
Jubaland oo shaacisay liiska doorashada 14 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka
Guddiga doorashada Jubaland ayaa shaaciyey kuraasta 14 ka mid ah golaha shacabka oo doorashadooda uqaban doono dhowaan, kuwaas oo noqon doono kuwii ugu horreeyey ee Jubaland lagu soo doorto.
Doorashada 14 kursi ayaa dhammaantood ka dhici doonta magaalada Kismaayo oo ah mid ka mid ah labada deegana doorasho ee Jubaland.
Guddiga doorashada Jubaland ma shaacin xilliga ay dhici doonto doorashada, balse waxaa la filayaa in la qabto toddobaadkan gudihiisa ama toddobaadka xiga.
Guddiga weli ma shaacin wax kuraas ah oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Garbahaarey oo ah magaalada labaad ee deegaan doorasho ee Jubaland, halkaasi oo maamulka uusan awood ku laheyn, ayna gacanta ku hayaan mas’iiliyiin taageeeersan madaxweyne Farmaajo.
Liiska kasoo baxay guddiga doorashada Jubaland ayaa yimid saacado un kadib markii xalaywar-saxaafadeed ka soo baxay guddiga hirgalinta doorashada ee heer federaal looga dalbaday guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo HirShabeele in 48-saac gudahood ay ku bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka.
Qoraalkaan ayaa guddiyada seddaxdaas maamul looga dalbaday in hadii saacadahaas ay doorashada ku bilaabi waayaan ay bulshada u cadeeyaan caqabadaha ka hor taagan qabashada doorashada.
Go’aanka Jubaland ay ku qabaneyso doorashada 14 kursi ayaa dhabarjab ku ah isku daygii ay Midowga Musharaxiinta Soomaaliya doonayeen inay ku hakiyaan doorashada oo ay sheegeen in la boobayo.
Jubaland oo shaacisay liiska doorashada 14 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka
...