HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MANTA OO ISNIIN 20-KA DEC. 2021-KA AH

0
Monday December 20, 2021 - 11:37:57 in Wararka by
  • Visits: 420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MANTA OO ISNIIN 20-KA DEC. 2021-KA AH

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Farmaajo oo ku dhowaaqay tallaabo ay qaad eyso DF oo la xiriirta Soomaalida Libya
Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya, dowladda feder aalka ayaa guddi u direysa dalka Libya, gud digaas ayaa la sheegay inay warbixin ka keeni doonaan xaaladda nolole ed ee Soomaalida ku sug an dalkaas.
Go'aankaan ayaa yi mid kadib markii Madaxw eynae Maxamed Cabdull aahi Farmaajo oo weli ku sugan dalka Turkiga oo uu uga qeyb galay shirweynaha saddexaad ee iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika uu ku lan-doceed la qaatay hoggaamiyaha dalka Li bya Maxamed Yuunis Al-menfi.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u diraysa guddi gaar ah xaala dda muwaadiniinta ku xiran Dalka Liibiya. Gu ddiga ayaa u kuurgali doona, kana soo war-bi xin doona xaaladda nololeed oo ay ku sugan yihiiin Muwaadiniinteennu," ayaa lagu yiri qor aalkaan ka soo baxay madaxtiooyada Sooma aliya.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo iyo Ma daxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Lii biya ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo xirii rka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Liibiya.
Sida lag shaciyey qoraal kulankaas ay ka soo saartay madaxtooyada Soomaaliya laba da madaxweyne waxay diiradda saareen sidii labada dal ay uga wada shaqayn lahaayeen iskaashiga dhinacyada isu socodka, amniga iyo siyaasadda.
"Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxw eynaha Liibiya sidii uu gacan uga gaysan lah aa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliy eed ee ku xiran dalka Liibiya, iyaga oo Labada dhan ay isla garteen sidii looga wada shaqayn lahaa badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya," ayaa lagu yiri qoraalka ay kulankaas ka soo saartay Villa Somalia.
Ra'iisul Wasaare Rooble oo ka qeybgalay Mu naasabadda Sannad-guurada 3-aad ee Madax weynaha Koonfur Galbeed
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa alka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb-galay munaasabadda Sannad-guurada 3aad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Max amed (Lafta-gareen).
Ra'iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey isku duubnida dadka reer Keenfur-galbeed iyo sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo wax-wa da qabsiga, isaga oo tilmaamay waxqabadka muuqda ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay.
"Tan iyo markii la ii magacaabay in dalka ka noqdo Ra'iisul Wasaare ,waxa aan si dhow u wada shaqeynay Madaxweyne C/casiis Laf ta Gareen ,waxana aan ka bartay in aanu ah eyn kaliya nin siyaasi, balse uu yahay Nabadoon jecel in uu dadka isku soo dhaw eeyo si dalka uu horey ugu socdo , waa ku aamanayaa ,waanan ku dhiiri-galinayaa inuu sii wado dadaalkiisa." Sidoo kale, Ra'iisul Was aaraha Xukuumadda ayaa ku ammaanay Mad axweyne C/casiis Lafta Gareen sida uu bila abay doorashada, isla markaana uu ahmiyad u siiyay qoondada haweenka,maadaama tira da hadda ka soo baxday Golaha Shacabka ee Baydhabo oo ah 11 Xildhibaan ay afar ka mid ah yihiin haween.
"Sida aad la socotaan waxa dalka ka soc da doorashooyinkii ,waxana afartii kursi ee ugu dambeysay ay manta soo baxeen. Doora shadaas cabashooyin kooban ayaa laga ke enay ,waxana aad diyaar u ahay in aan xoogg a saaro sidii loo raaci lahaa hab raacyada de gsan ee doorashooyinka iyo inaan sidoo kale la fariisanno cid kasta oo tabasho qabta."
Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roob le ayaa Madaxda iyo Bulshada Koonfur-galb eed uga mahad-celiyey soo dhaweynta diirran ee ay mar walba ku qaabilaan Madaxda dalka, isagoo xusay in ay tahay Dowlad-Goboleedka kaliya ee ay u suuragashay in uu booqdo laba dooda deegaan doorasho ,Baraawe iyo Bay dhaba tan iyo intii la bilaabay diyaarinta door ashooyinka.
Ugu danbeyn, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay abaaraha ka ji ra dalka ayaa ku baaqay in wadajir loogu ist aago gurmadka shacabka Soomaaliyeed.
"Dalka deegaano badan waxa ka jira aba aro saameeyay dadka iyo duunyada ,sidaa dar teed waxa aan aniga ka faaideysanaya fursad an aan ugu baaqayaa dhamaan dadka Soom aaliyeed ,gudo iyo dibad iyo inta uu Eebe wax siiyay in ay soo caawiyaan walaalahood dhiba atada abaartu ay ku dhufatay. Dowladda Fede raalka waxa ay dhankeedaa waddaa dadaallo gargaar lagu gaarsiinayo deegaanada u daran ee ay abaartu ku dhufatay".—=DHAMMAAD=
Madaxweyne Geelle" Qalbigan ka ooynaa markii aan maqalno in qarax ka dhacay Soomaaliya"
Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaac xoogan ka muuj iyay qaraxyada khasaaraha geysta ee mar wal ba ka dhaca meelo kamid ah Sooma aliya, kuwaas oo uu sheegay markii ay maqlaan inay qalbiga ka ooyaan.
dane Geelle waxaa uu hadalki isa uu intaasi ku daray in dhac dooyinka ka dhaca Soomaaliya sida qaraxyada & rasaasta ay furan Askarta eek u waxyeelo oban dadka rayi dka ah laga qaa dayo murugo maadaama la dilay dad aan waxba Shalaysan.
Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda Jabu uti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku baaqay dadka Soomaaliyeed inay midoobaan oo gar baha is qabsadaan si loo gaaro guulo waawe yn oo waxtar leh.
Dowladda Jabuuti waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan kajooga Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM, kuwaas oo la dagaalama Al-Shabaab.,
R/W ROOBLE oo kulamo ka bilaabay Bay dhabo + Ujeedka 
 Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Md.Maxamed Xuseen Rooble oo Dorraad gaaray magaalada Baydhabo ayaa Shalay kulamo wada-tashi ah ka bilaabay gudaha mag aal adaas oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.
Rooble ayaa la kulmay saraakiisha laamaha ammaanka, isaga oo ka xog wareystay xaaladaha ammaan ee deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan sidii go'doonka loo ga qaadi lahaa degmooyinka ay isku hareereeyeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa ay saraakiishu ra'iisul was aaraha warbixin ka siiyeen xaaladaha cii damada iyo daruufaha ay ka shaqeeyaan.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu Rooble Shalay la ballansan yahay oda yaasha dhaqanka iyo mas'uuliyiin ka tirsan do wlad goboleedka Koonfur Galbeed oo uu kala hadli doono dardar gelinta doorashooyinka iyo xaaladaha bani'aadanimo ee ka dhashay aba araha ka jira gudaha dalka.
Ra'iisul wasaaraha ayaa ujeedkiisa ugu weyn ee uu Baydhabo u tegay la xiriira ka qe yb-galka munaasabad lagu xusayo saddex sano guurada kasoo wareegtay doorashadii Cabdicasiis Lafta Gareen.
Dhinaca kale ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo wufuud kala duw an oo ay ku jiraan madax goboleedyada qaar ay ku wajahan yihiin gudaha magaaladaasi, si da ay innoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.
Si kastaba, madaxda isugu tegi doonto Bay dhabo ayaa sidoo kale la filayaa inay yeesha an kulamo gaar gaar ah oo diiradda lagu saar ayo xaaladda cakiran ee ka taagan doorasho oyinka haatan ka socda dalka.
Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Shirka Iskaashiga Islaamka
Wasiirka Arrimaha Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galay Shir weynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa gaaray Magaa lada Islaamabad ee dalka Pakistaan, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa ay ka qeyb geli doonaan shirweynaha 17aad ee Ururka Is kaashiga Islaamka ee OIC, kaas oo dhawaan ka furmaya Magaalada Islaamabad ee dal kaasi Pakistaan.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan Mar wo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa she egtay in shirka Iskaashiga Islaamka looga ha dli doono arrimaha dalka Afghanistaan laguna caawinayo Shacabka dalkaas iyo qodobo kale oo ku saabsan dhibaatooyinka kajira dalalka Islaamka.
Shirweynaha Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo sanad martigelineyso dowladda Pa kistaan ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud ka la duwan oo ka kala yimir wadamada Islaam ka, kuwaas oo shirka isku dhafsan doona fikr ado kala duwan.
Wasiirka Arrimah Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Mu use Cali ayaa shir doceedyo kala duwan la qa adan doona Mas'uuliyiinta ka la duwan ee ka qeyb galeysa Shirka Ururka Is kaashiga Isla
amka ee OIC.
 
Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jaamacadda Carab oo shir weyne uga furmayo Sacuudiga
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xu kuumadda Federaalka Soomaaliya , Ca bdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xar unta Dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Bul shada Sacuudiga , Mas'uuliyiinta ka tirsan Daw ladda Sacuudiga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga
, Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Riyadh ee King Khalid.
Ujeeddada socdaalka wasiirka ee Dalka Sacuudiga ayaa la xiriirta ka qaybgalka shirka heerka Wasiirro ee Jaamacadda Carabta, oo Riy adh uga furmaya wasiirrada Shaqada iyo Arrim aha Bulshada waddamada Jaamacadda Carab ta. Saddex maalin oo shirka uu soconayo waxaa looga hadli doonaa Horumarinta Bulshada iyo saamaynta COVID-19.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la qaada naya mas'uuliyiinta Sacuudiga iyo wasiirrada dhiggiisa ah ee ka qaybgalaya shirka.
Madaxweynaha Jabuuti & Amiirka dalka Qatar oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cu mar geelle ayaa Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa uu kulan gaar ah kula yeeshay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.
Madaxweynaha Jabuuti oo Turkiga uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Turkiga & Afrika ayaa Amiirka dalka Qatar waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo rajada laga qabo in la horumariyo, iyadoo sidoo kale ay ka wadahadle en arrimo dhowr ah oo ay wadaagaan.
Kulanka waxaa ay sidoo kale uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dal, isla markaana wadashaqeynta labada Dowladood ay noqdaan kuwo joogto ah.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jabuuti ee kamid ah aa wefdiga rasmiga ah ee la socday Madaxweyn aha.
Dowladda Qatar ayaa waxaa ay saameyn bal laartan ku leedahay qaar kamid ah dalalka Afr ika, waxaana sidoo kale ay door muuqda ku lee dahay Arrimaha doorashooyinka Soomaal iya.
Maxaa laga yeelayaa kuraastii ay xalaalee ye en guddiigii uu Dorraad eryey ROOBLE?
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dorraad eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xal inta Khilaafaadka doo rashooyinka, oo uu ku eedeeyey inay lumiy een kalsoonidii lagu qabay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loo lamayo doorashada Soomaaliya.
Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddo omiyaha guddiga xalinta khilaafaadka ee arri maha doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxam uud Laki.
Shaqo ka joojinta xubnahaan ayaa timid xilli ay xubnahan Shalay kasoo hormuuqdeen warba ahinta iyagoo edeeyn u jeediyay Midawga Musha raxiinta, oo ay sheegeen inay halis ku yihiin shaq ooyinkooda. Maxaa laga yeeli doonaa go'aam adii khaldanaa ee ay horay u gaareen guddiga?
Rooble wuxuu eryey xubno uu ku eedeeyey inay khaladaad galeen hase yeeshee ma uusan sheegin waxa laga yeelayo khaladaadkii dhacay iyo haddii dib loo saxayo iyo haddii kale.
Guddiga xallinta khilafaadka ayaa horey go' aan uga gaaray kuraas dacwad laga soo gud biyey oo qaarkood ay sheegeen in hab-raacii loo maray ay aheyd kuwa saxan sida kursiga HOPP #67 ee uu kusoo baxay taliyaha ku-meel gaarka ah ee Hay'adda NISA Yaasiin Farey iyo kursigii uu kusoo baxay Ra'iisul Wasaare ku-xigeenkii dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
"Labo kiis oo aan anagu qabanay waxa aan u raacnay habraacyadaas, waxa aan u arkeynay in caddaaladda keliya ee labada dhinac xaq siineysa, labadaas kiis aan qabanay mid waxa uu ahaa kii Xuseen Carab ciise HOP#239 & Mi dna waxa uu ahaa kursigii ugu dambeeyay HOP#067 ee uu kusoo baxay Yaasiin Farey, hab aad & aad u qurxoon oo laga baaraandegay oo habraacyada loo eegay ayaa u marnay" ayuu yiri guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka Xuseen ka hor inta aan la eryin.
Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa sheegay inay aheyd inuu Ra'I isul Wasaare Rooble tallaabo ka qaado guddi yada qabtay doorashada boobka ah oo aan kal iya eeda dusha laga saarin guddiga xalinta khil aafaadka.
"Guddiga xallinta khilaafaadku waa halka ay wax ku soo dhamaadaan, guddiyada kale wax ay soo qaldaan ama ay soo musuqmaasuqaan ayaa soo gaara, waxaa in la isweydiiyo mudan sab abta kuwii wax soo qalday tallaabada looga qa adi waayey oo kuwaan kaligood loo beegsaday haddiiba wadada wax sixidda loo jeestay," ayuu yiri Fiqi
Fiqi ayaa sidoo kale is waydiiyey waxa laga sameyn doono kuraastii dacwadda laga soo gu biyey oo uu ansixiyey guddiga.
"Tan kale go'aanadii qaldanaa ee guddigaas ka soo baxay waxba lagama dhihin! Haddii qalad iyo eex ay sameeyeen lagu eryay xubnahaas, go'aanadii ay soo saareena waxa ay ahayd in meesha laga saaraa!! Haddii kale waraaqahaan laftooda ayaa xalaaleynaya wixii guddigu xalaaleeyey!?!.
Fallanqeeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in tallaabada uu qaaday Ra'iisul Wasaare Rooble aysan ku filneyn daminta cabashada ka taagan kuraastii la doortay ee muranka dhaliyey, oo ay tahay inuu Rooble go'aan cad ka qaato go'aan adii qaldanaa ee horey loo gaaray.
Golaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya ayaa dalbaday in lagu laabto go'aanadii ay horey u gaareen guddiga xalinta khilaafaadka.
"Isbedelka lagu sameeyay Guddiga Xallinta Khil aafaadka wuxuu horudhac u yahay soo celinta kalsoonida shacabka, waana in dib looga laabto go'aannadii guddiga ay hore u gaareen," ayaa la gu yiri war-saxaafadeed ay golaha soo saareen.
Haddii uu Rooble ku adkeysto in sidaan looga gudbo kuraastii muranka dhaliyey wax weyn soo ma kordhin doonto xubnihii xilka laga qaaday, maadama sababta looga qaaday ay aheyd inay si khaldan u maareeyeen kuraastii dacwadda laga soo gudbiyey.
Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa rumeysan in haddii aan la baabi'in doorashada kuraastii la gu muransanaa ay tallaabada Rooble ka dhigey so cayaar siyaasadeed lagu xalaaleynayo kuraas taas, xilli ceyrinta guddigana la isugu muujinayo dhex-dhexaadnimo. Xigasho:-Casimadda.Net
Mucaaradka oo ka hadlay wada-hadallo la sheegay inay la fureen FARMAAJO
Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka soo bax ay ee sheegaya inay wada-hadal la fureen mad axweyaha waqtiga ka dhammaaday ee Max amed Cabdullaahi Farmaajo.
Siyaasi Cabdiraxmaa Cabdis hakuur ayaa been abuur ku tilmaamay in Mido wga Musharaxi inta ay wada-hadallo kala fureen Farmaajo mu ddo kororsi iyo dhismaha dowlad wadaag ah.
"Waa dacaayad, warkaas wax ka jiro malaham, ciddii wax ka doontaa madaxwayne xilkiisu dhamaadey waa iyadda oo booli doonatay," ayuu yiri xilli uu war eysi siiyey Telefishinka Universal.
Warsame oo rumeysan in shacabka Muq disho ay ugu dul qaateen maamulka Farmaajo in uu sii joogo isagoo muddo xileedkiisu dhamaa dey ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali doonin doorasho boob ah.
"Dulqaadkeena iyo dulqaadka dadka caasim ada waxaa kamid ah in madaxweyne aan sharciyad haysan uu wali canshuurtii qaadanayo, ciidankii xukumaayo oo uu iska fadhiyo; waana ayaan darro," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdshak uur.
Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cab dishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu wado qorsho lagu he shiisiinayo M/weyne Farmaajo iyo mucaradka
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale beeniyey in Midowga Musharaxiinta uu haatan ku kala qeybsamay qadiyadda la xiriirta boobka doorashooyinka ayaa soo bandhigay laba qodob oo la dhaqan-geliyo aysan sii jiri doonin musha raxiinta.
Labadda qodob ayuu ku kala sheegay; in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo in door ashadda noqoto mid dahfuran oo la tartami karo. Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in aan dib loogu laaban doonin go'aanadda gudd iga xallinta khilaafaadka doorashada
Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxa med Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in aan dib loogu laaban doonin go'aannadii ay gaareen guddiga xallinta khilaafaadka doorashada, kadib markii guddoomiyihii iyo qaar kamid ah xilka laga qaaday
.Afhayeenka xukuumada ayaa sheegay in xubnaha laga saaray guddiga ay hab dhaqan baalmar san anshaxa doorashada kula dhe xjireen guddiga, wuxuuna caddie yay in guddiga oo ka ko oban 21 xubnood uu howshiisa sii wadan doono.
Golaha midowga musharraxiinta oo soo dho weeyay tallaabada xilka qaadista ayaa dhinaca kale dalbanayay in dib loo saxo go'aannadii gu ddigan uu horey u gaaray oo uu muran badan ka taagnaa.
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ay aa fasaxay kuraas la isku haystay oo laga caba nayay, waxayna dhaleecayn weyn kala kulmeen midowga musharraxiinta iyo siyaasiyiinta mucaa radka.
Xil ka qaadistooda ayaa kusoo beegantay sa acado kadib markii ay warbaahinta ka hadleen iyagoo sheegay in faro galin lagu hayo shaqa dooda. Xubnaha xilka laga qaaday ayaa kasoo horje estay go'aanka xil ka qaadista oo kasoo baxay raysal wasaaraha, waxayna ku tilmaameen mid sharci darro ah.


 
Xubnihii laga eryey guddiga xalinta khilaaf aadka oo amar deg deg ah lagu soo rogay
Ka dib markii Ra'iisul Wasaare Rooble uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ka saaray 7-xubnood oo guddoomiyihii uu ku jiro, ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale uu bixiy ey amar ah in laga saaro Hotelkii ay dejisay dowladdu.
Hotelkaas oo lagu magacaabo Shabeel oo xarun u ahaa guddiga waxaa la sheegay inuu tegay wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur oo ciidamo wata, isagoo xubnihii laga sa aray guddiga u qabtay saacado kooban inay uga guraan Hotelka.
Amarka ah in xubnahaas laga saaro Hotel ka waxaa la sheegay inuu bixiyey Ra'iisul Wa saare Rooble, oo isagu gaaray go'aankii gudd iga xalinta khilaafaadka looga saaray todobadaas xubnood.
Xubnaha laga saaray guddiga ayaa qodob ka mid ah war-saxaafadeed ay ku diideen inay aqbalaan go'aankaas waxay ku cambaareey een hanaankii uu ula dhaqmay wasiirka Cabdu llahi Maxamed Nuur, oo sida ay sheegeen u geystay handadaad, una qabtay laba saac in ay uga guuraan hoteelka.
"Guddigu waxuu si gaar ah uga xunyahay una cambaareynayaa hanaankii argagaxa la haa ee wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur uu ula dhaqmay xubnaha guddiga, kadib markii uu xarunta guddiga lasoo galay ciidamo hubeysan, isagoo xayiraad, handadaad iyo cagojugleyn u geystay xubnaha guddiga, kuna amray inay hal saac gudihiis uga guuraan xa rumahooda, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab xarig ah, taas oo xadgudub ku ah xas aanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah XFS," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xubnaha laga eryey guddiga.
7-da xubnood ee shaqada laga eryey wax aa kamid ah guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxa med Maxamuud oo Dorraad shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay inay gudashada shadooda kala kulmayaan culeysyo siyaasadeed, isagoo golaha wadatashiga qaranka iyo midowga mu sharaxiinta si isku mid ah uga dalbaday in lagu kalsoonaado qaabka ay u gudanayaan how shooda, isagoo ku dooday inay heystaan mad ax-banaani buuxda oo garab gaar ah aysan da acad u aheyn.
Ma Dhabbaa In Farmaajo Uu Diyaarado Dro nes Weydiistay Madaxweyne Erdogan?
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenis ay warar kala duwan oo maalmihii dambe lagu faafiyey baraha Bulshada oo sheegayay in Madaxweynaha
Muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxa med Cabdullaahi Farmaajo uu Madaxweynaha Turkiga weydiistay diyaarado nooca aan duul iyaha laheyn ee loo yaqaano Darones-ka.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabd irashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in wararka la faa fiyey ee la xiriira inuu Farmaajo dhiggiisa Tur kiga Recep Tayyip Erdogan ay yihiin warar been abuur ah, isla markaana uusan jirin Cod si Farmaajo u diray Erdogan.
Wuxuu sheegay Agaasime Cabdirashiid in kulankii dhexmaray labada Madaxweyne ay uga wada hadleen xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga iyo dardar iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafima adka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumari nta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afri ka iyo Turkiga.
Agaasimaha Madaxtooyada ayaa tilmaam ay in Iskaashiga amniga ee labada dal uu ku saleysan in meel looga soo wada jeesto la dag aalanka Al-shabaabka, isagoona xusay in dow ladda turkiga ay Soomaaliya ka caawisay dhin aca tababarada Ciidamada dowladda ee qey bahooda kala duwan, lana siiyey tababaro cas ri ah.
Dowladda Turkiga ayaa dowladda Federa alka Soomaaliya ka taageerta dhinaca tababa rada Ciidamada, waxaana dalkaas tababar la gu soo siiyey kummanaan Askari oo kamid ah Ciidanka dowladda, halka kuwo kalena tabab ar ay weli uga maqan yihiin dalkaas
Muuse Biixi oo ka qeyb galay Salaad Roob doon oo laga dukaday degaannada Somaliland
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay shacabka ku dhaqan caa simadda Magaalada Hargeysa kala qaybgalay salaad Roob-doon ah oo lagu oogay masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, ma ayarka caasimadda Hargeysa iyo qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, ay aa boqollaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukasha da salaad Roob-doon ah, taas oo uu Toddob aadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland, isla markaana Shalay laga oogay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland.
Salaaddan Roob-doonta ah oo Eebbe lag aga tuugayey inuu Raxmaadkiisa u shubo dad ka iyo duunyada abaaruhu hayaan, ayaa mar kii la tukaday kaddib waxa bulshada halkaas khudbad Alle bari ah ka akhriyey wasiirka was aaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, isaga oo bul shada ugu baaqay inay isa saamaxaan, duc adana badsadaan.
Sheekh Albaani waxa uu b ulshada ugu baa qay inay joogteeyaan Alla bariga iyo toobadda, quluubtoodana mideeyaan si Eebbe inooga soo jebiyo Abaarta baahsan ee ina haysata iyo roob yaraanta.
Afar kursi oo katirsan kuraasta Golaha Sha cabka ee gobolada waqooyi oo lagu doort ay M/Muqdisho
Guddiga Doorashada Xildhibaanada laba da Aqal ee Somaliland ayaa Shalay dib u bil aabay doorashada musharraxiinta ku tartam aya kuraasta aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.
Jaamac Maxamed Askar oo horey uga mid ahaa barlamaankii hore ee Soomaaliya ayaa mar kale ku guuleystay kursiga tirsiigiisu yah ay Hop 254 ee Golaha Shacabka, ka dib mar kii uu tartanka ka tanaasulay Aadan Axmedn uur Haybe oo la tartami lahaa.
Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi ayaa isna ku guulaystay kursiga ee labaad ee doorasha da, isagoo helay 58 cod, halka labadii mu sharrax ee la tartamayay ay kala heleen Axm ed Maxamuud Muxumed oo helay 22 cod iyo Cabdilaahi Biixi Xuseen oo helay 21 cod.
Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyadana ku soo baxday doorashada Shalay ka qabsoo mtay magaalada Muqdisho, waxayna mar kale difaacatay kursigii ay ku fadhiday, ka dib mar kii ay tartanka ka tanaasushay Caasha Aadan Yuusuf oo la tartami lahayd
Waxaa kursiga 4aad ee Shalay doorasha diisu dhacday ku guulaystya xildhibaan Cabdil aahi Cismaan Ducaale. kadib markii ay tartan ka ka tanaasushay Muna Cali Ibraahim oo la tartami lahayd.
Sida muuqata weli dhinaca tanaasulka tart amayaasha ayaa ku badan doorashada aqal ka hoose, iyadoo arrintaan ay qeyb ka tahay waxyaabaha cabashada laga muujiyo ee hufn aanta doorashada.
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo ugu baaqay maamulada Puntland iyo Hirsh abeelle iney bilaabaan Doorashada Golaha Shacabka
Guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ay aa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Hir shabeelle iney si deg deg ah u bilaabaan how laha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarl amaanka 11- ee dalka oo haatan ay sheegeen in si habsami leh ay uga socdaan maamulada qaar.
Afhayeenka guddiga doorashada heer Feda raal Axmed Safiino oo ka hadlaayay doorasha dii afarta kursi ee Shalay ka dhacay M/Muqdisho ayaa ugu baaqay Puntland iyo Hirshabee lle iney guda galaan doorashada ama ay soo bandhig aan caqabadaha haysta.
"Doorashada Golaha Shacabka waxay ku socota si dardar leh, waxaana dhawaan la do oran doona kuraas badan oo ka mid ah kuraas ta G/Shacabka, marka maamulada Puntland & Hirshabeelle waxaan ugu baaqayna in si deg deg ah u bilaabaan doorashada G/Shacabka" ayuu yiri Axmed Safiino Afhayeen ka Guddiga Doorashooyinka heer Fedaraal.
Hadalka Afhayeenka doorashooyinka ayaa imaanaya xili doorashada G/Shacabka ay ho ray u bilaabeen maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo kuwa Gobolada Waqooyi, halka guddiyada Jubbaland iyo kuwa beelaha Banaa diriga ay soo saareen liiska kuraasta ay door ashadooda qaban doonaan
 
SHIR AY MUQDISHO KU YEESHEEN BEELO KA TIRSAN HARTI-ABGAAL OO GO'AANO IYO DIGNIIN CULUS LAGA SOO SAARAY
Waxaa Shalay M/Muqdisho lagu qabtay shi rweyne ay isugu yimaadeen beela ha Cabda lla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone ee Abg aal, kaas oo looga arrinsaday aayaha labada kursi ee tirsigoodu yahay Hop141 iyo Hop146.
Beelahaan ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta boob ay sheegeen inay ku hey so beesha Maxamed-Caroone oo ay wadaag aan kuraasta golaha shacabka, waxayna bee laha kale ee Mudulood ka dalbadeen inay soo faro-geliyaan khilaafka ka taagan labadaas kursi.
Shirkii Shalay ee labadaas beelood ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen waxgaradka Cabdalla-Caroo ne iyo Nuugaane-Caroone oo ka kooban lix qo dob, kuwaas oo kala ah:
1 – Shirweynihii koowaad kadib waxaa lab adaan beelood ee walaalaha ah ka codsaday inay fursad siiyaan si arrintaan uu u xaliyo ma daxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sha riif, oo safar ku tegay degmada Cadale.
2 – Shir ka dhacay guriga madaxweynihii hore Sheekh Shariif 4-tii November waxaa la isla ga rtay in labadaas kursi ay ka wada dhexeeyaan beelaha Suul-Harti oo aysan jirin cid si gaar ah u sheegan karta, iyadoo beesha Maxamed-Ca roone ay goobtaas ku bixisay raali gelin, wax aana goobtaas looga dhawaaqay guddi farsa mo, balse waxaa fashiliyey oo ay ka socon wa ayeen wixii lagu heshiisyey beesha Maxamed Caroone.
3 – Mudo lix bilood ah kadib, oo dadaalo xo og leh uu arrintaan ku bixiyey Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, waxay natiijadu noqotay inuu ku guul dareystay inuu xaliyo is qabqabsi ga kuraastaas.
4 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay gaarsiiye en cabashadooda ku aadan kuraasta kala ah, Hop141 iyo Hop146, cid kasta oo ay quseydo doorashada dalka, sida ra'iisul wasaaraha, gu ddiyada doorashooyinka iyo maamulka Hir Shabeelle.
5 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Car oone iyo Nuugaane-Caroone waxay ku boga adinayaan madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe sidii hufnaanta laheyd ee doora shadii Aqalka Sare uu u qabtay, waxayna ka rij eynayaan in si taas lamid ah uu u maareeyo doorashada golaha shacabka, si gaar ah kura asta Suul-Harti ee muranku uu ka taagan yahy
6 – Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Car oone iyo Nuugaane-Caroone waxay baaq u dirayaan walaalahooda kale ee kala ah, Harti Abgaal, Wacbuudhan Abgaal, Warculus Abga al iyo guud ahaan beelweynta Mudullood, inay ogaadaan dulmiga iyo cadaalad darrada be esha Maxamed-Caroone iyo cawaaqib xuma da ka dhalan karta.
Baayaanka ayaa ugu dambeyntii waxaa la gu yiri, "Beelaha walaalaha ah ee Cabdalla-Caroone iyo Nuugaane-Caroone waxay ka dig ayaan cawaaqib xumada ka dhalan karta isku dayga beesha Maxamed-Caroone oo boobey sa kuraasta naga dhaxeysa, waxaan guddiya da doorashada uga digeynaa inay aqbalaan er go hal dhinac ah, HirShabeelle waxaan uga di geynaa in la qabto doorashada Suul-Harti Abg aal, iyadoo aan la isku waafaqin, waxuuna maamulku qaadi doonaa mas'uuliyada natiijadii ka dhalata arrintaas."
Cali Guudlaawe Oo Guddoomiyay Shirka Wasiirada Hirshabeelle
Madaxweynaha DG/Hirshabeelle Cali Guud laawe ayaa Shalay shir gudoomiyay kulanka 7aadlaha ee Golaha Wasiirada D/oboleedka Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa Shirka Gol aha Xukuumada warbixin uga dhagaystay Wa siirada Wasaaradaha Kallkuumeysiga, Waxba rashada, Xanaanada Xoolaha iyo Shaqada iyo Shaqaalaha iyagoo Madaxweynaha la wada agay wixii u qabsoomay sedexdii bilood ee la soo dhaafay.
Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo Maare ynta Musiibooyinka ayaa golaha wasiirada la wadaagay baaxada abaaraha ee ku dhuftay deegaanada Hirshabeelle, iyo saameynta ay gaysteen.
Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha aya a shirka golaha xukuuma da horgeeyay Sharc iga Ciidanka Booliiska D/G/Hirshabeelle, waxa yna golaha ka doodi doonaan kulanka xiga ee Golaha Xukuumada.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada dada alka ay wadaan iyo shaqada adag ee dowlada u hayaan
Ciidamada Kumaandooska Danab oo shee gay iney burburiyeen Saldhigyo Al-shab aab ku lahayeen gobolka Sh/dhexe
Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa ho wlgalo qorsheysan waxay ka fuliyeen deeg aano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe. Deegaanada ay ciidamada Kumaand ooska Soomaaliya howlgalada ka sameeyeen ayaa kala ah Baalow, Buulo Xaanshooley, Garasw eyne Daniga iyo Basro oo dhamaantood ah deegaa no ka tirsan gobolka Sh/ dhex.
Saraakiisha hoggaamineys ay ciidanka Kumaandoos ka Danab oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegtay iney burburiyeen saldhigyadii Shabaab ay ku lahayeen deegaanada ay ho wlgalada ka fuliyeen ciidanka Danab.
Waxay intaasi ku dareen saraakiisha in ho wlgalka ciidanka Kumaandooska Fuliyeen uu ahaa mid u qabsoomay sidii loogu talo galay, islamar ahaantaana deegaanada ay howlgalka ka fuliyeen ciidanka ay ka mid ahaayeen dee gaa nada Al-shabaab ay ku xooganayeen, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.
Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaan katirsan D/Afgooye
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya da gaal culus oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay D/ Afgpooye ee G/ Shabeelaha hoose Dagaalkaan ayaa waxa uu mid kadib markii xu bno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka sabiid ee ho staga degmada afgooye
Waxaana lagu soo waramayaa in weerarka an uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhi masho iyo dhaawacba leh. Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan ,waxaana ay sheegeen in ay qasaaro lixaadleh ku gaars iiyeen ciidamada dowladda al-shabaab warar ka ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in weerarkaan ka dhacay dee gaanka sabiid ay ku dileen hal askari oo ka tir san ciidamada dowladda iyaga oo sheegay in labo askari kalana ay ku dhaawaceen.
Dagaalkan ka dhacay ka dhacay deegaan ka sabiid waxa uu kusoo aadayaa xilli saacad iihii lasoo dhaafay al-shabaab ay weeraro dho wr ah ka fuliyeen deegaano dhaca gobolka shabeelaha hoose
Xeer Ilaalinta Soomaalia Oo Amartay Xariga Ganacsato
Xafiiska Xeer ilaalinta qaranka ee dowlad da Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu amar ku bixiyay in la soo qabto sharciga na la horkeeno saddex ganacsao oo ku eedeys an dhoofinta dhuxusha.
Qoraalka uu soo saaray Xeer ilaaliye ku xige enka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Cabdull aahi Maxamed ayaa loo diray Maxkamada G/ Banaadir ayaa lagu amray in la soo xiro gana csatada kala ah Yuusuf Jaamac, Axmed Xaaji Cali iyo Liibaan Xuseen Kaarshe degan lagu helay in uu dhoofiyay 20,000 loor oo dhuxul ah.
Gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaali ya ayaa laga dhoofiyaa dhuxusha iyadoo loo dhoofiyo wadamada carabta.
Halkan hoose ka aqriso amarka ka soo baxay xeer ilaalinta qaranka;
xeer ilaalinta soomaalia oo amartay xariga ganacsato
 
Golaha Wadatashiga oo loo diray baaq la xiriira kursi xildhibaan 'oo la boobay'
Cabdiraxmaan Tuuryare oo ka mid ahaa mu sharaxiinta kursigii Xildhibaan ee loo boobay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey ayaa fariin hor leh u diray golaha wadatashiga qaranka oo dhawaan ka shiri doona qalad aadka hareeyey doorashada dalka.
Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyn soo dhaw eeyey go'aankii uu ra'iisul wasaare Rooble ku kala diray xubnihii laga saaray guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, isagoo Alle uga ba ryey inuu haleeshiiyo go'aanada kale ee u baa han inuu qaado Rooble, si loo badbaadiyo kal soonida doorashada.
"Ra'iisul wasaare waxaan Allah ka rajeynaa tallaabooyinka bilaawga ah ee aad qaaday ku wii ku xigay ee loo riyaaqi lahaa inaad qa ado," ayuu yiri.
Jeneraal Tuuryare oo fariin u diray golaha wadatashiga qaranka ayaa yiri, "Waxaan ugu baaqeynaa madasha wadatashiga oo naloo sheegay inay kulan ka yeela doonaan saxidda hanaanka doorashada iyo qaladaadkii dhacay, waxaan idiin rajeynayaa inaad ku dhiirataan sa xidda doorashada iyo badbaadinta dalka oo aad ka soo guurtaan danaha aad is bideen ee shakhsiga ah iyo awoodaha aad ku takri fasheen."
Waxa uu sheegay in kulanka golahaas ay ra jo weyn ku xirayaan, maadaama maanta qarka loo saaran yahay in dalku fowdo galo oo door ashada laga rajo dhigo, sida uu hadalka u dhi gay."Waxaa tihiin masuuliyiinta maanta maa musha 90% dalka oo dowladda dhexe uga ho oseeya, waxaan rajo weyn ka qabnaa inaad wax sixi doontaan oo mas'uuliyadii aad fudud eysateen ee lagu boobay kuraasta uu ka mid yahay HOP#67 aad dib u sixi doontaan, Ro oble oo hoggaaminayaa madashaas waxaan kula talinayaa inuu muujiyo dhiiranaan gaar ah," ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.
Ciidamada Suudaan Oo Xiray Waddooyin ka Waaweyn Ka Hor Dibadbaxyo La Qorsheeyay
Ciidamada ammaanka ee caasimadda Su dan ee Khartoum ayaa xiray waddooyinka wa aweyn ka hor dibadbaxyada la qorsheeyay ee lagu xusayo sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay dibadbaxyadii lagu af gam biyay madaxwey nihii hore ee dalkaas Cumar Al-Bashiir. Mudaaharaadyada lagu raadinayo dimoqr a adiyada ayaa ka bilow day dhowr magaalo & magaalooyin kale oo dalkan ah.Bishii hor e, R/Wasaare Cabadal la Hamdok ayaa dib loo soo celiyay ka dib markii ay xilka ka tureen militeriga Suudaan.
Dad badan reer Suudaan ah kuma aanay faraxsanayn in Mr Hamdok uu heshiis la galo mil itariga, waxay hadda ku baaqayaan hogg aan siyaasadeed oo rayid ah Sabtidii, R/ wasa araha Suudaan ayaa sheegay in is-mari waa ga siyaasadeed uu halis ku yahay xasilloonida &midnimada dalka
Somaliland : Gabadh shaqada looga jojiyay taageero ay u muujisay guddoomiyaha Gol aa Wakiilada Somaliland
Nimco Cabdi Wahaab Shirdoon, oo ah war iye muddo dheer ka tirsanayd wasaarada war faafinta Somaliland, ayaa shaqadii laga joojI yay kadib markii qoraal ay soo galisay bogee da Facebook ay taageero ugu muujisay guddo omiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdir isaaq Khaliif Axmed.
"Muddo dhawayd waxaa dha cday in ay isku dhaceen, guddo omiyaha baarlamaanka dalkee na J. Somaliland iyo TV-ga qar anka, taasi oo ah sunaha dalk eena iyo dadkeena in ay tahay wax caadiya oo laga heshiin karo...waxa dhacday in aan gudd oomiye Khaliif sawir kiisa soo dhigay, waxa la i yidhi gaf ayaad ku dhacday" ayay tidhi Nimco.
"Sawirkii iyo magacaygii oo isla socda, ay aa la keenay iyadoo laygu hanjabayo oo laygu ganaaxayo in aan shaqada qaranka meel ka ga dhacay, agaasimaha guud ayaa ii yeedhay, ka dibna wuxuu iigu hanjabay 'ma ogtahay Fac ebook gaaga waxan aad soo dhigaysa in uu yahay khalad xeerna uu ku qabanayo".
Nimco ayaa sheegtay in habeenkii Habeen hore ahaa uu maamulka waaxda ay ka tirsana yd ku war galiyay in shaqadii laga joojiyay, "Ha been hore waxa ila soo hadlay madaxa waa xdii aan hoostagayay, oo igu yidhi 'Nimcoy ma daxdii iga saraysay waxay ii sheegeen in sha qadii laga joojiyo' ".
Qoraalka Nimco shaqada looga joojiyay ayaa ahaa mid ay taageero ugu muujisay guddoomi ye Khaliif xili uu khilaaf soo kala dhexgalay TV-ga Somaliland, "kuwii indhaha Hoos urog an jiray ee hacoo yada Ahaa baad rabtane ka ni waa halyay kudhac iyo ku dhiirashaba leh".
Waxay diiday inuu guursado kadibna wejig eedii qurxanaa ayuu Aashito ka baabi'iyey
Waxaa baraha bulshada ee caalamka qabs aday muuqaallada argagax leh ee Maryam al-Rikabi oo ah gabar Ciraaqi ah oo wejigooda uu isbedelay islamarkaana gogo'ay kadib mar kii uu aashito ku shubay nin ay diiday inay gu ursato.
Gabadhan oo ah ardayad deggan magaal ada Bagdhad ayaa waxaa bishii June ayada oo gurigeeda jiifta soo weeraray ninka ay guu rkiisa diiday
Ninka ayaa soo galay guriga Maryam xilli hooyadeed iyo aabaheed ku maqnaayeen sha qo, wuxuuna wejiga uga shubay aashito ayada oo huruda, isaga oo kadibna xaday teleefonk eeda.
Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Cira aq ayaa lagu sheegay in Golaha Garsoorka Sare ee Ciraaq uu Khamiistii ku dhowaaqay inuu socdo baaritaan lagu sameynayo dhacda dan.
Aabbaha Maryam ayaa ka codsaday Gol aha Garsoorka inay si dhab ah u qaataan kiis kan oo ay ahmiyad siiyaan in lala xisaabtamo ninka weerarka geestay. Wuxuu sidoo kale ka hadlay caqabadaha ay wajahday Mariam tan iyo markii weerarka lagu qaaday.
Kumanaan qof ayaa taageero u muujiyey Maryam ayaga oo baraha bulshada ka billaabay hashtag ah "Badbaadi Amiirad Maryam."
Waxaa sidoo kale Khamiistii la billaabay bog GoFundMe ah oo lacag loogu ururinayo Maryam si caafimaad dibedda Ciraaq ah loogu qaado, waxaana markii aan warbixintan daaba cnay uu mareyey $24,400.
Sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aad anaha ee Human Rights Watch, rabshadaha qoyska ayaa saf-mareen ka ahaa Ciraaq 20 20, oo ay ku jiraan dilalka ay haweenka iyo ga bdhaha u gaysteen qoysaskooda iyo seygoda.
Cabsi Laga Qabo In Dagaal Loo Adeegsado Nukliyeerka Uu Dhexmaaro Laba Dal
Ra'iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in haddii Hindiya ay weer ar cirka ah ku qaaddo dalkiis Pakistan, loogu jawaabi doono tallaabo la mid ah midda ay qaaddo.
Wareysi uu siiyay telefesh inka laga leeyahay dalka Qat ar ee Al-Jazeera, ayaa Imran Khan wuxuu ku yiri, "Haddii xukuumadda Hindiya ay sidaa sa meyso, markaas waxaan ka baqayaa in lab ada quwadood ee Nukliyeerka ah ay is waja haan".
Imran Khan wuxuu sheegay haddii Xisbiga BJP ee dowladda Hindiya uu ku kaco fal we erar ah ay arrintaas ka dhalan karto cawaaqib xumo daran oo saameyna yeellata. Dadka da lka Hindiya ayuu ku tilmaamay in ay yihiin ku wa wax walba fahmaya, balse dowladda xuk unta ayuu ku tilmaamay mid xagjir ah.
Mar uu ka hadlayay Kashmir qeybta ay Hin diya maamusho ayuu sheegay in xaaladdu ay la mid tahay xabsi. Sideed milyan oo reer Kashmiir ah ayaa lagu qasbay inay ku noolaa daan xabsi furan iyadoo dadkaasi cabsi ka qa baan ciidamada.
Dad Hor Leh Oo Ku Geeriyooday Duufaann adii Ku Dhuftay Filibiin
Ugu yaraan 169 qof ayaa hadda la og yah ay inay dhinteen ka dib markii duufaan xoo ggan ay Khamiistii ku dhufatay dalka Filibiin, sida ay booliisku u sheegeen warbaahinta max alliga ah.
Duufaanta Rai oo ah tii ugu xoogganayd ee sannadkan dalkaas ku dhufata ayaa 300 oo kun oo qof ku khasabtay in guryahooda laga daad gureeyo.
Dhanka kale, Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte ayaa kormeer dhanka hawa da ah ku sameeyay goobihii ay duufaantu hala keysay.
Muuqaallo ay baraha bulshada soo geliy een shaaalaha gargaarka ayaa muujinaya bur bur weyn oo soo gaar ay jasiiradaha Siargao, Dinagat iyo Mindanao.
Hay'adda caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa samaysay codsi deg deg ah oo ku aaddan in la maalgeliyo dadaallada gargaarka. Waxayna hay'addu sheegtay in guryaha iyo cisbitaallada ku yaal deegaannada xeebaha ah ay gebi aha anba burbureen.
..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip