HALKAAN KA AKHRISO WARRAKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 18-KA NOV. 2021-KA
RW Rooble oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiil Ciidan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xilgaarsiinta Md.Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan M/ Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kulan la qaatay Taliyaha guu tada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Kor neyl Maxa muud Xasan Ibraah im Baakay.
kulanka oo sidoo kale uu qe yb ka ahaa Taliye Xuseen Ax med oo ka mid ah saraakiisha guut ada 5-aad, waxaana kulankooda ay uga wada hadleen amn iga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
R/Wasaare Roobe ayaa ku boggaadiyay sa raakiisha oo howlaha shaqo ay haayaan iyo sidii ay uga qeyb qaateen howlgalkii Guriceel looga saaray dhaq-dhaqaaqa Ahlusuna ee dagaalka la galay maamulka Galmudug.
Saraakiisha iyo ciidamada guutada 5-aad ay aa uga mahad celiyay R/Wasaare Rooble dhi iragelinta uu u sameeyay, iyaga oo sheegay inay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Maxaa musharaxiinta ku qasbaya u diyaar gar owga dagaal iyo badbaado qaran 2?
Xubnaha Midowga Musharixiinta ee mucaa radka ah ayaa waxaa u socda doodo ku saabsan inay abuuraan mowjad cusub oo dalka gelin ka rta xaalad ka duwan tii Badbaado Qaran oo ay abaabuleen horaantii sanadkaan, kadib markii la gu guul-dareystay in doorasho la qabto, mudo kororsina qarka loo fuulay. Mucaaradka ayaa hubka qaatay markii ma daxweyne Farmaajo sameystay muddo kororsi laba sano ah, laakiin ugu dambeyn waxaa lagu qa nciyey in maamulka door ashada lagu wareejiyo R/ Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaa na ay deg deg u dhici doonto doorashada.
Bannaan-baxyadii bilowday wixii ka dambeey ey 8-dii February iyo dagaaladii ka dhacay caa simadda waa suurta-gelin waayey in deg deg do orasho ku dhacdo, wuxuuna Farmaajo qaatay 10 bilood oo muddo korosi ah, isagoo huba inay bilo kale u harsan yihiin, maadaama doorshadu ay san dardar ku socan.
Kulamo ayaa maalmahaan u socday xubna ha mucaaradka oo qaar ay dalka ka maqan yihi in. Xubnaha qaar ayaa miiska keenay in la dhiso Gole Qaran oo kmg ah oo dalka ka gudbiya xilligaan adag.
Golahaas wuxuu yeelanayaa awood fulineed iyo ciidan, taas oo ka dhigan in mucaaradku ay mar kale rabaan inay soo celiyaan qorshahoodii Badbaado Qaran oo ay hubka qaataan.
Ciidankii u dagaalamay qorshihii Badbaado Qaran bishii April waxay weli joogaan daafadaha M/Muqdisho, waana mid fudud in magaalada la gu soo celiyo mar kale.
Mid ka mid ah xubnaha midowga musharixii nta mucaaradka ah oo aan arrintaas wax ka wa ydiinay waxa uu sheegay inaysan macquul ah eyn inay marti kasii ahaadaan masiirka dalka, haddii dadka awoodda heysta aysan rabin inay doorasho qabtaan.Wuxuu sheegay in haddii ay isku raacaan in golahaas la dhiso aysan dhici doonin wixii dha cay bilihii April illaa May oo aheyd in si fudud lo ogu qanciyey inay ciidanka magaalada ka saar aan. Wuxuuna qabaa inay markaan khasab ta hay in dowladnimada laga badbaadiyo dad uu sheegay inay dowladnimadii ka shaqeysiin waa yeen, hadalkaas waxaa loo fasiran karaa in mar kaan awood ahaan lagu kala bixi doono.
Mucaaradka waxay sheegayaan inay si weyn uga niyad jabsan yihiin R/Wasaare Maxamed Xu seen Rooble oo ay u shooda u dhiibteen markii uu dhammaday dagaalkii Badbaado Qaran.
Inta ka dhiman sanadkaan haddii uusan dalku helin nidaam dowladeed, mucaaradku waxay she egeen inay go’aankooda ku dhawaaqi doonaan.
Xubnaha Mucaaradka ayaa qorsheenaya inay dhawaan kulan weyn ku yeeshaan magaalada Muqdisho, welina dhexdooda iskuma raacin go’ aankaas, laakiin shirweynaha ay Muqdisho ku yeelanayaan ayaa lagu gorfeyn doonaa gunaan adka mowduucaan.
Maxaa go’aanka ku qasbaya mucaraadka
Xubnaha mucaaradka ee kasoo jeeda M/ Mu qdisho iyo gobollada dariska la ah, waxaa laga qaatay maamul goboleedyadii ay kasoo jeedeen, waxayna aamisan yihiin in Farmaajo halkaas kaga xoog batay, labadii maamul oo ay isku hal eenayeen ee Puntland iyo Jubbbaland iyaga ay aa keensaday musharax, guddiyadii doorashada saameyn kuma lahan, xubno badan oo taabacsa naana waa loo soo diiday kursigooda xildhibaani mo, qaarna hadda ayey ka waanka saaran yihiin.
R/Wasaare Rooble oo ay isna isku haleenay een wuxuu u muuqdaa inuu danihiisa raacday. Arrimahaas is biirsaday waxay mucaaradkii ku rideen niyad jab.
Iyadoo mucaaradka taas ka gadoodsan yihiin, ayaa haddana dhinaca kale doorashadii la dhaq aajin waayey. Hadda waxaa hor taalla oo dodo odu tahay inay gacantooda sharciga iyo dowladi mada ku doonaan.
Qaarkood waxay qabaan inuu dalka u baah an yahay in la badbaadiyo. Qorshaha xubnaha mucaaradka qaar ee lagu soo celinayo qorshihii Badbaado Qaran ayaa halis ku noqon kara dowladnimada Soomaaliya iyo xasiloonida dalka. Laakiin dhinacyada doorashada gacanta ku haya ma muuqato inay mudnaan siinayaan mucaarad ka iyo dedejinta doorashada.
R/ Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sugan M/Dhuusamareeb ee caasimadda maa mulka Galmudug, madaxweyne Farmaajo in doo rashada deg degto wax dano ah ugama jirto, wa xaana u cad inuu iska sii joogo Villa Somalia, hal ka Deni iyo Axmed Madoobe ay danahooda ga arka ah kaga tashanayaan Garowe.
Lama yaqaan sida qorshahaan ka socdo dhin aca mucaaradka uu u saameyn doono Golaha Wada-tashiga Qaran ee mas’uulka ka ah doora shada dalka, kaas oo ka kooban R/Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada.
By:-Abdullahi Osman Farah
Xigasho:caasimadda.net
RW Rooble oo bogaadiyay dhismaha Wadd ada isku xirta Hobyo iyo Gaalkacyo.
Dhuusamareeb:-Ra’iisyl Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaala da Dhuusamareeb kula kulm ay wakiillo ka socday Guddiga dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.Mudane Rooble ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay howshu ku socoto, isagoo warbixin ka dhagey stay wakiillada Guddiga dhisaya Waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, wuxuuna ku dhiirrigeliyay howsha muhiimka ah ee ay hayaan.
Boqor Buurmadow oo sheegay arrin uu abaal uga hayo beesha Mudullood
Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa Shalay ka qeyb galay kulan casuumaad ah oo waxgaradka beelaha Mudullo od ay u fidiyeen Boqorka, waxuuna casuumaadka kadib la hadlay warbaahinta.
Boqor Buurmadow ayaa sheegay in ka Dir-waqooyi ahaan ay abaal weyn u hayaan beesha Mudullood, abaalkaas oo ay u galeen xilligii ay socdeen duqeymihii uu amray Madaxweyne Max amed Siyaad Barre ee ka dhacay magaalooyin ay Hargeysa ugu horeyso.
Waxuu sheegay in waxgaradka beesha Mud ullood ay xilligaas ku dhiiradeen inay Shirib ka tiriyaan dhibaatadii uu Maxamed Siyaad ka geysana yey waqooyiga Soomaaliya.
Sidoo kale waxuu xusay in duuliye Axmed Dheere oo ka soo jeeda beesha Mudull ood uu abaal weyn u galay dadka dega waqooyi ga Soomaaliya, kadib markii uu diiday amar lagu siiyo inuu duqeeyo magaalada Hargeysa, xilliga as oo diyaaradii uu waday uu ula goostay dalka Jabuuti.
"Walaaleen beesha Mudullood hadii ay noo imaan waayeen markii aan kala tagnoo aan wax kala tirsanay, Shalay anagoo miisaan leh wax aan go’aasanay inaan walaaleheen u hoyano, oo la qeybsano waxa ay tirsanayeen, shiribkii ay noo tiriyeen xiliyadii adkaa, meel fog ayuu nooga yaallaa, waxaa kaloo meel adag nooga taalla nin kii Mudullood ka soo jeeday Axmed Dheere ee nagala xishooday inuu na duqeeyo ee naftiisa qa tarta noo geliyey,” ayuu yiri Boqor Buurmadow.
Sidoo kale Boqor Buurmadow ayaa beelaha Mudullood ku amaanay ilaalinta dhaqanka iyo ka la dambeynta oo sida uu sheegay ay uga horeey aan beelaha kale ee Soomaaliyeed.
Midowga Musharaxiinta Oo Kulan Fogaan Aragga Layeesha Wakiilada Beesha Caalamka
Midowga Musharaxiinta ayaa kulan dhinaca
Fogaan aragga ah waxa ay kula yeesheen wak iilada Beesha Caalamka iyagoo ka wadahadlay dardargelinta doorashada golaha shacabka.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook Guddoo miyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidan;
"Waxaan Shalay kulan kula qaadanay aala dda fogaan aragga wakiilada Beesha caalamka, waxaana ka wada hadalnay dardar galinta door ashada xildhibaanada Golaha Shacabka BFS.
Waxaan la wadaagnay aragtida Golaha Mid owga Musharrixiinta Madaxweynaha ee ku aadd an muhiimadda ay leedahay in sida ugu dhaqsa ha badan loo soo gabogabeeyo doorashada si dalkeenu horay ugu socdo.
Waxaan beesha caalamka uga mahad celinay kaalmada ay siinayaan Dowladda iyo dadka So omaaliyeed si loo gaaro nabad waarta iyo hour mar. ” Midowga Musharaxiinta ayaa walwal weyn ka muujinaya sida ay u jiitameyso qabashada do orashada xildhibaanada golaha shacabka iyadoo jadwalkii udambeeyey ee la soo saaray oo ahaa in 16ka bishan ay bilaabato doorashada Golaha
Shacabka uusan dhaqan gelin.
Axmed Madoobe & Deni Oo Isku Raacay Qorshe Cusub Oo Ku Aaddan Doorashada Golaha Shacabka
Iyadoo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed maxamed islaam (Axmed Ma doobe) uu ku sugan yahay M/Garoowe ee Xaru nta D/G/Puntland, ayaa waxaa jira warar soo ba xaya oo sheegaya in Axmed madoobe iyo Siciid Deni ay ku heshiiyeen qorshe yaal dhowr ah oo ku aaddan doorashada dalka ka dhacaysa, gaar ahaan tan Golaha shac aba oo dhawaan si rasmi ah dalka kaga billaaban doonta.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Axmed Mado obe iyo Deni ay isku raaceen Qorshe weyn oo la xariira doorashada Baarlamaanka aqalka hoose, kaasi oo markii hore aan ku jirin qodobadii sida rasm iga ah loogu heshiiyay.
Axmed madoobe oo kulamo aan kala joogsi lahayn la yeelanayay Mas’uuliyiinta Puntland ay aa la sheegay in isaga iyo Deni ay isku raaceen qorshe ah in doorashadu ka dhacdo hal degmo, ama doorashada Golaah Sahcabka lagu qabto hal Magaalo taasi oo ay u sababeeyeen waxy aabo dhowr ah.
Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in sabab ta ugu weyn ee arrintaas ay ku doorteen ay ta hay Magaalooyinka qaar oo aysan macquul ah ayn in doorasho ika dhacdo, iyagoo u sababe eyay amni darro iyo duruufo kale awgood.
Sidoo kale xogta aynu helnay ayaa intaas ku daraysa in Qorshaha loo bandhigi doono R/Was aaraha XFSMd. Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda kale ee D/Goboleedyada, kuwasi oo la’ aantood uusan socon Karin qorshaha ay wataan laabda mas’uul.
Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu ka de gay Garoowe waxaa uu halkaasi ka waday kula mo siyaasadeed oo ku aaddan arrimaha doorash ooyinka,waxaana lagu tilmaamay kulamada Deni iyo Axmed madoobe kuwo ku salaysan is xulaf aysi cusub oo waji kale u yeeli doona arrimaha doorayooshooyinka.
Ciidamada Xoogga Dalka Oo Howlgallo Kula Wareegay Degaanno Dhowr Ah
Ciidamada XDS gaar ahaan guutada 9-aad, qeybta 60-aad ayaa Shalay howlgallo qorsheys an waxa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Degmada Xuddur ee xarunta G/Bakool.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa howlgallada waxaa ay ka fuliyeen degaannada Gomori, Aboore, Banjinaay iyo Doonfuul, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Xuddur.
Howlgallada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’u uliyiinta Maamulka G/Bakool iyo kan degmada Xuddur, waxaana Ciidamada ay la wareegeen de gaannada ay howlgalka ka sameeyeen oo ay hor ay ugu sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Guutada 9-aad Qey bta 60-aadiyo mas’uuliyiinta Maamulka G/Ba kool ayaa waxaa ay la hadleen qeybaha kala du wan ee Bulshada kunool degaannada howlgalla da laga fuliyay, iyaga oo ka codsaday inay Ciida mada Amniga kala Shaqeeyaan.
Nabadoon Maxamed Xasan Nuur oo loogu gal ay gurigiisa Muqdisho kadibna la dilay
Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay Nabadoon Maxamed Xassan Nuur oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee Soom aaliyeed.
Dika ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Juungal oo ka tirsan de gmada Yaaqshiid, ka dib markii ay weerareen laba nin oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Wararka aya sheegaya in ragga dilka fuliyey ay gudaha u galeen guriga nabadoonka, isaga oo xilligaas aqrisanayey Kitaabka Qur’aanka Ka riimka, ka dibna ay toogteen, sida ay innoo xa qiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga dilka geystay ay si deg deg ah goobta uga baxsadeen, kadib dhacdadaas waxaana goobta gaaray ciidan ka tirsan kuwa amniga.
Meydka marxuumka ayaa sidoo kale loo soo qaaday xarunta dambi baarista hay’adda CID-da ee Booliska Soomaaliyeed, taas oo haatan wad da baaritaano dheeraad ah.
Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogashada loo geystay Nabad oon Maxamed Xasan oo caan ka ahaa xaafadda Juungal ee degma da Yaaqshiid, waxaana dilkiisa uu qeyb ka noqonayaa falal ammaan dari oo ka dhacayey Muqdisho.
Si kastaba, ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa dhankooda xoojiyey howl-gallada lagu sugayo ammaanka, iyaga oo saddexdii habeen ee la soo dhaafay baaritaano guri guri ah ka sameynayey degmooyinka qaar gobolka Banaadir
DF oo qorsheynaysa inay dalka ku soo celi so xubno ka tirsanaa Daacish-ta dalka…
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suuriya ayaa shaacisay inay qorsheynayso sidii loo sii deyn lahaa, islamarkaana dalka loogu soo celin lahaa Soomaalida ku biirtay Daacish ee ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Suuriya.
Farxaan Gurxan oo ah sii-hayaha safaaradda oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Jabhadda Kurd ish-ka ay u ballan-qaadeen inay la kulan-siiyan Soomaalida ku jirta xerada Al Roj ee waqooyiga Syria.
"Waxaan la kulmay sarkaal ka tirsan jabhadda kurdish-ka ee gacanta ku haysa gobolkan, wu xuu ii ballan-qaaday in la i gayndoono xerada Al roj ee dumarka ay ku jiraan, wuxuu kaloo ii ball an-qaaday inuu ila kulansiiyo labo kamid ragga Soomaaliyeed ee xabsiyada Daacish ku jira, si aan uga wareysto xaaladda ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Farhaan Gurxan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xerada Al Roj iyo xero kale oo ayaduna u dhow inay ku jiraan dumar Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 19 iyo 23 caruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay.
Waxa jira oo kale dhalinyaro rag ah oo xabsiyada ku jiro oo aan ilaa hadda tiradooda si rasmi ah loo hayn, waxay Safaaradu ku howlan tahay dib sidii loo sii deyn lahaa, islamarkaana dalka dib loogu soo celin lahaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii dadkaas dib loogu soo celin lahaa gudaha Soomaaliya, maadaama ay ku dhibaat aysan yihiin xeryaha iyo xabsiyada dalkaas oo ay muddo sannado ah ku jiraan.
Soomaalida ku xiran xabsiyada Suuriya ayaa waxay u badan yihiin kuwa ka yimid dalalka Yu rub iyo Mareykanka, xiligii kooxda ISIS ay gacan ta ku haysay inta badan wadankaas, ayada oo markii dambe ee la jabiyeyna lagu soo qabtay dagaalka.
Isku soo bax Roob doon ah oo lagu qabtay Beledweyne.
Boqolaal Dadweyne ah oo ka kala yimid Xa afadaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta G/ Hiiraan ayaa waxaa ay Shalay goob fagaaro ah ka dhigeen Banaanbax, iyaga oo sidoo kale ku dukday Salaad Roobdoon ah.
Dadweynaha oo isugu jiray Culimo, Arday iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada aya isugu yimid fagaaraha Brxad Iskuulka Mujamac ee M/Bledweyne, iyaga oo halkaasi Alle uga baryay in uu Roob u keeno si mlooga baxo Abaarta.
Qaar kamid ah Culimadii ka qyeb gashay isku soo baxa ayaa Salaadda ropobdoonka ah waxaa ay ugu baqeen bulshada magaalada in ay badiyaan is cafiinta si loo hello Rax madda Alle ee Roobka ma adaama abaaro darran ay ka jiraan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Isku soo baxaan oo ay Dorraad iclaamiyeen Culli mada Magaalada Beledweyne ayaa dhamaan dadkii ka qeyb galay waxaa ay Alle ka baryeen in uu roob u keeni si looga baxo abaarta.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan G/Hiiraan ayaa waxaa xilligaan kajirta abaar aad u daran, waxaana Gudaha iyo daafaha D/B/weyne ku su gan dad kazoo barakacay degaano ay kajirto aba arta.
Maxay yihiin ciidanka Shalay laga soo dejiyay Muqdisho?
Waxaa Shalay M/Muqdisho ka soo dagay cii damo badan oo ka tirsan booliska howl-galka M/Afrika ee Soomaaliya, kuwaasi oo ka socda waddanka Ghana. Sida ay sheegtay in ay ogaa tay Caasimada Online, Ciidamada oo tiradoodu gaareysay ilaa 113 Askari ayaa waxay dalka joo gi doonaan sida uu qorshuhu yahay muddo san ad ah, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dhism aha tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxay ciidamadaan qeyb weyn ka qaadan doonaan sugida amniga doorashooyin ka, xili dhawaan si hordhac ah u bilaabatay door ashada kuraasta Golaha Shacabka.
Ciidamada ka socda Boo liska AMISOM ayaa waxa a M/Muqdisho kusoo dha weeyay Taliyaha booliska AMISOM, Kaaliyaha Kor meeraha guud ee Booliska (AIGP) Augustine Ma gnus Kailie, iyo xubno sare oo ka tirsan Kooxda hoggaanka Booliska AMISOM.
Ciidamadaan ayaa waxay si toos ah ugu biir ayaan 47 askari oo horay u joogay Soomaaliya, kuwaasi oo dhamaantood ka qeyb qaadanaya doorashooyinka dalka.
Dhinaca kale, Taliyaha Booliska AMISOM oo munaasibada soo dhaweynta ciidamadaan ka hadlay ayaa sheegay inay yimaadeen xili xasaasi ah, islamarkaana ay tahay inay kaalin weyn ka qaatan sugida amniga doorashooyinka.
"Waxaan gacanta ku haynaa shaqo aan ku ila alineyno amniga doorashooyinka socda. Doora shooyinkani maaha shaqo maalin ah, laakiin wa xay socon doonaan ilaa Janaayo. Markaa, hadal kayga digniinta ah waa inaad aad uga taxadirtaa oo aad u heellan tahay waajibkaaga,” ayuu yiri AIGP Kailie.
"Qaar ka mid ah waajibaadka aad gudan do ontiin waa kuwo loo baahan yahay inaad si firfirc on u gudataan,sida roondooyin hubinta baabuur ta, joogsiga iyo baaridda, goobidda & samatabb ixinta, iyo adeegyada kale ee bini’aadantinimo .”
Si kastaba, waxaa Somaliya ku sugan ciidamo boolis ah oo ka socda dalalka Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambi, waxaana xilig an qeyb ka noqday dalka Ghana oo ugu deeqay ciidamo badan.
Ciidamo ka tirsan Somaliland oo u goostay Jabhadda SSC
Boqolaal Askari oo ka tirsanaa Ciidamada So maliland ayaa Shalay ka goostay, kuwaas oo ku biira Ciidanka jabhada SSC ee G/Sool, Snaag iyo Ceyn. Ciidanka oo hub faraban wata iyo Gaadiid dagaal ayaa wax aa M/Buuhoodle kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Jabhadda SSC.
Saraakiil ka tirsan Jabhadda SSC oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay shee geen in duruufo kala duwan oo jira ay uga soo ba xeen kamid ahaanshaha Ciidamada Somaliland.
Jabhada SSC ayaa goobo kala duwan kaga sugan gobolka Cayn tan iyo markii la aas aas ayna waxay isku fidinaysay deegaanka, iyaga oo siweyn uga soo horjeeda Maamulka Somaliland.
Ciidanka Shalay ku biiray Jabhadda SSC ee ka soo goostay Somaliland ayaa waxaa ay muddo ka howlgalayeen degaano ka tirsan G/Sool.
Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay mas’uu liyiin ka tirsan maamulka JUBBALAND
Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad ee D/Kismaayo ayaa si adag uga horyimid amar Dorraad kasoo baxay xafiiska Duqa D/Kismaayo, kaasi oo lagu hakiyey dacwadihii dhulka.
Warqada uu Shalay soo saaray Guddoomiya ha maxkamada darajada 1aad ee degmada Kism aayo ayaa la fahamsan yahay inay banaanka usoo saartay khilaaf huu rsana oo kala dhaxeeyay Duqa degmada.
Guddoomiye Muuse Cismaan Geedi ayaa she egay in warqada Duqa D/Kismaayo ayna laheyn wax saldhig qaanuuneed ah, islamarkaana ay ka soo horjeedo awoodda garsooridda ee maxka madaha. "Waxaa cadaynayaa in warqadda Gud doomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa ma gaalada ee kor ku xusan aysan laheyn saldhig qaanuuneed, waxaana ka dhalanaya ku xadgu dub awoodaha dastuuriga ah iyo shuruucda kale ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee degmada Kismaayo.
"Waxaa u sheegaya bulshada Jubbaland, gaar ahaan bulshada degmada Kismaayo in dacwadi hii ay u socdaan sidii caadiga aheyd aysanna jir in wax isbadel ah oo ku yimid habsami u socodkii shaqada garsoorka.”
Guddoomiye Geedi iyo Duqa Kismaayo ayaa Is ku haya hab qaadista dacwadaha dhulka, oo uu Dorraad hakiyay Duqa degmada, taasi oo si ad ag uga horyimid Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee degmadu.
Al-Shabaab oo si yaab leh gurigiisa MUQDI SHO ugala baxay sarkaal kasoo goostay
Kooxda Al-Shabaab ayaa si la yaab leh u af duubatay sarkaal horey uga mid ahaan jiray, ka asi oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda ka na tirsanaa Hay’adaha Ammaanka.
Sarkaalka gurigiisa lagala baxay ayaa lagu magacaabaa Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib Se erjito, wuxuuna daganaa guri ku yaalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gurigiisa ugu galeyn kadib markii ay maqas weyn ku jareyn guriga oo ahaa mid ka sameysan Jiinkada loo yaqaan Bacweynaha. Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online, sarkaalkaan ayaa wuxuu u shaqeenayey Hey’adaha Amniga Dowladda, wuxuua dhowr je er ka soo muuqday muuqaalo uu baahiyey tele efishinka qaranka, kuwaas oo dhallinyarada loo ga wacyi gelinayey inay ku biiraan Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya wali ma aysan bixin xog ku saabsan sida Al Shabaab ay ugu suura ga shay in ay ku wataan ninkan muhiimka u ahaa.
Sidoo kale kooxda Al-Shabaab weli kama ay san hadlin afduunka ay u geysatay sarkaalkaa, waxaana la rumeysan yahay inay la aadeyn dha nka duleedka Dayniile oo ay ku leeyihiin saldhig ciida oo weyn.
Taariikhdiisa oo kooban
Macalin Siciid Cabdulle Dilib Seerjito waxa uu ku dhashay magaalada Marko ee gobolka Shab eellaha hoose sanadku markii uu ahaa 1986, Wa xbarashadiisa dugsiga hoose ilaa heer Jaamac adeed waxa uu ku qaatay Muqdisho, waxa uuna ku tkhasusay Culuumta Network Eng ineering.
Sanadkii 2008-dii ayuu Al-Shabaab uga biiray magaalada Muqdisho, iyada oo xilligaasi looga faa’iidaysanayay aqoontiisa luuqadaha iyo Tiknooloojiyadda.
Seerjido oo July 2021, lagu waraystay barn aamijka Gungaar ee ka baxa warbaahinta Dowl adda ayaa sheegay in shaqadii ugu horay ee uu ka qabtay Al Shabaab dhexdeeda loona soo ban dhigay ay ehayd turjumaan maadaama uu si feec an u yaqaanay luuqadaha Engiliish-ka, Carabiga iyo Afka Soomaaliga.
Waxa uu sheegay in uu gacan wayn ka gay stay in warbaahinta Al Shabaab oo markii hore baahin jirtay Nashiidooyinka Carabiga ah lagu soo daro gabayada Soomaaliya "maadaama aan dhaqan leenahay Carabnimada aan diidi Karin oo aan Carab nahay”.
Mar wax laga waydiiyay awooda Al-Shabaab ayaa ku dooday in ay mar ahaayeen awood xoo ggan balse hada ay awood yaryihiin sida laga aaminsanyahay.
Macalin Siciid Cabdullaahi Dilib waxa uu war baahinta u sheegay in samaynta warbixinada iyo muuqaalada laga soo min-guuriyay shabakadaha Caalamiga ah sida Alsaxaab, Al-kataa’ib iyo ku wa kale oo Al-Qaacidda ay leedahay ay inta abd an xooga ku saari jiray soo jiidashada dadka Qur ba joogta ah.
Seerjito ayaa 2014-kii ku biiray Daacishta Soo maaliya , waxa uuna u safray buuralayda Galgal ee gobolka Bari, waxa uuna halkaasi kula kulmay hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Muumin
Waxa uu sheegay in Daacish ay aqoontiisa ka faa’iidaysatay sida oo dooday inaysan jirin farqi u dhexeeya Al Shabaab iyo Daacish oo labada uu la soo shaqeeyay xiliyo kala duwan.
Seerjito, ayaa sheegay in uu Daacish uu ka caa wiyay in ay wararka iyo barnaamijyada muuqaal ah u sameeyo.
Macalin Siciid Cabdulle Dilib, ayaa isku soo dhiibay Dowladda Faderaalka isaga oo sheegay in dagaalyahana hogaankooda ka leexdeen saba btii uu ugu biiray, isaga oo doortay in uu la shaqe eyo NISA balse ugu dambayn waxaa afduubtay Al Shabaab. Xigasho:caasimadda.net
Madaxweyne Deni oo Magacaabay taliye yaal cusub
Madaxweynaha maamulka Puntland Md. Siciid C/hi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan mag acaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta. Madaxweynaha Dowladda Pun tland Markuu arkay: Dastuurka D/Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoondooda, kartidoo da iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magaca abay Taliyaha Ciidanka Asluubta D/Puntland.
Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axm ed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Mada xweynuhu saxiixo, wuunasaxiixay
Beesha Caalamka oo shuruud ku xirtay bixinta lacagta doorashada
Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa shuruud ku xidhay bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya ee ay horay Beesha Caalamka u bala nqaadeen.
Waxay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato do orashada inay si habsami ah u socoto, kana bila abato saddex dowlad-goboleed, sidoo kalena qe ybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doo rashada dhammaan goobaha.
Qaar ka mid ah ayaa horay u dalbaday in la si iyo lacagta doorashada si ay u bilaabaan doora shada xildhibaanada golaha Shacabka.
Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska R/ Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Fede raal.
Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qab tay M/Marka
Wasiirka Amniga K/galbeed Isaaq Cali Subag le ayaa shir gudoomiyay kulanka Amniga Degm ada Marka waxaana ka qeybgalay Wasiiro ka tir san K/galbeed gudoomiyaha G/sh/hoose Taliy aha Booliska saraakiisha CXD iyo kuwa Amisom, Booliska iyo maamulka degmada Marka.Shirka Amniga ayaa xooga lagu saaray la-dagaalanka Shabaab iyo sidii howlgalo qorsheysan loo qaadi lahaa.
M/Marka ayaa waxaa ku sugan Wasiiro ka ti rsan Maamulka K/Galbeed, kuwaas oo halkaasi u tegay qorshonla xiriira Amniga iyo horumarinta degmada.
Kulanka looga hadlayay Amniga ee lagu qab tay M/Marka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer Al-Shabaab ay weerareen Saldhigya da Ciidamada dowladda Soomaaliya ee M/ Marka.
Dad ku dhintay dab qabsaday guri ku yaala magaalada Hargaysa
Wiil yar ayaa ku geeriyooday dab qabsaday guri gooda oo ku yaala xaafada Boqol-jire ee M/Hargay sa, sida lagu baahiyay warbixin lagu daabacay bo ga Facebook ee ciidanka dab-damiska Somaliland.
"Alle haw naxariistee wiil yar ayaa ku dhintay guri Jiingada oo dab qabsaday xaafa da Boqol-jire ee M/Hargeysa" ay aa lagu yidhi war bixinta uu dab-damisku baahiyay.
"Ciidanka Dab-demiska ay aa gurmad u fidiyay, waxa anay Maydkii ka soo saareen gudaha hore ee guriga, sidoo kale ciidamada ayaa damiyay dabkas , kana xa kameeyay guryihii kale".
Dab-damiska ayaa ciidanka Booliska gaar ah aan laanta dambi baadhista oo hawlgalkaa goob joog ka ahaa kuwareejiyay maydka.
Wasiirka Warfaafinta ee dowlad degaanka Soo maalida " Uma dulqaadanayno ciddii ku kacda tabinta wararka been abuurka ah"
Wasiirka Warfaafinta dowlad degaanka Sooma alida Itoobiya oo ka hadlayay xaaladda guud ee dal kaasi ku sugan yahay wakhti xaadirkan, ayaa waxa uu sheegay in uu dalkaasi ku jiro xaalad deg deg ah, taas oo ka dhigan in wax badan oo xuquuq ahaa uu hawada ka saarayo ba yaanka xaaladda deg degga ahi.
Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirku in dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee qorigga ahi, ka sokow uu jiro dagaal dhanka Warbaahinta iyo ba raha bulshada ka socda, waxa uuna digniin u diray cid kasta oo faafisa ama gudbisa warar been abuur ah ama keeni kara isku dhaca dadka wada dega Ito obiya.
Wasiirku waxa uu xusay in Warbaahinnada qaar oo uu ku sheegay inay ku kaceen waxa uu ku til ma amay isku dirka qawmiyadaha wada dega Itoobiya, iyo hadalo nacayb ah laga tallaabo qaaday, wuxu una carrabka ku adkeeyay inaan hadda kadib loo dulqaadan doonin, sharcigana la marin doono shaq si kasta ama warbaahintii ku kacda wararka been abuurka ah, isku dhaca qowmiyadaha Itoobiya iyo hadallada nacaybku ka muuqdo, waa siduu hadalka u dhigay wasiirku.
Hadallada Wasiirka ayaa kusoo hagaagaya xilli dowladda Itoobiya ay dhaleecaysay qaar kamid ah warbaahinta ugu waawayn caalamka, sidoo kalena albaabada loo xiray telefishinka Nabad tv, xaruntiisa magaalada Jigjiga, sidoo kalena ay xiran yihiin qaar kamid ah wariyayaashii telefishinkaasi.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid ay dowladdu ku xakamaynayso dagaalka dhanka Warbaahinta iyo baraha bulshada ka socda, oo ay ku sheegtay in lagu gudbiyo warar been abuur ah, ama keeni kara isku dhaca qowmiyadaha wada dega Itoobiya.
Somaliland oo digniin kama danbaysa siis ay dadka kasoo jeeda K/Galbeed Soo maaliya
Booliiska Somaliland laantiisa gobolka Sanaag, ayaa digniin kama danbays ah siiyay dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee ku dhaqan gobolka Sanaag, waxayna sheegeen in ay qab qaban doonaan cidii Somaliland ka bixi wayda.
Taliyaha booliiska Somaliland ee gobolka San aag G/le sare Saleebaan Ducaale Ubaxle, ayaa digniin siiyay dadka wali magaalada ku hadhay, isagoo sheegay inay guryaha gali doona an oo soo qab qaban doonaan iyaga oo sharciga u maraya.
"Wuxuu Shalay halkan ciidanku u diyaar garoob ay oo uu ku dhaqaaqayaa, dadkii ajaanib ka ahaa ee dowladu tidhi haka baxaan, wixii joogayaana sharci hasoo samaystaan, nimanka guryaha gudah ooda ku dhuumaalaysanaya iyo kuwa qarinayaba hadhaw bay odhan lanooma digin, anagoo sharciga u marayna, waaran u goosanayna, qofkasta guriga uu joogo ayaanu ugu tagaynaa" ayuu yidhi Ubaxle.
Taliye Ubaxle ayaa sidoo kale, digniin siiyay dad
ka reer Somaliland ee iyagu ka caawinaya in ay gur yahooda ku dhuuntaan isagoo sheegay in talaabo laga qaadi doono.
"Kaa la yidhi bax ee amarkii diiday ee dowlada is ka dhaga marinaya, iyo ka gacan siinaya, iyo ka gu rigiisa ku qarinayaba iskumid ayaanu anagu u aqo onsanaynaa, hadhow buu odha doonaa muwaadink aasi warbixin booliisku iskama soo horaysiin, in ba dan baanu kula hadlaynay waa digniintii sadde xaad" ayuu yidhi Ubaxle.
Xukuumada Somaliland ayaa wali wada raafay ciideeda kaga saarayso dadka aan Somaliland u dhalan khaasatan dadka kasoo jeeda maamulka Ko onfur-galbeed ee Soomaaliya oo lagu eedeeyay am ni daro ka dhacday gobolo Somaliland ka tirsan.
Wiil Doonayay Inuu Badbaadiyo Haweeney Da’ ah Balse Isagii La Diley Oo Lagu Tilmaamay Halyeey
Cali Abuukar Cali oo 20 sano jir ahaa asalkiisu na ahaa Soomaali balse haystay dhalashada British ayaa geeriyootay xilli la sheegay inuu isku dayayay inuu badbaadiyo nafta haweeney da’ ah.
Wiilkan dhalinyarada ahaa ayaa la sheegay inuu u soo galay jimcihii la soo dhaafay si uu u caawiyo Betty Walsh, oo 82 jir ah, taasoo mi ndi lagu weerar ay bannaanka dukaan u dhow gurigee da oo ku yaalla xaafadda Brentford ee Galbeedka London una dhow guriga Cali.
Cali ayaa ahaa arday ka tirsan Jaamacad da Kin gston, waxana uu tababare u noqday ko ox wiilal oo ka tirsan Naadiga Kubadda Koley ga ee Chiswick Gators.
Dhacdadan ayaa dhacday saacado ka dib markii uu ka soo laabtay tababar uu siinayay kooxdiisa.
Bogga Go Fund Me ah oo loo abuuray in la gu sameyo tabarucaad sadaqo ah oo lagu maamuusa yo Ali ayaa kor u dhaaftay 90,000 rodol ($120,000) laba maalmood gudahood.
Michael Kwentoh, oo hore u ahaan jiray ciyaar yahan da’yar oo caalami ah oo kubbadda koleyga aasaasay kooxda Gators, ayaa la kulmay Cali mar kii uu ahaa 13 jir.
"Cali wuxuu ahaa shaqsiga ugu daacads an,ugu daryeeli badan ee aan abid la kulmo nolosheyda,” Kwentoh ayaa u sheegay Al Jazeera.
La yaab kuma aysan noqon Kwentoh in Cali uu isku dayay inuu caawiyo haweeneyda da’da ah.
"Kaliya uma qalmin waxa isaga ku dhacay. Isagu waxa uu ahaa mid aan waxba Shalaysan, aad buu u nadiif u ahaa,” ayuu yidhi Kwentoh.
Wiilashii Cali uu tababare u ahaa, da’dooduna waxa ay u dhaxaysay lix jir ilaa 10 jir, Kwentoh ayaa intaa ku daray in ay xasuusan doonaan naxariistiisa iyo xamaasadda uu ku beeray ciyaaraha.
"Wuxuu dareensiiyay inay yihiin xiddigo,” ayuu yidhi. "Wuxuu kaa dhigi lahaa inaad ku rumaysato in ka badan intaad naftaada aaminsan tahay.”
"Waxa aanu waynay walaal qaali ah, oo ah ninka u gu da’da yar ee ugu taxadarka badan, uguna qo sol ka badan,” ayuu yiri.
Eedeysanaha, Norris Henry, oo 37 jir ah, ayaa Isniintii ka soo muuqday Maxkamadda Uxbridge, isaga oo lagu soo oogay labadaba dilka Cali iyo is ku day dilka Walsh,sida ay sheegtay BBC-da.
Wuxuu kasoo muuqan doonaa maxkamada dhe xe ee dambiyada London Arbacada.
Walsh ayaa weli ku jira isbitaalka, ka dib markii qaliin kelyaha lagu sameeyay.
China oo diiday go’aankii golaha ammaan ka ee Somalia, soona jeediyey qorshe cusub
Dowladda Shiinaha ayaa ka hor-timid go’aankii uu Golaha Ammaanka QM Isniintii mar kale ku cus booneysiiyey cunaqabtayenta hubka ee saaran Soomaaliya.
Shiinaha ayaa dalbaday in cuna qabateynta oo jirsatay ku dhowaad 30 sano laga dhigo mid shuruudo ku xiran oo Soomaaliya lagu qiime eyo sida ay uga soo baxdo, balse aysan noqon mid iska socota oo sanad kasta la cusbooneysiiso.
Shiinaha ayaa ka baaqsaday codeyntii Isniinta, waxaana wakiilka Beijing ee QM uu sheegay in Go laha Ammaanka uu ku guul-darreystay "inuu garo wsado horumarka Soomaaliya ee ku wajahan dib u dhiska iyo la-wareegista amniga dalka.”
Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya QM, Abuukar Daahir Cusmaan ayaa sheegay in la dejiyo qaab-dhismeed ka gudbis ah oo ay Soomaa liya ku dhaqmi doonto, si uu ugu hago inay kasoo baxdo shuruudo looga qaado cunaqabateynta hub ka, halkii lagu kordhin lahaa ayada oo aan su’aalo la weydiin.
Shiinaha ayaa dhanka kale su’aal ka keenay la-dagaalanka burcad badeedda Soomaaliya, ayada oo Beijing ay sheegtay in dalalka qaar ay la-dag aalanka burcad badeedda u adeegsanayaan dano ganacsi.
Wakiilka Shiinaha ayaa sheegay in badda So omaaliya ay buuxaan ciidamo si aad ah u hubeysan "oo sheegtay inay ilaalinayaan maraakiibka, hase yeeshee halis ku ah nolosha kalluumeysatada Soomaaliyeed.”
Russia ayaa sidoo kale ka baaqsatay codeynta, ayada oo su’aal ka keentay sababta loogu daray da lalka Jabuuti iyo Eritrea, ayada oo xustay in labada dal "aysan hadda kadib halis ku aheyn nabadda ca alamka.”
UK oo shaacisay inay Somaliland u aqoon san karto dal haddii la helo hal mid
Dowladda UK ayaa sheegtay inay Somailand u Aqoonsan karto dal madax-banaan haddii hindisaha as ay si wadajir ah u billaabin Somaliland, Sooma aliya iyo dalalka Afrika oo wa dajir ah, balse aysan marnaba dal u aqoons an doonin haddii aanay sidaas dhic in. Wasiirka UK u qaabilsan Afrika Vicky Ford oo ka jawaabaysay codsi uga yimid xildhibaan Danny Kruger, ayaa sheegtay in UK si la mid ah beesha caalamka inteeda kale aanay Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan.
Waxa ay xustay inay u taallo Somaliland iyo Soo maaliya inay go’aan ka gaaraan xiriiradooda musta qbalka.
"Siyaasaddeena weli waa in Somaliland iyo do wladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaa raan mustaqbalkooda, iyo in dalalka deriska ah ee gobolka ay qaataan hoggaanka aqoonsiga isbeddel kasta oo cusub,” ayey tiri.
Si kastaba, waxay xustay in UK ay joogitaan dib lomaasiyadeed ku leedahay Hargeysa ayna sii wad do inay u yaboohdo kaalmod dhinaca kaabayaasha ah, oo ay ku jirto dhismaha waddada Berbera iyo Et hiopia, tababarka booliska, iyo ka hortagga argagix isanimada iyo meelo kale.
Vicky Ford waxa ay xustay in Somaliland tahay qayb Soomaaliya ka mid ah oo ku guuleysatay inay sameysato maamul wan aagsan islamarkaana ay mudan tahay in lagu ammaano dadaalka ay ku bixisay xasiloonida.
Waxay xustay inay Somaliland si hufan ula shaqe ynayaan illaa iyada iyo Soomaaliya ay ka gaarayan heshiis kama dambeys ah.
Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soom aaliya sanadkii 1991-kii, waxayna ku dhawaaqday inay gooni-isu-taag tahay balse ma aysan helin Aqo onsi caalami ah.
Saraakiil Kenyaan Ah Oo Xabsiga La Dhig ay Kadib Markii Ay Fududeeyeen Baxsasha da Xubno Al-Shabaab Ah
7 ka mid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii 3 maxaabiis ah ay ka baxsade en xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi. Maxaabiist an baxsat ay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xu kunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heyst ay weerarkii lagu qaaday jam acadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhaw aad 150 qof.
Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhiga an 3 qof oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo. Kenya waxay sidoo kale she egay in $178,000 doolar ay siin doonto ciddii keen tay xog horseeda karta in gacanta lagu soo dhigo raggan baxsaday.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i wuxuu sheegay in dowladda ay qaadeyso howlgal ay ku baadigoobeyso ‘dambiilayaashan halista ah’ ee baxsatay.
"Waxaan qaadeynaa tallaabooyin wax ku ool ah si aan u xaqiijino in dayacaad noocan ah aysan ka dhicin xabsiyada mar kale” ayuu yiri Matiangi.
Wuxuu sidoo kale sheegay in mas’uuliyad darro, xirfad xumo iyo taxaddar la’aan ay sababtay bax sashada raggan.
Sidoo kale maxaabiista maxsabatay waxaa ka mid ah Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sa nadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarla maanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo hora an lagu qabtay M/Beledxaawo ee ku xadka Sooma aliya iyo Kenya si uu ugu biiro Al Shabab.
Madaxweynaha Kenya oo la kulmay Xogh ayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay uga bilaab atay booqasho uu ku tagayo 3dal oo Afrikaan ah. Kulanka Shalay oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, ayaa daba socday wa dahadal uu Madaxweyne Kenyatta kula yeeshay dhiggiisa Mareykan ka Joe Biden magaalada Washington DC bishii ho re, waxaana looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Covid-19, isbeddelka cimilada iyo, gobo lka. nabada iyo amniga.
Madaxweyne Kenyatta ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada horumarineed ee ay si joogto ah u siiso Kenya gaar ahaan dhanka caafimaadka, waxaana uu mar kale ku celiyay Ken ya rabitaanka qotoda dheer ee ah in ay noqoto xar un wax soo saar ah oo tallaalka iyo saadka ah ee gobolka.
Isbeddelka cimilada, Madaxweynaha, ayaa mar kale soo dhaweeyay ku laabashada D/Mareykanka ee Heshiiskii Paris isagoo sheegay in Kenya ay aad u daneyneyso inay Mareykanka kala shaqeyso ho rumarinta ajendaha cimilada.
Dhankiisa, Xoghaye Blinken waxa uu qiray hor umarka baaxadda leh ee ay Kenya ka samaysay ha wlaha cimilada gaar ahaan qaadashada xalalka ta marta cagaaran isagoo sheegay in Maraykanku uu aad u danaynayo in uu sahamiyo fursadaha cusub ee iskaashiga.
Madaxweyne Kenyatta iyo Xoghaye Blinken ay aa sidoo kale ka hadlay nabadda iyo amniga gobol ka, waxayna sahmiyeen fursado cusub oo iskaashi si loo xalliyo colaadaha gobolka ka socda iyo sidii nabad waarta loogu heli lahaa Geeska Afrika.
Wafdiga Mareykanka ee booqashada ku jooga dalka Kenya oo uu hoggaaminayo Xoghaye Blinken ayaa gelinka dambe ee Arbacada waxa ay wada-ha dallo 2 geesood ah la yeelan doonaan dhiggooda Kenya oo ay hoggaamineyso Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kenya, Amb Raychelle Omamo.
Addis Ababa oo halis ugu jirta in la qabsa do iyo war kasoo baxay Mareykanka
Dowladda Mareykanka ayaa walaac hor leh ka muujisay xaalada Ethiopia, ayadoo mar kale ku bo orisay muwaadiniinteeda inay sida ugu dhaqsiyaha badan ka baxaan dalkaas.
Safaarada Mareykanka ayaa sheegtay in uusan jiri doonin daad-gureyn lamid ah tii kal hore ka sa meeyen dalka Afghani stan, taasi oo dhacday maa lmo un ka hor qabsashada kooxda Taaliba an.
Baaqan oo socday maalmo ayaa wa xa uu Mare ykanku ku faray muwa adiniintiisa in du ulimaadyada rayidka ah uga baxa an Ethiopia, xili laga cabsi qabo in mucaardika usoo ruqaansado caasimada Addis-Ababa
Mareykanka ayaa cabsi ka qaba in markale lagu qasbo in sidii Afghanistan uu uga daabulo kuman aan muwaadiniin ah, ayada oo Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibeedda uu ku sheegay in xaalad gaar ah ay ahey midda Afghanistan. "Waxa aan sidaas u sameyneyno ma ahan inaynan rajo ka qabin nabad balse waa inaan nahay kuwa garowsho leh,” ayuu yiri Ned Price oo ah afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda.
"Wixii aan Afghanistan ka sameynay waxay aha ayeen gaar, hase yeeshee ma ahan wax ay dowlad da Mareykanka mar kale ka sameyn karto meel ka le oo dunida ah. Ma jirto sabab ay dadka Mareykan ka u sugaan illaa daqiiqadda ugu dambeysa si ay duulimaad rayid uga baxaan dalka ku yaalla Gees ka Afrika.”
Safaaradda Mareykanka ee Ethiopia ayaa ayaduna sheegtay in deyn u yabooheyso dadka aan awoodin inay si deg deg ah u iibsadaan ticket-ka.
Mareykanka ayaa xiligii Taalibaan ay galeen caasimada Afghanistan ee Kabul howl-gal daad-gureyn ah kaga soo saaray dad gaaraya 123,000 oo qof, kuwaasi oo isugu jiray shacab Mareykan ah iyo Afghanistiyiin la shaqeyn jiray iyo qoysaskooda.
MAXAAN KA NAQAANAA KOOXDA ADF EE DAGAALKA KULA JIRTA UGANDA
Kooxda Allied Democratic Forces (ADF) ayaa hadalhayn badan ka abuurtay dalka Uganda, ka dib qaraxyadii mataanaha ahaa, ee ay Dorraad ka gaysa tay magaalo madaxda dalkaasi ee Kampala. Tani ayaana astaan u noqotay inay kooxdu kor dhisay weeraradeeda ka dhanka ah Uganda, ka dib qarax yadii bishii hore ka dhacay dalkaasi.
ADF oo koox argagixiso uga diiwaangishan dalka Uganda ay aa sanadkii 2017 xiriir la yeela tay dowladda isku magacawday Khilaafada Islaamka ee Daacish.
Musa Baluku ayaa sanadkii 20 15 noqday hoggaamiyaha kooxdan, wax yar uun ka dib markii hoggaamiyihii hore ee kooxdaasi, Jamil Mukulu lagu xiray dalka Tanzania, kuna eedeysan gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Musa Baluku ayaa la fahamsan yahay inuu ya hay ninka ADF hoos geeyay Daacish, iyadoona ay J/D/Congo kaga dhawaaqeen cilaaqaadka ay la ye esheen Daacish. Tan iyo intii ay ADF xiriirka la yee latay Daacish waxay weerarada ugu badan ka gay satay Bartamaha Afrika.
Maleeshiyada ADF waxay u badan yihiin kuwo ka soo jeeda dalka Uganda, inkastoo saldhigyadoo da ay ku yaallaan Congo.
Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faalllooda Arrimaha siyaasadda ee Geeska Afrika ayaa sheegaya in koo xda ADF ay u badan yihiin Ciidamada Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Idi Amin Dada, kana horyi mid xukunka Madaxweyne Yoweri Museveni. "Qoladan ADF waa koox ay Dowladaha Uga nda, Congo iyo Reer Galbeedka u aqoonsan yihiin koox argagixiso, aasaasmay sanadkii 1990, ku bilo wday marka hore dad ka andacoonaya Dowladda Uganda. Waxaana badi lagu saleeyaa qoladii Idi Amin Dada askartiisii qaar, oo Museveni markii uu qabsaday ka dib dhinac uga baxay.” Ayuu yiri Daahir Qoriyow Isaaq oo BBC la hadlay.
Waxa kaloo uu yiri "Intaan ka naqaano hadda, daraasaadkii la sameeyay tiradooda ama ciidanko oda, ciidan hadda aad u badan maaha, illaa iyo bo qolaal baa la sheegaa, daraasaadka qaar saddex boqol bay sheegayaan, qaarna shan boqol bay she egayaan, mar bay illaa lixdan soo gaareen, wayna kala jabeen markii Daacish lagu dhawaaqay ka dib.”
Daahir Qoriyow ayaa yiri "Waxay hadda u badan yihiin Bariga Congo, oo meesha ayuu fadhigoodu yahay, dhaqdhaqaaqooduna wuxuu ku badan yah ay wadanka Uganda.”
Waxa uu intaa ku daray "Dad maka hore siyaas adda Uganda aan ku qancin bay ahaayeen oo is bedel doonayay, ka dib ku milmay arrimihii gobolka, maadaama ay Congo deggeen, waxaa lagu xama nayay in aasaaskooda hore ay maalgelisay dowlad dii hore ee Suudaan ka jirtay, marka waa uun siyaa sad, laakiin iminka kooxdii mabaadii’ fara-badan baa isaga darsamay.”
Mar wax laga weydiiyay xiriirka ADF kala dhaxee ya Daacish ayaa sheegay inaanay taasi kala cadd eyn, balse ADF ay Daacish ka soo minguurisay wee rarada, sida qaraxyada oo kale.
"Waxyaabaha ka dhaxeeya ayaga iyo Daacish la ma caddeyn karo.” Ayuu yiri Daahir Qoriyow oo in taa raaciyay "Laakiin waxyaabaha ay Daacish isaga mid yihiin waxaa ka mid ah qaraxyada ay samaynay aan, goobaha dadka aan Muslimiinta ahayn oo la beegsanayo, goobaha dowladda oo la beegsanayo, goobaha is qarxiska iyo bamka lagu hayo, waxaas bay ka metelaan.”
Qariyow ayaa ku waramaya "In dhaqaale ahaan iyo mabda’ ahaan ay ku xiran yihiin Daacish, dara asaad caddeynaysa ma jirto, laakiin dabeecadah ooda, sida ay u dhaqmayaan iyo dhawaaqii ay ku dhawaaqeen inay ka mid yihiin ayaa tusaysa inay ka mid yihiin Daacish ama aysan kala ahayn.”
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay inay dowladiisa qaadeyso hawlgalo sida uu sheegay lagu ciribtirayo ADF.
Madaxweyne Museveni ayaa sheegay inay koox dani ku bartilmaameedsan doonaan halka ay joogg aan iyo fariisimahoodaba.
Dowlad Madaxdeeda Laga Mamnuucay In Ay Yimaadaan Dalka Mareykanka
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Ta laadadii ka mamnuucay madaxda sare ee dowladda Nicaragua inay soo galaan Mareykanka, waxaana tallaabadan uu Biden uga jawaabay doorashadi dh awaan uu ku guuleystay markiisii afraad madax weyne Daniel Ortega.
Dowladda Mareykanka ayaa doorashadan ku tilShalayy mid lagu shubtay. Xayiraada madaxwey ne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraaki isha la doortay oo ay ku jiraan Ortega iyo xaaskiisa oo ah madaxweyne ku xigeenka waddanka, hawe eneyda lagu magacaabo Rosario Murillo.
Dadka kale ee laga mamnuucay in ay Mareykan ka soo galaan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tir san ciidanka amniga, garsoorayaal iyo guddoomiya al gobol, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wiiqeen di moqraadiyadda dalka ku yaal bartamaha dalalka Ameerika. Canada iyo Britian ayaa xayiraad tan la mid ah saaray saraakiil sare oo ka tirsan taliska Daniel Ortega ee dalka Nicara gua.
HALKAAN KA AKHRISO WARRAKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 18-KA NOV. 2021-KA
,,,,