HALKAAN KA AKHRISO WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO SABTI 27-KA NOV. 2021-KA AH

0
Saturday November 27, 2021 - 08:56:17 in Wararka by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO SABTI 27-KA NOV. 2021-KA AH

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo oo farriin culus diray Xalay ka dib markii ‘uu ku deeqay’ mushaharkiisa

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Max amed C/hi Farmaajo ayaa war ka soo saaray abaa raha ka jira dalka, isagoo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan abaaraha ba’an ee ku dhu ftay dalka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah la la gaaro Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.

Madaxweynaha ayaa tilmaam ay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba,sababayna xaalad bini-aada nnimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Ha y’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yih iin gobollo badan oo ka tirsan Dalka.

"Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yah ay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaa teysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobd oonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan,” ayuu yiri Farma ajo.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey Madaxweyne Farmaajo uu mushaharkii sa Madaxweynenimo ee bilaha Nofeembar iyo Dis eembar uu ugu deeqay howlaha gurmadka dadke enna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Dalka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey abaabulka xoo ggan ee Golaha Xukuumaddu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu, ay aa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaat aysan,wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaala ha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba inay qaataan door la mid ah kii ay Golaha Xukuumaddu 20% ugu jareen Mushaharkooda gurmadka Abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo cambaareeyay qari xii ka dhacay Muqdisho

Maxamed Xuseen Rooble R/Wasaaraha X/xilg aarsiinta ee Soomaaliya ayaa Cambaareeyey Qari xii ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay M/Mu qdisho. "Waan cambaareynayaa weerarkii ay argag ixisada Alshabaab Shalay ka geysteen Muq disho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaare en dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Roobl3.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iima an Eebbe ha ugu deeqo”.ayuu yirri R/Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa M/ Muqdisho kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsh eysan, iyada oo lagu guda jiro xilli kala guur ah o dalku uu u dareeray doorasho

Prof. Jawaari " Baydhabo maka fidsano gogol nin gob ah wax kasoo doonto"

Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaa liya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Shalay shaaciyay in laga hor istaagay inuu isku diiwaan geliyo kursiga tirsigiisu yahay HOP 103 oo deegaan doorashadiisa tahay M/Baydhabo.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale sheegay in kursigaasi la doonayo in shaqsiyaad gaar ah loo xiro lana diiday in laga dhigo mid furan, waxaana halkaasi ka muuqda in doorashadani ay tahay mi daan daah furneen.

"Baydhabo waan ka soo tagay caqabado bad an oo jira awgeed waxaana leyga hor istaagay kursi gan ku tartami lahaa mana ahan meel nin gob ah wax kasoo doonto ama nin odau ah, sida ay wax u socdaan maaha si doorasho daahfuran oo xor iyo xalaal ah lagu qabto, waaana nasiib daro waxa so cda, hadii arrintu sidaan sii ahaatana waxaa dhici doonta in dowladnimada yar ee an haysanay ay me esha ka baxdo, waxaana hada go'aan ka gaaraya kursiga an aniga musharaxa u ahaa odayaasha be esha iyo madaxda maamulka waxaana wali cadey naya inaan ahay musharax u taagan qabashada ku rsigaas" ayuu yiri Prof. Jawaari.

Hadalka kasoo yeeray guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Jaw aari ee ah in loo diiday inuu isku diiwa an geliyo Musharaxnimada kursiga HOP 103, ayaa imaanaya xili uu Shalay galinkii dambe uu soo gaaray M/Muqdisho, islamarkaana uu wali she egayo inuu yahay Musharax kursigaas u taagan.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo maamul goboleedy ada qaar ay haatan bilaabeen howlaha doorashada Aqalka Hoose ayaa waxaa soo kordhaya cabasha da laga muujinaayo hanaanka ay ku bilaabatay do orashada oo la sheegayo iney tahay mid xulasho ah oo aanan aheyn mid ku saleysan xor iyo xalaal.

Midowga Musharaxiinta oo mowqif adag ka soo saaray doorashada

Kulan ay iskugu yimaadeen inta badan xubnaha G/Midowga Musharaxiinta ayaa Shalay ka qabsoo may magaalada Muqdisho, kaa si oo saluug looga muujiyey ha nnaanka doorashooyinka dalka ay ku socdaan.

Kulanka oo uu shir guddoomin ayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gu ddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sh.Axm ed ayaa waxa diirada lagu saaray doorashada G/Shacabka oo ka bilaabatay dalka.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale uga wada-hadlay cabashooyinka iyo walaaca laga qabo doorashooy inka socda qaarkood, kuwaasi oo laga qaloociyey hanaankii saxda ahaa ee loogu tala-galay. Afhaye enka M/Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku qana csan yihiin in sida ay hadda wax ku socdaan uu dalka ka ridayo bur-bur baahsan oo aan la mahdin.

"Waxaa rzbnaa in bulshada Soomaaliyeed iyo add uunka intiisa kale la wadaagno waxaa si buuxda u gu qanacsanahay sida ay ilaa hadda wax ku socda an waxa ka dhalan kara ay tahay bur bur baahsan oo dalka Soomaaliya ku habsada, oo aan rabin in uu dhaco anaga oo nool oo wax ka qaban karo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorasho boob ka ka bilowday dalka uu meel xun gaarsiinayo Soo maaliya, islamarkaana aysan marnaba aqbali doon in oo ay uga gudbi doonaan hanaan midkan ka gedi san, sida uu hadalka u dhigay.

"Midowga Musharaxiinta waxa uu sameyn doo no kulamo joogto ah oo maalmaha soo socda dha ca, oo uga tashanayno samata-bixinta bulshada Soomaaliya ee hanaanka boobka iyo burburinta looga samatabixinayo.” waxa uu sheegay in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan qeybaha kala du wan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo Saraak iisha ciidanka, maadama uu Golaha isla qaatay in laga horyimaa do hanaanka ay ku bilaabatay doora shada Golaha Shacabka.

"Sababta aan iskugu imanay waxay tahay sida ay wax u socdaan in ay aad iyo aad u qaldan taahy, waxay tahay in aan samatabixin ka hadalno oo ana ga iyo bulshada qeybaheeda kala gedisan uga gud ubno hanaanka guracan

Gudiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo kordhiyey shuruud yaab leh oo lacag ah

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa soo saaray habraac cusub oo loo mar ayo soo gudbinta dacwooyinka ka dhasha Kuraasta G/Sh/Q oo dhawaan ka bilaabatay dalka.

Sida uu Shalay baahiyey telefishanka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ka hor inta aan cabashada loo gudbin guddiga xalinta khilaafaadka doorasho oyin waa in uu bixiyo dacwooduhu lacag dhan 3,000 oo dollar. "Waa in uu soo gudbisto codsiga dacwada oo qo raal ah, kuna soo lifaaqo galka caba shadiisa/deeda waraaqda rasiidka bixinta lacagta dii waan-gelinta dacwada oo dhan $3,000 (sadex kun oo doolar), kuna soo shubaa xisaabta bangiga (Acc ounta Nu mber) loo as teeyay. Waa in uu soo buuxi yo foom ka diiwaan-gal inta dacwad dac wada door ashada ee guddiga xa li nta khil aafaa dka doorashada dadban ee 2020-2021.” Lacagta ayaa marnaba la celi nayn haddii dacwa da la gudbiyey loo xukmiyo dhanka dacwoodaha uu ka cabanayo iyo haddii la’laalo labadoodaba, sida uu sheegay guddi ga xallinta khilaafaadka doorasho oyinka. Siyaasiga ama Musharaxa ka dacwoonaya boob lagula kacay Kursigiisa iyo hanaanka doorash ada loo maamulay waxa uu gudbin kara dacwadiisa labo illaa saddex maalmood gudahood marka la shaaciyo liiska er gada iyo musharaxiinta.

Cadadka lacagta iyo waajibnamadeed ka hor in ta aan la gudbin dacwada ayaa falan-qeeyayaasha qaarkood ku tilmaamen "mid la yaab leh” oo looga gaashamanayo in la gudbiyo dacwad, maadama ay sheegen in mugdi badan ku gadaaman yahay huf naanta guddigaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in ill aa muddo 7 cisho ah uu baarayo, marka dacwadda lasoo gaarsiiyo, lana waafajiyo habraaca ay soo sa areen, islamarkaana ay ogeysiinayaan guddiyada doorashooyinka. Ugu dambeyntiina guddiga ayaa ku wargeliyey Musharixiinta iyo codbixiyeyaasha in la qaataan habraaca ay soo saareen oo ku aadan si da loo wajahayo, haddii ay cabasho timaado.

Maamulka Iskuulka Mucaasir oo faah faahiyay khasaaraha kasoo gaaray qaraxa

Maamulka Sare Iskuulka Macaasir ee M/ Muqdi sho oo kuyaal inta u dhaxeeysa Isgoyska Tarabuun ka & Madaxtooyadii hore ee Cabduqaasim ayaa fa ahfaahin ka bixiyay khasaaraha kasoo qarixii ismii daaminta ahaa ee Shalay ka dhacay banaanka Isku ulka. Maamulaha dugsiyada mucaasir Xuseen Cab di Aamin ayaa sheegay in qaraxa Shalay uu burburiy ay inta badan fasalada Iskuulka & qaar kamid ah Gaadiid ka Carruurta Iskuulka dhigata lagu qaadi ji ray.

Maamulaha oo Warbaahinta kula hadlayay Gud a ha Iskuulka ayaa sheegay in qaraxa ay ku dhaawa cm een 7 kamid ah Ardayda Iskuul ka & mid ka mid ah Darawalada, balse aysan jirin wax dhimasho ah oo dhankooda kasoo gaaray Qara xa.Taliska Ciid anka Booliska Soomaaliya ayaa g xoor sii horreeysay sheegay in qaraxa ay ku dhinte en 8 ruux 17 kalena au ku dhaawacmeen.

Al-shabaab oo sheegatay masuuliyada Qar axii Ismiidaaminta ee Shalay ka dhacay M/Muqdisho

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar Ismiidaamin ah oo subaxnim adii hore ee Shalay ka dhacay D/Hodan ee M/Muq disho. Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar ka qar axa uu fuliyay ruux naftii hure ah oo ka tirsanaa dag aalamayaashooda, kaaso gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la bartilmaameedsaday kolonya gadiid ah oo galbin eysay Saraakiil cadaan ah, xili ay marayeen inta u dhaxeysa madax tooyadii hore ee Cabdiqaasin iyo Dugsiga sare ee Banaadir. Wa xaa sidoo kale lagu sheegay qoraalo ay Shabaab ku daabaceen baraha ay ku leyihiin Internetka in khasaare xoog leh ay u geysteen kol anyada gadiid ka ah, isl amarkaana uu qaraxu haleelay mid ka mid ah gaadiid galbinaayay sara akiisha cad aan ka ah halkaasna ay ku dhinteen as kar Afrikaan & Somali isugu jirta,walow aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ay ku dileen weerarka Ismiidaaminta ah. marka laga soo tago sheegasha da Al-shabaab khasaaraha ka dhashay weerarka Is miidaaminta ah, Booliiska Soomaaliya oo dhankoo da ka hadlay khasaaraha qaraxa ayaa sheegay ine y ku dhinteen 8 ruux 17 kalana ay ku haawacmeen.

Musharax Daahir Geelle oo kulan la qaatay Gudoomiye Jawaari oo loo diiday in uu tar tamo

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Gee lle ayaa goor dhow ku booqday hoyga uu ka degan yahay M/Muqdisho gudoomiyihii ee golaha Shacab ka Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo dhawaan loo diiday in uu tar tamo doorashada golaha Shacabka.

War uu soo saaray kulanka ayaa si daan ayaa siddaan u qornaa:

"Shalay waxaan booqasho shar afeed ugu tagay Guddoomiyihi Hore ee B/F/Soom aaliya Md. Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari, oo xeel dheere siyaasadeed iyo aqoonyahan Soomaaliyeed ah. Booqashadaydu ma ahayn middii ugu horraysay ee aan ugu tago, markasta oo aan jeclaysto in aan isbadbadallada siyaasadeed aqoon, caqli iyo waa ya-aragnimo aan ka kororsado ayaan isaga u ta gaa. Laakin, booqashadayda Shalay waxay ku saa bsanayd inaan wax ka ogaado xaaladihi ugu danbe eyay ee ka soo qabsaday hannaan doorashadeed kan gurracan iyo safarki uu Baydhabo ku tagay, wa xaana iisoo baxday labo arrimood oo waawayn:

Doorashooyinka inay ku socdaan hannaan balm arsan dastuurka, sharciga, qaanuunka iyo sooyaal ka suubban ee ay Soomaalida leedahay. Wax la xur maynaayo oo diin, akhlaaq, mudnaan, ama waayee lnimo ah in aysan jirin!

In Villasomalia ay wali hormuud ka tahay dabin daabyada, iyo duminta hannaanka dimuqraadiyad da, ayna masuul ka tahay hagardaamada Maxamed Sheekh Cusmaan loogu diiday xuquuqda muwaadd in kasta uu leeyahay ee ah in uu xilalka guud ee dal ka isu soo sharraxo, loona doorto ama wax u dorto.

Safiirada Somalia ee Pakistan oo ku guuleysat ay biladda safiirka sanadka

Safiiradda Soomaaliya ee dalka Pakistan marwo Khadiija Al-makhzoumi ay aa maalintii Dorraad aheyd la gudoonsiiyey bilad shar afta qaaliga ah ee safiir ka ugu wanaagsan ee san adka 2021. Biladda sha raftaan ayaa ah mid dalka Pakistan uu sanadkiiba mar labixiyo, laguma aba almariyo safiirada dalal kooda sida wacan ugu ade ega ee fadhigoodu ya hay magaalada caasimadda ah Islamabad.

Safiirad Khadiija waxay abaal marintaan ku kas batay ayadoo muujisay howl karnimo, firfircooni iyo sida ay u hormarisay xiriirka labada dal ee Soomaa liya iyo Pakistan mudadii ay halkaasi safiiradda ka aheyd.

Waxay muddadii ay xilka haysay ka shaqeysay mashruucyo badan oo faa’iido u leh dadka iyo DFSsidoo kale ay ku jirto danta 2da dal ee walaala ha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Safiirad Khadiija ayaa sidoo kale ka shaqeysya caawinta iyo u adeegidda jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan, oo badankood ah arday dalkaas u tegay waxbarasho.

Xiisadda ciidamada PSF iyo Deni oo meel sare gaartay

Waxaa weli taagan oo sii xoogeysatay xiisadii ka dhalatay xil ka qaadistii uu madaxweynaha Puntl and Saciid Deni ku sameeyay Ag aasimihii ciidama da difaaca Pun tland ee PSF, waxaana illaa had da lagu guuleysan in xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub.

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa 24-kii bisha an si adag uga horyimid xil ka-qaadista Maxamuud Cismaan Diyaano, waxayna bilaa been inay bane eyaan qaar kamid ah Saldhigyadii ay kaga sugnaa yeen duleedka M/Boosaaso. Wasiirka Amniga Puntl and Cabdi samad Maxamed Gallan ayaa warbaahinta hanjaba ad adag u mariyay hogaankii ciidamada PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadista Agaasimaha, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in colaad laga abuuro magaalada Boosaaso. Gallan oo shi rka jaraa’id ay ku wehlin ayeen Taliyaha guud ee cii damada difaaca Gen. Yaasiin Cumar Dheere & Saraakiil kale ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay Agaasimihii hore ee PSF inay qaadin dhalinyarn imo, islamarkaana ay suno-dowladeed tahay xil ka qaadista iyo magacaabist aba.

"Agaasimaha cusub ee PSF-ta waxaa loo maga caabay in uu buuxiyo dal-daloolada muuqda maad aama dagaallo culus ay galeen waa in derajooyin la siiyaa, Ciidanku waa in aysan kasoo bixin xeryahoo da, amarka ka qaataan Taliyaha cusub ee loo mag icaabay” ayuu yiri Wasiir Gallan.

"Cid kasta oo qal-qal gelineysa amniga Boosaa so ma aqbali doono, Maxamuud waxa aan leeyahay Dhalinyaronimo yaanay ku qaadin oo aqbal xilka in aad wareejisid sidii Dorraad laguugu wareejiyay oo kale.” Sidoo kale Taliyaha guud ee Ciida mada Dif aaca Puntland, General Yaasiin Cumar Dheere ay aa ka digay in xil ka qaadista iyo wareejintaba ay sa babaan isku dhac dhex mara Ciidamada iyo qalal aase ka dhasha tallaabo labada dhan ay qaadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Imaaraadka Carabta Oo Taageero Militari Siin aya Dowladda Itoobiya

Dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa taage ero militeri oo dhinaca cirka ah siinaysa dowladda Itoobiya oo dagaal kula jirta ciidamada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in intii u dhaxeysay Sebtembar iyo Novem ber ay jireen in ka badan 90 duulimaad oo u kala gooshayay Imaaraadka iyo Itoobiya, iyadoo qaar ba dan oo ka mid ah la qariyay halkii ay ka duuleen iyo halka ay ku degeen.

Imaaraadku waxa uu fuliyey hawlgalkan ballaar an oo ay gacan ka siiyeen laba shirkadood oo ma raakiibta gaarka loo leeyahay oo kala ah: shirkad Is baanish ah oo soo abaabushay 54 duullimaad oo ta ageero milatari ah oo u dhexeeya Imaaraadka Car abta iyo Itoobiya muddo bil gudaheed ah, iyo mid Ukrain ah oo soo abaabushay 39 duullimaadyo xam uul ah oo ciidan ah oo laba bil ah sida ay daab acday Aljazeera.

Jaantusyada duulimaadka iyo sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya diyaarad dhawaan ka ti mid Saldhigga Sweihan ee Abu Dhabi, UAE, kuna sii jeeday saldhigga Harar Meda, oo wax yar ka xi ga caasimadda Itoobiya, Addis Ababa.

Sawirradan ayaa muujinaya diyaarad Drone ah oo lagu fars ameeyay Wing Loong oo Shiina ha laga leeyahay, taasoo noqo naysa tii ugu horreysay ee abid lagu arko saldhigyada ciidamada Itoobiya. Wa xay sidoo kale muujinayaan dejinta shixnad milateri oo laga soo dejiyay diyaaradda xamuulka ee Ilyushin.

Sawirada ayaa sidoo kale muujinaya in saldhig yada Sama ra iyo Axum aysan shaqayn ka dib mar kii ay isku dhaceen ciidamada Tigreega, kuwaas oo sheegay in 7kan ay u jiraan ilaa 200km Addis Aba ba. Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta waxaana aad loo xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheega shada goobaha dagaalka inay adagtahay in la xaqii jiyo.

Warbaahinta D/Itoobiya ayaa Arbacadii sheegtay in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu aaday jiidaha ho re ee dagaalka si uu u hoggaamiyo ciidamada Itoob iya ee ka horjeeda ciidamada Tigreega. Kadib bi lo ay xiisadi jirtay, Abiy bishii Nofeembar 2020 waxa uu ciidan u diray Tigray si ay meesha uga saaraan xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Kooxda TPLF ayaa gacanta ku haysay DF mu ddo ku dhow 30 sano ilaa uu Abiy xilka la wareegay sanadkii 2018-kii.

Ra’iisul wasaaraha, oo ku guuleystay abaalma rinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2019, ayaa ba llan qaaday guul degdeg ah. Ciidankiisu waxay qa bsadeen caasimadda Tigray, Mekelle, dabayaaqadii bishii November, laakiin bishii Juun, ciidammada Ti graygu waxay dib ula wareegeen inta badan gob olka waxayna ku riixeen gobollada deriska ah ee Axmaarada iyo Canfarta.

7Yadii la soo dhaafay, D/ Itoobiya waxa ay xoojisay qoritaanka ciidan badan. D/Itoobiya ayaa heshiis is kaashi milatari la saxiixatay Turkiga bishii Ogosto, iy adoo ay jiraan warar sheegaya in ay doonayso in ay dagaalka geyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

"Waxaa horeyba u jiray dhowr sheegasho ah oo Shiinuhu uu Itoobiyaanku ku hubeynayo diyaarada ha aan duuliyaha lahayn ee Wing Loong, sidoo kale Turkigu waxay siinayeen diyaaradaha aan duuliya ha lahayn Itoobiyaanka,” Martin Plaut, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Barashada Barw aaqo-sooranka ee Jaamacadda London. , ayuu u sheegay Aljazeera.

"Waxay ila tahay inay [Imaaraadku], macno aha an, yihiin meel laga soo abaabulo saadka hubkan. Qaar baa si toos ah u yimaadda, qaarna Imaaraad ka ayay sii maraan; laakiin Imaaraadku si cad ayuu u qorayaa waxa dhacaya.”ayuu yiri Plaut.

Colaadda muddada sanadka ah socotay ayaa wa xaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan laba milyan iyo boqolaal kun oo ay soo wajahday xaalado macaluul la mid ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya.

Baarlamaanka Puntland oo wada mooshin lagu burinayo Heshiiska DP World

Wararka laga helayo M/Garoowe ee Puntland ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaannada G/Wakiilada Maamulkaasi Puntland ay wadaan ol ole mooshin la doonayo in lagu baabi’iyo Heshiiskii Shirkadda DP World iyo Xukuumadda ee ku saab san Dekadda Boosaaso.

In ka badan 41 Mudane ayaa waxaa la sheegay inay wadaan mooshinkaas, si meesha looga saaro heehiiska DP World sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonaan karo.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in 41 mudane ay moosh inka oo ah mid xoogan u gud biyaan Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, iyada oo la sheegayo in ka hortegida mooshinkaan aysan wa xba ka qaban karin Xukuumadda & Guddoonka Gol aha Wakiilada Puntland intaba.

Sanadkii 2017-kii ayay heshiiska ballaarinta dek adda Magaalada Boosaaso wada galeen Xukuum addii Cabduweli Maxamed Cali Gaas & Shirkadda DP World, waxaana la sheegay in Shirkaddu aysan weli waxba ku kordhin dekadda, sida uu hoob fagaa ro ah ka sheegay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi.

Koonfur Galbeed oo shaacisay doorashada 3 ka mid ah Golaha Shacabka.

Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Gobol eedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay qabash ada 3 kursi oo kamid ah kuraasta G/Shacabka ee degaan doorashada Maamulkaasi. Guddiga doora shooyinka Heer D/G/K/Galbeed ay aa shaaciyay in 27-ka Bishaan oo Beri ku beegan la qabanayo doo rashada Saddexda kursi, iyaga oo horay u shaaci yay in la qabanayo doorashada 11 kursi.

Kuraasta doorashada la qabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#182 oo uu ku fadhiyo Gudd oomiyaha GSh. Maxamed Mursal, HOP#170 oo 4-tii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan

Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay ku fadhisay

Fowsiya Maxamed Sheekh.

Guddiga doorashooyinka Heer D/G/K/Galbeed ayaa Dorraad soo geba-gabeeyay diiwaangelinta mu sharrixiinta Golaha Shacabka, kuwaas oo doora shadooda la qabanayo.


Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay dishay 12 ka mid ah kooxda TPLF

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheeg aya in la dilay 12 kamid ah kooxda TPLF, 6 kamid ah 12kaas waxay ahaayeen hoggaamin sare, kuwaasi oo hoggaaminayey ciidan ka kooxdaTPLF, sida uu sheegay Was iirka warfaafinta Itoobiya oo warbaahinta la hadlay.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in 2dii maalmood ee u dambeeyay ay qaadeen ciidam ada militarigu hawlgallo dhan walba leh, kuwaas oo lagu wiiqayo kooxda TPLF.

Dagaalada ka socda Itoobiya ayaa marba marka xigta sii xoogaysanaya, waxayna hawlgalladan dam be kusoo hagaagayaan xilli uu Abiyi Axmed ku sug an yahay furimaha hore ee dagaalku ka socdo, isla markaana uu hoggaaminayo ciidamada qaranka ee Itoobiya, kuwaas oo dagaal ba'an kula jira kooxda TPLF.Ma jiro wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka TPLF, oo kusaabsan sheegashada dowlad da, dowladduna wali ma shaacin magacyada hogga amiyaasha TPLF ee la dilay.

Puntland oo Ciidamada fartay adkeynta Amniga G/Nugaal.

Maamulka Puntland ayaa meelo kamid ah Gobol ka Nugaal ayaa waxaa ay ku diyaariyeen Ciidamo fara badan oo loogu talo galay sugida Amniga do ora sho oyinka iyo la dagaalanka Ururka Al-Shab aab, kuwaas oo dhawaan tababar loogu soo xiray Magaalada Qardho

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Xuse en Cali Maxamuud ayaa faray Ciidamada inay isku diyaariyaan in waajibaadkooda uu yahay la dagaal anka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish oo mararka qaar weeraro ka fuliyo degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay in mararka qaar rag kamid ah Ciidamada ay ka qeyb qaataan in qeybo kamid ah Gobolka Nugaal la soo geliyo maandooriyaha khamriga ee laga keeno dalka Itoobiya, wuxuuna sheegay in askarigii lagu qabto la saari doono Maxk amadda Ciidamada Puntland.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Nugaal Xuse en Cali Maxamuud waxaa uu Ciidamada ugu baaq ay inay dardar geliyaan howlaha ay u hayaan Bul shada, isla markaana si wanaagsan ugu Shaqeey aan.

Warkaan kasoo yeeray Booliska Gobolka Nugaal Xuseen Cali Maxamuud ayaa kusoo aadeysa xilli puntland todobaadyadii la soo dhaafay soo bandhigeysay rag ka tirsan Al-Shabaab oo ka qeyb qaatay weerarkii Xabsiga Boosaaso, kuwaas oo dagaal lagu qabtay.

Tahriibayaal Farabadan Oo Ku Geeriyooday Marin Biyoodka U Dhexeeya Laba Dal

Ugu yaraan 31 qof oo tahriibayaal ah oo ku sii je eday dalka Ingiriiska ayaa ku qaraqmay English Channel oo ah marin biyood u dhaxeeya dalalka In giriiska iyo Faransiiska una dhow magaalada Calais ka dib markii ay la degtay doonidii ay la socdeen dadkaasi.

Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa she egay in falkaani uu yah ay khasaarahii ugu wey naa ee hal mar ah tir badan oo dad ah ku dhintaan.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay inuu aad uga naxay waxa dhacay, isaga oo intaa ku daray in UK ay sameyn doonto tallaaba kasta si wax looga qabto kooxaha dadka tahrii biya.

Waxaana lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan degdeg ah oo arrintaan looga hadlayo.

Doon nooca kaluumaysiga ayaa dirtay qaylo dha an gelinkii dambe ee Shalay kadib markii dadkii do ontasi kaluumaysiga saarnaa ay arkeen dadka tahrii bayaasha ah ee ku qaraqmay meel u dhow xeeba ha badda Faransiiska. Masuuliyiinta Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa wada hawlgal samatabbixin ah oo cirka iyo badda ah si ay u ogaadaan haddii ay cid heli karaan.

laftagareen & Boqor Buur Madow oo ka wada ha dlay dadkii laga soo musaafuriyay laas-caanood

Madaxweynaha DGKGS Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada M/Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Boqor Cusmaan Abuu Maxamuud (Buurmadoow) oo kamid ah Duubabka Dhaqanka Sonaliland ee maalmihii la soo dhaafay ku sugan M/ Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Boqor Buurmad oow ayaa ka wada hadlay Dhibaatadii Maamulka Soomaliland ay u geysteen Shacabka kasoo jeeday deeganada Koonfur Galb eed ee ku noolaa Magaalada Laascanood ee G/Sool.

Kulanka ayaa waxaa wararka la helay ay sheeg ayaan in Boqor Buurmadow uu Madaxda Koonfur Galbeed ka raali geliyay dadkii Somalilamd kasoo musaafurisay Magaalada laas-caanood.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa u majad celiyay Boqor Buurmadow sida uu u gartay in dadka Soo maaliyeed ay yihiin walaalo meel kasta ku wada noolaan kara.

Boqor Buur madoow ayaa dhawaan isaga oo ha dal ka jeedinahay kulan ka dhacay Muqdisho ka sheegay in uu tegi doono Magaalads Baydhabo, isla markaana uu raali gelin siin doono Bulshada Koonfur Galbeed.

ILHAAN CUMAR oo jawaab cajiib ah ka bixi say hadalkii yaabka lahaa ee Boebert

Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Maray kanka ku metasha Minnesota ayaa wax aan la aq bali karin ku tilShalayy hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yih iin lagana soo doorto Colorado. Muu qaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan.

"Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ay aa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si deg deg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tiri xil dhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog.

"Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilh an Cumar. Waxaan tilmaamay inaysan wadan boor so [qarax sida] oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah.

Waxa ay intaa raacisay inay la hadashay Ilhan oo ay ku tiri "eega, Shalay kooxdii Jihaad-ka ayaa soo shaqa tagtay.”

Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen"Xaq iiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,” ayay tiri Ilhan.

Xildhibaan Ayanna Pressley oo ay xulafo yihii Ilh an ayaa hadalka Lauren Boebert ku tilShalayy mid ceeb ah, dulmi ku dheehan yahay isla markaana khatartiisa wata.

"Waa Islaam-naceyb kale oo si toos ah loola bee gsaday Ilhan. Waa hadal wax dhimaya, khatar na ku ah xildhibaan Ilhan iyo bulshada Muslimka. Waa in la cambaareeyo hadallada noocan, laguna xisaab tamo cidda tiraahda,” ayay barteeda Twitter ku qortay Pressley. Boebert ayaa todobaadkii hore dha leeceyn xo oggan la kulantay kadib markii ay Ilhan Cumar ugu yeertay xubin ka tirsan "kooxda Jihaad-ka” xilli ay ka hadlaysay congress-ka.

Ilhan oo kamid ah labada gabdhood ee ugu hore eyay ee iyagoo Muslim ah loo doorto Congr ess-ka ayaa xulafo ka dhigatay dumar xildhibaanno ah oo Isku tilmaana inay yihiin hor-u-socod.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Tr ump, ayaa lagu xusuustaa hadalladii xanafta lahaa ee uu ku beegsan jiray xildhibaan Ilhan Cumar. 

General Axmed Nasser Al-Raisi Oo Loo Door tay Madaxa Hay’adda Interpol

General Axmed Nasser al-Raisi Wasiirkii arrima ha gudaha Imaaraadka Carabta ayaa loo doortay in uu madax ka noqdo afarta sano ee soo socota hay ’ada Booliska Caalamiga ah Interpol.

Hase yeeshee Generalkan oo si aan wax musha ar ku qaadan doonin howshan ayaa la gu eedeeyay inuu wax ka qaban waay ay eedeymo loo soo jeediyay ciidamada Booliska Imaaraadka oo xadgudubyo ku kacay. Ururada u dooda xuquuqda aad anaha ayaa aad uga soo horjeestey doorashada generalkan.

Si kasta ha ahaatee Gen Raisi ayaa xilkan ku gu uleystey doorasho saddex wareeg ahayd oo ka dha cday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Waajib aadkiisa waxaa ka mid noqon doona guddoominta shirarka guddiga fulinta, kaas oo kormeeraya shaqa da Xoghayaha Guud ee Jürgen Stock. Mr Stock waa sarkaal waqti buuxa ah oo kormeera hawl maal meed ka Interpol.

Gen Raisi ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ay "sharaf” u tahay in madaxweyne loo doorto wuxu una ballan qaaday inuu dhisi doono urur hufan, go’ aan qaadasho leh oo ka shaqeeya sidii loo sugi la haa ammaanka dadka oo dhan.

Qoraal kale oo uu soo saaray ayuu ku caddeey ay in Imaaraadku uu yahay mid ka mid ah meelaha ugu ammaanka badan adduunka iyo in dawladda Khaliijka Carabtu ay sii wadaan xoogga ugu mu hiimsan ee isbeddelka wanaagsan ee gobolka ugu adag adduunka.

Qareeno u doodaya Hay’adda Khaliijka ee Xuqu uqda Aadanaha (GCHR) ayaa sidoo kale dhawaan cabasho rasmi ah ka gudbiyay Gen Raisi dalalka Fa ransiiska iyo Turkiga.

Kooxda ayaa ku eedeeysay inuu ku lug lahaa xa rig iyo jirdil sharci darro ah oo loo geystay Axmed Mansuur, kaasoo la xiray 2017-kii, kadibna lagu xuk umay 10 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay in uu dalka aflagaadeeyey.

La taliyaha madaxweynaha Imaaraadka Anwar Gargash ayaa sheegay in eedeymahan ay qeyb ka yihiin olole sumcad dil ah oo la soo agaasimay oo meel ka dhac ah oo doorashadu ay hadda tahay mid xaq ah.

RA'IISAL WASAARE ABIYI AXMED "CADOWGU AWOOD U MALAHA INUU CIIDANKA ISKA CELIYO"

Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo markii u horey say kasoo muuqday Warbaahinta, tan iyo markii u go'aansaday inuu tago furimaha hore ee dagaalka, ayaa ka warbixiyay wakhti xaadirkan halka uu xaa lku marayo.

Abiyi Axmed waxa uu sheegay in gu ulo waawayn gaareen ciidamada qar anka Itoobiya, isla markaana la ware egeen goobo markii hore ay ku sugna ayeen koox da TPLF, sida Kasagita. Waxa kale oo uu sheegay inay la wareegi doon aan magaalooyin muhiim ah sida Jifra iyo Burqa oo ka tirsan degaanka Canfarta.

Waxa kale oo uu sheegay Ra'iisal wasaaruhu in maalmihii u dambeeyay ciidanka qaranka Itoobiya guulo la taaban karo gaareen, isla markaana halg anku uu sii soconayo ilaa kooxda TPLF laga saar ayo dhulka ay haystaan, waa siduu hadalka u dhig ay Ra'iisal wasaaruhu.

Abiyi Axmed ayaa Talaadadii hore waxa uu ball an qaaday inuu iska xaadirin doono furimaha dagaa lladu ka socdaan, isagoo Shalay markii u horeysay kasoo muuqday Warbaahinta Degaanka Oromiya ee OBN, isagoo xiran dirayska ciidanka milatariga Itoobiya.

Dagaallada ayaa wali halkoodii kasii socda, iya doo ay adag tahay in la helo xogo ka madax bana an qaybaha uu dagaalku ka dhaxeeyo, iyadoo dowl adduna ay digniin siisay warbaahintii ka waranta fur imaha dagaalladu ka socdaan, marka laga reebo warbaahinada ay dowladdu maamusho, oo iyaga un loo oggolaaday inay ka waramaan hadba

xaaladda uu marayo dagaalku.


Erdogan Iyo Bin Zayed Oo Heshiis Galay Ka Dib Sanado Loolan Iyo Xifaaltan Ah

Turkey iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya balaayiin doo lar, oo ay qeyb ka yihiin takno olajiyadda iyo tamarta kadib san ado ay xiisad siyaasadeed ka dha xeysay labada dal.

Heshiiska ayaa lagu saxii xay magaalada Ankara ka dib wada-hadallo ay yeesheen madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.

Booqashada Sheikh Mohammed ee Ankara, oo aheyd tii ugu horreysay muddo 10 sano ah, ayaa timid ayada oo 2da dal ay ka shaqeynayaan inay hagaajiyaan xiriirkooda, xilli ay jirto xasarad lacag oo ka taagan Turkey, ayada oo qiimaha lacagta Lira ay hoos u dhacday.

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday shirkadda horumarinta ee Abu Dhabi Development Holding (ADQ) iyo sanduuqa dhaqaalaha Turkey ee Turkish Wealth Fund (TVF) iyo sidoo kale xafiiska maal-gashiga ee madaxweynaha Turkey.

Heshiisyada ayaa astaan u ah in labada dal ay u jiheysteen iskaashi kadib sanado ay ku dagaalamayeen saameynta gobolka tan iyo markii uu kacdoonkii gu’ga Carabta qarxay toban sano kahor.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inuu wada-hadallo miro-dhal ah, oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal, la yeeshay Erdogan "Waxaan sugayaa inaan sahmino fursado iskaashi oo cusub oo u faa’iideeya labadeena dal, islamarkaana horumariya hadafyadeena horuma rineed,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Heshiiska labada dal ayaa ku kacaya 10 bilyan oo dollar oo Imaaraadka ay maal-gasho uga sameyna yaan Turkey.

Turkey oo xiisad ay kala dhaxeysay dalal badan oo ka mid ah kuwa Bariga Dhexe ayaa bilihii tegay bill owday dadaallo ay ku abuureyso xiriir wanaagsan, ayada oo wada-hadallo la furtay dalal ay ka mid yihiin Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka.



 

UNOPS 


 JOBS


Finance Senior Officer



Job categories Finance

Vacancy code VA/2021/B5001/22895

Level ICS-9

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station Mogadishu, Somalia

Contract type Fixed Term

Contract level P2

Duration One year initially, renewable subject to satisfactory performance and funding availability

Application period 26-Nov-2021 to 10-Dec-2021

 

Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.


Background Information - PSC


Peace and Security Cluster

 

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

Functional Responsibilities


Under the direct supervision of the Budget Manager. The incumbent is responsible for the following duties and responsibilities

1. Ensures Implementation of operational strategies and procedures:

·Full compliance with UN/UNOPS rules, regulations, and policies of financial activities, financial recording/reporting system and follow-up on audit recommendations; implementation of effective internal controls, proper functioning of a client-oriented financial resources management system.

·Continuous analysis and monitoring of the financial situation of the Project to ensure accurate reporting are provided to management for decision making.

·Ensure full compliance with the requirements of the UNOPS Financial Rules and Regulations in all financial transactions, recording, reporting, etc.

·Implements key aspects of budget preparation and management towards the achievement of the following:

·Coordination of the preparation of the field operating budget; review of budget submissions, regular analysis and reporting on the budget approvals and the delivery situation; monitoring of expenditures against budget allotments and reporting on variances.

·Identification of administrative budgetary requirements; provision of guidance on guidelines for budget preparation.

·Review and update of guidelines, procedures in light of changing circumstances or for the purpose of complying, streamlining and/or strengthening of existing financial and budgetary procedures

·Review, analysis and revision of data with respect to the finalization of cost estimates and budget proposals, in terms of staff and non-staff requirements submitted by project managers; review of budget proposals for reasonableness, consistency with the organizational goals and priorities.

·Monitoring of budget implementation, expenditure levels against allotments and determination/recommendation of reallocation of funds when necessary

·Status of budgetary allocations monitored on an ongoing basis; networking with clients to strengthen budget management and take corrective actions when required. Provision of information to supervisors and other UNOPS colleagues at HQ on the results of the investigation when satisfactory answers are not obtained.

·Collaboration in the improvement of the UNOPS Project Budget formulation system, with the cooperation of the Information Technology, ensuring relevance of system at all times by updating and proposing change to facilitate financial management of project and enhance financial reporting.

·Review and appropriate recommendations with respect to the finalization of budgetperformance reports, analysing variances between approved budgets and actual expenditures.

2. Cash management: provides review, contributions and support towards the achievement of the following:

·Organization and oversight of cash management processes, including liquidity management, recommendation of imprest level, risk assessment, bank relationship management, timely accounting and reconciliation of all transactions, security for cash assets on site.

·Timely review of cash position for local accounts to ensure sufficient funds on hand for disbursements; identification and recording of receipts for income application.

·Establishment of efficient local banking arrangements and compliance with local financial and banking regulations

·Building of project capacity to effect payments using ERP/OneUNOPS and/or Imprest Accounts.

·Monitoring of the delivery and income of the Fund

·Discussion and communication with the project support colleagues on the savings or potential concerns that may require further review.

3. Accounts and payments: Ensures and is accountable for key elements of the following:

·Analysis and elaboration of proposals for the internal expenditures’ control system which ensures that vouchers processed are matched and completed, transactions are correctly recorded and posted in ERP; invoices; travel claims and other entitlements are duly processed.

·Quality control of the ledger accounts by performing ongoing review, analysis and reconciliation of accounts.Review discrepancies and initiate timely corrective actions. Control of the Accounts Receivables for UNOPS projects and follow up with HQ on cash availability.

·Ensuring preparation of financial records, statements and reports as required or approval of the work of subordinates; coordination response to internal and external audit queries;

·Ensuring proper receipt, management, safeguarding and disbursement of payments handled by the field; review, modification, initiation and implementation of internal control procedures in coordination with Headquarters;

·Proper control of the supporting documents for payments; preparation of all types of vouchers; Pay Cycle and payments execution;

·Preparation of timely financial reports for submission to the funding agency in accordance with UNOPS rules, and in line with the established procedures;

·Monitoring of financial exception reports for unusual activities, transactions and investigation of anomalies or unusual transactions;

·Ensuring proper maintenance of the Accounts Receivables for UNOPS projects and follow-up with partners on contributions, deposits creation in ERP and their application to AR pending items.

4. Knowledge building and knowledge sharing.

·Organize, facilitate and/or deliver training and learning initiatives for personnel on Finance related topics.

·Contribute to Financial management knowledge networks and communities of practice by providing collaborative synthesis of lessons learnt and dissemination of best practices in financial management.

·Collect feedback, ideas, and internal knowledge about processes and best practices and utilize productively.

5. Team Management

·Facilitate the engagement and provision of high quality results and services of the team supervised through effective performance management, coaching, and promotion of learning and development.

·Provide oversight, ensuring compliance by team members with existing policies and best practices

Competencies


Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc...

 

Education/Experience/Language requirements


a)Education

·An Advanced University Degree (Masters' Degree or equivalent) with two years of relevant work experience;OR

·A First Level University Degree (Bachelor’s Degree or equivalent) with four years of relevant work experienceis required.

b)Experience

·Relevant experience is defined as experiencein Accounting, Finance, FinancialAnalysis, Budget, Budget Analysis, Business Administration, Public Administration or Economics.

·Experience in preparation of financial statements, financial reports or budget reports is required;

·Computer Literacy is required.

c)Language

·Fluency in English (spoken, reading and written) is required

Contract type, level and duration


Contract type:Fixed-term Staff Contract Contract level:P2/ICS 9 ...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS


UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful implementation of its partners’ peacebuilding, humanitarian and development projects around the world. Our mission is to help people build better lives and countries achieve sustainable development.

UNOPS areas of expertise cover infrastructure, procurement, project management, financial management and human resources.

Working with us

UNOPS offers short- and long-term work opportunities in diverse and challenging environments across the globe. We are looking for creative, results-focused professionals with skills in a range of disciplines.

Diversity

With over 4,000 UNOPS personnel and approximately 7,000 personnel recruited on behalf of UNOPS partners spread across 80 countries, our workforce represents a wide range of nationalities and cultures. We promote a balanced, diverse workforce — a strength that helps us better understand and address our partners’ needs, and continually strive to improve our gender balance through initiatives and policies that encourage recruitment of qualified female candidates.

Work life harmonization

UNOPS values its people and recognizes the importance of balancing professional and personal demands.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip