HALKAAN KA AKHRISO WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO ISNIIN 22-KA NOV. 2021-KA AH

0
Monday November 22, 2021 - 08:21:25 in Wararka by
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO ISNIIN 22-KA NOV. 2021-KA AH

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Farmaajo Oo Macalimiinta Bareyaasha Soomaaliyeed Ugu Hambal yeeyey Maalinta Macallinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Far maajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada

Soomaaliyeed ugu hamb alyeeyey Maalinta Macal linka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.Madaxweynaha aya a xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku so omaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u ba dbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliy eed, una soosaaraan jiilal ku gaashaaman wa xbarasho tayo leh taas oo aasaas u ah horum arinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdn imada Soomaaliyeed.

"Waxaan munaasabadda Maalinta Maca llinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u dira yaa dhammaan bareyaasha Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka joogtada ahaa ee ay ku bixiyeen Waxbarashada xilli ay san jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaq aysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahida waxbarasho.”

D/F/Soomaaliya waxa ay 4-tii sano ee la soo dhaafay dadaal ku bixisay tayaynta waxba rashada iyo dib u habeynta nidaamka waxbar ashada dalka, iyada oo la hirgeliyey Manhaj iyo imtixaan Qaran oo mideysan, korna loo qa aday miisaaniyadda waxbarasha dalka.

Weriye Cabdicasiis Afrika oo Shalay si he er qaran ah loogu aasay Muqdisho

Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee M/MMuqdisho ayaa lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Gu uleed "Afrika” oo Habeen hore ay Al-Shabaab ku dile en qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdic asiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuha daa ee Madaxtooyada, waxaana Dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo da dweyne badan.

Intaas ka dib ayaa waxaa loo galbiyey Qar uuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee M/Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxarii stee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxaa markale lagula dukaday agagaarka Qubuuraha Isbitaalka xoogo halka as oo ay janaasadda kula dukadeen, Qaraabo iyo asxaab u badan bahda saxaafada oo uu ka tirsanaa marxuumka.

Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha cadde) oo kamid ah Ehellada Marxuum Cabd icasiis Afrika ayaa ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaanay, isaga oo sheegay in uu ahaa Nin howlkar ah oo Qaranka si wanaagsan ugu soo Shaqeeyay.

Sidoo kale Yuusuf Indhacadde ayaa sheeg ay in Al-Shabaab qofkasta uu dil ugu xukuman yahay, isla markaana Al-Shabaab kaliya ay ta hay in la iska celiyo haddii kale wuxuu sheegay inay dadka dhan u qarxinaaan sida Afrika oo kale. Dhammaan Madaxdii iyo Bah da Saxaafad da ee ka qeyb galay Aaska Mar xuum Cabdi casiis Afrika ayaa waxaa ay u ta csiyadeeyeen qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa, iy aga oo sheeg ay in uu ahaa mid Bulshadiisa iyo Qarankiisa sidii la rabay ugu adeegay.

Alshabaab oo sheegtay masuuliyada dilka Cabdicaisis Afrika, sheegayna in ay ugu aargudeen 

Xasan Xanafi

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuul iyadda dilka agaasimihii Radio Muqdisho, Ca bdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo Xalay lagu qaarijiyay weerar ism iidaamin ah oo ka dhacay degmada Boon dheere ee gobolka Banaa dir.

Weerarkaas ayaa si doo kale, waxaa ku dha awacmay agaasimihii telefi shinka qaranka So omaaliyeed Sharmaarke Maxamed Warsame oo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac cul us.

Bayaan lagu daabacay warbaahinta faafisa wararka Alshabaab, ayaa lagu sheegay dilka Cabdicasiis Afrika in loogu aarguday rag ba dan oo katirsanaa Alshabaab, oo uu kamid ya hay Xasan Xanafi.

Alshabaab waxay sheegeen in weerarkaas uu ahaa camiliyad ishtish-haadi ah, waxayna xuseen in ay muddo dheer ku raad joogeen si dii ay mar uun u soo afjari lahayen nolashisa.

Alshabaab waxay si cad ugu goodiyeen in ay bartilmaameedsan doonaan cid kasta oo wax ka sheegta nidaamkooda.

Guddiga baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo soo saaray natiijo hordhac ah

Guddigii baarayey kiiska Ikraan Tahliil Faa rax, oo ah gabar ka tirsan NISA oo la la’yahay tan iyo June 26 2021, ayaa Xalay soo saaray natiijo horudhac oo ay sheegeen inay ka soo baxday baaritaankooda.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Je neraal Cabdullaahi Kameey oo ka mid ah gu ddiga ayaa sheegay inay baareen xubno ay ka mid yihiin taliyihii hore ee NISA Fahad

 

Yaasiin, taliyaha NISA ee iminka Yaasiin

 

Farey, Cabdullaahi Kulane, Asma Yuusuf iyo Cabdiqani Wadna Qabad oo ka tirsan NISA.

Gen Kameey ayaa sheegay in hay’adda NISA ay si hufan ula shaqeeyeen inta ay wadeen ba arista Kiiska Ikraan Tahliil.

"Intii ana baarista kiiska ku guda jirnay gud diga uma soo bixin wax cadeyn ah haba yaraa tee oo muujinaya in maqanad Ikraan Tahliil Fa arax ay ku maqan tahay gacanta gacmaha sar aakiisha hay'adda NISA," ayuu yiri Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Gu ud ee Ciidamada Qalabka ayaa dhanka kale sheegay in guddiga baarista kiiska Ikraan ay hay'adda NISA u soo gudbisay qoraal sheega ya in Ikraan ay afduubteen Al-shabaab ka dib-na ay dileen.

Jen. Kameey ayaa sheegay in guddiga ay baaristooda kasoo baxday inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalad Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta NISA. Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey ayaa si doo kale sheegay in ay booqdeen xafiiska hay' adda nabad-sugidda iyo sirdonka qaranka ayna dib u eegeen kamarooyiinka amaanka ee CCTV loo yaqaano.

Waxa uu intaas ku daray in Guddiga uu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay dileen Al-Shabaab, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan wax shaqo ah ku laheyn dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu hor eysay la waayay ilaa 26 bishii June Sanadkan, balse Muddo ka dib ayaa qoraal ay soo saartay hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Alshabaab Afduubteen ka dib-na ay dileen.

Warkan ka soo baxay xeer ilaaliyaha ciid amada qalabka sida ayaa ku soo beegmaya xilli ay Shalay soo saareen musharaxiin ka tir san golaha shacabka in loo boobayo kursigo oda taliyaha kumeelgaarka ah ee NISA Yaas iin Fareey.

Kulan Looga Hadlaayay Amniga Magaalada Muqdisho Oo La Qabtay

Wasiirka Aminga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxa med Nuur ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Xarunta Taliska guud ee Ciidanka Boo liska Gobolka Banaa dir.

Kulanka ayaa wa xaa sigaar ah diirada loo gu saaray xoojinta amniga Muqdisho iyo ho wl galadii ugu dambeeyay ee Ciidanka Boolis ka dowladda ay ka sameeyeen degmooyinka Go bolka Banaadir, laguna soo qabtay boqol aal qof oo waday falal amni darro.

Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nu ur ayaa sheegay in muhiim ay tahay xoojinta amniga Caasimadda dalka, isla markaana ka hortego falalka amni darro ee xiliyada qaark ood dhaca, kuwaasi oo qaarkood ay geystaan burcad hubeysan oo dadka ka qaata Tele foonada gacanta.

Wasiirka ayaa Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir ka dalbaday in lasii dardar-geliyo sugida amniga Magaalada, magaalada lagu jiro xili doorasho, wuxuuna horey Wasiirka u sheegay inay soc daan qorsheyaal lagu tayeynayo Ciidanka Boo liska.

Ciidanka Booliska dowladda ayaa habeen adii lasoo dhaafay degmooyinka Gobolka ka waday howlgalo lagu soo qabtay boqolaal dha llinyaro oo ay ku jireen kuwo falal amni darro waday, sidoo kalena Ciidanka Booliska ay gacanta ku dhigeen waxyaabo qarxa.

Si kastaba, kulankaan Amni ee qabsoomay uu na Shir Guddoominayey Wasiirka Aminga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo aad ay, iyada oo Habeen hore Muqdisho uu ka dhacay qar ax Is-miidaamin ah oo lagu dilay Wariye Cab dicaiis Maxamuud Guuleed Afrika, isla markaa na uu ku dhaawacmay Agaasimaha TV-ga Qaranka Sharmaake Maxamed Warsame


Rooble oo qaabilay Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xu seen Rooble ayaa qaabilay wafdi uu hog gaaminayo Agaas ime Goboleedka dalalka Car abta ee UNFPA Lu’ay Shabaana oo ay ka wa da hadleen dadaalada dowladda ee sameynta tirakoob dadweyne ka hor doorashada 2025.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in DFS ay ka go’an tahay hirgalinta tirkoobka isagoo ku dhiirigaliyay Hay’adda Istaatiistikada Qaran ka in ay hormuud u noqoto xaqiijnta hadafkaas muhiimka u ah horumarka qaranka.

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Kuraasta Golaha Shacabka Ee Galmudug Oo Bilaabatay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Shalay bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta kuraasta ugu ho rreeysa ee doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ee laga soo door to Galmu dug.

Guddiga doorashada ayaa diiwaan-geliyay Musharaxii u gu horre eyay oo ah Yuusuf Ge elle Ugaas oo u sharaxan kursiga tirsigiisu yah ay HOP026, waxaana Yuusuf Geelle la siiyay Shahaadada Musharaxtinimada.

Guddiga ayaa Musharaxiinta kale ee ku raas tooda maalmo kahor lasoo saaray ka dalbaday Inay is diiwaan-geliyaan, si ay uga qeyb ga laan tartanka doorashada kuraasta ugu horrey sa ee Golaha Shacabka ee Gal mudug.

Yuusuf Geelle Ugaas ayaa dhawaan iska Casilay xubnimada Golaha Aqalka Sare ee Ba arlamaanka Federaalka oo mar kale bishii Ogo osto ee sanadkaan 2021 loo doortay inuu Sen ator noqdo, balse Is Casilay, una soo wareeg ay Golaha Shacabka.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wa daa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasim adda Galmudug ka dhacdo doorashada kur aasta ugu horreysa ee Golaha Shacabka, wa xaana socota diiwaan-gelinta Musharaxiinta oo bilaabatay

Puntland oo xukun dil ah ku riday labo ka mid ah Shabaabkii weeraray xabsiga Boos aaso

Maxkamadda ciiddamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa Shalay xukun dil ah ku riday labo nin oo katirsan ururka Alshabaab oo ka qe yb qaatay weerarkii bishii ma rch ee sanadkan lagu qaad ay xabsiga magaalada Boo saaso.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Max amuud Cabdirixiin Cabduqaadir Xifdiye iyo Ma xamed Cismaan Madey Cismaan ayay max ka maddu sheegtay in ay askar ku laayeen intii uu socday weerarkii ay kusoo qaadeen xabs iga Bosaso.

Xukumayaasha oo maxkamadda ka hadlay ayaa qirtay in ay kamid ahaayeen Alshabaab iyo guutadii loosoo diray in ay xabsiga, balse waxay ku andacoodeen in aanay ka qeyb qaa dan weerarka xabsiga.

Guddoomiyaha maxkamadda gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee eedeysanaya asha lagu riday. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay maxkamaddu siisay racfaan bil ah, oo ay isaga difaacaan xukunka lagu riday.

Raggan xukunka lagu riday waxay qeyb ka ahaayeen rag katirsan Alshabaab oo gacanta lagusoo dhigay saacaddo kadib weerarka xab siga, waxaa lagu soo qabtay howlgal ciiddan ku kaga daba tagayeen dableydii xabsiga wee rartay iyo maxaabiistii fakatay.

Hanti-dhowaraha oo shaaciyey warbixinta baaritaanka maaliyadda laamaha dawladda federaalka

Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka Soom aaliya Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ay aa soo saraay warbixin sannadeedka ku saab san baaritaanka maaliyadda laamaha dawlad da Soomaaliya.

Warbixinahan ayaa ka koo ban kuwo ka ha dlaya dhaq aalaha soo galay dawladda Soom aaliya dibedda iyo guda ha iyo sida loo maa mulay, ga ar ahaan wasaaradaha iyo qaybaha kala duwan.

Sidoo kale waxaa ku jirta warbxiin si gaar ah diiradda u saaraysa kharashaadkii ku ba xay la dagaalanka cudurka COVID-19 iyo sida loo maamulay.

Waxaa markii ugu horraysay uu hanti-dhow ruhu baaritaan ku sameeyey hannanaka loo bi xiyo shatiyada kalluumaysiga Soomaaliya iyo mamaulka dakhliga kasoo xarooda.

Ugu horrayn waxa uu sheegay in uu baadhi taan uu ku sameeyey san nadkan 25 hay’ado od oo kuwa daw ladda ah iyo saddex safaara dood.

Hanti-dhowraha qaranka waxa uu ku sheeg ay warbixintiisa in miisaaniyadda sannadkii 20 20-ka ay ahayd $685 milyan, inta baaritaanka lagu samayeeyeyna ay ahayd $287.8 milyan.

Waxa uu sheegay in kharashaadka hay’adaha as kala duwan ee aan loo hayn dokumentiyo muujinaya sida loo maamulay ay yihiin $9.1 Milyan.

Waxa uu sheegay in kaharashaadkaas in taas dhan aysan wax caddaymo ah u haynin si da ay ku baxeen 22 ka mid ah hay’adaha uu baaritaanka ku sameeyey xafiiska hanti dhow rka.

Hanti-dhoworaha ayaa intaas ku daray in qa ndaraasyada ay bixiyeen hay’adaha dawladda ee aan laga diiwanagelin xafiiska hanti-dhow raha ay ku fadhiyaan dhaqaale dhan $31 Mily an oo dollar.

Waxaa sidoo kale uu sheegay inuu baarta ankiisa ku ogaaday jiritaanka akoonno ay ade egsadaan qaar ka mid ah hay’adaha dawladda oo ka baxsan qasnadda dhexe ee dawladda. Waxa uu sheegay in lacag dhan $17 milyan oo dollar oo taageero dibadeed ah aan lasoo mar siinin qasnadda dhexe ee dawladda.

Waxa uuu sheegay in safaarada iyo xafiis yada ay Soomaaliya ku leedahay waddama da dibedda ay sannadkaas qabteen dakhli dhan $278,000 lacagtaas oo aan lagu darin war bixinada maaliyayeed ee ay soo gudbiy een.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in maamul go boleedyada iyo gobolka Banaadir aysan soo gudbin macluumaadka sida ay u kharash gare eyeen $78 milyan oo ay ka heleen dawladda federaalka.

Hanti-dhworraha Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayey baaritaanka uu ku sameeyey sida loo maamulay lacagaha COVID-19 ayaa sheegay inay dawladda soo gashay lacag ka badan $51 Milyan oo gudaha yo diebdda ah.

Waxa uu sheegay in $3.9 milyan oo ka mid ah lacagtaas oo la siiyey maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lasoo gudbin cadd aymo muuujinaya sidii ay ku baxeen.

Waxa uu intaas ku daray inuusan jirin qor she hufan oo nidaaminayey jawaabta dawlad du ka bixisay la dagaalanka cudurka COVID-19. Waxa uu sheegay in lagu guuldarraystay in la diyaariyo xarumo karantiil iyo kuwa dadka lagu daweeyo oo ku filan inkastoo sida uu she egay la hayey dhaqaalihii ku bixi lahaa.

Ugu dambayn waxa uu sheegay hanti-dho wraha inuu baaritaan ku sameeyey nidaamka loo bixiyo kharashka kasoo xarooda shatiyada kalluumaysiga Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ugu horrayn aysan jirin shuruuc lagu maam ulo waaxda kalluumaysiga.

Waxa uu sheegay in dakhliga ay ahayd inuu soo xaroodo uu yahay $56 milyan kaasoo ay ahayd in laga qaado maraakiibta ka kalluu ma ysta xeebaha Soomaaliya. Waxa uu shee gay inaysan jirin kormeer iyo la socod maraak iibta ka kalluumaysanaysa xeebaha Somaliya.

Musharaxiin Ku Eedeysay Madaxweynaha Galmudug Inuu Boobayo Kursiga #HOP067

Musharaxiin ku bahoobay Kursiga Xildhib aan #HOP067 ayaa warsaxaafadeed ka soo baxay waxay ku sheegeen inay ka war heleen in Madaxweynaha Galmudug uu kursigaas u boobayo Sar kaal ka tirsan Nabadsugida, isla markaana ergo aan beesha aheyn si qaldan lagu soo xul ay, arri nkaas oo baalmarsan hannaanka doorashada ee la gu heshiiyay 17 September 2020 iyo He shiiskii 27 May 2021.

Sidoo kale Musharaxiintan ayaa diiday mud ada labada maalmood ee loo qabtay inay isku diiwaan geliyaan, iyadoo aysan diyaar aheyn Guddigii soo xuli lahaa Ergada wax dooran laheyn.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeed ay soo saareen Musharaxiintan.


Al-Shabab oo ‘hub badan ka qaatay’ saldhi gga ciidanka Maamulka JUBBALAND

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Ho ose ayaa sheegaya in Habeen hore dagaal u dhex eeyey xoogaga Al-Shab aab iyo ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland uu ka dhacay degmada Dho obley oo ku taalla ko onfurta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar culus oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Nabad Sugida Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka cul-culus.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegey in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu socd ay muddo saacado ah, isla-markaana ay maq layeen dhawaqa rasaasta.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan wa xa ay shaacisay inay ku burburisay saldhigga uu dagaalka ka dhacay, isla-markaana ay hub fara badan ka qaateen dagaalyahanadeeda.

Sidoo kale warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka iyo dagaalka xi gay ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Jubbaland, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland iyo maamulka Dhoobley oo la xiriira dagaalk aasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa Shalay kacsan, waxaana ciidamada Jubbaland oo kaashanaya kuwa Xo ogga dalka ay haatan howl-gallo ka wadaan Dhoobley oo dhacda xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan we eraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada sal dhigyada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMI SOM ee ku yaalla gudaha dalka

Puntland Oo Dib U Dejin U Sameeysay Dad kii Laga Soo Masaafuriyey Somaliland

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Shalay waxaa ay dib u dejin u sameeysay dadkii dh awaan Somaliland kasoo masaafurisay Maga alada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaasi oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaa liya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Dadka lasoo masaafur iyey oo muddooyinkii dam be ku sugnaa degaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa Maamulka uu dib u dejin ugu sameeyay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhan ka Puntland.

Dadkaan oo isugu jiray Haween, Carruur, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa la dejiyay dul ma amulka leeyahay oo ku yaalla degaanka jeex din ee duleedka Gaalkacyo, waxaana dadka degaankaas lagu geeyay gaadiid lagu daa bulay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa horey u ballan qaaday inay dib u dejin u sameynaya an dadkii laga soo masaafuriyey Laascaano od, iyagoona dadka horey u siiyay gargaar isu gu jiray cunto iyo hoy ay degaan,.

Si kastaba Somaliland ayaa Magaalada La ascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo ra aftay boqolaal qof oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool, kuwaasi oo ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen dilal ka dhacay Laascaanood.

Saddex QOF oo haraad iyo gaajo ugu geeri yooday GEDO

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xaaladda nololeed ee ka taagan gobolkaasi oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay hadda ka jiraan a baaraha laga soo warinayo gobollada dalka.

Inta la ogyahay illaa iyo hadda waxaa gaajo iyo haraad gobolkaas, gaar ahaan nawaaxiga Luuq ugu dhintay illaa saddex qof, sida uu xa qiijiyey Cali Kadiye Axmed oo ah guddoo miyaha maamulka degmadaasi.

Kadiye ayaa shaaca ka qaaday in saddex da qof ee dhintay laba ka mid ah ay ahaayeen caruur, wuxuuna tilmaamay inay xilligaas ku soo jeedeen gudaha degmada Luuq.

"Dhimashadu waxa ay mareysaa saddex ru ux, Dadkaan oo ah reer Miyi ayaa dhex kusoo dhintay, qoysaska degen inta u dhaxeysa Ga rbahaarey & Luuq waxaa heysa abaar daran oo saameyn xooggan ku reebtay Noloshooda, keliya waxa ay qoysaskaan u ba ahan yihiin gurmad degdeg ah,” ayuu yiri guddoomiya ha maamulka degmada Luuq oo la hadlay BBC.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in boqo laal kale oo qoys, islamarkaana ah barakacay aal ay soo gaareen degmada, isaga oo ka dal baday hay’adaha samafalka inay u soo gur madaan dadkaasi.

Deegaanada ugu daran ee xaaladaha bani’ adanimo laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid ah Golweyn, Yurkud iyo deegaana kale oo dhaca inta u dhexeysa Garbahaarey iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Xaaladaha nololeed ee ka jira gobolkan ay aa waxaa uga sii dartay biyo la’aan iyo cunno yari ay wajahayaan dadka ku dhaqan halkaasi.

Si kastaba, Jubbaland ayaa horay warbixin no uga soo saartay xaaladaha adag ee ka jira deegaanadeeda oo ka mid ah meelaha ay si da weyn u saameeyeen abaaraha ka jira dalka

Canada oo muwaadiniinteeda ugu baaqday inay si deg-deg ah uga baxaan Itoobiya.

Dowladda Canada ayaa ugu baaqday mu waadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saa rtay wa axda socdaalka ee dalk aas."Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas u ga bax. Aad ayay u xad didan tahay awoodda aan ku bixin karno kaal mada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Canada.

"Ka fogow dhammaan safarrada Itoobiya, marka laga reebo kan lagu sii-maro garoonka caalamiga ah ee Bole, colaadaha qowmiyada ha, kacdoonka shacabka, colaadaha hubays an ee ka socda waqooyiga dalka iyo khatarta ah inay ku sii fidaan meelo cusub digniin la’ aan”ayuu sii raaciyay warsaxafadedka Canada

Canada ayaa hore u dhigtay in muwaadin iinteedu ay u safraan waddmo ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Myanmar, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ka jiraan khataro dhinaca amn iga ah.

Mohammed bin Zayed oo shaaciyey 3 sab ab oo ay dartood ula heshiiyeen Israel

Dhaxal Sugaha Abu Dhabi, Sheikh Moha mmed bin Zayed Al Nahyan ayaa shaaca ka qaaday sababta uu dalkiisu u go’aansaday inuu heshiis nabadeed la saxiixdo Israel.

Hadalkaan ayuu Bin Zayed ka sheegay xaflad lagu guddoon siinayey abaalmarinta "Rese arch Statesman Award” ” ee Machadka Washingt on ee Siyaasadda Bariga dhow, taasi oo uu ku he lay doorkii uu ku lahaa "Horumarinta Nabadda iyo Dulqaadka”.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nah yanay aa yiri: "Waxaan helnay fursad, waxaana go’ aansanay inaan xiriir diblomaasiyadeed la yeel anno Israel tani waa go’aan muhiim ah sababo badan awgood.”

Sababaha ku kalifay in Imaaraadka ay xiriir la yeelato Israel ayuu ku sheegay dhowr qod ob oo ay kamid ahaayeen:

1- Inay Nabadda u doorteen maslaxadda Fa lastiiniyiinta laftooda

2- Inay Caalamka u diraan farriin muujineyso in Imaaraadka uu raadinayo Nabad

3- Inay ka turjumaan dabeecadii aasaasihii imaaraadka Sheikh Zayed bin Sultan Al Nah yan oo aheyd mid ku dhisan Nabad.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inay ku taagan yihiin wadada aasaasihii Imaaraadka oo uu sheegay inuu noloshiisa ku qaatay dal jaceyl iyo Nabadda.

Mohammed Zayid waxa uu caddeeyey in faa’iidada nabadda ay aad uga badan tahay khasaaraha, sidaas darteedna wuxuu sheegay in Imaaraadku uu ku taamayo nabad ka weyn middaas, taas oo uu ku sheegay inay tahay mid u adeegeyso danta guud.

Machadka Washington ee siyaasadda bar iga dhow ayaa abaal marinta caalamiga ah gu ddoonsiiyay Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, xaflad lagu qabtay Abu Dhabi taasoo uu ku muteystay doorkii uu ku lahaa "hogg aanka dadaallada nabadeed ee caalamiga ah iyo faafinta dulqaadka diinta.”

15-ka Bishii September sanadkii 2020, Isr ael waxay heshiis la gashay Imaaraadka iyo Baxrayn si loo caadiyeeyo xiriirkooda, waxaa na garwadeen ka ahaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kadibna labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo wadajir ah oo dhinacyo kala duwan leh, oo ay ku jiraan duulista, ganacsiga, maalgashiga. iyo ciyaaraha


Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlay xilka qaadistiisa iyo cidda ka dambeysay

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soo maaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in ay fajac ku noqotay xil ka qa adistii Habeen hore lagu sameeyay, xilli uu sheegay in uu madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ka su gayay in ay wax ka qabtaan tabashooyin uu u gudbiyay.

Wasiir Cabdirsaaq Maxamuud ayaa warey si uu bixiyay ku sheegay in todobaad ka hor uu madaxda dalka u gudbiyay inuu diyaar u ya hay inuu xilka iska casilo, haddii aan wax laga qabanin arrimo uu ka caban ayay.

Wuxuu sheegay casilaadi isa inuu ka dambeeyo mad axweyne Farmaa jo, wuxuu na sheegay in lagusoo beeg ay sannad kadib, isagoo u dabaal dagayay guulo waa-wayn oo uu sheegay in do wladda Soomaaliya ay ka gaartay siyaasada arrimaha dibadda ee dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in madaxda dalka ay ka diideen inuu icasilo, taas beddelkeedna ay kala hadleen in ay xallinayaan waxyaabaha tabashadiisa ah, kuwaas oo ay saxaafadu wax ka weydiisay, balse uu ka gaabsaday.

"Waxyaabaha jiray, annaga hoos baan uga wada hadalnay, waxaan islahaa waa wax si fu dud ku dhammaan kara. Laakiin nasiib darro m aysan noqonin. Waxaan qofka iga dambe eya u rajeynayaa guul,” ayuu yiri wasiir hore.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirkii hore ee arri maha dibadda, ayaa qorshaynaya inuu is ku soo sharraxo xildhibaan katirsan golaha shac abka, sida uu wareysigiisa ku sheegay, sidoo kale xilka madaxweynaha oo uu mar iskusoo sharraxay wuxuu sheegay inuu la sugayo waqtigiisa.

Raysal wasaare rooble ayaa Habeen hore xilka ka qaaday, isagoo ku beddelay booskiisa agaasi maha madaxtooyada Soomaaliya, Cabdi Mu use Siciid.

Nin Hubaysan Oo Dad Shacab Ah Laayey, Kuwo KalenaDhaawacay

Nin hubaysan oo falastiini ah oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa magaalada Qudus ku dilay hal qof oo rayid ah saddex kalena ku dhaawa cay. Ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa mar kii dambe toogtay ninkaa weerarka gaystay oo qiyaastii 42 jir ahaa asagoo markii dambena cisbitaalka ku geeriyooday.

Ururka xamaas ayaa xaqiijiyey in ninka weerar ka qaaday oo lagu magacaabi jiray Fadi Abu kha ydam uu ahaa xubin ka tirsan garabkooda siy aadadda.

Wasiirka aminga Israa’iil ayaa weerarka ku til maamay mid si wacan loo soo qorsheeyey,

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ay aa shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan weerarro kale oo suurtagal ah in ay halkaa ka dhacaan.

Muaajiriintii ugu badnaa oo ku dhi ntay xeebaha Liibiya

Warbixin ka soo baxday hay’adda socdaalka IOM ee hoostaga Qaramada Midoobay ayaa la gu sheegay in horraantii todobaadk an ku dhowa ad 100 muhaajriin ay ku dhint een badda Mediterr anean-ka ee waqooyiga xeebaha Liibiya. IOM ay aa shaaca ka qaaday in dadka la xaqiijiyey dhimashadooda illaa iyo hadda ay gaarayaan 75 qof oo badi ka tegay Qaaradda Afrika.

Sidoo kale hay’adda ayaa xusay in 15 qof oo ka mid ah dadkaasi oo ku jiray xaalad halis ah ay soo bad-baadiyeen kalluumeysato, waxaana la geeyey dekedda Zuwara ee Liibiya. Tahriibayaa sha ku dhintay badda Mediterranean-ka ayaa hay’adda socdaalka ee IOM waxa ay sheegtay in ay kusii jeedeen Talyaaniga, si ay uga si gud baan Yurub inteeda kale.

Hay’adda IOM ma bixin macluumaad dheeri ah oo la xiriira arrintaas oo ay ku tilmaamtay mid musiibo ah.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koo nfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda Mediterranean-ka, iyaga oo raa caya doonyo buux-dhaafay oo aan ku hab booneyn in lagu safro.

In ka badan 1,300 oo rag, dumar iyo carruur ah ayaa ku dhintay illaa hadda sanadkan 2021, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan bartamaha Mediterranean-ka Liibiya iyo Tunisia, kuna sii je eda Talyaaniga iyo Malta sida ay sheegtay hey’ adda IOM.

Muxuu yahay qorshaha Mareykanka walaac iyey ee Ruushku damacsan yahay?

Xoghayaha Arrimaha Dibeddda Mareykanka Antony Blinken ayaa Sabtidii ku celiyey in da lkiisa uu "walaac dhab ah” ka qabo ficillada iyo hadallada Ruushka

ee ku wajahan Ukraine, ayada oo xiisad ay sare usii kaceyso.

"Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa dhaq-dhaq aaqyada militari ee aan caadiga aheyn ee Ruushka uu ka wado xuduudda Ukraine. Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa hadallada qaar ee aan aragno kana maqalno dhanka Ruu shka iyo baraha bulshada,” ayuu Blinken u shee gay weriyayaasha isaga oo booqasho ku jooga dalka Senegal.

Blinken ayaa sheegay in walaacyada ay "si weyn ula qabaan” xulufada Mareykanka, hase ye eshee waa uu diiday inuu sheego haddii sir doonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in ma daxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu qor sheynayo inuu qabsado dhul ka mid ah Ukraine.

"Ma naqaan waxa uu damacsan yahay ma daxweyne Putin. Hase yeeshee waxaan ognahay wixii horey u dhacay. Waan ognahay xeeladda ah in la isku dayayo hurinta daan-daansi dhall anteed ah oo ka yimaada Ukraine ama dal ka dibna qiil looga dhigto wixii ay Russia horey u qor sheyneysay,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu tixraacayey xasaradihii qarxay 2014-kii markii Ruushka ay qabsadeen jasiirad u yaalla Crimea kadib markii la riday dowladdii Ukraine ee diiday tallaabooyin ku wajahnaa Reer Galbe edka.

Moscow ayaa sidoo kale xilligaas taageertay gooni u goosato dagaal ka wada bariga Ukraine oo ay degan yihiin dad badankood ku hadla luu qadda Ruushka.

Putin ayaa Khamiistii ku eedeeyey dalalka Reer Galbeedka inay kasii darayaan khilaafka Ukraine ayaga oo dhoola-tus ka sameynaya Ba dda Madow, islamarkaana diyaaradaha xambaa ra bambooyinka ku duulinaya meel u dhow xud uudda Russia. AFP + VOA

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Gaa ri Oo Ka Dhacay Gudaha Kenya

Ugu yaraan afar ruux ayaa geeriyooday, hal ka tirro kalena oo dad ah waa ay dhaawacmeen, ka dib markii shil gaari uu habeemadii Habeen hore ah eyd ka dhacay wadada u dhexeeysa Gobolada Mai Mahiyu iyo Narok Highway ee dalka Kenya.

Shilkaan ayaa ka dambeey ay, kadib markii ay isku dha ceen laba gaari oo nooca xa muulka qaado ah, xili ay ku socdeen xawaare sare, iyago ona iskaga horyimid dalcada deegaanka Maltauro oo qiyaastii 40 KM u jira Narok.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Ismaamulka Narok ee Kenya, wax aana goobta uu shilka ka dhacay laga jiiday gaa diidka isku dhacay, sidoo kalena laga qaaday Meydadka dadkii geeriyooday.

Toddobaadkii hore lix qof ku dhintay isla go obta uu Habeen hore shilka ka dhacay oo aheyd wadada mashquulka badan ee u dhexeeysa Gobolada Mai Mahiyu iyo Narok Highway ee Kenya, iya doona dadka deegaanka ay ku baaqeen in wax laga qabto shilalka.

Weeraro loo adeegsaday 14 diyaarad oo drone ah oo lagu qaaday Sacuudi Carabiya

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa Sabtidii sheegay inay 14 diyaarad oo drone ah ku weerareen dhowr magaalo oo ka tirsan Sa cuudiga, oo ay ku jiraan xarumo ay shirkadda shi daalka ee Saudi Aramco ku leedahay magaalada Jeddah. Isbaheysiga

Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen ayaa Jimcihii sheegay inay burburi yeen saddex diyaarad oo drone ah oo kusoo wa jahnaa Sacuudi Carabiya, halka mid kalena lagu burburiyey hawada Yemen.

Waxay intaas ku dareen in Xuutiyiinta ay sidoo kale ku fashilmeen laba gantaal oo ballistic ah oo ay kusoo weerareen Sacuudiga, kuwaas oo ku dhacay Yemen.

Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea ayaa shir jaraa’id ku sheegay in kooxda ay weerartay xarumo shidaalka lagu sifeeyo oo Aramco ay ku leedahay Jeddah iyo sidoo kale bartilmaameed yo kale oo ku yaalla Riyadh, Jeddah, Abha, Jizan iyo Najran.

Hadalka Sarea ayaa si kastaba waxaa ku jira khaladaad. Waxa uu khalday magaca garoonka diyaaradaha Jeddah, halka uu sidoo kale khal day halka uu ku yaallo saldhigga Boqor Khalid, oo uu ku sheegay Riyadh, ayada oo dhab ahaan ay tahay koonfurta Sacuudiga.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa dhankoodana Sabtidii sheegay inay weerareen 13 bartilmaameed, intii uu socday howlgal militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

Howlgalka ayaa lala beegsaday bakhaaro hub, habka difaaca gantaalaha, iyo isgaarsiinta diyaa radaha drone-ka ee Sanca, Sacda iyo Marib, sida uu sheegay isbaheysiga.

Xuutiyiinta ayaa weeraro joogta ah ku qaaday ey Sacuudiga ayaga oo adeegsanaya diyaar ado Drone ah iyo gantaalo ka gudba xuduuda tan iyo markii Sacuudiga ay faro-geliyeen dagaalka Yem en bishii March 2015 kadib markii kooxda ay rideen dowladdii Sacuudiga uu taageerayey ee Sanca.

 


 

MACALLINKA WAA BARBAARIYAHA IYO HAGAHA BULSHADA.


Shalay waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanadguuradii 47-aad maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta oo Soomaali joogtaba laga xuso.1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macalli nka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladba, waxa ana la samayn jiray munaasabado lagu waynayna yo xurmada macallinka iyo doorkiisa Qii maha badan.

Waxaa xusid mudan Hal doorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbara shada dalka waxaa ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta cara biga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,

( أَ إِأٌ ), ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY.

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii buddhigaha u ahaa waxbara shada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal ugalay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ah aa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay wax bartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana Shalay oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaal limiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla mag aalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad ga ara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, Shalayna ay tahay maalin qad arin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burb ursanaa u adkeeysanayay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa Shalay mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xir tay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu utaagan yahay Macalinka Soomaaliyeed,Macallinku waa bar baariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga Aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa aba alka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla mark aasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada,diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

W/Qoray: Gobdoon.


WARARKII UGU DAMBEEYAY DALKA SUDAN OO ISBEDEL CUSUB LA FILAYO


Milatariga Suudaan ayaa qorsheynaya inay dib u soo celiyaan ra’iisul wa saarihii xukunka laga tuuray Abdalla Hamdok ayna sii daayaan hogaamiy ayaasha rayidka ah ee la xiray kadib afgambigii militariga ee bishii hore.

Fadlallah Burma Nasir, oo ah madaxa xisbiga Umma, ayaa heshiiska u xaqiijiyay warfidiyeenka Shalay. Koox dhexdhexaadin ah oo Suudaan ah ayaa sidoo kale bayaan ka soo saaray heshiiska.

"Heshiis siyaasadeed ayaa dhex maray General Burhaan, Abdalla Ha mdok, xoogaga siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah in Hamdok uu ku soo laabto booskiisa, iyo sii deynta maxaabiista siyaasadeed,” ayuu yiri Naasir.

Hamdok waxa uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax banaan oo fa rsamoyaqaanno ah, dhammaan maxaabiista siyaasadda waa la sii dayn do onaa sida uu dhigayo heshiiska u dhexeeya milatariga iyo xisbiyada siy aasadda, ayuu yiri Naasir.

Naasir waxa uu intaa ku daray in uu ka qayb galay shir da bayaaqadii sabtidii dhex dhexaadiyayaashii heshiiska ku ga areen.

Golaha Sare ayaa shir yeelan doona Axadda ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska, ayuu yiri ilo xog ogaal u ah wadahadalka.

Heshiiska ayaa imanaya in ka badan saddex todd obaad tan iyo markii General Abdel Fattah al-Burhan uu meesha ka saaray isbeddelka Suudaan ee ku aaddan xukunka rayidka ah oo uu afgambi militari ku sameeyay.

ktoobar 25-keedii, al-Burhan waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, waxa uu kala diray dawladdii ku meel gaarka ahayd, waxana uu xiray hogg aankii rayidka ahaa – waxa uu soo jiitay cambaarayn ballaaran oo caalami ah oo uu dadka ku kiciyay in ay jidadka isugu soo baxaan.

Hamdok ayaa la geliyey xabsi guri markii ay ciidamadu la wareegeen awoodda. La wareegitaanka ayaa soo afjartay iskaashi ku meel gaar ah oo u dhaxeeyay militariga iyo kooxaha rayidka ah kuwaas oo gacan ka geystay in xukunka laga tuuro madaxweynihii hore ee Cumar Al-Bashiir 2019-kii.

War saxaafadeed ay soo saareen dhexdhexaadiyayaasha ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu yimid kadib heshiis dhex maray dhinacyada siyaa sadda, jabhadihii hore, iyo saraakiil ciidan "Heshiiska waxaa si rasmi ah loo shaacin doonaa gelinka dambe ee Shalay ka dib marka la saxiixo shuruudihiisa iyo ku dhawaaqida siyaasad eed ee la socota,” ayay tiri.

Talaabadan ayaa timid saacado kadib markii dadka u ololeeya afga mbiga ay ku baaqeen banaanbaxyo waaweyn Axadii. Arbacadii ayaa ahayd maalintii ugu dhimashada badneyd iyadoo 16 qof lagu dilay. Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa Sabtidii sheegay in tirada dadka la dilay tan iyo markii ay militariga la wareegeen ay gaartay ugu yaraan 40. Maamulka Suudaan ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono dilka.

Maamulka ayaa beeniyay in ay isticmaaleen rasaas nool waxayna ku adk eysteen in ay adeegsadeen "xoog ugu yar” si ay u qaboojiyaan dadka isku soo baxay.

Xoogagga ku dhawaaqista xorriyadda iyo is-beddelka, oo ah kooxdii hor muudka ka ahayd kacdoonkii ugu dambeeyay ee xukunka looga tuuray Al-Bashiir, ayaa ka soo horjeestay in wax heshiis ah lala galo ciidammada.

Bayaan ay soo saartay Axaddii, ayay kooxdu ku celisay inay ka soo horj eedaan iskaashi siyaasadeed oo cusub oo ay la yeelato militariga, iyagoo ku adkeystay in kuwii ka dambeeyay afgambiga la horkeeno sharciga.

Al-Burhaan, oo ah Jeneraalka ugu sarreeya, ayaa ku adkeystay in tall aabada ay qaadeen millatari aysan ahayn "afgambi” balse ay tahay tallaabo " lagu saxayo xilliga kala guurka” maadaama uu dagaal beeleedyo iyo kala qeybsanaan xooggan uu u dhexeeyo dadka rayidka ah iyo ciidamada do wladdii uu riday.

Horaantii bishaan, wuxuu ku dhawaaqay gole cusub oo rayid iyo militari ah kaasoo uu ku sii hayo jagadiisa madaxnimo, oo ay weheliyaan taliye ciid an oo awood leh, saddex sarkaal oo sare oo militari ah, saddex hoggaamiy eyaashii hore ee jabhadda iyo hal qof oo rayid ah.

Quwadaha reer galbeedka ee taageeray isbadalka siyaasadeed ee Suud aan ayaa cambaareeyay la wareegida militariga waxayna hakiyeen boqol aal milyan oo doolar oo kaalmo dhaqaale ah oo ay siin jireen Suudaan.

Soo laabashada Xamdook, oo ah dhaqaale yahan ka soo shaqeeyay Qa

ramada Midoobay iyo ururada Afrika, waxay ahayd dalabka ugu muhiimsan ee beesha caalamka.

Xigasho;Aljazeera




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip