Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyay sida ay ku bilaawdeen Doorashooyinka Golaha Shacabka

0
Wednesday November 24, 2021 - 16:42:46 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyay sida ay ku bilaawdeen Doorashooyinka Golaha Shacabka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna guddoomiyaha Midowga musharrixiinta ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo bilaabashada doorashada Golaha Shacabka, balse uu walaac xoogan ka muujinayo habka ay ku bilaawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

Qoraal gaar ah oo uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku sheegay in doorashada ay ka dib dhacday waqtigii dastuuriga ahaa ee loogu talo galay muddo ku dhow sanad ayna u baahantahay dardargelin iyo in laga feejignaado dib u dhac ku yimaada mar kale wakhtiga loo qabtay dhamaystirkeeda.

 

” Waxaa dalka ka jira abaaro, nabad galyo xumo, hoos u dhac dhaqaale oo baahsan, hubanti la’aan


iyo walaac siyaasadeed oo ay keentay dibu dhaca soo noqnoqday ee doorashooyinka, sidaa
awgeed waxaa lagama maarmaan ah in loo turo bulshada Soomaaliyeed ee dhibaataysan. In la
qabto doorasho hufan, daahfuran oo heshiis lagu yahay waxay fure u tahay nabadda iyo
xasiloonida, wadajirka dalka, horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda abaaraha aafeeyay
waddanka ayuu yiri” Sheekh Sharii.

Wuxuu walaac xiigan ka muujiyay sida ay u bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iaaga oo sheegay inay jiraan cabashooyin ku aadan hannaanka doorashada loo maamulayo, ayna keeni karto inuu muran ka dhaco natijada doorashada Golaha Shacabka haddaan la ilaalin daah furnaanta doorashada iyo
habraacyadi lagu heshiyay 17 Sep 2020 iyo 27 May 2021..

” Hadaba, waxaan u soojeedinayaa Golaha Wadatashiga Qaranka inay xalliyaan tabashooyinka soo if-baxaya oo ay wax ka qabtaan cabashada iyo walaaca laga muujinayo hannaanka loo maamulayo doorashada”

Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Guddiyada Doorashada heer Federaal, heer Dowlad
Goboleed iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashada inay dhaqan-geliyaan habraacyadii iyo
hannaankii lagu heshiyay ee doorashada Golaha shacabka kana fogaadaan wax walba oo keeni kara eex iyo musuqmaasuq, taasoo dhaawici karta natijada doorashada iyo geedi-dhiska dowladnimada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip