Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo shaqadii Xafiiskiisa ku wareejiyey ku xigeenkiisa Demeke Mokonnen

0
Wednesday November 24, 2021 - 14:25:15 in Wararka by
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed oo shaqadii Xafiiskiisa ku wareejiyey ku xigeenkiisa Demeke Mokonnen

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in talada dalka Itoobiya uu siihaynayo Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mokonnen, maadaama Abiyi Axmed uu hoggaaminayo ciidamada qaranka Itoobiya ee dagaalka kula jira TPLF.
Warkan oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Itoobiya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in bulshadu qayb ka noqdaan baaqii dowladda, isla markaana sii dar dar galiyaan la dagaalanka TPLF.


Demeke Mokonnen ayaa ah ninka talo ahaan kusoo xiga Abiyi Axmed, waa Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya, ahna Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, wakhti xaadirkana waxaa uu si ku meel gaar ah usii haynayaa talada dalka Itoobiya, iyo shaqooyinkii Abiyi Axmed.

Dagaalada ka soconaya qaybo kamid ah degaannada Axmaarada, Canfarta iyo Oromada ee dalka Itoobiya ayaa maalinba maalinka xigta sii xoogaysanaya, iyadoo dowladduna ay sheeganayso guulo waawayn, halka kooxaha hubaysan ee TPLF iyo OLA ay sheeganayaan war kaa kaduwan iyo inay kusoo siqayaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Dalalka reer galbeedka ayaa intooda badan muwaadiniintooda uga digay inay tagaan dalka Itoobiya, iyagoo kuwa ku sugan gudaha Itoobiyana ku amray inay isaga soo baxaan Itoobiya, maadaama aan la isku halayn karin amniga dalkaasi, oo ay marba marka xigta dagaalladu sii xoogay-sanayaan.

Itoobiya ayaa maalmihii u dambeeyay waxay hawlgalisay Ciidamada Fadaraal Booliska, oo ah ciidan loogu talagalay sugidda amniga magaalooyinka, iyadoo maalinimadii shalayna uu Ra'iisal wasaaraha Itoobiya uu go'aansaday inuu hoggaamiyo Ciidamada Qaranka Itoobiya, kuwaas oo dagaal ba'an kula jira kooxaha isbahaystay ee TPLF iyo OLA.

Dalka Itoobiya ayaa intiisa kale iska deggan, marka laga reebo goobaha ay dagaalladu ka socdaan, sidoo kale magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa deggan, shaqooyinkuna ay sidoodii u socdaan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip