Wariye Serjito oo noqday isha lagala socdo wararka doorashada Baydhabo

0
Saturday December 04, 2021 - 06:58:59 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Serjito oo noqday isha lagala socdo wararka doorashada Baydhabo

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wariye Maxamed Deeq Serjito oo ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Baydhabo ayaa noqday kan looga dambeeyo soo tebinta wararka la xiriira Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee magaaladaasi ka socota.

Wariyaha ayaa bishii November ka mid noqday tiro yar oo Wariye-yaal ah, oo Madaxtooyada Koonfur Galbeed u ogolaatay inay si toos ah u soo tebiyaan wararka ku aaddan doorashadaasi, si dadweynuhu macluumaad uga helaan ergada wax dooraneysa iyo natiijada, sida kuraastaasi loogu kala guuleystay.

Wariye-yaasha iyo dadweynaha kale ee ku xiran bartiisa xiriirka bulshada ayaa jecleystay, sida hufan ee uu u soo tebiyo wararka xaqiiqada ku saleysan ee doorashada kuraasta Golaha Shacabka, kuwooda ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Illaa iyo hadda inta laga warqabo waxaa Magaalada Baydhabo lagu doortay 11 Xildhibaan, inkastoo qaybtood tallaabada lagu doortay ay dood ka taagan, haddana Serjito waxa uu dadweynuhu la wadaagayay, xogaha ku aaddan sida kuraastaasi loogu kala guuleystay.

Tan suurteglisay in dadweynuhu jecleystaan wararkiisa ayaa ah, isagoo daqiiqado yar uun gudahood bartiisa ku soo bandhigga codadka Maamulka Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ee ku aaddan natiijada codeynta iyo musharaxa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee lagu doortay Magaalada Baydhabo ayaa kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor), Cabdullaahi Aadan Axmed (Black), Saadaad Maxamed Nuur Cali, Cabdirisaaq Xaaji Cabdi (Midnimo), Maxamed Cali Xasan, Foosiya Maxamed Sheekh, Amina Maxamed Mursal, Sareedo Maxamed Cabdalla iyo Nuura Mustaf Mukhtaar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip