Gaadiid loogu talagalay inay ka howlgalaan xuduudaha oo lagu wareejiyay Hay'adda Socdaalka.

0
Wednesday November 24, 2021 - 15:04:41 in Wararka by
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaadiid loogu talagalay inay ka howlgalaan xuduudaha oo lagu wareejiyay Hay'adda Socdaalka.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Muqdisho:-Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jisniyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Hey’adda Socdaalka Qaramada Midoobay (IOM) kala wareegay Gaadiid loogu talagalay in ay ka howlgalaan xuduudaha Dalka.

Gaadiidkaan oo ku qalabeysan qalabka Isgaarsiinta ayaa si toos ah ugu xirmi kara isgaarsiinta Xarunta dhexe ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo guud ahaan xarumaha Laamaha ay hey’addu ku leedahay gobolada dalka. Madaxa howlaha Hey’adda IOM ee Soomaaliya ayaa ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn agaasimaha ayaa uga Mahad celiyay hey’adda IOM wadashaqeynta dhow ay la leeyihiin Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip