
Faahfaahin Shil khasaare geystay oo ka dhacay Somaliland
..
Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaare geystay oo xalay ka dhacay Dooxa Degmada Arabsiyo Somaliland
Gaariga Shilka galay ayaa La sheegay In uu ka Booday Askariga Jiifa ee (Hakin Gaadhi ) ah intaasi Ka dibna uu ku dhacay geed weyn oo ku yaalla dhinaca waddada.
Gaadhigaasi Oo noociisu Ahaa DUKHAAN ayaa waxaa Saarnaayeen 4 Qof , Waxana Kudhintay Laba Qof , Waxana ku dhaawacmay Laba Qof
Isla goobtaasi waxa Gaaray Ciidanka Nabad galyada WadDooyinka Gobolka Gabiley , waxaana halkaasi ay ka qaadeen dhaawacyada dadka ay waxyeelado gaadhay.

Faahfaahin Shil khasaare geystay oo ka dhacay Somaliland
..