Galmudug oo beenisay eedeyn uga timid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
Sunday April 24, 2016 - 19:22:34 in Wararka by
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galmudug oo beenisay eedeyn uga timid dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Galgaduud oo ku dhow xuduuda Itoobiya, iyagoo ku eedeeyay dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya inay dhibaatooyin u geysteen dad rayid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Galgaduud oo ku dhow xuduuda Itoobiya, iyagoo ku eedeeyay dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya inay dhibaatooyin u geysteen dad rayid ah.

Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Ciise Taar-dhuleed ayaa ku eedeeyay Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Itoobiya inay dhibaatooyin ka geysteen deegaano ay maamusho Galmudug, isla markaana ay barakiciyeen dadka deegaanka.

"Ciidamada Liyuu Boolis dhibaato badan ayay u geysteen dadka, barakac iyo anfariir ayay deegaano hoos yimaada Galmudug ayay ka geysteen, dadka sidaas sameeyay maanta waxay ku hadlayaan warar aan xaqiiqda ku saleysneyn oo Soomaalinimada iyo bani’aadanimada ku habooneyn”ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug oo la hadlayay Idaacada BBC-da.

Waxaa uu beeniyay eedeymaha ka soo yeeray dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ahaa in Maleeshiyo Galmudug iyo Al-Shabaab oo wadajir ah ay dhinaca Itoobiya u soo gudbeen, dad shacabna dhibaato u geysteen

"Galmudug iyo Al-Shabaab waxa ka dhaxeeyay Caalamka waa ogyahay, Itoobiyana waa ogtahay, warka ninkaas ku hadlay war suuq leh ma ahan, war gadmayana ma ahan, dad shacab ah in la laayo, xoolahooda la qaato wax Soomaalinimada iyo derisnimada ka turjumaya ma ahan”ayuu yiri Cismaan Ciise Taar-Dhuleed.

Dagaaladii shalay ka dhacay deegaanka Dac-dheer iyo mir-cowleed oo ka tirsan Galgaduud, kuna dhow xuduuda Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 10-ruux, waxaana la soo sheegayaa in lagu laayay dad rayid ah oo ay caruur ku jiraan, halka guryo badan lagu gubay, laguna boobay hanti ay dadka deegaanka lahaayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip