HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AXAD.. 21-KA NOV.2021-KA

0
Sunday November 21, 2021 - 09:35:37 in Wararka by
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AXAD.. 21-KA NOV.2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirka Arrima ha Dibedda, magacaabayna mid cusub + Isku shaandheyn kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Maxa med Cabdirisaaq, wuxuuna xil kaas u magacaabay Cabdi Saciid Muuse Cali.

Rooble ayaa sidoo kale xilka ka qaaday wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda dibedda, wuxuuna xilkaas u magacaa bay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri "Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaara ha XFS Md Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Ca alamiga ah XFS ugu magacaabay Md.Ca bdis aciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaab ay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).”

R/ Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed Aadan Ma callin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xu seen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriye ynta iyo Dib u dhiska.

Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey.

Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka he shiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka shaqeynaya u gur mashada dadka la il-daran abaaraha

R/Wasaaraha XFS M.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa Shalay magacaabay guddi heer Wa siirro ah oo u xilsaaran u gurmashada dadka la il-daran abaaraha ka dhacay meelo badan oo waddanka ah.

Afhayeenka XFS Md. Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa shee egay in guddiga ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad beni’aadanimo loo gaar siin lahaa dadka ay saameysay abaaraha dal ka ku dhuftay.

Shirka oo uu goob joog ka ahaa R/Wasare Ku-xigeenka Dalka Md.Mahdi Maxamed Guul eed Khadar, ayaa waxaa ka qeybgalay Wasi irka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Qaranka Mudane Jam aal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale, wa xaana laga hadlay xaaladda beni’aadanimo ee ka jirta qaar ka mid ah Gobollada dalka, iya doo warbixin laga dhageystay Wasiirka Gar gaarka Soomaaliya.

Guddiga uu magacaabay R/Wasaare Ro oble ayaa ka shaqeyn doono sidii kaalmo deg deg ah loo gaarsiin lahaa qoysaska ay abaartu saameysay, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha ugu baaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dal ka dibadiisa ku nool inay caawiyaan Walaala hood ay abaartu saameysay.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in R/ Wasaaraha Soomaaliya uu kulamo la qaato ga nacsatada iyo culimada, si ay gacan uga geys taan u gurmashada dadka abaaraha halakeey een

Waa kuma Cabdisaciid Muuse Cali – wasiir ka cusub ee arrimaha dibadda (Taariikh)

R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xus een Rooble ayaa Shalay Cabdisaciid Muuse Cali u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxuuna bedelayaa Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo xilkaas hayey hal sano oo Dorraad ku ekeyd.

Cabdisaciid waxuu noqonayaa wasiirkii 3aad ee Rooble uu u magacaabay wasaarad daarrimaha dibadda, waxaana Maxamed Cab dirisaaq ka sii horeeyey Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa xukuumadii uu soo dhisay Ro oble markii loo magacaabay R/Wasaaraha, in kasta oo sidoo kale uu xilkaas hay ey xilligii Kheyre.

Haddaba waa kuma wasiirka cu sub ee arrimaha dibadda Cabdis aciid Muuse Cali?

Cabdisaciid Muuse Cali Koor wa xaa uu ku dhashay magaalada Jowhar ee xar unta gobolka Sh/Dhexe sanadkii 1971-kii, bal se qabiil ahaan waxa uu kasoo jeeda Punt land, gaar ahaan beesha Majeerteen.

Ka hor inta aan Shalay la magacaabin wa xa uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Soo maaliya oo laba bil un kahor loo magacaabay.

Waxa uu soo noqday La-taliyihii Amniga Qaranka ee ugu waqtiga dheeraa ee Madax weyne Farmaajo intii u dhaxeysay 2017-kii ilaa Septembar 2021. Sidoo kale Cabdisaciid wa xuu masuul ka ahaa kormeerka istaraatiji yad da amniga qaranka iyo maaraynta maali nlaha ah ee siyaasadda amniga Soomaaliya ee ku wajahan hay’adaha militariga, booliska iyo sird oonka.

Cabdisaciid waxuu hormuud ka ahaa hor umarinta, ansixinta iyo hirgelinta Qorshaha ka la-guurka, isaga oo ka wakiil ah Dowladda Fe deraalka Soomaaliya. Qorshaha cusub ee kala guurka ee Soomaaliya waxa uu jiho cusub u ji heeyey amniga iyo horumarinta Soomaaliya, wuxuuna taageero xooggan ka helay daneeye yaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyada oo si weyn loo bogaadiyey hoggaaminta Cabd isaciid ee Siyaasadda Amniga Qaranka.

Ka hor inta uusan ku biirin DFS, Cabdisaci id waxa uu La-taliyaha dhanka Siyaasadda G obolka u ahaa Ergayga Gaarka ah ee Midow ga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, isaga oo diiradda saari jiray wax ka qabashada xasillo oni-darrada siyaasadeed, xagjiraynta iyo arg agixisada ee Gobolka.

Xilalka kale ee uu Cabdisaciid soo qabtay waxaa ka mid ah Wakiilka Soomaaliya ee Nor dic International Support Foundation, iyo La-tal iye Sare ee Maaraynta Xuduudaha, ka hortag ga xagjiraynta iyo amniga badaha ee IGAD.

Cabdisaciid waxa uu sidoo kale doorar cil mi-baaris ah u soo qabtay IGAD, Machadka Adeegga Dibadda ee Kenya, King College London’s Futures Project, iyo Xarunta Iskaa shiga Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argag axisada ee Addis Ababa. Sidoo kale, waxa uu La-taliye u soo noqday Dowladdii ku-meel-ga arka ahayd ee Soomaaliya iyo Wakaaladda Horumarinta Iskaashiga ee Talyaaniga.

Cabdisaciid waxa uu wax ku soo bartay dal alka Netherlands, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaana uu shahaadooyin ba dan ka haystaa heerarka kala duwan ee Taclii nta Sare.

Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee xilka laga qa aday oo shaaciyey sheeko ka duwan tan Rooble

Wasiirkii hore ee arirmaha dibedda Soom aaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday inuu la yaabay xil ka qaadista uu Shal ay ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in 7aad ka hor uu is-casilaad u gudbiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

"Sheekada ku saabsan in la beddelay aad ayaan ula yaabay si la mid ah qof kasta oo ka le balse waxay daba socotaa yabooh is-casil aad oo aan gudbiyey7baad ka hor. Angaa ay aa qof kasta la socod siin doono marka waqti geeda la gaaro, hase yeeshee aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u adeegay qaranka Soo maaliyeed, badalkeygana waxaan dabcan u rajeynayaa kheyr.”

Qoraal goor sii horeysay kasoo baxay xafi iska Rooble ayaa lagu yiri "Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxam ed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Di badda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrima ha dibadda loo magacaabay mudane Maxamu ud Cabdi Xasan (Pekos).”

Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey.

Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka he shiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.

Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka u gu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasi in.Xigasho:caasimadda.net

Faysal Cali Waraabe oo Cabdidiraxman Cir ro ku eedeeyay in dowlada Soomaaliya ku shaqaysanayso

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa musharaxa madaxweynaha xi sbiga Waddani Cabdiraxman Ma xamed Cabdillahi Cirro, ku eede eyay in Xamar looga soo dhiibay hadalkiisii ahaa in 'China Taiwan ka muhiim sanyahay'.

Faysal ayaa ku andacooday in hadalkaasi ahaa shirqool ay dowlada Soomaaliya soo mal eegtay, isagoo sheegay in Xamar ku mash quulsantahay daminta iftiin kasta oo Somalila nd usoo kordha.

"Maalintii dhawayd Cabdiraxmaan Cirro Tai wan ayuu ka hadlay,Taiwan arrinteedu arrin Xamar ka timid ayay u egtahay, waayo Xamar Iftiinkii inoo baxaba in ay inaga bakhtiiso ayay doonaysaa, inaga ayayna ina isticmaalaysaa" ayuu yidhi Faysal. Faysal ayaa sheegay in So maliland ay u si man yihiin Jamhuuriyada Chi na iyo Taiwan, is la markaana ay soo dhaway nayaan in ay xidhiidh Somaliland la yeelato 2da dhinacba "China iyo Taiwan 2daba waynu u furanahay"


Maxay ka Wada hadleen SH Shariif iyo Lafta-gareen?

Madaxweynaha dowlad goboleedka KG/S, Md.Md.Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Ga reen) oo haatan ku sugan Mu qdisho ayaa ka bilaabay kula mo xasaasi ah oo ku aadan x aaladda siyaasadeed ee dalka.

Lafta Gareen ayaa Shalay kul an saacado badan qaatay la yeeshay madax weynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sh.Shariif Sheekh Axmed, waxayna iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, gaar ah aan arrimaha doorashooyinka xubnaha Gola ha Shacabka.

Sheekh Shariif ayaa si gaar ah ugu boga adiyey Lafta Gareen dadaalka uu ugu jiro qabs oomida doorashada baarlamaanka Soomaali ya oo muhiim u ah tan madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ah si yaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Aadan Madoobe, Senatar hore Ily aas Cali Xasan iyo xubno kale.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ujeedka saf arkiisa Muqdisho wuxuu la xiriiraa wada-ta shiyo ku aadan doorashada, gaar ahaan lool anka loogu jiro mida Golaha Shacabka.

Sidoo kale kulankan ayaa imaanaya, iyada oo dhowaan la filayo in maamulka Lafta Gar een uu guda galo qabashada doorashada illaa 9 kursi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka, waxaana musharixiinta madaxweynaha ay tar tan ugu jiraan xildhibaanada soo bixi doono.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan billow ah, waxaana illaa iyo had da liiska kuraasta ugu horreysay soo saaray Galmudug, K/ Galbeed iyo gobollada waqooyi.

Agaasimihii Radio Muqdisho oo ku dhintay qarax loogu xiray gaarigiisa

Cabdicasiis Maxamuud Guuleed ayaa ku dhintay qarax Xalay loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa la she egay in gaarigiisa uu qarxay xilli uu ku sugnaa goob ay ku taalla Kaalin Shidaal.

Wariye Afrika ayaa ka mid ahaa wariyaasha ugu firfircoon warbaahinta qara nka, waxaana in muddo ah uu dagaal kula jir ay Al-Shabaab.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafi nta ayaa xaqiijiyay gaarida Wariyaha

Sidee looga fal-celiyey dilkii weriye Cabdic asiis AFRIKA?

Madaxda dowladda, murashaxiin Madaxwe yne iyo xildhibaano ayaa ka hadlay geerida ag aasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika oo xalay lagu dilay qarax is-miidaa min ah oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Haddaba waa kuwan mas’uuliyiin tii ka hadlay dilka iyo qoraalladoo da. R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble: Alla ha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax caawa argagixisadu la beegsadeen. Waxaan geeridii sa uga tacsiyeyna yaa qoyskii sa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soom aaliyeed. Cab dicasiis waxa uu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa ba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annaga na samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo. Waxaan dhaawacyada Allaah uga baryayaa in uu deg deg u bosiiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: Eebbe naxariistiisa janno haka waraabiyo ag aasimihii Radio Muqdisho C/Casiis Maxamuud Guuleed "Afika”, annagana sabar iyo iimaan hanaga siiyo.Waxa uu door lama illoobaan ah ka soo qaatay la dagaallanka fikirka xagjirkaa

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe: Ca bdicaziz Afrika Agaasimihii Radio Muqdisho ay aa ku geeryooday qarax lala beegsadaty goor dhoweyd, waxa dhaawac ah Agaasimihii TV ga Qaranka Sharmarke Maxamed Warsame. Waxan tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii iyo guud ahaan bahda warbaahinta oo dhan gaar ahaan Warbaahinta Qaranka Geerida naxdinta leh ee Cabdicasiis Afrika. Wuxu ah aa derbi ka dumay warbaahinta Dalka.

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi: Allaha u ra xmado Wariye Cabdicaziiz Maxamuud Guule ed Afrika, oo qaranka muddo dheer u soo sha qeeyey, waqti adagna hawlo adag soo qabtay, wuxuuna ahaa geesi u bareerey in uu xirfadi isa kula dagaalamo cadowga umadda.

Ehelka, asxaabta iyo Bahda warbaahinta ayaan si gaar ah ugu tacsiyaynayaa.

إنا لله وإنا إليه راجعون

Xildhibaan Mahad Salaad: Allaha u naxari isto walaalkeen Wariye Cabdicasiis Afrika oo u geeriyooday dhaawicii Xalay fiidkii soo gaar ay. Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo ehelada, asxaabta iyo bahda warbaahinta ee uu ka ge eriyooday.

Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, asxaabta, iyo bahda saxaafada geerida ku ti mid Allaha u naxariistee C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika). C/casiis Afrika wuxuu muddo ka soo shaqeeyey saxaafada dalka qaybahe eda kala duwan. Wuxuu ahaa geesi aan si aan ganbasho lahayn warbaahinta kula dirira fiki rka gurracan ee xagjirka ah ee kooxda argag exisada Alshabaab. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha naga wada siiyo. Aamiin

R/Wasaare Rooble oo ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in ay u istaag aan samata-bixinta dadkeenna la dhibaatey san Abaaraha dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xus een Rooble oo daahfuray Bangiga cusub ee My Bank oo ka mid ah bangiyadda gaarka loo leeyahay ee M/Muqdisho ayaa ugu baaqay ga nacsatada Soomaaliyeed in ay u istaagaan sa matabixinta dadkeenna la dhibaateysan abaar aha. R/Wasaaraha ayaa xusay doorka shariif ka ah ee ganacsatada Soomaali yeed ay ku leeyihiin gurmadka xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca dalka iyo garab-siinta da dkeenna nugul, waxa uuna tilmaamay in xilli gan baahi weyn loo qabo sidii loo mideyn lah aa, loona dardar gelin lahaa gurmada abaara ha ka jira dalkeenna.

Sidoo kale, R/Wasaaraha XFS ayaa kula dardaarmay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan khayraadka ceegaaga dalkee nna, si uu kor ugu kaco waxsoosaarka dalka, loogana baxo saboolnimada iyo duruuf aha nagu xeeran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka warbixiyey ko baca fursadaha maalgashi ee dalka iyo sida ay muhiimka u tahay in ganacsatadeennu ay u mideeyaan cududdooda iyo caqligooda oo aa s-aas u ah horumarinta dhaqaalaha &shaqa al eynta dhallinyarada Somaliyeed.DHAMMAAD

GALMUDUG oo shaacisay shuruudaha laga doonayo musharaxiinta xildhibaanimo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Galm udug ayaa shaaca ka qaaday shuruudaha Mu sharixiinta golaha shacabka lo oga baahan yahay. Shuruu da ha guddiga ay shaaciyeen ay aa waxaa qeyb ka ah in loo ga baahan yahay in Mushara xa laga rabo war qadda dambi la’aanta oo ay bixiyo CID iyo shu ruudo ay ka mid yihiin bixinta qidmadda mu sharaxnimada.

Shuruudaha ayaa waxaa sidoo kale kamid ah in qofka musharaxa ah uu heysto Shahaa do Dugsiga Sare ama wax u dhigma.

Sidoo kale waxaa shuruudaha kamid ah in musharaxa uusan wax xiriir ah la laheyn koo xahaa argagixisada.

Galmudug oo lagu wado in todobaadkan ay ka dhacdo doorashada Shan ka mid ah kuraas ta golaha shacabka ee deegaan doorashadoo du ay tahay Galmudug.

Kuraastaa ayaa kala ah, HOP#043, HOP# 054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwa as oo dhamaantoda hadda ay ku fadhiyaan xil dhibaano ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee wa qtigooda dhamaaday.

Halkaan hoose ka akhriso shuruudaha oo dhameystiran


Booliiska Soomaaliya oo sheegay in weerar ismiidaamin ah lagu d

ilay agaasimihii Radio Muqdisho

War qoraal ah oo kasoo baxay booliiska Soo maaliya, ayaa lagu sheegay in qof isku soo xi ray waxyaabaha Qarxa uu isku miidaa miyay agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasi is Max amuud Guuleed Arka.

Agaasimaha ayaa u geeriyo oday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray qaraxa, halka sidoo kale dhaawac culus uu qabo ag aasimihii telefi shinka qaranka Sharmaarke Ma xamed Warsa me, oo xaaladdiisa aad loola tacaalayo.

Afhayeenka CBS G/e Cabdifitaax Aadan Xa san ayaa sheegay in qofka ismiidaamiyaha ah uu isku qarxiyay daaqada dhinaca uu xigay ag aasimaha, radio Muqdisho, wuxuuna afhayeen ku beeniyay wararka sheegayay in gaariga qar ax loogu xiray.

"Qaraxa sida ay cadeeyeen kooxaha Farsa mayaqaanada Boliiska gaariga ay saarnaaye en agaasimiyaasha oo ka yimid dhanka Boo ndheere waddada Busley, ayaa waxaa halmar daaqada gaariga kusoo booday oo qabsadey qof naftii halige ah," ayuu yiri afhayeenku.

Afhayeenka Booliiska wuxuu sheegay in qe yb kamid ah jirka ismiidaamiyaha laga heli ka ro bartii qaruxu ka dhacay, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaano.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay miisaa niyada Maamulka lana fasaxay muda Todobaad ah

Xildhibaanada Baarlamanka dowladda Pu ntland, ayaa Shalay oo Sabti ah ansixiyay Mii saaniyadda dowladda ee sannadka 2022.

Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo ka koob an $354,093,039, islamarkaana ay soo gudbi say wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka Shalay oo ay soo xaadireen 45 Md. ayaa 44 kamid ah u codeeyeen ansixinta Miisaaniyadda, waxaana ka aamusay hal xil dhibaan.

Sidoo kale, Baarlam anka ayaa loo qeybiyay wax-ka beddelka Xeer ka Rugta Ganacsiga, waxaana la fasaxay mud da 7aad ah, si ay u soo akhriyaan.

Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in Fadhiga xiga la isu’gu imaan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

Ciidanka xoogga dalka oo gurmad gaarsii ay dadka ay saameeyeen Abaaraha

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xo ogga dalka Soomaaliyeed ayaa Biyo dhaamin u sameeyey qaar ka mid ah Bulshada ku dha qan deegaano ka tirsan Gobolka mudug oo aySaamasay abaarta daran, taas oo ku dhu fatay qaybo Ka mida goboladda Dalka Soom aaliya

CXDS ayaa Gurmadkii ugu horeeyay oo Biyo dhaamin ah ka bilaabay G/mudug.

DFiyo Hay’adaha samafalka ayaa ka walaac san abaaraha sida xowliga ah uga sii daraya ee dalka ka jira, saadaasha cimilada waxay muujineysaa in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in uu baaqdo xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah taas oo xaalad halis ah keeni karto marka la gaaro April 2022.

Garoonka leh dhabbaha diyaaradaha ugu dheer Afrika oo Berbera laga furay

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Shalay si rasmi ah xariga uga jiray gigada diyaaradaha Berbera oo ay howlo dayactir iyo ballaadhinba muddo seddex sana ah ka socdeen la soo gabagabeeyey.

Garoonka oo qaar ka mid ah dowladdaha caalamka ay taageereen Somaliland ayaa ka mid ah kuwa ugu wanaagsan qaraadda Afrika dhanka dhismaha.

Garoonkan ayaa lagu wadaa inuu noqon doono mid wax badan ku soo kordhiyo dhaqaalaha Somaliland.

Gigada diyaaradaha Berbera oo lagu tilmaamo garoonnada qaaradda Afrika kuwooda ugu waaweyn dhanka waddada ay diyaaraudhu ka duulaan ama soo caga dhigtaan ayaa la dhisay 1960-yadii.

Qaramada Midoobay oo 8 milyan oo dollar u qoondaysay wax ka qabashada abaaraha ka jira Soomaaliya

Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa 8 milyan oo do olar uga qoondeeyay sanduuqa wax ka qaba shada xaaladaha degdega ah ee dhexe si wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jira xaalado abaareed oo aad u daran kadib markii labo xilli roobaad oo xiriir ah ay baaqdeen, gaar ahaan kuwa sa ameeyay Koonfurta Soomaaliya.

Xilli-roobaadka hadda ayaa sidoo kale la saa daaliyay in ay liitaan oo ilaa hadda ay ka hoo seeyaan Taasi waxay keentay cunto yari & biy o yari, waxay halis galisay nolosha dad ka, wa xayna kordhis ay khatarta cudurada faafa.

3dii bilood ee u dambeeyay 2021, 3.5 Milyan oo qof – 22 boqolkiiba dadweynaha – a yaa la filayaa inay soo wajahdo cunto yari, 1.2 milyan oo carruur ahna waxay u badan tahay inay ha yso nafaqo-xumo ba’an.

Qoondayntan waxa ay u adeegaysaa laba ujeedo. Ugu horeyn, waxa ay maalgelin doon taa hawlo bini’aadantinimo oo degdeg ah oo la gu beegsanayo in ka badan 606,000 oo ka mid ah dadka ugu nugul Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Tallaabadani waxay diiradda saaraysaa ga rgaarka lacagta caddaanka ah ee aan shuruu dda lahayn oo ah jawaabta ugu weyn, taas oo ka caawin doonta qoysaska inay daboolaan ba ahiyahooda cunto ee aasaasiga.

Falcelin caro leh oo ka dhalatay dooro ay Amisom siiyeen haween Soomaali ah

Hadal xoogan iyo dhalleeceyn ayaa ka dha latay dooro ama digaag ay ciidamada Amisom siiyeen haween Soomaaliyeed oo ku nool M/ Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Qoraal lasoo dhigay twitter-ka AMISOM oo ay sawirro la socdaan ayaa lagu yiri "Ciidam ada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa do oro siiyey koox haween ah oo ku sugan Dhoo bley si ay ganacsi ugu billaabaan taasi oo qe yb ka ah isku day ballaaran oo dhaqaale aha an lagu xoojinayo haweenka aagaas.” "Doorada ayaa gacan ka geysan doonta ho rumarinta suuqa digaagga. Ayada oo la daga alameysa argagixisada, AMISOM waxay sidoo kale caawineysa horumarinta noloshada buls hada ayada oo loo marayo dhaq-dhaqaayada iskaashiga rayidka iyo militariga.”

Dad badan oo Soomaali ah ayaa qoraalka AMISOM uga falceliyey qosol halka qaar kalna ay caro ka muujiyeen kuna acneeyeen igu sawir. Anwar oo ka mid ah dadka ka falciyey ayaa yiri: "Astaan cad oo ku saabsan in AMI SOM ay faham gaaban ka haysato dahqanka Soomaaliyeed.”

Qof twitter ugu qoran yahay Justice ayaa yiri: "Tani waxay xadgudub ku tahay garasha da dadka Soomaaliyeed. Sameeya wax la tab an karo ama naga joojiya qashinka. Sanadkii tegay ciidanka Kenya waxay sheegeen inay dhisayaan garoonka diyaradaaha Dhoobley, waxbana kama aysan qaban. Haddana isla Ke nyan-kii ayaa lix dooro ku deeqaya. Ka taga Soomaaliya un.”

Qof ay ugu qoran tahay Soomaaliya Ha Noolaato ayaa isna yiri "Umad la sixray hadda ad rabtid inaad aragto waa kuwaan. Ka saara Amisom Soomaaliya, hadda.”

Cabdiqani ayaa isna yiri "Soomaaliyey dulli nimo goorma ayaad ka baxesaan sharafta All ah ha idin ka qaado ma dhahee?”

Caadil ayaa isna yiri "War run miyaa waxa meesha ku qoran mise anaa waalan, maxaa waaye dooro 4 xabo ah oo la qeybinayo. 900 Milyan ayaa sanad walba ku baxdo AMISOM, nacalad ha ku dhacdo, waxan maxaa waaye.”

Xildhibaan Faaduma oo ka laabatay dacwa dii xasaasiga ee ay ka gudbisay Rashiid

Dacwad ka dhan aheyd xildhibaan Rashid Qaasim oo ah Soomaali laga soo doorto Bari ga Wajir oo ka tirsan B/Kenya ayaa la baabi’I yey kadib markii xil.Faduma Gei, oo horey ugu eedeysay inuu feeray ay sheegtay inay cafi say. Ayada oo ka laabaneysa dacwadda, ayaa xildhibaan Faduma waxay sheegtay inay go’ aansatay "inay cafis walalakeed.”

Faduma ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonaan is gacan qaad dhex-maray aya da &Rashid oo ay billaabeen madaxweyne Uh uru Kenyatta iyo Raila Odinga.

Faduma ayaa sheegtay inay Rashid kala sha qeyn doonto sare u qa adidda midnimada maamul ka Wajir, oo 2duba ay baarl amanka Kenya kasoo gale en. Faduma iyo Rashid ayaa sidoo kale ball an-qaaday inay is-taageeri doonaan hadda ka dib.

Xildhibaan Rashid ayaa ayaa uga mahad-ce liyey Faduma inay aqbashay cudur daarkiisa.

Garsooraha maxkamadda dacwadda laga fu ray Martha Nanzushi ayaa kiiska ku calaame ysay in laga laabtay.

Rashid ayaa 2019-kii lagu eedeeyey inuu Fa duma ku feeray xarunta B/Kenya ee Nairobi.

Maxkamadda ayaa dhageysatay in xilli barqo ah uu Rashid ku weeraray Faduma halka baa buurta la dhigto ee xarunta Baarlamanka uuna dhaawac gaarsiiyey.

Ka hor weerarka Rashid iyo Faduma ayaa la sheegay inay dhex-martay dood kulul. Dhac dada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo diiwa an-geliyey xildhibaano kale oo ka tirsan baar lamanka.Rashid ayaa ka careysnaa in Fad uma oo ka tirsan guddiga maaliyadda ee ba arlaanka ay san miisaaniyadda ku darin lacag uu u rabay deegaanka laga soo doorto.

Joe Biden oo si ku-meel gaar ah u wareej iyey awoodda madaxweyne + Sababta

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay aa Jimcihii Dorraad si ku-meel gaar ah awood da madaxweyne ugu wareejiyey madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris, ka hor inta aanu qaadan dawada qofka suuxisa si loogu same yo baaritaanka xiidmaha (colonoscopy).

Biden ayaa howlgalkan ku maray xarunta caafima adka Walter Reed, taasi oo qeyb ka aheyd tij aabadiisa caafimaad ee sanadlaha ah, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.

"Si la mid ah markii madaxweyne George W.Bush uu maray howlgalkan oo kale 2002 & 2007, iyo ayada oo la raacayo sida dastuur ka ku qoran, madaxweyne Biden wuxuu si kmg ah awoodda madaxweyne ugu wareejin doon aa madaxweyne ku-xigeenka inta uu suuxsan yahay,” ayey tiri Psaki kahor inta aan Biden la suuxin.

"Madaxweyne ku-xigeenka waxay muddad aas ka shaqeyn doontaa xafiiskeeda qeybta West Wing.” Ka dib markii uu awoodda war eejiyey 10:10 am, Biden ayaa tijaabadiisa caa fimaad ee baaritaanka xiidmaha dhameeyey 11:35 am, wuxuuna dib ula wareegay aw ooddiisa madaxweyne.

Biden ayaa la sheegay inay xaaladdiisa caa fimaad wanaagsan tahay hase yeeshee uu ku sii negaan doono Walter Reed, si uu ugu sii na sto, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.

noqday madaxweynihii ugu da’a weynaa ee la doorto taariikhda Mareykanka Da’diisa ayaa noqotay meel ay mar walba ka wareeraan Ja mhuuriyiinta, waxaana tijaabadan caafimaad ay mar kale xiiso ku abuurtay xubnaha Jamhu uriga. In madaxweynaha uu awoodda wareeji yo ma ahan wax caadi ah, waxaana ay dood abuurtay intii uu madaxweynaha ahaa Donald Trump.

Trump oo 2019-kii si deg deg loogu qaaday isbitalka Walter Reed ayaa diiday in la suuxi yo, sababtoo ah ma uusan dooneyn inuu awoo dda ku wareejiyo madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence.

Iran oo gacanta ku dhigtay Markab siday shidaal

Ilaalada kacaanka Iran ayaa shaaciyay in markabka ay ku qabteen gacanka khaliijka, ka dib markii lagu eedeyay in uu tahriibinayey shid aal. Korneyl ka tirsan Ilaa lada Kacaanka ayaa shee gay in 11 ka mid ah shaqaalihii markabka ajna biga ay leeyihiin la xiray.

Korneylka ma uusan sheegin magaca dal ka laga leeyahay markabka iyo xilliga ay gac anta ku dhigeen.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu damb aysay ee dhacdooyiin is xig-xigay oo ka dhac day gacanka khaliijka, halkaas oo dhawrkii sano ee la soo dhaafay lagu weeraray maraa kiib ama la qabsaday.


MAXAY YIHIIN GANTAALADA GUUXOODA KA DHEEREEYA EE AADKA LOOGA BAQO?

ishii hore, wax u eg gantaal ayaa lagu ar kay hawada Shiinaha iyaga oo xawaare aad u sarreeya ku duulaya. Gantaalkan ayaa la shee gay inuu ku dhacday qiyaastii meel 40 mayl ka horaysa bartilmaameed kii. Sida laga soo xigtay khubara da, waxa uu ahaa nooc cus ub oo ah gantaalada guuxooda ka dhee reeya ee loo yaqaano hypersonic, inkastoo Shiinaha uu beeniyay.

Gantaalkan guuxiisa uu ka dheerayo dhan ka xawaaraha ay aa waxaa uu sii kordhiyay lo olan ka dhanka hubka ah ee u dhaxeeya Mar eykanka, Shiinaha iyo Ruush ka. Bal aan eegno waxa ay yihiin gantaallada hypersonic iyo sababta ay muhiimada gaarka ah u leeyihiin?

Cilmiga gantaalada

Marka la ego cilmiga sa meynta gantaalada ayaa ah mid muddo dheer soo jiray. Waqtiyadii hore, waxaa jiray hub ay ka mid yihiin ganta alada iyo baasuukayaasha.

Hal-abuurkii in awood loo yeesho in hub xoo g badan hawada la sii mariyo ayaa waxaa ka dhashay tignoolajiyada gantaalada dheereeya.

Farsamadan waxa sii hormariyay Jarmalka 19 30kii, waxaa uuna Jar malka xilligaasi rabay in uu sameeyo hub cusub.

Waxay Jarmalka isu keeneen kumanaan sa ynisyahanno ah waxa ana meesha ka baxay ca qabadihii la xiriiray tignoolajiyadan gantaala da."Jarmalka waxa uu sameeyay laba bar naamij oo cilmi baaris oo kala duwan, kuwaasi oo kala ahaa V-1 iyo V-2, waxaana lagu same yay gantaalada riddada gaaban iyo kuwa ridd ada dheer.

Dhammaantood waxay ahaayeen hub aad u kala duwan, "ayuu yiri Gressel, kuwaas oo loo yaqaanay Hubka Aargoosiga. Qaar ka mid ah gantaaladii ay sameeyeen Jarmalka ayaa noqday xilligaas kuwa cilad ay ku jirto oo u shaqeyn waayay sidii loogu talagalay.

Intii uu dagaalku socday, Jarmalku waxa uu gantaallo ku garaacay magaalooyinka London, Antwerp iyo Paris, balse taasi waxba kama be ddelin qaabkii dagaalka uu u socday.

Waxaa jiray bambooyin ama waxa loo yaqa anay, bambooyin duul aya oo la soo ridi karo iyadoo la kaashanayo matoorada diyaaradaha V-1.

Markii dambe saynisyahano ka shaqaynay ay mashaariicdan waxay aadeen Maraykanka & Midowga Soofiyeeti si ay uga shaqeeyaan cilmi-baarista dhanka hubka ah. Labada dal waxay ka shaqeeyeen hagaaj inta tignoolajiya da gantaalaha si ay u kordhiyaan awoodooda militari.

Gantaalada casriga ah iyo nooca hypers onic Labadan hub ee ay Jarmalka sameeyeen waa gantaalada riddada dheer ee Shalay.

Gantaalada nooca loo yaqaano Cruise-ka ayaa ah kuwa qaradaha is aga tallaaba halka gantaalada nooca balastiiga ah ay ay beegsan kar aan kumanaan mayl . Dr. Laura Grego waa cilmi-baare ka tirsan Mach adka Teknolojiyad da Massachusetts.

Waxay sheegtay in ay muhiim tahay in gan taalkaasi uu xakameeyo dhaq dhaqaaqiisa cirka, si uu si sax ah ugu haleelo bartilmaam eedka, iyada oo cadawga uusan ku baraarugin ama ka war hayn.

Gantaalada casriga ah ee loo yaqaanno hypersonic ayaa ah kuwa leh awooddan.

" Si gaar ah ayaa loo qaabeeyey si ay isu rog-rogaan ama midig iyo bidix ugu duulaan si xa waaraheedu sareeyo," ayay tiri.

Awooddani waxay ka caawisaa inuu weeraro iyada oo aysan qaban raadaarada cadowga. Inkasta oo Laura ay sheegtay in dabagalka iyo raadinta gantaalku aanu ahayn mid adag.

Faransiiska, Hindiya, Japan, Shiinaha iyo Australia ayaa ka shaqe ynaya imika sameynta tignoolajiyada gantaalada guuxooda ka dhe ereeya ee hypersonic.

Balse Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha ayaa hormariyay gantaa lada casriga ah.

Dr. Marina Favaro waa Cilmi-baare ka tirsan Machadka Cilmi-baari sta Nabadda iyo Siyaas adda Amniga, Jaamacadda Hamburg.

Waxa ay ku dooday in wadamada waaw eyn ee dunidu ay ku loola mayaan inay horm ariyaan tignoolajiyada milatariga.

Waxay tiri, "Waxaa guud ahaan la rumeys an yahay in gantaalba gantaalka uu ka xawa ara dheer yahay uu ka sii fiican yahay.

Waxay intaa ku dartay in hubku noqday sharaf qaran islamarkana ay san ahayn oo kali in hubka ay dalalka u sumeysanayaan in ay istic maalaan.

"Taa beddelkeeda, waxay rabaan inay she egaan inay samayn kar aan hub casri ah" ayay tiri Dr. Marina.

Tani waxay ka dhigan tahay in Shiinuhu uu dhawaan billaabay inuu is ku dayo inuu muu jiyo inuu la siman yahay Maraykanka dhinaca tiknoo lajiyada casriga h.

Diblomaasiyadda, Xiisadda ka dhalata Hubka Intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa, wax aa heshiisyo dhowr ah wada saxiixday Marey kanka iyo Midowga Soofiyeeti si loo dhimo khatarta weerarrada Nukliyeerka.

Qaar badan oo ka mid ah heshiisyadan ayuu waqtigooda dhacay, waxaana heshiiska u gu dambeeya uu dhacayaa 2026.

Laakiin Maraykanku heshiis noocan ah kalama dhaxeeyo Shiinaha.

Dr. Cameron Tracy, oo ah caalim baare ka tirsan xarunta amniga iyo iskaashiga caalami ga ah ee jaamacadda Stanford, ayaa sheegay in gantaallada xawaarahooda ka dheereeya ee loo yaqaano hypersonic ay kordhiyaan xur gufta ka dhexeysa dalalka.

Waxa uu yiri, "Waxaan haynaa calaamad cad oo muujinaya in dalal ka ay ku lug leeyihiin tartanka hubka ah, xiisadda u dhaxaysa ayaan mustaqbalka sii kordhi karta

XIGASHO:BBC


Itoobiya oo shacabka heysta qalabka qaab militeri ahaan loo adeegsan karo ka cod satay inay diiwaan geliyaan.

Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa shac abka heysta qalabka qaab militeri ahaan loo adeegsan karo ka codsatay inay diiwaan ge liyaan.Laanta dowladda u qaabilsan xogta arr imaha amniga iyo

Internetka ayaa shaacisay in ‘ololaha ay Itoobiya u adeegsa neyso sidii lagu badbaadi lahaa’ taas oo ay ugala jeeddo dagaalka muddada sanadkan ah ee ka socad gobolka Tigray.

Qalabka ay dowladda ugubaaqday shacab ka heystay inay diiwaan geliyaan waxaa kamid ah,

Teleenoonada Sattelite-ka, diyaarada ha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka, qalab ka GPS-ka iyo qalabka masaafada fog wax looga eegi karo ee Binoculars.

Ururka Xamaas oo laga mamnuucay UK iyo taageereyaashooda oo digniin adag loo dir ay.

Xoghayaha arrimaha gudaha Britain, Priti Patel, ayaa Jimcihii sheegtay inay mamn uucday kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, ta llaabadaas oo ka dhigtay mawqifka UK ee ku aadaan maamulayaasha Marinka Gaza inay

la jaanqaadeyso go’aankii Maraykanka iyo Midowga Yu rub."Xamas waxay leedahay awood weyn oo argagixisanimo, oo ay ku jiraan inay helaan hub aad u ballaaran oo casri ah, iyo sidoo kale xarumo lagu tababaro argagixisada,” ayay Pa tel ku tiri hadal ay soo saartay. "Taasi waa sa babta aan Shalay go’aankan u qaatay si aan Xamaas u mamn uuco gebi ahaanba.” ayay sii raacisay.

Ururkan Xamaas ayaa mamnuucistiisa loo cuskaday sharciga Argagaxisada ee Uk, waxa ana qof kasta oo taageero u muujiya, calan kiisa qaata ama u qabanqaabiya shirar uu noq onayo mid jabinaya sharcigaas, sida ay xaqii jiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Patel ayaa la filayaa inay Baarlamaanka ho rgeyso isbeddelkan toddobaadka soo socda.

Xamaas waxay leedahay garbo siyaasadeed iyo mid ciidan. Waxaa la aasaasay 1987, wax ayna ka soo horjeeddaa jiritaanka Israa’iil iyo wadahadal nabadeed, taas beddelkeeda wa xay u ololaynaysaa ” iska caabin hubaysan” oo ka dhan ah qabsashada Israel ee dhulka Fal astiin.

Wixii xilligan ka horreeyay Britain waxa ay mamnuucday oo kaliya cududdeeda milatari ee guutada Izz al-Din al-Qassam Brigades.

Sami Abu Zuhri oo ah sarkaal dhinaca siy aasadda ah oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in tallaabada Britain ay muujinayso "in ay si buuxda ugu xaglinayso Israa’iil, ayna u hoggaansantay handadaadaha iyo amarrada Israa’iil.”

Ergada Falastiin ee UK, oo wakiil ka ah ma amulka Falastiin ee Madaxweyne Maxamuud Cabaas ee ay reer galbeedku taageeraan, ay aa sidoo kale cambaareeyay tallaabadan.

R/wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa soo dhaweeyay go’aankan, isaga oo Xamaas ku tilmaamay ‘argagixiso”.

Dowladda Sacuudiga oo shaacisay inay dib u furtay safaaradeedii Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqort ooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqd ay Jimcihii Dorraad dib loo furay Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheeg tay in ay ka mahadcelineyso dadaalka DFS ee fududeynta dib u furista safaaradda Boq ortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ‘taas oo xa qiijinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.’

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxay she egtay inay rajaynayso inuu sii xoogeysto iskaa shiga Sucuudiga iyo Soomaaliya, si labada dal iyo dadkoodu ay u gaaraan kobac iyo barwaaqo badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay safaarad ugu laheyd dalka Sacuudiga, balse Sacuudiga ayaan hadda ka hor dib u furin safaaradiisa Muqdisho, kadib burburkii dowaldii dhexe ee Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga waxay ka mid tahay dowladaha dhaqaale ahaan taageera Soomaaliya, balse mararka qaar madmadow ayaa ku jiray xiriirka labada dal afartii sano ee Farmaajo hoggaaminayey Soomaaliya.



SOOMAALIYA

 




CALAAMAD GANACSI – OGAYSIISKA GUUD

 

 

 

 


OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAYin calaamadda ganacsi ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:

 

IVECO S.P.A., an Italian Joint-Stock company ofVia Puglia 35 Torino, Italy


IVECO. GROUP

 




waxaana loo adeegsaday:

 

Fasalka 12:Gawaarida; baabuurta dhulka; baabuurta warshadaha; baabuurta ganacsiga; gawaarida; basaska; basaska yaryar; tababarayaal; baabuurta waaweyn; gawaarida xamuulka qaada; baabuurta dagaalka; baabuurta gaashaaman; gawaarida gaashaaman ee dhulka; baabuurta xamaasada leh; baabuurta gaashaaman ee xambaara; baabuurta la raad raaco; baabuurta gaashaaman ee la dabagalay; gaadiidka dagaalka ee gaadiidka; baabuurta korontada; baabuurta korontada ku shaqeysa; baabuurta isku-dhafka ah; gawaarida ku shaqeeya hydrogen; baabuurta unugyada shidaalka; matoorada baabuurta dhulka, baabuurta warshadaha, baabuurta ganacsiga, Vans, basaska, basaska yar yar, tababarayaasha, baabuurta xamuulka ah, kuwa xamuulka qaada, baabuurta gaashaaman, baabuurta dagaalka, baabuurta dagaalka, gawaarida gaashaaman, baabuurta daba-galka ah, baabuurta gaashaaman, baabuurta dagaalka; matoorada korontada ee baabuurta; matoorada gaasta baabuurta; gudbinta baabuurta dhulka; gudbinta (qaybaha baabuurta dhulka); kaxaynta baabuurta dhulka; baabuurta samatabbixinta; matoorada baabuurta dhulka; matoorada baabuurta tareenada; matoorada baabuurta dagaalka; qaybaha iyo qalabyada alaabta kor ku xusan.

 

Sheegashada midabka: Codsaduhu wuxuu sheeganayaa midabada Buluugga iyo Grey-madow inay yihiin astaamaha calaamadda.

 

OGAYSIIS WAXAA KALE AYAA LA SIINAYAA in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip