
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO KHAMIIS 9-KA DEC. 2021-KA AH
...
Shir Ku Saabsan Arrimaha Amniga Oo Muqdisho Ka Furmay
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Ca alamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo ay wehelinayeen Wasiirrada Gaashaandhigga Md. Xasan Xuseen Xaaji iyo Amniga Mudane Ca bdullaahi Maxamed Nuur, Taliyeyaasha Ciidamm ada Xoogga Dalka iyo Booliiska, ayaa furay shir lagu hawl-gelinayey Guddiga hoggaaminaya qo rshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amniga Dalka (STP SSC).
Shirkan lagu hawl-gelinayey Guddiga, oo ay ka soo qayb galeen xubno ka kala socday hay'ad aha qaabbilsan amniga dalka ee Heer Federaal, Heer D/Goboleed iyo Xafiisyada Sarsare ee Dal ka, ayaa labada maalmood ee uu socdo waxaa looga hadli doonaa sidii Soomaaliya ay si buuxda saaxiibbadeeda dhanka amniga uga la wareegi lahayd mas'uuliyadda sugidda Amniga Dalka, iya da oo sidoo kale Shirkan lagu lafa-gurayo qiimay nta waayo aragnimadii laga bartay iyo horumarr adii laga gaarey qaybihii hore Qorshihii Amniga Soomaaliya (STP), lagu na dhisayo qorshe mida ysan oo Soomaaliya dhakhso ugu jihaynaya tub ta dhammays-tirka la wareegidda Amnigeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Ca alamiga ah, Md. Cabdisaciid Muuse Cali oo khud ba d ka jeediyey furitaanka Manaasabadda ayaa Guddiga kula dardaarmay mas'uuliyaddoo da Qaran, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leed ahay shaqada Guddiga laga sugayo iyo qorshey aasha horyaalla.
"Hawl-gelinta Guddigani waxa ay caddayn u tahay sida ay Soomaaliya uga go'an tahay la wa reegidda amnigeeda qaran. Guddigani waa goob ta looga doodaayo, laga na jihaynayo qorshaha la wareegidda mas'uuliyadda Amnigeenna qaran.
Waxaa la idiinka fadhiyaa inaad qiimayn ku sa maysaan waxyaabaha ka hirgalay qaybihii hore ee qorshaha, caqabaha iyo waayo-aragnimada laga bartay, sidoo kale na aad soo gudbisaan tu bta dhammaystirka qaybaha danbe ee qorsha han."
Intii ay munaasabaddu socotay mas'uuliyiintii kale ee kalmedaha ka jeediyey Shirka ayaa si doo kale hoosta ka wada xarriiqay muhiimadda ay leedahay fulinta qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo aan marna la aqbalayn qorsheyaal kale oo aan ku dhisnayn rabitaanka JFS.
Dowladdaha Soomaaliya Iyo Ingiriiska Oo Ka Wada Hadlay Arrimo La Xariira Dhaqaalaha
Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa Shalay M/ Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingir iiska u fadhiya Soomaaliya Kiin Foster, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta wada shaq eynta labada Dowladood.
Kulankan ayaa diiradda lagu saa ray arrimo ku saabsan dib u-hab eyn ta dhaqaalaha dal ka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaal iya iyo boqort ooyada UK. "Waxaan yeelanay wadahadallo miro dhal ah oo ku saab san dib u habeynta dhaqaalaha Soom aaliya, wa xaa kaloon ka wada hadalnay caqabadaha haray iyo dariiqa loo marayo, ayuu yiri Wasiirka Beyle." Safiirka boqortooyada UK ee Soomaaliya Kiin Foster FCDO ayaa bogaadisay dedaalka dowlad du ay gelisay hanaanka hufnaa nta dhaqaalaha dalka.
Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa uga mahadceliyay Kiin Foster iyo bo qortooyadda UK taageerada dhinac walbo leh ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
MUUSE SUUDI oo shaaca ka qaaday sabab ta ugu wacan isbeddelka ku yimid
Rooble
Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo ka ha dlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa shee gay in Ra'iisul wasaare Rooble uu ku fashilmay hoggaaminta doorashada dalka, isla markaana uu is bedelay moqifkiisii siyaasadeed.
Senator Muuse oo wareysigaan siiyey Idaa cadda Kulmiye ayaa sheegay in Ra'iisul Wasa araha uu galay damac siyaasadeed, isla markaa na aysan saxneyn sida uu wax u wado.
"Ra'iisul Wasaarahaan wixii loo igmaday ma qaban, waxaan is laheyn howsha hadii lala qa ban qaabiyey waa ka soo bixi karaa, laakiin ma saxna waxa uu sameynayo damac darajo iyo damac hunguriyaa galay," ayuu yiri Senator Mu use Suudi Yalaxow.
Xaaji Muuse ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaar aha uu ka dareemay inuu doonayo in xafiiska uu iska sii joogo, balse meesha uu wax ka raadinaa aysan darajo ka jirin.
"Meesha inuu joogo inuu rabaan ka dareenay, taasina furcadi maaha, Rooble darajo hadii uu rabo Madaxweyne ayuu noqon karaa, hada waa isisoo sharaxi karaa hadhowna waa isisoo sharixi karaa," ayuu yiri.
Senator Muuse Suudi ayaa sheegay in Rooble looga baahnaa in umadaan uu cariiriga ka saaro, maadaama ay isugu darsoontay dowlad-xumo iyo abaaro baahsan oo dalka ku dhuftay.
"Umaadaan cariiriga ku jirta in laga saaro ayaa muhiim ah, wixii waa kala daadsan yihiin ee waa in la helo dad amar kala qaata, dadku waa kala coloobay, ciidanka xataa iskuma fiicna, si wax kasta u hagaagaan waa in hadda doorashada la dhameystiro," ayuu hadalkiisa ku sii daray Senator Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.
Mar la weydiiyey sida uu u arko in midowga musharaxiintu ay dhisaan gole badbado qaran ayuu yiri, "Arrintaas go'aankeeda madasha ayey jirtaa, laakiin ra'iisul wasaaraha hadii laga arko in uusan wax qabaneyn wixii yimaada isagaa mas'uuliyadooda,hadii guddi la dhisana waa wax isaga laga arkay, marka wixii qaldan hala saxo wixii wanaagsana hala dhaho waa saxan yihiin."
Senator Muuse ayaa aad u dhaliilay qaabka ay u soocoto doorashada dalka, "Qof kasta liis ayuu heystaa, madaxda dowlad goboleedyada waxay wadaan xulayo oo hebel soo saar ayaa lagu hayaa, waxaas doorasho maaha, doorashada waa in intii is sharaxda ay tartanto."
Ugu dambeyntii Senator Muuse ayaa sheegay in weligiis uusan la xariirin Ra'iisul wasaare Rooble, hadda kadibna aysan u qorsheysneyn inuu raadiyo, balse uu aad u daneynayo in doorashada uu u hoggaamiyo habka ugu haboon.Xigasho:-Caasimadda.Net
Prof. SAMATAR oo shaaciyey mowqif uu R/W Rooble ka qaatay kiiska Ikraan
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Senatorrada dooran ee Aqalka Sare ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wado xaaraan ah, markii la fiiriyo hanaanka loo maamulayo doorashada dalka, waxu una ku taliyey in dalka laga badbaadiyo wadadaan qaldan.
Waxa uu sheegay in ra'I isul wasaare Rooble uusan doorashada ku wadin wadadii saxda aheyd ee loo baahnaa, isla markaana taladu ay ka waree rsan tahay, "Waliba far-weyn ayaa ra'iisul wasa araha ku godan," ayuu yiri.
Sidoo kale Prof. Samatar ayaa sheegay in Rooble bilihii ugu horeeyey markii xilka loo dhiibay uu daacad u ahaa Farmaajo, balse markii laga badbaaday mudo kororsiga uu ka baxay ga cabtiisa, laakiin hadda halkii hore uu ku laabtay.
Waxa uu ku tilmaamay nin markii hore aan fah am badan ka heysan siyaasadda Soomaaliya, haatana aan heysan la-taliyaal fiican, isagoo kula taliyey in afar ilaa shan qof oo aqoon u leh xaal adaan uu xeyndaab ka dhigto, si ay uga joojiy aan wixii xaaraan ah, wixii xalaal ahna ay ugu hagaan.
Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Rooble uu ka laabtay go'a ankiisii ahaa in baaritaan dhab ah uu maro kiiska dilkii Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd sarkaal ka tir san NISA oo nolol iyo geeri lagu waayey.
"Waxaa cad oo uusan shaki ku jirin in Ra'iisul Wasaare Rooble uu ka laabtay in la baaro kiiska gabadhaas la dilay, taasina waxay muujineysaa heshiiska u dhaxeeya isaga iyo wadaadka buurta saaran, inuu si weyn u saameeyey kiiskaan oo weliba inta banaanka la soo istaagay la yiri wa xaba waa lagu waayey ragii laga shakisnaa,wax la filanaayey maaha," ayuu yiri Prof. Cabdi Sam atar.
Cabdi Samatar ayaa sheegay in markii la fiir iyo dhab-dhaqanka R/Wasaare Rooble iyo sida uu meeshiisii hore ugu laabtay ay muujineyso in markii horaba uusan qaranka daacad u aheyn, balse ninkii keensaday oo kaliya uu daacad u ahaa.
Sidoo kale Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa sheeg ay in doorashadii golaha shacabka ee gobollada waqooyi ee Muqdisho ka dhacday aysan aheyn mid xalaal ah, isagoo tusaale u soo qaatay qofkii Mahdi Guuleed la tartamayey oo ilaa hadda la garan la'yahay qof uu ahaa.
"Hadda sida ay wax u socdaan walwal weyn ayey leedahay, waxaan ilaahey ka baryaan in So omaaliya qiblada toosan uu u jeediyo afartaan sano, hadda siyaasadda Soomaaliya qiblo qalo ocan oo xaaraan ah ayey ku sii jeedaa," ayuu yiri Prof. Samatar.
Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda kadib ay xoogga saarayaan in aan la boobin oo si xalaal ah loo soo doorto kuraasta reer waqooyiga ee hartay.
"Waa xaaraan in Ra'iisul wasaaruhu yiraahdo anigaa xukuma doorashada reer waqooyiga, gumeysi kuma jirno, dad is xukuma ayaan nah ay, mas'uuliyadda dalka oo dhan ayaa saaran Rooble, laakiin anaga hanoo daayo saamigeena anagaa maamulaneyna," ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.
Xigasho:-caasimadda.net
Dowladda Soomaaliya Iyo Midowga Afrika Oo Ka Wada Hadlay Qorshe La Xariira Bixit aanka AMISOM
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb-galay kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga Ee Midowga Africa.
Kulanku waxaa uu ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee (Zoom Meeting) ayaa looga hadlay Qor shaha ay Dowlada Soomaaliya kula wareegi lahayd Amniga Dalka iyo qorshaha bixitaanka Amisom.
Sidoo kale intii kulanku socday ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay u Hoggaamin lahaay een How lgalada ka dhanka dagaalam aya asha Al-Sha baab.
Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in D/Soomaaliya ay dad aal Xoog leh galisay Tababaridda iyo Tayeynta Ciidanka Xoogga dalka, isla markaana Dowladu ka go'an tahay Xaqiijinta Amniga Guud ee Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
,kulankan ayaa daba Socaday kulamo Midowg a Africa iyo DFS ay ka yeelanayeen Xaalada Ka la Guur Ciidanka oo Qorsheheedda Mudo Soo Socday.
Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galay dalka Jabuuti
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo wafdi uu hogaaminaa yo ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb galay shir heersare oo muhiim ah.
Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa in xoolaha iyo bulshada ku dhaqan kalaster ka 4aad ee lam agac baxay DIKHIL ay ugu adke ysan lahaayeen abaaraha iyo musiibooyinka la xiriira, si xal waara loogu helo baahiyaha ballaaran ee xoola ha iyo dadka xoola dhaqatada ah sida Daaqa, Biyaha, Caafimaadka Xoolaha iyo adeegyada fayadhowrka.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa looga hadalay ey wax ka qabashada nabadda iyo xasilooni ku wada noolaashaha bulshooyinka xoola dhaqata da ah ee ku dhaqan xuduudaha saddexda dal ee ku bohoobay Kalasterka 4aad ee DIKHIL.
Shirkaan waxaa soo qaban qaabiyay Urur goboleedka IGAD waxaana ka qeyb galay Wasii rada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Jabuuti, Ito obiya iyo Soomaaliya oo ku bohoobay kalasterka 4aad ee DIKHIL.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay James Swan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cab disaciid Muuse Cali ayaa Xalay Xafiiskiisa M/ Muqdisho ku qaabilay Ergayga Gaarka ee Xogh ayaha Guud ee Q/Midoobey u qaabilsan arrima ha Somaliya, Amb. James Swan.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in kulanka loo ga hadlay arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarinta bani'aadantinimada ee dalka. "Wasiirka ayaa Ergayga kala hadlay arrim aha siyaasadda, amniga iyo horumarinta bani'a adantinimada ee Somaliya." Ayaa lagu sheegay warka.
Warka ayaa lagu yiri "Wasiirka iyo Ergayga waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga dhi nacyada muhiimka ah ee horey u socda."
Waa kulankii ugu horeeyay uu Wasiirku la qaato Amb. James Swan, tan iyo markii xilkaasi loo soo magacaabay 20-kii bishii November.
Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo dalbaday in dastuurka laga saaro qodobka 11-aad ka dib arrintii lagu sameeyey
Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo dhawaan isku sharaxay kursi kamid ah Aqalka Sare gaar ahaan kuwa Galmudug, islamarkaana loo diiday inuu tartamo ayaa ka hadlay sababtii keentay in laga hor-istaago tartanka.
Sheekh Caynte oo wareysi siiyey taleefishin ka Goobjoog ayaa sheegay in la xiray kursigii uu u tartami lahaa, isagoo xusay in si cad loogu sheegay inuusan ka qeyb gelin karin tartanka. Kursigaas ayaa waxaa ku guuleystay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer.
"Ilaa hadda ma jirto cid fasiraad ka bixin karta sababta la iigu diiday inaan tarta mo, kaliya waxaa ogahay in la i dhahay ma tart ami kartid kursigaas waa la xiray, waxaana ii mu uqatay markaas inay jiraan shakhsiyaad loo xir ayey," ayuu Sheekh Yuusuf.
Sheekha ayaa sheegay in dadkii arrintaan sa meeyey ay taariikhda u geli doonto, wuxuuna fal kaas ku tilmaamay mid ka mid ah dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya.
"Anaga waxaa leenahay diin iyo qiyam, ma ra bo inaan si aan habooneyn uga falcelino, dadkii sameeyey ayey taariikhda u geli doontaa waxay na qeyb ka tahay dhibaatada dalka ka jirto," ayuu yiri.
Sh. Yuusuf Ceynte ayaa tilmaamay in waxa la gu sameeyey ay aheyd wax la isla ogaa, islamar kaana uusan hadda diyaar u aheyn inuu sheego magacyada dadkii ka dambeeyey isagoo si cad u sheegay inay mas'uuliyadda qaadi doonaan dad kii dhahay anagaa hor kaceyno doorashada.
Ugu dambeyntii Sheekha ayaa ku baaqay in dastuurka laga saaro qodobka xusayo in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu tartamo maadaa ma uu sheegay ay taas dhici weysay.
"Waa in Dastuurka laga reebo qodobka 11-aad ee dhahaya (qof kasta wuxuu xaq u leeyah ay inuu wax doorto ama la doorto) sababtoo ah waa shaqeyn waayey, waa in lala sugaa inta ay dadka ka fahmayaan in qodobkaas shaqeyn karo," ayuu yir
Musharax loo diiday kursigii loo xiray Mah ad Cawad oo shaaciyey arrimo xasaasi ah
Musharax Dr Maxamed Jeelle oo kamid ahaa musharaxiinta kursiga tirsigiisu yahay HOP#104, kaasi oo uu ku guuleystay Guddoomiye kuxigeen ka 1aad ee baarlamaanka Mahad Cawad, ayaa shaaciyey tacadiyo loo geystay.
Musharaxa ayaa shaaciyey in loo hanjabay si looga horistaago in uu isku sharaxo kursigaas, islamarkaa na loo diiday in uu qaato warqada dembi la'aanta ee CID-da.
"Faraha iska soo qaada oo dembi la'aanta soo qaata ayaa nala yiri, marka meeshii tagnay waxa nala yiri guddiga doorashada waa in uu warqad noo soo dira oo uu dhah hebel ka qaada faraha," ayuu yiri.
"Guddiga ayaa raadinay meel ayey ku xareys an yihiin telefoonadoodiina waa xiran yahay, marka meesha ugu tagno askartii waxay leeyihiin xiriir la sameeya, yaa xiriir la sameyna? telefoona dii waa xiran yihiine."
Sidoo kale waxa uu sheegay in maalintii ay dhaceysay doorashada huteelkii ay daganaaye en lagu soo wareejiyay ciidamo, tallaabadaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay in laga hor ist aago doorashada.
"Hoteelka aan daganahay ciidan ayaa lagu soo wareejiyay, waxaa noo yimid Taliyaha Saldhi ga Dhuusamareeb G/le Maxamed, ma hadli ka rtaan oo halkaa joogtan hadda kasoo baxdan waxa idinku dhaca idinka ka mas'uul ah ayuu nagu yiri."
Kursiga laga hor istaagay musharax Jeelle ayaa waxaa ku guuleystay Mahad Cabdalla Ca wad, oo asagu hore ugu fadhiyay, sida uu shaac iyey Guddiga doorashooyinka Galmudug.
Doorashada G/Shacabka ayaa inta badan wa xaa ka dhashay cabashooyin la xiriir is hortaag lagu sameeyay musharaxiinta iyo Nabaddoona da rasmiga ahaa, taasi oo mugdi gelisay hufnaan ta doorashada socota.
Mareykanka oo gacanta ku dhigay Hub iyo Saliid laga leeyahay Iiraan
War qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Cad aaladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ciida mada Badda Mareykanka ay la wa reegeen Hub, Shixnad Saliid ah iyo labo Markab, kuwaa oo la ga leeyah ay Iiraan.
Washington ayaa dhigeeda Dehraan ku eed eeysay in shixnadan ay la damacsanayeen ina ay gacanta u geliyaan dagaalyahanada Xuutiyiin ta ee ka dagaalama dalkaYeman.
Warka waxuu intaa ku darayaa in Hubkan la qab tay uu ka kooban yahay 171 Gantaal oo ah noo ca Balaastiga ah iyo tiro kamid ah Gantaallada lidka Taangiyada, sidokale waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay inay la wareegeen ku dhawaad hal milyan iyo 100 kun oo fuusto oo saliid ah.
Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa ba yaankeeda ku xaqiijisay in waxa dhacay ay muuji neyso awoodda Ciidamada Mareykanka ay ulee yahiin ka hortaga qalqal galinta Iiraan ay ku hay so gobalka, ee ku aaddan Hubeeynta kooxaha argagixisada ah.
Guddiga Doorashada Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Shaaciyay Magacyada Oday Dhaqameedka Soo Xulaya Ergada
Guddiga doorashada ee Somaliland ayaa mar kii u horeysay shaaciyay magacyada oday dhaq ameedka iyo bulshada rayidka ee soo xuli doono Ergada dooraneysa illaa shan kursi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Waa doorashadii u horeysay ee si cad uga ka muuqdo habraacii lagu heshiiyay 22 Agosto, marka loo eego doorashadii Golaha Shacabka ee ka dhacay Baydhabo, Dhuusamareeb iyo ku wii lagu doortay Muqdosho oo si weyn looga hor timid habraacii loo maray oo ahaa mid mugdi ku jiray.
Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Pun tland Oo Fasax Galay
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehl iyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasi is Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xige enka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa Shalay shir Guddoomiyey fadhiga 18-aad ee Kal fadhiga 49-aad G/Wakiillada DG/ Puntland.
Fadhiga oo ay soo xaadire en 40 mudane ayaa Xildhibaa nnada Dood ka yeesheen xaaladaha abaaraha, amniga iyo arrimaha Doorashooyinka heer Fed eral, iyadda oo uu ku ekaa Shalay 45 cishe oo uu furnaa Kalfadhiga 49-aad.
Intaa kadib 6 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada ayaa soo jeediyey in Golaha fasax galo maadama duruufo badan dalka ka jiraan, wakhtigii Kalfadhigana uu Shalay ku eg yahay, waxaana cod gacan-taag ah Oggol ugu codeey ay 39, cid diiday ma jirin, waxaana ka aamusay 1 mudane.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Md., Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu Golaha uga mahad celiyey sidii xilkasnimada lahayd oo ay u guteen shaqooyinkii Dastuuriga ahaa mudadii uu socday kalfadhiga 49-aad, wuxuuna Guddoomiy ey in kalfadhiga 49-aad uu xiran yahay Goluhuna uu fasax geli doono ayna isu soo noqon doonaan June 15, 2022.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Mowqif lama filaan ah ka qaatay hadalkii Buurmadow
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa taagee ay hadalkii Boqor Cusmaan Buurmadow ee dad ka ku nool koonfurta Soomaaliya ay dhibsadeen, kaas oo ahaa in Soomaaliya ay ka jirto laba
dowladood oo kala ah, Al-Shabaab iyo dowladda federaalka.
Xasan Daahir ayaa sheegay dadka Soomaal iyeed ay wada qirsan yihiin in Al-Shabaab ay yihiin dowlad loo raadsado cadaaladda, sidaas darteed hadalka Boqor Buurmadow uusan aheyn mid qaldan.
Sidoo kale Xasan Daahir ayaa sheegay in cu dur-daarka Boqorka uu yahay mid macquul ah oo ay ku qanci karto cidii horay uga carootay, ma adaama meesha uu hadalkaas ka yiri ay aheyd goob qabaa'il ku kaftamaayey.
"Boqorku nimankaas mabda' ayaan ku tag eersanahay ma dhihin ee waaqic jira ayuu shee gay, kaftankana waa laga gashan karaa, oo wark aas waa mid ku imaan kara kaftan," ayuu yiri Xas an Daahir.
Sheekh Xasan ayaa siyaasiyiinta Hawiye ku dhaliilay in kaftanka iyo siyaasadda aysan kala aqoon, "Waaqic jira ayuu ninkaasi ka hadlay, si waaqici ah ayuuna uga hadlay, waana runtiis intii uu sheegay,"ayuu yiri Wadaadkaan xabsi ku guri ga ah Muqdisho.
Waxa uu sheegay in dadka ku nool koonfurta Soomaaliya ay safaf dhaadheer u galaan cad aaladda Al-Shabaab, taas oo cadeyneysa in Al-Shabaab ay dowlad yihiin, sida hadalkiisa uu u dhigay.
"Nimanku inay dowlad yihiin idinkaa marqaati ka ah, dadkii ayaaba u safan oo cadaaladii ay do wladda ka waayeen ayey u doontaan, wax kasta ayey u kala xukumaan dadka, waana raganimo iyo dowladnimo in cadaalad la idinka waayey Al-Shabaab loo doonto," ayuu yiri Xasan Daahir.
Waxa uu sheegay in mar kasta ay u yeeraan odayaasha dhaqanka qabaa'ilka is qabta, isla markaana ay u kala gar-qaadaan oo diinta fah amsiiyaan, "Odayaasha qabaa'ilka inta kala xali yaan oo hadey rabaan lacag soo siiyaan ayey soo diraan," ayuu yiri.
Xasan Daahir ayaa raganimo ku tilmaamay cudur daarkii uu bixiyey Boqor Buurmadow, maa daama dadkii ay fahmi waayeen u jeedka hadal kiisa. "Warkii uu sheegay Boqorku waxuu ahaa mid isaga umunaasab ah, meeshii uu ka yirina munaasab ku ahaa, hadii uu ka tacsiyeeyey ge eridii Axmed Godane waa raganimo waa wiilkii sii," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Dhanka kale Xasan Daahir ayaa Siyaasiga Axmed Macalin Fiqi waxa uu ku macneeyey nin aan garaneyn hadafkiisa, "Fiqiyow hadda ka hor waxaan ku iri dowladna ma taqaanid, diina ma ta qaanid, hadana waxaa cadaatay in aadan dhaqa nka aqoonin," ayuu yiri Xasan Daahir.
Waxa uu sheegay in Axmed Fiqi uu taageeray dad diintii haleeyey oo dowladnimadii haleeyey oo dhaqankii haleeyey, kuwaas oo uu kala jeedo Ahlu-Sunna oo Axmed Macalin Fiqi uu dartood isaga casilay xilkii wasiirka amniga Galmudug, ka dib markii Qoor Qoor ku adkeystay in Guriceel uu ku weerarayo.
"Fiqiyow adigoo ninkaas ah ayaad hadana nin Boqor ah hadal uu yiri waxaas oo war xumo ah kasoo saartay, waxaa iigu dareed markii uu yiri 'dadkii uu Godane laayey waa in Boqorku bix iyo' aan xisaabtano marka, inta Godane laayey iyo inta UNC iyo Caydiid laayeen yaa badan? Si qaab daran ayaad waliba dadkaas u leyseen, an iga ayaa is dul-taagay oo arkay 17 qof oo biri-mageydo ah oo guryahooda aad kala soo baxde en oo aad xasuuqdeen, kadibana qaab loo aaso la garan waayey," ayuu hadalkiisa ku soo daray Xasan Daahir.
Weerar lagu qaaday Bar-koontorool oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Jubbaland
Weerarka ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay qaadeen Bar-Koontorool oo Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbland ku leeyih iin degaanka Yoontooy ee dhaca duleedka M/ Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Dadka degaanka ayaa ku warramay in dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu halkaasi ka dhacay, kaas oo geystay khasaaro kala duwan.
Faah faahinada la helay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhaawacmay hal askari oo ka tir san Ciidamada Daraawiishta Jubbland ee ku sug naa Goobta la weeraray.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerar kii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab balse ma ays an bixin faah faahino dheeraad ah oo ku saabs an dagaalka ay la galeen Al-Shabaab.
Degaanka Yoontooy iyo degaannada kale ee hoostaga M/Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Jubbal and iyo Al-Shabaab, waxaana sidoo kale Ciida mada Jubbaland dhankooda ay fuliyaan howlga llo ka dhan ah Al-Shabaab.
Puntland oo ka hadashay xiisadda ka dhala tay xil ka qaadista Agaasimihii PSF
Madaxtooyada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiisadda ka dhalatay xil ka qaadista lagu sameeyay Agaasimihii Hay'ad da PSF, General Maxamuud Cismaan Diyaano,
oo laga dareemay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa 24-kii bishii No vember xilka ka qaaday Agaasime Diyaano, isag oona xilkaasi u soo magacaabay S/guuto Maxa med Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr, ha yeeshee Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa sharci-darro ku tilmaamay xil ka qaadistiisa.
Warsaxaafadeed saqdii dhexe ee Habeen hore ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa ma rka hore loogu mahadceliyay cid kastoo isku dayday inay General Maxamuud Cismaan ku qanciso inuu xilkaasi u wareejiyo si nabada.
Warka waxaa lagu sheegay in Ciidanka PSF ay ka mid yihiin laf dhabarta hay'adaha amniga ee Pu ntland, ayna ka qayb qaataan sugidda amn iga, isla-markaana ay u diyaarsan yihiin la dagaal anka kooxaha argagixisada.
"Ciidanka PSF (Puntland Security Forces) waxay ka mid yihiin laf dhabarta hay'adaha am niga Dowladda Puntland, iyagoo ka qayb qaata sugidda amniga guud ee Puntland, gaar ahaan la dagaalanka ururada argagixisada ah. Dowladda Mareykanka ayaana si gaar ah uga taageerta PSF dhinacyada tababarada iyo qalabka ciid anka." Ayaa lagu sheegay warka.
Warka ayaa lagu yiri "Ciidanka PSF iyo hant idooda oo leh hub, gaadiid, guryo iyo agab kal eba waxaa hantida Dowladda Puntland iyo shac abkoodu leeyihiin, ayna u soo dhinteen, una soo dhaawacmeen tiro fara-badan oo naftood hurrey aal ah, iyagoo difaacaya amniga iyo dowladnima da ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland."
Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay Od ayaashii Dhaqanka ee Talaadadii sheegay in hub ka iyo hantida ciidanka amniga Puntland uu si ga ar ah u qaato Agaasimihii hore ee PSF-ta, arrant aasi oo meel ka dhac ku ah baa warka lagu yiri sharafta dowladnimo, khatarna gelinaysa amniga iyo xasilloonida Puntland.
Puntland ayaa Agaasimihii hore ee PSF-ta u gu yeertay in sida ugu dhakhsiyaha badan uu u wareejiyo hantida ciidanka, kuna wareejiyo cii danka iyo Agaasimaha cusub.
"Haddaba Dowladda Puntland waxay farays aa Agaasimihii hore ee PSF, Md. Maxamuud Cismaan Diyaano inuu sida ugu dhakhsaha bad an u wareejiyo dhammaan hantida Hay'adda PSF, kuna wareejiyo Ciidanka PSF iyo Agaasima ha cusub." Ayaa lagu sheegay warka.
Ugu dambayn Puntland ayaa sheegtay inay ka go'an tahay dhawrista dastuurka, ilaalinta am niga, xasilloonida iyo xoojinta dowladnimada & sareynta sharciga.
"Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa, iyadoo dhawraysa dastuurka iyo sooyaalka dow ladnimo ee Puntland ka go'an ilaalinta amniga, xasilloonida iyo xoojinta dowladnimada iyo sareynta sharciga." Ayaa warka lagu soo geba-gabeeyay.
Afhayeenka Kulmiye oo difaacay xadhiga jilaa Idiris Ilig
Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa isaga oo u jawaabaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ku baaqay in la siidaayo jilaa Idi ris Ilig (Sayidka Barakaysan), sheegay in ma daxda iyo xukuumada aan riwaayad laga dhigi karin.
Buuni oo waraysi gaar ah siinayay wariye Cabdi Ger many, ayaa Faysal waydiiyay bal hadii uu jeclaan lahaa in 20 ka sanno ee uu hogaaminayay xis biga UCID riwaayad laga sameeyo.
"Faysal wuxuu ku cel celiyaa saraynta sharci ga aan hirgalino, nin masuuliyiin qaranka kamid ah riwaayad ku sameeyay oo adna aad u dhigtay wax lagu qoslo, miyaad jeclaan lahayd in adiga oo 20 sanno guddoomiyaha UCID ah in riwaayad lagugu sameeyo?" ayuu yidhi Buuni.
Buuni ayaa sidookale, Faysal ku canaantay in uu ka hadlay xadhiga jilaaga xili aan wali maxk amad la horgaynin, isagoo sheegay in arrimaha eedaysanayaasha aan laga hadli karin ilaa maxk amad la horgeeyo.
"Marka danbi dhaco, eedaysane la qabto inta sharciga la horgaynayo cid ka hadli karta ma jirto, guddoomiyaha xisbiga UCID waxan usoo je edinayaa marka eedaysane la qabto haku shaq ayn wararka Suuqa, ee ku shaqee masuuliyad" ayuu yidhi Buuni.
Faysal ayaa dhawaan ku baaqay in lasii daa yo jilaaga da'da yar ee Idiris Ilig, isagoo sheegay in maada iyo qosolku anay danbi ahayn.
Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Sha beelaha Dhexe
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya wee rar khasaaro kala duwan geeystay oo lala beeg saday ciidamo ka tirsan amisom Weerarkaan oo qarax ku bilowday ayaa waxa lagu qaaday sal dhiga ciidamada burundi ay ku lah aayeen deegaanka buurane ee ho ostaga degmada mahadaay ee go bolka shabeelaha dhexe.
khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo wa ramayaan in weerarkaan qarax loo adeegsaday uu ka dhashayal-shabaab ayaa sheegtay masuu liyada weerarkaan,waxaana in qasaaro lixaad leh ay ku gaarsiiyeen ciidamada amisom gaar aha ana kuwa burundi.
Wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in qaraxaan ay dhimasho iyo dhaawac ku Noqdeen laba as kari oo ka tirsaanaa Ciidamada burundi
Wali marto wax war ah oo kasoo baxay talis ka ciidamada amisom oo looga hadlayo weerark aan qaraxa ah Ee la sheegay in lala beegsaday Ciidamada burundi
al-shabaab ma ahan markii ugu horeysay oo ay guulo ka sheegtaan weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ah oo ay ku qaadaan ciidamada am isom ee fadhigoodu yahay deegaanka buurane ee dhacay degmada mahaday ee gobolka dhexe
Weerarkaan alshabaab ay ka fuliyeen deegaan ka buurane ayaa kusoo aadaya xili xaalada amni deegaanada hoostaga gobolka shabeelaha dhe xe muddoyinkii dambe laga laga deyrinayay isla markaasna ay ka dhacayeen qarax iyo dilal ay inta badan ay masuuliyadooda dhabarka uriteen dagaalamayaasha al-shabaab
Mareykanka & UK oo DFS ka diiday bixinta lacagta doorashada
Danjirayaasha Mareykanka iyo Ingiriiska u fa dhiya Soomaaliya Colleen Crenwelge iyo Kate Foster, ayaa niyadjab ka muujiyay in la gaari waa yey qoondada haweenka ee 30% doorashadii kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federa alka Soomaaliya.
Shir saxaafadeed wadajir ay u qabteen labada Danjire Shalay, ayey kaga digeen in muranka ka taagan doorasha da uu sababo colaad ka dhacda dalka, taasoo aa nay dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ee jili csan. "Waxaan soo jeedinaynaa in wixii cabasho ah oo jira loo maro hab wada-hadal iyo nabage lyo," ayey tiri Colleen Crenwelge oo ah sii haya ha xilka Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.
Waxay labada Danjire sheegeen in maamul ka Villa Soomaaliya, Xafiiska Ra'isul Wasaaraha & Midowga Musharixiinta ay kulamo la yeesheen ku wargeliyeen in la fogaado colaad iyo rabshad, oo danta dadweynaha laga hormariyo midda siyaasiyiinta.
2da Danjire waxay caddeeyeen inay iska dii deen codsi maalgelinta doorashada oo ka yimid D/Soomaaliya oo lagu dalbanayey $2.7, illaa la xaqiijiyo sida lacagtaasi loo isticmaalay iyo in la cagta diiwaan-gelinta musharrixiinta lagu shubo xisaabta mideysan ee Bangiga Dhexe, lana igaa do halka ay ku bexeyso lacagtaasi.
"Waxaan caddeynay in lacag aanan ogaan ka rin halka ay ku bexeyso aanan bixin karin. Mas'u uliyad ayaa iga saaran ka danjire ahaan inaan la socdo oo aan isha ku hayo waxa lagu bixinaayo lacagta UK, waayo waa lacag ay bixiyeen dadka canshuur bixiyaasha Ingiriiska," ayey tiri Kate Fo ster oo ah Danjiraha UK.
Waxay xuseen inay maqleen wararka sheega ya in musuqmaasuq uu hareeyay nidaamka doo rashada ayna ka walaacsan yihiin habka aan daa hfurneyn, ee aan loo dhameyn ee saameynta ku yeeshay hannaanka xulista xildhibaannada.
Mar wax laga weydiiyay waxa laga yeeli doo no xubnaha la tuhunsan yahay inay al-Shabaab xiriir la leeyihiin ee laga yaabo inay doorashada soo galaan, ayey labada Danjire hoosta ka xariiq een in daahfurnaanta doorashada, la socodka musharixiinta iyo xaqiijinta dadka tartamaya ay muhiim tahay, ayna tahay mas'uuliyad saaran Guddiyada Doorashada inay hubiyaan dadka kuraasta u tartamaya.
Waxaa turjumay Cabdalla Axmed Muumin.
Somaliland oo amar kasoo saartay dadka reer Somaliland ee ka qayb gala siyaasada Soomaaliya
Wareegto uu ku saxeexanyahay madaxwey naha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay joojisay aqbalaada cafisyada ay Soo dal badaan dadka reer Somaliland ee ka qayb gala siyaasada Somaliya, isla markaana, waxa lagu xusay in ay maxkamad wajihi doonaan.
Wareegtada ayaa lagu yidhi "qof kasta oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo masuul dowladeed, shicib, urur, axsaab, aqoon-yahan, madax-dhaqameed, suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuuc ay go'aanka 2-da Gole ee Baarlamaanka J/Som aliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go'aanka 2da Gole". Waxa lagu sheegay in xuk uumadda oo kaliya ah ka qayb gali karto shirarka ay ku kulmayaan Somaliland & Somaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin ji ritaanka Somaliland & dastuurka Somaliland, si waafaqsan go'aanka 2da gole ee summaddiisu tahay GB/G/01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay go' aanka labada gole ee baarlamaan ee Somalil and, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin maxkamadda awoodda u leh oo aanu xukun maxkamadeed ku dhicin.
Dhamaan hay'ada amniga iyo hay'adaha kale ee xukuumada ayaa amar lagu siiyay inay fuliy aan amarka kasoo baxay madaxweynaha Somal iland.
Hoos ka akhriso wareegtada oo faahfaahsan:-
1)Qof kasta oo u dhashay Dalkan J/Somalil and, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suu gaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go'aanka Labada Gole ee Baarlam aanka J/Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Da mbi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1a ad iyo 2aad ee Go'aanka Labada Gole.
2) Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Da stuurka J/Somaliland, si waafaqsan Go'aanka 2da Gole ee summaddiisu tahay GB/G/01 /02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.
3) Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siya asadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go'aan ka 2da Gole ee Baarlamaanka J/Somaliland, lag ama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horg aynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.
4) Dhammaan hay'adaha nabad-gelyada ee ku shaqada leh waxa waajib ku ah inay fuliyaan Go'aanka 2da Gole, isla markaana horgeeyaan Maxkamadda awoodda u leh qof kasta oo gala dambigaasi, si loo adkeeyo Jiritaanka Qarannim ada iyo Madax-bannaanida J/Somaliland.
Nin ku geeriyooday god uu ku dhacay Magaalada Hargeysa
Hal Ruux ayaa ku geeriyooday goob laga qoda yay God loogu talagalay in lagu aaso haanta Shid aalka oo ku taala xaafada Sheedaha ee degmada Ibraahim Koodbuur ee M/ Hargeysa Somaliland.
Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa gaaray go obta ay wax ka dhaceen, iyaga oo ciidamadu Mayd kii ka soo saareen godka, waxaana lagu Aasay qab uuro kuyaal Magaalada Hargeysa.
Qofka dhacdadaas ku geeriyooday ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Cali Cabdi Jaamac, wuxuu na kamid ahaa shaqaalaha qodayay Godka la doo nayay in la geliyo Haanta Shidaalka.
Dhacdooyinka la xiriira Shaqaalaha ku dhacaya godadka iyo kuwa ay kusoo dumayaan dhismayaa sha ayaa ku batay Magaalada Hargeysa, iyada oo dhowr jeer ay dhaceen.
Tiro Carruur Ah Oo Gaari Xamuul Ah La Jiirsiiyay
Labo carruur ah ayaa ku dhimatay dalka Nigeria halka 12 kalena ay dhaawacmeen markii baabuur xamuul ah uu ardeydan ku jiiray magaalada Lagos talaadadii, sida ay booliska sheegeen.
Gaariga xamuulka ah ayaa la sheegay inay ku timid cilad farsamo taas oo horseeday in darawalkii gaariga uu xakameyn waayay.
Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in car ruurtan ay ka soo laabteen iskuul, kaddib markii uu darawalka uu jiirsiiyay baabuurka xilli ay waddada goynayeen.
Wararka ayaa sheegaya in dara walkii uu damcay inuu baxsado ka dib markii uu carruurta ku dhuftay ba abuurka balse waa la eryaday kadibna waa lasoo xiray.Dhacdadan ayaa jahwareer ka dhalisay halk aas markii ardey ka carootay falka ay bilaabeen inay we erarada darawalada isla markaana ay burburiyen baabuurta.
Dagaalyahan Al-Shabaab 'ka tirsan oo qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid'
Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa qarax is-miidaamin ah ku dilay lab adiisa waalid iyo naftiisa, deegaanka Katito oo ka tirsan magaalada Kisumu ee dalka Kenya, sida uu qor aywargeyska The Star oo soo xiganaya booliiska. Is-miidaamiya ha oo magaciisa lagu sheegay Joseph Odhiambo Ondiek, loona yaqiin Pope, ayaa tegay guriga Petro Onyango iyo xaas kiisa Mary Atieno oo ay wehliso gabadhooda Nancy Aoko, wuxuuna kadib weydiiyey su'aalo.
Waxyar kadib waxaa qarxay walxo qarxo oo uu xirnaa, halkaasi oo ay ku dhinteen isaga iyo la badiisa waalid oo ahaa 55 jir. Dhacdadan ayaa dhacday habeenkii Talaadada ee Habeen hore.
Gabadha lamaanaha ayaa la sheegay inay ku dhaawacantay qaraxa, lana geeyey isbitaalka.
Ilo-wareedyo ka tirsan booliska ayaa The Star u sheegay in is-miidaamiyaha uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, uuna adeegsaday walxo qarxa oo uu farsameeyey kadibna ku xir tay dhexda si uu isugu miidaamiyo waalidkiis.
Pope ayaa lagu warramay in sidoo kale uu 17-kii December 2020 isku dayey inuu gabar ay saaxi ibo ahaayeen oo aheyd 16 jir ku dilo guriga ay kir eysteen oo ku yaalla xaafadda Katito, sababo la xiriira inay sameysay galmo ka baxsan guurka.
Sida ay sheegeen booliska, wuxuu bam uga dhex-tagay guriga taasi oo qaraxday kadibna dhaawacday gabadha, wuxuuna kadib ka carar ay magaalada ayada oo aan dib loo arkay kahor qaraxii Habeen hore.
Is-miidaamiyaha ayaa la sheegay inuu shan sano kahor ka tagay magaalo xeebeedka Momb asa kuna biiray kooxda Al-Shabaab.
Karanja Muiruri oo ah madaxa booliska Nyan za ayaa sheegay inay falkii Habeen hore ula macaamilayaan inuu ahaa mid argagixiso.
"Waxaan isku dayeynaa inaan ogaano halka uu jiray bilihii tegay. Tani waa arrin halis ah, wa ana ku raad joognaa," ayuu yiri Karanja Muiruri.
Kenya & QM oo ka shiraya waqtiga Kenya xireyso Xeryaha Kakuma & Dhadhaab
Dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay ay aa kulan ka yeelanaya si ay uga wadahadlaan waqtiga kama dambaysta ah ee Kenya ay ku xira yso xeryaha qaxootiga ee Kakuma iyo Dha dhaab.
Dowladda Kenya ayaa qor shaynaysa in xilliga kama dambaysta ah ee ay xirayso xeryaha qaxootiga ay noqon doonto Juun 2022. QM ayaase wado dadaallo ku aadan in qaxooti ga sii joogaan xeryahooda.
Tani waxay imaanaysaa iyadoo hay'adda dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn ee MSF, warbixin cusub oo Dorraad ay soo saartay ay ka ga digayso in ku riixida qaxootiga inay ku lab taan Soomaaliya aysan ahayn mid keenta xal waara.
Warbixintu waxa ay xustay in xidhitaanka xe ryaha qaxootiga ay horseedi karto dhibaato cus ub oo barakac ah maadaama ay gabi ahaanba ku qasbi doonto hay'adaha samafalka in ay ka baxaan gobolka sababo la xidhiidha dhaqaale la' aan taasina ay keeni doonto in dhaqaalaha xer ada uu burburo.
"Xiritaanka xeryaha qaxootiga ee la qorsheey ay bisha Juun 2022 waa inay noqotaa fursad la gu dardargelinayo geeddi-socodka xal-u-helidda qaxootiga," ayay tiri Dana Krause, oo ah madaxa MSF ee Kenya.
Bishii Juunyo, ee sannadkii hore, wasiirka arri maha gudaha Fred Matiang'i ayaa ku dha waaqay in la xirayo xeryaha Kakuma iyo Dhadh aab marka la gaaro bisha June ee sa nadka soo socda.
Diyaarad Uu La Socday Taliyaha Ciidamada Hindiya Oo Bur-Burtay
Diyaarad Helicopter ah oo uu la socday Tali yaha Ciidamada Hindiya General Bipin Rawat iyo saraakiil kale,ayaa Shalay ku burburtay Gobolka Tamiil Naadu ee koonfurta dalkaasi,sida ay sheegeen ciidamada cirka.
diyaaraddaasi oo sidday sagaal sarkaal iyo xaaska taliyaha difaaca ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 4-ruux,halka uu dhaawac ka soo gaaray 3-kale.
Diyaaraddaasi Herikobtarka ah ayaa ka soo ambabaxday saldhigga ciidamada cirka,iyadoo ku sii jeeday kulliyadda adeegga difaaca ciidan ka. Diyaaraddaasi oo nuuceedu ahaa Helicopter IAF Mi-17V5,waxa ay Shalay ku dhacday meel u dhow deegaanka Coonoor ee koonfurta Tamil Na du,sida ay ku warameen saraakiil u hadlay cii damada Cirka.
Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilkaasi.
Finland oo €7.65 milyan oo Yuuro ah ugu deeqday in lagu maalgaliyo waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed
Finland ayaa deeq lacageed oo dhan 7.65 milyan oo Yuuro ugu deeqday waxbarashada Sooma aliya, lacagtaas oo noqon doonta maalgalin weyn oo lagu sameeyo waxbarashada Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo muddo 30 sano ka hor ah.
Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saar een dowladda Soomaaliya, Finland iyo UNICEF, ayuu Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tac liinta Sare Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ku sheegay in ka qayb qaadashadan ay carruur bad an siin doonto fursado waxbarasho.
Xafiiska UNICEF ee Soomaaliya ayaa sheeg ay in barnaamijku dejinayo yoolal hiigsi leh oo lagu laba jibaarayo is-diiwaan gelinta dugsiyada hoose, hour marinta tayada waxbarashada iyo xoojinta awoodda wada-hawlgalayaasha dowladda si loo gaarsiiyo waxb arasho loo siman yahay dhammaan carruurta Soomaaliyeed.
"In ilmo kasta la siiyo fursad uu wax ku barto waa maalgashiga ugu wanaagsan ee qaran kasta uu sameyn karo, waxaana ku faraxsanah ay inaan qayb ka nahay dadaalkan Soomaaliya," ayay tiri hay'adda Qaramada Midoobay ee Uni cef.Safiirka Finland Pirkka Tapiola ayaa xusay in dalkiisu uu aad ugu faraxsan yahay in uu bilaabo iskaashigan ay la leeyihiin UNICEF si ay uga faa'iidaystaan carruurta Soomaaliyeed.
Abiy Axmed oo shaaciyay in la soo geba-ga beeyay Wajiga 1aad ee la dagaalanka TPLF
Abiy Axmed oo shaaciyay in la soo geba-gabeeyay Wajiga Koowaad ee dagaalanka TPLF
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaas oo ay kula jiraan xoogaga TPLF.
Warsaxaafadeeska ayaa ka kooban Afar qodob, isaga oo sheegay in la soo geba-gabeeyay Waj iga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah TP LF, waxaana qodobada ay kala yihiin
1:- in wajigii koowaad ee hawlgalkii uu ugu ma gacdaray (Ololihii midnimadda) soo gaba ga boobay.
2:- in uu dib ugu soo noqday xafiiska shaqad iina halkiisa kasii wadi doono.
3:-in ciidamadda nooc kastoo ay yihiin iyo bul sha duba muujiyeen hal adeeg iyo geesinimo loo ga hor tagay cadowga.
4:- iyo fariin dadban oo uu u diray reer galbe edka oo ahayd inaysan ku soo dag dagin Itoob iya oga adaana waxa ay yihiin.
Mareykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay madaxa sirdoonka Uganda
Mareykanka ayaa Talaadadii cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogay madaxa sirdoonka ciid amada Uganda Sareeye Gaas Abel Kandiho, ka as oo lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xu quuqul aadanka, kuwaas oo ay geysteen cii dankiisu, uuna oga jiritaanka xabgudubyadan. Milatariga Uganda ayaa sheeg ay in ay aad uga xun yihiin go' aankaas, ayna ka dalbanayaan in ay caddeeyaan xukuumadda Wa shington, oo sannadihii u dambee yay ay Kampala la aheyd xulufo dhinaca amniga ee la dagaallanka xagjiriinta Bariga Africa.
Waaxda Maaliyadda ayaa ku dhawaaqay cun aqabateyntan, iyada oo ay barbar socoto till aabooyinka kale oo ka dhanka ah saraakiisha Iran iyo Suuriya oo ay sheegtay inay iyaguna ku lug leeyihiin caburinta iyo wiiqidda dimuqraadiy adda dalalkaas.
Waaxda Maaliyadda ayaa soo rogaysa cuna qabatayn is daba joog ah todobaadkan kahor bil owga shirwaynaha Maraykanka ee Dimuqraadi yadda ee Madaxweyne Joe Biden, kaas oo lagu beegsanayo dadka ay u aragto inay ku hawlan yihiin musuqmaasuqa, xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo kuwa wiiqaya dimuqraadiyadda.
"Saraakiisha sirdoonka millatariga waxay xireen, oo ay jir dil u geysteen dadka reer Ugandan "sab abo la xiriira jinsiyadooda, aragtidooda siyaasade ed, ama dhaleecayn ay u jeediyeen dowladda Uganda, xaaladaha qaarna, Kandiho shaqsi ahaan ayuu ugu lug lahaa, isaga oo hoggaamin ayay su'aalo la weeydiinayay shaqsiyaadka la xi ray," ayaa lagu yiri bayaanka.
Cunaqabateyntan Mareykanka ayaa xayiray sa hantida Genral Kandiho, waxayna guud aha an ka mamnuucday dadka Maraykanka ah inay la macaamilaan.
Bayaan ka soo baxay militariga Uganda ayaa lagu sheega inay ka xunyihiin tallabada marey kanka.
"Waan ka xunnahay in go'aankan oo kale uu qaato dal aan u aragno saaxiib iyo isbaheysi weyn, iyadoo aan loo marin habraac caddaalade ed" ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada Uganda.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO KHAMIIS 9-KA DEC. 2021-KA AH
...