Mahad Cabdalle Cawad oo dib loo doortay iyo arrin yaab-leh oo dhacday (Warbixin)

0
Wednesday November 24, 2021 - 13:30:08 in Wararka by
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Cabdalle Cawad oo dib loo doortay iyo arrin yaab-leh oo dhacday (Warbixin)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad ayaa markale dib loogu doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

 

Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid horay loo sii ogaa, maadaama Cawad uu isagu keensaday gabadha la tartantay.

Ergada ka qeyb-gashay doorashada ayaa gaareysa illaa 101 ergo ah, waxaana 84 ka mid ah ay u codeeyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle.

Arrinta la yaabka leh ee ka dhacday doorashada maanta lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa ah in aysan wax cod ah helin Shukri Cali Faarax, iyada oo ay halaabeen codad gaaraya illaa 17 cod, sida uu shaaciyey guddiga maamulaya kuraasta doorashada ee Galmudug.

Dad badan ayey lama filaan ku noqotay natiijada la shaaciyey, waxaana ay su’aallo ka keeneen, sida ay ku dhacday in Shukri Cali aysan helin cod, iyada oo ay khasaareen ku dhowaad 20 cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay ee doorashadaasi.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa kursiga labaad oo isna loo saadaalinayo musharax Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo dhowaan iska soo casilay xubinimadii horay loogu doortay ee Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka.

Arrimahan ayaa uga sii daraya, walaaca iyo shakiga la muujinayo qaabka ay ku socota doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo haatan ah mid billow ah.

Si kastaba, Midowga musharixiinta oo si dhow ula socda doorashadan ayaa ku goodiyey inay gabi ahaan qaadici doonaan doorashooyinka, haddii la sixin khaladaadka jira.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip