Mucjisaadka, Qur'aanka, Rasuulka CSW, Asaxaabta, iyo Aragtida Islaamka.

0
Monday November 22, 2021 - 13:41:44 in Wararka by
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucjisaadka, Qur'aanka, Rasuulka CSW, Asaxaabta, iyo Aragtida Islaamka.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

1. Quraanshadu waa mid ka mid ah, kuwa ugu yar yar Noolaha Alla Abuuray, hore ayaa qur’aanka naloogu sheegay Qisadeeda si aan u ogaano Awooda iyo Xikmadda Alla Siiyay. Suurad Qur’aanka ahna waa loogu magac daray.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in Quraanshadu Miraha ey keydsato si ey u cunto wakhtiga Jiilaalka ey mid kasta Labo u kala jabiso iyada oo ka ilaalinee in marka Godka ey ku keydisay uu ku dhax qoyo ama Gudku uu qoyanyahay oo ey Miruhu soo dhashaan eyna isku bedelaan Geed eyna cuni karin.
 
laakin waxaa la ogaaday Mira loogu yaqaan Afka Engriska "Coriander Seed” Carabigana "Xabatul Al kazbara” (F.S: 1&2aad )in ey u kala jabiso 4 Qeeybood, Sababtuna ey tahay haddii miraha "Coriander” Laba qeyb oo kaliya loo kala jabiyo in ey soo dhalanayaan waa sida ey uga duwan yihiin Miraha kale. Allaah ayaa siiyay Garaadka ey ku ogaatay in Miraha qaar Labo loo kala jabiyo Qaarna loo baahan yahay in 4 loo kala jabiyo si eyna u soo dhalan.
 
2. Lacagta "Pension-ka” ee la siiyo Dadka Howl gabka ah, marka ey duqoobaan, ma ahan mid uu bilabaay Dalka Mareykanku ama Reer Galbeedku, sida Dadka qaar loogu sheegay.
Sayidinaa Cumar Bin khidaab RC, ayaa isaga oo marayo Suuqa Magaalada Madiino waxa uu arkay Nin Duq ah oo aad u liito oo Tuugsanayo. Sayid Cumar ayaa ku yiri: Maxaad eheyd? waxa uu Ninkii yiri: waxaan ahay Nin Yuhuud ah, Ma shaqeysan karo, waxa aan Tuugsiga ku helo, Qeyb waxaan isaga Bixiyaa Lacagta ” Juziyada” ee laga qaado Dadka aan Muslimiinta aheyn, inta kalena waxaan siinayaa Caruurteeyda.
 
Sayid Cumar, Ninkii ayuu Gurigiisa geeyay Cunto ayuu siiyay. Kadibna waxa uu u yeeray, Khasnajigii "Beytul Maalka” Muslimiinta. waxa uu yiri: Ninkaan iyo kuwa la midka ah hala siiyo Lacag Bil kasta joogto ah oo ku filan isaga iyo Caruurtiisa inta uu Noolyahay, mar dambana yaan laga qaadin Cashuurta "Juziyada” . waxa uuna Sayid Cumar yiri: Hadalkiisii Caanka ahaa: ( Ma ahan Qofka, Marka uu dhalinyarada ahaa in aan ka qaadno "Juziyada” markii uu duqoobana aan Dayacno).


 
(Somaliya meeqo ayaa ah shaqaale Dowladeed ama mid gaar ah oo Marka uu xoogga leeyahay, Mushaarkiisa laga Cashuuraa, Marka uu duqoobana la dayacaa). in la daryeelo Qofkii Shaqo howl gab ku noqdo, Islaamkaa Bilabay ee maku dhaqanaa?. Reer Galbeedkana waa looga horeeyay.
 
3. TV-ga "National Geography” ayaa sheegay in Baaritaan Cilmiya oo ey Sameeysay Heyadda Hawada Sare ee Mareykanka NASA ey Sannadkii 2014tii ey ogaatay in Biriqda ama Danabku uu Dhulka soo gaaro Kadibna uu Sare u noqdo il biriqsi Guduhii. waxa ey isticmaaleen kalmadda "the Blink of an Eye” .
 
Xadiithka Rasuulkeena laga Soo wariyay 1400 Sanno ka hor, Rasuulkeena Muxamed CSW waxa uu yiri: ( Miyaadan Arkina sida Biriqdu u soo dhecee, Dibna ugu Noqonee il Biriqsi Gudihii). waxa uu u isticmaalay kalmadda noqoshada ” Darfatu Ceeynin”.
( الم تروا إلى البرق كيف يمر ويرجع في طرفة العين)
( F.S: 3, 4, 5 & 6aad)
Haddaba Gaaladu yeeyna Cilmi cusub oo ey soo saareen 2014, Nooga dhigin, Cilmi Rasuulkeenii Suubanaa uu si faahfaahsan noogu sheegay Qarniyaal ka hor.
La soco, Qeybta kale ee Mucjisaadka Qur’aanka iyo Axaadiithtii Rasuulka.
 
Qore:Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip