Xasan Sheekh oo war kasoo saaray mowqifkooda kadib kulankii doorashada ee xalay
Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ahaa xubnihii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka uga qeyb galay kulankii ay xalay la yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay sida doorashada looga hor leexin lahaa caqabadaha hor gudban.
"Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran & Midowga Musharaxiinta waxaan uga wada hadlnay sida doorashada looga hor leexi lahaa caqabadaha ku hor gudban. Midowgu waxa uu soo jeediyay in kulan fool ka fool ah la isugu yimaado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in mowqifka Midowga Musharaxiinta uusan waxba iska badalin illaa laga fuliyo waxyaabihii looga wada-hadlay kulankii Xalay.
"Kulankii xalay waxa uu ahaa tallaabo dhinaca saxda ah loo qaaday laakiin mowqifka Midowga Musharaxiinta waxba is kama baddalin ilaa billowgaas fiican uu miro dhal noqdo,” ayuu sii raaciyey.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyay kulan fogaan arag ah oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka.
Shirkaan oo ku qabsoomay aalada Zoom-ka ayaa lagu iclaamiyey shir ka dhici doona Muqdisho oo ay isugu imaanayaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, si looga arrinsado dhameystirka doorashooyinka
Xasan Sheekh oo war kasoo saaray mowqifkooda kadib kulankii doorashada ee xalay
..