HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 25-KA NOV.2021-KA

0
Thursday November 25, 2021 - 08:47:47 in Wararka by
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 25-KA NOV.2021-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo faray Guddiy ada Doorashooyinka Puntland, Jubbaland iyo Hir shabelle in ay bilaabaan doorasho oyinka Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu bogaadinaayaa Guddiyada Doo rashooyinka heer Federal

Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashooyin ka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federa alka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Gudd iyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka, si doorashada loogu soo gabagabe eyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha waxa uu amr ayaa guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktob ar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

Hufnaanta Doorashada waxay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabadgelyo ah iyo in xilliga kala guurka ahi uu noqdo mid looga gudbo si xasiIlooni ah. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo sal dhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra’ iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa gudd iyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha XFS wa xa uu ka codasanayaa Madaxda Dowladaha Xu bnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay gudd iyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howl aha doorashada. ---DHAMMAAD----

Labadiikursi ee ugu horreeyay ee aqalka hoose oo lagu doortay Galmudug

Doorashadii ugu horreysay ee aqalka hoose ee deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Dhuu somareeb iyadoo la doortay labadii kursi ee ugu horreeyay.

Mahad Cabdalle Cawad oo muddo dheer ka mid ahaa barlamaanka Soomaaliya, ayaa mar kale ku guulaystay kursiga aqalka hoose, kadib markii uu helay 84 cod, halka Shukri Cali Faarax oo la tartamaysay aysan wax cod ah helin. Sidoo kale 17 cod ayaa xum aaday.

Kursiga labaad ee do orashada aqalka hoose ee Galmudug waxaa ku guulaystay Yuusuf Geelle Ugaas oo helay 82 cod, halka Cabdulqaadir Cabdullaahi oo la tart amayay uu helay 4 cod. 15 codna way xumdeen.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada aqalka ho ose, marka loo eego dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana dhinaca kale aad usii kordha ya saameynta ay doorashada aqalka hoose ku leeyihiin maamulada.

Dhammaan xildhibaanada hadda soo baxay ma jiro xildhibaan tartan adag u galay inuu kusoo baxo kursiga, waxayna u badan yihiin xildhibaan no dib ugusoo laabtay kuraastoodii.

Cabashada laga cabanayo boobka kuraasta ayaa sidoo kale kasoo yeeraysa magaalooyinka ay ka socoto diiwaan galinta doorashada, waxaana dowaladda lagu eedeeyay in ay faro galin ku hayso.

Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyay sida ay ku bilaawdeen Doorashooyinka Golaha Shacabka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Mid owga musharrixiinta ayaa sheegay in uu soo dha weynayo bilaabashada doorashada Golaha Sha cabka, balse uu walaac xoogan ka muujinayo habka ay ku bilaawdeen doorashooy inka Golaha Shacabka.

Qoraal gaar ah oo uu soo saaray Sh.Shariif ayuu ku sheegay in door ashada ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loogu talo galay muddo ku dhow sanad ayna u baahantahay dardargelin iyo in laga feeji gnaado dib u dhac ku yimaada mar kale wa khtiga loo qabtay dhamaystirkeeda.

"Waxaa dalka ka jira abaaro, nabad galyo xu mo, hoos u dhac dhaqaale oo baahsan, hubanti la’aan

iyo walaac siyaasadeed oo ay keentay dibu dhaca soo noqnoqday ee doorashooyinka, sidaa

awgeed waxaa lagama maarmaan ah in loo turo bulshada Soomaaliyeed ee dhibaataysan. In la

qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo xasilooni da, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay waddanka ayuu yiri” Sheekh Sharii.

Wuxuu walaac xiigan ka muujiyay sida ay u bil aabatay doorashada Golaha Shacabka, iaaga oo sheegay inay jiraan cabashooyin ku aadan hann aanka doorashada loo maamulayo, ayna keeni karto inuu muran ka dhaco natijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah furn aanta doorashada iyo

habraacyadi lagu heshiyay 17 Sep 2020 iyo 27 May 2021..

"Hadaba, waxaan u soojeedinayaa Golaha Wadatashiga Qaranka inay xalliyaan tabashooy inka soo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan caba shada iyo walaaca laga muujinayo hannaanka loo maamulayo doorashada”

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa ugu baa qay Guddiyada Doorashada heer Federaal, heer Dowlad goboleed iyo guddiga xallinta khila afaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habr aacyadii iyo hannaankii lagu heshiyay ee door ashada Golaha shacabka kana fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuqmaasuq, taa soo dhaawici karta natijada doorashada iyo gee di-dhiska dowladnimada.

Deni oo Magacaabay taliye kuxigeennada Booliska Nugaal & Bari

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Pun tland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne kuna saabsan magacaabid

taliye xigeennada qeybaha Booliska ee Gobollada Nugaal iyo Bari.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidoo da iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Puntland Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Nugaal

2. Waxaa G/dhexe Khaalid Axmed Cabdir axmaan loo magacaabay Taliye Xigeenka Qay bta Boliiska ee Gobolka Bari

3. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Mad axweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Tirada dadka ka barakacay abaarta ka jirta Soomaaliya oo sii kordhaysa.

Waxa sii kordhaya tirada dadka ka soo Bar akacaya abaarraha ku dhuftay gobollada Ko onfureed eegaaraya xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala daaf aha Muqdisho oo awalba duruufo nololeed oo adag ay ka jireen.Qoysaska cu sub ayaa ku biiraya boqollaalka kun ee dadka gudaha ku baracay ee ku nool xeryaha Muq disho.

Q/Midoobay ayaa sheegtay todobaadkan in 5.5 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin kaalmo, iyadoo tiradaasi ay gaari doonto sanadka dambe 7.7 milyan oo qof.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibr aahim Maxamad Aadan oo booqday xeryaha dad ka gudaha ku barakacay ayaa warbixintan ka soo diray.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka dha qaalaha ee ka dhacay Stanbuul

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo War shadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ay aa halkaas kaga qeyb-galay shirka 37aad ee ay iskugu yimaadaan Wasiirada Dhaqaalaha ee Ururka Iskaashi ga Wadamada Islaamka oo ay Soomaaliya na ka mid tahay.

Shirka oo uu guddoominaayey Madaxweyna ha, Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa khudb ad uu Wasiirku halkaas ka jeediyey, waxa uu ka ga hadlay saamayntii COVID-19 iyo sida muddo oyinkii dambe uu u soo kabanaayey dhaqaalaha Soomaaliya oo uu sheegay burbur iyo dagaalo sokeeye ka dib in uu Shalay meel wanaagsan maraayo dhaqaalaha dalku.

Wasiirku, wuxu sheegay inay Soomaaliya ka mid ahayd 36kii wadan ee ugu horreeyey ee sax eexay heshiiska uu ku dhisan yahay ururka Isk aashiga Wadamada Islaamka isla-mar-ahaantaa na ay wakhtigan Soomaaliya u diyaarsan tahay iskaashiga dhinaca ganacsiga maadaama ay lee dahay siyaasad cad oo ay ku waajahdo arrimaha ganacsiga aduunka sidoo kale na wakhtigan ay heshiisyo ganacsi oo meel wanaagsan maraaya ay la galayso wadamada Islaamka ugu waaweyn ee Turkiga iyo Indonesia.


Feysal Cali Waraabe: "Waan Joojinayaa Wa dahadallada Soomaaliya Iyo Somaliland”

FeysalWaraabe oo ah Guddoomiyaha Xisb iga Mucaarad ah ee Ucid, ayaa sheegay in in Wa dahadaladii muddada soo socday ee u dhe xeeyay Somaliland iyo Soomaaliya uu joojin doo no.Isaga iyo xubno kale ooka socda xisbiyada mucaaradka ee Somaliland oo ay hogaaminaya an madaxda xisbiyada, kuna sugan M/Nairobi ayaa waxaa ay halkaas u joogaan arrimo ku aaddan doora shooyinka Somaliland.

Faysal Cali waraabe oo ka mid ah madaxdaas ayaa BBC u sheegay in ujeedada ay u scdaan ay tahay sidii ay doorashada dabayaa qada sannadka dambe ka dhici doonta Somalila nd ugu raadin lahaayeen taageero farsamo iyo mid dhaqaale.

Faysal wuxuu kaloo BBC u sheegay in uu weli yahay musharrax mar kale u taagan tartanka ma daxtinimada Somaliland. Wxuu intaa ku daray inuu qorshaynayo in uu baarlamaanka hor geeyo in la joojiyo wadahadalladii u dhaxeeyey Somalia iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo khas aare mooyee aysan faa’iido ugu jirin.

Taliyaha Ciidanka Militariga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Difaaca Turkiga

Wasiirka Difaaca dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa M/ Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ku la kulmay taliyaha guud ee ciidamada Milliteriga Soomaaliya Sarreeye Guuto Odawa Yuusuf Raage.

Sareeye guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa dalka Turkiga ku tagay casuuma ad uu ka helay taliyaha gu ud ee ciidamada General Yasar Guler.

Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in iskaashiga siyaasadeed iyo kan mila teri ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid saaxiibtinimo iyo walaalnimo, welina uu sii kobcayo.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Ankara ay sii wadi doonto taageerada nooc kasta ah oo ay siiso shacabka Soomaaliyeed si loo xa qiijiyo in ay ku noolaadaan nabad iyo xasilooni.

Turkiga ayaa tababaro joogto ah u fidiya ciida mada qalabka sida ee Soomaaliya, waana dalka kaliya ee Soomaaliya dhinaca milatariga aad uga taageeray, xilli uu dalku aad ugu baahan yahay dhismaha ciidan qaran

Maamulka G/Hiiraan oo Saraakiisha AMISOM kala shiray Amniga doorashooyinka

Guddoomiyaha G/Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Gudoomiye ku Xigeenka Amniga gobalka Hiiraan Axmed C/hi Cusmaan Inji ayaa Shalay kulan la qaa tay Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku Sugan magaalada Beledweyne .

Kulanka ayaa waxaa

lagu gorfeeyey xaalada gu ud ee amniga iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa how laha amniga magaalada iyo sugida amniga goobaha Do orashooyinka lagu qaban doono ee magaalada Beledweyne.

”Maamulka gobalka Hiiiraan ee Dowlad Gob aleedka Hirshabelle waxuu Juhdi badan ku bix inayaa door-kiisa Maamul ee ka shaqeeynta amn iga iyo xasiloonida guud ee gobalka Hiiraan iyo adkeeynta amniga Goobaha Doorashooyinka aay ka dhacayaan ayaa lagu yiri” War kasoo bax ay Maamulka Gobolka Hiiraan.

M/Beledweyne ee G/ Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha sanadkaan loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shaca bka.

Muusikiistahii weynaa Jiim Sheekh Muumin oo Muqdisho ku geeriyooday

Waxaa Shalay magaalada Muqdisho ku geer iyooday allah u naxariistee Muxidiin Sheelh Muu min oo loo yaqiinay Jiim Sheekh Muumin, kaa soo mudooyin dam be xanuunsanaa sida warbaa hin ta u sheegen qaar ka mid ah ehelkiisa

Marxuum Jiim Sheekh Muumin ay aa ka mid ahaa shaqsiyaadka Soo maaliyeed ee aqoonta sare u lah aa garaacista Kabanka iyo Laxan ka.

Allah u naxariiste marxuumka waxa uu ku dha shay degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan sanadkii 1940-kii, waxaana la sheegay inuu fanka kuso biiray sanadkii 1964-kii.

Jiim Sheekh Muumin ayaa laxanka saari jiray Heesaha ay curiyaan Abwaanada ka hor inta aa nan loo dhiibin fanaanka ku luuqeynaya sida uu ku sheegay Wareysi uu horay u siiyay Warba ahinta.

Allah u naxariistee Heesaha uu laxanka saa ray Muxidiin Sheekh Muumin Jiim waxaa kamid ah (Wajiyaal is xasuusta) uu sida uu horay ugu sheegay wareysi uu bixiyay in riyaawadeeda lax an saarista ay ku qaadatay mudo 3 cisho ah.

Geerida marxuum Jiim Sheekh waxaa ka tac siyadeeyay madax kala duwan iyo shaqsiyaad Aqoon badan u lahaa marxuumka oo ay ka mid yahiin fanaaniinta iyo ehelkiisa.

Doorashada kursi ka mid ah Aqalka Hoose oo ka dhacday Muqdisho – Yaa kusoo baxay?

M/Muqdisho waxaa Shalay ka dhacday doo rashada kursi ka mid ah G/Shacabka BFS, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhanka gobollada waqooyi (Somaliland).

Kursigan oo tirsigiisa uu yahay Hop#272 ayaa waxaa ku tartamay illaa saddex musharrax oo kala ah Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar, Khad ra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Ax med, kuwaas oo marka hore codkoo da weydiistay ergada doorashada.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar ayaa ku soo baxay, wuxuuna helay 65 cod, Khadra Axmed ayaa heshay 25 cod, halka musharax Cabdiqani Maxamed uu isna helay 7 cod.

Kursigan oo uu Shalay ku guuleystay xil dhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan waxaa horay ugu fadhiyey Guuleed Ceydaruus oo 4-tii sano la soo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Guddiga maamulaya doorashada kuraasta go bollada waqooyi (Somaliland) oo natiijada ku dha waaqay ayaa sheegay in kuraasta kale ee har san la dardargelinayo doorashadooda, isla-mar kaana ay ka go’an tahay dhammeystirka xubna ha G/Shacabka Soomaaliya.

Waa kursigii 6aad oo doorashadiisa lagu qaba nayo gudaha Dugsiga Tababarka Booliska Soo maaliyeed ee General Kaahiye, waxaana Dorraad halkan lagu doortay shan xildhibaan, halka horey loogu doortay laba kursi oo uu mid ka mid ah ku soo baxay Mahdi Guuleed.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan ka socota gudaha dalka, iyada oo dhinaca kale ay walaac ka muujiyeen musharixiinta mucraad ka qaabta ay ku bilaabata doorashada. Si kastaba, Galmudug ayaa iyadana lagu wa daa inay Shalay qabato doorashada laba kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, taas oo ah natii jadeeda mid lasii ogyahay, waxaana loo saadaal inayaa musharax Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) iyo Mahad Cabdalle Cawad.

Madaxweynaha Puntland oo agaasime cus ub u magacaabay hay'adda nabad sugida Puntland ee PSF

Madaxweynaha Puntland Siciid C/hi Deni, aya a S/guuto Maxamed Amiin C/hi Xaaji Khayr u ma gacaabay agaasimaha hay’adda maamusha ciid danka PSF ee uu Maraykanku maalgaliyo.

Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr ayaa soo no qday taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA, sannadkii 2016, waxaana hadda loo magacaab ay mid kamid ah hay’addaha ugu saameynta ba dan dhinaca arrimaha amniga.

Hay’adda PSF, waxaa hadda maamulayay oo madax ka ah sarkaal lagu magacaabo Maxamu ud Cismaan C/hi Diyaano oo la dhashay Gen, Asad C/hi Diyano oo katirsan masuuliyiinta sare ee urur siyaasadeedka mucaaradka ah ee Mide eye. Gen. Asad Cismaan C/hi Diyaano oo xilkan soo hayay tan iyo sannadkii 2010, ayaa iska casi lay sannadkii 2018, kadib markii uu u tartamay xil ka madaxweynaha Puntland ee looga guulay stay.

Isaga laftiisu wuxuu xilkaan kala wareegay Aabihiis oo geeriyooday ka hor waqtiga uu xilka la wareegay, waxaana tan iyo markii la aas aasay hay’adda PSF ay ahayd mid maamul ayeen qoyska reer Cismaan Diya ano. Madaxweyne Deni & Gen.Asad waxay aha ayeen 2dii musharrax ee kama dambeysta ku tar tamay doorashada madaxweynaha Puntland, ee 2019. Tan iyo waqtigaas xiriir wanaagsan kama dhaxeeya labadan masuul.

PSF oo sharci darro ku tilmaamtay magac aabidda uu sameeyay madax weynaha Puntland

Hay’adda maamusha ciiddanka nabad sugida Puntland ee PSF ayaa sharci darro ku tilmaam tay degreeto uu madaxweynaha Puntland ku ma gacaabay agaasimaha cusub ee PSF.

Qoraal lagu daabacay barta facebook ee PSF ayaa lagu sheegay in go’aanka madaxweyne De ni uu baalmarsan yahay sharciyadda, xeerka ciid annimada iyo dhaqanka suuban.

"Si dhow ayaan u la soc onnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gur racan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta am nigiina,” ayaa lagu yiri qoraalka PSF.

Kadib markii ay soo baxday magacaabista cusub uu madaxweyne Deni sameeyay, ciiddamo katirsan kuwa PSf ayaa gudaha u galay M/ Boo saso, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigga ugu weyn ee farriisinka u ah saraakiisha ugu sarre ysa hay’adda.

Cabsi ayaa laga qabaa inuu isku dhac dhexm aro ciiddamo M/ Boosaso la geeyay iyo ciiddan ka PSF, sidoo kale, in ciiddanka PSF ay baneey aan furimaha ay kaga jiraan buuraha Calmadow ee Alshabab weerarada kasoo abaabulaan.

PSF, waa hay’ad madax bannaan, oo tan iyo markii la Aas-aasay ku dhawaad 15 sano ka hor, ma jirin madaxweyne Puntland soo maray oo soo magacaabay madaxda hay’addan.

Waxaa tan iyo markii la Aas-aasay xukumayay qoyska Gen. Asad Cismaan C/h Diyaano, oo Aabbahiis Cismaano Diyaano lagu tilmaami jiray

inuu ahaa Aas-aasihii hay'addan.


General Biixi: In AMISOM dusheenna ku go rgortanto, waa arrin ceeb ku ah dowladnim adeenna iyo Garaadada nagu taxan

Taliyaha ciiddanka lugta ee xoogga dalka So omaliyeed, General Maxamed Biixi ayaa she egay in aysan marna raalli ka ahaan doonin in AMISOM ku gorgortanto joogitaankeeda Soomaa liya, si loogu fuliyo danaheeda.

General Maxamed Biixi ayaa sheegay Sooma aliya in ay soo dhoweynayso cid kaste oo ka caa winaysa dagaalka cadowgeeda ay kula jirto, la akiin wuxuu sheegay in aanay marnaba u dulqaa dan doonin in AMISOM ku goodiso in ay dalka ka baxayso, haddii aan loo yeelin sida ay rabto.

"In korkayaga lagu gor gortamo oo wiilal Afrik aanka laga soo kaxeey ay,ay dusheenna ku go rgortamaan, an naguna aan isku mashquulsan nah ay, bal macnahee da dib u fiiriya,” ayuu yiri Gen. Biixi.

Gen. Biixi wuxuu sheegay Soomaalidu in ay iyagu halkaas is dhigeen, oo garan waayeen in ay isku tashadaan oo ay dowladnimadooda ilaa shadaan, kana dhiidhiyaan in askari dibadda loo ga keenay uu u taliyo.

"Nin korkiisa lagu gorgortamayo oo la leeyah ay haddii aadan siyaasad hebel ii oggolaan inaan soo faragaliyo ama aadan waxaas isiinin, dalkaa ga ka tegi maayo ama waan ka baxayaa, soo wa xaan garaadada u sidano bilaash ma ahan,” ay uu raaciyay hadalkiisa Gen Biixi.

Taliyaha ciiddanka lugta wuxuu sheegay in as kariga AMISOM uu bishii mushaar ahaan u qaato $1,400, oo ay u u dheer tahay daryeelkiisa iyo cunnadiisa gaarka ah, halka askariga Soomaaliy eed uu qaato lacag aad u yar.

Wasiir Duraan iyo safiirka Shiinaha oo kor meeray Xarunta laga hago diyaaradaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada JFS Md. Duraan Axmed Faarax iyo Saf iirka Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya ayaa Korm eeray Xarunta laga hago diyaaradaha Soomaali ya ee Garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde.

Sidoo kale, Wasiir Duraan iyo Safiir Shengchao waxaa kormeerka ku wehlinayay Shengchao, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal iyo Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin.Madaxda ayaa kormeerka kadib, kulan ay wada qaateen waxa uu safiirka Shiinuhu She egay in ay Dawladiisu garab taagan tahay Dawla dda Soomaliya,islamarkaana ka taageereyso hormarinta ilaha dhaqaale e dalka, oo ay Ka mid tahay W/Gaadiidka iyo Duulista Haw ada.

Wasiir Duraan aya uga mahadceliyey Safiirka Dawladda Shiinaha sida ay diyaar ugu yihiin taageerada shacabka iyo Dowladda Soo maaliya la garab taagan yihiin.

Puntland oo beenisay War kasoo baxay Xuku umadda Soomaaliya

Ka dib markii Hay’adda Qaran ee ka digista ha lis wadareedka ee hoostagta Wasaaradda Garg aarka, maareynta & musiibooyinka Xukuumadda Somalia ay shaac isay in Goboo katirsan Puntla nd ay kusoo wajahan tahay duufa an xoogan ay aa waxaa warkaasi be eniyay Maamulka Punt land. Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in waxba waxba kama jiraan ay tahay war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan duufaan ku soo wajahan Puntland.

Guddoomiyaha hay’adda Musiibooyinka Punt land ee HADMA Cabdullaahi Cabdiraxmaan Ax med (Ceerow) oo la hadlay Warbaahinta ka how lgasha degaannada Puntland ayaa sheegay in aysan garaneyn halka ay dowladda Soomaliya ka keentay warkaas oo ah mid aan waxba kajirin.

"Annagu ma hayno duufaantaas mana garana yno meesha ay ka keeneen, Waxaan idiin xaqiij inayaa in aysan waxba ka jirin wararkaas isla mar kaana aan hadda cabsi laga qabin duufaano” ayuu yiri Guddoomiye Ceerow.

Puntland ayaa dhowr jeer waxaa degaannad eeda ka dhacay duufaano xoogan oo dhibaato oyin kala duwan geystay, kuwaas oo qaarkood ay hora uga digtay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas oo weerar ku qaaday R/Was aare Rooble

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Ma xamed Cali Gaas ayaa eedeyn kulul u jeediyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo la xiriira geedi socodka door ashada Soomaaliya.

Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyey telefishinka Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble loo madax banaaneeyey howl aha doorashada, balse uu ka gaabiyey inuu si wanaagsan u maamulo.

"Waxaan rajeynayaa in Ra’iisul Wasaaraha loo madax baneeyey howsha doorashada, wax aadna moodaa dhankiisa inuu ka jiro xoogaa gaabis ah, in marba 5 kursi lasoo tuuro wax qaldan ayey ila tahay, waa in doorashada watigeeda la gu qabto lana dadajiyo,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Cabdweli Gaas ayaa sheegay inaysan jirin marmarsiiyo dib ay ugu sii dhici ka rto doorasha da Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kaliya u muuqato in sababta loo daahinayo doorashada ay tahay inaan la qaban dorasho xor & xalaal ah.

"Ma jiro marmarsiiyo muuqda oo hor istaagi karo in doorashada waqtigeeda lagu qabto, arri nta dhaqaalaha waxaa aaminsanahay inay ku fil an tahay midda laga qaado dadka u tartamayo kuraasta, waxaana loo istcmaali karaa amniga doorashooyinka iyo shaqooyinka kale, mana ga ran karo aniga waxa illaa hadda ay doorashada la jiitameyso oo aan ka aheyn inaan la rabin doo rasho xor iyo xalaal ah,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan kaliya laheyn eedda doorashada balse ay sidoo kale leeyihiin madaxda maamul Goboleedyada oo ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu weyn ee doorashada.

Mar wax laga waydiyey in madaxweynaha Maam ulka Puntland Saciid Deni uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ay uu sheegay inuusan arrintaan weli ka maqlin afkiisa.

"Madaxweynaha Puntland haddii uu tartama yo xaq ayuu u leeyahay waa nin Soomaali ah, weli ma maqlin isagoo ku dhawaaqaya inuu mu sharax yahay, taas waqtigeeda ayaan u deyney naa, laakiin mas’uuliyadda doorashada inta bad an waxay saaran tahay madaxda maamulada iya ga ayaana la rabay inay dardar geliyaan,” ayuu yiri Gaas.

Hadalka kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa ku soo aadaya xilli ay billaabatay doorashada Xil dhibaanada Golaha Shacabka inkastoo ay jirto walaac laga qabo waqtiga ay kusoo dhammaan karto.

DowladdaSomalia oo dowladda Zambia kala hadleysa Soomaali la xir xiray

Dabayaaqadii Bishii la soo dhaafay ee Octoo ber aya Ciidamada Booliska dalka Zambia wax aa ay bilaabeen inay xir xir aan dadka Sooma alida ah, waxaana walaac xoogan ka muujiyay dowladda Soomaa liya, iyada oo arrintaasi kala hadleysa dowladda Zambia.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wa daa in Xubno ka socda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia inay tagaan magaalada Ndola, halkaas oo ah Goobta ay Ciidamada Booliska Zambia howlgalka ka sameeyeen, isla markaana Soomaali farabadan ku xir xireen.

War kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia ayaa waxaa lagu yiri” Waxaan wa da hadalo kala sameyney dawlada Zambia iyo heydaha kale oo ey quseysey, gaar ahaan waa xda socdaalka iyo Hay’adda Q/Midoob ay u qaab ilsan Qaxootiga Soomaalida la xir xiray.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaal iya ee dalka Zambia ayaa waxaa ay sheegeen in ay Shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan shirarkii is daba jooga ahaa oo ay la yeesheen madaxda heyadaha Q/Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, waxayna Soomaalida kunool Magaalada Ndola ugu baaqeen inay xog badan ka siiyaan sida ay wax u dhaceen iyo saameynta ay ku yeelatay.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Bishii la soo dhaafay ee Octoober War ay soo saartay waxaa ay walaac uga muujisay xariga safmarka ah ee loo geystay Soomaalida ku nool dalka Zambia, iyada oo sheegtay in si deg deg ah loo xalinayo.

Mas’uulkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku dhawaaqay in uu ku biirayo dagaalka Itoobiya

Injineer Maxamed Shaale Isxaaq oo ah madaxa xisbiga haya talada Itoobiya ee u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in uu ku biirayo jiidda dagaalka xilli qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeybgalayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray.

"Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Max amed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook, xisbiga Prosperity Party.

Waa mas’uulkii ugu horreeyay ee Soom aali ah ee sheega in uu ka qeyb galayo dagaalka Itoobiya, balse ay jiraan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad degaanka Soomaalida oo ka qyeb galay dagaalka ka socda Itoobiya.

Ciidamada Booliska Itoobiya ayaa tod obaadyo ka hor sheegay in howlgal ay KA same eyeen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya ay kusoo qabteen Soomaali la Shaqee yneysay Kooxda TPLF.

Tallaabadaan mas’uulka Soomaaliga ah uu ku sheegay in uu ku biirayo dagaalka Itoobiya ayaa kusoo aadeysa xilli Orodyahanka caanka ah ee ka qeybgalay tartanka olimbikada ee add uunka ee u dhashay dalka Itoobiya Haile Gebrs elassie uu shaaciyay in uu tegayo jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada jabhad da ka dagaallanta gobolka Tigray.

Gaadiid loogu talagalay inay ka howlgalaan xuduudaha oo lagu wareejiyay Hay’adda Socdaalka.

Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda Md. Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cab dul) ayaa Hey’adda Socdaalka Q/ Midoobay (IOM) kala wareegay Gaad iid loogu talagalay inay ka howlgalaan xuduudaha Da lka. Gaadiidkaan oo ku qal abey san qalabka Isgaarsiinta ay aa si toos ah u gu xirmi kara isgaarsiinta Xarunta dhexe ee Hey’ adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo guud ahaan xarumaha Laamaha ay hey’addu ku leed ahay gobolada dalka. Madaxa howlaha Hey’adda IOM ee Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Agaasim aha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda So omaaliya.

Ugu dambeyn agaasimaha ayaa uga Mahad celiyay hey’adda IOM wadashaqeynta dhow ay la leeyihiin Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taa gan yihiin.

Afar qof oo Soomaali ah oo qaraxyo wata oo lagu qabtay hotel uu Yoweri Museveni…

Booliska Uganda oo wada howlgallo kadib qar axyadii 7baad ka hor ka dhacay dalkaas, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo Soomaali ah oo walxo qarxo keenay hotel lagu wado inuu 7aadkan booqdo madaxweyne Yoweri Museveni.

Afhayeenka booliska Fred Enanga ayaa she egay in walxha qarxa lagu qab tay baaris lagu sameeyey baa buur yaallay hotel-ka Speke Munyonyo.

"Kooxda wada-jirka ah ee ka hortagga argagi xisanimada waxay gacanta ku hayaan afar qof Soomaali ah,” waxaa sidaas yiri Enanga oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Hotelkan caanka ah, oo horey u marti-geliyey kulan madaxeedyo, ayaa lagu wadaa in Khamii sta berri ah lagu qabto kulanka golaha wasiirada, oo uu guddoominayo madaxweyne Yoweri Mus eveni.

Booliska ma shaacin magacyada Soomaalida la xiray. Booliska Uganda ayaa adkeeyey amniga dalkaas toddobaadyadii tegay kadib markii Uganda ay wajahday weeraro dhowr ah oo dhim asho leh, oo uu ku jiro weerar is-miidaamin ah oo dhacay toddobaadkii tegay, kaasi oo ay sheega tay kooxda Daacish.

2-da qarax oo isku xigay ayaa dhacay daqii qado gudahood, waxaana fuliyey laba qof oo is-miidaamiyey, oo watay mootada loo yaqaan "bod a boda”, ayaga oo beegsaday meel u dhow sal dhigga booliska iyo xarunta baarlamanka ee mag aalada Kampala.

Qaraxyada ayaa daba socday laba qarax oo dhacay bishii tagtay – mid lala beegsaday bas marayey meel u dhow Kampala oo ay dhowr qof ku dhaawacmeen, iyo mid ka dhacay maqaayad ku taalla caasimadda oo haweeney ay ku geer iyootay.

Booliska ayaa bishii tagtay sheegay in labada qarax ay fuliyeen dagaal-yahanada kooxda ADF.

Uganda ayaa sidoo kale ADF ku eedeysay qarax la fashiliyey oo bishii August lala beegsan lahaa tacsida Jeneraal lagu naaneysi jiray "Libaaxa Mu qdisho,” oo Al-Shabaab kula dagaalamay Muqdi sho. Kooxda aadka looga cabsado ee ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taraiikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Jamhu uriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Kaniisa dda Katooliga ee Congo ayaa sheegtay in ADF ay dileen qiyaasti 6,000 oo qof tan iyo 2013.

Ra’iisal wasaare Abiyi Axmed oo shaqadii Xafiiskiisa ku wareejiyey ku xigeenkiisa Demeke Mokonnen

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in talada dalka Itoobiya uu siihaynayo Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mokonnen, maadaama Abiyi Axmed uu hoggaa minayo ciidamada qaranka Itoobiya ee dagaalka kula jira TPLF.

Warkan oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Itoobiya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in bu lshadu qayb ka noqdaan baaqii dowladda, isla markaana sii dar dar galiyaan la dagaalanka TPLF.

Demeke Mokonnen ayaa ah ninka talo ahaan kusoo xiga Abiyi Axmed, waa Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, ahna Wa siirka arrimaha dibadda ee Ito obiya, wakhti xaadirkana wax aa uu si ku meel gaar ah usii haynayaa talada dalka Itoobiya, iyo shaqooyinkii Abiyi Axmed.

Dagaalada ka soconaya qaybo kamid ah dega annada Axmaarada, Canfarta iyo Oromada ee dalka Itoobiya ayaa maalinba maalinka xigta sii xoogaysanaya, iyadoo dowladduna ay sheegana yso guulo waawayn, halka kooxaha hubaysan ee TPLF iyo OLA ay sheeganayaan war kaa kaduw an iyo inay kusoo siqayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Dalalka reer galbeedka ayaa intooda badan muwaadiniintooda uga digay inay tagaan dalka Itoobiya, iyagoo kuwa ku sugan gudaha Itoobiy ana ku amray inay isaga soo baxaan Itoobiya, maadaama aan la isku halayn karin amniga dalk aasi, oo ay marba marka xigta dagaalladu sii xo ogay-sanayaan.

Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay waxay hawlgalisay Ciidamada Fadaraal Booliska, oo ah ciidan loogu talagalay sugidda amniga magaaloo yinka, iyadoo maalinimadii Dorraadna uu Ra'iisal wasaaraha Itoobiya uu go'aansaday inuu hoggaa miyo Ciidamada Qaranka Itoobiya, kuwaas oo da gaal ba'an kula jira kooxaha isbahaystay ee TPLF iyo OLA.

Dalka Itoobiya ayaa intiisa kale iska deggan, marka laga reebo goobaha ay dagaalladu ka so cdaan, sidoo kale magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa deggan, shaqooyink una ay sidoodii u socdaan.

Amaanka Magaalada Adis-Ababa Oo Si Weyn Loo Adkeeyay

Iyadoo ay weli socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada Jabhadda Tigreega TPLF iyo ciidama da Itoobiya, ayaa la sheegayaa in Ciidamada D/ Itoobiya ay sameyeen dhaqdhaqaaqyo lagu adk eeynaayo Ammaanka M/ Addisababa ee Caas imadda Itoob iya.

Ciidamada Itoobiya ayaa fadhiisi mo cusub ka sameeystay degaan no aan ka fogeen Caasimadda si looga hortago weerarro kaga yimaado maleeshi yaadka falaagada ah ee TPLF.

Jabhadda TPLF, ayaaisbahaysi la samaysa tay kooxo kale oo ay ka mid yihiin Jabhadda Xor aynta Oromada iyo maleeshiyaad kale oo ka dagaalama deegaano ku xeeran magaalada Add is Ababa. jabhadda Tigray-ga ayaa 7aad kan ku dhawaaqday inay gacanta ku dhig een deegaan ka Shewa Rubet oo 220-km dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Addisab aba, taas oo dowladdu aanay wali ka hadlin.

biy Axmed Oo Gaaray Furumaha Dagaalka Ka Socda Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u ambabaxay furumaha dagaalka si uu u hogaamiyo dagaalka ciidamada dowlada ay kula jiraan ururka TPLF.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Demeke Meko nnen Hassen ayaa la war eegi doona shaqada caadiga ah ee dowladda marka uu maqan yahay Abiy, sida ay sheegtay warbaahinta Fana.

Afhayeenka xukuumadda Legesse Tulu ayaa shir jaraa’id ku faah faahiyay xil wareejinta qaar ka mid ah shaqooyinka caadiga ah, warbixinta Fana ayaa lagu yiri.

Abiy ayaa goor dambe oo isniin ah ku dhawaa qay inuu qorsheynayo inuu si shaqsi ah u hago dagaalka ka dhanka ah ciidamada Tigrayga iyo xulafadooda.

"Aan ku kulano dagaalka,” ayuu qoray "waqt igii waxaa la gaaray waqtigii aan dalka ku hoga amin lahayn naf hurnimo.”

Bishii hore ayay ciidamada Tigreega iyo xulaf adooda ku hanjabeen inay socod ku mari doon aan caasimadda Addis Ababa, Waxa kale oo ay si ba’an ugu dagaalameen sidii ay isugu dayi lah aayeen in ay gooyaan marinka gaadiidka ee isku xidhaya Itoobiya oo aan bad lahayn iyo dekedda ugu weyn gobolka ee Jabuuti.

Talaadadii, ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Jeffrey Feltman ayaa sheegay in milatariga Itoob iya iyo maleeshiyaadka gobolka ay u suurtaga shay in ay hakiyaan isku daygii Tigrayga ee ahaa in la gooyo marinka laakiin ciidamada Tigreega ay u suurtagashay in ay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed ee Addis.

Tobanaan kun oo qof ayaa lagu qiyaasaa in la dilay boqolaal kun oo kalena lagu riixay xaalad macaluul ah tan iyo bishii November ee sannad kii hore markaasoo ra’iisul wasaaruhu amar ku bi xiyay in dagaal millatari lagu qaado kooxda Tigr ay People’s Liberation Front (TPLF), oo toban aan sano ka hor Abiy ka talinaysay dawladda dhexe.

Ciidamada Tigreega ayaa sii wada in ay ku sii siqaan magaalada Addis Ababa, iyaga oo she egay in ay gacanta ku hayaan magaalada Shewa Robit oo 220km (136 miles) waqooyi bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta waxaana la xad diday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka inay adagtahay in la xaqiijiyo.

Hadalka Abiy ayaa sare u qaaday qorista ciid amada qalabka sida ee go’doonsan.

Mid ka mid ah orodyahanada caanka ah ee masaafada – marathon-ka iyo biladda qalinka ah ee Olombikada Feyisa Lelisa – ayaa ku biiray ku mannaan Itoobiyaan caadi ah oo doonaya inay raacaan hoggaanka Abiy.

Sidoo kale Haile Gebreselassie, oo ah orod yahanada caalamka ee dhinaca maaratoonka ugu caansan ayaa xaqiijiyay inuu dagaalka ge layo. Quwadaha aduunka ayaa qeylo dhaan ka muujiyey kororka millatari ee keeni kara in la joojiyo dadaallada lagu doonayo in xabad joojinta lagu sameeyo, iyadoo fallaagada ay ku andac oonayaan inay ku sii wajahan yihiin caasimadda Addis Ababa, dowlado shisheeyena ay muwaa diniintooda u sheegaan inay isaga baxaan.

QARAXA KA DHACAY MUQDISHO

Qaraxa oo Saakay Aroornimadii waxaa uu ka dhacay M/ Muqdisho wararka ayaa sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka Dug siga sare ee Ban aadir jugtiisa looga maqlay degmooyin ka tir san G/Banaadir

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa kaas oo lagu dhuftay mid kamid ah Gaadii dka qufulan ee Ciidamada AMISOM, wuxuuna geys tay khasaaro farabadan iyadoo halka qarax ka dhacay ay ahyed mid saxmad badan sida war arku sheegayaan hase yeeshee wali warfa ahfaa hsan laga hayo. Qasaaraha Inta uu la eg yahay

 


HOP#67 IYO NISA: MAXAA LAGA OGYAHAY KURSIGA AY ISKU HAYSTAAN YASIN FAREY IYO TUURYARE?


Waxaa Shalay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho ka dhacay doo rashada xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saartay xil dhibaannadii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka iya goo sheegay in doorashadaasi ay tahay sidii ay ku bila abatay.

Dhanka kale se waxaa soo baxaya cabasho ay qabaan qaar ka mid ah odayaasha deegaan doorashada kuraastooda ay ka dhacayso magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo sheegaya in ergo aan sax ahayn la xaraynayo kuwii reerkana laga tegay.

Waxaa odayaashaas ka mid ah Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jeesto) oo sheegay inuu yahay odaygii rasmiga ahaa ee kursiga uu tirsigu yahay HOP#67, wax uu ka ogyahayna aanay jirin ergada joogta magaalada Dhuusamareeb, isa gana laga hor istaagay inuu magaaladaas tago.

Qalabka doorashada

Kursiga doodda dhaliyey muxuu yahay?

Dood ayaa ka dhalatay tallaabo ay guddiga doorash ada ay waqradaha aqoonsiga diiwaangelinta ku gudd oonsiiyeen taliyaha hay'adda nabad sugidda iyo sirdo onka qaranka, Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo loo yaqaanno Yaasiin Fareey, arrintaas oo lagu tilmaamay mid hareer marsan habr aacii doorashada.

Musharraxiinta war saxaafadeedka soo saaray iyo siyaasiyiin kaleba waxay si gaar ah caro uga muujiyeen go'aankaas, iyagoo sheegay in xeerka la isku og yahay uu ahaa mid dhigaya in sarkaal xil haya aan loo oggolaanin doorashada ilaa uu iska casilo saddex isbuuc ka hor waqtigaas.

Guddiga doorashada ayaase sheegay in qodobkaas ay ku saxan yihiin, habraacuna uusan cidna ka reebeynin doorashada.

"Doorashadan waa doorasho dadban, waxaana u aasaas ah heshiis iyo is afgarad siyaasadeed. Madashii wadatashiga qaranka shirkii ugu dambeeyay ee ay magaalada muqdisho ku yeesheen waxaa laga soo saaray habraaca lagu dhaqayo doorashada, habraacaasi ma sheegayo oo ma xaddidayo muwaadin ka Soomaaliyeed ee xilal haya - ama xil dowladeed ama xil ciidan - inuu iska soo casilo kursiga uu hayo.

"Doorashadii Aqalka Sare waxaa ka qayb galay safiirro, qaarkoodna ay ku guuleysteen ama ku guul darreysteen, imikana waxaa u sharraxan saraakiil ciidan iyo safiirro, habraacaasina ma dhigayo inay isasoo casilaan 7 maalmood ka hor," ayuu yiri afhayeenka gud diga doorashada ee guud.

8 arrimaad oo ku saabsan Hayadda NISA ee xuddunta u noqotay khilaafka siyaasadeed Su'aalaha ku gedaaman kiiska Ikraan Tahliil Afar guddi oo arrimo saameyn lahaa loo magacaabay oo warko oda aan dib loo maqlin

Boqor Cabdullaahi Geedii iyo qaar ka mid ah musharaxiinta kursigaas

Yaa ka mid ah dadka kursigaas cabashada ka muujiyey Xulista ergada kurs igaas ayaa durba dhalisay muran badan iyadoo dhinacyo kala duwan, qolaba iskeed u sheegaynayso in ay xaq u lahaayeen in ay soo xulaan ergadaas.

Nabadoon Cali Xasan oo ku magac dheer Cali Jeesto ayaa BBC-da u sheegay in uu isagu yahay qofka xaqa u leh soo xulista ergada kursiga 67.

"Waxaan ahay nabaddoon beelaha .. oo lagu metelo tirsigiisu yahay 67 oo deegaan doorashadiisu tahay dhuusamareeb, waxaana lagu wargeliyey kursigi in la soo dhejiyey, waxaanu u istaagnay sidii doorasho hufan aanu u qaban lahayn.

"Akhyaartii iyo intii talo ku lahayd oo dhan ayaan is wacnay waxaanu diyaar inay ergadeedii, annaga oo hawsheedii ku jirna ayaa ergo kale iyo rag ciidamo ah oo is wataa meeshii tageenn anagana in aan tagno ciriiri aa nalagaga gel iyey, intaasaan ka cabanaynaa oo kursigaas saxiixihiisii anigu aaan ahay."

Dhanka kale afhayeenka doorashada dadban ee Soomaaliya, Axmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay in ergada kursigaas 67 uu soo xulay Boqor Ca bdullaahi Geedi Shadoor oo ah odayga guud ee reerkaasi iyo nabadoonno kale oo la socday, kuwaas oo uusan ku jiran Nabadoon Cali Xasan Cali (Cali Jee sto).

Waxaana sida oo kale baraha bulshada laga arkayey sawirrada Boqor Cabd ullaahi Geeddi oo ay la joogaan qaar ka mid ah musharraxiinta kursigaas ku tar tamayey. Waxaana dadkaas ka mid ahaa Yaasiin Farey oo ah ninka musharr axnimadiisa uu muranka ugu badani ku gedaaman yahay.

Qoraalka Codka,

Taliyaha NISA, Yaasiin fareey ayaa loo diiwaangeliyay doorashada isagoo weli xilka haya Musharrixiinta isku haysa kursigaas Kursigan waxaa muranka ugu culusi dhex yaallaa laba masuul oo midna hadda ka tirsan yahay Haayadda NISA midna hore uga tirsanaa haayaaddaas.

Kuwaas oo kala ah Taliyihii hore ee Haayada Nabad sugida (NISA) Janaraal Abdirahman Tuuryare iyo ku simaha taliyaha NISA ee hadda, Gaashaanle Sare Yaasin Cabdullaahi Fareey.

Waxaa se iyana jira musharrixiin kale oo kursigan hunguraynaya oo raba in ay ku tartamaan oo gaadhaya ilaa iyo shan, waxaana ka mid ah:

Murashax Cabdiraxman Axmed Cumar (cabdi barre) Murashax Cismaan Xas san (Ow-gaab) Musharrax Cali Caraaye Cosoble (Gacmaduule) Musharrax Max amed Cali Culusoow iyo rag kale oo aan weli magacyadooda shaacin Kursigan ayaa ka mid ahaa shanta kursi ee ay Galmudug sheegtay in ay ku bilaabayso doorashada, waxaana illaa hadda la doortay laba, wuxuuna ka mid noqon doon aa saddexda dhiman.

Kursigan waxa hore ugu fadhiyey Caddow Cali Geesay, oo isagu hadda iskaga hadhay tartankaan.

Maalmaha soo aaddan ayaa la filayaa in la doorto, inkasta oo durba shakiga hadheeyey kaas oo u muuqdo mid aan si fuduf ku xallismayn.

Dhawr musharrax ayaana xilli horeba sii qaatay shahaadadii ay tartanka kur sigaan ku geli lahaayeen. XIGASHO:BBC/SOMALI.COM


RA’IISUL WASAARAHA CUSUB EE SWEDEN AYAA IS CASILAY 7 SAAC KADIB MARKII AY DHACDAY DOWLADDII DHEXE


Go’aankeeda ah in ay xilka ka degto ayaa daba socday dhacdooyin is daba joog ah oo keenay in miisaaniyadeeda ay ku guuldareysato in ay soo marto baa rlamaanka ka hor inta uusan xisbiga da’da yar ee Miljöpartiet ku dhawaaqin in uu ka baxayo xukuumadda wadaagga ah.

"Waxaa jirta dhaqan dastuuri ah oo ah in dowlad wadaag ah ay iscasisho marka hal xisbi uu ka tago,” Andersson, oo ah xisbiga Sooshal dimuqraadiga, ayaa u sheegay suxufiyiinta.

"Ma doonayo inaan hogaamiyo dowlad sharcinimadeeda su’aalo la iska wey diin doono.”

Magdalena Andersson waxa ay sheegtay in ay rajaynayso in mar kale loo doorto jagadan dhawaan iyada oo ah madaxa dawlada laga tirada badan yahay oo ka kooban xisbiga Socialdemokraterna oo kaliya.

Qalalaasaha arbacadii ayaa bilaabmay markii xisbiga Center-ku uu la noqday tageeradii uu u hayay miisaaniyada Andersson, sababo la xidhiidha tanaasul aadkii loo sameeyay Bidixda. Taasi waxay ka dhigan tahay in miisaaniyadda Ra’iisul wasaaraha cusub aysan haysan codad ku filan oo uu ku meel mariyo baarlamaanka.

Sharci-dajiyayaasha ayaa taa beddelkeeda ansixiyay miisaaniyad kale oo ay soo bandhigeen mucaaradka Moderaterna, Christian Democrats iyo Sverigede mokraterna midig-fog.

Miisaaniyada mucaaradka ee garabka midig – oo ay si wadajir ah uga wadah adleen xisbiyada Konserfatifka iyo Christian Democrats – ayaa ku guuleystey 154 cod halka 143 cod ay heleen.

Dhaawaca dilaaga ah ayaa yimid markii hogaamiyaha xisbiga Greens Per Bolund uu sheegay in xisbigiisu uusan u dulqaadan karin mucaaradka "miis aaniyadda taariikhiga ah, oo loo diyaariyey markii ugu horeysay ee midigta fog”, oo uu ka tago dowladda. Greens ayaa ku gacan saydhay miisaaniyada la ans ixiyay, iyaga oo ku tilmaamay "kala duwanaanshaha dadka, goynta miisaaniya da deegaanka, iyo kordhinta qiiqa”, iyaga oo tixraacaya miisaaniyada cusub ee la dhimay batroolka iyo canshuurta naaftada – dhimista 50 öre litirkii laga bilaabo May 1st 2022.

Bolund waxa uu shir jaraa’id ku sheegay in aysan ahayn hadafka xisbiga Milj öpartiet in uu fuliyo miisaaniyad uu ka gorgortamayo xisbiga Sverigedemokra terna, iyo in aysan ku dhex fadhiisan karin dowlad miisaaniyad ay Sweden ka gorgortami karto.

Andersson ayaa loo qorsheeyay in ay si rasmi ah u qabato shaqadeeda jimc aha ka dib markii ay kulan la qaadatay Boqorka Carl XVI Gustaf, ka dib markii uu baarlamaanka ku ansixiyay cod gaar ah subaxnimadii Arbacada.

Af hayeenka baarlamaanka Andreas Norlen ayaa sheegay in uu aqbalay iscasilaada Andersson uuna la xiriiri doono madaxda xisbiga ka hor inta uusan go’aansanin Khamiista sida uu u socdo.

Tallaabooyinka saxda ah ee waxa dhici doona gabi ahaanba ma cadda.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa sheegay in ay Magdalena Andersson ku taageeri doonaan ra’iisul wasaare kale haddii ay taasi dhacdo. Tani waxay la macno noqon kartaa in Andersson uu ugu dambeyntii noqon doono ra’iisul wasaare si kastaba ha ahaatee, haddii midkoodna xisbigu uusan bedelin mowqifkooda ku aaddan taageerada dalabkeeda.

Xeerarka codeynta miisaaniyada iyo codka ra’iisul wasaaraha ayaa wax yar ku kala duwan Sweden. Codeynta miisaaniyada, soo jeedinta ugu badan ee haa ayaa ku guulaysata. Codeynta ra’iisul wasaaraha, murashaxa ayaa ku guuleysanaya mar haddii aqlabiyadda aysan u codeynin iyaga.

Tani waxay la macno tahay in Andersson aanu uga baahnayn wax ka badan xisbiga Center-ka marka loo eego diidmadii uu ku diiday ra’iisal wasaaraha lab aad – tani waxay ku filnaan doontaa inay ka dhigto ra’iisul wasaare, waase had dii xisbiga Vänsterpartiet iyo Miljöpartiet ay sidoo kale ka aamusaan ama u codeeyaan iyada. doono.

Shalay ayaa waxaa ku beegan 100 saano markii aay dhumarka Dhulwe ynaha Sweden heleen in aay codeeyaan codkooda dhiibtan Laakin

Shalay waxa la doortay Ra’iisul wasaaraha Magdalena Andersson oo noqotay Haweneydi ugu horeysay oo noqoto Ra’iisul wasaaraha dalka Sweden kana tirsaan xisbiga Sooshal dimuqraadiga




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip