagaalka waxay waxyeelo dhe eri ah u gaysaney saa un Boosaaso iyo shac abkeed," ayaa lagu yiri qoraalka ay Safa ara dda Mareykanka ee Soomaaliya kasoo saar tay dagaalka Boosaaso.
Mareykana ayaa hore uga walaacsana in xiisada ciidanka PSF iyo madaxweyne Deni u dhaxeysa ay isku rogto dagaal, sida Shalay ka dhacday magaalada Boosaaso, taasi oo ciidanka ka weecin karta dagaalkii lagula jiray kooxaha argagixisada.
Ciidamada PSF ayaa waxaa tababara Mare ykanka, si ay ula dagaalamaan argagixisada, ta asi oo ka dhigan in Mareykanka ay aad u dan eynayaan arrintan, kuna qasban yihiin inay soo faro-geliyaan.
Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, Safaaradda Mareykanka ayaa labo jeer la had ashay madaxweynaha Puntland Saciid C/hi Deni, tan iyo markii ay xiisada soo kala dhex gashay Saraakiisha PSF, iyadoo ku amartay inuu xal aan xabbad aheyn u helo xiisadda.
Madaxweyne Deni ayaa u muuqda mid iska dhago tiray dalabkii Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, kaasi oo ku aadana in laga baaqsa do wixii Shalay ka dhacay Boosaaso, hase yee she uu door biday dhaqan gelinta wareegtadii xil ka qaadistii agaasimaha ciidankaas.
Ciidamada PSF iyo kuwa Puntland ee taabac san Deni ayaa dagaal saacado socday Shalay ku dhex-maray magaalada Boosaaso, kaasi oo uu ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo kala ga aray dhinacyadii dagaalamayey iyo dad Shacab ah.
Dagaalka oo barqanimadi Shalay ah ka bilow day Boosaaso ayaa lagu soo waramaya in illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen Saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin Shacab.
Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidam ada Puntland ay dhankooda uga dhaawacmeen 6 askari, halka kuwa PSF uu dhaawac ka soo gaaray 8 askari, dadka shacabka ah ee dagaalka ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale la sheeg ay inay tiradoodu gaareyso 7 qof.
Maamulka magaalada Boosaaso ayaa dhank ooda ku eedeyay in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamada Gorgor ee dolwadda feeraalka Sooma aliya, islamarkaana ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada.
Arrimahan ayaa imanaya xilli ay guul-dareyste en wada-hadalo muddooyinkii ugu dambeysay lo ogu jiray in lagu soo afjaro xiisada Boosaaso, ka dib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen go'aanno kasoo baxay Isimada.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Talyaaniga
Wasiirka wasaaradda arrimadda Dibadda iyo isk aashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya Md. Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Shalay magaalada Rome ee dalka Taly aaniga kula kulmay wasii rka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Luigi Di Maio.
Kulanka Labada wasiir aya a looga hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dal ee saaxiibadda ah, iyagoo ku heshiiyey in la dardar galiyo arrim aha muhiimka ah ee faa'idada u leh labada dhin ac sida waxbarashadda, is dhaafsiga dhaq anka iyo horumarka.
Hawlgalka Midowga Afrika Ee Soomaaliya Oo La Kordhiyay
Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay ay aa muddo saddex bilood ah ku kordhiyay howlg alka midowga, taas oo ah wakhti siineysa wadah adalka dib u habeynta howlgalkaas.
"Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caa lamka, wuxuu Goluhu go' aansaday inuu oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMI SOM) ilaa 31-ka Maarso 2022" ayaa lagu yiri Bay aan uu soo saaray Golaha Ammaanku kadib shirkii Talaada Shalay.
Bayaankan ayaa sii raaciyay "Wuxuu Goluhu oggolaaday in AMISOM ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka dowl adaha ka qeyb galaya ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo ay ku jiraan sharciyada bini'aad antinimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo qarannimada iyo mad axbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda, sida ku cad faqradaha 12 iyo 13 ee qaraarkii2568 (2021)"
Dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa si weyn iskugu khilaafay qaabka uu yeelan doono hawlgalka nabad ilaalinta ee AMIS OM wixii ka dambeeya sannadkan, waxaana Mid owga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawl galka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Q/ Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo dowladda Somalia ku gacan-seyrtay.
Soomaaliya ayaa dhinaceeda wadda hirgelin ta qorshe ay ugu magac dartay STP oo ah Qor shaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigee da, waxaana dhawaan la hirgaliyay guddi ka koo ban DFS iyo maamul gobolyeeyada, kaas oo qii meyn ku sameynaya qorshahan.
Madaxweyne Qoorqoor oo Booqday Beerta Baydhabo oo booqasho ku joogga Magaalada Baydhabo ayaa gelinkii dambe ee Shalay booqday Beerta Baydhabo
Madaxweynaha Galmudug oo uu wehliyo Madaxweynaha K/Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa halkaasi kula kulmay qaybaha bulshada.
Dadka uu halkaasi kula kul may Madaxweyne Qoorqoor wax a ka mid ah Madaxweyne Kuxige enkii hore ee Galm udug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey).
Beertan oo ku taala Maanya-fuulka Baydha bo ee Bariga M/ Baydha bo ayaa ka mid ah goo baha ay dadku u nasashada taga an, xilliyada fasaxa, waqtina ay ku qaataan.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa Axaddii M/ Ba ydhabo kaga qaybgalay sanad guurada 3aad ee ka soo wareegatay, markii xilka loo doortay Mad axweyne Lafta-gareen
Guddiga Gurmadka Deg-Dega Ah Ee Soom aaliya Oo Shalay Muqdisho Looga Dhawa aqay.
Guddiga gurmadka degdegga ah oo ka koo ban Ganacsatada, Culimada iyo Rugta gana csiga ayaa Shalay lagu daah furay magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn waxaa munaasaba da ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga, ahna Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa sheegay in ujee ddada loo aasaasay guddigaan ay tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen abaaraha baahsan ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada soomaa liya, kuwaas oo galaaftay Dad iyo duunyo.
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Nuur oo ah Gudoom iye Ku xIgeenka Dahabshil Group ahna xubin ka mid ah Guddiga ayaa faahfaahiyey waajibaadka saaran gudiga & in kaalmo degdeg ah lala gaaro dadka ay abaarahu ku habsadeen kana baab'I yeen dalagyadii ay beerteen & xoolihii ay dhaq anayeen.
Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga iyo warshedaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cab dullaahi Aaden Galaanbi, ahna guddoomiye ku xigeynka guddiga ayaa ku baaqay in ay gan acsata Soomaaliyeed door lixaad leh ka qaataan gurmadka loo fidinayo umadda soomaaliyeed.
Sheekh bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah culi mada Soomaaliyeed xubinna ka ah ahna Gudo omiye Ku xigeenka Gudiga ayaa umadda Soom aaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gar gaarka loo fidinayo dadka ay abaaruhu sameeyeen.
Guddigaan ayaa waxa ay shaqadoodu noqon doontaa howlaha gurmadka iyo gargaarka deg degga ah ee soomaaliya.
Laba arrin oo lagu xalin karo khilaafka cul us ee hareeyey doorashooyinka Soom aaliya
Cabdikariin Xasan oo ah aqoonyahan ka faa looda arrimaha siyaasadda, sidoo kalena xubin kasoo ahaa guddigii xallinta khilaafaadka ee doo rashadii 2016-kii ayaa ka hadlay xaaladda cak iran ee doorashooyinka socda ee dalka.
Cabdikariin oo wareysi gaar ah siiyey Telefishin ka Universal ayaa sheegay in ay habboon tahay in la jooj iyo doorashada, shirna la qa bto si loo saxo qaladaadka ka jira doorashada.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii ay sid an kusii socoto doorashada in uu sii kordhi do ono muranka taagan iyo is qab-qabsiga u dhex eeya siyaasiyiinta xil doonka ah.
Aniga waxaan qabaan Election-ka saan inuu ku socdo ma qabo waxaan u arkaa albaabkii in uu furaayo cadaabta iyo is qab-qabsiga waxaan qabaa in arrinkaa la joojiyo oo dadka la'isku ke eno oo la saxo wax sax ahna la keeno," ayuu yiri aqoonyahan Cabdikaiin Xasan
Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in xal ka doorashada uu jiro in waqtiga lasii dheereeyo, si ay u noqoto mid xor iyo xalaal ah.
"Lab obshan mid inaan sameyno waayey inay wi xii dheeraadaan oo wax sax ah ay soo baxaan iyo wixii in la boobsiiyo oo aad aragtay waxa so cda inay soo baxaan, laakiin labada obshan had dii mid la qaadaanayo waxaa ila quman wixii dhe eraadaa khayr ku jiraa, laakiin waa in wax sax ah la soo saaraa," ayuu markale wareysiga ku yiri aqoonyahan Cabdikariin.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haa tan is qab-qabsi xoog leh uu ka jiro hannaanka doorashada Soomaaliya, wuxuuna kasii daray markii uu R/ wasaare Rooble kala diray xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ee heer federaal. Si kastaba lama oga xaaladda sida ay noqon doonto, waxaana weli halkeedii ah cabashada Midowga Musharixiinta oo iyaguna si weyn uga soo horjeedo sida loo wado doorashada.
Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Wa raabe oo muddo 20 sanno ah xisbigaa hogaam inayay, ayaa muddo 5 sanno oo kale ah dib loo gu doortay in uu xisbigaas hogaamiyo.
Xisbiga ayaa sidoo kale door tay 6 guddoomi ye ku xigeen: Cumar Jaamac Faarax ay aa loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad, sidoo kale, Cali Xaamud Jibriil, Ismaaciil F. Qaadhuux, Siciid Cumar Ax med iyo Canab Cabdi Xirsi, ayaa loo doortay gud doomiye ku xigeenada kusii xiga.
Doorashada kadib ayuu guddoomiye Faysal u mahadceliyay bahwaynta xisbiga UCID ee mar kale, u cumaamaday hogaanka xisbiga, isagoo sheegay in hankiisu yahay horumarinta Somali land.
"Waxan idiinku mahadnaqayaa mar hadad mar 4aad kii i doorateen oo 5 sanno oo danbe i doorateen, anigu dalkan waxan u imid in aynu qa ran noqono, oo halkaynu adduunka kaga jirnay galno" ayuu yidhi Faysal.
Faysal ayaa noqonaya guddoomiyihii iyo mus harixii ugu mudada dheeraa ee abid hogaamiya xisbiyada Somaliland. Guddoomiye nimadiisa ayaa 20 sanno jirsatay isagoo xilka xisbiga qabt ay sannadii 2001 oo ahayd markii la aas aasay.
Maamulka Dowlad degaanka oo bilaabay baar itaanka Cudurada ka dhasha Abaarta
9 Gobol oo ka mid ah dowlad Deegaanka So omaalida ayaa loo kala diray dhakhaatiir iyo kha biirro si loo soo darso cudurrada ka dhalan kara abaaraha ka jira Deegaanka.
Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Xoolaha do wlad degaanka ayaa xubnahaan isku-dhafka ah oo ka kala socday waaxda horumarinta wax-soo-saarka xoolaha iyo waaxda caafimaadka xoolaha ee xafiiska xoolaha u kala diray 9 gob ol oo ka mid ah De egaanka si wax loo ga baddelo nidaam ka adeeg-bixinta xarumaha caafimaadka ee deg mooyinka iyo wax-soo-saarka xoolaha.
Kooxda ka socota waaxda horumarinta wax-soo-saarka xoolaha ayaa iyagu ka shaqayn doona in ay dar-dar-geliyaan xarumaha adeeg-bi xinta wax-soo-saarka xoolaha sida; xarumaha dhaqashada digaagga, xarumaha rimay-gacme edka iyo si guud xarumaha horumarinta wax-soo-saarka xoolaha ee ka jira 9-ka gobol.
Halka kooxda ka socota waaxda cafimaadka xooluhu iyada oo laga duulayo abaaraha daran ee ka jira Deegaanka iyo cudurrada ka dhalan ka ra ay 9-ka gobol ka billaabi doonaan baadhitaan ka cudurrada fudud, soo-tabinta xogaha cudurr ada iyo isku-xidhka rugaha caafimaadka xoolaha iyo bulshada.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Soma liland oo xeerka furista ururada siyaa sada u gudibiyay maxkamada sare
46 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada So maliland, ayaa maxkamada sarre u gudbiyay xe erka furista ururada siyaasada oo dhaqangalnim adiisu golaha khilaaf ka dhex abuurtay, si maxkamadu fasiraad sharci ah ugu samayso.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo u hadlay xildhibaanada maxk amada hortagay, ayaa shee gay in laysku haysto in madaxweynuhu uu xeer ka golaha ugu soo celiyay mudadii sharcigu siin ayay iyo in uu muddo dhaafay oo uu sidaa dhaq angal ku yahay.
"Wax dhibaato ah oo golaha iyo qaranka mid na ka jirtaa ma jirto lakin goluhu wuxuu isku qab tay laba qodob oo sharci ah, xeer madaxweyn aha loo gudbiyay oo madaxweynuhu soo celiyay ayaa goluhu wuxuu isku qabtay xiligii loogu talo galay ayuu madaxweynuhu kusoo celiyay iyo ku muu soo celin" ayuu yidhi Abiib.
Abiib ayaa sheegay in ay maxkamada xeerka ugu gudbiyeen si ay u kala caddayso qodobka dastuurka kamid ah ee loo raacayo.
"Qayb naga mid ahi waxay leedahay xeer ka waxa loo raacayaa qodobka 77 ee Dastuurka Ja mhuuriyada Somaliland, 46 mudane oo halkan jo oga oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii gola ha wakiiladuna ay leeyihiin waxa loo raaxayaa qo dobka 78" ayuu yidhi Abiib.
Madaxweynaha Somaliland ayaa xeerka furi sta ururada siyaasada ee xeer 14 dib ugu soo cel iyay golaha si ay kaabis ugu sameeyaan, kadib markii ay ansixiyeen golihii kan ka horeeyay. Had aba, xildhibaannada golaha ayaa isku maan dhaafsan in madaxweynuhu uu xeerka wakhtigii sharciga ahaa kusoo celiyay iyo in uu ku muddo dhaafay oo uu dhaqangalyahay.
Xildhibaannada maxmada hortagay ayaa ku doodaya in xeerku uu dhaqangalyahay oo uu ma daxweynaha ku muddo dhaafay sidaana ay ku furanyihiin ururadii siyaasadu.
Nin Soomaali ah oo xaaskiisii hore ka faafi yey muuqaal anshax xumo ah oo xukun adag lagu riday
Maxkamadda degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa Shalay xukun xabsi iyo ganaax lac ageed ah isugu dartay Cali Xabiib Maxamed oo lagu soo eedeeyey inuu mu uqaal anshax xumo ah ka faafiyey haweeney ay kala tageen.
Ugu horeyn xeer ilaalinta ay aa soo jeedisay gal dacwadeedka eedeysan aha, waxayna sheegtay in Cali uu qirtay inuu faafiyey muuqaal ay isku qarsadeen xaaskiisii hore.
Farxiyo Maxamed Aadan oo ah haweeneyda ay kala tageen Cali ayaa u dacwootay hey'adaha garsoorka Puntland ee degmada Burtinle, kadib markii ay baraha bulshada ku aragtay muuqaal anshax xumo ah oo seygeedii hore uu ka faa fiyey.
Eedeynta kadib, xeer ilaalinta ayaa maxkam adda u soo jeedisay in Cali Xabiib lagu xukumo laba sano oo xabsi ah iyo 5,000 oo dollar oo ga naax ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Bur tinle Maxamuud Jaamac Mire oo ugu dambeyntii xukunka kiiskaas ku dhawaaqay ayaa Cali Xabiib Maxamed ku xukumay laba sano oo xabsi ah iyo 3,000 oo dollar oo ganaax ah.
Saciid Deni oo ka baxsaday ceeb uu meel fagaare ah ku dhex-joojin rabay Qoor Qoor
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/hi Deni ayaa iska fogeeyey ceeb uu meel-faga are ah ku dhex joojin lahaa dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor Qoor kadib markii uu isku dayey in uu kaftan ka dhigo boobka doorashada, xilli ay ka wada qeyb-galeen munaasabadda xuska san ad-guuradii saddexaad ee doorashadii Lafta-gareen ee habeen hore..
Madaxweynaha Galmu dug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo u muuqda in uu qarinayo boobka doora shada, naftiisana ceebeynaya, ayaa sheegay in wixii eed ahaa ee doorashada la xiriiray ay 80% qaateen isaga iyo dhiggiisa Koonfur galbeed Cab di Caziz Lafta-gareen. Qoor Qoor ayaa kadib ugu baaqay madaxwe ynaha Puntland Saciid Deni inuu doorashada bil laabo, oo uu dowlad goboleedyada kale la qeyb sado eedaha 20% ee dhimman, sida uu hadalka u dhigay.
"Madaxweyne Saciid ayaa fadhiyo Xalay xoo gaa ayuu dib dhigay, hadda ayaan ka sugeynaa inuu eedda dhiniciisa ka qaato, eedda badan ina ga ayaa qaadanayey inta kale qaado adigu, waxyar ayaa haray 80% aniga iyo Cabdicaziz ay aa qaadanay 20 qeybsada intiina kale," ayuu yiri Qoor Qoor.
Hase yeeshee, Deni ayaa iska leexiyey hadal ka Qoor Qoor, isaga oo sheegay in aanu raaci do onin waddada ay u mareen doorashada balse uu wax fiican qaban doono.
"Saaxiibada halkan ka hadlay, madaxweyne Qoor Qoor, haddii uu yiri 80% innaga ayaa qaad anay, Insha Allah qaladka inta ka dhimanna iya ga ayaa iska qaadanaya, innaga wax wanaagsan ayaa daba dhigi doonaa, wax wanaagsan inay hagaagaan baan rajeyneynaa, dalkana doorasho lagu qanasan yahay inay ka dhacdo ayaan rajey neynaa," ayuu yiri Deni.
Haddaba, kadib haddalada kulul ee ay is dha afsadeen madaxweyneyaasha Puntland iyo Gal mudug, waxaa isna gabagabadii goobta ka had lay madaxweynaha Koonfur galbeed isaga oo is ku dayey inuu dib ka saxi hadalka qoorqoor.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziz Laf ta-gareen ayaa intaas kadib isku dayey inuu Qoo r Qoor ka saxo hadalkiisa gefka ahaa.
"Hal arrin oo muhiim ah, oo madaxweyne Qoor Qoor uu sheegay, madaxweyne Saciid-na uu da mbi nooga dhigay inaan faahfaahiyo, madaxw eyne Qoor Qoor 80% innaga ayaa dabmi galnay ma dhihin, cabashadan ninkii xusuusan ayaa xus uusan, hal qof oo golaha shacabka aan lasoo do oran ayaa waxaa la dhahayey doorasho ayaa la boobayaa, xataa ma la gaarin yaa…maxaa la bo obaa, doorasho ayaa la galay, 4 qabiil ayaan u qabanay, yaan ka boobnay, qabiilkii iska lahaa baa la doortay, micnaha waxba lagaama sheegi doono ayaa laga wadaa ee ma ah inaga ayaa qa lad sameynay," ayuu yiri Qoor Qoor.
Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa ah labada madaxweyne goboleed ee sida ugu darran u bo obay doorashada.
Koonfur galbeed marka laga soo tago in kur aasta dad gaar ah loo xiray hadana waxaa dib loo celiyey kursiga loo diiday inuu u tartamo gudd oomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Dhanka Galmudug, waxaa si muran ku jiro la gu soo saaray agaasimaha NISA Yaasiin Fareey iyada oo loo diiday in lagula tartamo halka Somal iland ay soo baxeen xildhibaanno dood laga ke enay, lana hakiyey sababo la xiriira boob.
Wiil Soomaali ah oo wiil kale oo Soomaali ah ku dilay Mareykanka
Falkaan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay magaaladda Eagan ee gobolka Minnesota ee dal ka Mareykanka, waxaana Wiilka la dilay lagu Ma gacaabi jiray Feysal Axmed Abuukar oo 33 Sano jir ah, isla markaana dilkiisa uu ka dambeeyay Nin kale oo Soomaali ah.
Ciidamada Booliska de gaanka Eagan ayaa shee gay inay qabteen oo ay gacanta ku hayaan qofkii dilka geystay, kaas oo Ma gaciisa ay ku she egeen Sakariya Cusmaan Axmed oo jira 31 sa nno, wux uuna dilka ka dhacay Gudaha Goob Ga nacsi oo uu feysal ku sugnaa.
Sakariya Cusmaan Axmed oo ah Muwaadinka Soomaaliyeed ee dilka geystay ayaa ku xiran xa bsi ku yaala Degmadda Hennepin ee gobolka Mi nnesota, waxaana maxkamadii ugu horeysay uu ka hor muuqan doonaa Shalay oo Talaado ah oo ay bisha December tahay 21/12/21.
Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan, waxaana mararka qaar loo geystaa dilal lagu eedeeyay badanaa in Soomaalida dhexdeeda isku geyst aan.
Guddida xalinta khilaafka soo kala dhex gal ay xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland oo war soo saaray
Guddidii loo xilsaaray in ay xaliyaan khilaafka kala qaybiyay Golaha Wakiilada Somaliland, ay aa sheegay in ay ku fashilmeen in ay wax hor umar ah ka sameeyaan isku soo dhawaynta laba da dhinac.
Guddoomiyaha guddida xil dhibaan Mukhtaar Xasan May dhane, oo warhaahinta la had lay, ayaa sheegay in guddida uu hogaanka u ahaa ay gabi ahaanba quus kasoo istaagtay sii wadista wadahalada labada dhinac.
"Waxan ku wargalinayaa shirguddoonka golaha wakiilada gaar ahaan, iyo bulsho waynta Soma liland guud ahaan, in anaga oo ah guddidii loo xil saaray xalinta khilaafkii sharci ee golaha ku yi mid, oo waliba aan shirarkooda guddoominayay anigu shakhsiyan, aanu ku guuldaraysanay in aanu xalino khilaafkaas" ayuu yidhi Maydhane.
Xildhibaan Maydhane, ayaa sababta fashilka wa dahadalada ku sababeeyay in labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay midkoodna laga waa yay wax dabac sanaan iyo tanaasul ah. Waxa uu sheegay in dhinac waliba uu ku adkaystay dhan kiisa oo qolana in ay qolo u talowdo diiday.
"Dhan waliba wuxuu ku adkaystay dhankiisa, oo midna in uu u talaabo ama si hoose wax ula eego dhinaca kale iskuma dayin" ayuu yidhi Maydhane. Xubnaha Golaha Wakiilada Somalil and, ayaa isku maandhaafsan dhaqangalnimada xeerka furista ururada siyaasada ee xeer Num ber 14 oo golaha horyaala
Diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sacuudi ga ayaa fuliyay weeraro xagga cirka ah,
Xulufada Sacuudiga taas oo ay ugu yeereen bartilmaameedka millateriga ku sugan garoonka diyaaradaha Magaalada Sanca ee dalka Yemen
Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda ee Sacuudiga, dagaalyahanada ayaa duqeeyay 6 gooboob oo ay ka bartilmaameedsad een garo on ka, kuwaas oo ay gacanta ku hayyaan fallaagada Xuutiyiinta oo garab ka haysta Iran, iyo sidookale qalab loo adeegsado howgallada diyaaradaha aan duuliy aha lahayn. Sarakisha fallaagada xuu tiyiinta ee gudaha ayaa sheegay in la hakiyay howlaha gar oonkaasi diyaaradaha.


Agaasimaha guud ee heya'adda caafimaadka aduunka " WHO " Tedros ayaa sheegay in cudur ka 'coronavirus' uu dilay in ka badan 3.3 milyan oo qof welina xaaladda dhimashadu tahay mid khatar ah, isagoo u sheegay suxufiyiinta in sa nadka 2022 uu noqon do ono sannadkii la soo af jar ayey masiibada" iyadoo la adeegsanayo qal abyada casriga ah ee duni du gacanta ku hayso.
Tedros wuxuu kale oo ka hadlay noocii ugu dam beeyay ee COVID-19 ee adduunka ku dhuftay, isagoo leh "hadda waxaa jira cadeymo joogto ah oo sheegaya in omicron uu si aad ah ugu faafayo si ka dhakhso badan nooca delta."
Madaxa WHO wuxuu kale oo ka digay in dalal badan ay dhaqan ahaan qorsheeyaan isu imaat inka dadka soo jiidan kara dabaal dega Kirismas ka iyo sanadka cusub wuxuuna soo jeediyay inay dib u eegaan dhacdooyinkaas kharaha caafim aad ee ka dhalan kara.
KENYA oo ciidamadii ugu badnaa soo dho obtay xadka Soomaaliya + Sababta
Wararka laga helayo deegaanada ku yaalla xadka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyey ay Kenya soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga, inta lagu jiro ma almaha dhammaadka sanadkan 2021-ka
Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaaday in la geliyey heegan buuxa, si ay uga hortagaan suur tagalnimada weeraro ay fuliyaan xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
Kenya ayaa sidoo kale u yeertay askarta fasaxa ku maqan, si ay dhankooda qeyb uga noq daan dhaq-dhaqaaqyada cusub ee haatan ka so cda xadka labada waddan.
Ciidamada ayaa bilaabay howl-gal cusub oo loogu magac daray 'sugidda nabadda maalmaha dhammaadka sanadka' sida uu shaaca ka qaa day taliyaha Booliska ee dalka Kenya oo ugu baa qay shacabka iyo ciidamada inay muujiyaan fee jignaan dheeri ah.
Sidoo kale jidadka isku xira deegaanada ku yaalla xadka ayaa laga bilaabay baaritaano dhee raad ah oo lagu hubinayo gaadiidka, si looga hort ago weeraro dhaba-gal ah oo ay markale Al-Sha baab ku qaadaan dadka isaga kala gudba is-maa mullada ka jira halkaas.
Arrintan ayaa uga sii dareysa dhaq-dhaqaaq yadii horay uga jiray xadka ee u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada Kenya oo marar kala duwan isku fara saaray gobolka Waqooyi Bari.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda waxaa soo wajahday cabsi xoogan oo ka dhalatay xaa ladaha amni ee soo kordhay iyo ciidamada haa tan la geeyey xuduuda.
Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyey koo xda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday weerarada ay ka fuliso gudaha Kenya, kuwaas oo geystay
khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
 
La-Taliyeyaasha Putin Iyo Biden Oo Wada Hadal Khadka Taleefanka Ah Yeeshay
La-taliyaha arrimaha dibadda ee madaxwey naha Ruushka Yury Ushakov iyo la taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa ka wada hadlay soo jeedintii dhawaan Ruushka ee
dammaanad qaadka am niga Ruushka, sida uu saxaa fadda u sheegay Dmitry Pes kov oo u hadlay Moscow.
Labada masuul ayaa isku raacay in la sii wad o wadahadalka si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Bishii la soo dhaafay, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ugu baaqay NATO inay bilaa baan wadahadalo ujeedadoodu tahay in Ruush ka la siiyo dammaanad amni oo la isku halleyn karo si sharci ahna loo fulinayo, iyo dammaanad amni oo mustaqbalka fog ah.
QM iyo hay'ado kale oo ku dhowaaqay qorsh aha 2022 ee Soomaaliya oo ku kacaya…
Hay'adaha Samafalka ayaa soo saaray qorsh aha ka-jawaabidda baahiyaha bini'aada mnimo ee 2022-ka, Qaramada Midoobay ayaa ku dhaw aaqday 17 milyan oo doolar oo loogu tala-galay dadaallada degdegga ah ee wax looga qabanayo abaarta ku dhuufatay Soomaaliya.
Qorshaha 2022-ka ee wax-kaqabadka arim aha bini'aadanmimada waxa uu doonayaa ku dhawaad $1.5 bilyan oo doolar si loo caawiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka ugu liita Soomaali ya,sida lagu sheegay war-sax aafadeed ka soo baxay hey' adaha samafalka, xilli Sooma al iya ay weysay saddex xilli roobaad oo xiriir ah markii ugu horreysay muddo 30 sano ah.
"Si loo daboolo baahiyaha degdega ah oo ay abaaruhu sababeen, Qaramada Midoobay waxa ay $17 milyan oo doolar ka soo saaray saa Sand uuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Dhexe (Ce ntral Emergency Response Fund- CERF), taasoo ka dhigaysa maalgelinta CERF ee Soomaaliya 2021 ilaa $52 milyan oo doolar. Deeqdani waxay dheeraad ku tahay ku dhowaad $60 milyan oo doolar oo ay deeq-bixiyeyaashu siiyeen Sanduu qa Bani'aadamn imada ee Soomaaliya (Somalia Humanitarian Fund-SHF)," ayaa lagu yiri bayaan ay wadajir u soo saareen hey'adaha samafalka.
Waxay intaas ku sii dareen, "Nolosha dadka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa khatar, mana loo baahno waqti in la lumiyo," ayuu yiri Madaxa Arri maha Gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths. "Si loo badbaadiyo nolosha dadka Soo maaliyeed, loogana hortago masiibo bini'aadanti nimo, waa inaan hadda sii deynaa maalgelinta si dadku ay uga badbaadaan gaajo iyo faqri hor leh. Waxaan Shalay ka soo saarayaa $17 mil yan oo doolar Sanduuqa Waxqabadka Degdeg ga ah ee Dhexe (CERF) si loogu suurtageliyo hay'a daha inay kor u qaadaan hawlgallada mu hiim ka ah. Waxaan ku xisaabtamayaa deeq-bixi yeyaasha kale inay ku daydaan tallaabad an oo ay si deeqsinimo leh u taageeraan Sand uuqa ama keydka Bani'aadamnimada ee Soomaaliya."
Dadka ku nool Soomaaliya waxay soo mareen tobanaan sano oo colaado ah, saameynta isbed delka cimilada oo soo noqnoqday, iyo cudurro dil laacay, oo ay ku jiraan saamaynta masiibada COVID-19. Saameynta Ayaxa oo daba dheeraad ay ayaa sidoo kale saameeyay dalaggii iyo maci ishada. Ugu yaraan toddobo ka mid ah 10-kii qof ee Soomaaliyeed ayaa ku nool heer ka hoose eya diilinta faqriga.
Qiyaastii 7.7 milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan doona gargaar bini'aadantinimo oo kala duwan sanadka 2022-ka, taasoo muujineysa kororka boqolkiiba 30 baahida hal sano guda heeda.
Qorshaha 2022 ee wax-kaqabadka arimaha bini'aadanmimo ayaa mudnaan siin doona 5 mil yan oo ka mid ah dadka aadka u liita, oo ay ku jir aan 1 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay 5 sano, iyadoo hoos u dhigaysa baahsan aanta gaajada, nafaqo-xumida jirta, khataraha caafimaadka bulshada iyo cudurrada dillaaca, xadgudubka iyo rabsahdaha, sida lagu sheegay bayaankaan.
Hay'adaha samafalaka waxay joogteyn doo naan kaalmada 5.5 milyan oo qof oo u baahan gargaar bini'aadannimo, oo ay ku jiraan 3.9 milyan oo aan barokacayaal ahayn, halka 1.6 mil yan ay ka mid yihiin dadka gudaha waddanka ku barakacdsan iyo dadka naafada ah ee ku nool 74 degmo.
Colaadaha iyo ammaan darrada ayaa sannad kan gudihiisa 777,000 oo qof ku qasbay inay ka barakacaan guryahooda. Guud ahaan, in ka ba dan 2.9 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha
Soomaaliya – tiradan oo ka mid ah tirooyinka ugu sarreeya adduunka. Inta badan dadkan gud aha ku barokacay waxay ku nool yihiin nolol aan sugnayn waxayna u baahan yihiin gargaar si ay u noolaadaan. Haweenka iyo gabdhaha, oo qiy aastii kala bar ah, waxay wajahaan khatar la xir iira tacaddi dhanka galmada ah iyo xad-gudub.
"Abaarta hadda jirta waxay baabi'isay maciishada iyo noolal maalmeed qoysas badan oo liita oo noloshooda ay khatar ku jirto, ayay tiri Wasii radda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Federaalka, Khadiija Diiriye. "Waxaa jirta kha tar sare oo haddii aan gargaar bini'aadanimo oo degdeg ah la helin, carruurta, haweenka iyo rag ga ay bilaabaan inay macluul ugu dhintaan Soo maaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaan.
Soomaaliya – oo safka hore kaga jirta isbe ddelka cimilada – waa dalka ugu daran ee ay ab aaruhu saameeyeen Geeska Afrika. Qiyaastii 3.2 milyan oo qof oo ku nool 66 ka mid ah 74-ta deg mo ee dalka ayaa wajahaya saameyntae saddex xilli-roobaad oo is xigay kana hooseeyay celceli ska roobabka la heli jiray, oo ay ku jiraan 169, 000 oo qof oo guryahooda uga tagay si ay u raad sadaan biyo, cunto iyo daaq, sida lagu sheegay qiimeynta hey'adahaan.
Saadaal Shalay soo baxday ayaa tilmaam aysa in ilaa 1.4 milyan oo Soomaali ah ay abaar uhu barakicin doonaan lixda bilood ee soo soc ota. Geerida xoolaha oo baahsan ayaa durba la soo sheegayaa, waxaana si xawli ah kor ugu kac aya qiimaha cuntada, biyaha iyo shidaalka. Wax-soo-saarka dalagga bisha Jannaayo ayaa la saadaalinayaa inuu 50-70 boqolkiiba ka hooseeyn doono celceliska tobankii sano ee lasoo dhaafay.
"Hay'adaha Gargaarka, bulshooyinka maxali ga ah iyo maamulada dowladda ayaa sare u qaa day wax ka qabashada biyo la'aan baahsan, cu nto la'aanta iyo baahiyaha kale ee sida degde gga ah ay dadka Soomaaliyeed ugu baahan yihiin. Si dadaallada gargaarku u noqdaan kuwa mira dhala, korna loogu qaado howlaha gurmad ka, hay'adaha samafalku waxay u baahan yihiin dhaqaale dheeri ah iyo xorriyad ay sahayda gar gaarku ku gaari karto dadka u baahan," ayaa la gu soo gabagabeeyey bayaankaan.
Xukuumadda Abiy Ahmed oo jawaab ka bix isay go'aankii lama filaanka ahaa ee TPLF
Xukuumaddda ra'iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku gacan sayrtay go'aanka ay ku dhowa aqeen mucaaradka Tigray-ga ee ay kaga baxeen gobollada deriska la ah ee Afar iyo Amhara.
"Waxaan hadda dhameystirnay ka bixitaanka ciidamadeena ee gobollada Amhara iyo Afar," waxaa sidaas twitter-ka ku qoray afhayeenka TPLF Getachew Reda.
Tallaabadan lama filaanka ah ayaa dhabbaha u xaari karta xabad-joojin la gaaro kadib 13 bilo od oo dagaal qaraar ah.
"Waxaan ku kalsoonnahay in ficilkeenna gees inimada leh ee ka bixitaankeenna uu noqon doo no bilowga nabadda," ayuu qoray Debretsion Ge bremichael, madaxa xisbiga TPLF oo ah xisbi siy aasadeedka gacanta ku haya inta badan gobolka waqooyi ee Tigray.Hase yeeshee afhayeenka Abiy Ahmed Billene Seyoum ayaa ku gacan sayr tay ku dhowaaqista mucaaradka oo ay ku qeex day mid lagu qarinayo guul-darrooyin militari.
"TPLF waxaa ku dhacay khasaraooyin weyn toddobaadyadii dhowaa, sidaas darteedna wa xay sheegayaan 'dib u garasho xeeladeed' si ay u qariyaan guul-darrooyinkooda," ayey u shee gtay AFP.
"Weli waxaa jira qeybo ka mid ah gobolka Amhara oo ay joogaan iyo sidoo kale furimo kale oo ay isku dayayaan inay dagaal ka furan. "Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa ka fal-celisay go'aanka Tigray-ga, wuxuuna afha yeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Ned Price uu sheegay in haddii la xaqiijiyo dib u gurashada TPLF "ay tahay arrin ay soo dhoweynayaan."
"Waa arrin aan ku baaqeyno, waxaana rajey neynaa inay albaabka u furi doonto diblomaas iyad ballaaran."
Warqadda uu diray QM ayuu hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ku baaqay in ha wada gobolka Tigray laga dhigo aag duulimaad yada ka caagan, cunaqabateyn hub oo lagu soo rogo Ethiopia iyo xulufadeeda Eritrea iyo in la dejiyo hab ay QM ku xaqiijin karto in dhammaan ciidamada banaanka ka yimid ay ka baxaan Tigray.
QM ayaa horey dowladda ugu eedeeyey inay xayiraad kusoo rogtay gobolka – eedeyntaas oo dowladda ay beenisay. "Waxaan fileynaa in ma adaama aan ka baxeyno, in bulshada caalamka ay wax ka qaban doonaan xaaladda Tigray, maa daama aysan hadda kadib qiil ka dhigan karin in ciidamadeena ay qabsanayaan Amhara iyo Af ar," waxaa sidaas Reuters u sheegay afhayeen ka TPLF Getachew Reda.
Hindisooyinka kale ee ku jiray warqadda uu Debretsion u diray QM ayaa waxaa ka mid ahaa in lasii daayo kumanaanka qof ee maxaabiista si yaasadeed ee Tigray-ga ah ee u xiran dowladda iyo in baarayaal caalami ah ay raadiyaan kuwa ka mas'uulka ah dambiyada dagaal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip