Booliska oo shaaciyay khasaaraha qaraxa ka dhacay Muqdisho

0
Thursday November 25, 2021 - 09:11:09 in Wararka by
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo shaaciyay khasaaraha qaraxa ka dhacay Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxa gaari ee Maanta ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir oo ku dhow Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim ee dehmada Hodan.

Qaraxa oo ka dhacay meel aan ka fogeyn Dugsi sare Banaadir ayaa khasaare gaarsiiyay ardeyda iyo macallimiinta Iskuulka Mucaasir oo goobta ka dhaw, iyo dad kale oo shacab ah.

 

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Fitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in qaraxa lala damacsanaa gaadiid ka mid ah kuwa ilaaliya UN-ka oo goobta marayey, isla markaana ay ku dhinteen 8-ruux halka 17 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

"25-11-2021 abaaro 07:32hrs waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore ee Iskuulka Mocaasir oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sare Banaadir


Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah”

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen Saraakiil Cadaan ah iyo tababarayaal Millateri




  • Leave a comment

      Tip

      Tip

      Tip

      Tip

      Tip