Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

0
Tuesday December 21, 2021 - 19:27:15 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe oo markii afaraad loo doortay guddoomiyaha xisbiga UCID

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo muddo 20 sanno ah xisbigaa hogaaminayay, ayaa muddo 5 sanno oo kale ah dib loogu doortay in uu xisbigaas hogaamiyo.
Xisbiga ayaa sidoo kale doortay 6 guddoomiye ku xigeen: Cumar Jaamac Faarax ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka 1aad, sidookale, Cali Xaamud Jibriil, Ismaaciil F. Qaadhuux, Siciid Cumar Axmed iyo Canab Cabdi Xirsi, ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenada kusii xiga.


Doorashada kadib ayuu guddoomiye Faysal u mahadceliyay bahwaynta xisbiga UCID ee markale, u cumaamaday hogaanka xisbiga, isagoo sheegay in hankiisu yahay horumarinta Somaliland.

"Waxan idiinku mahadnaqayaa mar hadad mar 4aad kii i doorateen oo 5 sanno oo danbe i doorateen, anigu dalkan waxan u imid in aynu qaran noqono, oo halkaynu adduunka kaga jirnay galno" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa noqonaya guddoomiyihii iyo musharixii ugu mudada dheeraa ee abid hogaamiya xisbiyada Somaliland. Guddoomiye nimadiisa ayaa 20 sanno jirsatay isagoo xilka xisbiga qabtay sannadii 2001 oo ahayd markii la aas aasay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip