HALKAAN KA KHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANT OO AXAD 12-KA DEC. 2021-KA

0
Sunday December 12, 2021 - 08:02:50 in Wararka by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANT OO AXAD 12-KA DEC. 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble Kala Hadlay Odayaasha Dhaqanka Ee Gobolada Waqooyi?
Ra’iisul Wasaaraha Xu kuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku lan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee Gobollada Waqooyi ee laf dhabarka u ah soo xulista Ergooyin ka dooranaya xil dhibaannada Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay oda yaasha dhaqanka in ay si hufan oo isu dheellitiran u soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaannada.
Kulanka oo ka dhacay xafiis ka Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka socday Guddiga Maamulka Doora shada Gobollada Waqooyi ee Somaliland, isagoona sheegay Ra’iisul Wasaa raha in muhiim tahay dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka…
Kulankaan uu Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Oda yaasha dhaqanka Somaliland ayaa waxaa ka hor reeyay kulan oo Shalay la yeeshay Ra’iisul Wasa are ku-xigeenka Mahadi Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’ iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in xal buux laga gaaray mad madowgii ka dhex jiray labada dhinac, waxaana isku afgartay in horay loo sii wado doorashada.
Dhowr jeer oo hore sidaan oo kale waxaa uu khil aaf soo kala dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, waxaana la isku haayay oo kaliya cida maamuleysa doorashada kuraasta Xubnaha ka soo jeeda Gobol ada Waqooyi.
Wasiirka Amniga Oo Digniin Kasoo Saaray Amni Darrada Ka Jirta Degmada Kaaraan
Wasiirka Wasaaradda amniga Xukuumadda Fed eraalka ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in laamaha amniga ay tallaabo adeg ka qaadi doonaan kooxaha falalka amni darro ka wada degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Wasiir Cabdullaahi ayaa waxaa uu sheegay inay soo gaartay cabasho dadka deegaanka Kaaraan ka soo gudbiyeen koox hubeysan oo ku lebisan deris ka Ciidanka dowladda iyo kooxo Ciyaal weero ah oo dhibaato ku haaya shac abka.
Wasiirka amniga Xukuu madda ayaa tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qa adi doono kooxaha amni darro ka wada Kaaraan, is agoona arrintaas amar u siiyey Ciidanka ammaanka degmada oo uu sheegay in la dagaalami doonaan cid kasta oo amni darro wada.
Saraakiisha Ciidanka dowladda ee degan Kaar aan ayuu Wasiirka amniga dalbaday in Ciidanka ila alada u ah aysan xabad ku ridin gudaha degmada, isla markaana dhac u geysan shacabka, wuxuuna Saraakiisha ka codsaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga
Sidoo kale Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan degmada Kaar aan ee Gobolka Banaadir ka bilaabi doonaan howlg alo ka dhan ah kooxaha burcada ew dhaca u geys ta dadka shacabka ee marararka doodna dila dadka iyo Ciyaar weerada dhibatada ku hayan shacab ka.
Hadalkaan ayuu Wasiirka amniga ka sheegay ku lan looga hadlaayay wax ka qabashada amni xu mida ka jirta degmada Kaaraan oo ay ka qeyb gal een Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyaha KMG ah ee NISA, Duubabka dhaqanka iyo Mas’uul iyiin kala duwan oo badan.
Cumar Filish "Degamada Kaaraan Waxay Noq otay Suuq Lagu Iibiyo Daroogada”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxa muud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay ka qeyb galay kulanka Wadat ashiga Hormarinta Amniga degmada kaaraan ee Gobolkaan Banaadir.
Guddoomiye Cumar Filish oo ka hadlaayay Muna asabadda oo ka qeyb galeen Wasiirka Aminiga, Xil dhibaano, duubabka dhaq anka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in amni xumida ka jirta degmada Kaa raan ee sababtay inay yaaraadan dhaq-dhaqaaqyadii Ganacsiga…
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Kaaraan ku yaallo suuq Maandooriyaha lagu iibiyo, lehna war shado qamri macmal lagu farsameeyo oo aan si sa hlan lagu suuli karin, ayna leeyihiin ilaalo hubeysan iyo awooddo aanu carabaanin.
Isaga oo sii hadlaayay Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayuu shee gay in kooxahaas hubeysan ee ilaaliya Warshada ay ka awood badan yihiin Ciidanka Booliska, Naba dsugida iyo Maamulka degmada.
Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxaha falalka amni darro ka wada degmada Kaaraan ee xiliyada qaarkood dila shacab aan waxba Shalaysan, isagoona caddeeyay in tallaabo laga qaadi doono dadka dhibaatada wada…
Xal Laga Gaaray Madmadowgii Ka Dhex Jiray Mahdi Guuleed Iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay Xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Kha dar iyo Guddoomiye Cabdi Xaa shi Cabdullaahi.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday hadlay dardar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Gobollada Wo qooyi. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu sheegay in xal buux laga gaaray madm adowgii ka dhex jiray labada dhinac, waxaana isku afgartay in horay loo sii wado doorashada.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cab dullaahi ayaa dhawaan dalbaday in la hakiyo door ashada 16 kursi oo ay soo saareen Guddiga doora shada Somaliland, waxaana khilaaf uu soo kala dhex galay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, balse la xaliyey.
Xog: R/W Rooble oo aqbalay qodob ka mid ah soo-jeedintii Midowga Musharaxiinta
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xus een Rooble ayaa aqbalay soo-jeedintii Midowga Mu sharaxiinta Soomaaliya ee aheyd in la isugu yimaa do shir ku saabsan doorashooyinka dalka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen inay u sheegtay Caasimada Online.
Qoraal kasoo baxay Midowga 9-kii December ayaa lagu yiri "Golaha wuxuu soo jeedinayaa in la hakiyo doorashada oo la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacab ka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doora shada lagu wado.”
Sida aan xogta ku helnay Rooble ayaa aqbalay shirkaas, si ugu yaraan loo muujiyo in Golaha Wad atashiga Qaran, oo ay ku mideysan yihiin Rooble iyo Madax Goboleedyada, ay doonayaan in la xali yo tabashooyinka jira. Si kastaba, shirkan ayaa wa xaa diiddan qaar ka mid ah madax goboleedyada, gaar ahaan Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Laf ta-gareen, oo si aad ah ugu xiran madaxtooyada Soomaaliya.
Labadan madaxweyne goboleed, oo ah kuwa maa mulladooda ay yihiin kuwa illaa hadda qabta doora shooyinka kuraas ka mid ah Golaha Shacabka, fadeexad culusna kala kulmay sida ay musuqeen, ayaa isku mashquulinaya safaro dibedda ah oo aan macno laheyn, waxayna sheegeen inaysan diyaar u aheyn shir Xamar ka dhaca.
Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa si wanaagsan u wada qorshaha Villa Somalia ee ah in doorashadu noqoto mid loogu shubo madaxweyne Farmaajo ama khilaafka iyo muranka uu sii daba dheeraado, taasi oo muddo kordhin u ah madaxweynaha mud do xileedkiisu dhammaaday.
Dhinaca kale, madaxweynayaasha kala ah Axm ed Madoobe, Cali Guudlaawe iyo Saciid Deni ayaa aqbalay shirkan, inkasta oo ayagana ay diidan yihiin qaar ka mid ah qodobada iyo shuruudaha kale ee Midowga Musharaxiinta. Ma cadda sida ay xaala dda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxaa muu qata in Soomaal iya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho daah-furan, waxaana furan kaliya laba ikhtiyaar oo kala ah; in sidan doorashada lagu aqb alo iyo in dalka uu galo dagaal
Xigasho:caasimadda.net
"Wiil ay wada casheeyeen ayaa dilay” – Dhacdo kale oo xanuun leh oo ka dhacday
Dhacdo kale oo xanuun leh ayaa Habeen hore ka dhac day Magaalada Muqdisho ee caasimadda Sooma aliya kadib markii wiil dhallinyaro ah oo sawir qaade ahaa lagu dilay xaafada Tarabuunka.
Abuukar Muukhtaar, oo ahaa Aabe 39 jir ah, islamar kaana ku shaqeysta xirfadda sawir qaadista ayaa waxaa dilay nin ay saaxiibo ah aayeen, oo dilak ka hor ay ka wada casheeyeen gur igiisa.
Dilka ayaa yimid kadib markii qofka lagu tuhma yo fal dambiyeedkan uu qaatay taleefonka Abuukar, ayada oo Abuukar uu kadib isku dayey inuu ka do onto, balse beddelkeeda la dilay, sida ay sheegeen ehelkiisa. Dilka ayaa waxaa la sheegay dilka loo adeegs aday Toorey Abuukar looga dhuftay qoorta.
Aabahaan ayaa la sheegay marka uu gurigiisa ka baxayey inuu wiil uu dhalay ku dhahay "Aabe lab ada daan iga shumi inaan soo noqon ayaa laga ya abaa’e,” waxaana daqiiqado kadib qoyskiisa soo gaartay dhimashada wiilkooda.
Marxuumka la dilay ayaa waxay shaqdiisa ah eyd duubista Aroosyada iyo xafladaha, sidoo kalana wuxuu ku shaqeysan jiray xirfadda qurxinta gury aha.
"Abuukar moobeelkiisa ayuu jaajar gashtay, wa xaa kadib yimid wiilka dili doono kadibna qaatay mo obeelkiisa, isagana sariirta ayuu iska koray oo ma ogeyn in moobeelka laga qaatay. Gabar meesha fa dhisay ayaa tiri Moobeelkaaga ayuu kaa qaatay, wuu kasoo daba orday markii uu damcay inuu moo beelkiisa kasoo qaato oo uu ka daba tagayna To orey ayaa lagu dhuftay naftana dhulka lama dhicin,” ayey tiri hooyo kamid ah ehelka marxuumka.
Ehelada wiilka la dilay ayaa magaca gacan ku dhiiglaha falkaan geystay ku sheegay Bishaar Far abadne oo ay ahaayeen daris, waxayna sheegeen inaysan aqoon halka uu aaday.
Ehelada marxuumka ayaa Dowladda Soomaali ya ka codsaday inay cadaaladda hor keeneyn ninka ka dambeeyey dilka wiilkooda.
Maalmahii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca yey dilal yaab leh oo intooda badan ay ka dambee yeen ciidamo ka tirsan dowladda mana jirto illaa ha
dda cid la hor keenay Caddaaladda.
 
Xog: Mareykanka oo soo faro-geliyey xiisadda PSF iyo Saciid Deni oo amar la siiyey
Mareykanka ayaa soo faro-gelisay xiisadda ka dhex-oogan maamulka madaxweyne Saciid Cabd ullaahi Deni ee Puntland iyo agaasimihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Ciidamada PSF ayaa waxaa tababara Marey kanka, si ay ula dagaalamaan argagixisada, taasi oo ka dhigan in Mareykanka ay aad u daneynayaan arrintan, kuna qasbanaadeen inay soo faro-geliyaan.
Sida aan xogta ku helnay, safaaradda Mareykan ka ee Muqdisho ayaa ka walaacsan in xiisaddan ay horseedi karto dagaal ka qarxa magaalada Boo saaso, taasi oo weecin karta dagaalkii lagula jiray kooxaha argagixisada.
Diblomaasi sare oo Mareykan ah oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Colleen Crenwelge ay la bo jeer la hadashay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ku amartay inuu xal aan xabbad aheyn u helo xiisaddan.
"Guud ahaan waxaan ku boorrinaynaa in ciidam ada nooc kasta oo ka mid ah Sooma aliya ay ka wa antoobaan ku lug lahaan shaha siyaasadda. Wax aan ku boorrineynaa dhamm aan ciidamada amm aa nka inay diiradda saar aan la dagaallanka uru rada xagjirka ah ee rab shadaha sida al-


Shabaab iyo Daacish-Som aliya,” ayuu yiri diblomaasiga Ma reykanka ah.
Dhinaca kale, wada-hadallo u socda maam ulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo agaas imihii hore ee ciidamada PSF Maxamuud Cusmaan Cabdullaahi Diyaano ayaa meel wanaagsan mar aya, waxaana laga rajo qabaa in heshiis lagu gaaro.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, wada-hadallad an oo maalmihii tegay ka socday Boosaaso, ayaa la isku fahmay qaar ka mid ah qodobada aadka la isu gu hayey.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in qodobada horumarada wanaagsan laga sameeyay ay ka mid yihiin wareejinta dhulka hay’adda iyo xil-wareejin rasmi ah oo uu sameeyo hogaankii hore ee hay’ adda. Dhulka hadda xarunta u ah hay’adda waxaa iska leh qoyska Diyaano.
Taa beddelkeeda dowladda ayaa ogolaatay in qa ar ka mid ah hubka iyo gaadiidka dowladda oo koob an loo dhaafo Diyaano, si uu ugu adeegsado amnigi isa shaqsiga ah.
Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya hor ista agtay deeqihii waxbarasho ee ay heli jirtay
Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilada Soma liland, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay hor istaagtay 7 kamid ah 10 dal oo ar dayda Somaliland deeqo waxbar asho siin jiray.
Guddoomiye ku xigeenka guddi da joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, Axmed Xasan Cali Cas oowe, ayaa golaha wakiilada u she egay in dowlada Soomaaliya ay hor istaagtay, deeqihii waxbarasho, sida guddida taclii nta sare la wadaageen golaha.
"Deeqaha waxbarashada ee dibada waxa ina siin jiray 10 waddan oo kala ah, Sudan, Kenya, Uga nda, Masar, Yemen, Libiya, Turkey, Malesiya, Itoob iya, Taiwan iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida It oob iya, deeqaha waxbarasho waxaa carqalade ey ay Dowlada Faderalka Soomaliya" ayuu yidhi Caso owe.
"Waxay ku dooday in deeqihii layna siin jiray iya da lasoo mariyo, dalalka imika toos aynu deeqaha waxbarasho si toosa uga helno waxa ka mid ah, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Taiwan iyo Ito obiya, inta kale waxay qaateen qolada woxoodii".
Dowlada Soomaaliya, ayaa sannadihii u danbay say waday dadaalo, ay Somaliland kaga joojinayso dhamaan deeqaha aan Muqdisho soo marin
Puntland oo arrimaha doorashooyinka kala had ashay 8 kamid ah dalalka taageera
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland iyo 8 kamid ah dalalka taageera Dilmuquraadiyadda Puntland, oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ka wada-hadlay doorashooyinka Golaha deegaanka degmooyinka Puntland.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen safii rada iyo mada xda safaaradaha dal alka Mareykanka, Ingariiska, Sweden, Switzerland, Norway, Denmar k, Germany iyo Midowga Yurub, ayaa sidoo kale looga hadlay kaallinta Beesha Caa lamka, sida uu sheegay Gudd oomiyaha Guddiga TPEC Guuleed Saalax Barre oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook
"Shalay waxaan kula kulanay magaalada Nairobi safiirada iyo madax ka tirsan 8 wadan oo ka mid ah wadamada taageera dimuqraadiyadda Puntland, madaxdaas waxaa ka mid ahaa safiirada wadama da Sweden, Switzerland, UK, kusimaha safiirka USA iyo madax ka tirsan safaaradaha Norway, Den mark, Germany iyo Midowga Yurub.”
"Waxaan iska waraysanay dhamaystirka doora shada golayaasha deegaanka ee dhiman iyo kaalin ta beesha caalamka. Kulankani wuxuu gunaanad u ahaa kulan usocday TPEC iyo bahwa daagteeda muddo 6 cisho ah.”
Puntland ayaa 25 bishii October ku qabatay deg mooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn doorashada hor dhaca Golaha deegaanka degmooyinka Puntland, taas oo aheyd doorashadii ugu horeysay ee qof iyo cod ah oo ka dhacda deegaanadeeda, tan iyo aas aaskeedii (1998), waxaana Guddiga TPEC uu she egay inay dhowaan bilaabi doonaan diyaarinta doo rashada degmooyinka haray oo gaaraya 47 degmo.
QM oo warbixin cusub kasoo saartay xaaladda Soomaaliya
Hay’adda caruurta UNICEF ee Qaramada Mido obay ayaa warbixin cusub ka soo saartay xaaladda adag ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka dhashay abaaraha markale ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka
.UNICEF ayaa shaaca ka qaaday in illaa 2.6 Milyan ay haatan u baahan yihiin gurad deg-deg ah, kuwaas oo wajahaya biyo yari ka dhalatay aba arta ka jirta gudaha Soomaaliya.
Sanduuqa caruurta Qaramada Midoobay ee UNI CEF ayaa sidoo kale intaasi ku daray in dhibaa too yinkan ay ka dhalan karaan cudurro iyo nafaqo dar ro baahsan.
"Biyo yarida waxa ay ka dhalatay abaarta, had dii aan gurmad degdeg ah la helo dadka ayaa is aga barakacaya deegaannadooda, waxaa halkaas ka dhalan kara Shuban, Nafaqo darro & cudurro kale oo saameeya inta badan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka UNICEF. Warbixinta ayaa lagu sheegay in gobollada ug u daran ee ay xaaladaha ka jiraan ay ka mid yihiin Gedo, Bay, Bakool, Jubbada Hoose, Galgaduud, Mudug, Hiiraan iyo qaybo ka mid ah Bari, Nugaal, Sanaag iyo Togdheer oo dhaca koonfurta iyo bar tamaha dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa ay hay’addu intaasi ku dartay, haddii aan la qaadin tallaabo deg-deg ah inay kasii dari doonto xaaladda haatan taagan.
"Haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin adee gyada fayadhowrka iyo nadaafadda, in ka badan 3 milyan oo qof ayaa baahi weyn u baahan doona dhammaadka Maarso 2022 mana heli doonaan ugu yaraan biyaha looga baahan yahay maalin kasta 45L qoyskiiba,” ayey raacisay. Soomaaliya oo haatan ku jirto marxalad doora sho ayaa dhinaca kale wajaheyso xaalado ka dhash ay abaaraha ka jira qeybo ka mida dalka iyo fatah aado ku dhuftay deegaanada qaar.
Wasiir ku xigeenka gargaarka Soomaaliya oo xaqiijiyay in ay jiraan shaqaale si sharci darro ah shaqada looga eryay
Wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maaraynta ma siibooyinka ee dowladda Soomaaliya, Cab dirashiid Maxamuud Xasan, ayaa xaqiij iyay in ay jirto 16 sha qaale ah oo wasaar addiisa katir sanaa oo si sharci darro ah shaqada looga saaray.
Qoraal uu wasiirka ku faafiyay bart iisa faceb ook ayuu ku sheegay in ay xafiiskiisa soo gaa rtay cabashada sha qaalaha la eryay, isagoo sheegay inuu hayo caddaymo iyo xog badan oo muujinaysa arrantaas.
Wasiirku wuxuu ku wargaliyay shaqaaalaha la eryay in ay dib shaqadooda ugusoo laabtaan, wuxu una sheegay in aysan dhici karin in lagu xadgudbo xuquuqda muwaadiniinta, iyadoo looga faa’idaysan ayo olole doorasho.
Dhowaan ayay ahayd markii qoraal kasoo baxay Wasaaradda gargaarka lagu beeniyay shaqo ka eryida shaqaalaha, iyadoo aad qoraalkaas loogu di faacay wasiirka gargaarka iyo maaraynta masiiboo yinka Khadiijo Maxamed Diiriye.
Akhriso Guddiga Xallinta Khilaafaad ka Doora shooyinka Oo Ka Hadlay Qoondada Dumarka
Warbixin uu soo saaray Guddiga Xallinta Khilaa faad ka Dorashada Dadban ayaa loogaga hadlay qoondada Haweenka ku leeyihiin labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo sidii loo ilaalin lahaa.
Guddiga ayaa warbixintiisa waxa uu ku xusay in Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya in ay korortay qoondada haweenka ee Aqalka Sare marka la isla barbardhi go Golaha dhawan la doortay iyo kii waqtigu ka dhamaaday.
Hase yeeshee waxa uu Guddiga Xalinta Khilaafaad ka Doorashada warbixintiisa ku sheegay in laga doonayo Aqalka Hoose in haweenka ka helaan qoondada ay leeyihiin, isagoo ka digay in la musuq maasuqo ama awood loo adeegsado qoondada ha weenka.
Akhriso guddiga xallinta khilaafaadka doora shooyinka oo ka hadlay qoondada dumarka
Hirshabeelle oo war kasoo saartay qarax lala beegsaday xildhibaano
Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleed ka Hirshabelle Dr Abdulhakim Lukman Haji Moh amed ayaa Cambaareyay Qarax lala beeg saday xildhibaano iyo shacab ku sugnaa goob ay dadka iskugu yimaad an Hirshabelle ee Jowh ar
Guddoomiyaha ayaa Falkaasi ku tilma amay mid argagaxisinimo waxuuna caafimad deg deg Alle uga rajeyay intii waxyeelada kasoo gaartay oo ay kamid yihiin Xildhibaano katir san Hirshabelle
Ugu dambeyn Gudoomiye Lukman wuxuu Hay ’adaha Amniga Faray iney qaadaan talaaboyin deg deg ah oo lagu xakameynayo falalka argagaxida ge ysanayaan sidoo kalena wuxuu hay’adaha Amniga ku booriyey iney Gacanta kusoo dhigaan kuwii kad ambeeyay weerarka argagaxida.
Inta la xaqiijiyay hal qof oo la sheegay oday dha qan ayaa dhintay, waxaa si doo kale ku dhaawac may Shan ruux oo ku jiraan la bo Xildhibaan
Ma dhabaa in diyaaradaha dagaal ee Drone-ka Turkiga la keenay SOOMAALIYA?
Maalmihii la soo dhaafay waxaa si aad ah baraha bulshada loogu hadal hayay in dowladda Turkigu
ay siisay dwoladda Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Droniska nooca uu Turkigu sameeya ee TB2, taas oo sida wararku sheegayaan loo tababaraya ciidamada ammanaka Soomaaliya si ay u adeegsadaan.
Inkasta oo warkaan ay baraha bulshada ku hadal hayaan siyaasiin iyo dadka shacabka ah, haddana ma jirto cid xaqiijisay sax-ahaanshiisa mana jirto cid ka tirsan dowladda oo arrintaa warbaahinta la wadaagtay ilaa iyo hadda.
Sidoo kale, dowladda Turkiga iyaduna ma jirto meel ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay siisya ama ka iibisay diyaaradahaan casriga ah ee aan duuliyaha lahayn TB2.
Balse warbixintaan waxaan ku eegaynaa waxa ay yihiin diyaaradahaan Turkigu naqshadeey ay iyo inta dal ay ka howlgaleen.
Haddaba maxaan ka naqaannaa diyaaradaha Droniska ee Bayraktar TB2?
Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada iyo howlaha basaasnimada.
Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.
Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah. Diyaaradahaan waxay qaadi karaan markiiba 4 gantaal oo waaweyn.
Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado tayadoodu sareeyo kana tayo wanaagsan kuwa ay soo saaraan dalal badan. Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Erdogan. Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.
U adeegsiga diyaaradahan goobaha dagaalka
Diyaaradda Drones-ka ee uu Turkigu sameeyay waxay fulin kartaa howlgallo hubeysan. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Tigray ee woqooyiga Itoobiya, waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada dawladd Itoobiya ay diyaaradahaan u adeegsadeen weerarada ka dhanka ah xoogagga TPLF. Wareysi uu siiyay telefishinka qaranka , Ma jor General Yilma Merdasam, oo ah taliyaha cii damada cirka ee Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay ade egsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.ilaa iyo hadda oo ay dagaalladu socdaan waxaa la she egayaa in diyaaradahaan ay qayb wey ka qaateen dagaalka ciidamada federaalka Itoobiya ay kula jir aan xooggaga Tigrayga.
Sidoo kale waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaay een guushii ay Azerbaijan ka gaartay dagaalkii ay la galeen Armenia ee ka dhacay dhulka Nagorno-Karabakh.
Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaalladii gudaha dalka Suuriya uu kula galay kooxda KPP . Dalka Liibiya ayaa ka mid ah meelaha ay ka fuliyeen howlgallada maadama dowladda Turkigu ay tagaeeraysay xukuumadda Libiya kana soo horjeeday xooggaga ka soo horj eeda.
Dalalka Afrika iyo diyaaradaha TB 2
Madaxweyne Erdogaan ayaa sanadkaan dhexdiisa booqasho ku tagay dalka Angola wuxuuna xiligaas sheegay inay codsatay dowladda Angola in ay he sho diyaaradaha dagaalka ee uu Turkigu same yay.
Toddobaadkii hore uun, Turkiga ayaa la sheegay inuu ballaariyay dhoofinta diyaaradaha aan duuliy aha lahayn ee caanka ka ah dunid, isagoo heshiis yo la galay dalalka Morocco iyo Itoobiya.
Iyadoo ay jirto tallaabadaan uu Turkigu ku ballaari nayo gaynta diyaaradihiisa aan duuliy aha lahayn dalalka Afrika ayaa hadda waxaa soo baxaya in Soomaaliya uu siiyay hase yeshee warkaas wali lama hubo. Isha: BBC
Dowladda Finland oo ku dhawaaqday inay soo iibsanayso 64 diyaaradaha dagaalka F-35A
Dowladda Finland oo ku dhawaaqday inay soo iibsanayso 64 diyaaradaha dagaalka F-35A "Lockh eed Martin F-35A Lightning II”ee Mareykanka.
War rasmi ah oo kasoo baxay Dorraad jimcihii Dow ladda Finland ayaa lagu sheegay in F-35-kii ugu horreeyay la keeni doono sanadka 2026-ka, iyadoo lagu bedelayo F-18 Hornet ee alaabada inta u dhexeysa 2028 iyo 2030.
Finland ayaa noqon doontaa waddankii saddexaad ee ka tirsan Scandinavianka kaas oo iibsaday F-35. Norway ayaa horey u hesh ay diyaaradaheedii ugu horeysay, halka Denmarka ay fileyso in F-35 ay timaado 2023-ka.
Wasiirka gaashaandhigga Antti Kaikkonen ay aa sheegay in nidaamka F-35 uu yahay kan ugu wana agsan baahida Finland dhanka waxq abadka.
Mareykanka oo 9.4 bilyan kaga iibinaya Giriiga maraakiib dagaal
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ogolaatay iibinta afar markab oo dagaal kuwaas oo qiimahoodu dhan yahay 6.9 bilyan oo doolar lagana iibinayo Dalka Giriiga,waxa sidoo kale la socda mac aamilka casriyeynta maraakiibta oo qiimahoodu dhan yahay $2.5 bilyan.
Hay’adda Iskaashiga Amniga Difaaca ayaa gaa rsiisay shahaadadii loo baahnaa, iyadoo ogeysiisay Congress-ka iibka suurtagalka ah.
"Iibintan la soo jeediyay waxay taageeri doontaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo ujeedooyinka amniga qaranka ee Maraykanka iyadoo gacan ka geysanaysa hagaajinta amni ga xulafada NATO, taas oo ah lamaane muhiim u ah xasill oonida siyaa sadeed iyo hor umarka dhaqaale ee Yurub,” ayaa lagu yiri. ” warbixinta.
Giriiga ayaa waxa uu gacan ka geystaa hawlg al ada NATO ee Kosovo, iyo sidoo kale ka hortagga argagixisada iyo dadaallada ka dhanka ah burcad-badeedda.
Dalalka bixiya deeqaha oo isku raacay in loo gurmado Afganistaan Dalalka bixiya deeqaha ayaa ku heshiiyey in lacag gaareysa 280-milyan oo doolar lagu wareejiyo hey’adaha (WFP) iyo UNICEF si loogu taageero
wax ka qabashada macaluusha iyo dhaqaale xumida ka jirta Dalka Afgaanistaan .
Lacagtaan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu taageero barnaamijyada haqab-beelka cunta da iyo caafimaadka ee dadka Afgaanist aan, maadaa ma ay jirto dhibaato dhaqaale iyo mid bini’aadantinimo.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in lacag gaareysa $180-milyan lagu wreejinaayo hey’adda WFP si kor loogu qaado haqab-beelka cuntada iyo hawlaha nafaqeynta halka $100-milyan la siinayo UNICEF si ay u bixiso adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah,sida ay lagu sheegay bayaan ka soo baxay bangiga maalinimadii Dorraad.Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 23 milyan oo ruux ay wajahayaan heerar aad u daran oo gaajo ah, halka dad gaaraya sagaal milyan ay halis ugu jiraan macaluul.
Mareykanka iyo deeq bixiyayaasha kale ayaa jaray kaalmadii dhaqaale ee la siin jiray Afgaanistaan,ka dib markii talada dalkaasi ay la wareegeen Taalibaan,waxaana sidoo kale la xayiray in ka badan $9-bilyan oo ah hantida lacagta adag ee dalkaas.
TACSI TIIRAANYO LEH
Dhammaan Ilmo Jimcaale Cegalle Gadiid, Rooble Cigalle Gadiid, Maxmed Cigalle Gadiid, Maxamuud Cigalle Gadiid dhamaan dadkaasi waxaay Tacsi Tiir aanyo leh u dirayaan qoyskaaska Reer Xaaji Geedd oow Cigalle iyadoo ugu Tacsiyadeyna Geeridii ku ti mid YUUSUF XASAN MAXAMED XAAJI GEEDD OOW {YUUSUF MIIR-LAAWE} oo dhawa an ku Ge eriyooday Magaalada Muqdisho waxayna Allah weyn ugu Baryayaan inuu Naxariistiisa Janno ka waraabiyo Qoyska iyo Carruutii uu ka tegayna Sam ir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
NATO oo diiday dalab uga yimid Ruushka
Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa diiday dalabaadka Ruushka ee ah in la baabi’iyo ballanqaadkii 2008 ee Ukraine ee ahaa in waddanku uu maalin uun xubin ka noqdo xulafada milatariga reer galbeedka.
Hadalkaan ayaa soo baxay Jimcihii ka dib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ay sheegtay in NATO ay tahay in ay si rasmi ah u baabi’iso ku dhawaaqistii 2008-dii ee xubinnimada Georgia iyo Ukraine, oo ah laba Jamhuuriyadood oo hore u ahaan jiray Soviet Union."Xiriirka NATO ee Ukraine waxaa go’aamin doona 30 dal ee kujira xulufada NATO iyo Ukraine, cid kale ma jirto,” Stoltenberg ayaa u sheegay suxufiyiinta Brussels Jimcihii.
Ruushka ayaa qabsaday gobolka Crimea ee Ukraine 2014-kii isagoo lagu eedeeyay inuu taagee ray fallaagada gooni-goosadka ee gobolka Donbas ee bariga dalkaas. Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale qabsaday laba gobol oo ka go’ay Georgia.
 
Odinga oo caddeeyey haddii uu mar 5-aad isku sharxayo madaxweyne iyo haddii kale
Siyaasiga rug cadaaga ah ee Kenya Raila Odi nga ayaa Jimcihii ku dhowaaqay inuu markii shan aad u tartami doono xilka madaxweynaha ee doora shada dhaceysa sanadka dambe, kadib bilooyin uu aamusnaa oo laga sugayey mowqif
Ku dhowaaqista Odinga oo 76 jir, sanado band anna ahaa wejiga mucaara dka Kenya, ayaa timid ayada oo ay jirtay xan ku saabsan in uu ma daxweyne Uhuru Kenyatta la galay heshiis uu ku xaqiijinayo inuu xilka ugu sarreeya dalka helo.
"Waxaan halkan ku aqbalayaa inaan noqdo m usharax madaxweyne ee doorashada dha ceysa 9-ka August 2022,” ayuu ku dhowaaqay Odi nga, isaga oo intaas ku daray inay ka go’an tahay in uu dhiso "Kenya dimoqraadi ah oo horumarsan.”
Odinka oo mar soo noqday ra’iisul wasaare, islam arkaana lagu naaneyso "Baba” ayaa weli ah shaqsi can ka ah siyaasadda Kenya, inkasta oo uu afar mar ku guul-darreystay doorashooyin ma daxweyne, 1997, 2007, 2013 iyo 2017.
Hase yeeshee sumcadda Odinga ayaa wax aa dhaawac uu kasoo gaaray heshiis qarsoodi ah oo la rumeysan yahay inuu la galay madax weyne Uhuru Kenyatta.
Labada hoggaamiye ayaa isku dayey in la balla ariyo awoodaha fulinta ayada oo isbeddel lagu sam eynayo dastuurka, lana soo kordhi na yo xilka ra’iisul wasaaraha si uu Uh uru u noqdo, halka Odinga uu qaadan lah aa xilka madaxwe ynaha.
Hase yeeshee qorshahaas oo loogu magac daray BBI ayaa waxaa ku gacan seertay max ka madda sare ee Kenya.Odinga ayaa loolan adag la geli do ona madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo 54 jir ah.
Madaxweynaha Uganda ‘kuma faraxsana’ dib u gurashada TPLF ee Itoobiya
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ay aan ku faraxsanayn in Jabhadda Tigray ee Ito obiya (TPLF) ay dib u guranayso, laba bilood ka dib mar kii ay u soo gudbeen caasimadda Ito obiya ee Addis Ababa taas oo walaac ku abuurtay beesha caal amka. Isagoo la hadlayay Suda ns Post Shalay, diblumaasi ka
tirsan kooxda TPLF oo ku sugan Maraykan ka ayaa she egay in Museveni uu u sheegay De bret sion Gebremichael inuu aad u diidan yahay go’ aanka ay ciidamada TPLF dib ugu gurteen ka dib markii ay guulo ka gaareen ciidamada federaalka Itoobiya.
"Wixii ka dhacay gobolada Canfarta iyo Axmaar ada kaliya maahan guuldarada soo gaa dhay kooxda TPLF iyo xulafadeeda, balse waxay niyad jab ku tahay madaxweynaha Uganda Yo weri Muse veni oo aan haba yaraatee ku farax sanayn guulihii iyo horumarkii aanu ka samaynay maamulka dab adhilifka ah ee Abiy Axmed,” ayuu sarkaalku u sheegay Sudan Post isagoo codsaday inaan maga ciisa la shaacin. Museveni iyo wiilkiisa ayaa la rum eysan yahay inay taage ersan yihiin Tigreega daga alka ka wada Itoo biya.
Midowga Yurub (EU) oo Kenya u soo celiyay in ka badan 70 boqolkiiba Maaliyadda ciidam ada la dagaallamaya Al-Shabaab
Midowga Yurub iyo la-hawlgalayaasheeda ay aa Kenya u soo celiyay in ka badan 70 boq olkiiba Maaliyadda ciidamada la dagaallamaya Al-Shabaab ee Soomaaliya, ka dib markii QM ay kordhisay ka bixista muddo shan bilood ah. Hanti-dhowrka guud ee Ken ya ayaa sheegay in ku dhawaad Sh1.85 bilyan ay ka heleen howl galka Amisom, sad dex bilood gudahood illaa Sebtembar, taasoo ka dhi gan 74 boqolkiiba in ay helayaan miisaaniyad sana deedka illaa bisha June 2022-ka. Dhinaca kale, Qar amada Mido obay ayaa ugu baaqday Soomaaliya iyo saaxii badeeda inay ka shaqeeyaan sidii loo ab uuri lahaa jawi siyaasadeed iyo amni oo wanaagsan oo doorasho loo dhan yahay lagu qaban karo.
Kenya ayaa Soomaaliya u dirtay 4,660 askari oo katirsan AMISOM, ka dib weerarro aan kala joo gsi lahayn iyo afduubyo ay al-Shabaab u gay steen dad rayid ah oo ku sugan dalkeeda.
Madaxweyne Mustafe cagjar "Cadaw Sooma ali yeed oo taariikhi ah, oo na dhibaateey ay weey aan kooxdaas (TPLF)"
Madaxweynaha dowlad degaanka Sooma alida ee Itoobiya Mustafe cagjar, oo ka hadlayay xafladda xarig jarka Isbita alka Shinniile oo maalintii Dorraad ahayd ka dhacday degmada Shinniile, ayaa waxa uu si gaar ah uga hadl ay dhib aatadii ay kooxda TPLF ka ga ysatay gobol lada degaanka, gaar ahaan gobolka Sitti, isa goo sheegay in gobolka Sitti ay ka jirtay colaad gobol lada kale ee degaanku ay ka nasteen mudadii uu isbaddalku jiray, colaadaas oo uu sheeg ay in qayb ahaan xukuumaddu ay gacan ka gaysa tay sidii loo xalin lahaa, inta kalena ay ku daba jirto.
Balse dhibkaas iyo colaadaas uusoo maray go bolka Sitti, waxa uu Madaxweyne Mustafe sheegay inay colaadaas hurinayeen kooxda TPLF, isagoo yiri " Gobolkan Sitti Shalay dhibaa tada aan la daa laa dhacayno iyagaa abuuray, waxay ku bilaabeen markay dhulkan soo galeen dagaalkii u horeeyay waxay la galeen shacabkii halkan degganaa, kaddib waxay ku dhammaatay sheekadii in magaaladii ay dadkii ka faro maro ojiyaan".
Mar uu ka hadlayay dhibaatadaas hore had da ysan abuuri lahayn kooxda TPLF, oo aysan talo xu madaa keeni lahayn in magaalada Diridh abe ay Shalay ka tirsanaan lahayd gobolka Sitti, waxa uu yiri Madaxweynuhu " waxaa laga ya abaa in koox daasi ( TPLF) haddaysan talo xuma daasi aysan kee nteen, in Shalay xafladdan lagu qaban lahaa mag aalada Diridhabe, oo xarunta degmada Shinniile ay noqon lahayd magaalada Diridhabe".
Sidoo kale mar uu ka hadlayay tallaabadii xigtay ee kooxda TPLF ku dhaqaaqday isla wa khtigaa, wa xa uu sheegay in shacab dhan iyo dhulkoodii iya goo aan raalli ka ahayn, lagu ware ejiyay dad kale, isagoo arrintaa ka hadlayana wa xa uu yiri "Kooxda TPLF waxay gaartay in dhul dhan iyo dadkiiba la wareejiyo oo dad kale loo ga can galiyo iyagoo aan raalli ka ahayn", oo u je edo dhulka lagu muransan yahay ee u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka hadlay oo uu sheegay in dadka u sacabtumaya kooxda as TPLF aysan matalin shacabka Soomaaliyeed, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Kooxdaas TPLF cida Shalay u sacab tumaysa, kuwa u ade egaya, kuwa heshiisyada la galaya, ma aha ku wo danta Soom aali ka shaqaynaya, sidaas dart eed waa inaan iska dhex saarnaa, cadaw Soomaaliyeed oo taariikhi ah oo na dhibaateeyay weeyaan kooxdaas (TPLF).
Ugu dambayn, waxa uu sheegay in dhib kasta iyo qalalaase walba oo ka dhacaya dalka ay horm uud u tahay kooxda TPLF, waxa uuna yiri " Waxaan aaminsanahay qalalaasayaasha siyaasadeed, iyo kuwa dhaqan ee hadda la bilaabayo in kooxdaas ay abaabulayso oo ay maalgalinayso".
Hadalladan uu Madaxweyne Mustafe cagjar u jeediyay shacabka gobolka Sitti ayaa u ekaa kuwa shacabka loogu iftiiminayay dhibaatooyinkii ay ha dda ka hor shacabka u gaysatay kooxda TPLF, isla markaana lagula dardaarmayay inay ka fogaadaan wax kasta oo xiriir la leh kooxda TPLF, sidoo kalena ay shacabku ilaashadaan nabadgalyadooda, isla markaana ay ka fogaadaan falkasta oo wax u dhim aya nabadgal yada Shalay la haysto.
Doorasho Sanado Kadib Ka Bilaabatay Qeybo Kamid Ah Deegaannada Falastiiniyiinta
Codbixinta ayaa ka socota tuulooyinka Falasti iniyiinta ee ku yaalla Daanta Galbeed, taas oo ka dhigan doorashadii ugu horreysay ee deegaanka muddo afar sano ah. In ka badan shan iyo toban boqol oo kuraas ayaa dadka deegaankaasi ku tart amayaan iyadoo tiro dumar ah ay ka mid yihiin musharrixiinta u taagan
Wasiirka Amniga Oo Digni in Kasoo Saaray Amni Darra da Ka Jirta Degmada Kaaraan
Codbixinta magaalooyinka wa aweyn ma dhici doonto illaa bisha Maarso ee soo socota. Xisbiga ugu weyn muc aaradka Xamaas ayaa qaadacay doorashadan ma na dhici doonto wax cod ah oo ka dhici doona mar inka Qaza oo ay maamusho kooxda. Waxa ay ca dhaysan yihiin in madaxweyne Maxamuud Cabaas uu baajiyay doorashooyinkii baarlamaanka iyo mad axtooyada horaantii sanadkan.
Ruushka Loo Diray Hanjabaad Culus, Xilli Ay Sii Kordhayaan Walaaca Laga Qabo Weeraro
Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka lagu magacaabo G7 ee hodanka ah ayaa doonaya in ay soo bandhigaan mowqif mideysan oo ka dhan ah Ruushka xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo weerar suurtagal ah oo ruushku ku qaadi karo Ukraine.
Ka hor kulankooda magaalada Liverpool ee dalka Ingariiska, Britain iyo Mareykanka ayaa wal aac xooggan ka muuj iyay tobanaan kun oo askari oo Ruush ah oo la soo dhoobay xadka Ukr aine.Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, Liz Truss, ayaa uga digtay Moscow in duullaanka ay qaadaan uu cawaaqib xun ku yeelan doono.
Wariye qaabilsan Arrimaha diblomaasiyadda ay aa sheegay in mid ka mid ah aargudashada macq uulka ee waddamamdani samayn karaan ayaa ah in la joojiyo dhuumaha cusub ee Nord Stream Two ee loo dhisay si ay gaaska Ruushka u gaadhsiiyaan Jarmalka. Xiisada Shiinaha iyo Iran ayaa sidoo kale kulanka wasiirradaas lagaga hadli doonaa.

 
QOFNA WUXUUSAN HAYSAN MA BAXSHO
 
Waa maalin colaadu ay kow ahayd, maalin madow, maalin wixii dhacay ay ninna uusan saadaalin karayn waxay noqonayso ciribtoodu! Waxay ah ayd maalin murugada iyo dhiillada ay xambaarsantahay ay ka muuqatay in is-bedel ku dhici doon nolosha bulshada qaybaheeda kala duwan,waxayna dhibaatada aad uga muuqatay dadka maxasta ah sida waayeelka, caruurta iyo weliba dumarka. Waa maalintii uu qarxay dagaalkii burburiyay wadan keenii bilicda iyo nabadda astaanta u ahaa!
Dagaalku, wuxuu ahaa musiibo rabaani ah oo qornayd waxaase xaqiiq ah inuu Allah wax badan nooga naxariistay oo hadaan sidii aan u dambi ba dnayn naloo abaal marin lahaa cidna kama badbaadeen ciqaabta Allah laa kiin In badan buu Alle noo saa max aa
 
Dhibta wadanka ka dhacday waxay qaybta ugu weyni ku habsatay dumarka oo iyagu u nugul, murugada iyo walwalka colaadahii dhacayna ay meel walba ka hareeyeen, maadaama ay qoysna u dhalatay midna ay u dhaxday
31 Sano maalinkaas ka dib waxaa wali si is dabo joog ah u yeeraya bar oorta hooyooyinka Soomaaliyeed oo ay sababeen inteeda badan duulka rag la yiri, mid ay dhashay iyo mid ay u dhaxdo iyo wixii kale ee laysu aha adaba. DHibta dumarka gaartay waa mid aan la soo koobi karin oo noocyo badan waxaase ugu weyn sida marar badan la tilmaamo oo la wada og yahay wax-barashada haweenka Soomaaliyeed oo mar kasta ahayd mid aan la siin mudnaantii ay lahayd, marka la garab dhigo dadaalka aalaaba la siin jiray wiilasha, iyadoo ay markii horaba taas jirtay baa haddana markii uu burburka yimid hakadkkii galay waxbarshada sababay inay la kulmaan dhibaatooyin badan sida shaqo aan ku haboonayn oo ay la daalaa dhacaan,iyo in hoos loo fiiriyo ama la liido taas oo kaga timaada dadyowga dalalka ay maganta soo bideen, sidaasooo kalana ragga ay u dhaxaan int ooda aan xil-kaska ahayn iyo mararka qaarkood caruurta ay hooyada u yihiin oo aan iyagana garanayn qadariinta ay hooyadood mudantahay waxa ana arrinta sii bari-taaray dhaqammada dalalka la yimid oo wax badan oo ka mid ah mudnaantii waalidka (Aabbe iyo Hooyaba) luntay…cajiib!.Markii qurbaha la yimid dadku waa qaybsamay ina-rag badidiis wuxuu u dhaq aaqay; shaqo ama wax barasho, qaybna noloshaa ka adkaatay oo u talisay oo naftoodiiba wax ma tarin tu kalana iskaba daa.
Siday hooyo tahay ama ahaan jirtayba dumarkii waxay u qalab qaateen korintii, iyo ababintii dhallaanka, iyo inay daboolaan baahida ilmaha yar iyadoo aaminsan inay iyadu tahay aabo iyo hooyo maadaama aan ragga intooda badan la heleyn xiligii loo baahdo oo ay badankood la tahay inay shaqada ilmuhu hooyada ku gaar tahay sidii markii wadankii la joogay oo xitaa ciiddu caawinaysay hooyada. Waxaa iyadana xusid mudan in baahida guriga taal si dakhli iyo masaariif loo helo ay qasab ka dhigtay in rag badan ay guntiga u adkeystaan inay soo shaqeeyaan oo waqtigoodii badankiisa ay ku qaataan goobaha shaqada si ay u daboolaan baahida iyo adeegyada guri ga laga rabo.
Arintaasi waxay keentay dib u dhac ku yimaada horumarka hooyada Soomaaliyeed, waxayna saartay oo ku rartay culays baaxad weyn oo nolo leed, waana midda keentay inay soo bataan dumarka isku buuqaya oo ma rarka qaarkood gaara heer khatar ah. Waxaa iyadana sare u kacay tirada hooyooyinka qurbaha ku nool ee ay ku dhaceen cudurrada dhimirka taasoo inta badan lala xiriiriyo dhibaatooyin xagga nolosha guriga iyo maamulka iyo ka war qabka ilmaha ka haysta isla markaasna aan wax kaalmo ah ka heleyn aabbihii ilmaha dhalay oo waliba mararka qaarkood ay dhici karto inuu gacan bannaanyahay. Meelaha qaarkoodna xaaladuhu waxay gaar aan heer ay hooyadu waxyeeleyso nafteeda ama nafta ilmaheeda yar.
Sidaa aawadeed, dumarku dhib kastaba waa soo mareen , waxaase Shalay la soo gaaray waqtigii ay raggu ka garaabi lahaayeen culeyska ay ku keli yeeleen dumarka, taasoo macnaheedu yahay inay ku garab istaag aan inay wax bartaan si aan u helno qoys caafimaad qaba oo aqoon leh ragooda iyo dumarkoodana ay door ka qaadan karaan horumarinta iyo dhis maha ummaddooda. Si taas loo gaaro ama ay u dhaqan gashana waxaa loo baahanyahay in nin walba (Ragga) uu marka hore saxo wixii horay uga khaldamay isagoo ka bilaabay inuu xaaskiisa iyo gabdhaha uu isaga dhalay ku dhiiri geliyo wax-barashada si ay u soo saaraan berri ayaguna awlaad wax baratay oo dhisa mustaqbalka dalkeenii quruxda badnaa, badba adiyana jiilalka soo socda.
Rasuulku SCW wuxuu ku yiri xadith macnihiisuna ahaa; "qof kasta wax baa la raacshay oo loo diray waana la weydiin doonaa wixii loo diray ee la raacshay.”
Markaa qof walba ha diyaarsho su’aasha jawaabteeda khaasatan ragga.
Nabigu SCW wuxuu yiri waxaa idiinku khayr badan kan reerkiisa u khayr falid badan aniguna waxaan ahay kan reerkiisa u khayr fala.Wuxuu kaloo yiri SCW waxaa dumarka karaameeya ninka kariimka ah, waxaana dhiba kan la’iimka ah amba ardaalka.
Mar mar baan idiin cudur daaraa oo waxaan soo xasuustaa maahmaa hdii carbeed oo macnaheeduna ahaa, qofna wuxuusan haysan ma bax sho.
Macnaha nin aan isba jacayl ku soo korin oo aan la soo koolkoolin loo gama fadhiyo isna inuu wax koolkooliyo laakiin bal koolkoolintu ha danbe eysee waajibaadka ay ugu horeeyso wax barida dumarka ku dadaala, oo saxa wixii horay u khaldamay oo bal isku daya inaad suubanaha ku day ataan suu uladhaqmi jiray reerkiisa iyo dhamaan mujtamacii loo soo diray waayo Rassuulka SCW waxaa noogu sugan ku dayasho.
Waxan ku soo koobayaa Aqoon la’aan waa iftiin la’aan! Isku meelna ma joogaan mutacalinka iyo jaahilku waxaana u horeeya aqoonta diinta ka dibna tan maadiga ah waayo qof aan aqoon Allihii abuuray, amba aan kala aqoon xaaraan iyo xalaal amba aysan macnaba ugu fadhiyon diintu asna waa lumay kuwa uu gacanta ku hayana wuu lumin doonaa.Sidaa darteed cilmiga xaawaleydu waa muhiim waana badbaadiyaha ummadda ee yaan loo kala harin oo xasuusta dumarku agtiina waa ku qafaalan yihiin ee u fud udeeya inay wax bartaan oo weliba ku garab istaaga kuna dhiiri galiya adin koo Allahna ku raali galinaaya ubadkiinana u hiilinaaya si aan berri loo bahd ilin dalkooda iyo diintoodana u difaacaan khaasatan hablaha.
Ninkii gabar wax bara wuxuu wax baray ummad sababtoo ah gabadhu waa barre ama waa ababiye bulsho.DHAMAAD
WQ: Yaasmiin M A sooyaan
Caaliyatulhima@gmail.com
 
SAXAAFADDA WAX JAAN GOYSA!
 
Haddii saxaafaddu wakhti badan geliso sheekooyinka arrimaha bulshada quseeya, kana hadasho ganacsiga iyo hal-abuurka dhallinyarada, waxaa hubaal ah in dad badan oo siyaasadda ku maman ay kasoo laaban laha ayeen, loona jiheysan lahaa in wax la ikhtiraaco, lagana fikiro wax wanaag san. Hadda badi waxay saxaafaddu siisay wakhti badan siyaasadda, wax aana muuqatay in siyaasaddu ay noqotay suuq laga macaasho, si loogu biirana la geliyo qarash badan.
Saxaafadda iyo siyaasadda, labadaba waa cilmi lagu barto waxbarashada sare. Waxaana loo baah anyahay dadka ka shaqeynaya in aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba ay yihiin kuwa dhisan. Saxaafad du waxay kamid tahay waxyaabaha lagu sameeyo "National agenda” waxaa lagu jiheeyaa bulshada, sidaas darteed, waa mas’uuliyad weyn oo ammaano ah. Ma aha sida dad ka qaar u moodaan, oo ah in la iska hadlo, waxna la iska qoro.
Saxafi kasta waxa uu ka qiimo badanyahay weriyayaalka kale inta uu ka run badanyahay, ka il-wareed badanyahay, ka aqoon badanyahay, sidoo kalana, ka akhlaaq badanyahay. Saxafigu ma aha mid wixii loo sheego durba baahiyo, waana kan wax baara oo wax xaqiijiyo.
Dadka iska leh hey’adaha warbaahinta qudhooda, waxaa habboon iney kala saaraan xirfadda iyo ganacsiga. Idaacadda, joornaalka ama telefashinku waa in uu leeyahay siyaasad shaqo, lana yaqaanno ahdaafta ay u taaganyihiin, cidda ay la hadlayaan ama wax u qorayaan. Qolka tifaftirku waa in uusan noqon mid wax ku jaan-gooyo dakhliga soo xarooda, shaqadaas waxaa leh, xafiiska ganacsiga iyo xayisiimaha u qaabilsan xarunta.
Warku maaha mid lacag lagu sameeyo, laakiin wuu noqon karaa mid kuu sahlo in aad lacag hesho. Hadalkaan waxaan ula jeedaa, haddii aad baahiso war sugan oo aan lacag lagu qaadan, waxaa kuu abuurmaya dhegeysteyaal iyo akhristeyaal badan, waxayna dad badan door bidayaan iney xaysiismo kuu keensadaan.
Shaqada oo aad si dhab ah u wajahdo, waxay kuu abuureysaa lacag iyo sharaf.
Saxaafaddu waa shaqo fiican oo sharaf leh, laakiin, qof kasta saxafi ma noqon karo, si lamid ah caafimaadka, handasada iyo duuliyahaba

...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip