Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid noqday Golaha Shacabka

0
Wednesday November 24, 2021 - 14:57:14 in Wararka by
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid noqday Golaha Shacabka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dhuusamareeb-KNN:Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo dhowaan iska casilay Senatar Aqalka Sare ah, ayaa ku guuleystay in uu kamid noqdo xildhibaanada Golaha Shacabka, ka dib Doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareb.

Doorashadan oo ay coddeynayeen Ergo tiradoodu aheyd 101, Yuusuf Dhagey waxaa uu helay 82 Cod halka musharixii la tartamay ee Cabduqaadir Cumar uu helay 4, waxaana halowday 15 cod.

Maanta magaalada Dhuusamareeb waxaa lagu doortay laba xildhibaan oo kamid noqanaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo kala ah Mahad Cabdalla Cawad iyo Yuusuf Dhagey.

Guddigu waxaa ay sheegeen in maalmaha soo socdo la qaban doono kuraas kale oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip