Akhriso Tobanka Magaalo Ee Noloshoodu Ugu Qaalisan Tahay Caalamka

0
Wednesday December 01, 2021 - 21:54:04 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Tobanka Magaalo Ee Noloshoodu Ugu Qaalisan Tahay Caalamka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Cilmi baaris ay sameysay hay’ada Sirdoonka Dhaqaalaha (EIU) ayaa lagu shaaciyay tobanka magaalo ee sanadkan dhamaanaya ee 2021 ugu nolosha qaalisanayd caalamka.Magaalada kaalinta koowaad ka gashay magaalooyinkan ayaa sanadkii la soo dhaafay waxa ay ku jirtey kaalinta shanaad balse qiimeyn la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka ku nool magaaladaas ay ku nool yihiin qiimaha ugu sareeya dhinac kasta marka la fiiriyo cuntada,gaadiidka iyo waxyaabaha kale ee aadanuhu u baahan yahay.

Magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ayaa markii ugu horeysay kaalinta koowaad ka gashay qiimeyntan, iyadoo ka sare martay hogaamiyihii sanadkii hore ee Paris, oo hadda ku jirta kaalinta labaad.

Tilmaanta Qiimaha Nolosha Adduunka ee 2021 waxa ay la socotaa qiimaha nolosha 173 magaalo oo caalami ah — 40 in ka badan sannadkii hore — waxana ay barbardhigtaa qiimaha in ka badan 200 oo badeecado iyo adeegyo maalinle ah.

Xogta sahanka, oo la sameeyay in ka badan sodon sano, ayaa waxaa soo aruuriya kooxda caalamiga ah ee EIU ee cilmi-baarayaasha bilaha Maarso iyo Sebtembar kasta.

Tilmaanta waxaa lagu qiyaasaa marka loo eego qiimaha magaalada New York, sidaas darteed magaalooyinka leh lacagaha ka xoog badan doollarka Mareykanka waxay u badan tahay inay u muuqdaan kuwo ka sarreeya qiimeynta.

Zurich iyo Hong Kong ayaa ku kala jira Nambarka 4-aad iyo 5-aad sida ay u kala horreeyaan, iyaga oo sannadkii hore ku soo baxay kaalinta koowaad iyaga oo barbar socda Paris. New York, Geneva, Copenhagen, Los Angeles iyo Osaka ayaa noqday 10 ka ugu sareeya.

Qiimaynta sare waxa ay ku sii socotaa in ay xukumaan magaalooyinka yurubiyaanka ah iyo kuwa horumaray ee Aasiya. Magaalooyinka ugu hooseeya waxay u badan yihiin Bariga Dhexe, Afrika iyo qaybo yar oo Aasiya ah.

Magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya ayaa mar kale gashay kaalinta koowaad ee magaalada ugu jaban caalamka, iyadoo dhaqaalaheeda dagaaladu halakeeyeen. Dimishiq iyo Tehraan waxay la kulmeen sicir barar aad u sarreeya 2021, si la mid ah Caracas ee Venezuela iyo Buenos Aires ee Argentina.

Halkan ka aqriso tobanka magaalo ee caalamka ugu qaalisan noloshooda sanadkan 2021.

Akhriso Tobanka magaalo ee noloshoodu ugu qaalisan tahay caalamka - Jowhar somali news leader


1. Tel Aviv, Israel
2. (tie) Paris, France
2. (tie) Singapore
4. Zurich, Switzerland
5. Hong Kong
6. New York City, New York
7. Geneva, Switzerland
8. Copenhagen, Denmark
9. Los Angeles, California
10. Osaka, Japan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip