Midowga Musharixiinta Iyo Waxa Ka Aaminsanyihiin Doorashada.=Nasashada Jimcaha. Q-283=

0
Friday December 17, 2021 - 10:18:01 in Wararka by
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharixiinta Iyo Waxa Ka Aaminsanyihiin Doorashada.=Nasashada Jimcaha. Q-283=

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Midowga Musharixiinta Iyo Waxa Ka Aaminsanyihiin Doorashada.=Nasashada Jimcaha. Q-283=

Shir lagu qabtay Geed hoostii ayaa waxaa isagu yimid Xayawaanaadkii oo dhan, si looga hadlo danaha Duur joogta, Shirka waxaa hogaaminayay koox danleey ah, waxaana xiriirinayay Dawco. Dabagaale ayaa sheegay Sheeko Xayawaankii oo dhan aad uga qoslisay, intaan Dameer ka aheeyn, oo aan isagu Qoslin. Shirkii waa lagu kala tagay, waxaa lagu balamay in berri la isku yimaad.


Shirka Maalintii 2aad, waxaa wada yimid Xayawaanaadkii oo dhan. Dameer ayaa soo daahay, Mar dambe ayuu soo muuqday Dameerkii oo aad u qoslayo. waxaa la is weeydiiyay, muxuu ku qoslaa?. Aan sugno, war cusub ayuu noo wadaa.
Markii uu yimid ayaa la weeydiiyay, maxaad ku qosleeysay?. waxaa uu yiri: Sheekadii shalay aad ku wada qosleeyseen ayaan Hadda fahmay. ( F.S: 1& 2aad)
( Midawga Musharixiinta ayaa yiri: Sababta Golaha Wada tashiga Qaran nalooga reebay, Gudiyada Doorashadana loo diyaarsaday hadaan fahamnay)

Naag ayaa u tagtay Nin Saaxir ahaa oo Xigmad badan, waxa eyna ku tiri: waxaan rabaa in Ninkeeygu uu baari ii Noqdo iyo in uuna i dhibin. waxa uu ku yiri: waxaad ii keentaa Tin Libaax. iyada oo yaaban ayeey u tagtay Saaxiibteed, waxa eyna ku tiri: Maxaan sameeyaa?. Waxa ey ku tiri: Libaaxa dharji, Marka uu dhargo wax ma cuno. Naagtii waxay soo iibsatay 50kg oo Hilib ah. Libaaxii ayeey Siisay, markuu Dhargay ayuu sii wadi waayay inuu sii cuno, Hilibkii oo dhinac yaal ayuu iska Jiiftay. Naagtii ayaa u tagatay Libaaxii, Madaxa ayey ka salaaxday, kadibna hal Tin ayey ka soo gooysay. waxay u tagtay Ninkii Xakiimka ahaa. Waxay ku tiri: Tintii waan keenay ee maxaan sameeyaa Hadda?.
waxa uu yiri: Wixii aad Libaaxa ku sameeysay Ninkaaga ku sameey. ( F.S: 3aad)
( Siyaasi Qurbaha ka yimid, ayaa fahmi waayay si uu ula dhaqmo Duubabka Dhaqanka Somaalida. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Dharji Duubabka, kadibna la Maamul Duubakooda, si aad uga maaranto Dadka ey matalaan)

Wararka – Somaliweyn.org

Gabar 13 Jir ah oo Qurbaha Joogtay ayaa waxaa Guriga ugu imaan jiray Wiil 18 jir ah. Hooyadii ayaa ku tiri: Gabartey iska jir Wiilashaan yar yar, yeeyna Mustaqbalkaaga ku ciyaarin.
Gabadhii ayaa ku tiri: Hooyo, ii dhaaf "my Boy friend”. Adiga aaway ” your Husband” Adigaa iska eryay.
(Ar Haddii Aabihii Bacda loo tuuray, kii ka dambeeyay iyo kii ka sii dambeeyayna Bacda loo tuuray. Gabadhuna ey ka shakisay in Hooyo damac ka galay Boy friend -kii Gabadha. meeshaas dhaqan ma yaal)

Oday Miyiga ka yimid oo Magaalada ku dhunsan ayaa Wiil yar oo ka hor yimid ku yiri:. Adeer Wadadaan halkeey aadaa ? wiilkii ayaa ku yiri: Adeer Wadadaan oo socoto weligeey ma arag. ( F.S: 4aad )

Hooyo Qurba joog aheeyd ayaa Gabadhiidii oo Qurbaha ku dhalatay u soo waday Dalka si ey u barato Abtiyaasheed.
Maalintii dambe ayaa Abtigii, Gabadhii ku yiri: Quraacdii waa Diyaar ee Hooyo soo kici.Gabadhii markii ey Qolkii gashay ayeey ugu tagtay Hooyo oo sidii Salaada Subax ey u Dukatayba aan seexan oo mar hore soo kacday.
Gabadhii, ayaa Abtigii u soo noqotay, kuna tiri: My Abti, Already, Hooyo mar hore waa Kacsatay. Abtigii oo yaaban ayaa yiri: Yaah!!!. Gabadhii ayaa tiri: Wallaah Abti mar kasta wakhtiga Salaada Subax ka hor Aabe iyo Hooyo waa kacsadaan. Abtigii ayaa yiri: Acuudu bilaahi, oo haddii ey saa tahay maxaad uga soo tagteen Aabihii.
( Caruurta Qurbaha hala Baro farqiga u dhexeeyo, Kacday, Kacsatay, Kacaan, ka kac, soo kici, Kackac, na kici iyo Dhiigaa i kacay )

Wiil yar oo habeen barkii, Kaadi u soo kici jiray, ayaa Hooyadii ku tiri: Habeen Barkii marka aad ku qeeylinee, Hooyo kaadiyaa i heeyso, waxaa kula yaabayo Dadka ku maqlayo ee waxaad tiraa: Hooyo in aan Heesaan rabaa, markaa Anigaa Musqusha ku geeynayo.
Muddo markii ey isticmaalayeen Baaqaa, ayaa Habeen Kaadiyi qabatay. Hooyadii oo aad u daalaneed ayaa Habeekaa ku tiri: Caawa kici ma karo ee Aabahaa u tag, Qolkaa ayuu Abkoow la jiifaa. Aabe oo aan la socon baqaa ka dhexeeyo Wiilka iyo Hooyadii ayuu u tagay wiilkii, waxa uuna ku yiri: Aabe in aan Heeso ayaan rabaa,. Aabihii oo hurdeeysan ayaa yiri: Abkoow ayaa hurdayo yuuna kicin , ee Dhagteeyda ku Hees. ( F.S: 5aad)
( Shacabka oo aan ogeeyn Baaqa ka dhexeeyo Madaxdooda iyo Daowladda Qadar ayaa Madaxdii ku yiri: Dhagta noogu Heesa)

Qore:Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip