HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO SABTI 4-TA DICEMBAR 2021-KA
...
Farmaajo Oo Dalka Dib Ugu Soo laabtay
Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaad ay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu maga alada Dooxa kaga qayb galay Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Car abta
Farmaajo ayaa intii uu ku sug naa M/Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka D/Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qa dar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.
Rooble oo ka hadlay dhallinyarada lagu dilay Magaalada Muqdisho
R/Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuse en Rooble ayaa ka hadlay dhallinyaradii Habeen hore iyo Xalay lagu kala dilay Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Dowladda ayaa Habeen hore wiil iyo gabar wada dhashay ku dilay Isgoyska Dabka, halka caaw ana ay nin kaloo dhallinyaro ahaa ku dileen agaga arka Isgoyska Zoobe.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa bogaadiyay ciidamada amniga, oo sida uu sheegay gacanta ku soo dhigay eedeysaneyaasha, isagoona faray in si degdeg ah sharciga loo horkeeno.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa yiri "Waxaan xan uunka iyo murugada la qaybsanayaa, una tacsiyey nayaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen Allaha naxa riistee dhallinyaradii Habeen hore iyo Shalay lagu dilay Mu qdisho ee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda Ma xamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxa muud.
Waa tallaabo wanaagsan in ciidamada ammaan ku soo qabteen eedeysaneyaashii. Waxaan farayaa in si degdeg ah sharciga loo hor geeyo, si dhiban eyaashii iyo eheladoodu caddaalad u helaan.”
Rooble ayaa warkan ku sheegay qoraal uu dad weynaha kula wadaagay bartiisa xiriirka bulshada ee Facebook.
Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Ciyaarya hanka Soomaaliyeed Xasan Cafiif
Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed C/hi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Xas an Cafiif oo ka mid ah xiddigihii Xulka Qaranka Soo maaliya iyo Koox da Kubbadda Cagta ee Horseed.
Madaxweynaha ayaa xus ay sooyaalka iyo waayihii quru xda badnaa ee Xasan Cafiif uu ku lahaa Xulka Qarankeenn
iyo Kooxda kubbadda Cagta ee Horseed oo Mada xweyne Farmaajo uu ka mid ahaa taageereyaashee da, waxa uuna ku aammaanay doorkii uu ka soo qa atay horumarinta iyo shacbiyadda kubadda cagta ee dalkeenna.
Dhankiisa, ciyaaryahan Xasan Cafiif ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Qaranka kulankan iyo qaabbilaadda wanaagsan ee uu ugu sameeyey hoyga uu kaga sugan yahay M/Dooxa oo uu safar shaqo ku joogo.
Ehelada Sakariye Iyo Sowdo Kalafoge Oo Dowl adda Ka Dalbaday Inay Helaan Cadaalad
Waxaa Habeen hore Isgoyska Dabka ee M/ Caasimad da ah ee Muqdisho lagu dilay Wiil iyo Gabar isla dhashay oo lagu kala magacaabi jiray Allaha u naxa riistee Sakariye Maxamud Kalafoge iyo walaashiis Sowdo axamud alafoge.
Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo saarnaa gaari Cabdi Bile ah ayaa rasaas ku furay Mooto Baj aaj oo ay saarnaayeen Sakariye iyo Sowdo, xili mar ayeen Isgoyska Dabka ee Muqdisho, iyagoona go obta ku geeriyooday labadooda. Goobjoogayaal ay aa ku warramay in xiligii Askarta ay furayeen ras aasta uu Isgoyska Dabka ka jiray mashquul badan, isla markaana Ciidamada ay rasaasta riday doona yeen inay wadada ku furtaan, balse ay ku dhacday
Mooto ay saarnaayeen walaalaha dhintay.
Ehelada Sakariye Maxamud Kalafoge iyo walaa shiis Sowdo Maxamud Kalafoge oo Shalay la ha dlay warbaahinta ayaa sheegay in Meydadka laba da Marxuum la aasi doonin ilaa Cadaalad ay ka hel aan, lana soo qabto Ciidankii falkaas geystay.
Ehelada ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Fe deraalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga ka Codsaday in Cadaalada la horkeeno Askartii ka dambeysay dilka loo geystay Sakariye iyo Sowdo oo ahaa dhallinyaro waxbartay.
Allaha u naxariistee Sakariye Maxamud Kalafo ge iyo walaashiis Sowdo Maxamud Kalafoge ayaa xiligii la dilayey Casho u soo doonay walaashood ka weyn oo Isbitaal ku jirta, isla markaana xaamilo ah, balse inta aysan gaarin Isbitaalka ayaa dilay wal aalaha.
Wasiirka caddaalada Soomaaliya oo ka hadlay dhacdo lagu dilay wiil iyo gabadh walaalo ah
Wasiirka caddaalada Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay caddaalada horkeeni doono askartii ka dambeysay dilkii Habeen hore Muqdisho loogu geystay wiil iyo gabadh walaalo ah.
Ciidamo katirsan dowladda ayaa rasaas huwi yay gaari bajaaj ah oo ay saarnaayeen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sawdo Maxamuud, oo u ge eriyooday rasaasta ciidanku fure en.
"Falkaan foosha xun markuu dhacay waxaan la xiriirey haya daha amniga ee baarista iyo ka daba tagista fal de mbiyeedyada ku shaqada leh ee ay ugu horeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sidoo kale wax aan la hadley qaar ka mid ah eheladii dhibtu gaar tey,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka caddaaladu wuxuu sheegay in ciidam ada ammaanku u xaqiijiyeen in ay baaris socoto la na daba joogo falkaan cidii geysatey.
"Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u balan qaad eynaa iyadoo loo maraayo hannaanka Caddaalad u raadinta dhibanaha in aan hor keeni doono caddaal ada cid alaale cidii falkaan foosha xun geysatatey,” ayuu wasiirku raaciyay.
Dhinaca kale, qoyska marxuumiinta oo Shalay hadlay ayaa diiday in la aaso maydka wiilka iyo gab adha illaa ay caddaalad ka helayaan,
Wiil Dhallinyaro Ah Oo Xalay Muqdisho Ugu Geeriyooday Rasaas Ay Ku Fureen Ciidamo
Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka ayaa Xalay agagaarka Isgoyska Soobe ee M/ Muq disho fal dhaawac ah ugu geystay Wiil dhalinyaro oo sida la sheegay saarnaa Mooto Bajaaj. Dad goobjoogayaal ayaa soo weriyey in Wiilka dhalinyrada uu rasaasta kasoo gaaray dhaawac halis ah, isla markaana waxaa durbadii loo qaaday Isbibaalka Digfeer, si xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo
Dhowr daqiiqo kahor ayaa wax aa la xaqiijiyay in Wiilka dhali nyarada ahaa uu u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray rasaasta ay Ciidamo ka tirsan dowladda ku fureen, xili uu marayay Isgoyska Soobe ee Mag aalada Muqdisho.
Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa lagu mag acaabi jiray Allaha u baxariistee Mahad Cabdirax maan Maxamuud, isagoona ahaa Wiil dhalinyaro, waxaana geeridiisa ay hareysay baraha Bulshada, iyadoona loo tacsiyeynayay.
Falkaan ayaa kusoo aaday, iyada oo Habeen hore Cii damo ka tirsan kuwa Milateriga DFS ay Isg oyska Dabka ku dileen Wiil iyo Gabar walaalo ahaa oo lagu kala magic aabi jiray Sakariye Maxamuud Xasan iyo Sowdo Maxamuud Xasan.
MAHAD SALAAD oo digniin soo saaray iyo CC SHAKUUR oo ku baaqay in shacabku qarxaan kadib markii…
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa markii u hore ysay ka hadlay dilka Sakariye Maxamuud Xuseen Kalafoge iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo ahaa laba walaalo ah oo Habeen hore ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Waxay ugu horeyntii ehelka iyo asxaabta marx uumka uga tacsiyadeeyen geerida xanuunka leh ee ku timid Sakariye iyo Sowdo, waxayna Alle uga bar yeen in uu samir iyo iimaan ka siiyo dadkii ay ka baxeen. Sidoo ka le waxay laamaha amniga ka dal badeen in si deg deg ah u soo qabtaan cadaalad ana u horkeenaan gacan ku dhiigleyaashii fal dem biyeedkaas gey stay.
Mahad Salaad ayaa asaguna si adag uga digay in la raad tiro dambiileyaasha dilkaas bareerka ah geystay, si looga leexiyo ciqaabta ay istaahilan.
"Waxaan xanuunka geerida la qaybsanayaa qo yska reer Maxamuud Kalafoge dilka bareer ah ee loo geystay wiilkooda Sakariye iyo gabadhooda So wdo,” ayuu yiri Mahad Salaad.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhankiisa ku baaqay in kacdoon weyn ay sameeyan shacabka Soomaaliyeed, maadama uu sheegay in dowladdii xilkeedii dhamaaday ay diidan tahay in wax laga qabto dhibaatooyinka taagan.
"Haddii kuwii ubadkooda Eretrea loo qaaday waxba loo qaban. Haddii ehelkii gabadhooda NISA lagu dhex dilay xaqoodii la duudsiiyey. Haddii So wdo iyo Sakariye dilkooda waxba laga qaban doo nin. Haddii dilka, dhaca iyo amni darradiina sii baa hday. Haddii shacabka canshuur Al-Shabaab iyo dowladdu ka wada qaadayaan, amni iyo caddaala dna aysan haysan, maxaa diidaya inay dadku qarx aan oo ay dulmiga iska qaadaan,” ayuu yiri Cabdi raxmaan Cabdishakuur.
Waxa kale oo uu ku eedeeyay dowladda xilkee dii uu dhamaaday inay diidan tahay inay dalka doo rasho nabad ah ka qabato, oo ay keliya dooneyso in xoog iyo boob wax ku qaadato.
Si kastaba, illaa iyo hadda ma cadda sababta ay ciidamada dowladda federaalka u rasaaseeyeen mootada ay saarnaayeen walaalahan, hase yee shee waxaa marar badan dhacda in ciidanka dowl adda ay rasaas macno darro ah iska furaan ama ay isku dayaan inay ku furtaan waddooyinka marka jaam uu jiro. Ciidamada dowladda ayaa boqolaal qof oo shac ab ah ugu dila Muqdisho sabab la’aan, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamade eyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.
XIGASHO:CAASIMADDA.NET
Booliska oo soo qabtay askar loo hayto dhalli nyaradii Habeen hore iyo Xalay lagu dilay Muqdisho
Taliska booliska Soomaaliya ayaa war ka soo sa aray dilalkii Habeen hore iyo Xalay ay askar ka tirsan dowladda ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen Sarkaal ka tirsanaa ciid anka Asluubta oo Xalay la dilay iyo wiil iyo gabar walaalo ahaa oo Habeen hore la dilay.
Afhayeenka booliska Soomaaliya Ca bdifitaax Aadan Xasan oo Xalay shir jar aa’id qabtay ayaa sheegay in dham aan ragii dilalka geystay ay ku jiraan ga canta hey ’adaha ammaanka.
"Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxuu bulsh ada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baarit aan kadib ay Shalay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii Habeen hore rasaa sta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Ma xamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen, wa xaana berri waxii ka dambeeya cadaaladda hor geyn doonaa eedeysanayaasha,” ayuu yiri Afhaye enka booliska Cabdifitaax.
Sidoo kale afhayeenka ayaa cadeeyey in dha maan eedaysaneyaashii labadaas kiis gacanta lagu haayo, sidoo kale qoraal ka soo baxay booliska ay aa lagu sheegay in Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan oo ah ragga loo heys to dilalkaas ay ku jira gacanta hey’adaha amaanka.
Mahad Cabdiraxmaan oo ahaa sarkaal ka tirsa naa ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa Xalay u geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xiili uu la socday mooto Bajaaj agag aarka isgoyska KM 4, waana habeenkii labaad oo si xariir ah uu fal-noocaan ah uga dhacay magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan dowladda oo wata gaari milit ary ayaa Habeen hore sidaan oo kale Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo walaalo ahaa ugu toogtay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, kadibna waxaa goobta isaga baxsaday gaarigii ay wateen askarta dishay wiilka iyo gab adha.
Dhacdadaas oo noqotay mid xanuun badan oo ay wada dareemeen dadka reer Muqdisho, ayaa wa rarkii u dambeeyey ee aan ka heleyno waxay sheeg ayaan in weli aan la aasin meydadkii labada qof ee walaalaha ahaa.
Meydadka Wiilkii iyo Gabadhii Habeen hore lagu dilay isgoyska Dabka ayaa weli ku jira qaboojiyaha, waxa ana la sheegay in ehellada dhalinyaradaas ay wac ad ku mareen in aan la aasi doonin ilaa inta dowlad da Soomaaliya ay cadaaladda ka hor keeneyso ask artii dishay.
Cumar Cabdirashiid oo dhaliilay habka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka
Waxaa Shalay M/Muqdisho soo gaaray Ra’ii sul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmaake, waxaana Garoonka diyaa radaha Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan Midowga Musharrixiinta.
Cumar Cabdirashiid oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Xildhibaann ada Aqalka Sare ayaa ku maqnaa dalka dibaddiisa, wuxuuna Shalay ka hadlay ujeedka safarkiisa Muqdisho, isaga oo cadeeyay mowqifkiisa doorashooyinka ka socda dalka.
Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid oo kamid ah musharrixiinta Madaxweynaha ayaa she egay in dalka uu kajiro qaladaad badan oo salka ku haayo heshiiskii doorashada ee Muqdisho lagu ga lay Bishii Agoosto, haatana dalka uu kujiro xaalad qatar ah.
"Dalka xaalad qatar ah ayuu ku sugan yahay awoodii waxaa loo gacan geliyay Maamulada iyo Dadka Doorashada ku howlan samata bixin ayuu u baahan yahay dalka ayuu yiri” Cumar Cabdi Ra shiid. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in uu ku biiri doono shirarka wadatashiga ah oo Midowga musharrixiinta uga socdo Magalada Muqdisho si dalka loogu jiheeyo doorasho lagu wada qanacsan yahay. Ugu dambeyn wuxuu shee gay Cumar Cabdirashiid in sida hadda wax u socd aan aysan aheyn doorasho cadaalad ah hadii lagu sii adkeystana ay keeni karto in la wada diido, wux uuna ugu baaqay Golaha wadatashiga qaran ee gacanta ku haaya doorashada inay dib isugu noqdaan oo ay qabtaan doorasho cadaalad ah.Mid owga Musharrixiinta Madaxweynaha iyo inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad u dhaliilay habka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, iyada oo ay jiraan xubno loo diiday inay u tartamaan kuraastii ay horay ugu fadhiyeen.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS oo Wasiir ku xigeen Cusub U dhaariyay
Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlama nka 10-aad Ayaa Shalay Kul an Isugu Yimaadeen Xaru nta Guddonka Iyo Guddiyada Villa Hargeysa Lagu Dhaariyey Was iir Ku Xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Md. Jamaal Xasan Ismaaciil Oo Raisalwasaaraha XFS U Magacaabay
Waxaana Kulanka Dhaarinta shir Guddominaa yey habdhowraha ku xigeenka Golaha shacab ka Baarlamaanka JFS Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan iyo Xildhibaano kale ,
Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda Xan naanada Xoolaha ayaa waxaa dhaariyay guddomiy aha guddiga Garsoorka, diinta iyo Awqaafta ee Gol aha Shacabka Baarlamaanka JFS Md . Xildhibaan Shariif Shiikhuna Maye.
Madaxweyne Axmed Qoorqoor Oo Shalay Sax iixay Miisaaniyadda Galmudug Ee 2022
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Shalay oo Jimco aheyd saxiixay Miisaaniy adda Maamulka Galmudug ee san adka ee 2022
Miisaaniyadda Galmudug ee sanadka cusub ee soo socda 2022 ayaa waxaa horey u ansixiyay XIl dhibaanada Baar lam aanka Galmudug, kadib kulan ay ku yeesheen Dhuusamareeb
Munaasabadda saxiixa Miisaaniyadda ayaa wa xaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku xigeenka dow lad Goboleedka Galmudug Cali Dahir Ciid, Wasiirka Maaliyadda Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug lag uma shaacin tirada lacagta Miisaaniyadda Galmu dug ee sanadka cusub ee soo socda 2022, balse waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Qoorqoor ui saxiixay oo kaliya Miisaaniyadda oo ay sop gudbi say Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas.
Maamulka Galmudug ayaana laheyn ilo dhaqaale oo sidaa u badan, waxa ana Galmudug lacagta Miisaaniyada ku baxda kabta dowladda Federaal ka Soomaaliya.
Dhinaca kale madaxweyne Qoor qoor ayaa ka soo Anbabaxay Galmudug isagoo Xalay soo gaa ray Magalada Muqdisho isagoo Xalay soo gaaray magaalda muqdisho
Kulan Loogaga Hadlayay Gurmadka Abaar aha Oo Lagu Qabtay Muqdisho
Kulan lagaga hadlayay dadaalada looga jawaab ayo gumadka abaaraha oo ay ka qeyb galeen Gudd iga Gurmadka Abaaraha DFS ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Hey’adaha Caa lamiga ee Samafalka ayaa Shalay lagu qabtay Muqdisho. Kulankan oo ay shir guddoomineysay Wasiir Khadija Mohamed Diriye Wasiirka Gargaarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Adam Abdelmoula, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, ahna Isku-duwaha QM ee Arrimaha Deegaanka iyo Bani’aadamnimada ee Soomaaliya. Waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wakiilada hey’adaha OCHA, WFP,UNHCR,WHO ,IOM ,FAO iyo kuwa kale. Kul anka ayaa waxa lagu wadaagay dadaalada socda ee lagaga jawaabayo abaaraha , sida deg deg ah ee lagu caawin karo dadka ay saameeyeen abaar aha ee isugu jirta biyo iyo cunto yarida iyo deegaa nada u daran ee abaartu sida ba’an u saameysay. Waxa leysku raacay in si wadajir ah loo xoojiyo ga rga arka deg deg ah ee loo dira yo dhulka abaaruhu same eyeen iyada ay hormuud ka tahay DFS taas oo diyaarisay Xarunta Qaran ee ka Jawaabidda Ma siibooyinka .
Wasiir Khadija ayaa ka warbixisay dadaalada Dowladda ,Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Qurbaj oogta oo kaalin muhima ka qaadanaya caawinta walaalahood ay abaartu ceyrteysay.
Adam Abdelmoula, Ku-Xigeenka Wakiilka Gaar ka ah ee Xoghayaha Guud ee QM in yabooh lacag eed ay ka heleen deeq bixiyayaasha kuwaas oo wax lagaga qabanayo abaaraha .
WARBIXIN:-12 SANO OO KA SOO WAREEGA TAY QARAXII HOTEL SHAAMOW (3 DECEMBER 2009)
Shalay oo kale 3-dii Bishi December ee sanad kii 2009-kii waxaa Hotelka Shaamow ee M/ Muqd isho ka dhacay qarax la sheegay in uu ahaa ismiid aamin,kaas oo ay ku geeriyoodeen dad u badnaa mas’uuliyiin,xilli ay halkaasi ka socotay Munaasad ay ku qalin jebinayeen Arday baratay kuliyadaha ka la duwan ee lagu dhigo Jaamacadda Banaadir.
Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo isugu jiray Wasiiro ka tirsanaa Dowladdii KMG aheyd ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Siyaa siyiin, Dhaqaatiir, Ardaydii qalin jebineysay qaarko od, Waalidiin iyo marti sharaf kale.
Dadka la xasuusto ee qaraxaasi ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa wasiirkii wasaaradda caa fimaadka Qamar Aadan Cali, wasiirkii waxbara sha da Maxamed C/llaahi Wa ayeel, wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare prof Ibraa him Xasan Cadoow, wasii rkii wasaaradda dhalin yarada iyo Ciyaaraha Salee baan Colaad Rooble.
Sidoo kale qaraxaasi waxaa ku geeriyooday Wariyeyaal ay kamid ahaayeen Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shab eelle iyo Xasan Subeyr Xaaji Xasan oo isaguna ah aa sawirqaade ka tirsan telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.
Somaliland oo xukun ku riday Askar kufsi u geystay Gabar 13 jir ah
Maxkmada Magaalada Ceerigaabo ee Gobo lka Sanaag ee Somaliland ayaa Shalay waxaa ay xukun ku riday Afar askari oo ka tirsan Ciid amada Booliska Somaliland, kuwaas oo lagu helay inay kufsadeen Gabar 13 jir ah.
Falka kufsiga ah ayaa bartamihii sanadkaan waxaa uu dhacay Magaalada Ceelafweyn, wax aana raggaas gacanta kusoo dhigay kadib how lgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Somal iland ee ka howlgalla Gobolka Sanaag.
Garsooraha Maxkamadda Magaalada Ceer igaabo oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Afarta Askari lagu xukumay min 7 Sano oo Xa bsi ah, kadib markii uu ku cadaaday falka kufsiga ah ee lagu eedeeyay. Goobta xukunka uu ka dha cayay ee Maxkamadda Magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa ku sugnaa Waalidiinta Gabadha la kufsaday iyo ehellada Afarta Askari ee kufsiga lagu helay, waxaana raggaan Maxkamadeyn tooda ay soo martay heerar kala duwan.
Maxkamadaha Somaliland ayaa dhowr jeer oo kala duwan waxaa ay xukuno ku rideen rag ku eedeysan kufsi loo geystay Gabdho aad u da’ yar, taas oo keentay inay yaraadaan falalka kufs
iga ah ee ka dhacaya degaannada Soma liland.
Gabar Somali American ah oo Tartan Qura an kaalin wayn ka soo gashay oo Minne sota si diiran loogu soo dhaweeyey
Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Minneapolis/St Paul si diiran loogu soo dhaweeyey Ruwayda Qaasim Maxamed oo gabar Soomaali Ameerican ah ku dhalatay dalkan Maraykanaka oo tartanka caalimiga Quraankaee Shiikh Fatima Bint Mubaarak oo Dubia lagu qabto sanad kasta ka soo gashay sanadkaan 2021 kaalinta labaad.
Culumadiinka Magaaladda odayaasha,ardayda xarunta Tibyan Center, Waa lidiinta ayaa Habeen hore si wadajira Ruwayda garoonka diyaaradaha aad ugu soo dhaweeyey waxaana dhamaantood ka muuq day farxad wayn oo ugu hanbalyeeyeen Ruwayd aha dadaalkeeda.
Macalinka Quraanka Ruwaydah Qaasim oo la gu magacaabo Macalin Cabdinasir Faarax ayaa HOL u sheegay in ruwaydah uu quraanka u dhiga ayey 12 sano ee la soo dhaafay ayna ka mid ahayd ardayda macadka Tibyan Center kuwooda ugu firfircoon, horena ay tartanka quraanka Minnesota ka dhaca ee Imama Shatibi ay dhawr jeer ka qayb gashay, waa ardayd wanaagsan dadaasha iyada iyo waalidkeedba waana ka rajeenyey in meeshaan iyo meel ka saraysa ay maalin uun gaari doontay Ruwaydah ayuu yiri Macalin Cabdinaasir.
Shiikh Tawakal Ismaaciil oo culumadiinka Minne sota ka mida oo Habeen hore garoonka diyaaradaha ku sugnaa ayaa sheegay in tartankaan oo ay ka soo qaybgaleen ilaa in ka badan 50 dowladood ay Ru waydah ka gashay kaalinta labaad iyadoo ku tartam aysay magaca dalkaan Maraykanka oo ku dhalatay kuna barbaartay waa guul wayn oo lagu farxo & da riiq ay u furtay jiilka iyada ka yaryar ayuu yiri Shiikh Tawakal.
Sanadkaan waxaa kaalinta kowaad galay ga bar u dhalatay dalka Masar halka kaalimaha labaad & Sadaxaadna ay kala galeen Gabdho Soomaali ah oo kala matalaayey Maraykanka iyo Dalk Kenya, kaalinta 4aad waxaa galay Aljeeriya halka kaalinta ugu danbaysa ee 5aad ay heshay gabar u dhalatay dalka Jordan.
Dhamaan culumadii Habeen hore ayaa isku raacay in farxad u tahay in guushaan uu helay arday Marayka nka ku dhashay taasoo muujinaysa in dunida meel walba lagu xafido karo quraanka.
Culmadiinkii Habeen hore ka qaybgalay soo dhaweeyn ta Ruwaydah Qaasim Maxamed ayaa waxaa ka mid ahaa Sh Cabdirisaaq Xaashi,Sh Nuur Haadi, Sh Ma xamed Shucayb,Sh Maxamed Hanbaase oo dha mantood hadalo qiimo badan oo soo dhaweena gar oonka ka jeediyey.
Ugu danbeentii ayaa Ruwaydah iyo saaxiibat eed lagu qaaday garoonka baabuur raaxada ee ga arka ah ee loo yaqaan Limousine oo loogu sii galb iyey casho sharaf ay ugu talagaleen Tibyan Center.
Dad Gaajo Iyo Biyo La’aan Ugu Geeriyood ay Degaan Hoostaga Magaalada Kismaayo
Wararka aan ka heleyno deegaanka Cabdalla Biroole ee hoostega Magaalada Kismaayo ee Xa runta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay dad ugu geeriyoodeen gaajo iyo harraad.
Dad la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in deeg aanka Cabdalla Biroole ay saacadihii lasoo dhaafay Saddex qof oo isugu jira laba Caruur ah iyo qof waayeel ah ay gaajo iyo biyo la’aan ugu dhinteen deegaankaas.
Deegaanka ayaa waxaa bu ux-dhaafiyey qoysas farabadan oo xoolahooda ay abaarta ka galaafatay, kuwaasi xaaladdo qalafsan ay ku heeysato tuuloo yinka galbeedka Magaalada Kismaayo kaga beegan.
Qoysaska u barakacay Cabdalla Biroole oo ka yimid deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan ayaa Maamulka Jubbaland ugu baaqay inay gargaar deg deg ah la gaaraan, iyagoona sheegay in xaalad adeg ay heysato.
13 ruux oo isugu jiray Carruur iyo dad waayeel ah ayaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ugu geeriyooday gaajo iyo harraad, xili Gedo ay tahay meelaha ugu darran ee abaarta saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana ku le’day xoolo badan.
Hormuud Salaam oo Laptop-yo u qaybisay ardaydii guuleysatay
Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Shalay Laptop-yo u qaybisay ardaydii ku guuley satay imtixaanta Dugsiga Sare, ee loo qaatay wax barashada heerka 1aad ee jaamacadda.
Ardaydan oo gaareysa sod on (30) arday ayaa ku guule ystay barnaamijka deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation, sanad kiisii sadaxaad.
Laptop-yada ayaa waxay ardayda ka caawin doonaan barashada iyo samaynta cilmi baarisyada, muddada afarta sano ah ee ay waxbarashada ku guda jiraan.
Guddoomiye Kuxigeenka Hormuud Salaam Found ation, Cabdiraxman Ibraahim Cilmi ayaa sheegay in deeqda waxbarasho loogu talagalay in la soo saaro dadkii dalkan mustaqbalka wax-u-tari lahaa, waxaa na uu kula dardaarmay ardayda in waqtigooda iyo nasiibkooda ay ka faa’iideystaan oo ay ka natiija keenaan waxbarashada, isla-markaana ay dib u milicsadaan juhdiga waalidiintooda ay ku soo bixiyeen.
Qaar kamid ah waalidiinta iyo ardaydii heshay agabkan waxbarasho ayaa ka mahadceliyay fursadaan ay siisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, iyagoo markaasi tilmaamay in ay dhameystiri doonto habsami socodka waxbarashadooda.
Waa sanadkii saddexaad oo xiriir ah oo la bixinayo barnaamijka deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom, waana deeq waxbarasho oo sanadle ah, oo shirkaddu bilowday April, 2019, iyadoo ujeedka loo aasaasay-na uu yahay in la daboolo baahida waxbarasho ee dalka.
Kiisaskii ugu badnaa ee COVID-19 oo laga helay Soomaaliya
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta tirada asbuucii la soo dhaafay ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 4,577 xaalado cusub oo COVID-19 ah asbuucii la soo
dhaafay, 4 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 279 ruux.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (17), Puntland (8), gobalka Banaadir (9), Jubbaland (1) qof 26 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 9 ay yihiin haween.
Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 23,051 waxaa bogsootay 12,325 Ruux. guud ahaan 1,331 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.
Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee la ga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maada ama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaada shada talaalka cudurka.
Tirada asbuucii la soo dhaafay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 23,051
o Laga Helay: 35
o Somaliland: 17
o Puntland: 8
o Banadir: 9
o Jubbaland: 1
o Lab: 26
o Dhedig: 9
o Bogsashada: 279
o Dhimasho: 4 (Somaliland:2, Puntland:1, Galmudug:1)
Tirada Guud ee Laga Helay: 23,051
Bogsashada Guud: 12,325
Dhimashada Guud: 1,331
Somaliland : Waxaan guud ahaan joojinay ma shaariicda UN-ka ee wax u dhimaya madax bannaanideena
Somaliland ayaa sheegtay in ay iska joojisay mashaariic Qaramada Midoo bay ay bixiso oo ay sheegtay in ay wax u dhimayaan gooni isku taa gooda iyo madax ba nnaanido oda.
Wasiirka warfaafinta Somal iland Sale ebaan Cali Koore, ayaa sheegay in iyadoo Som aliland ka ka fekeraysa
madax bannaanideeda in ay hakisay dhammaan wixii mashaariic ahaa ee UN-tu ka qabanaysay.
Wasiir Saleebaan ayaa sheegay in ma sha ariicdan ay dareemeen in ay meel ka dhac ku yihiin masiirkooda gooni isku taaga.
"Waxaanu isweydiinay ma waxaad qaadataan, wax madax bannaanidiina iyo dadka doonistooda waxyeeleeya, oo ah mashaariic yaryar oo UN-tu bi xiyaan, mise dadka madax bannaanidoodii ayaad u ilaalisaan, loona dhiman maayo mashaariicda UN-tu bixiso,” ayuu yiri wasiir Koore.
Wasiirku ma sheegin nuuca ay yihiin mashaariicda la joojiyay iyo sida ay dhaawac ugu yihiin madax bannaanida Somaliland. Balse wuxuu carabaabay in ay jiraan mashaariic la siyaasadeeyay.
Maamulka Gobolka Hiiraan oo si kulul uga hadlay weerarkii Carruurta ku dhinteen
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa marka hore u taxsiyadeeyay qoysaskii ay ka geeriyoodeen Carruurtii Habeen hore ku geeriyootay hoobiyihii ku dhacay Gurigooda oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ka dib weerarkii Al,Shabaab.
Waxaa uu sheegay guddoomiye Jeyte in Carru urtaasi si xaqdarro ah loo dilay, iyaga oo jiifo Guri gooda, wuxuuna ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu uu ku eedeeyay Al-Shabaab inay mar walba dhiba ateey aan dadka Shacabka ah, isaga oo Alle uga baryay kuwa ku dhaawa cmay weerarkii Beled weyne in Caafimaad siiyo.
Weerarkii Habeen hore Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Magaalada Beledweyne ayaa Hoobiye ku dhacay Guri kuyaalla Magaalada Bele dweyne ayaa waxaa ku dhintay Saddex Carruur oo walaalo ah halka laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Puntland oo war rasmi ah kasoo saartay ‘kaalin ta’ Villa Somalia ee xiisadda Boo saaso
Gudiga Amniga Gobolka Bari, ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya inay kaalin ku leedahay xii sadda ka taagan Boosaaso, iyadoo isku dayaysa in ay xasilooni darro ka abuurta Puntland.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Axmed [Abwaan], oo shir gudo omiyay kulanka Gudiga Amniga, ayaa la hadlay warbaahinta, isa goo sheegay in laga billaabayo magaaladda howlgal lagula dag aalamayo cadowga Puntland.
Wuxuu Gudoomiyaha intaasi ku darey inay si dhaw ula socdaan dhaq-dhaqaaqa shaqsiyaad gacan-saar la leh Villa Somalia oo hurinaya xiisadda Boos aaso, iyagoo doonaya inuu dagaal ka dhaco, oo xaaladda faraha dowladda Puntland ka baxdo.
"Ciidamada amniga waxay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo wada falal lidi ku ah amniga iyo kuwa dowladda Federaalka maalgelisay ee qal-qal gelinta kawada Boosaaso,” ayuu yiri Abwaan.
Waxa uu Abwaan ugu baaqey shacabka inay ka fee jignaanaadaan kuwa kicinta wada, ee dadka gur yahaha ku garaacaya, ee kula talinaya inay guryah ooda ka cararaan, iyadoo ku cabsi-gelinaya in daga al uu ka dhacayo magaaladda.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in daga al dhanka baraha bulshadda ah lagu soo qaadey Puntland, oo lagu doonayo in wax loogu dhimo xas iloonida siyaasadeed iyo mida amni ee ka jirta Ma amulka.
Abwaan ayaa xusay in xaaladda Boosaaso ay degan tahay, islamarkaana murankii ka taagnaa ho gaanka PSF-ta lagu dhameyn doono wadahadal, isl amarkaana wax walba is-faham iyo sharciga lagu dhameyn doono, oo aana dhici doono dagaal.
Xiisadda Boosaaso ayaa timid kadib markii Deni uu Todobaadkii hore xilka ka qaadey Agaasimi hii PSF-ta Maxamuud Cismaan Diyaanno, kaaso kahor-yimid digreetada Madaxweyne.
Xigasho:-casimadda.net
"Addoon Ahaan Ayaa Afar Jeer La Ii Kala Iibsaday” – Waa Sheekada Wiil Soomaali Ah
Maxamed Cabdiraxmaan oo kamid ah Tahriiba yaal Soomaali ah ee laga soo qaaday dalka Liibiya ee lagu soo celiyay Muqdisho, ayaa ka sheekeyay arrimo arxan darro ah oo lagula kacay.
Maxamed oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa waxa uu sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya, xiligaas oo uu ku jiray socodka tahriibka.
"Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsady, mar la iga bixiyay $5,500, mar al iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la iga bixiyay” ayuu yiri Maxamed.
Sidoo kale waxa uu sheegay inuu si lama fila an ah uga soo baxsaday kooxdii u dambeysay ee af duubka u haysatay, kadibna uu maalmo kadib ay u soo suurta-gashay inuu gaaro Tripoli.
Maxamed ayaa markii uu gaaray Tripoli la xiriir ay safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu do onayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya, waxaana sidaas dib loogu soo celiyay dalka.
Waxa uu sheegay intii uu ku guda jiray socdaal ka uu ku rabay inuu ku tago Yurub uu la kulmay raf aad iyo dhibaato aad u daran, ha ugu darnaato intii uu joogay dalka Liibiya.
"Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa,xerooyiin usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa.” Dalka Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay "in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah”, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.Liibiya ayaa waxaa ku xiran ama tahriib suga yaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya inay dal kaasi uga sii gudbaan dhanka Talyaaniga. Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiya da dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiya ad aan cidna ka amar qaadan, kuwaasi oo ay adag tahay in laga soo furdaamiyo illaa inta la bixinayo lacagaha madax furashada.
Wararkii ugu dambeeyey xaaladda kuraasta muranku ka taagan yahay ee Jawaari iyo Yaasiin Fareey (Warbixin)
Guddiga khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa weli kor u haya natiijada kursiga muranka uu hareeyey ee HOP#P67 kaasoo beeshii laheyd ay si weyn u qaadacday qaabkii loo maareeyey.
Kursigan oo uu soo qaatay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasiin Cabdull aahi Farey, waxaa cabasho ka qaba dhowr musharax, wa xaana Dorraad kulmay guddi ga xallinta khilaafaadka, mu sharixiinta kursi gan u taagnaa iyo ddayaal dhaq ameed uu ku jiro saxiixihii kursigaan Cali Jeesto.
Guddiga waxaa loo sheegay in habka loo wajah ay kursigaan ay qalad tahay. Ninkii saxiixi lahaa kur sigaan ayaa xaqiijintiisa lala wadaagay guddiga xal linta khilaafaadka.
Maadaama qofka saxiixaya kursigaan uu yahay qof si weyn loo yaqaan waxaa aad isha loogu hay aa waxa guddiga khilaafaadka ay qiil ka dhigan doo naan haddii ay soo fasaxaan natiijada kursigan oo ay u sharciyeeyaan Yaasiin Farey, wallow ay jiraan warar xooggan oo sheegaya in doorashada kursig aan la kansali doono.
Mid kamid ah guddiga xallinta khilaafaadka oo diiday inaan magaciisa xigano waxa uu sheegay inuu cadaadis badan ka heysto dhanka Villa Soma lia iyo taliska NISA oo ah inay kursiga u fasaxaan Yaasiin Farey.
Mid kamid ah musharixiintii u taagnaa kursigaan isna wuxuu sheegay inay guddiga xallinta khilaafa adka la wadaageen inuu culeys badan ka heysto dhanka Dowladda, wuxuuna rajo xumo ka muujiyey inay ku dhiiran karaan inay ridaan go’an diidmo ah.
Reerka kursigaan leh waxaa u diyaarsan doora sho is garab taala oo kursigaan ah haddii kursigoo da aan lasoo celin oo aan loo marin hab sax ah. Gu ddiga xallinta waxaa lasoo warinayaa inay aad uga fiirsanayaan natiijada kursigaan.
Warar hoose oo aan helnay waxay iyaguna she egayaan in lagu qalqaalinayo guddiga inay dib isa ga dhigaan in muddo ah natiijada kursigaan, taasoo ah aragtida labaad ee Villa Somalia haddii lagu dhi iran waayo in natiijada la aqbalo.
Mudda dheer waxaa laga cararayey laba doora sho oo is garab taala, laakiin waxaa jirta cabsi ku sa absan in kursiga HOP#67 uu furo u noqdo doora shooyin is barbar yaac ah oo ka bilowda salka.
Daahir Maxamuud Geelle, Jabriil Ibraahim Cab dulle, Thaabit Cabdi Maxamed iyo Caddow Cali Ge es oo dhammaan qaba damac madaxweyne Soo maaliyeed ayaa kamid ah siyaasiyiinta Jufada iska leh kursigaan, taasoo sii adkeeneysa in xiisadda kursigaan ay si fudud kusoo idlaato.
Madaxda Galmudug ayaa iyagana la sheegay inaysan waxba ka dhihin buuqa kursigaan ka dha shay oo u muuqda inuu usoo wareegay dhanka Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, kursiga HOP#103 ayaa kamid ah kuraasta sida weyn la isugu heysto. Kursigaan wa xaa muddo dheer ku fadhiyey Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari kaasoo laba jeer noqday Gudd oomiyaha Golaha Shacabka.
Jawaari ayaa ku dooday in loo diiday xuquuqdii Dastuuriga aheyd, wuxuu kasoo tagay Magaalada Baydhabo kadib markii laga hor istaagay fursadihii tartanka oo dhan.Kiiska Jawaari lagu celiyey waxaa la sheegay inuu ahaa mid siyaasadeed oo looga hor-tagayey inuu berri qaato kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xubno kamid ah waxgaradka beeshiisa oo dhawaan warbaahinta la hadlay ayaa cambaareeyey tallaabadaas, waxayna sheegeen inay dhaawac weyn tahay in Jawaari laga hor ista ago inuu cod waydiisto Beeshiisa. Howsha kursiga Jawaari waxaa Magaalada Baydhabo u tagay Gudd oomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro. Horey waxay guddigaasi u joojiyeen doorashada kursigaas laakiin hadalkooda lama dhageysan, waxay la kulmeen Jawaari hadd ana waxay ku jiraan shaqo culus.
Ilo guddigaasi ka tirsan waxay sheegeen inay macquul tahay in mar kale natiijada kursigaas la laalo. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale la sheegay inuu kamid yahay dad ka aan ku qancin sida loo wajahay xaaladda kurs igaas.
Hoggaamiyaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagre en oo la kulmay Rooble waxaa heysta culeys badan oo la xiriira sida uu Jawaari ula dhaqmay. Aad ayey u xooggan yihiin wararka sheegaya in doorashada kursiga HOP#103 la tuuri doono.
Xigasho:-caasimadda.net
Faah Faahin: Qarax Xalay Ka Dhacay Guri Uu Degan Yahay Wasiir Ka Tirsan Jubbaland
Faah faahino ayaa kasoo baxaya Qarax fiidnim adii Xalay ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ah na Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxaa la gel iyey Albaabka hore ee Guriga uu degan yahay Was iirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Sheekh Abuu Yuusuf.
Dad ku sugan xaafadda Siinaay ee Kismaayo oo uu ku yaallo Guriga Wasiir Maxamed Sheekh ayaa ku warramay in qaraxaas uusan wax khasaaro ah geysan, isla markaana guriga Wasiirka aan la joojin xiligaas oo uu cidlo ahaa.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa durbo gaaray goobta, iyagoo xiray aaga, wax aana Xalay xaafaddo ka tirsan Magaalada ay ka Sameeyeen howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka Caaasimadda KMG ah ee Jubbaland.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka Jubbaland oo ku aadan qarax aas Xalay dhacay Magaalada Kismaayo, mana ahan markii ugu horreeysay ee qarax uu ka dhacay Magaaladaas, waxaana horey uga dhacay qaraxyo kala duwan oo qaarkood khasaaro
dhaliyey….
Qaramada Midoobay Oo Dalbatay Gargaar Bani ’aadanimo Oo Gaaraya 41 Bilyan
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in baahida loo qabo gargaar bini’aadanimo ay gaari doonto he erkii ugu sarraysay sanadka soo socda,iyadoo ma siibada, isbedelka cimilada iyo cola aduhu ay dad badan ku riixayaan in ay wajahaan xaalad macluul.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA ayaa Shalay codsatay lacag dhan $41bn si loo caawiyo 183 milyan oo qof oo ah kuwo u baahan gargaar naf badbaadin ah. Martin Griffiths, madaxa OCHA, oo Shalay qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in dhibaatada ci miladu ay marka hore ku dhacaysaa dadka aadka ugu nugul dunida.
"Colaado daba dheeraaday ayaa sii socda, xasi llooni la’aantuna way ka sii dartay meelo badan oo adduunka ah, gaar ahaan Itoobiya, Myanmar iyo Afgaanistaan,” ayuu yidhi Griffiths.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’ aadantinimada ee OCHA Sanadkii hore waxay codsatay lacag gaareysa $35bn oo wax loogu qab
tay dadka u baahnaa gargaar bini’aadanimo.
Ilhaan Cumar oo soo bandhigtay cod halis ku ah nolosheeda oo loo soo diray
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay waxay kusoo bandhigtay farriin cod ah oo hanjabaad ah, oo loogu sheegayo in la dili doono.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in lagu tilmaamay in ay tahay Jihaad doon xiriir la leh ururada xagjiriin ta, waxayna goobta ay saxaafad da kula hadlaysay ka daartay codka loogu hanj abayay.
"Waan ognahay waxaad ku sugan tahay. Waxa aad rabtana in aad dalkeyna qabsataan. Ha welw elin, waxaa jiro dad badan oo jecel inay helaan furs ad ay kugu dhaafiyaan Adduunkaan xun, waan ogn ahay waxaad tahay,” ayuu yiri qof aan la aqoon oo cod usoo diray Ilhan.
"Waxaad tahay khaa’inul wadan. Ma sii noolaan doontid wax badan, waxaan ku dammaanad qaadi karaa taas. Haddii aan nahay shacabka waan kac nay markaan, waxaana la idin horgeyn doonaa max kamadda ciidamada qalabka sida, waxaana lagugu soo oogi doonaa dambiga.”
Ilhaan ayaa sheegtay in farriinta codka ay tahay tusaale kamid ah hanjabaadaha iyo dhibaateynta ay Jamhuuriga ku hayaan dadka Muslimka ah.
Farriinta codka ee loo soo diray Ilhaan ayaa waxay ku soo aadeysa saacado kadib markii wada-hadal taleefon ah uu dhex maray Ilhaan Cumar oo ka tirs an xisbiga Dimoqraadiga iyo Lauren Boebert oo Ja mhuuri ah, kaasi oo ku dhammaaday buuq kadib markii Boebert ay diiday inay si cad raali-gelin uga bixiso inay Ilhaan ku tilmaamtay halis.
Boebert ayaa dirtay taleefonka kadib markii uu soo shaac-baxay muuqaal ay Ilhaan Cumar oo Mus lim ah, ugu yeertay inay xubin ka tahay "kooxda jiha adka.” Muuqaalka ayaa muujiyey Lauren Boebert oo leh "Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda ji haadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.”
"Xubintan ayaa loo ogolaaday inay kamid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaa neysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda ka hor Ilhaan Cumar ugu yee rtay "xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”
Ilhaan Cumar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay fileysay raali-gelin."Intii ay raali-gelin ka bixin laheyd hadalladeeda Islaam naceybka ah iyo beenta ay abuurtay, Boebert waxay diiday inay si shaacsan u qirato hadalladeeda halista iyo nacey bka ah. Waxay taa beddelkeed laba jibaartay hadal ladeeda, anigana waxaan go’aansaday inaan dha mmeeyo taleefonkii aan miro-dhalka aheyn,” ayey tiri Ilhaan.
Tan iyo markii Ilhaan Cumar ay ku biirtay aqalka Koongareeska, waxay mar walba la kulmaysay hanj abaado dil ah, iyadoo caddeysay sababta loo barti lmaameedsanayo inay tahay isirkeeda iyo diinteeda Islaamka.
Mareykanka Oo Shaaciyay Inuu Adkeynayo Shu ruucda Safarka Iyo Sababta Keentay
Madaxweynaha Mareykaka Joe Biden ayaa sha aca ka qaaday in la adkeynaayo xeerarka safarka xili Mareykanku uu xaqiijiyay in ay jiraan tiro ku saa bsan cudurka Omricom oo lagu ar kay gudaha dalkaasi. Laga bi laabo todobaadka soo socda, dadka safarka ah ee caalamiga ah ee tagaya Ma reykanka, oo ay ku jiraan dadka Mareykanka ah, waa in ay maraan baaritaan 24- saac ah ka hor inta aysan dhoofin, iyadoo aan loo eegeyn heerka tall aalka.
Shuruudaha qaadashada maaskarada ee loogu talagalay diyaaradaha, tareenada iyo basaska ayaa la kordhin doonaa illaa bartamaha Maarso. Toban kiis oo nooca Omicron ah ayaa laga helay Maraykanka,gaar ahaan California, Colorado, Minnesota, iyo New York, iyo Hawaii. Dhinaca kale ,Saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku baaqay manta oo Jimco ah in dala lka caalamka,gaar ahaan Wadamada Aasiya-Pac ific ay kor u qaadaan awoodda daryeelka caafima adka,isla markaana ay si buuxda u tallaalaan dad koda.
Madaxweynaha Turkiga Oo Booqasho Ku Tegaya Qatar Iyo Xogta Socdaalkiisa
Ilo Warbaahin ayaa sheegay inuu Madaxweyna ha Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu booqasho ras mi ah ku tegi doono Caasimada dalka Qatar ee Doha bishan December 6-da ilaa 7-da.
Waxa uu Kulan Khaas ah la yeelan doonaa Ami irka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thaa ni, iyagoo ka wada arrinsan doona Xiriirka Labadoo da Waddan, Arrimaha Mandiqada, Xaa lladda Ammaanka ee dalka Afganistan iyo Danaha Guud ee Iskaashiga Turki ga urkiga iyo Qatar ee dhinacyada Isk aashiga, Dhaqaalaha iyo Ammaan ka.Labada Hoggaamiye ayaa waxaa la filayaa inay isla eegaan Qorshaha ay Ciiddanka Turkiga qeyb kaga noqon doonaan sugida Ammaan ka ee Garoomada Ciyaaraha ee lagu qaban doono Tartanka K/Cagta ee Koobka Adduunka oo ay Qa tar marti-gelinayso Bartamaha sanadka soo socda ee 2022-ka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan ayaa waxa u qorsheysan inuu booqdo dalka Imaaraadka Carabta bisha Feberaayo ee sanadka soo socda, si loo sii ambaqaado Xiriirka soo hagaagayo ee La bada dal. Dowladda Imaaraadka ayaa waxaa wax ay isb uucii hore ku dhawaaqday Maalgashiga Cus ub ee ay Turkiga la saxiixdeen.
W/Q: Ustaad Nuuradiin
Imaaraadku Waxa Uu Saxeexay Heshiis Oo Ay Ku Iibsanayaan 80 Diyaaradood
Imaaraatka Carabta ayaa heshiis la saxiixday 80 diyaaradood oo nooca Rafale ah oo lagu farsa meeyo dalka Faransiiska, waana dalabkii ugu ba llaarnaa ee abid lagu sameeyo di yaaradaha dagaalka, sida ay mas ’uuliyiintu sheegeen Jimcihii mar uu booqday madaxweynaha Fara nsiiska Emmanuel Macron.
Imaaraadka Carabta, oo ka mid ah macaami isha ugu weyn ee warshadaha difaaca Faransiiska, ayaa sidoo kale ogolaatay inay iibsadaan 12 heliko bter ah oo gaadiidka dagaalka ah oo Caracal ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxt ooyada Faransiiska.
"Tani waa natiijada iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dal, xoojinta awooddooda ay ugu wada dhaqmaan madax-bannaanidooda iyo ammaanko oda,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Faransiiska ayaa sheegay in heshiiska diyaarad aha iyo helikabtarrada uu ku kacayo 17 bilyan oo Yuuro. Wasiirka Difaaca Faransiiska Florence Parly ayaa ku tilShalayy heshiiska "mid taariikhi ah” barte eda twitter-ka, iyadoo sheegtay inuu si toos ah uga qayb qaatay xasilloonida gobolka.
80 Rafale. Saxiixa qandaraas taariikhi ah avec les Emirat arabes unis. Wadashaqeyn istiraatijiyade ed oo ka adag sidii hore. Fière de voir l’excellence industrielle française au sommet.
Dalabka Rafale ayaa ah kii ugu weynaa ee abid loo sameeyo si caalami ah tan iyo markii ay shaqa da soo gashay 2004tii.
Heshiiska waxaa saxiixay madaxa shirkadda Dassault Aviation Eric Trappier iyadoo Macron uu wadahadal kula jiray dhaxal-sugaha Abu Dhabi Moh ammed bin Zayed al-Nahyan maalintii ugu horrey say ee uu booqdo Khaliijka.
Imaaraatka Carabta ayaa iibsada Rafales oo ay dhistay shirkadda Dassault, waxayna Imaaraadku raacayaan hoggaanka dalka Qatar ee Khaliijka oo iibsatay 36 diyaaradood, iyo Masar oo soo iibsatay 24 diyaaradood sannadkii 2015 iyo 30 horaantii san adkan. Saamiyada Dassault ayaa kor u kacay 6 boqolkiiba ka dib ku dhawaaqista. Ganacsi goos go os ah Moodooyinka dayuurada ha F4, kuwaas oo weli ku jira 2 bilyan oo Yuuro bar naamijka horum arinta ee loo qorsheeyay in la dha mmaystiro 2024, ayaa la bixin doonaa laga bilaabo 2027.
Wada xaajoodyada tooska ah iyo kuwa tooska ah ee diyaaradaha dagaalka Rafale ayaa socday in ka badan toban sano, Abu Dhabi ayaa si cad u dii day dalabka Faransiiska ee ah in uu bixiyo 60 jets 2011-kii isagoo ku tilmaamay "mid aan tartan laha yn oo aan macquul ahayn.”
Tan iyo markaas, Rafale wuxuu horumar ka sa meeyay suuqa caalamiga ah inkasta oo ay tartan ka heleen warshadeeyayaasha Mareykanka iyo Yurub. Hadda waxay leedahay lix macmiil oo ajnabi ah, oo ay ku jiraan Qatar, India, Masar, Greece, iyo Cro atia. Imaaraadku wuxuu horey u ahaa macmiilka shanaad ee ugu weyn warshadaha difaaca Faransi iska isagoo haysta 4.7 bilyan oo Yuuro intii u dhax aysay 2011 iyo 2020, sida lagu sheegay Warbixin baarlamaanka.
Paris waxay saldhig ciidan oo joogto ah ku leh caasimadda Imaaraatka. Ilaha difaaca ayaa sheeg aya in Rafale uu bedeli doono markabka Mirage, ayna u badan tahay in uusan meesha ka saari karin F-35-ka Mareykanka, iyadoo Imaaraadku uu wali ilaalinayo ammaankiisa oo uu la socdo laba shirkadood oo waaweyn oo kala ah Faransiiska iyo Mareykanka.
Booqashada Macron ee Imaaraadka Carabta ay aa qeyb ka ah safar labo maalmood ah oo uu ku ta gayo Khaliijka oo ay ku jiraan Qatar iyo Sacuu diga.
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya " Ma dhicin marnaba in laga guulaysto Itoobiya "
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed oo wa li ku jira hawlgallada ka dhanka kooxda TPLF, ayaa muddo toddobaad gudihiisa ah markii saddexaad kasoo muuqday warbaahinta dowladda, isagoo kus ugan mid kamid ah furimaha dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.
Abiyi Axmed markan waxa uu si gooni ah ula had lay ciidamada Itoobiya ee uu hoggaaminayo, isagoo kula dardaarmay sidii loosii wadi la haa halganka lagu cidhibtirayo koo xda TPLF, waxa uuna yiri " Gu usha ay Itoobiya gaadhay waa mid lagu faano, ma dhicin marnaba in laga guulaysto Itoobi ya, wa an guulaysanaynaa marwalba".
Geesta kale mar uu ka hadlay ay guulaha is xi gxiga ee ay ku talla absadeen ciidamada Itoobiya, waxa uu sheegay in wakhtiyada soo socda ay qab san do onaan ciidamadiisu magaalooyin hor leh, isagoo taa ka hadlayana waxa uu yiri " Hadda wax aanu ku su ganahay furinta dagaal ee Dhongolo, waxaanu ku taamaynaa inaan soo afjarno howlgal ka bartama ka socda, sidii aanu usoo afjarnay howl galladii Bar iga iyo Galbeedka aanu ka samaynay".
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in wa khtiyada fooda inagu soo haya ay qabsan doona an magaalooyin waawayn oo istiraatiiji ah, waxa uuna yiri " Shalay ilaa Barri waxaan u kala qaadana ynaa qorshe sidii aan u hanan lahayn magaalooyin ka Ka mise, Baati iyo Kombolcha, iyo magaalooyin kale oo dhammaan ay kusii socdaan ciidamadenu ".
Hadallada Abiyi Axmed Ra'iisal wasaaraha Ito obiya, ahna abaanduulaha ciidamada Itoobiya ayaa ku soo hagaagaya xilli maalmahan ay dowladdu sheeganaysay inay gaartay guulo waawayn, isla markaana ciidamada Itoobiya ay qabsadeen maga alooyin horey ugu jiray gacanta TPLF.
TPLF-na waxay geesteeda sheegtay inay iyadu is kaga baxday magaalooyinka ay haatan qabsad een dowladdu, iyadoo ku tilShalayy ka bixitaanke eda magaalooyinka xeelado dagaal, balse taa dad ka intiisa badan ayay ka daadagi wayday.
Isu soo duuboo dagaalladii muddada dheer ka soc day Itoobiya, ee u dhaxeeyay dowladda iyo koo xda TPLF ayaad moodaa in waji kale uu yeeshay, iya doo dowladdu ay guulo is xigxiga ay sheega nayso, halka ay TPLF-na gaabisay guuxeedii dagaal.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO SABTI 4-TA DICEMBAR 2021-KA
...