HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARJA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA DEC. 2021-KA

0
Sunday December 19, 2021 - 08:24:34 in Wararka by
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARJA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAD 19-KA DEC. 2021-KA

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Akhriso:-Nuxurka Khudbadii Farmaajo Ka Jeediy ay Shirka Iskaashiga Turkiga Iyo Afrika
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaad ay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha isk aashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaar adda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muh iimadda uu leeyahay horum arinta iyo xo oj in ta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Af rika, isaga oo tilmaamay in Shirweyn ahani uu faa 'iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac.
"Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qo dob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah ee hoosta lag aga xarriiqay Shirweynahan, ay dhammaanteen in oo horseedi doonaan jewi nabad, caddaalad, xas ill ooni iyo barwaaqo ah, sidoo kale ay keenayaan fu rsado aynu u simannahay dhammaanteen."
Farmaajo oo ka warbixiyey xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga, mashaar iicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ah, mugga ganacsi iyo isdhexgalka bulsho ee Labada Dowladood, ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaa liya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan Wax wada-qabsi, is-ixtiraam, isfaham iyo faa'iido labo dhinacle ah.
"Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhan walba ah. Waxa aannu ka markhaati kacaynaa waxtarka uu noo leeyahay iskaashiga dhabta ah ee aannu la le enahay Turkiga, kaas oo tusaale ay ku dayan kar aan u ah walaalahayaga Afrikaanka ah."
Madaxweynaha oo ka warramay horumarrada ballaaran ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinacyada amniga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay'adaha dowladda iyo adeegyada bulshada, ayaa ugu baaq ay Madaxda kasoo qeyb gashay Shirkan iyo ma algashadeyaasha caalamiga ah inay ka faa'iidays taan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalkeenna.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Turkiga Rec cep Dayyip Erdogan, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas garab istaagga iyo taageerada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Shirkan.
Rooble oo eryey 7 xubnood oo ka mid ah Guddi ga Xallinta Khilaafaadka Doorashada
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xu seen Rooble ayaa eryey 7 ka mid ah xubnaha Gudd iga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, wuxuuna magacaabay toddoba xubnood oo cusub.
Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa xubnaha uu ery ey ku eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qab ay, islamarkaana ay ku milmeen dhinacyada siyaa sadda ee ku loolamayo doorashada Soomaaliya.
Xubnaha shaqada laga joojiyay oo gaaraya illa iyo 7 xubnood ayaa waxaa kamid ah guddoomiyaha guddiga xalin ta khilaafaadka ee arrimaha door ashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud Laki.Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xubnaha la eryey ay ku milmeen oo ay qeyb ka noqdeen ololaha doorashada mada xweynaha muddo xileedkiisu dhamm aaday Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoos Ka Aqriso Qoraalka Kasoo Baxay Rooble
{XIL KA QAADIS IYO MAGACAABIS XUBNO KA TIRS AN GUDDIGA KHILAAFAADKA} 
 Guddiga xalinta Khilaafka doorashooyinka oo sheegay in shaqooda halis ku jirto - Caasimada Online
■ Markii uu arkay; Qodobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah, Markii uu tix ga liyay Go'aannadii Ra'iisul Wasaaraha Xukuuma dda loogu xilsaaray hiogaaminta iyo habsami u soc od-siinta doorashooyinka daika.
■ Markii uu xaqiiqsaday; in xubno ka mid ah Gudd iga Xallinta Khilaafaadka ay lumiyeen madaxbanaa nidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda, isla-markaana baal maray xeer anshaxa doorashada.
■ Markii ay u caddaatay; in Guddiga Xallinta Khilaafaadka ay khatar ugu jiraan in ay lumiyaan kal soonidii shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyaya asha doorashooyinku ku qabeen in ay si caddaalad uga garsooraaan cabashooyinka Ia xiriira doorasho oyinka.
■ Markii uu xaqiiqsaday; in xubnaha magacya dooda hoos ku qoran yihiin ay masuuliyadooda u ist icmaaleen ujeedooyin ka baxsan xilkii lagu aam inay, kana dhaga adaygeen talooyin iyo digniino Ia xiriiray ka waantoobista falalka ay ku jiraan ee baal-marsan nidaamka xil gudashadooda.
■ Markii uu tixgaliyay: Halista ay ku keeni kar aan ficilada xubnahaan Doorashada iyo xasiloonida guud ahaan ee DalkaWuxuu go'aamiyay
Qodobka 1-aad
Waxaa xilalkii iyo xubinimadoodii Guddiga Xallin ta Khilaafaadka Doorashooyinka laga qaaday xub naha magacyadoodu kala yihiin:
1. Xuseen Laki Maxamed Maxamuud
2. Axmed Saciid Samatar
3. Maxamed Faarax Xersi
4. Nimco Axmed Cabdi
5. Cali Maxamuud Faarax (Seeko)
6. Cabdiramaan Maxamed Cali
7. Maxamed Ciise Heybe
■ Qodobka 2-aad
Waxaa la magaacaabay xubnaha magacyadoo du hoos ku qoran yihiin in ay ka mid noqdaan Gudd iga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyagoo be ddelaya xubnaha kore ee xil ka qaadista lagu same eyay
1. Ismaaciil Maxamed Axmed
2. Fardowsa Mataan Buulle
3. Ayaanle Axmed Cabdulle
4. Bashiir Axmed Yusuf
5. Xasan Axmed Dhicisow
6. Axmed Barre Maxamed
7. Maxamed Cawil Warsame
■ Qodobka 3-aad
Waxaa lagu wargalinayaa dhamaan guddiyada doo rashooyinka heerarkooda kala duwan in ay dhawra an anshaxa iyo dahfurnaanta doorashooyinka, ilaal iyaan madax-bannaanidooda kana fogaadaan ku milmidda siyaasadda.
■ Qodobka 4-aad
Xeerkan waxuu dhaqangelaayaa marka uu saxiixo Raisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Rooble Ra'iisul Wasaaraha JFS
Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Wafdi uu hogg aam inayo oo si diiran loogu soo dhawee yey Baydhabo
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Xuseen Rooble iyo wa fdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ba ydhaba ee xarunta KMG ee Dowlad Gobolee dka Koonfur Galbeed, hal kaas oo si diiran ugu soo dhawe eyeen Madaxda iyo qeyba ha kala duwan ee bulsha da. Ra'iisul Wasaaraha ayaa qeyb gali doona mun aasabadda sanad guurada 3aad ee markii la door tay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laf ta-Gareen), isla markaana la qaadan doonna Dowl ad Goboleedka Koonfur Galbeed kulamo lagu dar dargelinayo hannaanka doorashooyinka.
Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay aa uga mahad celiyey Bulshada Koonfur Glbeed soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.
Sidoo kale, wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa in ta uu joogo Baydhabo u kuurgeli doonna xaaladda abaaraha ku dhuftan deegaanka, si qiimeyn loogu sameeyo, maadaama ay Koonfur Galbeed kamid tahay meelaha ay sida daran u saameysay abaarta ku dhufatay
qaar kamid ah gobollada dalka.-DHAMMAAD-


Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta oo soo dhaweeyay go,aanka Rooble
Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa soo dhoweeyay talaabada uu xilka
uga qaaday Ra'isulwasaaraha Xukuumadda Soom aaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga xalinta khilaafaad ka doorashooyi nka kuna magacaabay xubna cu sub, isaga oo ka jawaabaya cabashooyinka ka yimid doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka ee socda.
MD Shariif ayaa yirri "Talaabadani waxa ay kor u qaadaysaa daah furnaanta doorashooyinka, waxa ay ka hortagaysa boobka kuraasta, waxa ayna kal sooni galinaysaa daneeyayaasha doorashada iyo dadka Soomaaliyeed ee leh kuraasta Baarlaaman ka"
"Waxaan adkaynaynaa in ay lagama maarmaan tahay in doorashada ku socoto hab hufan oo loo dhan yahay, Ra'isulwasaaraha iyo Golaha Wadatashiga Qarankana waxaa laga rabaa in ay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo dib loogu saxayo qaladaadka doorashada ee cabashooyinka keenay"
 
Farmaajo Iyo Madaxweynaha Ruwaanda Oo Isku Raacay Xoojinta Iskaashiga
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaad ay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Ruwaanda Paul Kagame oo ay ka wada qayb galeen Shirweynaha 3aad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.
Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Ruwa anda ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka
ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgash iga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada.
Sidoo kale Farmaajo iyo Paul Kagame ayaa wax aa ay isku raaceen Xoojinta Iskaashiga iyo horuma rinta wax wadaqabsi ka tarjumaya danaha iyo yoola sha labada Qaran ee dowladdaha Soomaaliya iyo Ruwaanda.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaad ay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku su gan Magaalada Istanbuul oo uga qeyb galay Shirw eynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika oo Dorraad ka furmay Magaaladaas.
Farmaajo ayaa kulamo kale la qeyb qaadan doona qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galay Shirweyna ha Turkiga iyo Afrika, isagoo kala hadli doona xoojin ta xiriirka, amniga, ganacsiga, maalgashiga Sooma aliya iyo dhaqaalaha.
Xasan Sheekh oo war kasoo saaray mowqif koo da kadib kulankii doorashada ee Habeen hore
Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo kamid ahaa xubnihii Midowga Mush araxiinta Mucaaradka uga qeyb galay kulankii ay Habeen hore la yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran ay aa sheegay in kulankaas looga hadlay si da doora shada looga hor leexin lahaa caqabad aha hor gudban.
"Shirkii Golaha Wadatashiga Qar an & Midowga Musharaxiinta wa xaan uga wada hadlnay sida do orashada looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gu dban. Mi dowgu waxa uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah la isugu yim aado si ay u dha cdo doorasho xor iyo xalaal ah," ayuu yiri Xasan Sh.oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.
Xasan Sh.ayaa sheegay in mowqifka Midowga Mu sharaxiinta uusan waxba iska badalin illaa laga ful & waxyaabihii looga wada-hadlay kulankii Habeen hore.
"Kulankii Habeen hore waxa uu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday laakiin mowqifka Mido wga Mu sharaxiinta waxba is kama baddalin ilaa bil lowgaas fiican uu miro dhal noqdo," ayuu sii raa ciyey.R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roob le ayaa Habeen hore shir guddoomiyay kulan foga an arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qar anka, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha do ora shooy inka dalka.
Shirkaan oo ku qabsoomay aalada Zoom-ka ay aa lagu iclaamiyey shir ka dhici doona Muqdisho oo ay isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashi ga Qaran, si looga arrinsado dhameystirka doorashooyinka
"Wadahadal iyo falanqeyn dheer kadib xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isku raaceen in si kama dambeys ah loo dardar-galiyo qabasha da doorashooyinka kuraasta dhiman iyo in Golaha Wadatashiga Qaran uu isugu yimaado kulan dhawa an looga arrinsanayo dhammeystirka doorashooyinka," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra'Iisul wasaare Rooble.
YAASIIN FAREY: Xildhibaan kaliya ma noqon ayo ee sidoo kale waxaan noqonayaa…
   Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Farey ayaa markii u horeysay ka ha dlay guusha uu ka gaaray kursiga muranka badan uu hareerayay ee tirsigiisu yahay HOP#067.
Waxa uu sheegay in tabashada jirta kursigaas lagu xalin gudaha beesha, kadib markii uu dhawaan guddiga xalinta khilaafaadka u xalaaleeyay guusha kursigaas, oo la fa hamsan yahay inay saartay Villa Soma lia."Aniga in badan waxaa kusoo sha qe eyay xil ciidan, Shalay waxaa doontay oo soo qaa tay kursi ay leeyihiin dadka Shalay ila fadhiya. Bee sha aan ka tashay ayaga ayaa is wareysanaya wixii ayaga dhexdoona ay is xaliyaan, is wareysi ho ose inta maqan iyo inta joogtana waa la gaaraya" ayuu yiri Yaasiin Farey.
"Waxaa ballan-qaadaya inaan noqon doonin qof aan dadkiisa ka dhex muuqan, bulshaweynta Soma liyedna ka dhex muuqan. Ciidan keliya ma noqon doone waxaa noqon doona Sarkaal ka tirsan ciida mada oo ka shaqeeya xoreynta deegaanadeena."
Sidoo kale waxa uu sheegay in muhiim tahay in ay isku raacan in deegaanadooda xoreystaan, islam arkaana ay isku keenaan dadka ay isku deegaanka yihiin si ay uga tashadaan danahooda, sida uu she egay.
"Shabeelaha dhexe inay xaroowdo ayaa lagu ga ari doona wada-tashi iyo isku duubni. Shalay in aan ka hadlo dad gaar ah iyo deegaan gaar ah waxaa igu kalifay wixii iyagu lahaayen ayaa soo qaatay, markaa in aan iyaga ku dhawaaqo waa ku qasba nahay."
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay xal u helida tabashada beesha dhexdeeda ee uu kursigeeda ku guuleystay, ayna iskugu imaan doonaan kulamo kale oo looga arrinsanayo danta deegaanada uu metelo.
Hadalkan ayaa imanaya kadib markii uu go'aan dhan u xaglinaya uu guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ka gaaray dacwadii laga soo gud biyay kursiga HOP#067, oo uu ku guuleystay Yaas iin Farey, oo si dhaw ugu xiran madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.
Maxay siday doontii Habeen hore ay ciidanka bool iska ku qabteen xeebta Muqdisho?
Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa Habeen hore gac anta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka do oriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Doonta ayaa la sheegay inay kasoo shiraacatay M/Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay baxsadeen ragii watay doontaas.
Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta kula hadlay xeebta Liido oo lagu soo bandhigay doontaan ayaa sheegay in howlgal culus oo ka dhan ah maan-dooriyaha ay bilaabeen ciid anka booliska Soomaaliyeed.
"Doontaan waxay siday waxyaabo badan oo ma andooriye ah oo isku dhex jira, sidaan ayaan uga hor tegeynaa maalkasta oo aad isku daydaan inaad dalka ka soo gelisaan muqaadaraad," ayuu yiri afhayeenka.
Waxuu intaas ku sii daray, "Waxaan ugu baaqa yaa dadka doomaha leh inay ka waantoobaan wax yaabahaan ay qaadayaan, hadii kale boolisku wa xay la tiigsa doonaan sharciga, nagama baxsa doon taan."
Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay maal mihii lasoo dhaafay si xariir ah ugu guuleysteen ho wlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka door iya oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Waxaa gacanta lagu dhigay warshado lagu sam eyn jiray maan-dooriyaha, sidoo kale waxay hey'a daha ammaanku gubeen noocyada kala duwan ee maandooriyaha, iyadoo gacanta lagu dhigay dadkii ka ganacsa jiray.
Maamulka Galmudug Oo Ku Dhawaaqay Abaar Daran Oo Ka Jirta Deegaanada Galmudug.
Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Axm ed Shirre Falagle ayaa sheegay in xaalad bini-ada nimooo aad u daran ay ka jirto deegaanno ka tirsan gobolka Mudug, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay in ay jiraan xanuuno ka dhashay abaarta.
" Waxaanu soo aragnay dad ka la duwan oo nafaqo darro iyo bi yo la'aan darani soo wajaha day," Wasiir Falagle oo u wara may warbaahinta dowladda isagoo ku sugan deega anka Qeydarre ayaa ku baaqay in Deg deg loo gu soo gurmado Shacabka ay sameysay Abaartu.
Deegaanka Qeydarre ayaa ilaa 200-km dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug
Axmed Madoobe Oo Kulan La Yeeshay Xubno Ka Tirsan Guddiyada Doorashooyinka
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Shalay Madaxtooyada Magaalada Kismaayo ku qaabilay xubno katirsan Guddiga Doorashooyinka heer feder aal iyo heer dowlad Goboleed.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Guddiyada uu la kulmay kula dardaarmay in ahmiyad gaar ah la siiyo hirgalinta daahfurnaanta Doo rashooyinka, isla markaana ka sha qeeyaan sidii doorashada u noqon laheyd mid daahfuran oo xor ah.
Waxaa kale oo Madaxweynahu uu xusay in loo ba ahan yahay in laga faa'iidaysto wa khtiga iyo fursa daha wali dalka lagaga hirgalin karo Doorashooyin lagaga samata bixi karo xaalada Taa gan ee dhina cyada amniga iyo abaaraha si loo helo dowlad Awo od u leh wax ka qabashada arimahaas mudnaanta u leh bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Isl aam Axmed Madoobe ayaa Guddiyada doorashooy inka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ku b ggaadiyey shaqooyinka ay hayaan, wuxuuna ka dal baday inay sii laba jibaaraan, ayna doorashada no qoto mid daahfuran.
Jubbaland ayaa dhawaan soo saartay Liiska 14-ka kursi ee ugu horreeysa kuraasta doorashada Go laha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Maamulka as, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda bil aabaan doorashada Golaha Shacabka.
Bogga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Facebook oo la jabsaday
Koox burcad dhanka Internet-ka ah ayaa la war eegtay maamulka Barta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu ku leeya hay Facebook, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in la jabsaday bartiisii uu ku lahaa Facebook.
"Taliska Xoogga Dalka Soomaa liyeed wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiinayaa in la jabsaday Pa ge-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidan ka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odawa Yuusuf Raage." Ayaa lagu sheegay warka SONNA.
Warka ayaa lagu yiri "Talisku wuxuu hadda gacanta ku hayaa, sidii uu dib ugu soo celin lahaa maamul ka bogga gaarka ah ee Taliyaha, Insha'Allah, marka dib loo soo celiyana dib ayaan idin kala soo wada agi doonnaa." Shirkadda Fadebook ayaa Taliska Ciidanka Xoog ga Dalka kala shaqayn doonto, sidii boggaasi dib lo ogu soo celin lahaa gacanta Taliska, haddii ciwaank an ay horey shirkadda u xaqiijisay, isla-markaana
uu leeyahay calaamadda saxda ah ee buluugga.
 
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wadahadlay hour marinta waxbarashada
Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Md.Cbdullaahi Abukar Haji ayaa la kulm ay Dhigiisa Wasiirka Waxbarashadda Turkey Hon. Muhmut Ozer, kaasi oo ay ka wada hadlay xariirka Waxbarasho ee labada wadan, Sare-u-qaadista isk aashiga Waxbarashada iyo Cilmi baa rista. Was iirka Waxbarashadda mudane Cabdullaahi Carab oo ka qeyb gelaya shirka iskaashiga ee Africa iyo Turkey, ayaa warbixin ka siiyay dhigiisa Turkey xaalada guud ee Waxbrashada Soomaaliya, baahiyaha ka jira, xariirka Turk ey ee horumarinta Waxbrasha da iyo guud ahaan dadaalada ay dowlada Federaalka ugu ji rto horumarinta Waxbrashada Soomaaliya, si ay bul shada Soomaaliyeed uga qeyb qaateen tartanka lo ogu jiro aqoonta iyo Waxbarashadda.
Kulanka labada Wasiir ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa ayada ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dalka Turkey iyo Mas'uuliyiinta Waxbarashada u qaabilsan Safaaradda Soomaaliya ee Istanbul.
Madaxweyne ku-xigeen maamul goboleed oo si cad u sheegay in doorashada ay qof u rabaan
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba geed) oo Shalay gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa si cad u sheegay in kursi kasta oo doorashad iisu ay ka dhaceyso Beledwe yne ay qof u rabaan.
"Horta anagu dikr eeto wax ku soo mag icaabimeyno, in wa xa socda aan shib ka dha nana ma dhac eyso, laak iin ca daalad darro muuqata oo qabaa'ilka la dhex gelaa yo oo dadka banaanka jooga ay arki karaan, ma sa meyn doono," ayuu yiri Yuusuf Daba geed.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa cadeeyey in dho wrkii musharax ee hal qabiil kasoo wadajeeda ay hal mid ka taageeri doonaan, isla markaana ay wax kasta u huri doonaan in musharaxaasi guuleysto.
"Kursi kasta oo qabiil leeyahay musharaxiin badana ku tartamayaan, qofaan la rabnaahe ogaada, hada an Alle u diidina, qofka aan u rabno inuu ku guuleys taan rabnahe ogaada," ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.
Yuusuf Dabageed ayaa dadkii ku soo dhawee yey Beledweyne ka codsaday in arrintaas lagala shaqeeyo, isagoo u balan qaaday in kursi qabiil lee yahay aan qabiil kale laga sii doonin.
"Gabar ama wiil qabiilka ka mid ah hadii aan ku rsiga siino yaa nala dhihin kursigii cadaalad darro ayaa lagu sameeyey iyo waa la boobay, boob wax aa la dhahaa kursi qabiil lahaa oo qabiil kale la siiy ey, taas ma dhaceyso, anigaa idinka balan qaaday, laakiin anaga qofaan kursiga la rabnaa dadkana anagaa u madax ah," ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid dhihi karta ama ay ka yeelayaan kursiga qabiilka leh ayaa u tashanaya, "Cid na dhihi karta ma jirto qabiilka ayaa kuriga xa ga la tegaaya oo sidey rabaan ka yeelaya, waxaas ma jiraan ee yaan lagu lugo'in," ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in boob cad aysan sameyn doonin, balse hadalka Madaxweyne ku xigeenku waxuu bannaanka keenayaa welwelka ay siyaasiyiin ba dan ka qabaan in la boobo kuraasta doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Beledweyne ee gobol ka Hiiraan.
R/wasaaraha Faransiiska oo madaxda Yurub ka dalbaday in laga hortago faafitaanka Karoona.
R/wasaaraha Faransiiska Jayn Kaastakis ayaa sheegay inuu aad uga walaacsanyahay faafitaanka xanuunka Covid19 noociisa cusub. Rwasaare Kaastskis waxaa uu sheegay in nooca cusub ee karoona uu hadda ku faafayo si xawli ah taasoo halis gelin karta nolosha dad badan oo Yurub ku nool.
Madaxda midawga Yurub ayuu ugu baaqay inay qaadaan tilaabooyin looga hortagayo faafitaanka xanuunkaan iyo in lasoo celiyo xanibaadaha si uu u faafin.
Dhawr oo Yurub ku yaala oo ay ka mid yihiin Faransiiska, jamhuuriyada Ireland iyo Jarmalka ayaa saadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay bandaw cus ub oo dadka lagu soo rogayo.
Qiyaastii 89 million oo qof oo Yurub ku nool ay uu xanunkaan ku dhacay 2 sano ee lasoo dhaafay.
Maraykanka Oo Shucaaca Laysarka Ku Ridey Meel U Dhow Xeebaha Somalia
Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ay ku guulaysteen tijaabinta hubka laysarka iyagoo maraya Gacanka Cadmeed
Taas oo ay kaga hortegayaan khatarta sii kordheysa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo xulafadeeda, sida la yiri.
Tijaabadan ayaa waxaa sameeyey markabka USS Portland xilli ay marayeen biyaha u dhaxeeya Geeska Afrika iyo Jasiirada Carabta.
Ciidamada badda ee Maraykanka ayaa sheegay in lagu "guulaystey in laysarka lala helo" yoolkiisii sabeynayay. Kooxda Raxanta 5-aad ee fadhigeedu yahay Bariga Dhexe ayaa horey sidan oo kale hubkan u tijaabisey, waxaana sanadkii hore ay isticmaaleen laysar ay ku garaaceen diyaarad aan duuliye lah ayn.
Laga soo bilaabo Badda Cas iyo Gacanka Carabta ilaa qaybo ka mid ah Badweynta Hindiya, oo ah meesha Raxanta 5-aad ugu calaamaysan "Aagga Howlgal", ayaa dhowaan noqday mid ay ku soo qul qulayaan dayuuradaha aan duuliyaha lahayn.
Tusaale weerar ayaa lala beegsaday markab ay maamusho Israa'iil oo marayey xeebaha Cumaan bishii Luulyo, halkaas oo lagu dilay laba shaqaale ah. Iran ayaa beenisay inay ka dambeysay weerar ka. Post navigation
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo ku gacan sayray xil ka-qaadistii Rooble
Xubnihii uu Shalay Ra'iisul Wasaare Rooble ka saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegeen in go' aanka Ra'iisul wasaaraha uu yahay mid sharci d rro ah, isla markaasna baal marsan heshiiska doorashooyinka dalka.
Qoraalka ka soo baxay xubnaha la eryey oo uu ku jiro guddoomiyihii guddiga ayaa ka kooban afar qodob, waxaana lagu yiri, "Guddiga xalinta khilaaf adka doorashada dadban ee 2021 waxuu cadeynayaa:"
1 – Inuu aad uga xunyahay warqadda Shalay ka soo baxday xafiiska ra'iisul wasaaraha ee u jeedkeedu ahaa xil ka qaadista guddoomiyaha guddiga oo ay wadar ogol u doorteen dhamaan xubnaha guddiga iyo xubnaha kale ee guddiga oo muhiim u ah geedi socodka doorashada dalka, mudo soo shaqeynayey, khibrad iyo aqoon badana leh.
2 – In hanaanka loo maray xil ka qaadista xubnahaas uu yahay mid baal-marsan heshiiskii 17-kii September iyo habraacyadii iyo mabaadi'idii guddig aan lagu aas-aasay.
3 – In hannaanka saxda ah oo ay tahay in loo maro wax ka bedelka xubnaha guddiyada doorashada heerarkooda kala duwan uu noqdo go'aan ay wada gaareen madaxda golaha wadatashiga qaranka.
4 – Inuu si gaar ah uga xunyahay una cambaareyn yo guddigu hanaankii argagaxa lahaa ee wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur uu ula dhaqmay xubnaha guddiga, kadib markii uu xarunta guddiga lasoo galay ciidamo hubeysan, isagoo xa iraad, handadaad iyo cagojugleyn u geystay xubnaha guddiga, kuna amray inay hal saac gudihiis uga guuraan xarumahooda, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab xarig ah, taas oo xadgudub ku ah xasaanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah XFS.
Ugu dambeyntii xubnaha qoraalkaan soo saaray ee Shalay laga saaray guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa madaxda golaha wadatashiga qaranka ka codsaday inay ilaaliyaan madax-banaanida guddiga.
"Ayna jawaab u dhiganta ka bixiyaan xil ka qaad ista sharci darrada ah iyo xad gudubyada lagula kacay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee dalka," ayaa lagu yiri qoraalkan ay soo saareen xubnihii Shalay laga saaray guddiga.
Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Shalay eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, wuxuuna magacaabay toddoba xubnood oo cusub, xubnaha la eryey ayaa lagu eed eeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, isla markaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada dalka.
7-da xubnood ee shaqada laga eryey waxaa ka mid ah guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo Shalay gelinkii hore shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay inay shadada kala kulmayaan culeyo siyaasadeed, isagoo golaha wadatashiga qaranka iyo midowga musharaxiinta si isku mid ah uga dalbaday in lagu kalsoonaado howshooda.
Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay boqolaal dhalo oo Khamri ah
Ciidammada Booliska gobalka Nugaal ayaa gacanta ku dhigay khamri fara-badan iyo mid kamid ah Raggii ka ganacsana yay, kaddib ho wlgallo ay ka sameeyeen caasimadda Puntl and ee Garoowe.
Qoraal lagu baahiyay barta Facebook Taliska Qey bta Booliska gobalka Nugaal, ayaa lagu sheegay in khamridan oo gaaraysa 60 dhalo, gaarigii ay saran eyd iyo Ragii watay mid kamid ah, lagu soo qabtay gudaha Garoowe.
G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal ayaa u mahad celiyay ciidamm ada howlgalada sameeyay qabashada khamrida.
Waxaa uu sheegay inay sharciga horgeyn doonaan cid walba oo lagu soo qabtay, islam arkaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah waxyaabaha Maanka dooriya
Faahfaahin Qarax ka dhacay Jowhar
Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya qarax ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.
Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday baabuur uu leeya hay guddoomiyaha gobolka Axm ed Mayre Makaraan.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay inuusan la socon baabuurka xilligaas, khasaarena ilaa xilligan lama soo werin.
Ciidanka Ammaanka ayaa gaaray goobta uu Qara u ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo. Todobaadkii hore ayay markii qarax miino ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan
baarlamaanka maamulka Hirshabeelle
 
Wufuud kala duwan oo Maanta ku wajahan Baydhabo
M/ Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa kusii qulqulaya wufuud kala duwan, kuwaas oo ka qeyb galaya munaasabadda Saddex sano guuradii ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha K/ Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftag aren .
Shalay waxaa Magaalada Baydhabo tegay R/ Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Roible iyo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas'uuliyi in kale.
R/Wasaare Rooble ayaa xalay kulamo ka bilaabay M/ Baydhabo, waxaana uu kula mo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweynaha K/Galbeed iyo guddiga doorashoo yinka Heer DGKGS.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale M/ Baydhabo ay tagaan Xubno ka socda labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxw eynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka waaweyn ee Ma gaaladaasi lagu arkayaa Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.
Ra'iisal Wasaaraha Britain iyo Xisbigiisa oo guul darro kala kulmay doorashooyinkii Baarlamaanka.
Xisbiga Conservative-ka Britain, ee uu hoggaam iyo Ra'iisal Wasaare Boris Johnson, ayaa guuldarro culus kala kulmay doorashadii ku celiska ahayd ee golaha sharci dejinta, oo Khamiistii ka dhacday UK, taas oo la sheegay in Xisbiga Conservative-ka uu lumiyay guud ahaanba mid ka mid ah Codadka go obihii doorashada, sida la gu muujiyay natiijooyin kii la soo saaray Jimcihii.
Natiijooyinka rasmiga ah ayaa muujiyay in musharaxa xisbiga Liberal Democr ts, Helen Morgan, ay ka heshay gobolka North Shropshire codad gaaraya 6,000 oo cod, waxayna sida muuqato ka adkaatay musharaxii u tartamayay xisbiga uu hoggaamiyo Ra'iisul Wasaaraha Britain Johnson.
Doorashooyinkii Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay inta badan deegaanada England ayaa u muuqda in looga gacan sareyo XisbigaConservativeka
Arrinkan ayaa imanaya xilli xubnaha Baarlamaan ka Uk, la sheegay inay ku guul dareysteen inay soo rogaan xannibaado cusub oo lagula dagaallamayo Covid.
Senate-ka Mareykanka oo ansixiyay in Larry An dre uu noqdo safiirka Soomaaliya
Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka ayaa ansixiyay in Ambassador Larry Andre uu noqdo safi irka cusub ee Mareykanka u qaabilsanaa doona Soomaaliya, isagoo bedelaya Danjire Donald Yamamoto oo bilihii u damb eeyey aan shaqeyn.
Larry Andre Safiirka cus ub ee Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya ayaa horay u soo noqday Safiirkii Maraykanka u fadhi jiray dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ba rtamihii bishii Abriil Ambassador Larry Andre si ra smi ah ugu magacaabay safiir cusub ee Mareykan ka u fadhi doona Soomaaliya, isagoo xiligaas xilkii ka qaaday safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto.
Madaxweyne Biden ayaa u xushay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey di blomaasiyadda. André ayaa ka mid ahaa 9 safiir oo 16-kii Abriil uu magacaabay Joe Biden, kuwaas oo badankood loo magacaabay dalal African ah.
Ambassador Larry Andre mudadaas sugaayey inuu ansixiyo Aqalka Senate-ka Mareykanka, kahor inta uusan la wareegin xafiiska loo magacaabay.
André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay 20-kii November2017 illaa 20-kii January 2021, isagoo ka horna ahaa safiirkii Ma reykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay sanadihii 2014-kii illaa 2017-kii.
Ambassador Larry Andre waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika.
Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in ma gacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso do wladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi donto.
Donald Trump: Yahuudda Mareykanka ma jecla ISRAEL, waxaana caddeyn u ah…
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dadka Yahuudda ah ee Mareykanka ku nool "ay san jecleyn Israel."
"Yahuudda Mareykanka ma jecla Israel ama kalama jecla," ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyey suxufi Israeli ah oo lagu magacaabo Barak Ravid. Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ku eedeeyey Yahuud badan oo American ah habka ay u codeeyaan xilliyada doorashada, isaga oo yiri "Israel waagii hore awoodd xooggan ayey ku laheyd Congress-ka balse hadda waa arrin taas ka duwan."
Trump ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama iyo midka hadda Joe Biden oo labadaba dimoqraadi ah inay mas'uul ka yihiin taageero la'aanta Congress-ka ee Israel.
    "Sidaas oo ay tahay mar kasta waxay helaan cod adka dadka Yahuudda," ayuu yiri Trump oo sheega y in taasi ay caddeyn u tahay in Yahuudda Mareykanka aysan jecleyn Israel, maadaama ay u codeeyaan xisbi uu sheegay inaanu taageersaneyn Israel.
Yahuudda Mareykanka ayaa 70% ah una code ya xisbiga Dimoqraadiga xilliyada doorashada madaxweyne, inkasta oo Biden uu helay kaliya 60% isaga oo noqday Dimoqraadigii ugu codad Yahuud da yaraa taariikhda Mareykanka.
Sanadihii dhowaa, fallanqeeyayaasha siyaa adeed ayaa rumeysnaa in xisbiga Dimoqraadiga uu sii yareynayo taageeradiisa Israel.
Hase yeeshee, horaantii sanadkan, Congress-ka ayaa meel-mariyey sharci difaac oo ay ku jirtay taageero militari oo la siiyo Israel sida dhaqaale la gu horumariyo barnaamijkeeda difaaca gantaallada ee Iron Dome.
Trump ayaa wareysiga uu siiyey Ravid ku yiri "Dadka Kirishtanka Evangelical-ka ayaa Israel uga jaceyl badan Yahuudda ku nool dalkan."
Trump ayaa sidoo kale wareysiga ku dhallee ceeyey wargeyska New York Times oo uu sheegay "Inuu aad u neceb yahay Israel," isaga oo tilmaam aya "dadka Yahuudda ah" ee maamula. Qoyska is ka leh New York Times ayaa Yahuud ah.
Maxay tahay sababta ay Sacuudi Carabiya u ma mnuucday Jameecada Tabliiqa?
Sacuudi Carabiya ayaa dalkeeda ka mamnuuc day Jameecada Tabliiqa, ayada oo ugu yeertay "in ay halis ku yihiin bulshada," ayna yihiin "mid ka mid ah albaabada laga galo argagixisanimada."
Wasaaradda Arrimaha Diinta Sacuudiga ayaa ugu baaqday Masaajidda dalkaas inay khudbadda Sal aadda Jimcaha uga digaan wax ay ugu yeertay "ma rin-habaabinta, leexinta iyo halista" kooxdan.
Waxa sidoo kale culimada Masaajidda amartay inay shacabka u sheegeen in Jameecada Tabliiqa ay tahay "mid ka mid ah albaabaha laga galo arg agixisanimada xittaa haddii ay sheegtaan wax taas ka duwan," sida lagu xusay qoraalka.
"Sidoo kale, khudbadaha waa in lagu xusaa 'kha ladaadka ugu weyn ee kooxda ay galeen' iyo 'inay halis ku yihiin bulshada'," ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.
Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa sheegtay in kooxdan iyo kooxo kasta oo ku xiran ay hadda ka dib mamnuuc ka yihiin Boqortooyada Sacuudi Car abiya.
YEY YIHIIN JAMEECADA TABLIIQA?
Jameecada Tabliiqa ayaa ah bulsho faafisa diinta Islaamka, oo dad ku wacdisa inay diiradda saaraan iimaankooda iyo ku dhaqanka wanaagsan ee diinta, kana leexdaan dambiyada iyo dhaqamada xun.
Waxay ka howl-gashaa in ka badan 150 dal oo dunida ah oo ay ugu weyn yihiin India iyo Pakistan, ayada oo sidoo kale si weyn uga howlgasha Soo maaliya. Waxaa la rumeysan yahay inay ku xiran yihiin dad u dhaxeeya 350 illaa 600 oo milyan.
Jameecada Tabliiqa ayaa waxaa 1926-kii dalka In dia, gaar ahaan gobolka Mewat, ku aas-aasay Sufi Muhammad Ilyas al-Kandhlawi,isaga oo ka jawa abaya dhaqanka bulshadiisa oo uu dareemay inuu sii xumaanayey oo ay lumiyeen qiyamkoodii.
Jameecada Tabliiqa waxay si xooggan isaga ilaaliyaan ugana fogaadaan inay siyaasadda ku lug yeeshaan, waxayna diiradda saaraan kaliya faafinta diinta.
Dowladda Mareykanka ayaa wixii ka dambeey ey weeraradii 11-kii September 2001 billowday inay il-gaar ah ku eegto kooxdan, hase yeeshee waa ay weysay wax xiriir oo toos ah oo ay la leedahay arga gixisada. Si kastaba, Mareykanka ayaa sheegay in ururada argagixiso ay qorteen xubno ka mid ah kooxdan.
Ruushka Oo Dalbaday In La Xaddido Dhaq-Dhaqaayo Ay Wadaan Isbaheysiga NATO
Ruushka ayaa dalbaday in la xaddido dhaq dha qaaqa isbahaysiga militariga NATO ee uu Marey kanku horkacayo ay ka wadaan dalalka ku yaalla Bariga Yurub.
Dalabaadyada, oo ay u badan tahay inaan laga oggolaan, ayaa ku soo aadaya xilli dalalka Galbeed ka ay ka baqayaan in Ruushku uu qorsheynayo duu llaan uu ku qaado deriskiisa Ukraine.
Ruushka ayaa arrintan beeniyay, balse wuxuu doonayaa in Nato ay isbahaysigeeda ka hor ista agto Ukraine iyo dalalka kaleba. Wuxuu sidoo kale codsaday wada hadallo deg deg ah oo uu la yeesho Mareykanka.
Mareykanka ayaa sheegay inuu u furan yahay wada hadal balse uu sidoo kale miiska soo saarayo dalabaadkiisa.
"Waxaynu Ruushka kala xaajooneynay arrimaha ammaanka Yurub 20-kii sano ee la soo dhaafay," ayuu yiri La Taliyaha Ammaanka Qaranka Jake Sullivan. "Taasi mararka qaar horumar ayaa laga gaaray, mararka qaarna way dhicisoobeen, balse waanu u diyaarsannahay wada hadal."
Nato, oo markii hore loo aasaasay inay Yurub ka difaacdo khataraha suurtogalka ah ee uga imaan karay Midowgii Soofiyeetka, ayaa ciidamo waxay ka joogaan jamhuuriyadaha Baltic iyo Poland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip