Sporting Gijon Oo Ka Carootay Rigoorooyinkii Loo Dhigay Barcelona Xalayto & Gerard Pique Oo Jawaab Ka Bixiyay.

0
Sunday April 24, 2016 - 13:48:49 in Sports News by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sporting Gijon Oo Ka Carootay Rigoorooyinkii Loo Dhigay Barcelona Xalayto & Gerard Pique Oo Jawaab Ka Bixiyay.

    Barcelonaayaa loo dhigay islamarkaana dhalisay seddex gool ku laad kulankii xalayto ee Sporting Gijon, waxaana ay taasi keentay inay ka caroodaan kooxdii martida ku aheyd Camp Nou.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelonaayaa loo dhigay islamarkaana dhalisay seddex gool ku laad kulankii xalayto ee Sporting Gijon, waxaana ay taasi keentay inay ka caroodaan kooxdii martida ku aheyd Camp Nou.

Kooxda Luis Enrique ayaa xilli ciyaareedkan loo dhigay 19 rigoore, waana in ka badan 10 rigoore inta loo dhigay kooxda ay horyaalka ku xafiiltamayaan ee Real Madrid.

11 daqiiqo gudaheed qeybtii labaad garsoore Carlos Clos Gomez ayaa rigoore u dhigay Barcelona seddex jeer, iyadoo go’aanada seddexda jeerba ay ka sii careysiineysay kooxda Sporting Gijon oo u aragtay cadaalad darro.

14614884469637

Tababaraha Sporting Abelardo Fernandez ayaa soo bandhigay sida uu uga careysan yahay shaqada garsooraha.

"Carabka iskama qaniino, waxaan aaminsanahay inay natiijada aad u cusleyd” ayuu yiri ciyaarta ka dib.

Sporting ayaa sidoo kale rigoore ay ku andacootay laga diiday iyadoo ciyaarta ay mareysay 1-0.

Gerard Pique ayuuna ahaa ninkii lagu eedeeyay inuu kubada gacanta ku taabtay.

Daafaca Barcelona ayaanse u arkin inuu wax qalad ah sameeyay isaga ama garsoorihii ciyaartii xalayto.

"Kaamirooyinka waxa ay soo bandhigeen inaanan taabanin kubada, inta aan ka warqabo wax laga hadlo ma ahan” ayuu yiri.

"Waa cadaalad darro in la yiraahdo garsooraha dartiis ayaan ku badinay, wax saameyn ah kuma yeelanin ciyaarta.” ayuu yiri Pique.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip