HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA NOV. 2021-KA
Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb
Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xus een Rooble ayaa gaaray M/Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku dhawe eyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.
Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusam areeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa ma daxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doo rashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta ade egyada bulshada
Shir uu FARMAAJO ka qeyb geli lahaa oo baaqday
Dowladda Uganda ayaa dib u dhigtay shir madaxeedka IGAD oo la filayay in Shalay, No vember 15 ka furmo caasimadda dalkaas ee Kampala.Lindah Nabusayi oo ah agaasimaha warfaafinta Madaxweyne Museveni ayaa u sh eegtay wariyeyaasha in Shirka dib loo dhigay mudo todobaad ah.
Shirkaas oo looga hadli lahaa xaaladaha dagaalka ka socda dalka Itoobiya iyo xasarada ha ka jira dalka Suudaan, waxaana lagu ca suumay oo ka qeyb geli lahaa Madaxweynaha mud do xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxa med C/hi Maxamed (Farmaajo).
Qaar kamid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa shirkaasi isku diyaarinayay si ay uga qe yb ga laan, maadaama dalal kamid ah Afrika ay xillig aan ka jiraan dagaalo iyo rabshado xooggan.
Lama oga sababta baaqashadda Shirka IGAD ee Uganda, balse wuxuu kusoo aaday aa xili gobolka Geesks Afrika uu booqasho ku ima anaya Blinken.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykan ka Blinken ayaa booqasho ku tagaya Kenya, isagoo Uhuru kala hadli doono colaadda Itoob iya ka socoto, waxaana suurta-gal ah in safa rkan uu sameeyeey shirkaas.
Uhuru ayaa Dorraad tagey Addis Ababa, wu xuuna lasoo kulmay Abiy Axmed, iyadoo war arka ay sheegayaan inuu fariin uga soo qaad ayay Blinken ka hor inta uusan ku qaabilin Nairobi Shalay.
Taliye Xijaar oo Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo sa far Shaqo ku jooga Magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska ay aa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Booliska Caalamiga ah ee Interpol Jurgen Stock.
2da mas’uul ayaa waxaa ay ka wada had leen xoojinta iska ashiga ka dhexeeya Boolis ka Soomaaliya iyo Interpol ee ka hortagga danb iyada caalamiga ah iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagi xisada. Taliyaha CBS Jan.Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa uga mahad celiyay Xoghay aha Guud ee Booliska Caalamiga ah Interpol wadashaq eynta ka dhaxeeysa, isaga oo she egay inay dhinaco oda dar dar gelin doonaan.
Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa Cii damada Boolis ka ee dalalka Caalamka wa xaa uu kala Shaqeeyaa soo qaba shada dad ka dambiyada culus gala ee la ba adi goobayo markii laga dalbado.
Rooble oo la kulmay Hoggaanka Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda
Maxamed Xuseen Rooble, R/wasaaraha So maliya ayaa Shalay M/Muqdisho kula kulmay Hoggaanka Hay’adda Socdaalka & Jinsiya dda. RWasaaraha ayaa Hoggaanka Hay’adda Socdaalka kula dardaarmay dardargelinta how laha iyo adeegyada ay hay’addu siiso shacab ka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.
"R/Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yee shay Ho ggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada, isa goo ku la dardaar may xoojinta iyo dardar gelinta how laha iyo adeegyada hay’addu siiso shacab ka Soomaaliyeed.”
Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa 31-kii bishii October Cabdulqaadir Cilmi Cali u magic aabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socd aalka & Jinsiyadda.
Cabdulqaadir Cilmi ayaa toddobaadkii hore xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee hay’a daasi Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Gudoomiye Ciro" Waa la Xaliyay dhamaan Caqabadihii hortaagnaa Doorashooyinka"
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in howlaha doorashooy inka G/Shac abka ay billaawde en, isla markaana 7aadkaan 9 ka mid ah kuraasta G/Shacabka ee Gobolada Waqooyi ay dooran do onaan
Wuxuu sidoo kale sheegay in sidoo kale Maa lmaha soo socda D/Goboleedyad a ay soo gudbin doonaan liiska musharixiinta Go laha Shacabka, sidoo kalena la xareyn doono erg ooyinka wax dooranayo.
Guddoomiyaha Guddiga door ashooyinka He er Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa ha dalkiisa intaasi ku daray in dhamaan la xaliyay caqabadihii doorashooyinka.
”Duruufo ayaa jiray oo marar badan kusoo gadaamnaa doorashooy inka, balse waa laga gudbay oo hadda doorashooyinka waa ay inoo bilaabanayaan waana la fulinayaa doorashooy inkii lagi heshiiyay ayuu yiri” Guddoomiye Cir ro.Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ku yimid dib u djac weyn, hayee shee dhawaan Muqdisho lagu doortay labadii Xileh ibaan ee ugu horreeyay Golaha Shacab ka, waxaana todobaadkaan la filayaa in la do orto 9 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.
Ahlu Sunna oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii General Laba Afle
Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo wa reysi siiyey BBC ayaa ka hadlay eedeyntii uu General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) u jeediyey hoggaanka sare ee Ahlu Sunna, ka dib markii ay fashilmeen wada-hadalladii soo socday.
Cabdisalaan Aadan Xuseen ayaa marka hore beeniyey in Ahlu Sunna Waljamaaca ay diiday wada-hadalladii socday, wuxuuna til maamay in mar weliba ay diyaar u yihiin in miiska lagu dhammeeyo tabash ada ay qabaan iyo xiisadda haa tan ka taagan maamulka Galmu dug.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Laba Afle uu ugu goodiyey Ahlu Sunna in la le eynaayo ama ay isaga tagaan degaanka Bo hol, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxa siyaasadda ee Ahlu Sunna oo hadal kiisa sii wata ayaa xusay in Galmudug aysan diyaar u aheyn in laga wada-hadlo tabashada jira, si xal loogu helo, wuxuuna intaasi ku dar ay in haatan Ahlu Sunna ay 15 KM u jirto caasi mada Dhuusamareeb ee mamaulkaasi
”General Laba Afle wuxuu ahaa nin aysan jirin cid soo dirsatay oo Wasiir ka tirsan Galm udug ayaa horay u cadDeeyay, madaxda Gal mudugna wada-hadal ma rabaan, anagana ina an nabad rabno waxaa cadeyn kuu ah Ahlus Sunna oo 15km u jirta caasimadda inay ka war sugayaan Culimadii iyo Ganacsatadii dhex dhexaadinta waday,” ayuu yiri
Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in hadalka kasoo yeeray General Laba Afle oo ka mid ah saraakiisha Xoogga dalka inuu uga sii darayo xaaladda adag ee haatan ka taagan Galmudug, loona baahan yahay in aan looga sii dirin, si uusan u daadan dhiig dambe.
Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Dorraad General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) oo shir jaraa’id qabtay uu shaaca ka qaaday inuu gacanta ka taagay wada-hadalladii uu waday, isaga oo ku eedeeyey Ahlu Sunna inay diiday waa wanatii socotay
Ahlu Sunna oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii General Laba Afle
Agabka doorashada Golaha Shacabka oo la geeyay Beledweyne
Duqa Magaaladda Beladweyne Marwo Nadar Tabaax Maalin iyo hay’adaha Amniga ayaa Shalay la wareegay Qalabka loogu talo galay Doorashooyinka Golaha Shacabka ee lagu qabanayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka hiiraan.
Marwo Nadar Tab aax Maalin ayaa sheegtay muhiima da aay leedahay in Doorashada ay ka dhacdo magaalada Beledweyne sidoo kalane ugu baaqday shacabka Reer hiiraan ineey ka shaqeeyan nabada iyo sidii loo soo dhaweyn lahaa Dadka Qeybta ka Noqon doona Doorashada.
Magaalada Jowhar iyo Magaalooyinka kale ee dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in dhawaan la geeyo Agab loogu talo galay
qabashada doorashada Golaha Shacabka
Mid ka mid ah culimada ugu weyn Sooma aliya oo dacwo ka ah Jeneral Odawaa
Sheekh Maxamed Kulmiye oo kamid ah cul imada Soomaaliyeed ee caanka ka ah dalka oo cabasho ka gudbiyey Tali yaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, kadib markii sida uu sheegay sar aakiil ka amar qaadata Odaw aa ay si khasab ah qoysas u ga barakiciyeen dhul ay Muqdisho ka degana ayeen oo ku fadhiya ku dhawaad 30 boos.
Sheekha ayaa sheegay in dhulkaan uu ku agyaallo xarunta tababarada ciidamada Soo maaliya ee TurkiSom oo ay gacanta ku heyso dowladda Turkiga, halkaas oo si joogto ah lo ogu tababaro ciidamada qaranka.
Sidoo kale Sheekh Maxamed Kulmiye wa xa uu sheegay in sarkaalka uu Jeneraal Oda waa u adeegsaday in la barakiciyo qoysaskii deganaa dhulkaas lagu magacaabo Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida.
"Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa cul eys nagu haya Jeneraal Odawaa, dhulkeenii waxa uu ku heystaa sifo aan sharci aheyn, xa tta waxaan ku dhahnay sharciga noo soo mar oo ugu yaraan wareegto madaxweyne noo ke en, waxuu noogu jawaabay meeshaan dhul do wlo waaye shacabna kuma noolaanayo,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Kulmiye.
Sidoo kale Sheekha oo sii hadlaayey ayaa yiri,"Xuquuq ayaan leenahay, nidaamka dowl adda kama soo hor jeedno oo wax kasta oo ni daam ah waan ogonahay, waxaa awood nalo ogu sheeganaa tuutaha ciidanka, ra’iisul wasa araha, wasiirka gaashaanshigga iyo madaxw eyne Farmaajo arrinteena waa ogyihiin, weliba Cumar Filish iyo Korneyl Shuute ayaa si dhow ula socda arrinteena, waxaan codsaneynaa in xoogga nala ka dhaafo oo sharcigu shaqe eyo.” Xigasho:-Caasimadda.Net
NISA Oo Sheegay In Ay How gal Ku Qabt een Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab
Ciidamadda amaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee NISA (Duufaan) ayaa howlgal ba laaran Habeen hore ka fuliyay Degmooyinka Hawlwa daag, Yaaqshid iyo Ceelasha Biyaha ee dule edka magaalada Muqdisho.
Saraakiisha horkacaysay Ciidanka Hawlg alka sameeyay ayaa sheegay in ay soo qabte en saddex ka mid ah dagaalamaayasha Al-shabaab oo deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhuumaalaysanayey,waa sida ay hadalka u dhigeene.
Maalmihii lasoo dhaafay qaybaha ka la duwan ee Ciidan ka Dowladda ayaa sameeynayay Howl gallo ballaaran oo ay ka sameynayeen xaaf adaha iyo degmooyinka Muqdisho,waxaana inta badan ay gacanta kusoo dhigeen burcad hubeysan iyo xubno kale oo als heegay in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.
DENI oo qorshe siyaasadeed weyn u kaash anaya Axmed Madoobe, ka hor doorashada
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubb aland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Ax med Madoobe) ayaa Shalay gaaray maga alada Garoowe ee caasimada maamulka Pun tland.Sida ay Caasimada Online sheegtay in ay u sheegen ilo xogagaal ah Safarka Axmed Madoobe ayaa yimid kadib markii uu mada xweyne Deni ka dalbaday inay kulmaan, si ay diirada ugu saaran qorshaha ku saabasan hamiga Deni uu ka leeyahay xilka Madaxwey naha Soomaaliya.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in qorshaha Deni ay qeyb ka tahay in dhigiisa Axmed Madoobe uu ku gacan siiyo sidii uu si dadban u maamuli lahaa, islamarka ana uu gacanta ugu hayn lahaa xildhibaanada kasoo baxaya Jubbaland, maadama ay xulufo siyaasadeed yihiin.
Sidoo kale waxay ka wada-hadli doonaan bilaabista doorashada Golaha Shacabka oo ayadu si hordhac ah uga bilaabatay dalka, isla markaana muhiim u ah doorashada soo soc ota ee madaxweynaha oo si weyn loogu tarta mayo, qeybna ay ka yihiin maamullada.
Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe ay aa ah saaxibo siyaasadeed oo si aad ah isugu dhow, islamarkaana xulafanimadooda sii xooj iyey tan iyo markii ay soo bilaabatay dooda do orashada.
Sida ay ogtahay Caasimada Online, Musha raxnimada madaxweyne ee Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa ka harsan oo kaliya inuu ku dhowaaqo, ayada oo tallaabooyinka siyaasade ed ee muddooyinkii dambe uu qaadayay ay muujinayeen arrintaas.
Musharaxnimada Deni waxay isbeddel weyn ku sameyn doonta ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya, waxayna yeelan doontaa cawaaqib saameyn doono mushara xiin badan.
Wuxuu noqon doona musharaxa kaliya ee si toos ah iyo si dadban u maamulaya doora shada in ka badan 100 xildhibaan oo isugu jira kuwa Aqalka Sare iyo kuwa Golaha Shacabka.
Ma jiro musharax u taagan xil madaxweynaha oo saameyn intaas le’eg oo toos ah ku leh han aanka doorashada xildhibaanada, waana mid da keli ah ee rejada ku abuureysa madaxwey naha maamulka Puntland.
Xigasho:Caasimadda.Net
Hub badan oo la soo galiyey MUQDISHO – Maxay kala socotaa DF Soomaaliya?
Ciidamada ammaanka ee dowladda So omaaliya ayaa Habeen hore howl-gal qorsheysan ka sameeyey illaa afar degmo oo ka tirsan gob olka Banaadir, waxaana lagu xaqiijinayey am maanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Howl-galkan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafa do ka tirsan degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi, Ho dan iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.
Ciidamada howl-galka fuliyey oo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa baarayey inta uu howl-galku socday gaadiidka, mootooyinka iyo dadka socota ah oo ay su’aallo weydiinayeen.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidama da ay gacanta ku dhigeen tiro dhalinyaro ah, kuwaas hal goob la’isugu geeyey, iyada oo markii dambe badi la fasaxay.
Taliye ku xigeenka labaad qeybta booliska gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamuud (Bar yare) oo ka warbixiyey howl-galkan ayaa shee gay in ujeedkiisa uu ahaa sugida amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soom aaliya,, si looga hortago falalka amni darrada.
Baryare ayaa sheegay in ay la socdaan hub fara badan oo dhowaan la soo galiyey caasi madda, wuxuuna farriin u diray dadka iska leh hubkaas iyo saraakiisha dowladda.
‘Hubka xilliga uu soo galay magaalada waa bilo ka hor dadka watayna waa naqaanaa waxaan ka rabno waxaa waayey hubkaasi in uusan dadka iska leh uusan gurigooda kasoo bixin sifo sharci darro ah,” ayuu yiri Saciid Cali Maxamuud (Baryare).
Sidoo kale wuxuu intaasi raacyey "Haddii aad sarkaal tahay hubkaaga heysi boqol mar a yey dhacday qof dambi lagu soo qabtay uu hubkiisa yeesho sarkaal,”.
Waa habeenkii 2aad oo xiriir ah, isla-marka ana howl-gallo ballaaran laga sameynayo xaa fado ka tirsan magaalada Muqdisho, si looga hortego falalka amni darrada ah.
Howl-galladan ayaa dhinaca kale daba so cda amarkii ka soo baxay taliyaha Booliska oo faray hay’adaha amniga inay u howl-galaan su gida ammaanka, maadaama gudaha maga alada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka.
Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhac ayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jiro qar axyo, dilal & dhac loo geysanayo shacabka.
Kooxda Xizbullah Oo Dhaqdhaaqyo Ka Wa dda Dalka Colombia
Colombia ayaa sheegtay inay isha ku hay so dhaqdhaaqyo ay kooxda Xizbullah ee Shii cada ah ka waddo dal kaas, ayada oo ku ee deysay inay fuliso fa lal dambiyeed.
"Laba bil kahor wax aan ku qasbanaanay inaan la tacaalno xaalad keentay inaan abaab ulno howlgal lagu qabtay laguna eryey laba da mbiilayaal oo ay shaqaaleysay kooxda Xizbu llah, oo ujeedkoodu ahaa inay falal dambiyeed ka fuliyaan gudaha Colombia,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga Colombia Diego Molano oo wareysi siiyey wargeyska maalinla ha ah ee El Tiempo.
Ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhe er oo ku saabsan howlgalka dowladda.
Hase yeeshee wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka militariga, ayaa sheegay in kooxda reer Lubnaan ay ba saaseysay ganacsato Mareykan iyo Israeli ah oo ku sugan Colombia.
Dalka Colombia ayaa waxaa ku nool jaaliy ad reer Lubnaan ah oo tiro muuqato leh.
Kooxda Xizbullah ayaa waxaa horey loogu wa rramay inay ku sugan tahay dalka Venezuela iyo dalal kale oo ka tirsan Latin America.
QM oo si adag uga digtay abaaraha ka jira Soomaaliya
Hay’addaha gargaarka Qaramada Midoob ay ayaa ka digay Haqab-beelka cunnada inay si weyn uga sii dari doonto bisha May 2022 gu daha Soomaaliya, iyadoo qoysas badan ay la soo deristay hoos u dhac ku yimid awooddo oda la tacaalidda cun no la’aanta.
Xafiiska Qarama da Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’a adan tinimada (UNO CHA) ayaa sheegay in qiyaastii 3.5 milyan oo qof ay soo wajihi doonaan cunto yari ba’an ilaa December, kuwaas oo ku dhawaad 640,730 kamid ah ay wajihi doonaan xaalad degdeg ah.
"Yaraanshihii roobabkii deyrta ee bilaha 10aad iyo 12aad ayaa sidoo kale si weyn u sa ameeyay wax soo saarka xoolaha,” UNOCHA ayaa ku sheegtay war-bixinteedii ugu dambey say ee bani’aadanimo ee la sii daayay Axadii Dorraad.
Waxay sheegtay in cunto yari iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee ba’an laga soo sheegay dhammaan gobolada dalka, iyadoo in ka ba dan 5.9 milyan oo qof ay hadda u baahan yi hiin gargaar bani’aadamnimo.
Sida laga soo xigtay OCHA, hay’adaha ban i’aadamnimada ayaa sheegay in 7.7 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan doon aan gargaar bani’aadamnimo illaa sanadka 20 22 sababo la xiriira iska horimaadyo ka dhac ay meelo kala duwan oo dalka ah, xaaladaha cimilada ee soo noqnoqda gaar ahaan abaar aha iyo fatahaadaha,COVID-19 iyo sabooln imada sii kordheysa.
Xaaladdaha abaareed ayaa keentay in ay sii kordhaan dhibaatada dadka iyo dhimash ada xoolaha, iyadoo abaaro ba’an laga soo sheegay gobolada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo qaybo ka mid ah Puntland.
Wasiirka Maaliyadda Puntland Oo Mar Kale Hor Tagay Golaha Wakiillada
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa Shalay shir Guddoomiyey fadhiga 11-aadee Kalfa dhiga 49-aad Golaha Wakiillada DPL.
Ajandaha kulanka ay aa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2022 ta as oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay. Miisaaniyadda sannadkaan 2022 ay aa dhan $354,093,039, waxayna ka kooban ta hay dhakhli lagu maamulayo khasnadda Dawl adda iyo dhakhli ka baxsan khasnadda Dawl adda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawlad Goboleedka Puntland, Xassan Shire Cabdi ay aa khudbad ka jeediyey Aqalka Golaha Waki illada waxa uuna ku faah-faahiyey Miisaaniyad da 2022.
Wasiirka ayaa sheegay in dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $93,363,604 oo bi shii ku qoondeysan $7,780,300 kaas oo ka soo xaroonaya dhammaan Gobollada Puntla nd, waxaana sannadka 2022 koror dhan 11% marka la barbar dhigo sannadkii 2021-da.
Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland ayaa loo qeybiyey Mii saaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhri ska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celin ayaa maalinta Arbacada November 25, 2020.
Xisbiga Kulmiye oo wasiiro ka tirsana xuku umadii Siilaanyo ku eedeeyay in ay sir qar an faafiyeen
Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa wasiiradii hore ee madaxtooyada Somal iland ku eedeeyay in ay iyagu faafiyeen waraa qo baraha bulshada lagu baahiyay oo caddayn aya daymo ay xukuumadii Siilaanyo ka dalbatay shirkado iyo hay'addo kala duwan.
Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Horyaal, ayaa wax laga muru goodo ku tilmaamay waraaqaha xogta madaxt ooyada Somaliland ee la faafiyay, isagoo she egay in ay tahay danbi qaran oo ay ciqaabi ka ratibmayso.
"Waxan shacbiga reer Somaliland uga tac siyadaynayaa warqadahah sirtii qaranka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada, maaha wax aa yar uun laga sheekeeyo ee waa danbi qaran oo ay ka ratibmayso ciqaab adag oo ay mutay san doonto cidii waxaa samaysay, waxaana nu u sheegaynaa shacbiga Somaliland in arri ntaas baadhis xooglihi ku socoto" ayuu yidhi Buuni.
Buuni ayaa wasiiradii wakhtigii Siilaanyo madaxtooyada ka shaqayn jiray ku eedeeyay inay iyagu waraaqaha sirta ah sii qaateen isla markaana ay baahiyeen.
"Warqado la siiqaataana waa masuuliyad da rro waxayna Shalay tilmaamaysa in shacbigu noo garaabaan oo kuwii Dorraad la lahaa Kulmi ye ayay dhiseene maxaa wax loogu dhiibi waa yay waxaa aad Shalay arkaysaan oo dhan ay aanu arkaynay, wasiiradii xukuumadii hore ee madaxtooyada iskaga danbeeyay waxa ay ah aayeen wala garanayaa" ayuu yidhi Buuni
Buuni ayaa wasiiradii hore ee madaxtooya da Somaliland soo maamulay wakhtigii Siilaan yo ku eedeeyay in ay xogtan u baahiyeen si ay magacdil ugu gaystaan madaxweyne Siilaan yo, isagoo sheeegay in ay horayna bugaag af lagaado ah uga qoreen silaanyo.
Beesha caalamka oo qoraal niyad jab ah ka soo saartay doorashooyinka Soomaaliya
War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caa lamka ayaa niyad jab iyo walaac looga muuji yey dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya, ee marar badan dib uga dhacay waqtigooda.
"Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dha ca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha ben i’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xa qiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasil loonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda,” ayuu lagu yiri qoraalka ka soo bax ay beesha caalamka.
Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka oo dhameystiran
Saaxiibbada Caalamiga* ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey dhammeystirka doora shada Aqalka Sare ee daba socotay kulanki Golaha Wadatashiga Qaran ee 11 ka Nofe embar iyo ballan qaadka hoggaamiyeyaasha ee dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka ugu dambeyn dhammaadka Disee mbar 2021.Si kastaba ha ahaatee, Saaxii bbada Caalamiga ahi waxa ay weli si weyn u ga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid waxa ayna ku bo orrinayaan hoggaanka Soomaalida, ee dham maan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-soc odka doorashada ee kuraasta Golaha Shacab ka.
Waxa aan xusuuusa nahay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha caa lamka, durbaba la heli karo, si loo dhammey stiro qeyb weyn oo ka mida doorashooy inka Golaha Shacabka.
Waxa aan sii wadeynaa in aan ku baaqno doorashooyin lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, wakhtigoodana ku qabsooma, kuwaas oo joogteya hufnaanta geeddi-socodka doora shada. Waxa aan si adag ugu boorrineynaa ho ggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Gobol eed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebtee mbar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoonda da haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la si iyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iya da oo loo marayo hannaan cad.
Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacoo da xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhig an tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeel ka dadkeeda
*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Mas ar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jar malka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Tal yaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaa shiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Sacu udiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turki ga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Brit ain,Dowladda Maraykanka, iyo Q/Midoobay.
Qorshe yaab leh oo ay damacsanaayeen madax goboleedyada oo fashilmay
Madaxda maamul Goboleedka Soomaal iya ayaa Asbuuca soo socdo si toos ah u bi llaabaya doorashada Golaha Shacabka, kadib markii ay socon waayeen qorshayaashooda.
In muddo ah doorashadaan waxay u xayirneyd dano kala duwan oo ku dhex nool madaxda maamullada, balse midda ugu weyn ayaa ahe yd in dhaqaale xoog leh laga sameeyo mashr uuca doorashada.
Lacagta waxay maamulada ka sugayeen sadddex jiho oo kala ah; Beesha Caalamka, Musharixiinta iyo xubnaha doonayo kuraasta.
Waxay filayeen madaxda maamul Goboleedya da in lacag badan ka iman doonto dhinaca wa kiilada caalamiga ah ee taageera dowladn imada Soomaaliya.
Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddi yada doorashooyinka, maamul Goboleedyadu waxay soo qorteen lacag kor u dhaafeyso 30 milyan oo dollar. Amniga kaliya waxay usoo qorteen 17 Milyan oo Dollar.
Maamul Goboleed kasta wuxuu soo gudb iyey in 1,000 Askari ay ka shaqeyn doonto Am niga Doorashada, ciidamadaas waxay sheege en in loo sameyn doono tababar loona iibin do ono hub, dhar iyo saanad.
Waxaa la sheegay in arrintaas ay beesha Caalamka ku noqotay mid yaab leh, waxayna qaateen go’aan lama filaan ah. Markii ay ark eyn in doorashadii loo badalay mashruuc la ra bo in dhaqaale laga sameeyo deeq bixiyayaa sha dib ayey u gurteen.
Arrinta amniga waxay kaga soo jawaabeen Soomaaliya waxaan u dhisnay ciidan nooc wal ba ah, illaa hadda lacag ayaan ku bixinaa ciid ankiina. Booliska iyo Militariga aan u diyaari nay Soomaaliya ee heysta hubka iyo mushaar ka ha sugaan amniga doorashada, sidoo kale AMISOM ayaa joogta oo qaadata mushaar si daas darteed dhinacyadaas ha sugaan amn iga doorashada ayey kusoo jawaabeen wak iilada caalamiga ah.
Waxaa halkaas lagu soo koobay qorshihii koowaad oo ay madaxda maamul Goboleedyada rabeen inay lacag badan uga sameeyaan amniga doorashada.
Dhawaan markii ay madaxda maamullada iyo ra’iisul wasaaraha isku soo qaadeen arrinta dhaqaalaha ammaanka doorashada, waxaa la sheegay in lagu heshiiyey maadaama reer Galbeedkii hoos isaga dhageyn lacag ku bixinta amniga doorashada in la isticmaalo lacagihii laga qabtay is-diiwaangelinta doorashadii Aqalka Sare oo loo adeegsado ammaanka doorashada.
Lacagtaas ayaa ku dhow laba milyan iyo seddex boqol oo kun oo dollar. Shaqo lagu qaban karo wax ka yar 3 milyan oo dollar ayey madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya qorteyn inay u baahan yihiin 17 milyan dollar, ayuu yiri xubin kamid ah guddiga doorashoo yinka. Lacagaha kale ee laga rabo wakiilada caalamiga ah ee lagu qabanayo howlaha kale ee doorashooyinka ayey iyaduna madaxdu dal batay wax ka badan 18 milyan. Lacagtaas iya dana cago jiid ayey reer Galbeedku ka yihiin.
Waxay ku doodayaan inay bixinayaan inta muhiimka ah. Hadda xukuumadda Federaalka ah ayaa maamul Goboleedyada siineysa laca go yar yar oo ay shaqada kusii bilaabaan. Si doo kalana waxaa dhinacyada loo ogolaaday inay isticmaalaan lacagaha isdiiwaan gelinta ee kasoo xaroon doona kuraasta golaha Shac abka, waxaana halkaas ku rajo beelay qorshi hii koowaad ee madaxda maamulada rabeyn inay lacago uga sameeyaan geediga doora shada.
Madaxda maamul Goboleedyada dalka had da waxaa usoo haray laba dariiq oo ay lacag ku raadin karaan, mid waa musharixiinta xilka madaxweyaha, kuwaas oo qaarkood diyaar u ah inay lacag siiyaan madaxda maamulada si ay xildhibaano ugu soo saaraan.
Midda labaadna waa xubnaha raadinaya kuraasta xildhibaanada oo qaarkood ay ku jir aan jeeb weynayaal raba inay lacag ku harqi yaan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada si loogu fududeeyo kuraasta.
Doorashadii sanadkii 2016, madaxdii ma amul Goboleedyada ee xilligaas xilalka hayey waxay sameeyeen lacag badan, balse xillig aas waxaa lacagta inta badan laga keenay dhi naca Carabta oo dalalka qaar waxay rabeen in la soo saaro xildhibaano kasoo horjeedo Ma daxweyne Xasan Sheekh walow aan lacagta as lagu qaban badankeed shaqadii Carabta rabtay.
Dhinac walba isfaham xooggan ayaa san adkaan ka jira waana adag tahay in dhaqaale badan laga tabco doorashadaan ayey leeyihiin dadka u dhuun daloola arrintaan
. Xigasho:Caasimadda.Net
Nin ku eedeysan dilka Wiil Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagayo london
Norris Henry, ayaa lagu soo oogay dacwad dil iyo isku day dil ah ka dib markii uu mindi ku weeraray Cali Abucar Cali, oo ah wiil Soomaali ah oo 20 jir ah, iyo haweeney 82 jir ah, ku waas oo labadaba lagu weeraray Albany Par ade ee Brentford galbeedka London habeenkii Jimcaha.
Cali ayaa isla goobtaas ku geeriyooday, waxaa na haweeneyda loo qa aday isbitaal xilli dhaaw ac halis ah uu oo ka soo gaaray weerarka mindida.
Mr Henry ayaa lagu wadaa in Shalay oo Isniin ah uu kasoo hor muuqdo maxkamada Uxbridge. Haweeneyda, oo aan si rasmi ah loo magacaabin, ayaa xaalad halis ah ku jirta, ba lse dhaawaceeda ayaa lagu tilmaamay mid aan halis ahayn, sida ay sheegeen Booliska Met.
Qoyska Cali ayaa ilaa hadda waxaa loo u ururiyay lacag ka badan £50,000 oo gini. Cali ayaa lagu sheegay inuu ahaa qof wanaaga je cel waxayna ugu yeereen "Nin da’yar oo geesi ah oo ka mid ah bulshada deegaanka”.
Samaale Nuur waxa uu soo qoray: "Cali wa xa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo cajiib ah oo had iyo jeer wiilasheyda ku dhiirigaliya in ay da daalaan inta ay ku guda jiraan tababarka kub badda koleyga.
Wiilka Mucamar Qadafi oo madaxweyne ka noqon kara Libya sanado kadib dilka
Sayful Islam Qadafi, oo ah wiilka madaxwe ynihii hore ee Libya Mucamar Qadafi, ayaa is ku sharxay xilka madaxweynaha Libya ee doo rashada dhaceysa bisha December.
"Sayful Islam Qadafi wuxuu murashaxnim adiisa usoo gudbiyey guddiga sare ee qaran ee doorashooyinka,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan ka soo baxay guddiga.
Qadafi ayaa ah mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu ca ansan ee la filayo inay u ordaan xilka madaxw eynaha – liiskaas oo ay ku jiraan Jeneralka fall aagada ah Khalifa Haftar, ra’iisul wasaare Cab dulxamid Dabibah iyo afhayeenka baarlaman ka Aguila Salax.
Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada ay aa muujinaya Qadafi oo garkiisu cirro ka bu uxdo, islamarkaana xiran ookiyaale iyo qamiis ka dhaqanka, oo warqadaha murashaxnimo ku saxiixaya magaalada Sebha, Axaddii.
Inkasta oo shacabka iyo quwadaha shi sheeye ay aad u taageerayaan doorashada la waqtiyeeyey 24-ka December, haddana wax aa ku hareereysan shaki badan, ayada oo koo xaha kala duwan ee dalkaas ay isku hayaan xeerarka iyo jadwalka doorashada.
Doorashada ayaa loo arkaa marxalad muh iim u ah heshiiska nabadeed ee QM ee taagee reyso ee lagu soo afjarayo 10 sano oo dagaal sokeeye uu ka socday dalkaas, kadib markii madaxweyne Qadafi xukunka looga tuuray kacdoon dadweyne, 2011-kii.
Qadafi ayaa horey maxkamad ku taalla Trip oli waxay dil ugu xukunktay dambiyo dagaal. Sidoo kale maxkamadda caalamiga ah ee da mbiyada ayaa u raadineysa dambiyo dagaal.
Ibrahim Fraihat oo ka tirsan Machadka Doha ayaa sheegay in Sayful Islam uu taageero ka haysto kuwa daacadda u ah taliskii aabihiis iyo qaar ka mid ah qabaa’ilka Libya.
Wiilka Mucamar Qadafi oo madaxweyne ka noqon kara Libya sanado kadib dilka aabihii
Tariibayaal doonayay in ay galaan Yurub oo badda ku geeriyooday
Mas’uuliyiinta dalka Spain ayaa sheegay in siddeed qof oo tahriibayaal ah ay dhinteen ka ddib markii doonidii ay la so cdeen ay muddo toddobaad ka badan dul-sabaynaysay badweynta Atlaantigga ee koonfurta jasiiradda Gran Canaria.
Sidoo kale kooxaha Gurmadka deg dega ah ayaa saacadihii hore ee Axadda Shalay lo ogu yeeray doon ay saarnaayeen laba iyo lix dan qof.
Toddoba qof ayaa hore u dhintay, halka qof siddeedaadna wuxuu dhintay goor dam be.Qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa lagu qaaday diyaarad helikobter ah sababtoo ah xa alladooda ayaa liidatay. Habeenimadii Sabtida ee aynu ka soo gudubnay-na, soddon iyo lix qof oo tahriibayaal ah ayaa laga soo badbaad iyay doon kale oo badda ah.
Jasiiradaha Canary waa marinka ugu weyn ee muhaajiriinta Afrikaanka ah ee isku dayaya inay galaan wadamada Yurub
Maxaa laga damacsanaa sawirka muranka dhaliyey ee lamaane Israeli ah ay ka qaade en guriga Erdogan?
Maxkamad ku taalla magaalada Istanbul ay aa lamaane Israeli ah ku eedeysay "basaasni mo” kadib markii sida la tuhunsan yahay ay sa wir ka qaadeen guriga madaxweyne Erdogan ee magaalada.
Lamaanaha ayaa la xiray Khamiistii kadib markii ay booqdeen minaaradda Camlica oo sanadkii tegay laga furay degmada Uskudar ee dhi naca Asia ee Istanbul.
Waxaa ku yaalla maq aayado iyo goobo dalxiis, halka sidoo kalena guriga madaxweyne Erdog an uu ku yaallo degmadaas.
Lamaanaha oo warbaahinta Israel ay ma gicyadooda ku sheegeen Mordy iyo Natalia Oknin ayaa Jimcihii la geeyay maxkamad ku taalla Istanbul, halkaasi oo xaakimka uu ku eedeeyey "basaasnimo siyaasadeed iyo mid militari,” sida ay ku warrantay wakaaladda war arka Turkey eeAnadolu.
Qof ka shaqeeya minaaradda ayaa sheeg ay in lamaanaha Israa’iliyiinta ah iyo muwaad in Turkish ah "ay soo galeen minaaradda, kadibna ay sawirro ka qaadeen guriga Erdo gan,” sida ay ku warrantay Anadolu.
Wasiirka arrimaha dibedda Israel Yair Lapid ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku ad keystay in labadaas qof "aysan u shaqeyn wax hay’ad Israeli ah.”
Lapid ayaa qoyska lamaanaha u sheegay in dowladda ay ka shaqeyneyso in xal loo helo kiiskooda. Xiriirka Israel iyo Turkey ayaa aad u xumaa, tan iyo markii ay safiirada kala qaate en 2018, kadib markii Yahuudda ay dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah ku dileen Gaza.
Maxaa laga damacsanaa sawirka muranka dhaliyey ee lamaane Israeli ah ay ka qaadeen guriga Erdogan?
Xizbullah ‘oo dhaqdhaaqyo ka wada’ dalka Colombia
Colombia ayaa Axaddii sheegtay inay isha ku hayso dhaqdhaaqyo ay kooxda Xizbullah ee Shiicada ah ka waddo dalkaas, ayada oo ku eedeysay inay fuliso falal dambiyeed.
"Laba bil kahor waxaan ku qasbanaanay inaan la tacaalno xaalad keentay inaan abaabulno howlgal lagu qabtay laguna eryey laba dambii layaal oo ay shaqaaleysay kooxda Xizbullah, oo ujeedkoodu ahaa inay falal dambiyeed ka fuliyaan gudaha Colombia,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga Colombia Diego Molano oo wareysi siiyey wargeyska maalinla ha ah ee El Tiempo.
Ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhe er oo ku saabsan howlgalka dowladda. Hase yeeshee wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wa reedyo ka tirsan sirdoonka militariga, ayaa she egay in kooxda reer Lubnaan ay basaaseysay ganacsato Mareykan iyo Israeli ah oo ku sug an Colombia.
Dalka Colombia ayaa waxaa ku nool jaaliy ad reer Lubnaan ah oo tiro muuqato leh.
Kooxda Xizbullah ayaa waxaa horey loogu warramay inay ku sugan tahay dalka Venezu ela iyo dalal kale oo ka tirsan Latin America.
Molano ayaa sheegay "inay jirto halis la xiriirta joogitaanka Xizbullah ee Venezuela iyo halista amni ee Colombia uga iman karta xiriirka ay kooxdaas la leedahay kooxaha argagixisada ee ku sugan dhinaca xuduudda Venezuela.”
Isaga oo booqasho Israel uu ku tegay ku we hliya madaxweyne Ivan Duque, ayaa Molano wuxuu 8-dii November sheegay in labada dal "ay wadaagaan cadow guud oo ah Iran iyo Xiz bullah.”
Hase yeeshee wuxuu Axaddii sheegay inuu ku deg degay hadalkaas. Hadalkiisa ayaa waxaa aad looga cambaaree yey Iran – oo Co lombia la laheyd xiriir diblomaasi tan iyo 1975-kii – waxaana safiirka Tehran ee Bogota Moha mmad Ali Ziaei uu sheegay "in burburinta xiriir ka aysan dan ugu jirin shacabka.”
Madaxweyne Duque ayaa goor dambe she egay "in Colombia aysan eregyga ‘cadow’ u ad eegsan dal kale,” isaga oo intaas ku daray "in taas aysan ka dhigneyn inaan ku kala aragti duwanweyn su’aalaha gaarka ah ee Iran.”
AFP + VOA
FBI-Da Oo Walaac Ka Muujinaysa Weeraro Culus Oo Kaga Imaanaya Internet-Ka
FBI-da ayaa billowday baaritaan kaddib markii kumannaan farriimo e-mail oo been ab uur ah laga soo diray mid ka mid ah Server-ya dooda, waxaanay fariimaha asi ka digayeen suurtagaln imada weerar internet-ka ah.
Hay’adda ayaa sheegtay in dhacdadaas oo su baxnim adii Sabtida laga war helay ay qayb ka tahay "xaalad socota” laakiin ma ay bixin faahfaahin dheeraad ah.
Farriimahaa la sheegay inay ka yimaadde en waaxda amniga gudaha ee Maraykanka.
Waxaana lagu sheegay in ay digniin ka bixina yaan khatar soo fool leh, waxaana cinwaan loo ga dhigay: "Degdeg: Halista soo dhex gashay kombuyuutarrada.”
E-mail-ladu waxay u sheegeen dadka loo diray in lagu beegsanayo "weeraro casri ah oo xidhiidh ah” oo ay soo qaadayaan koox dadka kombiyuutarada ka jabsada oo lacago baad ka ah qaata lana yidhaa Dark Overlord, sida lagu baahiyey website-ka la socda weerarada nooc aas ah ee la yidhaa Spamhaus.
Saddex nin oo loo soo qabtay qaraxii Maga alada Liverpool
Booliska la dagaalanka argagixisada ee dalka Ingiriiska ayaa Axaddii saddex nin u soo qabtay qaraxa ka dhacay afaafka hore Isbitaal ka Hooyada iyo Dhallaanka ee Magaalada Liv erpool ee waqooyiga dalkaasi.
Gaari Taksi ahaa ayaa ku qarxay ka soo ho reedda Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka. In ta la xaqiijiyay hal nin oo gaariga saarnaa ay aa ku dhintay, wadihii gaarigana uu dhaawac fudud soo gaaray, ka dib markii uu gaarigaasi ka booday.
Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in saddex nin loo soo xiray falkaasi, inkastoo aanay kala caddayn in raggaasi ku lug leeyihiin qaraxaasi, balse ay weli baaritaan wadaan.
Ciidamada Booliska ayaa Habeen hore u dhacay gu ryo ku yaala xaafadaha magaalada qaarkood, oo ay ka soo qab qabteen raggaasi.
Cabdnuur Ibraahim Cabdalla oo ah Sooma ali degan Magaal ada Liverpool ayaa sheegay in darawalka uu ka booday gaari ga, ka hor intii aanu is qarxin ninkii rakaab ka ahaa, ee uu si day.
"Waxaa qarxiyay qof rakaab ah oo Taksiga la socday. Darawalkii waday gaariga ayaa ka booday, qofkii ku dhex jiray ayaana is qarx iyay, sidaa ayuuna ku qarxay gaariga, sida la xaqiijiyay.” Ayuu yiri Cabdnuur Ibraahim oo VOA la hadlay.
Cabdnuur Ibraahim ayaa yiri "Dareenka magaalada waa iska cabsi cabsi oo arrintani arrin aan horey u jirin bay ahayd, magaalada ugu fiican wada noolaashaha bay ahayd, marka UK guud ahaan loo fiiriyo.”
Xaafadaha laga soo xiray raggaasi ayaa waxaa ku badan Muslimiinta, waxaana xusid mudan in Liverpool ka mid tahay magaalooyinka ay Jaaliyadaha Muslimiinta ugu badan yihiin dalkaasi, iyadoona ay degan yihiin Soomaali fara-badan.
HAMBLAYO DHALASHO FARXAD LEH
Aabbe Cismaan Axmed Jimcaale {Dr.Jimmy},Hooyo Safiyo Xuseen Maxamuud,Adeer Maxamuud Axmed Jimcaale {Xaaji Shataar} & Car uurtiisa, Adeer Muxuddiin Axmed Jimcaale {Tusbax}, Eddooyinka kala ah:- Salaado Axmed Jimcaale,iyo Carruurteeda, Madiino Axmed Ji mcaale iyo Carruurteeda, Xabiibio Axmed Jimcaale {Biibto}, Yuusuf Cismaanciil Axmed {Carrabeey}, Maryan Axmed Jimcaale iyo Carru uteeda, Safiyo Axmed Jimcaale iyo Carruuteeda, Nuurto Cali Cumar iyo Carruurteeda, Qadro C/laahi Cali Hagareey ,& Seygeeda Carruur teeda, Xamdi Cumar Xasan, Maxamed Xasan Xuseen {Anaa leh} & Xaaskiisa & Carruurtiisa, Naasir Cali Cumar Xaaskiisa iyo Caruurtiisa, Najiib Cali Cumar Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Nuuradiin Cali Cumar Xaaskiisa iyo Carruurtiisa, Nasro Cali Cumar,Seygeeda iyo Carruurt eeda, Nimco Cali Cumar iyo Carruurteeda, Maxamed Cismaan Axmed,Qaalid Cismaan Axmed Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Wardo Cismaan Axmed & Seygeeda,Munasar Cismaan Axmed, Muna Cismaan Axmed,Maahir Cismaan Axmed, Ayaan Cismaan Axmed Ayuub Cismaan Axmed, Cabbiir Cismaan Axmed, C/raxmaan C/hi Cali {Mashaari}, Raxmo Maxamed Maxamuud {Lajecel}, Cabdi Cali Xasan Yuubane Xaaskiisa Shiino Axmed Rooble iyo Carruutooda, Maxamuud Axmed Xasan Xuurshe, Nuur Maxamed Cali N.Qamadi, Macaliin Xasan Dha mmaan Dadkaasi waxaay halkaan ugu Hambalyeynayaan YAXYE ABUKAR AXMED & XANNAAN CISMAAN AXMED JIMCAALE oo Wiil ugu dhashay 13-ka Nov. 2021-ka Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Degmada Shibbis Wiilkaa soo loogu MagacdaraySAKARIYE YEXYE ABUUKAR AXMEDwaxayna leeyihiin Alle haka dhigo kii soo Bar-Baaro oo Daliisa Dadkiisa iyo Diintiisaba Anfaca
AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA M.TIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA NOV. 2021-KA
.