HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO TALAADO 7-DA DEC. 2021-KA

0
Tuesday December 07, 2021 - 09:54:49 in Wararka by
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO TALAADO 7-DA DEC. 2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
RW Rooble Oo Codsi U Diray Madaxda Warbaahinta Madaxa Bannaan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa kulan la yeeshay madaxda Hay’ada ha Warbaahinta Madaxa Bannaan.
Kulanka uu RW Rooble la yeeshay Mada xda Warbaahinta ayaa ahaa mid diiradda lagu saran arrimaha ka taagan dalka ee ay ugu hor reeyaan Abaaraha, waxaana uu ammaanay kaalintoda wacyigelinta bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha XFSMd. Rooble ayaa sidooo kale ka codsaday Madaxda Warbaa hinta inay door weyn ka qaataan sidii indhaha shacabka iyo caalamka loogu soo jeedin lahaa gurmadka dadka ay saameeyeen abaaraha dalka ka jira.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta saxaafadda uga warbixiyay hal ka ay marayaan howlaha doorashooyinka dal ka ee uu hormuudka u yahay, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idl aato si nabad ah sida ugu dhaqsiyaha.
Cumar Filish oo kormeer ku tagay Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay korm eeray xarunta waaxda Caafimaadka ee dowl ada hoose Xamar si uu ugu kuurgalo ho wlaha baaxada leh oo ay waaxdani u heyso bulsh adaCaasimadda.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa mid mid u booqday xafiisyada Waaxda xarunta Caafim aadka,isagoo wareysiya kala duwan la yee shay howl wadeenada xaruntani si uu uga dha geesto shaqada ay bulshada u hayaan iyo tay ada adeegyada ay bixiyaan.
Ra'iisul Wasaare Rooble oo furay Shirka Wadatashiga ee Taabbagelinta Geeddi-so cdka Dowladnimada Xilliga Kala-guurla
R/Wasaaraha X/F/Soomaaliya Md. Maxam ed Xuseen Rooble ayaa Shalay furay shirka Wadatashiga taabbagelinta geeddi-socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka oo uu la yeeshay bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa soco dsiinta hawlaha dowladda iyo iswaydaarsiga talooyin ku aaddan dardargelinta iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashada dalka.
Ugu horrayn, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka warbixiyey halka ay marayso doorashada baarlamanka Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in laga guuleystay dhamaystirka aqalka sare ee baarlamanka, isla markaana la bilaabay doorashada aqalka hoose. Md.Rooble ayaa xusay in ay jiraan caq abado iyo dhaliilo ka soo baxay doorashada aqalka hoose, laakiin ay arrintaasi dib u saxa yaan guddiyada doorashada dalka.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dow ladnimadu tahay meerto iyo qori isu dhiib, isa goo tilmaamay in xukuumadda Federaalka So omaaliya ay ka go'an tahay hirgelinta doorash ooyin daahfuran iyo socodsiinta hawlaha dowl adda iyo adeeg-bixinta.
Ra'iisul Wasaare ayaa bogaadiyey kaalin ta bulshada rayidka iyo aqoonyahanka Sooma aliyeed kaga jiraan dhismaha dowladni mada Soomaaliya iyo taabbagelinta nida am dowladeed oo u adeegaya dan aha ummadda Soomaaliyeed oo dhan.---DHAMMAAD----


Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo shaaciyay inaan la joojin doonin Doorasha da Golaha Shacabka
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay ineysan marnaba suurtagal aheyn iney joojiyaan doorashada Golaha Shacabka, balse kursi kasta oo aanan la ma rin habraaciisa rasmiga ah dib loo gu noqonayo doorashadiisa.
Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale sheegay iney ka go'an tahay saxitaanka qaladaad kasta oo ka dhaca doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.
"Waxa hada socda waa doorasho noocee du yahay mid dadban oo ay ku heshiyeen mad asha Golaha Wadatashiga Qaran, suurtagalna maaha in la hakiyo doorashada, iyada oo soc ota ayaana la sixi kara waxii qaladaad ah wa ana waajib in marwalba la saxo waxii cabasho ah" ayuu yiri guddoomiye Cirro.
Hadalka guddoomiyaha guddiga doorasho oyinka heer Fedaraal ayaa imaanaya xili cab as hooyin badan ay kasoo baxeen doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee dhawaan lagu kala doortay magaalooyinka Ba ydhabo iyo Dhuusamareeb.
Hadalkaan kasoo baxay guddiga doorasho oyinka heer Fedaraal ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xili dhawaan Midowga Musharaxiin ta madaxweynaha Soomaaliya dalbadeen in la joojiyo doorashada kuraasta Golaha Shacabka oo ay sheegeen ineysan aheyn mid ku socota sidii loo baahnaa.
NORWAY oo hal shardi ku xirtay taageer ad eeda doorashada Soomaaliya
Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda dowladda Norway ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa wa xaa loo ga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka 2021-ka ee haatan ka socda dalka.
Norway ayaa ballan qaaday inay taagee rey so Soomaaliya, balse waxa ay ku xirtay tagee radeeda in doorashadu noqoto mid xalaal ah, kals ooni leh, kuna dhacda na bad. "Norway waxay taageer eysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan ka ro oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya,” ay aa lagu yiri bayaanka.
Qoraalkan oo lasoo dhigay barta ay safaa radda ee Twitter-ka ayaa waxa lagu sheegay in la joogo waqtigii laga gudbi lahaa doorash ada si loo wado geediga socda ee horumarka dalka.
"Waxaa la joogaa waqtigii laga gudbi lahaa doorashada oo dib loogu laaban lahaa dhab baha dib u habeynta iyo horumarka mustaqbal ka fog” ayaa markale lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale Norwayayaa sii raacisay "Hadii la helo hogaan wanaagsan, waxaan ku qanac sanahay in Soomaaliya ay horumar ka gaari karto heerka xiga,”.
Dowladda Norway ayaa ka mid ah dowl adaha Yurub ee taageera Soomaaliya, waxay na qeyb ka aheyd baaqii ugu dambeeyey ee ay beesha caalamka kasoo saartay dorashada
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan dood culus oo ka dhalatay doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb.
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka la saxiixday Heshiisyo cusub
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta dowlada Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe iyo Danj iraha dalka Shiinaha u jooga Soomaaliya Fei Shengchoa ayaa kala saxiixday heshiis la xar iira dayactirka iyo qalabeynta xarumaha kala ah Tiyaatarka Qaranka, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Wararka Sonna.
Wasiir Dubbe iyo Danjire Shengchoa ayaa heshiiskan ku kala saxiixday Shalay ma gaalada Muqdisho, waxaa na wasiir Dubbe uu sheeg ay in heshiiskan uu bilaaw u yahay wada shaqeyn bal aaran oo dhexmari doonta dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha.
"Runtii heshiiskan waxa uu bilow fiican u ya hay dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, ma shaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo Pilot projects oo ah mashaariic yaryar oo tijaabo ah oo la xir iira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan SONNA” ayuu yiri wasiir Cismaan Dubbe.
Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed waxaa dhisay dowladda Shiinaha sanadkii 1965-kii, balse burburkii dalka ka dhacay kadib waxaa dowladda haatan jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo ay ku sameysay Tiyaatar ka Qaranka barnaamij isxilqaan ah, kaasoo dib u hagaajin loogu sameeyay Tiyaatarka san adkii 2019-kii.
Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha waxa horay uga dhaxeeyay xiriir soo jireen ah, wax aana xusid mudan in dowladda Shiinaha ay ho ray dalka Soomaaliya uga fulisay mashaariic waaweyn oo ay ka mid ahayeen Tuulada ciyaa raha ee Stadium Muqdisho, Isbitaalka Hooya da iyo Dhallaanka ee Banaadir iyo waddooyin ay ka mid yihiin tan isku xirta magaalooyinka
Baledweyne ilaa Burco.
 
Nabaddoon Cali Jeesto oo shaaciyey hal mid kaliya oo ay ku aamini karaan Rooble
Nabaddoon Cali Jeesto oo ah saxiixaha ras miga ah ee kursiga HOP#067 ee Yaasiin Fa rey loo boobay oo shir jaraa’id ku qabtay ma gaalada Muqdisho ayaa sheegay in aaminada Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku xiran tahay go ’aanka laga qaato kursigaas lagala cararay beeshii laheyd.
Nabaddoonka oo garabkiisa uu fadhiyo xildhibaanka beeshii sa ku metela baarlamaanka Ga lmudug ayaa sidoo kale sheeg ay in caddeymo wax ku ool ah u gudbiyeen Gu ddiga xalinta khilaafaadka, oo ayagu Dorraad shaaciyey muddo kordhin lagu sameeyay baar ista dacwada kursigaas.
"Umadda Soomaaliyeed iyo qowmiyadda kursiga HOP#067 lagu metelo waxaan rabaa inaan gaarsiiyo xaqiiqdada iyo meesha ay wax joogaan, sidaan horay u sheegnay ma jirin talo beeshu leedahay oo lagu doortay kursigaas, rag ayaa damcay inay xoolihii qaranka iyo ask artii qaranka ku boobaan, waxaana boobkaas watay sii hayaha xilka taliyaha hey’adda NISA Yaasiin Farey, sidaad ogtihiina beesha waa dii day boobkaas,” ayuu yiri Nabaddoon Cali Jeesto.
Nabadoonka oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri "Anigu waxaan ahay nabaddoonkii iyo saxii xihii lagu aaminay kursigaas, waxaana bulsha da ku hoggaamiyaa rabitaankooda, dacwad ay aan ka gudbinay boobka lagu sameeyey kurs iga, waana la hakiyey, waxaana gacanta ku ha ya guddiga xallinta khilaafaadka.”
Nabaddoon Cali Jeesto ayaa sheegay in isaga uu yahay nabaddoonka saxda ah ee be eshiisa, islamarkaana uu guddiga xalinta khila afaadka u gudbiyey caddeymo badan oo muuji naya in uusan jirin nabaddoon kale.
"Waxaan guddiga u gudbiyey aqoonsigeyga ay isiiyeen labadii maamul Goboleed ee soo martay Galmudug, waxaan kusii kabay cadde yntii Imaamka Mudulood uu ku caddeynayey inaan ahay odaygii beeshaan, Shalay wuxuu Xildhibaanka Galmudug nagu metela sii cadde ynayaa in aan ahay Nabaddoonkii isaga soo saxiixay, mana jiro Nabaddoon aan aniga ahe yn oo Galmudug ka diiwaan-gashan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.
Wuxuu intaas ku sii daray "Guddiga xallin ta khilaafaadka, maadaama aan intaas oo ca ddeyn ah u gudbiyey waxaa looga fadhiyaa in ay go’aan caddaalad ah ka qaataan kursigaan, haddii ay natiijada kursigaas ansixiyaan, iya doo intaas oo caddeyn ah la hor geeyey, Soo maaliyey waad dareemi kartaan waxa socda.”
Ugu dambeyntii Nabaddoon Cali Jeesto ayaa sheegay in aaminaada Ra’iisul Wasaare Max amed Xuseen Rooble ay ku xiran tahay go’aan ka laga qaato kursigaan loo boobay Yaasiin Farey ee beeshii laheyd ay cadeyneyso in lagala cararay.
"Waxaan rabaa inaan si gaar ah ula hadlo Ra’isul Wasaaraha xil-gaarsiinta ah, doorasha da adigaa laguugu aaminay, mas’uuliyadeeda adigaa haya, Soomaalida dhan adiga ayey ku fiirsaneysaa, kursigaas sida aad u maareyso ayey ku xiran tahay in lagu aamino iyo in lagaa aamin baxo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagab eeyey Nabadoonka beesha Waceysle.Hadalka Nabadoon Cali Jeesto ayaa kusoo aaday, xilli Shalay uu guddiga xalinta khilaafaadka doora shooyinka mudo todobaad ah ku darsaday xil iga baaritaanada iyo go’aan ka gaarista kurs aasta sumadooda ay kala tahay HOP#067 iyo HOP#103.
Labadaan kursi oo kala taalla Dhuusamar eeb iyo Baydhaba waxaa horay cabasho uga keenay qaar kamid ah musharixiintii ku tartami laheyd oo sheegay in doorashada laga hor-istaagay, guddiga doorashooyinka ayaana ho ray u sheegay in baaritaanada kadib ay natii jada rasmiga ah shaacin doonaan.
XIGASHO:CASIMADDA.NET

Senatar Muuse Suudi;”Rooble Waa La Xan taa Sidii Uu Dibada U Aaday Waa

 Fitney stey Aa La Dhahaa Ee Ha Is Dhaqo”

Senatar Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka ha dlay xaalada siyaasada dalka waxana uu sha ki ka muujiyay in R/ wasaare Maxamed Xuse en Rooble ay daacad ka tahay sida uu howl aha doorashada u wado.
Muuse Suudi oo wareysi siiyay Radio Kulm iye ayaa waxa uu ugu baaqay R/Wasaare Roo ble inuu iska dhaqo xanta suuqa taal ee ah in uu isbedel ku yimid markii uu dalka dibadiisa aaday.
"Lama hadlin R/wasaraha weligey,mana ar ag qof farriin iiga keentay haddii la iiga keena na wax u dhiibaayo ma jirto,ee shaqada loo ig maday inuu qabto ayaa laga rabaa,”ayuu yiri Muuse Suudi.
"Farriinta aan u farayo waxaa waaye waa la xantaa sida u dibadda u aaday waa fitneystey ayaa la yiraahdaa, ee ha is ka dhaqo doorasho sharaf leh oo dadkiisa iyo dalkiisa wax u taro halaga helo, Qur uxdiisa waa i Quseysaa Xummaantiis ana waa i Quseysaa. ”ayuu sii raaciyay Sen atar Muuse Suudi.
Dhinaca kale Beenini yey in beryahaan warba ahinta qaar ay sheeg ay een in uu geeriyooday, iyo inuu xanuusan yahay sidooo kal ena ay lah aayeen waxaa uu raacay villada , waxaana le eyahay wararkaasi waa been oo melena ma aadin villada oo haddaan wax yaala laheyna uma socdo horeyna uma aadi jirin, waxaana le eyahay waa caafimaad qabaa oo ma xanuun sani mana xanuunsan ,geeriada allaa haayo oo warka beenta ah waxaa la rabaa in tageer ayaasheyda niyadooda wax looga dhimo
Hadda waxaan u cadeynayaa inaan nabad qabo oo caafimaad qabo, meena aana u soc onin
Dhinaca kale waxaa uu sheegay Senetar Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow in dalkaan doora shada sida saxsan lagu dhameyeeyo oo wixii qaladan la Saxo si loo helo Beddelka Dowla ddii Xilligeedu dhacay taasoo ah mid u taalla R/Wasaare Rooble oo loo xilsaaray
Shirka 6aad Ee Horumarintaiyo Hal Abuur ka Ganacsiga Oo Lagu Qabtay M/Muq disho
Waxaa magaalada muqdisho lagu soo ga bagabeeyay shirka 6’aad ee Horumarinta iyo Hal abuurka ganacsiga oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen Jaamacadaha Simad iyo Ja mhuuriya. shirka waxaa kasoo qeybgalay, Xil dhibaano ka tirsan dowladda Federaalka ee Soomaaliya,masuuliyiin iyo aqoonyahano ka socday labada Jaamacadood, Madaxda qaar kamid ah bankiyada dalka, Dhaqaalyahano, Xubno ka tirsan Jaamacadaha dalka, khubaro iyo masuuliyiin kale.
Sanadkan waxaa shirka diirada lagu saar ay fursadaha iyo caqabadaha ganacsi ee xil iga COVID-19. Waxana mudadii uu kulanka so cday la soo jeediyay khudbado, cilmibaadhis yo iyo dood dhamaantood la xadhiidhay mowd uuca.
Rektorka Jaamacada Simad Ustaad Dahir Xasan Cabdi iyo Madxweynaha Jaamacada cil uumta sayniska iyoTiknoolojiyadda ee Jamhuu riya, Eng Maxamed Axmed Maxamed oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay martida iyo ka soo qeybgala yaasha kulanka
Maamulaha Bankiga Mybank Cabdirizaaq Maxamed Axmed oo ka mid ahaa masuuliyiin tii khudbadaha kazoo jeediyay Goobta ayaa sharaxay fursadaha iyo caqabadaha ganacsi ga yaryar ee xiliga COVID-19
Intii uu shirka socday waxaa sidoo kale la soo bandhigay ilaa 26 cilmibaarisyo oo laga sa meeyay mowduuca.
Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo ka tir san xildhibaanada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana goobjoog ka ahaa shirka ayaa ugudambayntii faahfaahiyay Muh iimada ay shirarka noocaan ah ugu fadhiyaan bulshada Soomaaliyeed.
Xubin katirsan guddiga doorashada heer fe deral oo ka hor yimid go'aankii lagu laal ay kuraas lagu doortay K/Galbeed
Yuusuf Maxamed Kheyre (Guurow) oo kat irsan xubnaha guddiga doorashada heer fede ral u qaabilsan K/Galbeed ayaa kasoo horjeestay go 'aan guddiga doorashada kasoo baxay oo lagu la alay natiijada doorashada la bo kursi oo lagu doortay magaalada Baydhabo. Mr.Guurow ay aa sheegay inuusan waxba kala soconin go' aanka gudiga door ashada ay gaareen, isagoo sheegay in aanay jirin wax muran ah oo ka taagnaa labada kursi ee lagu doortay magaalada Baydhabo.
Wuxuu ku tilmaamay go'aanka arrin lagu fududaaday oo meel ku dhac ah guddiga, wux uuna sheegay in ay go'aankaas qaateen xub no kamid ah guddiga.
Wuxuu sheegay labada kursi ee la doortay in ay go'aan ka gaareen qabiilada iska leh kur aastaas islamarkaasna wuxuu sheegay in ays an jirin cid kale wax ka bedeli karta natiijadii hore.
Hadalka kasoo yeeray Mr. Guurow wuxuu muujinayaa in guddiga doorashada heer fede ral iyo guddiga doorashada Koonfur galbeed uu ka dhex taagan yahay khilaaf xooggan oo saamayn ku yeelan kara habsi socodka door
ashada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Muqdisho Ku Qaabilay Ku-Xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Md. Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Shalay Muqdisho ku qaabilay Ku-Xige enka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. u qaabilsan Arrima ha Somaliya, ahna Isu-duw aha Arrimaha Bani’aadan ni mada ee Q/Midoobay, Md. Adam Abdelmoula, oo bo oqasho sharafeed ugu yimid.
Wasiirka iyo Ku-xigeenka Wakiilka Q/Mid oobey ayaa ka wada hadlay adkaynta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Q M iyo dadaallada lagu xoojinayo heerarka garga arka bani’aadannimo iyo horumarinta ee loogu adeegayo shacabka Soomaaliyeed.
Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Gaaray Qaahira

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya ee Masar ahna wakiilka Jo ogtadda ah ee Ururka Jaama cadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa garoonka Qaahira ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada DFS Md. C/qaadir Maxa med Nuur.
Wasiirka Cadaaladda DFS ayaa safar sha qo ku tagay Magaalada Qaahira ee Dalka Mas ar,Wasiirka ayaa ka qayb geli doonna shirka Wasiiradda Cadaaladda ee Jaamacadda Car abta. sidoo kale Wasiirka ayaa inta uu dalkaa si joogo kulamo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta waddankaas.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo la horkeenay Afar Askari

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad ayaa Shalay wa xaa u fadhiisatey dhageysiga dacwad lagu soo oogey Ciidamo ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.
4 Askari ayaa la gu kala Magacaabaa Dable Xo ogga Cali Aa dan Isxa aq ( Adan Ali Boon) Dable Cabdullahi Maxam ed Maxamuud, Dable Sheegow Macalin Yare Maxamed iyo Dable xoogga Maxamed Nur Adan Diiriye .
Askartan Eedeysaniyaasha Dhageysiga Dacwadooda u fadhiisatey Maxkamada ayaa lagu Eedeyey Amar Diido , Kasoo tagid Goob ta Shaqada , ku dhex Faafinta Ciidanka Dhexd ooda Qabyaalada iyo Anshax Xumo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad ayaa sheegay in eedeysanay aashaan dacwadooda dhawaan go’aan laga soo saari doono.aalamiga
Safiirka Soomaaliya ee Turkiga: XASAN SHEEKH wuxuu mudan yahay in taallo loo dhiso hal sabab

 darteed
Safiirka Soomaaliya u qaabi lsan waddanka Turkiga, Ambas sador Jaamac Caydiid oo la ha dlayey warb aahinta, kadib munaasabad ball aaran oo uu ka qeyb-galay ayaa soo hadal qa aday halgankii uu madaxweynihii hore ee Soom aaliya, Xasan Sheekh Maxamu ud u galay kiiska badda ee ay guusha weyn ka gaartay Soomaaliya.
Caydiid ayaa shaaca ka qaaday in Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ka mid ah xubnaha mucaaradka uu mudan yahay in loo dhiso Taalo ay ku qiimeyneyso Soomaali we yn, iyada oo loo fiirinayo dadaalka iyo xooga uu galiyey dacwaddii badda ee loo gudbiyey ICJ.
Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in madaxweynihii siddeedaad ee dalka uu me el fog kasoo celiyey badda, loona baahan yah ay in lagu amaano, sidoo kalena lagu qiim eeyo.
"Xasan Sheekh badda halganka uu u galay kaliya, haddii ay Soomaali ku qiimeyso Taalaa loo dhisi lahaa. Badda meesha uu ka soo celi yey dadka hoos u og illaa Qabrigiisa ayaa la zi yaaran lahaa,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Turkiga Ambassador Jaamac Caydiid.Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in qofka lagu amaano waxa uu xaqa u leeyah ay, iyada oo la eegayo waxqabadkiisa mudda da uu soo shaqeeyey.
"Xasan Sheekh Maxamuud hadda waa mu caarad dowladdeyda shaki ma leh, laakiin waa inaan waxa aan ku naqdinayaa ay yihiin wax run ah, waxaan ku amaanayaana ay yihiin wax uu xaq u leeyahay,” ayuu markale khudbadd iisa ku yiri Ambassador Jaamac Caydiid
Waxa kale oo uu yiri "Waxaa qofka lagu qii meynayaa mida kale marxaladdii uu soo shaq eeyey daruuf adag ayey ku soo shaqeeyeen raggaasi, waa in lagu qiimeeyaa,”.
Si kastaba, dowladdii Xasan Sheekh Maxa muud ayaa ku guuleysatay in dacwaddii badda ee Soomaaliya kala dhexeysay Kenya ay u gu dbiso maxkamadda cadaaladda ee ICJ, taas oo markii dambana inta badan biyaha ay mur anka gelisay Kenya u xukmisay Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday Sala ad roobddoon ah

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaal iya ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in la sameeyo salaad roobddoon ah iyo sidoo kale in la soomo muddo afar maalin ah.
Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soo maaliya Md.Cum ar Cali Rooble iyo Culimaa u ddi inka Soomaa liyeed oo shacabka la hadla ayay ayaa ku baaqay in la is cafiyo iya goo Illa ah ka baryaya inuu sha cabka ka dulqaado aba arta.
Sidoo kale waxaa uu icslaamiyay Wasiirka in Maalinta Jimcaha gelinka hore saacaddu marka ay tahay 9:00 Subaxnnimo in la dukado Salaad roobddoon ah goobaha ay u steeyeen maamullada ka jira degmooyinka iyo Gobolla da dalka.
Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli meelo badan oo ka mid ah dalka ay xilli ga an ka jiraan abaaro baahsan.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli gurmad kii loo baahnaa gaarsiin degaannada iyo deg mooyinka ay ka jiraan abaaraha, halka hay’a d aha gargaarka ay ka gaabiyeen u gurmasha da dadkaasi.
M/weyne Deni oo daah-furay hay’adda Maar eynta Macluumaadka kheyraadka biyaha iyo dhulka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Punt land Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay howlgelinta Hay’adda Maareynta macluumaad ka Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland. Xaruntan ayaa ka shaqeyn
doonta ururinta xogaha ku saabsan Biyaha sida roobabka, daadadka, saadaalinta cimil ada, soo jeedimaha la xiriira maareynta masii booyinka dabiiciga ah sida duufaanta, Abaar aha iyo daadadka.
Waa xaruntii ugu horey say oo nooceeda laga hirgel iyo Soomaaliya, waxaana hadda laga soo wareejiyay Dalka Kenya halka asi oo xarun u ahayd.
Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiy ay shaqada wanaagsan ee la qabtay, Wuxuu na sheegay in sidoo kale xarunta ay ka faa’ii deysan doonaan dhammaan maamulada iyo dadka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay in Soo maaliya ay soo kabanayso ayna muhimtahay inay lasoo wareegto xarumaha noocan oo kale ah ee banaanka uga maqnaa.
Hay’adda Maareynta macluumaadka Khe yraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland, ee Shalay shaqo bilowday waxaa ui Mudane De ni dhaggax dhigay Bishii 3-aad ee sanadkii 2019.
Guddiga doorashada oo soo saaray qoon dada haweenka ee beelaha Somaliland iyo Mahdi Guuleed oo diidan
Guddiga maamulka doorashada xildhiba anada labada Aqal ee Somaliland (SEIT) ayaa asteeyey qoondada Haweenka ee kuraasta Golaha Shacabka ee beelaha kasoo jeeda go bollada Waqooyi (Somaliland).
Warqada Ka soo baxday Guddiga doorasho oyinka Somaliland oo uu ku saxiixnaa Madaxa Qoondada Haweenka, Maxamed Shaafici ay aa waxa lagu soo saaray 13 kursi oo si gaar ah loogu xiray Haweenka.
"Si waafaqsan heshiisyadii 17-ka Sep 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021 ee do orashada, Guddiga hirgalinta doorashooyinka kuraasta gobolada Waqooyi (Somaliland) ee SEIT waxaa ay soo gudbinayaa shaxda kuraas ta haweenka la ga doonayo beelaha iyo jufooyi na,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sida ay sheegtay inay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare ku-xige enka dal ka,Mahdi Guuleed ayaa wada qorshe meesha looga saarayo matalaada dhabta ah ee dumarka ee beeshiisa, si dhamaan kuraas ta Ciida-gale u noqdaan kuwo ka yimaada un rag.
Mahdi Guuleed oo inta badan awoodda be eshiisa gacanta ku haya ayaa aaminsan in Kur siga gabar uu yeelan doono seygeeda ama ni nka guursan doono, taasi oo ka dhigan in hadii gabar xildhibaan laga dhigo Ninka guursada uu leeyahay kursigaas, taasi oo meesha ka sa areysa mataalada uu soo saaray Guddiga doo rashooyinka Somaliland.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo asa gu ah madaxda u sareysay ee gobolada Waqo oyi ayaa galaan-galweyn ku leh doorashada kuraasta Somaliland.
Hoos ka aqriso shaxda reeraha iyo qoondada haweenka:
 

Carwada Bandhigga Buugaagta Muqdisho Oo Lasoo Gaba-Gabeeyay

Waxaa Seddexdii Bishaan December Mu qdisho lagu soo gababayeeyay Carwada ban dhigga buugaagta ee Muqdisho Book Fair, oo sanadkii lixaad la qabtay. Bandhigga Carwada Buu gaagta ayaa socotay 3 Ma almood oo xiriir ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in tir ada Dadka sanadkaan ka qayb galay la ko b ay, marka loo eego tirada Qoraayaashii san adihii hore ka qayb qaatay carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdosho Buug fair.
Asaasaaha iyo Agaasimaha Mogadisho Bo ok Fair Mohamed Diini ayaa 1-dii Bishan daah furay Bandhigga, waxaana uu sheegay in ay farxad gaar ah u tahay qabashada Munaas abadda."Waa aan ku faraxsannahay in aan sa nadkii lixaad qabanno bandhigga buugaagta Muqdisho oo aan ka wada shaqayno horumar ka, akhiska, qoraalka iyo aqoon is waydaars iga.”Waxa aan Alle innooga baryayaa in uu dal keenna iyo dadkeennaba noo badbaadi yo.
Waa ay noo furan tahay carwada, soo dhaw aada” ayuu yiri Asaasaaha iyo agaasimaha Mogadisho Book Fair Mohamed Diini mar uu kowdii Bishan daah furayay Mogadisho Book Fair 2021.
Muddadii Seddexda Maalin ahayd ee ay so cotay Munaasabaddu ayaa waxaa kasoo qayb galay dad kala duwan oo isugu jira, aqoon ya hanno, Qoraayaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay aa ka qayb galay Carwada bandhigga buuga agta ee Muqdisho Book Fair, waxaana ka mid ahaa Wasiirada Warfaafinta iyo Waxbaarsha da ee Xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale intii Munaasabaddu Socotay ay aa waxaa qayb ka ahaa dood Cilmiyeedyo ka la duwan oo ay ka qayb galeen xubno lagu Casuumay oo isagu jiray, Qoraayaal, Aqoon yahanno iyo Abwaaniin, kuwaasi doodahoodu la xariireen waaqiciga taagan iyo sidii bulsha da Soomaaliyeed ugu baraarugi lahayd.
Qaybo kamid ah ganacsatada roodhida (ro otiga) oo xabsiga la dhigay
Booliiska Somaliland, ayaa xabsiga u taxa abay qaar kamid ah ganacsatada roodhida (ro otiga), oo muuqaal ay isku dhaarsanayaan in ay roodhida qaaliyeeyaan uu baraha bulshada ku baahay.
Ganacsatada la xidh xidhay, ayaa baraha bul shada soo galiyay muu qaal ay isku dhaarsanay aan, in ay kordhiyaan qiimaha lagu iibiyo ro odhida magaalada Hargaysa, taasi oo bulsha da aad uga cadhaysiisay. Wa xaana baraha bul shada ku baahay fariimo ay da dku ku shee gayaan, in ay joojinayaan iibsiga roodhida.
Wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Muuse Ibraahin Salaf oo waraysi gaar ah sii yay BBC Somali, ayaa sheegay in dad meel ku shiray anay goyn karin qiimaha maciishada, isla markaana suuqa ganacsiga Somaliland uu xoryahay.
"Wllo Habeen hore uun baanu aragnay koox meel ku shirtay oo is dhaarsatay, waxan kuu sheeg ayaa in suuqa Somaliland xoryahay, qiimaha maciishadana ma goyn karaan koox gaar ah oo meel isku urursatay" ayuu yidhi Sal af. Salaf ayaa intaa raaciyay in la xidh xidhay qaar kamida ganacsatadii is dhaarsatay, isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Badhasaab ku-xigeenka gobolka Maroodi-Jeex Khadar Baaruud ayaa isna bogiisa ku qoray" shacabka kooxo is dhaarsatay uma he shiin karaan dastuurkeena oo jideeyey suuqa xorta ah shirkaduhuna ku tartamayaan tayada iyo sicirka."
Dhinaca kale, xildhibaannada golaha wakii lada Somaliland, ayaa aad uga muda haraad ay heshiiska ganacsatada, iyagoo xukuumada ugu baaqay in ay talaabo ka qaado.
Dadwaynaha Somaliland ayaa wajahaya si xir barar ku habsaday qaybaha kala duwan ee maciishada, iyadoo samaynta Covid-19 ay qayb ka tahay sida marar kala duwan ay shee gaan ganacsatada iyo xukuumadu.
Mareykanka oo farriin culus u diray DF iyo Ahlu-Sunna

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay ka dooneyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu-Sunna inay wada-hadal bill aabaan, islamarkaana ka fogaadaan wax uga dari kara xaaladda banii’aadnimo ee halista ah ama weecin kara waxyaabaha hortableynta leh sida doorashada.
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo caawi naya kuwa Galmudug ayaa kuwa Ahlu-Sunna kula dagaalamay magaala da Guriceel horaantii bishii November, dagaalkaas oo istaagay markii wadaadada ay ka baxeen magaalada.
Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee So omaaliya Colleen Crenwelge oo wareysi gaar ah siisay idaacadda Goobjoog ayaa sheegtay in ay waajib tahay in labada dhinac wada had laan.
Colleen Crenwelge oo arrinkan ka hadash ay ayaa waxaa ay tiri "Marka laga hadlayo qal alaasihii Guriceel, waxaan sii wadi doonnaa inaan ugu baaqno dowladda Soomaaliya iyo Ahlu sunna iney wada hadal bilaabaan, si nabad ahna loo xaliyo khilaafka, oo wadahadal dheeraad ah waa laga maarmaan.”
"Ma dooneyno wax uga sii dara xaaladda khatarta ah ee markii hore halista ah, isla mark aana weeciya waxyaabaha hortabinta leh sida sii wadidda doorashada.”
Dowladda Mareykanka ayaa aad uga caro otay in dowladda Soomaaliya ay dagaalkaas u adeegsatay ciidanka Danab ee Mareykanka uu tababaro, oo ah ciidan loogu talo-galay inay la dagaalamaan Al-Shabaab.Colleen Crenwel ge ayaa sheegtay in aan Danab laga yeeli do onin iney taageerada Mareykanka u sticmaal aan falal ka dhan ah siyaasadda Mareykanka.
"Dib u eegista la xiriirta taageerada aan sii nno Danab waa mid socota, waxaan tababar iyo taageero kale siinnaa Danab si loo xaqiijiyo ujeedkeena aan wada wadaagno ee ah in la jabiyo Al-Shabaab,” ayey tiri Colleen Crenwe lge. Waxay sii raacisay "waxaa xaqiijin doon naa in taageerada aan bixinno loo isticmaalo meeshii loogu talo-galay, oo islamarkaana la jaanqaadi karta siyaasadda Mareykanka.”
TPLF Oo Hanjabaad U Dirtay Dowladda Federaalka Itoobiya Hogaamiyaha fallaagada
TPLF Debresion Gabre Mikael, ayaa sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wa dahadalka nabadeed. Telefishiinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael.
Hoggaamiyaha wuxuu sheeg ay ciidamada fallagada iney cii damada cadowga uu ku tilma a may ay iska caabbin doonan ay na guulo wax ku ool ah ka soo hooyn doona an.
D/Itoobiya ayaa dhanka kale sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan TPLF, OLA iyo BPLF oo damcay iney xadka sudaan ka tallaabaan ay ciidamadooda qalabka sida ka hortageen.
Taliyaha booliska deegaanka Benishaangul ay aa sidoo kale sheegay in ciidamada jabhada ha ay si wada jir ah uga hortagaan ciidamada federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka Benishangul.
Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka bill aawday 13 bilood ka hor ayaan weli u muuqan mid xal waara laga gaaray. 2dii bilood ee ugu dambeeyey fallaagada TPLF guulo tira badan ayey dagalka ka soo hoyayeen iyaga oo dhul badanna qabsaday.
Balse 2di 7baad ee u dambeeyey ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay Abiy Axmed ayaa la wareegay deegaanno badan.

Madaxwayne Mustafe cagjar " Kooxda TP LF ma Miyirsanayso ilaa Tamartu u Run sheegto"
Madaxwaynaha dowlad degaanka Sooma alida Mustafe cagjar, ayaa khudbad dheerayd oo Dorraad uu ka jeediyay xafladdii loo qabtay ciidankii liyuuga ahaa ee qalinjabinayay, waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladda dalka Ito obiya ku jiro, iyo dagaallada ka socda dalka ee dowladdu kula jirto kooxda TPLF.
Haddaba Madaxwayne Mu stafe ayaa khudbadiisaa waxa uu kusoo qaatay kooxda TPLF, iyo xaalkeedu siduu hadda ya hay, Mad axwaynuhu wuxuu sheegay in koox da TPLF laga adkaaday, isla markaana aysan lahayn wax awood ah, wuxuuna yiri"Kooxda TPLF waalaga adkaaday, koox du waxay ah ayd koox ku iimaan beeshay hantidii shacab ka, mana miyirsanay so ilaa tabartu u run she egto, sababtoo ah iya doo yar ayay damacday inay guumaysato dal alka dariska, markaa way adkaanaysaa in la yiraahdo degaankiinu ha idin deeqo".
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay Inay jiraan kuwo Soomaali ah oo taageersan kooxda TPLF, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Kuwo Soomaali ah oo taageersan TP LF way jiraan, waxayna isugu jiraan kuwo mar kii Dorraad dadka la dhibaataynayay hoggaan ka u hayay, ee ka faa'iiday dhiigga dadka, oo inta badan degaanka iyo dibadda jooga way jiraan, oo kolba magac lasoo baxaya, waxa kaloo jira kuwo kuwaasi ay jahawareerinaya an, oo mara rka qaar qaabab kala duwan u ist icmaalayaan, una tusayaan inuu soo noqon ayo nidaamkii TPLF".
Hadallada Madaxwayne Mustafe cagjar ay aa kusoo hagaagaya xilli maalmihii u dambeey ay ay dowladdu ku gacan saraysay dagaallada u dgaxeeyay dowladda iyo TPLF, isla markaa na TPLF ay sheeganaysay inay dib usoo roga al celin doonto, siina wadi doonto dagaalka ay
kula jirto dowladda.

Madaxweynaha Uganda oo sheegay weerar ada dhawaan ka dhacay dalkiisa in lagasoo abaabulay
 Soomaaliya iyo Kenya
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Mu seveni ayaa sheegay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhac ay Kampala , ee ay ka dam beysay kooxda Daacish, in lagasoo abaabulay Soom aaliya iyo Kenya.
Museveni ayaa sheegay in Uganda ay hayso cadaymo muujinaya in ismiidaamintii IS IS uu ahaa weerar ay iskusoo dubarideen ko oxo ku sugan Somalia iyo Kenya.
"Qaraxyadii Kampala ka dhacay dhawaan, waxaan haynaa xoogaa calaamado ah oo ah inay isku dubarideen kooxaha ku sugan Kenya iyo Soomaaliya," ayuu Museveni ku yiri war eysi uu siiyay Reuters.
Qaraxyada ka dhacay bartamaha caasim adda Uganda oo ay ku dhinteen illaa saddex, ayaa keentay in Museveni uu 1,700 askari u diro dalka ay jaarka yihiin ee Jamhuuriyadda dimuqraadiga Koongo.
Uganda iyo Congo ayaa dhawaan si wa dajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsa day malayshiyaad taabacsan Daacish sida ay xaqiijiyeen labada dal.

Ilhaan Cumar oo shaacisay tallaabo adag oo laga qaadi doono gabadhii weerartay
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in afhayeenka Aqalka Nancy Pelosi ay tallaabo ka qaadi doonto Lauren Boebert kadib hadalladii Islaam naceybka ahaa ee ay ku weerartay.
Lauren Boebert ayaa Ilhaan Cumar ku qeex day inay xubin ka tahay "kooxda jihaadka,” waxayna intaas ku dartay inay ammaan tahay in lala raaco wiishka xarunta Congress-ka kaliya haddii aan ay wadan boorsada dhabarka lagu qaato.
Boebert ayaa kadib ka cudur-daaratay hadalladaas, hase yeeshee wada-ha dal ay taleefonka ku yeesheen ayada iyo Ilh aan ayaa caro ku dhammaaday kadib markii ay diiday inay fagaare ka cudur-daarato, isla markaana dib is-qabato.
Dimoqraadiga ayaa kadib ku baaqay in Aq alka Wakiilada uu ka xayuubiyo Boebert xubin nimadeeda guddiyada qaar.
"Waxaan wada-hadal la yeeshay afhayeen ka, waxaana aad ugu kalsoonahay inay 7ba adka soo socda qaadi doonto tallaabo adag,” ayey Ilhaan Cumar u sheegtay barnaamijka "State of The Union” ee taleefishinka CNN.
"Markii ugu horreysay ee aan imid Congress-ka, waxaan ka walaacsanaa inaan la i dhaarin doonin sababo la xiriira mamnuuca saarnaa xijaabka. Waxay ii ballan-qaaday inay wax ka qaban doonto wayna kasoo baxday ballan-qaa dkeeda. Hadda waxay ii sameysay ballan-qa ad kale oo ah inay arrintan wax ka qaban doo nto, waana aaminsanahay.”
Weli ma jiraan wax jawaab ah oo ay Pelosi iyo Boebert ka bixiyeen hadalka Ilhaan Cumar.
Ho gaamiyaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiila da Kevin McCarthy ayaa difaacay Boebert toddobaadkii tegay, isaga oo sheegay inay si shaacsan iyo si gaar ah ugu cudur-daaratay Ilhaan. Ilhaan ma aysan sheegin tallaabada ay qaadi doonto Pelosi.
Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka
Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta mid igta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
Waxay naceybkan inta badan ku muteysta an inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin.

Adama Barrow Oo Ku Guuleystay Doora shadii Ka Dhacday Dalka Gambiya
Guddiga doorashooyinka dalka Gambiya ayaa sheegay in Adama Barrow ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacaday Sabtidi.
Guddiga ayaa sheegay in Barrow helay 53% codadkii la dhiibtay halka uu he lay hoga amiyaha mucaaradka Osino Darboe 27%.
Taageerayaasha Adama Barrow ayaa isagu soo baxay waddo oyinka waaweyn ee dalkaas si ay ugu dabaal degaan guusha ay ka gaareen doorashooyinkii dhacay.
Mucaardka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheehay inay diidanyihiin natiijada la shaaci yay, waxeyna ku eedeyn dowladda wax isaba marin iyo masuq maasuq .
Doorashadaan ayaa tijaabo u ah hanna anka dimuquraadiyada dalka Gabiya oo kasoo kabanayaa xukunkii kalitalisnimada ee Yahye Jaamac oo dalkaas xukumaayay in ka badan 20 sano.
Guddiga Ammaanka Ee Deegaanka Soom alida Oo Amaro Culus Soo Saaray
Guddiga amaanka ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa go’aan ka gaadhay dhi baatooyin ay muddo badan shacabka deega ankaasi ka cabanayeen oo la xidhiidha ciid anka laanta cashuuraadka federaalka.
Guddiga ammaanka heer deegaan oo ku lan ka yeeshay arrintan ayaa go’aan ku gaaray iney ciidamada federaalku aysan gudaha mag aalooyinka ka ugaardhsan karin alaabada kon tarbaanka, wixi hadda ka dam beeyana ay si isku dhaf ah u hawl galayaan Booliska gaarka ee degaanka iyo Booliska guud ee Federaalka.
Ku xigeenka Hoggaanka Nabadgalyada ee Deegaanka Soomaalida Maxamed Cali Gur eey, ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ay ku he shiiyeen Guddigu,isagoo tilmaamay in go’aan ka gaareen arrimo la xariira Komtrobaanka.

Dagaal Aad U Qaraar Oo Mar Kale Dib Uga Qarxay Itoobiya
Dagaallo culus ayaa ilaa Shalay ka socda Magaalooyin waa weyn oo ka tirsan Dalka Ito obiya, waxaana dagaalka ugu xooggani uu hadda ka socdaa Bati iyo Nawaaxiga Kamise.
Dagaalka Shalay qarxay ayaa u dhexeeya Ciidan ka Dowladda iyo Xoog aga is bahaysiga OLA iyo Tigray oo dhinac ah, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro xooggan oo labada dhinac ah, sida ay ku warramayaan wararkii ugu dam beeyay ee aynu ka helayno degaanadaasi. Ciidanka Dowladda ayaa ku hanjabay in degaanno dhowr ah ay qabsan doonaan, si doo kalena waxaa socda gurmad ay labada dhinac dalbanayaan iyo is abaabul xooggan oo dhinac kaste oo wado, iyadoo walid agaal ku socdo.

Ujeedada safarka ERDOGAN ee QATAR oo la ogaaday
Sida ay xaqiijisay xukuumadda Ankara, madaxweyaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa safar laba cisho ah ku tagaya magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar si uu ula kulmo amiirka dalkaas Sheekh Tam iim Bin Hamad Al Thani.
Wafdi hordhac u ah safarka Erdogan ayaa gaaray magaalada Doha, waxaana halkaas ka socota qaban qaabada soo dhaweyntiisa.
Ujeedada safarka Erdogan ayaa la sheegay inay tahay ka qaybgalka shirka 7-aad ee guddiga istiraatiijiyadda sare ee Qatar iyo Turkiga oo soo bilawday sanadkii 2015-kii markaas oo labada dowladood ay kala saxiixdeen mashaariic waaweyn.
Heshiiska ay Doha iyo Ankara kala saxiixdeen ayaa waxay taabanayeen qeybaha kala ah Ganacsiga, Maalgashiga, Gargaarka, Cayaaraha, Hormarinta, Caafimaadka & Arrimaha Diinta sida lagu daabacay Bogga Taleefishinka Aljazeera ee Qatar laga leeyahay.
Sidoo kale, Erdogan ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago saldhigga Militari oo uu keli ya Turkiga ku leeyahay Khaliijka Carabta, ka asi oo ku yaalo dalka Qatar, halkaas oo ay ku sugan yihiin boqolaal ka tirsan ciidamada Turk iga. Kulanka labada madaxwene kadib ayaa waxaa la filayaa in dalka Qatar laga soo qaado boqolaal ka tirsan ciidamada dalkaas oo tab abar lagu siin doono gudaha Turkiga, waxayna ciidamadaas tababar ku qaadan doonaan 36 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay lee dahay Qatar.
Qatar waxa ay martigelineysaa madaxda Sacuudiga & Turkiga oo xiriirkoodu xumaaday ka dib markii Wariye Jamal Khashoggi lagu dil ay Istanbul 2dii October 2018, Xukuumadda Erdogan ayaa si toos ah ugu eedeysay Dhax al-suge Maxamed Bin Salmaan in uu ka damb eeyay falkaas.
Hogaamiyihii Hore Ee Myanmar Oo Lagu Xukumay Afar Sano Oo Xarig Ah
Hogaamiyihii hore ee Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, waana markii ugu horeysay ee xukun noo can oo kale ah lagu rido.
Waxaa lagu helay dambi ah eedeymo kicin mucaarad iyo jebinta xeerarka Covid-19 ee ho os yimaada sharciga masiibooyinka dabiiciga ah.
Ms Suu Kyi ayaa wajaheysa 11 dacwadood oo ka dhan ah, ku waas oo dhamaantood ay diiday.
Waxay ku jirtay xabsi guri tan iyo bishii Febraayo markaas oo millateriga ay afg ambi ku sameeyeen, oo ay ku afgambiyeen da wladdii rayidka ahayd ee ay doorteen, isla mar kaana ay xidh-xidheen hoggaamiyeyaal bad an. Ma cadda goorta ama xilliga rasmiga ah ee Ms Suu Kyi xa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip